Kaalinta Haweenka ee Nolosha Reer-Guuraanimada | Vol: 01 – Cad: 68aad

 1,069 View

Indheergarad – Noofenbar 18, 2020 – Koodaar – Vol: 01 – Cadadka: 68aad

Hordhac

Nolosha bulshooyinka adduunyadu waxa ay ka koobantahay qoysas kuwaas oo u sii kala qaybsama tiro hablo iyo wiillala. Hawlaha lagama maarmaanka u ah nolosha bulshadu waxa ay ku qaybsantahay ragga iyo haweenka qabashadoodu. Sidaas oo ay tahay qaabnololeedka ummaddaha adduunyadu waa ay kala duwanyihiin oo bulsho waliba waxay u nooshahay habnololeed u gooniya ama ay qayb bulshooyinka kale ah kala simantahay. In badan oo dadyowga reer-guuraaga ah waxay ku dhaqanyihiin badidood qaaradda Afrika, qayb ka mid ah oo tiro baaxad ah lehina waxay Afrika kaga noolyihiin dalalka Bariga ama Geeska Afrika ku yaal. Malyuumaadka qof ee reer-guuraaga ku dhaqan Bariga Afrika waxaa safka hore kaga jira ama ugu horreeya bulshada Soomaalida oo ah dad badidood ama dhammaantood reer-guuraa ah. Qoomyidaha kale ku uuman Bariga Afrika ee reer-guuraaga ah waxaa ka mid ah: Canfarta oo ku nool dalalka Jabbuuti, Itoobbiya iyo Ereteriya, Cababdaha oo ku dhaqan Suudaan iyo dalka Masar, Bejaha oo ku kala nool dalalka Suudaan, Masar iyo Eretariya, Oromada Booranta oo ku nool Itoobbiya iyo Waqooyiga Kiiniya, raandhiilaha oo deggan dalka kiiniya, iqk.  

Marka aanu leennahay reer-guuraa, waa dad noloshoodu ay ku xidhantahay xoolaha nool dhaqashadooda. Waxa noloshooda udub-dhexaad u ah xoolaha nool taasi oo keenta in ay meel kaste oo ay xoolahaasi biyo iyo baad ka helayaan ay uu raacaan una guuraan. Nolosha reer-guuranimadda marka laga hadlayo waa khasab in laga hadlo nolosha bulshada Soomaalida sababta oo ah, bulshada Soomaalidu waa bulsho xooladhaqato ah badina ku nool dhulka miyiga ah. Nolosha ku salaysan u guuridda hadba meeshii daaqsin iyo biyo leh, waa nolol la marayo safar dheer oo halgan ah, kaasi oo dhammaan xubnaha qoysku ka qayb qaadanayaan haddii ay yihiin ragg, haween iyo carruurba. Haddaba qormadan waxa aanu kaga hadli doonnaa kaalinta ay haweenku ku leeyihiin nolosha reer-guuraanimada, khaasatan haweenka Soomaalida, haddii ay tahay raridda reerka ama dejinta reerka, doorkooda xoolaraacidda iyo dhaqasheed, iyo doorka guud ee ay ku leeyihiin xaalada qoyska reer-guuraga ah.

Barbaarinta Gabadha iyo Kaalinteeda

Dhulka reer-guuraagu deggan yihiin waa dhul badi cimillo ahaan qallafsan, roobab yarina ka da’aan taasi oo keenaysa in nolosha qoysku uu noqda mid geeddi ah, xataa marka reerku uu geeddi ka oolyahay noloshoodu waa mid hayaan iyo socod u badan. Taasi waxay khasab ka dhigaysaa in ubadka yaryar ayna qaadan barbaarin dheer ee ay horay ka bilaabaan halganka nolosha iyo kaalinta kaga aaddan isla markaana ay masuuliyad adag dhabarka u rittaan, iyaga oo aan gu’yaal badan jirin. Waxa aanu halkan ku soo qaadanaynaa qoraal ku xusan buugga “Guri Waa Haween” oo si faahfaahsan oo qotodheer uga warramaya kaalinta waajib iyo wax qabasho ee gabadha reer-guuraaga ahi la korto.

Qoraalka waxa ku xusan wareysi haween waaya-aragnimo badan u leh waayaha ay ku hanaqaaddo gabadha reer-guurayadda ahi. “Khadiija: ‘ Inantu marka ay laba jirsato ayay aabbaheed kabaha u soo qaaddaa, hooyadeedna u qabbaantaa (u shaqaysaa). Hooyadu waxa ay inanteeda xilligaas ku tidhaahdaa: Hooyo kaalay oo waxan ama waxaas ii soo qabo; hooyo tan ii dhiib, taas kale i sii, teer la kaalay, toona ii tiigso iwm. Inantu intaaba waa ta ku tallaabsata ee ku addeecda hooyadeed ee u soo qabata” Marka uu gu’geedu afarta sannadood ka gudbo, waxaa inanta lagu tiriyaa ciidanka reerka. Waxa ay noqotaa kambal joog aan ka fogaan jabadka reerku deggan yahay, maqashana waa ta loo diro ee ku soo rogrogta oollimaadka iyo degelka reerka duleedkiisa.

Muddo yar ka dib, marka ay gabantu sii kortaba (hanaqaaddaba), waxa ay hooyadeed ka kaabtaa (ka caawisaa) hawlo badan oo guriga dhexdiisa iyo dibeddiisaba yaalla. Khadiija Maxamed Qoodaaf oo taasi sii gorfaynaysa: “Adhiga ayay wax ka xaraysaa, maqasha ayay qoolasha mareegta ku xidhxidhaa ama qalwada (edegga) ku gurtaa. Marka adhiga la lisayo (la maalayo) ayay hooyadeed ri’yaha ama idaha u qaqabataa, caanahana ka qaaddaa oo weelkii dhitada ku shubtaa.” Waxa ay inantu xilligani u go’daa oo lagu aaminaa raacitaanka iyo xannaanaynta maqasha waxaro iyo naylaba, waxarta ama naysha muqlowda ama shilintu cuntay ee u dhaqaaqi weydana daryeeshaa oo shilinta ka gurtaa.

Gu’tirsigeeda 5aad laga bilaabo, waxaa kale oo inanta Soomaalidu ay ka adkaataa in ay hooyadeed xaabada u soo gurto, dabka u huriso (u shiddo), shaaha u dhardhaarto (dabka u saarto), ilmaha hoos uga sii yarna u ciyaarsiiso oo u koolkooliso. Marxaladda taas ka sii dambaysa oo ah 7-10 jirkeeda, waxaa gabantu ay hooyadeed kala wareegtaa dhammaanba hawlaha fudud oo dhan guriga dhexdiisa iyo dibaddiisaba. Waxa ay bilowdaa in ay cuntada bislayso, maacuunka ama weelkana way cushaa, hogaysaa ama xashaa, aqalka gudihiisa iyo hareerihiisa ayay nadiifisaa oo mafiiqda ama xaaqinka marisaa, waxaa kale oo ay hagaajisaa gogosha iyo dharka carruurta oo ay laalaabto, waxa ay ka adkaataa haynta carruurta, iyada oo u heesta oo maaweelisa inta ay hooyadu u soo gacan baxayso. Waxa kale oo ay inantu lushaa oo weedhaamisaa haanta caanaha lagu lulo, waxaana ay raacdaa oo dayaca iyo dacawada ka hirtaa (ka ilaalisaa) adhiga, iyada oo wax ka baranaysa inta ay adhiga la joogto sida maydhaxda loo diiro, sida maadha loo guro, sida xadhigga loo sooho ama harrarka (cawska) loo unko (sameeyo), sida dermada loo falkiyo, sida haanta ama dhiisha loo tolo iwm.

