Wareysi (1967): Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal | BBC Somali | Vol: 01 – Cad: 74aad

 478 View

Indheergarad – Jeenaweri 04, 2021 – Lammin – Vol: 01 – Cadadka: 74aad

Wareysigan waxa ay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC ka qaaday sannadkii 1967kii, raiisal wasaarihii cusbaa ee la magacaabay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Cigaal oo kolkaas oo dhisay 17 wasaaradood, se aan weli Barlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ansixin, ayaa wareysigan oo dhinacyo baadan taabanaya lala yeeshay.

**

Cismaan-Badawi (CB): Raiisalwasaare, dawladdan cusub ee aad sameysay waxaa ugu weyn in wasaaraddii tiradeedii ay korodhay, waqti dhaqaalihiinnu uu ciirciiraayo, miisaaniyaddiinuna sannad kasta ay is dhinto, ma kula tahay taasi danta waddanka in wax tarayso?

Maxamed-Cigaal (MC): Haa, waxa ay ila tahay danta waddanka in ay wax tarayso, waayo sababtu waxa ay tahay waddanka sideenan dhaqaalihiisu xunyahay ama miisaaniyaddiisa cajsi ku jiro ee aanay iska keenin, laba siyood baa wax lagaga qabtaa. Mid waxa weeye, in dalka khidamaadkii dhexdiisa laga qaban jirey in la dhimaa; dhakhtarrada la yareeyo, bilayska la dhimo, army-ga la dhimo, dawladda dadka u shaqeeya la dhimo, oo sidaa miisaaniyaddii markaa naaqis la naaqisinayo la isku gaadhsiiyo. Sidaasi waxa weeye si aan dhaqaale ku kordhaynin e, wixii jirey uun baa wax laga dhimayaaye, wax la kordhinayaa meeshii ma ay jiraan. Waxa ay ila tahay in ay tahay haddii aan af-Soomaali kelmad ugu baadho, isnuug uun oo dhaqaalihii waddanku isagu isnuugayo oo kale weeye. Sida kale ee caalamku wax kaga qabto, aniguna aan is idhi kaga dayo waxa weeye in dalka wixii ka soo baxaayay la kordhiyo, oo sidii wax lagu kordhinayayna ay noqoto in shaqaalihii la balaadhiyo oo dhul wax ka soo baxayaan markii la helo in dad ka shaqeeya loo sameeyo oo wax ka soo baxaan, oo metalan meeshii haddii lagu khasilo malyuun shilin oo ay afar malyuunna  soo saarto, markaa saddex malyuun oo faa’iido ah ayaa meeshii ka soo baxay. Markaa aniga waxa ay ila tahay waxa aan kordhiyay wax waddanka faa’iido u keenaya oo taqaddum keenaya in ay yihiin.

CB: Raiisal wasaare, ma kula tahay dawladdan aad sameysay in ay heli doonto sowtka iyo kalsoonaanta?

MC: Arrinkani, arrin barlamaan ku shuqul leeyahay weeye, helniinka kalsoonida dawladda iyo waayisteedu. Markaa gacan ragg kale wax ku jira, waxa ay ila tahay nacasnimo yar baa ku jirta haddii la isa sii siiyo oo la yidhaahdo waa la helayaa. Waxa se aan leeyahay in aan helayo baan qabaa, sababta aan u qabaana waxa ay tahay dee waxaan ahay neef dihin oo kale. Hore wax la iiga arkay oo xumaan ahina ma ay jiro, dadka in badan oo hunguri ii qabtaana waa ay jirtaa. Markaa in raggii barlamanku yidhaahdaan bal ninkan aan eego waxa uu la soo baxo ayaan filanayaa, markaa sidaas ayay ila tahay in aan siqada ku helaayo.

CB: Raiisalwasaare, waddanka intiisa badan waxa immika aad looga dhawaaqaa khiyaanada, qaraaba-kiilka iyo xukmi xumada xafiisyada dawladda. Dawladdaadu ma damacsantahay waxyaalahaas xunxun in ay la dagaalanto oo ay baabi’iso?

MC: Maanta, warqad dheer baan u qeybiyay dadka dawladda u shaqeeya. Waxaanan kala hadlaayay sidii bal iyaga dhaqaalahoodana loo hagaajinaayay, sharafkoodana loo dhawraayay, iyana dalkii shaqadiisii ay ugu dedaalayeen ee dadkii u simayeen ee horumarka dalka ka ‘qeybqaadanayeen’ (weedha u dambeysa ma cadda). Markaa wax hore aniga oo aan ka dabatageyn oo jiri jirey, anigu waxa aan ku qalqaal jiraa haatan haddii aan xilkii qabtay in labadii geesoodba, isna raggii wax dhaqaaleeyo iyagiina la dhaqaaleeyo, isna wax dhaqaaleeyaan oo Soomaali la simo oo dadkii iyo dalkiiba loo shaqeeyo, oo loo noqdo, oo maxay ahaydaay loogu shaqeeyo si xilkas ah oo adduunkii dalkana laga dedaalo, in wixii dalka soo galaa dalka soo gaadhaan ee aanay fara dhexdood ka dusin. Anigu arrin aan ka dedaalayaa weeye, hore wax baa loo sheegsheegi jirey, waxaan leeyahay raggiina waan kala taliyay, aniguna waan iska waaniyay, waana in lagu shaqeeyo in waxaas la tiro, haddi ay jireenna la tiro, haddii aanay jirinna in immika laga dedaalo oo aanay dib u bixin ayaan ku dedaalaynaa.

CB: Ugu dambeystii raiisalwasaare, maxaa ay noqon doontaa siyaasadda dibadda ee dawladdaada? Khusuusanna maxaa ay noqon doontaa ta ku saabsan dalalka Soomaalida ee maqan?

MC: Siyaasadda khaarijiga ee dalka kani waxa ay noqonaysaa sidii aan ragga raadhiyow Soomaalina maalin dhaweyd i wayddiiyeen ugu jawaabay ama dastuurkeennaba ku qoran ee ku cad, siyaasad dhexdhexayn ah ayay noqon doontaa. Laakiin, iyada oo dhexdhexayn taas ah ayay haddana noqon doontaa siyaasad si cad u dhisan oo dalkan wixii xumaan ugu maqanna, xumaantaa ku og, wixii walaanimo iyo wanaag ugu maqanna, wanaaggaas iyo walaalnimadaas ku og oo kuna garab taagan. Dalkii maqnaa arrinkiisii, waxaan leeyahay dastuurkeennu sida uu qoraayo, wuxuu leeyahay ‘Dalkii Soomaaliyeed ee maqnaa in la doonaa weeye, sifo silmi ah oo nabadgelyo lehna in lagu doonaa weeye. Ilaa maanta dawladda Soomaaliyeed, toddobadaas sannadood ee ay dhisnayd nabadgelyadaas ayay daba haysay oo ay ku doonaysay dalkii Soomaaliyeed. Bal maanta annagu waxa aannu isku deyaynaa, annaga oo tii wadayna oo raadkii uun haynayna waxaan isku dayaynaa bal sifo diblomaasiya in dadka maanta aynu nahay jaarka ee hareeraha innaga xiga, in haddii walaalnimo wax lagaga heli karo iyo wanaag wax lagaga qaban karo in lagaga doono, ilaa intii lagaga quusanaayo.

CB: Mahadsanid, raiisalwasaare.

W/T: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Off Email: barawaani@indheergarad.com
Email: barawaani@yahoo.com