GARSOOR | Vol: 01 – Cad: 70aad

 933 View

Indheergarad – Diisenbar 01, 2020 – Lamtako – Vol: 01 – Cadadka: 70aad

Dunida intaa le’eg deegaan walba dadkiisu sida ay u jabaan ayaa ay u dhutiyaan. Waxyaabaha dadka jebiya deegaanka ayaa kow ka ah. Dadka oo keli ah ma ahan ee deegaanku dhammaan noolaha ku dul nool isagaa jebiya. Inta deegaanka aan ku nool nahay uu wax inna taro in le’eg ayaa uu inna yeelaa. Tusaale ahaan; deegaanka oomanaha ah qorraxdiisu na kulushahay, waxa uu diyaar u yahay in uu caqiyo ama harraad u dilo wixii dushiisa ku dhaqan. Noole kasta si uu uga badbaado foolxumada deegaankiisu leeyahay waxa uu isku dayaa in uu u dhabar adaygo foolxumada meesha taal, kadibna la qabatimo, ugu danbaynna ka badbaado. Noolaha oo idili ma badbaadaan ee kuwii qabatima oo keli ah baa soo hara. Ma waxa ay kula tahay quraca iyo geedaha ay bahwadaagta yihiin ee qoddaxda leh oo keli ahi in ay deegaamada oomanaha ah ka bixi jireen? Dhir kala duwan ayaa ka bixi jirtay se markii dhulku oomane noqday wixii aan u adkaysan karin biya la’aanta waa ay nabaadguureen oo waxa soo hartay dhirtii qabatintay in ay xididdo waawayn la baxaan oo biya badan oo ay sannado ku qadi karaan kaydsadaan. Waxaa haray dhirta loo yaqaan geed abaareedka oo xilliyada barwaaqada ah caleemaha daadiya si aysan biya u isticmaalin taas beddelkeedna xididada keli ah hawl geliya ee inta ay biya heli karaan kaydsada si ay abaarta uga gudbaan.

Si taas la mid ah, xayawaanka deegaanka ku noolna waxaa soo dooga kuwa harraadka adkaysiga u leh. Nooluhu si uu rabitaankiisa biyaha u yareeyo, waxyaabaha uu sameeyo waxa ka mid ah, in uusan dhogor badan yeelaan, waayo dhogorto jirka ayay dedaysaa taas oo sababta kulayl badan oo jirku biya uu ku qaboobo u baahanayo. Waxa kale oo ay yeeshaan dhega dhaadheer ama jilicsan oo hawo dhiigga qaboojisa jirka ay ka soo geli karto. Aragti dheeri habeenkii ah, si ay maalinnimada u hargalaan oo habeenkii aragtidheeridaas ugu qaraabtaan maaddaama habeenkii uu ka qabow yahay maalintii. Waxa kele oo hababka ay ku badbaadaan ka mid ah in ay noolayaasha ay ka tab ama tabar badan yihiin dhiigga ka jaqaan, biya ahaan. Waxaas oo idil dhirta iyo geeduhu ba waxa ay u samaynayaan waa nolosha oo sideeda ba iska ah “nafta dooji mooyee, xarago laga dawaaree.” Haddii aadan tashan lug hartay baa aad noqonaysaa. Markasta oo uu deegaanku is beddelo noolaha ku nool waxa ay ku qasban yihiin in ay hab-nololeedkooda wax ka bedelaan, haddii aysan wax ka bedelin deegaanka ayaa tiradooda iyo tayadooda ba wax ka bedelaya. Intee noole oo aad taqaannay baa deegaankoodi nabaad guuray ama dad deegaamaysteen oo hadda ama ciribtirmay ama ciribtir ku sii dhow; oo gabaabsi ah. ayna ku dhacday habaarkii Soomaalidu isku habaari jirtay “suulkii gorayo oo gaabtay Alle kaa dhig”?

Oomanaha keli ah ma ahan meesha halganka u baahan ee waa dhulka oo idil oo tusaale kale haddii aan qaboobaha u soo qaadanno, dhulka qabow waxa laga yaabaa in noolayaashii kulaylaha la qabsan waayay ay ku baraaraan inta ay dhogor fiican oo qabowga ka ilaalisa la baxaan, xayr badan oo jirka kulaylisa na kaydsadaan halka kuwii oomanaha kartida ku lahaa, halkaa maalmo gudahood magacooda iyo muuqooda ba lagu waayayo. Deegaan weliba noolaha ku nool isaga ayaa qaabeeya habnololeedkooda guud iyo habdhaqankooda gaar ahaaneed.

Dadku, maadaama ay noolaha ka mid yihiin, iyaguna waa la xeer oo habayaraatee wax ba kaga ma ay duwana marka ay la qabsiga noqoto oo waxa ay ka mid yihiin noolaha intii soo doogtay oo deegaanka ku soo hartay kadib markii uu waa ba waaga ka danbeeya uu noolayaasha qaarkood deegaanku laayay. Noolaha inta maanta dunida joogta sababta aan uga mid noqonnay oo aynaan lugihii haray uga mid noqon waynay laba arrin baa ugu wayn. Jir ahaan, innaga oo qabatinkeennu aad u fiican yahay marka noolaha kale la innoo barbar dhigo iyo arrinta labaad oo ah maskax ahaan annaga oo marba marka ka danbaysa sii korayna oo isla deegaankii noolaha bedelay laftirkiisi in aan bedelno aan ku daynay wax badan oo badanna ka bedelnay.

Arrinta koowaad haddii aan sii faahfaahiyo, dadku waxa ay ka mid yihiin noolayaasha tirada yar ee deegaankii ay tagaan ba koodii uu noqdo oo ku noolaan kara. Iyada oo dad la wada yahay ayaa dadka qaarkii saxaraha carbeed ee kulayl iyo omos dartii nolosha ka jiri kartaa aad u yar tahay si caadi ah ugu nool yihiin, halka isla dad kale cirifka waqooyi ee dunida, oo qabowga la arkay uu ka dhoco illaa biyihii ay fariisteen, ay nololmaalmeedkooda ka sii wataan . Qabow, kulayl, ban iyo buuralay, meeshii dadku tagaan waa u meeshoodi. La qabsigeenna oo fiican ka sokow, dadku in aysan tirmin ee dunida ku sii tarmaan marba marka ka sii danbaysa, waxaa kale oo loo aaneeyaa, hab fikirkooda oo aad u sarreeya marka noolaha kale loo barbardhigo.

Nooluhu inta uu noole dilo, haragga kala bax oo qabowga ka huwo ma yaqaan oo isaga oo toban neef oo bakhti ah halkeer u yaallaan baa habeenkii dhaxani dilootaa. Haddii xataa nooluhu garan lahaa kala bax, ma awoodo jir ahaan oo afarta addin ba in uu ku socdo bes baa ay ugu yaallaan halka dadku qabatimeen in afarta addin ay laba ku socdaan laba na wax ku qabsadaan. Dadku in aysan afar-adinlayn ee ay qummaati u istaagaan, jirkooda qayb ka mid ahna shaqo socod ka duwan u reebtaan waxa ay ahayd halkii u horraysay ee noolaha kale naga soocday. Maskaxdu si kasta oo ay u fekerto, hawsha wax qabta lama heleen haddii aynaan beri hore oo hore aynaan gacmaha nasin lahayn oo hawlaha kale ku qaybsan lahayn.

Gacmihii socodka ka nastay waxa ay innaga caawiyeen in aynu noolaha kula dirirno, dhagax ugu qaadanno noolihi jir ahaan naga xoog wayn, deegaanka wax kaga bedelno innagoo hu’ ahaan haraga kala baxayna noolahaan dilanno si aan qabowga deegaanku innoo dabarjarin, hoy kaga dhisanno deegaanno aan inna soo dhoweeyeen kul ama qabow dartii. Dadku waxa ay gacmahooda iyo garaadkooda kaga soo doogeen deegaanno iyo dhacdooyin qallafsan oo nolosha noolayaal tira badan oo aan maanta dunida joogin sii salfatay. Dadku waxa ay gacmahooda iyo garaadkooda waddo isaga mariyeen noolayaal badan oo jiritaankoodu halis ku ahaa, oo maanta noolihii dunida innagu la noolaa ayaa halis ugu jira in aynu dabargoyno halka ay xilliyadii hore innaga halis innagu ahaan jireen. Noolaha keli ah ma ahan ee xittaa deegaankii ayaa aynu ka adkaannay sidii aan wixii aan rabno ugu samaysanaynay, oo halis ugu jira in aan baabi’nno, har iyo habeenna iskala hadlaynaa sidii aan u dhowri lahayn.

Intaasi waa sooyaal kooban oo ku saabsan sidii aynu u soo doognay oo halka aynu joogno u nimi, se marka hoos loosoo dego dadku isma saarna oo isaga laftirkiisaa ayaa halis isku ah oo aan wax badan noolaha kale iska xigin marka ay cadaawad noqoto. Intee maqashay dad is laayay, dad dad kale oo la bah ah xasuuqay, ama cirib tiray ama ugu yaraan dabar go’ qarka u saaray? Halganka aan deegaanka iyo noolayaasha kale kula jirno marka laga soo tago, waxa kale oo aan halgan kula jirnaa noolaha aynu ka tirsannahay qushiisa ee gacmaha iyo garaadka leh.

Waayadiii hore waxa loo haystay in dadku yahay noole abuur ahaan bulshay ah oo ay lafaha kaga jirto in uusan keli keli u noolaan ee wadajir u noolaado, waxaa se la ogaaday in dadku aysan ahayn noole bulshay ah. Dadku waa noole jecel keligii-noolaanshaha, aadna danayste u ah se garaadkiisu siiyay in kelinimo uusan u jiri karin ee dantiisu ku jirto wadarta ama wadajirka si uu uga adkaado deegaanka iyo duunyada ku xeeran. Dan baa isu kaaya haysa, oo intii meel kuwada nool ba in ay wadajiraan baa ay kaga gudbi karaan caqabadaha ay nolushu iskala soo taagan tahay. Innaga oo wadajirna oo wadajirkeennu asaas ahaan ka bilowda qoyska oo ah marka lab iyo dhedig baahi galmo ama taran oo jirta dartii u wada joogaan, kadibna qoysas isu tagay qabiil noqdaan, qabiillo isu tagayna qaran ahaan u wada jiraan, hadanna wadajirkaas aan iska baarbaarno in uu yahay mid aynaan u dhalan waxa aad ku garanaysaa sida khilaafka iyo dibindaabyadu ay uga dhex aloosantahay labadii meel wada joogta. Waxa isdiiddan danteenna oo aan wadajir ku gaari karno iyo damaceenna qofeed ee keligii-noolaadaha ah! Taasaa keenta in damaca sidii loo qarinayo uu mar ba marka ka danbaysa soo ifbaxo oo qoysaska, qabiillada iyo qaranka dhexdiisa ba lagu arko danaystayaal ku jira loollan, wax isu quuri-waa, danaysi, tuuganimo, iyo kala irdhaynta intii wada joogta haddii ay dantooda ka dhex arkaan.

Fulay xantii ma moogaa oo dadku markii ay wadajirkooda ka tashanayaan waa ay ka warhayaan isyeelyeelka iyo isnasakhaadda ay ku jiraan iyo in dabcigoodu yahay danayste aan dan gaara ma ahee dan guud xeerin, waa na taas sababta keentay in dhowrkii qof ee meel wada joogta ba ay yeeshaan caadooyin iyo xeerar qoran ama aan qornayn oo waxyaabaha wadajirka aan u fiicnayn ee xumaanta aan ugu yeerno lagu diidayo, lagu na bogaadinayo waxyaabaha dantu ku jirto se aan dabcigeennu aqoon sida wax-is-tarka, runta, talasamida, danaysi la’aanta, danta guud iyo wixii la halmaala, oo aan samaan ugu yeerno. Wixii sida toosan ama sida dadban loogu heshiiyay, haddii la jebiyo, waxa dhici karta in qoladii jebisay ay qolyaha kale wax u dan ah u sheegto oo halkii la qaban lahaa la iska daayo iyada oo dheef laga quud daraynayo. Si aan taasi u dhicin waxa aad dadku u dhiirrigeliyeen, dhib iyo dheef in aan la eegin ee qofkii xeerka iyo dhaqanka ku gardarooda tallaabo laga qaado. Tallaabadaas ayaa loo bixiyay GARSOOR.

Garsoorku waa tallaabadii koowaad ee dadku u qaadeen dhinaca dawladnimada, ilaalinta wadajirka iyo wadajoogga dadwaynaha. Mar Alle iyo markii dadku arkaan in qofkii dabcigiisa bahalnimo xakamayn waaya shaqa laga qabanayo waa mar kasta oo ay arkaan in dantoodu ku jirto in aysan edeb darroon si aan iyagana tallaabo looga qaadin. Taas lidkeed, mar Alle iyo markii ay arkaan in meeshu rugtii Carwa Shiil ay iska tahay oo qof kastaa hortaa bannaan u socdo, waxa ay la soo baxaan dabcigii ay qarinayeen ee danaysigu indhaha iyo weliba dhegaha ba u ahaa, markaas baa qof kasta inta uu wixii uu rabo sameeyo marka la la hadlo ba iska soo horraysiiyaa, “hebel ba wax lama orane kayga miyaa hoon leh?” Isbarbaryaac, danaysi, luggooyo iyo wax waliba oo in lagu kala dhaqaaqo ma ahane aan lagu sii wada joogi karin baa halkaas ka bilowda. “Rag caddaalad waayaa, sidii cawsha kala yaac,” ayaa talo tagtaa, qof walibana jaahiisa ayuu u jarmaadaa.

Dawladnimada qoyska iyo qabiilka ku dhisan ayaa garsoorku ka bilowdaa, oo qabiilladu dawladnimo casri ah uma baahna ee garsoor ayaa ay u baahan yihiin garta iyo gardarrada kala saara. Marka garsoorkaas la helo ayaa dadku degaan oo wadajir ayaa ay wax u qaybsadaan. Qabiillo kala badbaaday oo si wadajir ah u wada socda, una wada shaqaynaya ayaa qaran la yiraahdaa. Qarannimadu aad ayaa ay qabiillada uga ballaaran tahay oo gartii iyo gardarradii ayaa macnayaal badan yeesha oo dawladnimo intii ka wayn oo ka macna badan ayaa ay wadataa. Dawladnimadaas weeye ta casriga ah ee dunida taal, dad qabiillo maraya oo taas damcay in ay dhistaanna waa dad doonaya aqal in ay tiirar la’aan dhisaan.

W/Q: Axmed Nuur Yuusuf “Taarwale”
Email: calixaad1@gmail.com