Khadiija Maxamed Qoodaaf iyo mar kale: “Gu’geeda 12aad waxa ay inanta Soomaalidu ku tallaabsataa in ay maydhaxda soo diirato, xadhigga soohdo, maadha soo gurato oo harrarka dareeriso oo unugto ama samayso. Da’ kastaba ha ku gaadhee, waxa ay inantu docda hooyadeed ku diyaarsan jirtey kaydkii aqal-galkeeda ka dib barada u noqon lahaa”. Wax yar oo aan badnayn ayaa kaydkaasi inanta loogu kordhin jirey oo loogu biirin jirey, inta kale iyada ayaa gacanteeda farshaxannimo ku samaysan jirtey, dhisina jirtey guri qiimo leh oo bilcanta, ninkeeda iyo ubadkeeda gabbood uga noqda milicda, dhaxanta, dabaysha, roobka iwm. (Maxammed B. X. Xasan, Guri Waa Haween, boggaga 12-16) Nolosha bulshada reer-guuraaga ah marka laga hadlayo barbaarinta guud ahaan ubadka reer-guuraaga ah, khaasatan gabdhaha waa ay ka geddisan tahay sida bulshooyinka kale oo waxa ay ku sar go’an tahay barbaarinta ubadku hadba sida uu ilmuhu u guto shaqada la tamarta ah. Waxa halkaas ku cad in gabadha lagu barbaariyo in ay u jajabnaato masuuliyadaha ay la kori doonto kuwaasi oo marba marka ay da’deedu korodhoba culayskooda iyo tiradooduba ay sii korodho. Korriinka gabadha in uu guulaystay waxa laga qiimeeyaa muuqaalka guud iyo kartida waxqabasho ee ay leedahay. Wax kaste oo ku saabsan hawlaha u khaaska ah gabadhu waxa ay ka barataa waxsheega hooyadeed iyo ficilada da’aha ka waaweyn ee haweenka ah.

Kaalinta Haweenka ee Aas-aaska Qoyska Reer-guuraaga ah

Baarbaartu marka ay gaadhaan da’da qaangaadhnimada waxa ay isku diyaariyaan ragg iyo haweenba sida ay u heli lahaayeen barbaar ay nolosha kula midoobaan una aas-aasi lahaayeen qoys iyo reer ay iyagu leeyihiin waayo? Si dabiici ah ayaa ay u dareemaan in ay masuuliyaddaa qaadi karaan. Sida bulshooyinka kale ayaa ay qoska reer-guuraga ahina qoyska unkiddiisa ragga iyo haweenkuba uga wada qaybqaataan oo uu mid waliba door u gooniya leeyahay. Marka laga yimaaddo haasaawaha iyo u-gogol-xaadhashada qoyska, haweenku waxa ay leeyihiin doorka ugu mudan ee aas-aaska qoyska. Waxa ugu mudan ee ay qabtaani waa diyaarinta, dhidbidda iyo dhammaystirka guriga ay deggayaan qoska cusubi, iyaga oo arrintaa hirgelinteeda ku bixiya wakhti badan iyo waliba hawl aad u baaxad leh.

Kuma koobna oo kaliya dhisidda aqalka ee waxa ay diyaariyaan badi ama dhammaan agabka lagu isticmaali doono guriga uu degayo qoyska la ebyay.  “Aqal-dhaqameedka Soomaalida iyo waaxyaha uu ka koobmo waxa ku fara yaraysata oo muhandis (Engineer) ka ah haweeneyda Soomaalida. Weelka iyo waxa lagu dhex isticmaalo aqalkaasi waxa ay marwada Soomaalidu ka soo dheegataa oo kala soo baxdaa deegaankeeda ku hareeraysan iyo ciidda ay ku dul socoto. Aqalkaas dhan ee Soomaalida iyo weelka iyo gogoshiisuba, waxa ay ka kooban yihiin qori, caws, maydhax, harag (saan) iyo dhoobo. Marwadu iyada ayaa aqalkaasi dhista, waxaanu gurigaasi iyada (haweeneyda), odaygeeda iyo ubadkeeda gabbood uga noqdaa oo ay ka dugsadaan dhaxanta, waxaana ay ka jirsadaan roobka, kana hadhsadaan milicda, waana gaashaan ka celiya halista bahalka hoose iyo ka sareba”. (Maxammed B. X. Xasan, Guri Waa Haween, bogga 18)

Kaalinta Shaqada Guriga ee Haweenka

Nolosha qoyska reer-guuraagii waxa uu la mid yahay qoysaska kale ee aan reer-guuraaga ahayn. ama aan miyiga degganayn oo, sida shaqooyinku ugu qaybsanyihiin ragga iyo dumarka kale ayay iyagana ugu qaybsan yihiin ragg iyo haween. Shaqo guriga haweenayda reer-guuraaga ah waxaa ka mid ah: samaynta sooryada la cunayo, afurka, hadhimada iyo hiraabta. Shaqadan cuntasamayntu waxa ay ka soo bilaabmaysaa, ridiqa garowga ama gellayda laga samaynayo loxooxda iyo shuurada, arooridda biyaha la cabayo ama lagu karsanayo, soo guridda xaabada lagu karsanayo dheryaha ama si kale loo shidanayo, ilaa karinta iyo waliba diyaarinta sooryada. Hawsha nadaafadda iyo goglidda guriguna waa shaqo ay haweenku ku qaybsanyihiin. Sidaa si la mid ah, nadiifinta calalada ay hu’ ahaan u xidhanayaan ama u huwanayaan qayskuna waa shaqo guri ay haweenku qabtaan. Nadiifinta iyo culidda weelka ama maacuunta waxa lagu karsanayo, cunayo, kaydsanayo iyo cabbayo.

Haweenka iyo Dhiqidda Xoolaha

Dhaqashada iyo raacidda xooluhu waa udub-dhexaadka nolosha reer-guuraaga oo nolol maalmoodkoodu waxa uu ku sar go’anyahay nolosha xoolaha ay dhaqanayaan. Sida ay xooluhu u kala duwanyihiin ayaa ay masuuliyaddooduna ugu kala soocantahay ragga iyo hawaanka oo haweenku waxa ay dhaqiddooda iyo raacistooda ba leeyihiin badi xoolaha aanan jismi iyo quwad ahaan xooganayn. Waxa ay haweenku raacaan oo ay daryeelaan xoolaha sida: adhiga (Riyo iyo Idaba), xoolaha tamarta yar ama xannuunsan ee xoolaha kale la daaqsimaad tagi karin iyo dhammaan xolaha yaryar ee ku irmaan neefafka irmaan (Maqasha iyo Waylaha). Kaalinta kale ee ay ku leeyihiin haweenka hawlaha dhaqashada xoolaha waa maalidda ama lisidda xoolaha irmaan ama dhalay ee caanaha leh. Waxa ay leeyihiin doorka ama masuuliyada xoolaha daryeelkooda waajib ku aadanyihiin dhammaan haddii ay tahay raacid, xerayn, maalid iyo waliba xanaanayn oo marka lagu daro masuuliyadihii kale ee guriga ama nolosha ah ku aad u adeg oo u baahan karti iyo dedaal baaxad leh.

Haweenka iyo Geeddiga Reerka

Bulsho kaste noloshooda waxa saamayn ku yeesha oo qaabeeya deegaanka ay ku nool yihiin iyo sida ay cimilladiisu tahay, kuwa deggan dhulka beerashada iyo biyaha hodanka ku ah waxa saamayn weyn ku yeesha qaabka ay u noolyihiin cimillada oo ka dhigta kuwo ku nagi ah barta ay ku noolyihiin, isla markaana ka soosaarta wax kaste oo noloshooda daruuri u ah. Halka dadyowga deggan dhul cimilo ahaan arradan ama oomane roobku ku yaryahay ah ay noloshoodu isu bedbeddasho sida ay cimiladu isku gedgeddiso. Waxaana noloshooda astaan u ah guurid iyo geeddi iyaga oo ah bulsho heegan ugu jirta u hayaamidda hadba meeshii noloshooda iyo nolosha noolaha ay ku tiirsanyihiin ay quud ka heli karaan.

Geeddigu waa socod lagu baadi goobayo meel ay suurtagal ka tahay nolol ay ku noolaan karaan dad iyo duunyo. Geeddigu waa hayaan dheeraan kara oo noqon kara mid sannado badan meelo kala duwan lagu kala goosho dhulal aad u kala fogfog si loo suuro geliyo in biyo iyo baad nolosha bulshada iyo duunyada ay wataanba ku badbaadaan. Socodkaa dheer ee ay adagtahay in la saadaaliyo sida uu ku dhammaanayo (keliya waxa dhammaadkiisa xukumaa i uu yahay in la gaadho meel biyo iyo baad leh) waxaa ka wada qaybqaata qoyska oo dhan; carruur, ragg iyo haweenba. Sida ay arrimaha kale ee qoyska ay kaalinta muhiimka ah ugu leeyihiin dumarku ayay geeddigana uga ciyaaraan door mihiim ah. Waxay ay haweenaydu halgankeeda geeddigu ka bilaabmaa qabanqaabada socodka ilaa laga gaadhayo meesha lagu geeddi furayo.

Waxa ay haweenku ugu horreyntaba ay billaabaan in ay habeeyaan oo ay xidhxidhaan agabka guriga gudihiisa yaalla wixii daruuri ah ee inta la socda lasii isticmaali doona, iyo kuwa halka geeddiga lagu furi doona lagu adeegsan doono ayay kala basariyaan sida ugu habboonna u soo kala dhaweeyaan, si geeddiga socodku ugu fududaado allaabtuna u dheellitirnaato. Waxa kale oo ay haweenku qabtaan diyaarinta xoolaha geediga gelaya guud ahaan, gaar ahaan waxa ay u diyaariyaan xoolaha kuwooda irmaan siday ay u safri lahaayeen iyaga oo wata neefafkii ay ku irmaanaayeen. Waxa ay u sameeyaanna qaarkood kiish candho saab ah oo lagu daboolo candhada neefka. Qaar kale waxa ay dhiriq ama saxarada xoolaha ka mariyaan candhada neefka irmaan si uuna ugu dhiirran neefka yari inta la socdo in uu jaqo. Waxa ay si guud u diyaariyaan xoolaha oo ay isugu kooxeeyaan sida ugu fudud ee ay geeddiga u geli karaan.

Waxa ay sida oo kale diyaariyaan guriga uu degi doono reerku marka uu geeddi furto ee uu gaadho meel uu geeddigu ku nagaan karo. Shaqada diyaarinta gurigu waxay ka bilaabmaysaa dib u furidda dhammaan ama qayb ka mid ah guryihii uu degganaa reerku, u diyaarinta sida ugu fudud ee loo rari karo, ka dib raridda dhammaan agabka guriga lagu dhisi doono oo u badan ama ah gurigii hore oo dib loo furfuray loona rarayo sidii meel kale looga dhisi lahaa. Ugu danbaynta haweenku waxay qabtaan shaqada ugu badan ee dib-u-dejinta geeddiga iyo dib u furfuridda dhammaan wixii ay geeddiga bilowgiisii soo xidhxidheen hawshaasi ah oo mid miisaankeeda iyo waliba mudnaanteeda leh. Inta geeddiga lagu jiro haweenku waxa ay qabtaan oo kale quudinta, xanaanaynta iyo daryeelka geeddiga dad iyo duunyaba.

Haweenka iyo Go’aanka Hawlaha Qoyska Reer-guuraaga ah

Sida bulshooyinka kale reer-guuraagu waxa ay leeyihiin dhaqan u gaar ah kaasi oo uu qoys kaste oo ka mid ahi kale mid yahay qoysaska kale. Maaraynta arrimaha qoyska marka la joogo ragga iyo haweenku uma sinna masuuliyaddooda iyo go’aan ka gaadhiddooda oo hawlaha qaarkood ragga ayaa go’aamiya qaybna dumarka ayaa shaqo ku leh. Inta aynu ka hadal go’aaminta arrimaha qoyska bal aynu eegno arimaha qoyska reer-guuraga ah ee leh muhiimadda go’aaan lagu gooyo. Waxa ugu mudan nolosha qoyska reer-guuraaga ah waa; xoolaha iyo waxsoosaarka xoolaha sida, caanaha subagga, hilibka iyo hargaha ama maqaarka. Geeddiga iyo hawlihiisa, ubadka iyo arrimahooga nololeed.

Haddii aanu soo qaadanno doorka haweenka ee ku wajahan go’aan ka gaadhista arimaha xoolaha iyo waxsoosaarkooda, badi haweenka reer-guuraaga ahi malaha go’aan ka gaadhista iibinta xoolaha, cid kale siinta (sida qaraabo siinta), oggolaanshaha in yarad, sako, dhiig ama mag kale lagu bixiyo oo waxa intaas ba iska leh go’aankooda ragga. Marka ay noqoto waxsoosaarka xoolaha go’aan ka gaadhista habka loo isticmaalayo iyo guud ahaan sida loo maamulaayo waxa door aad u weyn go’aamintiisa ku leh haweenka qoyska oo leh masuuliyada iyo go’aan ka gaadhista arimahan. Geeddigu waa mid ka mid ah hawlaha ugu waa wayn ee nolosha reer-guuraaga, maamulidda arrimaha geeddiguna waa arin leh mudnaan sare sida; sahaminta arradka loo socdaalayo, halka geeddiga lagu yahay, xiliga geeddiga la gudo galayo.

Waxaas oo hawl ah go’aan ka gaadhistooda haweenka reer-guuraaga ahi ma lahan ee waxaa go’aanka ugu danbeeya iska leh ragga oo ka go’aan gaadha. Haddii aynu u nimaadno maamulidda arrimaha ubadka iyo noloshooda oo aan uga jeedno cidda leh go’aan ka gaadhistooda meesha ay ku barbaarayaan iyo cidda ay la korayaan inta ay yaryihiin iyo arrimaha ku saabsan guurintooda xilliga ay guur gaadhaan. Waxaan odhan karnaa go’aaminta arrimahan waxa ay haweenka reer-guuraagu badi kala simanyihiin haweenka bulshooyinka kale oo badi go’aamintooda iyagu ma lahan ee waxa leh ragga. Go’aanka ugu danbeeya ee talada arrimaha ubadka xilliga ay yaryihiin iyo xiliga guurinta waxaa leh ragga oo badi iyagu ah kuwa leh saamiga go’aan iyo masuuliyadeed ee ugu badan arimaha qoyska reer-guuraga.

Gunnaanad

Nolol bulsheed kaste waxaa saamayn weyn ku leh cimilada deegaanka ay bulshaadaasi ku nooshahay oo qaabaysa. Nolosha bulshada reerguuraga ahna waxaa geeddiga iyo guurguurida u badiyay waa deegaankooda oo ah mid cimilo ahaan qalafsan oo ay ku yaryihiin roobabku taasi oo khasab ka dhigaysa in ay bulshadu duunyada ay dhaqanayaan ula guuraan hadba meeshii uu roob ka onkado. Nolosha sidaa u adag ee wada geeddiga ah waxa ay maraan qoysaska  bulshadaasi dhib aad u adeg iyo halgan qoyska oo dhammi ka wada qaybqaato, ragg, haween, carruur iyo cirroolaba. Kaalinta haweenka ee nolosha bulshada reer-guuraga iyo guud ahaan qaabnololeedka bulsho ee reer-guuraagu ma ahan mid lagu soo koobi karo hal iyo laba qormo balse waa arin u baahan daraasaad cilmiyeed oo aad u qotodheer. Maadaama oo ay Soomaalidu tahay dad reer-guuraaya waxaa lagama maarmaan ah in si cilmiyaysan loo daraaseeyo cilmi-bulsheedka reer-guuraga si loo ogaado caqabadaha horyaalla nolosha bulshadaas, si loogu helo xal waara caqabadaha iyo waliba si loo helo cilmi-bulsheed hadhow la daraaseeyo oo jiilasha danbe wax ka bartaan.

Tixrac:

  1. Maxammed B.X. Xasan. Guri Waa Haween (The Bedrock of the Family) /Kartida Haweenka Soomaalida (Somali Woman and Her Potential Role). Boggaga 12-18.

W/Q: Samatar Abshir Maxamed
Email: Samedeeq@yahoo.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “