Haweenku Ma Aadanaa? | Vol: 01 – Cad: 69aad

 1,547 View

Indheergarad – Noofenbar 25, 2020 – Koodaar – Vol: 01 – Cadadka: 69aad

Waxa laga yaabaa in aad la yaabto oo ay wax amakaag ah kugu noqoto wayddiinta aan ugu magacdaray qoraalku. Haa, waa wayddiin la yaab leh. In qof fiyow oo garaadkiisu badqabo, waxbartay, muhiimba ma aha in uu waxbartay e, laakiin ugu yaraan maankiisu dhammeystiranyahay uu iswayddiiyo su’aashan oo kale. Waxa laga yaabaa in aad tidhaahdo, haweenku miyaysan ahayn kuwa aadanaha dhaley, kuwa ragga dhaley, kuwa u dhaxay ee ay qabaan, kuwa carruurta u ah ragga, kuwa meel walba soo gaadhsiiyay ee dhabarka iyo garabka u ah. Waa garnaqsi qumman, oo sida bariis lagu iidaamay caano uga daadegahaya dadka garaadkooda, weliba haweenka aad baa uu uga daadegaa. Waa garnaqsi isdhuldhig iyo tudhis laxaad lihi ay ka muuqato. Laakiin, ma ku filanyahay oo warcelin bisil ma u yahay su’aasha kore? Bal ka warran, haddaan haweenku intaas lagu sheegaba aysan ahaan lahayn, aadannimadooda ma waayi lahaayeen mise shaki ayaaba la gelin lahaa?

In haweenku ay ragga dhaleen oo hooyo u yihiin, oo ay u dhaxeen oo xaasas iyo xilo u yihiin, in ay marna carruur yihiin oo aabbe dhaley, taas macnaheedu ma ahan kaalmahaas kala geddisan ee ay bulshada kaga jiraan in ay ku mutaysteen xuquuq, u aqoonsiga dadnimo iyo aadannimo. Dadnimada haweenku waa ay ka gundheer tahay, kana sal ballaadhantahay kaalmahan lagu jaangoynahayo. Haddii aadannimada raggu aysan u baahnayn tiir ay ku tiirsato, kolka dulmi iyo xagdugub haleelo, maxaa midda haweenka tiir loogu raadiyaa? In kolka haweenka dadnimadooda la tilmaamayo, ama gef laga galey laga cudurdaarayo, waxa had iyo jeer loo raadiyaa tiirarkaas aynu soo sheegnay ee dhalmada, dhixidda iyo qaraabanimo kaleba leh si loo helo bal in uun in la garowsado gefka. Fasir ahaan waxa ay u egtahay, ama ay tahayba dhab ahaan in labku ama raggu yahay kala soocaha caddaaladda iyo sinnaanta, waa sida bulshada u aqoonsataye. Sidaa darteed mar walba oo xadgudub haleelo haweenay, waxa la raadiyaa xidid iyo jid ku xidhiidhinaya ragga. Balse, marnaba ma dhicin in bulshada Soomaalidu ay gabadha oo mutaxan, waxna ku lammaanayn u garnaqaan, una aqoonsadaan aadannimadeeda. Had iyo jeeraale, muhiim ma aha in ay is waafaqaan odhaahda afka iyo rumaysadka qalbigu. Odhaadha afka waxa beenisa ama rumeysa ku dhaqanka bulshada. Akhriste, bal isu miisaan hadalka wanaagsan ee bulshada iyo la dhaqanka haweeenka, ma is waafaqayaa? Dhinaca kale, isla arrintani waxa ay meteshaa ama u muuq egtahay sheeka-xariirooyinka dunidii hore ee kolka qof dulmi haleelo la raadiyo jid ku xidhaya boqorka, si boqorku u dareemo in qofkani yahay mid ka mid ah.

Fikrad-dhaqameedda ah in haweenku yihiin qeyb ka mid ah labweynaha ragga, waa midda xuquuqo badan oo ay lahaayeen, ama heli lahaayeen seejisay haweenka. Ugu yaraan inta aanay gabadhu helinba xuquuqo dheeraad ah, oo ay ku heli lahayd dedaal ay sameysay ama garasho ay u garatay dawladddu, ama cid kale, horta ma heli kartaa isla xuquuqaha hoose ee raggu helayaan ee daruuriga ah? Si fudud baa loo dhahaa gabdhuhu maxay kaalin siyaasadeed u yeelan waayeen, laakiin la isma wayddiiyo kaalintaas kore maxay ku gaadhi? Kanshooyinka/fursadaha kala geddisan ee wiilku helo gabadhu ma hesho? Ma u maleynaysaa gabadh dharaar iyo habeen maankeeda lagu carinayo in ay tahay xaawaley guri ku dambeyn doonta, xataa haddii ay aqoonta meel sare ka gaadho, in ay hiigsan doonto kaalin sare oo bulshada dhexdeeda ah?Gabdhuhu ka hor inta aanay masraxyada tartanka, loollanka iyo wax is waydaarsiga bulshada imaninba, waxa ay timaaddaa iyada oo niyadjabsan, afkaaro wasakh ah laga buuxiyay maankeeda, hadallada iyo weedhaha xanafta leh aanan u adkaysan karin ee kaga imanaya bulshada, jaadka ay doonaan ha noqdeene. Waxa ay bulshada hor ama dhex timaaddaa iyada oo qiimaheeda ka dhex raadinahaysa ragga. Haa, ragga ayaa ay ka dhex raadinahaysaa.

Laakiin, tolow raggu qiimahooda ma ka dhex raadiyaan dumarka dhexdooda? U maleyn maayo. Sababta oo ah daruurinimadooda laguma ababin, caqabad danbena kuma noqonin, muxuu isugu luri kolkaa?! Asalkaba qofku ma aha in uu isu arko mid dhantaalan oo isu arkaya in jeex ka mid ah maqanyahay. Taasi waxa ay keenahaysaa in aad adigu, naftaada u abuurto baahi aan haynin. Aadanuhuna hadduu baahiyaha la barto, baahi kama dhammaato. Akhriste, miyaanad la yaabin gabadh leh ninkaygii baa aannu isku dhacnay ama i furay, oo waa uu i dhaqan waayay? Dhaqasho! Haa, dhaqasho la’aan baa ay ka cabanaysaa. Horreyto iyo danbeysaba, nolosha bulshadeenna sow xoolaha iyo xayawaanka lama dhaqan jirin uun? Gabdhaheenna iyaga oo yaryar baa lagu ababiyaa in ay tahay xoolo u baahan nin dhaqda, oo guri geysta.Waa maangal in bulshada teeda muxaafid dhaqameedka ah, ama qaddaaseysa dhaqankeenna kiisa xun, in ay fasiraado iyo turjumaado aan kuwa dhaqashada xooleed ahayn ay saaraan dhaqashada afka loogu tuuray gabdhaha. Balse, runnimadeeda iyo beeninteeduba waa mid u taalla ayna tahay in ay ka warceliso haweenaydu, waxa kala duway ‘dhaqashada naageed’ iyo ‘dhaqashada xooleed’. Biyo kob godan baa ay isugu ururaane, dhaqashada la jeedaa isku mid baa ay noqon, ama haweenku iyaga ayaa fasiri oo bal ka sooci doona midda xoolaha iyo xayawaanka dabjoogga ah loo adeegsado.

Dareemidda la dareemahayo aadannimo, oo ay ka dhalanayso fahannada xorriyadda, sinnaanta, xuquuqaha, kaalmaha, iyo wax kasta oo soo hoosgelaya, gebi ahaanba gabadha Soomaaliyeed waxa ay ka haysataa wax kooban, aragti iyo dhaqangal ahaanba. Wiilku se taa beddelkeeda, waa uu wada helay, dareemay, kuna dhaqmay. Weli miyaad aragtay wiil ka cabanaya xaq uu lahaa oo la duudsiyay, kaalin uu lahaa oo laga xagliyay, ama se xadgudub iyo tacaddi bulshada inteeda kale aysan la qabin oo isaga si gaar ah lagu kala kacay? Gabdhuhu dharaar kasta tabashooyinkan ayaa guudkooda la saaray. Marmarsiiyo waa loo baadhaa kaas oo ah in nafta haweenku u dhalatay cabasho iyo calaacal. Laakiin, waa beenaha la qaddaaseeyay ee bulshada dhexdeeda ku xididaystay. Gabadh la rabo in loo taliyo, loo sheego halkay cagta dhigayso, halkay aadayso, waxay gashanayso, siday quruxda u arkayso, sida ay nolosha u arkayso, cidda ay raacayso, cidda loo nikaaxinayo ama nikaaxidda wakiil looga yahay, iyo wiil aan intaaba midna laga dabajoogin oo isagu isu haya, miyay isku meeqaan taaganyihiin? Laga soo bilaabo hab-nololeedka, hab-fekerka, iyo wax kasta oo la xidhiidha nolosha seeskeeda hoose, ayaa gabdhaha iyo wiilasha loogu kala eexdaa. In gabadh iyo wiil kala duwanyihiin, oo Eebbaheen kala duway maba aha wax qarsoon oo la is diidsiin karo. Laakiin, xubinta taranka ee gabadha iyo xubinta taranka ee wiilku ma yihiin wax abuuri kara kala takooridda bulshadu iskeed u sameysatay?

Aadanuhu isaga oo bilaa xeer iyo xakame ah ayaa uu dunida yimid. Waxan oo dabar iyo xeer ah isaga ayaa naftiisa ka abuurtay, kolkaas baa uu dhaqameeyay, diimeeyay ama dabiiciyeeyay. Tusaale ahaan; gabadha laba qarni ka hor ku nooleyd qaaradda Afrika ee kolka ay soo kacaanto gudniin fircooni ah lagu bilaabi jirey, ma kula tahay in haweenkii ku sameynayay gudniinka, kuwa deegaankeeda joogay ama kuwa kaleba in ay wax xun oo gef ku ah dadnimada gabadha u arkayeen falkaas? Maangal ma aha. Laga yaabaa iyaga oo raggu aanay dan iyo heello ka lahayn in ay haweenku kaga dheereeyaan falkaas. Sababta oo ah, waa la diimeeyay, ama la dhaqameeyay ama la dabiiciyeeyay. Waxa la mid ah hablaha carruurta ah oo loo guuriyo, in la kufsado oo kii kufsaday lagu qasbo, in furniinka ay dhimasho ka doorbiddo, in haddii la kufsado aan nin danbe guursanayn. Dhammaan dhaqamadan fooshaxun oo dhammi, bulshooyinkaas hore agtooda muqaddas aan loo dhawaan karin baa ay ka ahaayeen, ilaa ay soo ifbaxeen dad iska diida, tiro kooban ah oo ogaal iyo aqoon u leh dhibtiisa.

Bulshada oo xeerarkeeda sameysanaysa, weliba uu masuul uga yahay midka muruqa iyo awoodda u saaxiibka ah, waa labkee, ayaa jaangooyay in nolosha sal iyo baar uu fasiro isagu. Gabadha kaalinta la siiyayna isaga ayaa u dooray ee iyadu marnaba ma aysan dooran. Haddii ay dooran lahayd, waa kee aadanaha garaadkiisu xorta yahay ee dooranahaya gunnimo iyo gumeysi dadban? Halka uu saddexda heer ee dhalasho, dhaxdin iyo geeri uu isagu ku koobay gabdhaha. Kaalmihii kala ee bulshadana uu isagu isa siiyay. Maaddaama uu isagu awoodda leeyahay isaga ayaa qeexaya cidda dad ah iyo cidda dugaag ah? In aan haweenku, ragga la xaq iyo xeer ahaynna isaga ayaa qeexay. In ay ka hooseeyaanna isaga ayaa qeexay, oo shaki geliyay aadannimadooda oo ku tilmaamay mid dhantaalan oo aan u dhammeystirnayn sida midda ragga oo kale. Laaakiin, waxa la yaab leh in labkii sidaa u fasiray noloshu uu ku sababeeyay arrinta keentay dhantaalka haweenku in ay tahay cadka hoose ee ay ka dhasho ama ay ka raaxeysato, ama ay ka kaadiso. Akhriste, sow wax la qariibsado ma ahan in cad aan waxba uga duwanayn cadka jidhka intiisa kale ku yaalla ee dheg, dhaban iyo dhafoorba leh in aadane dhan oo fekerahaya oo nool xaqiisa lagu duudsiiyo?! Bal suurayso iyada oo wiilka xaqiisa lagu duudsiiyo, keliya in uu leeyahay xubin taran oo ka duwan midda haweenka.

Deedna haweenku waxa ay noqdeen wax tusaale ahaan loogu soo qaato, ama loo aqoonsanyahayba wax kasta oo xun, shar ah, liita, ducuf ah, garaadla’, talo la’, ilaa laga dhigay wax-ma-garato aan ka soocnayn xoolaha oo ninku hanti ahaan u leeyahay. Dabcan, dunidii hore iyo hadda qaarkeedba haweenaydu waxa ay ka mid tahay hantida raggu leeyihiin. Si loo qariyo fahankaa kharriban ayaa beddelkeeda laga dhigay in haweenaydu ay tahay ‘sharafta’ ninka. Markaa, ha qariibsan haddii aad aragto aabbe ka xanaaqaya, ka hinaasaya, ka diriraya oo dhimasho ka xiga gabadh uu dhaley oo wiil la joogta ama wax dhexmarahayaan. Laakiin, aan taas mid la mid ah ka sarriiganayn oo ah in uu arko wiil uu dhaley oo gabadh Islaaneed oo duul kale dhaleen beerka kaga fadhiya. Sababta oo ah aabbuhu gabadha waxa uu u arkaa hanti uu leeyahay oo shisheeye u dhacay oo boobay, iyada oo aan la ogaysiin lagana oggolaansho qaadanin, laakiin wiilka hanti uu leeyahay uma arko ee shakhsi ‘XOR’ ah oo nool baa uu u arkaa, kaas oo aan talana u baahnayn in laga siiyo waxa uu falayo iyo waxa lagu falayo.

Asalkaba, raggu in ay dhawraan ‘sharaf dumar’ wax ay ugu yeedheen yaa u wakiishay? Ma Alle? Ma Rasuulka? Ma Kitaabka? Ma dadka? Ma duunyada? Ma dabeecadda? Ma diinta? Ma caqligooda? Taa beddelkeeda, haweenku ka warran haddii ay isa siiyaan xaq ah in ay wakiil ka yihiin dhawridda wax ay ugu yeedheen ‘sharafta ragga’? Isla arrintani waxa ay ka dhex muuqataa bulshada iyo qoyskaba. Hooyada, walaasha, habaryarta, eeddada ama qaraabada kale ee haweenka ahi kuma mashquulaan waxa ay gabadhoodu ama wiilkoodu falayo, xataa haddii ay xumaan u arkaan waa ay ka waaniyaan. Laakiin, raggu sida: aabbe, adeer, walaal, ilma abti iyo ilma adeer, waxa ay u dhaqmaan sida qof waalan oo kale oo u baahan in jeel lagu xidho. Si kale, haddii gabadhi ka codsato gabadh kale u shukaaminta walaalkeed, waaba ay ku faraxdaa oo ka shaqeysaa isku xodxodiddooda. Laakiin, ma suureysatay wiil ka codsanaya wiil kale u shukaaminta walaashiis? Dayuusnimo. Haa, dayuusnimo iyo bilaa damiir baa wiilka lagu arko falkan loo aqoonsanayaa. Halka aan falka labada gabdhood waxba loo arkayn, farxad iyo naxariis uun baa laga dhex arkayaa. Laakiin, midka labada wiil xanaaq, dagaal, dirir iyo dhiig baa laga arkayaa!

Aadanaha casrigan nooli, gaar ahaan kiisa xoroobay, dagaal ba’an oo faraha looga gubtay oo mood iyo maalba ku baxay baa uu ka soo maray, kulana jiraa hadda afkaartan iyo kuwa la midka ah ee qashinka ah ee bulshadu qarniyada badan dugsaneysay. Innaguna, la mid baa aynu nahay ummadaha la daaladhacaya fekradahan iyo dhaxal-dhaqameedkan guunka ah. In gabadha Soomaaliyeed xorowdo, oo ka xorowdo wax kasta oo bulshadu u sheegtay oo gef ku ah dadnimadeeda, oo gef ku ah aadannimadeeda, oo gef ku ah gabadhnimadeeda, oo gef ku ah garaadkeeda iyo kaskeeda ayaa lamahuraan ah.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@indheergarad.com
Email: barawaani@yahoo.com