GORFAYN: Dabinkii Jiraalka – Diiriye-Maarkoos | Maxamed Xirsi | Vol: 01 – Cad: 65aad

 1,803 View

Indheergarad – Noofenbar 09, 2020 – Lammin – Vol: 01 – Cadadka: 65aad

Sheeka-faneedda “Dabinkii Jiraalka – Diiriye Maarkoos” ee uu qoray Maxamed Xirsi, waa isku day dhab ah oo looga hadlasiinayo afkaaraha iyo aydaloojiyadaha iska soo horjeeda ee dhex mushaaxaya gunta qofka Soomaaliga ah, wuxuuna soo bandhigayaa xilli taariikheed muhiim u ah taariikhda Soomaalida. Waxay sheekadu ku saabsantahay dhacdooyin dhacay xilligii xukuumaddii madaniga aheyd illaa iyo aasaaskii dawladdan federaalka ah ee hadda jirta. Wuxuu tabiyuhu qaab sheeko male-awaal ah u soo bandhigayaa sheekada iyo matalayaal hardamaya oo isku dhexjira isla mar ahaantaana; waxay xanbaarsantahay is-bedello ayadalooji ah iyo mid dhaqan oo xoog leh, waxayna u qaab-dhigaysaa hab falsafadeysan nuxurka sheekada oo kala duwan sida: Maarkasiyadda, Feminisiga, Dawlad-qabiileedka, iyo sidoo kale Jihaadka Islaaminyiinta.

Waxay sheekadu sugaysaa dhacdooyin qoys Soomaaliyeed oo ay nolashu ragaadisay astaamahoodina doorsoomeen, qof weliba oo ka mid ah qoyskaasna wuxuu tusaale nool u yahay bulshadda Soomaaliyeed qayb ka mid ah. Waxaad ka dhex arki kartaa Diiriye shuuciyadda, Geedina xagjirnimada, Dhudi Femiinisiga iyo Oday Dhaqameed. Sheeko-tabiyuhu wuxuu ku guulaystay inuu ku-kulansiiyo sheekada dhammaan dadkaas kala duwan, wuxuu dhex tiimbanayaa isbeddellada aayahooda, kamana marna sheekadu jees-jees hoos oo dheesha nolosha iyo mugdigeeda ah. Inta aan akhrinaayey sheekadan waxaa ii muuqanayey is-beddellada waaweyn ee ku dhacay shakhsiyadda qofka Soomaaliga ah. Is-beddelkaas oo ka soo burqamaya fajac-dhaqameedka ay la kulmeen inta ay magaaloobeen ka dib oo ay ku milmeen bulshooyin kale ee dariska la ah iyo kuwa kale ee fogba.

Waxa inoo muuqanaya ka hor qofka Soomaaliga ah inta uusan furfurnaanta dhaqan uu la yeelan adduunka kale wuxuu ka marnaa loollanka aydaloojiyadeed ee gudihiisa ku jira hadda, fahankiisa nololeedna wuxuu ku koobnaa oo keliya badqabka aqalkiisa baadiye iyo reerkiisa. Sooyaalkeenna ugubka ahna waxaannu ka heleynaa shakhsiyadda Maxamed Cabdullaahi “Sayidka” oo kale, kaas oo isku beddelay wadaad Axmediya ah oo halgamaa ah xilligii Guumesytaha. Sidaa oo kale dhaqdhaqaaqyadii Islaamiyiinta ee laga soo minguuriyey afkaartooda Sacuudiga iyo Masar markii ay ka heleen deeqo waxbarasho waddamadaas. Xitaa Md. Maxammed Siyaad Barre iyo afkaartiisii shuuciga ahayd ee uu dhaqangaliyey ka dib markii uu talada kula wareegay afgambi. Dhammaan isbeddelladaasi waxay ku dhaceen shakhsiyaadkaas ka dib markii ay ku soo laabteen waddanka. Sidaas si la mid ah ayaanu ka dhex arkeynaa sheekadan isbeddello u eg kuwaas oo aynu la noolnahay. Riwaayaddu waxay ka kooban tahay 187 bog, muggeeduna dhexdhexaad yahay. Waxa ayna ka soo baxday Madbacadda Hiilpress, Qaahira 2019. Waana buuggii ugu horreeyey ee uu qoray Maxamed Xirsi.

Diiriye: Ashcarigii Maarkiska Noqday

Waxay riwaayaddu ku bilaabanaysaa xilli ay ku jirtay Soomaaliya xasillooni iyo deganaan siyaasadeed. Waxayna ahayd waxbarashada Suufiyadu mid hanaqaad ah. Wuxuu heley Diiriye fursad uu ku dhigto culuumta Islaamka ee jaamacadda As-har, waxyna aheyd xilligii xukuumaddii madaniga ahayd (1960-1969), waxaana soo laabtay Diiriye oo Ashcari ah. Ka dib waxa Mudqisho ka dhacay afgambi aysan cidi ku dhiman, oo ay hoggaaminaayeen Janaraallo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana laga shaqaalaysiiyey Wasaaradda Gaadiidka, taas oo ah mid ka hooseysay hankiisi shaqo marka loo eego qof bartay culuumta Islaamka. Muddo ka dib, waxay maqaadiirtu oggolaatay inuu Diiriye helo deeqo waxbarasho oo waddanka Ruushka ah. Si baqdini ku jirto ayuu u bilaabay inuu akhriyo buugta Kaaral Maarkis ee caddaaladda bulshada iyo sinnaantooda, wuxuuna bartay Kaaral saaxiibkii Firidrik Ingilis. Sidoo kale wuxuu akhriyey maqaalkiisi qabyada ahaa ee “Kaalinta ay muruqmaalnimadu ka qaadatay in daanyeer-la-moodkii afar-addinlaha ahaa isu rogo dad” iyo qaar kale oo ka mid ah buugaagtiisi falsafadda.

Haddaba waxay falsafaddaas maadiga ah ku yeelatay jiraalkiisa saameyn weyn taas oo u beddeshay qof mulxid maarkisi ah oo shaarbo miiqan. Soo laabashadii Diiriye ee Muqdisho waxay ahayd mid ay haraysay cabsi. Durbadiiba wuxuu bilaabay inuu naqdiyo hannaanka hanti-wadaagga dalkiisu u shaqeynayo, wuxuuna ku eedeeyey inay tahay “Hanti-wadaag aan aqoon ku dhisneyn” taas oo u soo jiidey in la xiro ka dib mar uu la kulmay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku nagaaday xabsiga muddo shan sannadood ah. Ismana aysan beddelin afkaartiisi ilxaadka aheyd iyo aragtidiisi madoobeyd ee nolosha. Wuxuu ku laabtay Qaahir oo uu ku noolaan jiray waagii hore uu Suufiga Ashcariga ah ahaa. Wuxuuna ku shaqeeyey Tarjume ahaan xaruun cilmi-baaris, ka dibna wuxu fursad u
helay inuu u hayaamo Galbeedka Yurubta Waqooyi.

Ma aysan garaneyn bulshada Soomaaliyeed ee muxaafidka ahi ilxaadka Diiriye, taas ay ugu wacneyd shakhsiyadda Diiriye oo ahayd mid xirxiran. Wuxuuna ka baraxtirnaa dhammaan wixii dhaqan iyo diin ay bulshadiisu lahayd. Wuxuu u arkay nolashu in ay tahay: “Shar miid ah iyo dabin lagu dagay dadka.” Waxayna bulshadu ku tilmaami jirtay inuu yahay nin aan tukan, hase ahaate waxaa ku dhex nool ninkaas “Afkaar maaddiya oo maarkisi ah” taas oo ku dhex-gaamurtay ka dib intuu ka soo laabtay Ruushka.

Markan danbe Diiriye wuxuu ku soo laabtay Muqdisho oo ay astaamaheedii lagu garan jiray isbeddeleen, ayna galbatay muuqaalladii xilligii hanti-wadaagga lagu yaqaannay. Wuxuu si kadis ah ugu biiray oo uu xubin ka noqday ururka bulshada rayidka ah matalaayey oo loo aasaasey sidii ay dib ugu yagleeli lahaayeen baarlamaankii ugu horeeyey ka dib burburkii waddanka halakeeyey. Qadarta oo ka maadeysanaysa ayuu noqday xubin ka tirsan baarlamaanka xukuumaddii ku-meel-gaarka aheyd ee wakhtigaas, wuxuuna ku helay hannaanka dawliga ah ee qabiilka ku dhisan ee la isku raacay oo uu Diiriye markii horeba ka soo horjeeday. Wuxuuna damac ka galay inuu ku biiro golaha wasiirrada wakhtigaas ma se helin, waayo? Wuxuu Diiriye ahaa nin xirxiran oo aan xiriir qoto-dheer la laheyn bulshada uu ku dhex noolyahay, gaar ahaan dabaqadda siyaasiyiinta ah ee dawladda uga fara dhuudhuuban.

Waxay mataleysaa shakhsiyadda Diiriye ee isbeddelka gunta ahi ku dhacay, isaga oo wadaad Suufi Ashcari ah ahaa haddana u xuubsiibtey Maarkisi Diinlaawe ah tusaale: sida ay shakhsiyadda qofka Soomaaliga ahi isku beddesho weliba si ba’an. Mana yaqaan qofka Soomaaliga ahi dhexdhexaadnimada loollanka ku dhisan fikirka iyo dhaqanka ee ka jira caalamka. Wuxuuna u janjeeraa ku talax-tagid inta badan ba.

Geeddi iyo Isbedellada Dhayalka ah

Marka aan eegno dhanka kale ee sheekada, waxaan arkeynaa shakhsiyadda Geeddi, isaga oo matalaya qof ku korey Soomaaliya oo dhaqan reer Miyi leh. Waayo aabbihiis waa caaqilka guud ee reerkooda. Ka hor inta uusan dhicin dagaalkii sokeeye ayey qoyskiisu u hayaameen Maraykanka. Sida caadada ah, Soomaalida ku nool dibadda uma aysan suuroobin in si dhakhso ah uu ku milmo dhaqanka bulshada Mareekanka bilowgii imaanshahooda. Hase ahaate muddo ka dib wuxuu Geeddi ka abuurtay xiriiro saaxiibtinimo jaalliyadda Soomaalida dhexdeeda.

Haddaba habeen habeennada ka mid ah ayuu Geeddi kufsaday gabar Soomaali ah isaga iyo kooxdii cusbeyd ee saaxiibbadiis aheyd. Waxay isku dayeen labada qoys in ay arrinta asturaan oo ay ku dhammeeyaan “Xaal iyo Xeer Soomaali“. Hase haate, hawshu waxay gaadhay maxkamadda gobolka ay degnaayeen, waxayna tagtay in Geeddi la xiray muddo lix bilood ah. Intii lagu guda jiray dhageysiga maxkamadda wuxuu la amankaagay xeerhayaha guud ee gobolkaas marka ay dalbadeen reerkii dhibbanaha ahaa inay cafiyeen danbiilaha. Si cad ayey gabadhii dhibbanaha ahayd u tiri: “Anigu waan cafiyey Geeddi“. Xeeri-ilaaliyuhu dheg-jalaq uma siin hadalkii reerka gabadha ay soo gaarsiiyeen wuxuuna Geeddi ku xukumay toban sannadood oo xarig ah. In kasta oo ay reerkii gabadha iyo reerkii wiilka ay gaashaanka-u-duruureen go’aankaas. Waxa madaxa isla galay dhaqan dhaqameedka Soomaaliga ee odaygu gooyo iyo leebaraalliyadda galbeedka ee aan aqoonsanayn oo dheg u dhigin dhaqamada duudsiiya xaquuqda gabdhaha.

Waxaa ku dhacay shakhsiyadda Geeddi isbedello nafsiya iyo mid dhaqan ka dib markii uu soo dhammaystay muddadii xariggiisa. Wuxuu ku soo laabtay waddanka isaga oo aan cidna u sheegin safarkiisa, isla markuu soo gaaray waddanka wuxuu macmiil ka noqday goobaha lagu marqaamo khamrigana lagu cabo. Sidoo kale waxaa soo maray xiriir guur oo guuldarraystay; isagoo Basra guursaday. Wuxuuna ula dhaqmay si kakanaan iyo cunfi leh, illaa uu markiii danbe furay. Maalmo adag oo Geeddi noolaa ka dib, wuxuu isku dayey inuu galo tijaabo cusub. Wuxuu aadey maasaajidka si uu ugu soo tukado salaadda casar isaga oo galabtaa laga kala yaaciyey marqaankiisi, ka dib dood dheer oo uu la galay walaashii Dhudi oo ah Feminiiste xagjir ah.

Markaad u fiirsatid isbedellada dhayalka ah ee ku dhacayey qaab-u-fikirka Geeddi, waxaad ogaanaysaa sida uu u noqday nin gabar kufsaday oo dibad-joog ah, mujaahid naftiis hura ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqyada jihaadiyiinta ee Soomaaliya. Kol dambe wuxu isku dayey inuu dilo saaxiibkiis oo ka goostay kooxdiisa ka dib markii uu shaaciyey inuu noqday wadaad qunyar-u-socod ah oo gacan saar la leh dawladda Soomaaliya. Ugu danbeyntii, wuxuu Geeddi ku dhimanayaa is-miidaamin uu ula gol lahaa inuu ku dilo saxiibkiis. Hase ahaate waxaa ku dhimanaya goobta Diiriye Markoos iyo xaaskiisa xildhibaan Sahro iyo dad kale oo goobta fadhiyey.

Dhudi: Dhibbanaha Feminiisiga Isku Beddashay

Waxay ku soo laabatay Dhudi oo yar waddanka iyada oo ka timid Mareekanka. Waxayna u timid sidii loogu toli lahaa dhaqanka loona bari lahaa diinta Islaamka. Waxay markii ay soo gashayba la qoray dugsi Qur’aan xaafaddooda ku yaal. Kolkiiba waxay u gacangashay macallinkii dugsiga oo weyddiistay reerkooda. Macallinku wuxuu la xiriiray aabbaheed, hase ahaate maysan aheyn Dhudi mid doonaysa in ay guursato macallinkeeda. Waxay qabtay in aanay weli da’ guur gaarin, ogaalkeeda nololeedna xoogeysan. Qaddartu se wax kale ayey la maaganayd Dhudi. Waxaa loo amaamuday xaflad guur oo la jaanqaadaysa jeebka macallinka dugsiga. Da’deedu waxay markaa ahayd kaliya shan iyo toban sannadood. Amminkiiba waxay dhashay saddex ciyaala ah oo isku xigxiga iyada oo aanba labaatan gu’ gaarin.

Sannado badan ka dib markii ay ku soo laabatay Mareekanka, waxay ka fasakhatay maxkamadda markuu diiday ninkeedi inuu si is-ogol ah u furo. Nolashaas qalafsan waxay ku abuurtay Dhudi cuqdad iyo naceyb ay u qaado dhammaan ragga Soomaaliyeed. Waxayna ku biirtay inta ay joogtay Mareekanka ururrada u dhaqdhaqaaqa haweenka. Sidoo kale markii ay ku soo laabatay waddanka guda-gashay fulinta fikradaheedii la dagaallanka dhaqan “nineedka” u xagliya had iyo goor ragga. Waxaase fajaciso ku noqotay Dhudi mid ka mid ah carruurteedii inuu noqday xagjir xubin ka ah ururadda jihaadiga ah ee maamusha qeyb ka mid ah waddanka.

Wuxuu milicsan karaa qofka akhrinayaa sheekadan inuu qoraagu si xooggan u naqdinayo dhaqanka bulshadda Soomaalida iyo sida ay ula falgalaan qoyskooda, wuxuuna ku sifeynayaa inuu yahay dhaqankaasi mid dulmi u badan kana soo horjeeda sinnaanta qoyska ee u dhaxeysa ragga iyo dumarka. Taas oo uu leeyahay waa sababta keentay in ay Dhudi, Basro iyo hablaha kale ee sheekada ku jiraa in ay la noolaadan jabkaas nololeed iyo silicaas. Waxaana noo muuqan kara inta aan ku dhexjirno sheekadan akhrinteeda sida ay saameyn ugu yeelatay shakhsiyadda qofka Soomaaliga ah isbeddellada aydaloojiyadeed ee Maarkisiyadda, Feminiisiga, Jihaadiga saameynta taban ee ka dhashay loollanka afkaarahaas isdiiddan ee tabiyuhu warinayo. Dhanka kale aydaloojiyadahaasi waxay caddeeyeen sida uu qofka Soomaaliga ahi u nugul yahay, isaga oo isbeddelkiisu ka maranyahay wax maangal iyo anshax la xiriira; wuxuuna u hurayaa naftiisa isbeddeladdaas dhalanteedka ah.

Sidoo kale waxa dood la gelin karaa suurtagalnimada isbeddelladaas xawliga ah ee dhammaan ku wada arooray godanka xagjirnimada iyo halaaggu in looga cabbir qaadan karo shakhsiyadda qofka soomaaliga ah, iyada oo aynu maanka ku hayno in sheeko-faneedda gorfeyneed ay tahay mid aan ka bixi karin seeraha “Sheeko ku dhisan male’awaalka“, aysanna qasab ahayn sugnaanshaha sida wax loo buunbuuniyey. Haddana waxaa muhiim ah in aynu xusno isbeddelladaasi ma waxay u gaaryihiin qeyb ka mid ah bulashadeenna mise waa sawir qeexaya qofka Soomaaliga ah oo muujinaya nuglaanshihiisa, sugnaan la’aantiisa iyo heerka caaddifadda ku gibilan? Si walba oo ay ahaato ba, waa dood aan u muuqan in lagu dabbiqi karo caqliyadda qofka Soomaaliga, lagana keeni karo weyddiin ah: intee in le’eg ayey matalayaasha sheekadu qeexayaan qofka Soomaaliga ah? Sidoo kale wuxuu qoraa Xirsi innoogu sheegayaa afeefta buugga in ay sheekadu ka warramayso qeyb ka mid ah bulshada. Taas oo la macna ah in aan sinnaba loogu jaangoon karin matalayaasha sheekada iyo isbeddelladoodu in ay tahay tan keliya ee sawiri karta caqliyadda qofka Soomaaliga ah.

FG: waxa qormadan la daabacay asalkeedi iyadoo Af-Carabi ah. Isla qoraaga ayaa Afka Soomaaliga u soo rogay. Qoraalka iyo aragtidiisuba isaga ayeey u dhowranyihiin.

W/Q: Maxamed Siciid Mire
Email: Mireyare8@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “