Isirka iyo Firka Soomaalida | Vol: 01 – Cad: 75aad

 1,649 View

Indheergarad – Jeenaweri 05, 2021 – Vol: 01 – Cadadka: 75aad

Hordhac

Asalka iyo halka ay Soomaalidu fir ahaan ka soo jeedaan iyo cidda uu xiriir fireed kala  dhexeeyo ummadaha kale ee dunida ku nool, waxa ay in badan ahayeen welina yihiin  arrin ay dood dheer ka taagan tahay. Haddii aad dib ugu noqotid daraasaadka cilmiyeed  ee arrinkaa la xiriira, waxa aad u gu tagaysaa dooddo badan oo qaarkood ay iska soo  horjeedaan. Qaybo badan oo Soomaalida kamid ah waxa ay ku andacoodaan in  firkoodu Carab yahay. Kuwo kaloo iyana waxaa jira ku doodda in aan isku bah nahay  qaar ka mid ah ummaddaha jaarka inna la ah. Wixii ka horreeyay qarniga ​21’​aad ee aan hadda ku jirno, dooddahaas badankoodu waxa ay ka dhici jireen kuna koobnaayeen garoomada kala duwan ee culuunta bulshada. haddaba 2005​-tii bay ahayd markii ugu horraysay ee doodda ku sabaabsan isirka iyo firka Soomaalida la hoosdhigay shaybaarka oo lagu eegay indho saynis. Haddaba, halkan waxaan idin ku gu soo gudbindoonnaa waxyaabihii ka soo baxay mid ka mid ah daraasaadka fireed ee lagu sameeyay dad Soomaali ah.   

Daraasadda oo kooban 

Dr. Juan J. Sanchez iyo afar cilmi baadhe kale oo saddex ka mid ah ay Dr Juan ka wada hawlgalaan jaamacadda Copenhagen ee waddanka Denmarka, qaybteeda ka shaqeysa in hidda-sidayaasha loo addeegsado qaab aqoonaysan, loogana faa’iideysto baadhis la xidhiidha raadinta firka dadka iyo weliba falalka la xidhiidha khilaafyada sharci iyo  dembi(Forensic Genetics). Iyo mid ka hawlgalla Mac-hadka Qaranka Canaris ee ka tirsan Jaamacadda La Lugana, waaxdiisa lagu daraaseeyo saamaynta taban ee  falgallada kiimakadaad ku yeellan karan noollayaasha(Toxicology), ee ku yaalla magaalada Tenerife ee waddanka Isbayn. Shantoodu waxay si wada jir ah baadhis aqooneed oo la xidhiidha firka hidda-sidayaasha ku sameeyeen dad ka kooban laba  boqol iyo kow (201) qof ​oo Soomaali ah, shan iyo lixdan (​65)​ qof oo asal ahaan kasoo  jeedda Galbeedka Afrika, balse ku dhaqmay in ka hoosaysa saxaraha, sagaal iyo konton  (​59) ​qof oo Turki ah iyo afar iyo lixdan (​64) ​qof oo Ciraaqiyiin ah oo ku wada nool  waddanka Denmark. Waxyaabaha la eeggayey waxay ahayeen laba wax, oo ah caalamadaha shan iyo afartan (45) ​hidde-side, oo kala duwan kana kala yimi labada waalid (biallelic markers) iyo mid si gaar ah u khuseysa Y-chromosomes-ka ragga, weliba iyadoo la isticmaalayo habka STR. Waxaana la gu daabacay joornaalka  ‘‘European Journal of Human Genetics’’.

Waa Maxay Hidde-side iyo DNA?

Noollayaashu waxa ay ubadkooda u gudbiyaan firka hidda-sidaha ee ku kaydsan DNA-dooda. DNA, waa walax qaabkeedu u eegyahay sida sawirka kore ka muuqato  salaan marmaroora, oo ka kooban saddex qayboood, oo kala ah mulukiyuul sonkor ah,  mulukiyuul phosphate ah iyo afar bays kiimikaad(four chemical bases), oo kala ah: adenine (A), guanine (G), cytosine (C), and thymine (T), oo laba laba iskugu xidhan. tusaale ahaan: (A iyo T) iyo (G iyo C), dabar Hydrogen ahina isu hayo. Dhammaan bu’aha unugyada noollaayaashu lee yihiin ayaa laga hella DNA-da. Xogta ku kaydsan  DNA-da, waxa loo gudbiya ubadka, iyadoo ilmuhu ka dhaxlayo labadiisa waalid mid  kasta saddex iyo labataan koromosome (chromosome).

Choromosome-ka, oo ka kooban borotiin la dhaho Histones iyo DNA. Koromosome kasta, waxa uu kasii  koobanyahay hiddo-sidayaal(genes), hidda-sidayaashuna, waa qayb hoosaadka  DNA-da, ee xambaarsan furaha (code) hadba borotiinka jidhku u baahanyahay  dhismihiisa. Hiddo-wade(gene) kasta, waxa uu ka koobanyahay baysyo(bases) isku xigxiga. Saddexdii kasta, ee bays ee isku xiga waxay koodh u yihiin hal amino acid. 

Amino acids-ku waxa weeye tusaale ahaan: haddii gidaarku ka samaysan yahay jaajur,  jaajurka borotiinku waa amino acids, halka gidaarkuna yahay borotiinka. DNA-du, waxay ka koobantahay laba qaybood, oo kala ah: hiddo-sidayaal xambaarsan koodhka borotiin samaynta(protien-coding genes) iyo qaybo badan oo kale oo aan sidin  koodhka borotiin samaynta(Noncoding DNA), oo loo yaqaano “Junk DNA”. Madaama qaybta DNA-da ah, ee xambaarsan fariimaha borotiin samaynta badanaa dadku ka  simanyihiin, waa ay dhici karta in meelaha qaarkood is beddel ka dhaco. Laakiin  saynisyahanadu waxa ay aaminsan yihiin in isbedelka ku dhacaa qaybta DNA-da ee aan  xambaarsanayn fariimaha borotiin samaynta(noncoding part) yahay, wax dadku ku  kala duwanyihiin. Tusaale ahaan: qaybahani waxay caan ku yihiin soo noqnoqoshada gobollo DNA ah, oo dhererkoodu ku kala duwanyahay shakhsiyaadka dhexdooda,  waxaana loo yaqaana, short tandem repeat (STR). Waana halka marka la diraasaynayo isirka iyo firka ummadaha la ga eego hidda-sidayaasha. 

Natiijada ka soo baxday Daraasadda 

Summadaha hidde-sidayaal ee Soomaalidii ka qaybgashay daraasadda lagu arkay  waxa ay noqodeen ​14 ​summadood. Waxaase ugu muhiimsanaa summadda E3b oo  lagu arkay 77.6%, K2 oo asna laga helay 10% iyo summaddaha ka la ah J, A3 iyo E3a oo mid walbaa 3% la gu arkay. Marka loo barbardhigay xogta hidde-sidayaal ee hore loo ogaayne, waxaa soo baxday in Soomaalidu yihiin dadka ugu badan ee summadda E3b illaa iyo hadda la ga helay, balse ay jiraan ummado kale oo iyagane la gu arkay  summaddaan oo kala ah: Booraanta Kenya degta oo la gu arkay 71.4% iyo ragga Itoobiyaanka oo iyagane lagu arkay 30%. Waxaa kaloo xusid mudan in summad-hooseedyo ka tirsan summadda E3b ee loo yaqaan DYS19-11 iyo DYS392-12 ee  Soomaaida (98%) ku badan aanan dunida inteeda kale la gu arag. ​11 ​qof kaliya ayaa  illaa hadda la gu arkay wixii dad hidde-sidayaashooda la baaray oo gaaraya 26654 qof.  Summadda kale ee K2 iyadane waxaa caan ku aha bulshooyinka Eurasian-ka la dhaho. summadda saddexaad ee ah Eba ee 3% la gu arkay Soomaalida waxaa caan ku ah  Bantuuga. 

Gunaanad

Ugu dambayn daraasaddu waxa ay ku soo gunaanadaysaa in Soomaalidu yihiin qayb  ka mid ah bulsha waynta ku dhaqan bariga Afrika, qaraabo dhowna yihiin Oromada Itoobiya degto iyo Booranta waqooyiga Kenya ku dhaqan. Xiriir hidde-side (​15%)​ oo  aan sidaa u sii buurnayna ka la dhexeeyo Eurasian-ka Carabtu ka mid tahay iyo in ay  aad u ga sii fogtahay Afrikada kale ee koofurta iyo galbeedka ku dhaqan.


Tixraac:
https://www.nature.com/articles/5201390#:~:text=Haplogroup%20E3b1%20with%20the%20rare%20allele%2011%20of%20DYS19%20(E3b1,DYS393%2D13%20(91.0%25).

WD: Cali Barre iyo Dhegjar Yuusuf.

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “