Milay Tagay Xasuustii | Vol: 01 – Cad: 72aad

 2,149 View

Indheergarad – Jeenaweri 03, 2021 – Koobin – Vol: 01 – Cadadka: 72aad

Roobkii galabta bilowday ayuun baa hadda qaaday. neecowda roobkani aad ayey ugu egtahay middii aynu ka daawan jirnay filimaantii hindiga ahaa, filimo qaaraami ah. Hoonkii iyo guuxii magaaladu waa ay yaraadeen dabayshii badneydna in ay istaagtay ayay u muuqataa. Arladu waa gudcur dam ah goobtuna waa baar Kaaramardha hoosteeda ah. kaasi waa magac horee xaafadda Aragsan dheh. Habeen hore ayaan ku ballanay kobtan. miiska yar ee i horyaal dhalo iyo koob middii caddayd ah oo inan Carbeed oo dhabanno kuusani dhigtay baa saaran. laba jeer ayuun baan kabaday. waxaan ku dengiigsanahay kursi, kabihii buudhka ahaa mid baa iskeed isku saartay, fasax ima ayna weydiisan. Anshaxumo ayaan ku tilmaami lahaa, ase goortan kanshe ayey igu heshay oo waxan dalanbaabi la ahay xusuusaha sida gaardiga askarta uga dhex dhaawaaqaya maskaxdeyda. Waxan is weydiinayaa sabab ma ayaadan aroorahan u wicin Barni? Inantii aan waayadanba wada soconay oo aad moodo in kala-tagganagii lagu eedaami rabo.

Dhabtii hadda uun baan isku cusbayn oo sakhraddii jaceylku dareemo nagu asqaysay. Baxsan ayaa garabka iga taabatay oo i tustay dhicitaanka teleefankayga miiska saaran. waa Barni! ma qaban. Ma garan karo waxa aan sidaas u sameeyay laakiin sameeyey! Denbi badan ayaan dareemayaa damiir gubasho ayaa i haysa, Holac ayaa igu shidan. Runtii wax qarsoon baa na kala wada midkaayo ma sababayn karo waxa dhacaya.

Banaanka ayaan u baxay si aan laydh u qaato, naftana walwalka iyo walbahaarka uga yareeyo. Hadda Jigjiga waxa keliya ee lagu garanayo waa roobka iyo dhaxanta. Inta ishu ku daasho qasriyo ayaa taxan, way tagtay oo tallaabsatay. waa ba haddii magaalo tallaabsataa jirto. Ogaalka iyo daahfurradu meel sare ayay marayaan, jaamacado badan ayaa ka dhisan oo kala jaad ah, waa hore Hindi ayaa bare ahaan u iman jiray haatanse ardaynimo ayey halkan u yimaadaan. Ururro dhaqan ayaa dhisan, toddobaadkii hore waxaa dhammaaday tartankii dhaantada. Waxaa mashruucaa qabtay shirkadda filimada Carraweelo, waxaana ku guuleystay tartame ka socday Sool. Labo gudcur kaddib, waxaa la sugayaa bandhigga sheekada “The Maps” oo filim loo rogey.

Runtii shirkadda Carraweelo kor ayey u qaaday ilbaxnimada, dhaqanka iyo sooyaalka Soomaalida. Dunida guudkeeda ayaa laga wada sugayaa filimkan cusub, Axad kasta waxa uu jeclaan lahaa in amminta hadhay degdeg u dhaafto. Waxa la sheegayaa in uu noqon doono filimkii u horreeyey ee toos looga daawado meeraha Farraare! Waayo sheekadani waa sooyaal hore oo dhab u dhacday, aadanaha dhan baa jecel tagtada.

Hadda sagaashan iyo toddobo sano ayaa laga joogaa markii aan boqortooyadii xurmada darrayd ka soo hoos baxnay. Runtii waan kala raysannay, xitaa nadiifiye iyaga ahi geyiga ma joogo. Dacwad fool xun ayey wadeen baryahan. Waxa olole soo abaabulay kuwo qaabdaran oo dalbayna oggolaanshaha soogalootiga hablaha deriska ah. bal maxay hablo keliya ugu koobeen? Way iska caddahay kuwaasi in ay yihiin doobab gogashu nacladayso. Ololahooda ayaan iskaga biiray, taasi se uma muuqato mid soconaysa. Hablahaasi in ay jinsiyadda hab guur ku helaan waa khiyaar kale oo furan. Fikraddii Soomaali-Weyn hal calan leh way umul aroortay, runtii way baaba’dey ama abaadday. kollayba Soomaali-Weyn dal ah sooyaalka laguma sheegin. Waxaase taa ka macquulsan Soomaali-Weyn hal dan leh oo dhawrista jiritaanka sowraca Soomaaliyeed ka wada siman, qaaya-soorkiisa iyo milgihiisana kor u qaada. waa siday hadda tahay e, aan faantamee awowgay murtiile buu ahaa, intaan luxuudka lagu hubsan waxa uu i dhan jiray: “Biyo dhoobo ah ayaan ceelasha ka shubi jirnay, halkaad shidaal ka shubaysaan. Geela Nogob iyo adhiga Afdheerba gashaanti iyo gaashaanqaad kula ayni ah baa raaci jiray, halka hadda Carabtu idiin gashay. dani waa seeto e sow qusuurta Qarri-jiqood ee qarrida ka dheer hablo Carbeed oo naaso kuusan idiinkama shaqeeyaan?”

Aniga oo wareerkii iyo wahabkii iga duuleen oo u riyaaqsan waaqica tolmoon ee dadkaygu ku naaloonayo, kagana fuqeen tagtadii xumayd, kuna bildhaamiyeen timaatada wacan ayey Baxsan gadaashayda ka tidhi: “Macaan badanoow cirka miyaa laguu dheelmiyey?” Intaan dhankeeda jalleecay, oo gacantayda luqunteeda mariyay ayaan ugu warceliyey “Inta aad ku sugan tahay dhulka, ma jiro wax i dheelminaya.” Intay muusootay, oo dhoosha muujisay ayey igu dhaaftay “Jaalleyaashaa baa kuu yimid e la soco.”

Ganbadhkii welwelka ayaan dhankiisa u soo hinqaday, si danayn la’aan ah ayaan u soo luuday. waayo muddo ayaan ku dul noogay korkiisa. mid mirqaansan ayaan u jeedaa, waa Aar. Ninkani mid mirqaama ma ahayn, waa suuregal in aan anigu ahay ka mirqaansan ama ugu yaraan xasuusihii hore i dawikhiyeen. “War ma batuulo yar oo reer Holan ah baad haysay?..maxaad sidaa ugu dheygagsanayd?” weydiin qaabdaran ayuu doob gaamuray kala hor yimid. “Tagto aan turis lahayn ayaan ku ambaday saaxiib, waa mashaakil inaad sooyaalka qaarkii ku hafatid.” Ayaan ugu warceliyey. Madal qurxoon ayaan fadhiisannay, Aar waxay wada socdaan Mire oo cirbixiyeen ah, bare sare Bulxaan oo ka tirsan Akaadimiyadda degel-baarista Afrika (ADBA) iyo Batuulo oo ah dhakhtar caafimaad. Xasuuso hore oo dhallaanimo leh kuraynimo iyo qooq ba leh la soo quf. lixdan sanno kahor iyo habeenadii akhriska la isla baadh, la wada baadh oo la kala baadh. Welwel baa widaagay ah e, habeen baas xasuusta ku ibofuray.

Waxaan cajaladda dib ugu celiyey mar aan soo dejistay dhiganaha “كائن لا تحتمل خفته” ee Milian Kundera, waxaan joogey habeen dam ah, muddul dham ah tuulo wada dansan. Dhagaxle ayaa kolkaas lagu magacaabi jiray. Buuggiiba waxaan ku billaysimay weedh ahayd: “Soo noqodka weligiis ah waa fikrad ay buux dhaafisay qarsooni badan. Iyada ayuuna kaga wareeriyey Niitje faylasuufyo badan oo la casri ahaa. In aan sawiranno in wax kastaa maalin uun ku soo noqon doono sidiisii…soo noqnoqadkan laftiisu u soo noqon doono dhammaad la’aan! Maxay ka dhigan tahay sheeko-xariireedkan waalani?” way iga yaabisay weedhani, waxaanna xasuustay murtidii Kilito ee ahayd “Sirta nasku waxa ay ku jiraa bilowga.” Macaan iyo khadhaadh, naxdin iyo niyadsami, qosol iyo oohin wax walba ayaan isla marnay dhiganahaas iyo Tomas Teresa Sabine. Runtii sidii uu kaaha moobilku uga dhex ifayey mundulkii madooba ayey laabtayda uga dhex ifaysaa sheekadaasi.

Bulxan oo fure gaadhi far ku wareejinaya iskuna deyaya qubuuraha xusuuso hore intuu booqdo in uu dib usoo qufo ayaa nagaga naxsaday: “Konton sano kahor waxaan akhriyey, maya waxaan qaybay dhiganeha “ساق البامبو”  ee Sacuud Suncuusi. Runtii sida uu u muujiyey dhibta aanada, huwiyadda iyo weliba dhiraandhirinta uu ku sameeyey waan la fajacay. Aniga oo wareersan ayaan akhriyey, ogoobeey goorahaas waxa furnaa doodo is wada burinaya oo ahaa Soomaali-Weyn, Soomaali-Galbeed, Soomaalida-Itoobiya iyo wax mid walba gaar xaq u sheeganayey. Se waxaan qoslay ama yaabay markaan u tagay Jose (عيسي) oo iga wareer badanaa. buug waalan baan ku tilmaamaa, waxaana maankayga ka go’in weedhii Jose ee ahayd “Haddii aan ahaan lahaa sida geedda Bamboo oo kale oo aano la’aan ah, waxaan goynaynaa laan kamid ah waan tallaalaynaa xidid la’aan. dirbna xidid cusub ayuu yeelanayaa si cusub ayuu u korayaa, dhul cusub oo tagto la’aan ah…xasuus la’aan ah. Ma milicsanayo kala duwanaanshaha magac ee dadku siinayaan. Fillibiin dhexdeeda magaciisu waa Cauayan, kuwayd na waa Haziraan…Bamboo meelo kalena.”

Mire oo cirka miranaya, lama mirtee xiddigaha xasuuso ka sugaya ayaa soo hadalqaaday habartii Elena Ferrante iyo suxufigii nolosheeda baadhay, waxay ahayd baadhis yaab leh oo dood dhalisay. Waayo qoraagan reer Talyaani waxay buugaagteeda ku soo saari jirtay magac aan keeda ahayn; Suxufigani wuxuu indhaha caalamka kaga yaabiyey goortii uu sheegay in magaceeda saxda ahi yahay “Anita Raja!” Buuq baa arrintaa ka dhashay. iyadoo is difaacaysana waxay lahayd “Haddiiba la qoray, dhigenayaashu uma baahna qoraaga.” Kaaga darane si ay andacoodkeeda caddaymo ugu raadiso bay cuskatay aragtiyihii wadaadkii “Rulan Bert” ee ahaa dhimashada qoraaga. waa aragti ka soo jeeda maddarasadda Structuralism-ka Naratology-ga ah, oo waxayba qabaan in qoraaga iyo naska qorani wax xidhiidh ah ka dhaxayn ama aan laga dhexaysiinba.

Batuulo oo ah dhakhtarad caafimaad, suugaantana xiisaysa baa jaallahay ugu warcelisay: “Way naga waalayeen raggaasi, falsafaddooda ayaan ku tiriyaa mid dhimatay. Waagii iigu horraysay waxaan niyada iska idhi: oo hadda ma waxay diidayaan Dostoyevsky intii qoraaladiisu ka ahaayeen dareen iyo hibo in le’egna ay ka ahayd dayn bixin? Sidoo kale Tolstoy markii uu qorayey ‘Dagaalka iyo Nabadda’, ma ilawsanaa bay leeyihiin cidhiidhigii ay ku haysay islaantiisu? dooddaas oo dhan waxaa dhaliyey bay ahayd suxufigii edebtadarnaa se anigu weligayba waxaan qabay in baadhistaasi u geysay jacayl uu iyada u qabay. Waayo, jacaylka ayaa ka daran cufisjiidadkii Newton.”

Illeen xasuusi ma dhamaato milay tagayna mar lama koobo, waxaanu isla soo qaadnay Nobel Prize-kii suugaanta ee cod qureexa lagu guddoonsiiyey Louise Gluk. Xilligaas arday baan ka ahaa magaalada Goday, tu yar oo aan is jeclayn baan habeenkaas ugu dhaartay in iyadu ka cod qurxoon tahay naagtan la wadwado. sideedaba is daadraacinta waan necbaa, naqdiguna figta sare ayuu ii joogay. Waan hubay naagtaasi in aysan gaadhi karayn hobolladii Soomaaliyeed ee Saado Cali Warsame ka mid ahayd ama Magoolba. Ma cod quruxsani ayaa lagu siiyay ayay dheheen? hah, siyaasad ayay ahayd ee way na waalayeen. meeqa ka cod qurxoon ayaa joogtay waa ba haddii miisaanku cod yahay. Qoraagii Soomaaliyeed ee Nuuradiin Noobalka Suugaanta way ku adkayn jireen, odaygu weligiiba musharrax taagan uun buu ahaa. Marquez-ba sababtii bay tuuladoodu magac ku yeelatay annaga kii magac noo yeeli lahaa abday u dhaafin waayeen. maya, xataa bulshadiisu ma aqoon. Bal sawiro haddii uu Soomaali wax ku qori lahaa? Imisa Soomaali ah ayaa akhrin lahayd ama baran lahayd ninkaas? Iskaba daaye, imisa ayaa heli lahayd shilimaad ay buuggtiisa ku gadan lahaayen?

Bulshooyinka yaryar waxay aaminsanyihiin qoraagoodu in uu fikraddooda xambaarsan yahay. Marka uu dhinaca kale eego, raacana saaxiibadiisa fanka ee tallawsan xuduudda waddanka waxay u arkayaan shisheeye-kalkaal ciddiisa xaqiraya. maaddaama ay bulshooyinka yaryari ka gudbaan xilliyo jiraalkoodu qiirqiir galo, haddana waxay ku guuleystaan muujinta garnimada anshaxeed ee mawaaqiftooda. ra’yiga qoraaga iyaga ka soo jeeda uma arkaan in uu yahay qaddiyad suugaaneed ee qadiyad shacab ayay u arkaan. Sidaas Kundera ayaa hortay yidhi.

Xasuusihii hore laga soo wada laabay, aamusnaan loo ciil qabay baa mar kale la galay. malahayga waxa arrintaas nagu caawiyey markii miyirkayagii tagtada ka yimid ee aan neeftuurnay, ayaan si gaaban u maqalnay dananka heestii Axmed Biif oo ka baxaysa meel aan naga fogayn. Kala garan weynay in xasuusihii hore kamid tahay oo tagtada la jirto iyo in ay taaganta hadda ah noogu yeedhayso oo xasuusaha ka soo laabta na leedahay.

“Armuu i dilaa cishqigu 
Armuu diihaal jacayl
Naftayda dugaashadaa.”

fanku markaas ayuu fan ahaa, hadda oon dhegaysanayno lafteeda waa fan uun. mar kale ayaan saaxiibaday ka soo dhex kacay, diiqad iyo daalba waan dareemaya. Midh sigaar ah oo ‘Buunti’ ah baan shitay. Axlaan oo 35 jir naaso kuuskuusana baa kadinka hor fadhida. Sideeda caadiga ah waa naag Carbeed oo dherer, dhumuc, dheeh iyo dhabanba leh, Jalleecadeeda koowaad ayaa waxaad ku sababayn joogisteeda dunida in ay u dulqaadan weyday qabawga lagu sheegay jannadii wacnayd ama ay tahayba sudfadii u weynayd ee koonkan ka dhacda. Caawa se way murugaysan tahay, suurow iyo saluug baa shacnigaas liqay, Alla quruxdu doorsoomi ogaa! dantaan u soo kacay ee nafiska iyo nasiinyada ahayd intaan hilmaamay baan ku boobay weydiimo. Axlaan baayo maxaa jira? khayr sheeg? “sow wararka dunida lama socotid, warbaahinta Geeljire waxay caawa sheegtay in la afduubtay Amiir Cabdiraxmaan bin Haashim, waxa laga cabsanayaan in isku dhacu xoogaysto. Dalkii bannaanbaxyo ayaa hadheeyey, dadku boqortooyada ma rabaan, boqortooyaduna in ay tagto ma rabto”. Ayey fiiro la’aan ugu faalootay. “Quruxeey hooyo sow Abha ma joogto?.” “Haa, dhankooda weli waa caadi, Riyaad iyo inta ku geddaaman baa la isku haystaa.”

Waa runteed oo boqortooyadii reer Sacuudi si walba loo nac, si walbana loo eryiwaa. aniga sacuudigaas iima darna ee wejigeeda doorsoomay baa murug igu haya. iyadana dhiillada dhulkeeda! Intaan dhinac fadhiistay baan garabka u tuujiyey, wejiga ka dhunkaday bal in aan nuuriyo ase cidna ma garan karto fool murugaysan qosolka uu iska baadhayo waxa uu noqon doono. Boggayga ayaan ku soo duway oo laabta ka salaaxay bal in aan dareen baddelo. Horay ayuu Aar ii odhan jiray waxa aad tahay roomaantig, ase anigu waan diidi jiray. si kale ma ahayne waa diidmo falsafadeed, waxaan ku odhan jiray: anigu ma ihi Roomaantig, keliya waan is waafaqnay tan iyo dhallaanimadii, aniga oo aan socod baran wixii aan ka duulayey ama iga guuxayey ayuun baan arkay iyaga oo qortay oo mabbaadii ka dhigay.

Sow hafaryo ma ahan in aan dhaho iyaga ayaan ahay? se markan wax walbi ka duwan sidii hore, wataas inantii dugsiinta aan u ahaa iska kay rujisay iyada oo leh: “Ma garan karo maqaadiirtu halkay wax u waddo! Dorraad waliyul cahdigii baa la toogtay, hooyo iyo saddex wiil baa naga jooga halkaas. dalkiinu waxa uu xiray duulimaadyadii ka imanayey Sacuudiga, Yurubtii waa hore lagu tanaadi jirayna wataas gabowday oo weliba sidii uu dagaalka qabow uga dhex kacay Shiine iyo Turki waa ka sii dareen oo meel ay la saftaanba garan waaye.”

Maxay odhan jireen? Muxuu Abwaan Cabdulqaadir Shube yidhi: Addunyadu waa giraan; Ilaa iyo guullahay; Markii uu nagu galladay; Geeddiba geeddaa ku xigay; Markii heer laga gudbaba; Midbaa guluf noogu jiray; Dhibtaa garwadeen ahayd!

Adduunyooy xaalkaa ba’ waa hadhka labadiisa gelin. Waa duni dalkaygu xor yahay, waa duni Sacuudigii u soo qaxayo Afrika, waa duni reer Barigu isku dagaalayaan. waxbaa igu leh Sayid Maxammed Cabdille Xasan haddii warkan loo sheegi lahaa qabriga dhexdiisa ayuu dhaanto qabsan lahaa. Caawa meesha waan ku raagnay. waa caynkaa marka aad isku timaadaan jaalleyaal aydaan muddo wada qoslin. Kuraastii ayey ka soo kaceen iyaga oo aad moodo arday fasal ka soo dareertay, wey i dhaafeen iyaga oo aan weli kala sheeko bogan. amminta ayey hoos ka nacladayeen malaha. Gaadhigii ayey isku shubeen oo anna ii miidaareen, soo dhaqaaqay oo bartaydii fadhiistay. Jidka qabta xaafadaha Haamaha ayaan ku sii daynay, aaggaa aniga iyo Axlaan baa gelaynay. akhyaarta kale qaarkood baa saro dhaadheer oo naga durugsan u dheelmanaya.

Degdeg badanaa orod badanaa oo baxsan ogaa. malaha marinka oo cidlo ahaa ayaa caawiyay. Surinnaduna waa cidla, haa waa cidlo ciirsi la’ axad ma dhaqaaqayo. jabaq ma yeedhayso oo baabuur ma socdo. waddooyinku waa cidla, mayee ma joogaanba oo ciddii maraysay markay tagto iyaguna way tagaan siduu lahaa Sheekoyahankii faranjiga ahaa ee ‘Ferdinald Celin’. Muddo yar kaddib, sidaadii uu gaadhigu u soo hor joogsaday daartaan degganaa, ee uu hoonka garaacay ayaan aniguna hurdada ka salalay! Hoonka baas ayaa i kiciyey.


W/Q: Maxamuud Sayidka
Email: Mohamudsayid0@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “