Halista Fikirka Xagjirka iyo Kobociisii Geeska Afrika | Vol: 01 – Cad: 76aad

 1,512 View

Indheergarad – Jeenaweri 12, 2021 – Lamtako – Vol: 01 – Cadadka: 76aad

Hordhac

Dunida badankeed waxa ay soo martay marxalado kala duwan, kuwaas oo middooda ugu halista badan ay tahay dhiigyacabnimada dugsata diinta. Waa fikir iyo mabda’ kakan oo aad u halis ah oo in bulshadu iska dhex qabatana ay adag tahay, sababtuna waxa ay tahay waxa uu ku lammaan yahay ama uu ku sidkan yahay wax “muqaddas” ama lamataabtaan ka dhex ah bulshada (Diinta). Cidna diinta kama filato in xumaan lagu la soo gabban karo, waana sababta ay illaa hadda badiba fikradaha xagjirnimada ee dhaley argagixisada aanay ugu baraarugsanayn waddamada Muslimka loo ogsoon yahay badankood. Dhiigyacabnimada diinaysan weligeed iyo waaqeed taariikhda laguma hayo koox, isbahaysi ama urur muddo badan soo jiitamayay oo xidhiidh ah. Waxa ay soo bilaabmaan xilli go’an, waxa ayna soo afjarmaan xilli go’an. Balse, xilli kasta oo lagu sugan yahay xagjirnimadaas waxa soo bilaaba qof ama koox gaar ah. Taariikhda Islaamkana dhiig-daadinta diinaysan waxa ay la soo bilaabmatay xilligii ay soo baxday kooxdii loo yaqaannay Khawaarijta oo ka dhambalmatay dagaalladii siyaasadaysnaa ee dhexmaray labadii saxaabi ee Mucaawiya Binu Abi Sufiyaan iyo Cali Binu Abi Daalib. Intaas wixii ka dambeeyay si is dabajoog ah ayay u soo baxayeen dadqalatooyinka diinaysan, gaar ahaan kuwo Islaamka ku abtirsada.

Milicsiga Abuuristii Fekerka Argagixisada

Qarnigan aynnu ku jirno ee kow iyo labaatanaad, argagaxisada aynnu aragnaa waxa ay ku abtirsataa saddex taariikhood oo isku xigay. Midi waxa ay tahay dadqalatadii diineed ee uu hoggaaminayay wadaadkii Maxamed Binu Cabdiwahaab oo qarnigii 18-aad jirtay, taas oo ka soo baxday dhulka hadda loo yaqaan Sucuudiga oo wagaas loo yaqaannay Xijaas, gaar ahaan deegaanka Cuyayna.  Taariikhdaas iyo raadkaas uu reebay wadaadkaasi waa midda keentay aasaaskii dawladda Sucuudiga oo ay heshiis ku wada galeen wadaadkaas Maxamed Binu Cabdiwahaab, in isaguna uu ahaado midka looga dambeeyo fadhiga fatwada (مجلس الإقتاء) oo boqortooyada wixii diin ay uga baahato uu isagu masuul ka yahay. Halka wixii siyaasad iyo maamul ahna uu masuul ka yahay Cabdicasiis Aala Sucuud. Waxa aynnu odhan karnaa waa laba qoys oo ku heshiiyay nidaamka siyaasadeed ee Calmaaniga ah (kala basrinta diinta iyo hannaanka dawliga), haddana bulshada u muujiya in Sucuudiga lagu dhaqayo shareeco Islaam.

Kobtaas waxa ka bilaabmay in qoyska reer Aala Sheekh oo ku abtirsada Maxamed Binu Cabdiwahaab ay diinta gadhwadeen ka noqdaan, qoyska reer Aala Sucuudna ay maamulka gadhwadeen ka noqdaan.  Waana dhaqan soo jireen ah in kelitalisyada iyo boqortooyooyinku ay samaystaan wadaaddo u fatwooda oo danaha kursiga ku ilaaliya meeqaanka diinta. Sida haddaba ka socota Sucuudiga, isbeddelka xooggan ee ka dhacay wax kale ma ahee, wadaadkii baa faalka dhinaca kale u rogay uun, kolkii ay is beddeleen danihii boqortooyadu. Arrinta labaadi waxa ay tahay dardar xooggan oo la soo bilawday jabkii 1928-kii ku dhacay boqortooyadii ama khilaafadii Turkiga ee Cusmaaniyiinta, kaas oo ahaa in la soo celiyo oo la helo waxa loogu yeedho “Khilaaafa Islaamiya” ama boqortooyo Islaami ah, sida: Umawiyiintii, Cabbaasidii, Mamaamliktii, Cusmaaniyiintii iwm.

Waana halka uu ka bilawday waxa loogu yeedho “Baraarugga Islaamka – الصحوة الإسلامية” oo ujeedkiisa ugu weyn ahaa in Muslimiinta lagu baraarujiyo ama lagu daaro in ay baahi u qabaan nidaamkii boqortooyooyinka. Loona baahan yahay ku dhaqanka shareecada Islaamka, walow aan weli la is wayddiinin ku dhaqanka shareecada ee dhabta ahi maxaa uu yahay?!  Ta labaadina waxa ay tahay kolkii xulafadii reer Galbeedku (Hantigoosadka – Capitalism) ay u baahdeen istiraatiijiyad dagaal oo ay ku jebiyaan Midowgii Soofiyeeti ee Afgaanistaan qabsanayay xilligaas. Dagaal ba’an oo faraha looga gubtay baa ka dhacay goobtaas, kaas oo socday intii u dhexaysay Diisenbar 15, 1979-kii illaa Feebarweri 15, 1989-kii.  Xulafada Galbeedka oo saaxiibkooda ugu dhow ee Carabta Muslimka ahi uu yahay Sucuudiga, kaalin weyn iyo taageerana ka helay Ingiriiska kolkii la unkayay, ayaa waxa uu daaha ka soo fayday fikir diineedkii Maxamed Binu Cabdiwahaab ee qarnigii 18-aad (1700) in dib loo dhaqangeliyo oo laga dhigo istiraatiijiyad lagula diriro Sooftiyeetka.

Kooxdii rabtay khilaafada Islaamiga ah oo kolkoodii horeba tabardarraa, shuuciyaddii xilligaasina ay dabargoyn ku wadday, gaar ahaan kuwii Masar oo kolkaas uu ugu tun weynaa ururka Ikhawaanul Muslimiinku iyo waxa is helay istiraatiijiyaddan u adeegaysa danaha Galbeedka ee lagu jebinayo Midowga Soofiyeetka uu hoggaamiyo Ruushku. Fikirkaasi waa uu hirgalay oo waxa uu noqday mid lagu tanaaday, guulo badanna usoo hooyay Sucuudiga, Jihaad-doonkii lagu adeegtay iyo isbahaysigii Galbeedkaba. Se natiijadii ka dhalatay ka dib kolkii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa ayna guuleysteen xulafadii Galbeedku (Hantigoosadka), ayaa fikirkii noqday mid aan damayn oo in wax u sii kordhaan mooyee aanay wax ka dhicin. Dadkii xilligaas aadka ugu dhex milmay fikirkaas uu Sucuudigu hormuudka ka ahaa waxa kow ka ah hoggaamiyayaasha argagixisada maanta: sida Ayman Adaawihiri, Axmed Godane, Cusaama Bin Laadin, Ibraahin Afgaan, Baqdaadi, iqk. Waxa arrintaas soo raaca in badiba dhallinyaradii xagjirnimada lagu ababiyay ee afkaartaas iyo dagaalladaas ka qeyb galey ay waddamadoodii kula laabteen fikirkii sumaysnaa, halkaasna uu ka qarxay dab kale oo cid bakhtiisa la la’yahay maanta.

Waddamo badan oo arrintan ka hortagay ayaa jira sida: Masar, Algeria, Morooko, Tunisia. Balse, waddamo badan oo aan dhaadsanayn ayaa ay haleeleen oo ay kow ka yihiin: Afgaanistaan, Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya, Suuriya, Yemen. Dhammaan waddamada ay argagixisadu haleeshay laba qodob ayaa ugu weynaa, kuwaas oo kala ah: in aysan ahayn waddamo kolkii horeba aan cago adag ku taagnayn oo ligliganayay iyo in aysan miisaamnayn siyaasaddooda dibadeed ee lagula dhaqmayo waddamda Galbeedka ee guuleystay kolkii ay jebiyeen Soofiyeetka iyo aragtidiisii.  Sidoo kale badiba waddamadani waxa ay la fikrad iyo taageere ahaayeen aragtidii hantiwadaagga iyo Soofiyeetkii gabbalkiisu dhacay. Saddexdaas taariikhood ee dhadhaarka u ah argagixisada maanta dunida ka jirta. Weli lama helin cid ka mid ah bulshada Soomaalida, urur, dawlad iyo ummadba oo si dhab ah isu wayddiisa, baadha, daraaseysa ilaha xagjirnimada iyo argixisada. La dagaalanka argagixisaduna uma baahna keliya qori iyo cudud, balse sidoo kale waxa uu u baahan yahay oo weliba uga sii muhiimsan la dagaalanka iyo fahmidda fikir ahaan iyo manhaj ahaanba labadaba. Bulshada ayay awoodda saaraan sidii ay u hanan lahaayeen, iyagoo diinta (Islaamka) u soo dhexmarinaya suntii fekerka. Sidaas darteed bulshada oo dhanna lalama wada dagaallami karo ee waa in fikir ahaan laga qubaa wixii lagu shubay. Taasina cudud iyo dagaal kuma timaaddo ee dedaal, fahan, fikir iyo qorshe ayay ku timaaddaa.

Gobolka Geeska Afrika oo diin ahaan aan lagu ogeyn xagjirnimada jaadkan ah, balse kontonkii ama afartankii sannadood ee u dambeeyay si ba’an oo xooggan loogu faafiyay fikirka Wahaabiga, oo taageere baaxad leh ka helaya dhaqaalaha Khaliijka ayaa sababay in muddo kooban Soomaalida laga beddelo mad-habtii ay ab-ka-ab ku soo dhaqmi jireen, ha ahaato Caqiido ama Fiqiba, iwm. Laakiin, waxa middan ka sii daran ayaa ah in faafinta fikirka Wahaabiga ama Salafigu aysan keli ah ku ekayn baaqid nabdoon sida waddamo  badan oo dunida ka jirta, laakiin ay soo saareen kooxo hubaysan oo dagaallamaya, shacab iyo dawladba aan u tudhayn. Fekerka Wahaabigu waa uu ka jiraa waddamada Galbeedka, Khaliijka, Turkiga, Ingiriiska iyo Ameerika, haddana kama jiraan ururro hubaysan iyo qaraxyo si joogto ah uga dhaca, haddii aysan ahayn dhacdooyin dad muwaadiniin ah oo fekerku la talax tagey ay ku kacaan. Waaqica Soomaalidu se midkaas aad baa uu uga duwan yahay, waana midda keenaysa in aan laga aamusi karin dhigga qubanahaya iyo ummadda lagu xasuuqayo magaca diinta.

Sidaa darteed waa in farta iyo qalinkaba lagu godaa oo lagu fiiqaa fekerkan aadka u halista badan ee doolka ku ah dadkeenna iyo dalkeennaba, lana soo celiyaa diintii aynu naqaannay iyo xasilloonidii bulsheed.

Cidhibtirkii Dariiqooyinka Suufiyada

Wahaabiyadu kolkii ay dalka yimaaddeen waxa ay khilaaf xooggan kala kulmeen dariiqooyinkii Suufiyada, oo dabcan iyagu noqonayay dadka keli ah ee feker ahaan fahansan, liddiga ku ah, kana hortagi kara oo iska caabbiyi kara. Magaalada Muqdisho oo kale, xilliyadii toddobaatanaadkii waxa uu gacan ka hadal dhexmari jirey suufiyadii Muqdisho iyo kooxahan Wahaabiyada ee raba in ay dadka feker dool ah ku shubaan. In kasta oo dawladdu ay kala dhexgali jirtey, qolo walbana ay si nabdoon u gudan jirtey baaqeeda. Balse, dawladdii Kacaanka ayaa dareentay oo ogaatay halista uu leeyahay fekerkan laga soo daabulayo Sucuudiga, ilaa kolkii dambe ay cadaadis ba’an saartay, oo jilba-culustii Wahaabiyadu ay waddamada jaarka iyo Carabta u baxsadeen, qaarkoodna dil lagu xukumay uu ugu horreeyay Sheekh Cali Warsame.

Taa se beddelkeeda, waxa waayuhu isbeddeleen kolkii dawladdii Kacaanku dhacday ee dalku uu fowdo baahsan galey, Wahaabiyadu waxa ay heshay kansho ay bulshada dhankeeda ka qabsan karto. Dagaallo dhawr ah baa ay la galeen jabhadihi kala geddisnaa, ilaa deegaanka Soomaali-Galbeed ee Atoobbiya ayaa ay dagaallo ka bilaabeen. Dagaalladan waxa barbar socday in dariiqooyinka Suufiyada fekerkooda laga tirtiro carriga Soomaalidu degto. Tuulo, degmo illaa gobol dedaallo xooggan oo dadka caqiido ahaan laga beddelayo Ashcariyadii ay aaminsanaayeen iyo duruqdii Suufiyada ee ay awoowyadood ka soo gaareen. Toban sannadood (1990-2000) oo Soomaalidu is cunaysay, siyaasad, hardan iyo jabhadnimaba, Wahaabiyaduna waxa ay ku dedaalaysay kolkii dhawr dagaal ay ku guuldarreysteen in ay feker ahaan bulshada beddelaan, iyaga oo qabsaday masjidyadii, dugsiyadii qur’aanka iyo diinta, dhaqaalihii iyo ganacsigii. Kolka ay awood ku dhex helaan bulshada, waxa ay kansho u helayaan in dhinaca ay doonaan u jiheeyaan dadka maankooda. Xaqiiq ahaanna waa midda ay ku guuleysteen maanta.

Dadka Soomaalidu ma fahansana fekerkan doolka ah ee soo galey, kolka laga tago in kooban oo u badan siyaasiyiin, dad wax bartay iyo wadaaddo Suufiyo ah, sidaa darteed bulshadu waxa ay ku taxantay masjidyada iyo dugsiyada ay Wahaabiyadu abuurtay. Illaa laga soo saaray dhallin dagaal ka dhan Suufiyada diyaar u ah, af iyo addinba. Magaalooyinka waaweyn iyo gobollada durbadiiba waa lagaga awood batay dariiqooyinkii Suufiyada, masjidyo koob kooban oo tiro yar oo ka soocan bulshada inteeda kale ayaa ay joogaan. Goobihii waxbarashada dadka magaca wadaadka ku jooga ee maaddooyinka Af-Carabiga iyo Diinta dhiga waa dad Wahaabiyo ah, halka berigii hore ay Suufiyo ahaayeen. Khaddiibka ka hadlaya masjidka, ka casharrada ka bixinaya, mu’addinka, dhammaantood waa Wahaabiyo. Suufiyadu waxa ay noqdeen wax ku kooban tuulooyinka ka baxsan magaalooyinka, masjidyo yaryar oo daryeel xumo badan ka muuqato, iyo wadaaddo fuqaro ah oo ay is haleeleen ganacsato Sucuudiga laga naaxiyo.

Dhaqaalahan tirada badan ee Khaliijka ka imanaya waxa uu sababay in muddo kooban ay Wahaabiyadu ku abuurto masjidyo, dugsiyo iyo ganacsiyo iyaga u gaar ah. Taas oo ay dad badan ka soo saareen oo aamisan fikirkooda. Dadkaas tirada badan waxa loo diri jirey Sucuudiga si ay waxbarasho tii hore ka ballaadhan oo dhanka diinta (Wahaabiyadda) ah u soo bartaan, una buuxiyaan kaalinta wadaadkii hore. Intaas ka dib, waxa bulshada ka soo dhex baxay dhallin aad aqoon ugu leh diinta, aamisanna fekerkii Wahaabiga, oo da’ yar, firfircoon, dhaqaalena ka helaya Sucuudiga, kuwaas oo si fudud bulshadii ula wareegay. Haddii Soomaalidu hore u taqaannay wadaad xerow ah oo dhawr buug oo xaashi case ah meeriya, waxa Wahaabiyadu ay keentay wadaad dhalaalaya oo MASTER iyo PHD ka sita culuunta diinta, iwm. Haddii hore loo ogaa wadaad xerow ah oo dadka tuugsada, marna xoolaha magac diineed kaga booba, waxa beddelay ganacsade jeeb ladan oo xeelado kale ku shaqeysta.

Waxa aynu odhan karnaa waxa isku soo beegmay dhallinyar, aqoon badan oo diineed leh, abaabulan oo firfircoon, dhaqaale xooggan ka helaya Sucuudiga oo dhabarka ku haya iyo dad u badan odayaal, aqoon badan oo diineed aan lahayn aan Af-Carabiga dhaafsiisnayn, aan abaabulnayn oo iska habayaciin ah, faqiiriin ah oo iska tabaalaysan oo duruufaysan. Akhriste, kolkaa waad garan kartaa cidda gacan sarreynaysa. Suufiyada in aanay lahayan tilmaamaha Wahaabiyada ee dhaqaala-doonka, firfircoonida iyo abaabulka iyo aqoonta badan waxa loo sababeyn karaa in aanay Suufiyadu ahayn dad duunyo jecel, oo ay u badan yihiin dad saahidiin ah, aan jeclayn is muujinta iyo abaabulka bulshada lagu qabsanayo, faqiirnimada iyo darxumada badan ee ka muuqata ama ay ku suganyihiinna ay ka turjumayso is-dhuldhig iyo kibir la’aan. Waa ta kale e, fekerka Suufigu ma aha been u baahan in dhaqaale lagu faafiyo sida Wahaabiga. Waa mad-hab nabdoon oo bulshadu bilaa dheef ay ku qaadan karaan, faafiyana is jacaylka iyo xagjirnimo la’aanta.

Arrimahaas oo is biirsaday ayaa horseeday in Suufiyadu noqoto feker laga tiro badan yahay, bulshadana ay in kooban aamisanyihiin weli. Taas oo weliba sababtay in garabyo hubaysan oo kale ay yeeshaan Wahaabiyadu, oo kula diriraya Soomaalidii kale xukunka waddanka, iyagu dhexdoodana ku diriraya kala badsiga iyo sed-bursiga awoodaha. Suufiyadana waxba la iskagama tiriyo. Dhinaca Koonfurta Soomaaliya, qubuuro badan oo Suufiyadu lahayd ayaa la burburiyay, kuwaas oo la siyaaran jirey oo ay qaarkood ku dhex yaalleen masjidyo qaddiimi ah. Waxa ka mid ahaa; qabriyadii Sheekh Muxiyiddiin Cilli iyo Sheekh Cali Biyo Maaloow oo ku yaallay Muqdisho, iyo qabrigii Sheekh Cali Cabdulle ee ku yaallay duleedka Muqdisho, iyo qubuuro kale oo aan xaddi lahayn oo ay Wahaabiyada hubaysan, gaar ahaan Al-Shabaab gacmaha ula tageen, xataa mararka qaarkood ay dadkii joogay ee Suufiyada ahaa ku dileen, ama ka caydhsadeen. Waxa kale oo ay ka mid ahaa qubuurro tirada badan oo ku yaallay Jubbooyinka, Shabeellooyinka, Gobollada Dhexe, iqrk.

Dhinaca Soomaalilaan kama jirin dagaallo ku saleysan kooxo diineed, oo dhankaas waa ay ka nabad gashey. Sidaa darteed Suufiyada wax dhibaato gacan ka hadal ah looma geysanin, wax qubuuro ahna lagama burburin. Laakiin, xukuumadihii Tuur, Cigaal iyo Riyaale waxa ay ahaayeen kuwo u janjeedha dhanka fekerka Suufiga, oo badanaa diinta waxa loo daba fadhiisan jirey Suufiyada. Had iyo jeeraale wasaaradda diinta waxa madax looga dhigi jirey wadaad Suufi ah. Balse, kolkii ay timid xukuumaddii Axmed-Siilaanyo waxa awood badan ku lahaa wadaaddada Wahaabiyada (i.e: Surwaal-gaabka), waxaana ay qabsadeen wasaaraddii diinta. Taas oo sababtay in awood dawladeed oo ay dhabarka saaraan helaan, sida oo kale ma ay noqonin kuwo ku ekaada keli ah diinta, balse waxa ay heleen wasiirro iyo madax dawladda ugu jirta, feker ahaanna raacsan, kana mid ah. Arrintaas oo horseedday in Suufiyadu baaba’do oo laga xoog roonaado, masjidyo badan laga qaado, la fidiyo fekerkii Wahaabiga, dhaqaale badan lagu bixiyo, jaamacado, mac-hadyo, iwm.

Deegaanka Soomaali-Galbeed oo sagaashanaadkii iyo ka dib ay awood xooggan ku yeesheen Wahaabiyadu, balse ay arrintaasi halis qaran ku noqotay Atoobbiya, waxa ismaamulka deegaanka iyo dawladda dhexeba ay awood siiyeen fekerka Suufiga, oo gebi ahaanba meesha ka saaray Wahaabiga doolka ah. Heer laga gaadhay in feker diineedka ugu xooggan ee Soomaalida deegaanku haysato uu yahay suufinimadii hore, iyo guud ahaan Atoobbiya oo dhammiba. Gaar ahaan, xukuumaddii Cabdi-Iley baa aad arrintan uga shaqeysay, oo iyadu halis u arkeysay fekerkan Wahaabiga. Xukuumaddaasi, siyaasad ahaan ha uga baqato ama si kaleba e, balse waxa ay sameysay wax u dan bulshada iyo dadkeeda. In kasta oo Suufiyada Dawlad Deegaanku ay ku saamowday mad-habta Shiiciga, oo aanay ahayn Suufiyadii badhax tirnayd, haddana kolleyba waa arrimo fiiradooda u baahan oo mudan.

Tobankii sannadood ee u dambeeyay waxa la odhan karaa fekerka Suufigu waa uu baraarugay, oo dhanka gobollada dhexe abaabul baa ka bilowday la magacbaxay “Ahlu Sunna Wal Jamaaca” oo deegaanno badan ka saaray ururka Al-Shabaab. Dhinaca Muqdisho, waxa dhacday in dhawaan Sheekh Umal oo is lahaa muxaadiro ka qabo in Sheekh Soomow oo ugu tun weyn Suufiyada Muqdisho uu ku shimbiro waaqleeyay. Dhanka Soomaalilaan, hadda waaqica Suufigu ma xuma, mac-hadyo iyo jaamacado dhawr ah baa ay leeyihiin, ama yihiin kuwo maamula qeybta diinta, waana ifafaale wanaagsan oo muujinaya sida loo soo nooleynayo fekerka Suufiga. Arrintaasi waxa ay bilow u noqon doontaa in carriga Soomaaliyeed laga wada saari doono fikirka dadqalatada ah ee Sucuudiga la innooga soo tahriibiyay. Xataa dad oo aan ku abtirsan Suufinimo, balse ah aqoonyahan xor ah baa ka mid ah dadka fahmay dhagarta mad-habkan, iskuna deyaya in ay af iyo qalinba ugu sheegaan bulshada anafadiisa.

Dhalanrogga Nolosha Bulshada Soomaalida

Soomaalidu inta aanay diinta Islaamku u iman iyo ka dibba waxa ay lahayd hab-nololeed iyo hab-dhaqan ay kaga soocan tahay uunka kale, laakiin intii fikirka Wahaabigu qabsaday bulshada gebi ahaanba waa uu dhalanrogay. Haddii ay noqon lahayd hab-dhaqankii gabdhaha iyo wiilasha, hab-dhaqankii hu’ga iyo dharka, hab-dhaqankii isdhexgalka bulshada, madadaalladii, fankii, goobihii caweyska, iwm. Qof ay waddanka ugu dambeysay siddeetanaadkii ama sagaashanaadkii waa uu la yaabayaa haddii uu hadda yimaaddo magaalooyinka Soomaalidu sida xaalkoodu yahay. Hargeysa, Muqdisho, Jigjiga iyo Boorama iyo meelo kale oo kooban mooyiye, magaalooyinkii kale ee Soomaalida laguma qabto bandhig faneed, oo waa ka xaaraan. Burco, Ceerigaabo, Laascaanood, Garoowe, Oodweyne, Boosaaso, Qardho, Gaalkacyo iyo meelo kaleba wadaaddada Wahaabiyada ayaa xukuma. Mararka qaarkood fanaaniin isku dayday gacan ayaa loola tageyba, oo dhibi ka soo gaadhaa.

Qeybihii isdhexgalka bulshada ma jirto. Tiyaatarro ma jiraan iyo huteello caweys. Xataa deegaannada qaarkood gabadha iyo wiilka wada socda waaba la xidhayaa, iyada oo la moodayo in ay is shukaansanayaan. Xataa haddii ay is shukaansanayaan yaa ka xaaraantimeeyay? Waxa ay ku sheegayaan wax ay ugu yeedheen “Fuxshi”. Haddii aanay wada haasaawin gabdhaha iyo wiilashu yaa wada haasaawi lahaa? Ma ragga iyo xayawaanka mise dumarka iyo dameeraha? Mushkilad ballaadhan baa fekerka Wahaabigu ka abuuray hab-dhaqankii gabadha iyo wiilka. Dugsiyada, jaamcadaha iyo goobo badanba waa la kala soocaa, sidii oo ay yihiin bahalo iyo xayawaan is cunaya haddaan la kala ilaalin. Kiisaska qaar lagu hayo jeelasha waxa ay tibaaxayaan in wiil iyo gabadh la iska soo qabanayo, hadhowtana la ogaanayo in ay walaalo, qaraabo ama wax la halmaala yihiin. Waa gef iyo meel ka dhac dhanka xuquuqda aadanaha iyo muwaadiniinta ah.

Hab-dhaqankii hu’ga iyo maryuhu gebi ahaanba waa uu isbeddelay, xijaab iyo asturnaan gabdhaha Soomaaliyeed waa lahaan jireen, laakiin midka maanta shaqo kuma lahayn. Ragguna, diin iyo dhaqan suubban waa lahaa, laakiin gadh weyn iyo khamiis ma aqoonin. Waa dhar dool ku ah dhaqankeennii, iyo dhalanrog uu abuuray fekerka Wahaabigu. Wax kale kolka la iska dhaafo, waxa isbeddeshay xorriyaddii shakhsiga ahayd iyo noloshii qofka Soomaaliga ah. Deegaannada qaarkood waxa suuqyada si xoog ah timaha looga xiiraa dhallinta sida ay doonayaanu jartay timahooda, iyada oo la leeyahay si dhaqanxumo ah baad u jarateen timaha? Ma timo jarasho qofi doortay baa dhaqanxumo? Cajab! Gabdhaha naftooda dharka ay qaataan baa su’aali ka timaaddaa, oo haddii la doono sida wiilka timihiisa loo xisaabiyaa. Waxaana arrimahan isku kaashanaya maamulka meesha ka jira iyo hay’ad la magacbaxday “Hay’adda Wanaagfarista iyo Xumaanreebista” oo ah qeyb ka mid ah “Lajinnada” Sucuudiga ka dhisan oo sidan oo kale u shaqeysa.

Dhacdooyinka ugu la yaabka badan waxa ka mid ahaa; in bishii Feebarweri ee sannadkii 2019-kii la is yidhi buug ku soo bandhiga magaalada Burco ee gobolka Togdheer, buuggaas oo la yidhaa “Hadyad Jacayl”. Bandhiggii oo socda ayaa hay’addii “Al-Amru bil Macruuf Wa Nahi Canil Munkar” ay soo galeen wadaaddo ka tirsani, waxa ay si qasab ah oo baratoolka munaasibadda ka baxsan u dhaheen mikrafoonka ha na loo dhiibo aannu hadalnee. Dabcan, waa loo diiday oo meesha wacdi looma iman ee waa bandhig buuggeed, dadka la soo casuumayna kama ay mid ahayn. Waxa ay qaaddaceen xafladdii, iyaga oo huteelkii soo geliyay askar ka tirsan gobolka, iyaga oo ku dhejinaya magac ah meesha faaxisho iyo munkar ayaa ka socda. Sidii ayaa buuggii lagu carqaladeeyay bandhiggiisi, uuna ku baaqday. Dhacdooyinkan iyo kuwo la mid waa waxa amakaaga ku ridaya qof kasta oo garaad furan. In buug la soo bandhigayo ay wadaaddo abaabulan diidaan, xataa hees iyo fan ma aha, keli ah waa buug la qorey oo ka hadlaya jacayl. In heerkaas ay marayso bulshadii Soomaaliyeed qaarkeed, waa ayaandarrooyinka innagu habsaday soddonkaas sannadood ee burburka ka dambeeyay. Haddaan halka maanta xaal maraya laga daba taginna meel ka sii daran baa ay aynnu gaadhi doonnaa oo aan ka soo noqosho lahayn. Waa isla hannaanka ka jira Afgaanistaan ee ay u dhaqmaan Daalibaan, waxa la mid ah midka Daacishtii Bariga Dhexe, Al-Qaacida iyo dhammaan ururrada xagjirka ee hubaysan.

Khaliijka Cusub iyo Wahaabiyada Geeska: Godkooda Ayaa Biyo Ugu Galeen

Dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudiga ee Maxamed Binu Salmaan oo loo magacaabay jagada raiisal wasaare ku-xigeenka waddankas bishii Juun ee 2017-kii waxa uu noqday oof ku taagan Wahaabiyada. Waxa uu si badheedh ah warbaahinta uga sheegay in ay Wahaabiyada fan gareeyeen oo faafiyaan, ayna ka codsadeen waddamada Galbeedku. Haddana ay diyaar u yihiin farsameynteeda iyo dhaqancelinteedaba. Intii uu dhaxalsuguhu kursiga yimid, waxa uu gebi ahaanba beddelay hannaankii Sucuudiga lagu yaqaannay isaga oo 2030-ka hiigsanaya Sucuudi ka duwan midkii hore loo bartay. Waxa uu oggolaaday in gabdhuhu baabuurta kaxeyn karaan, iyada oo markii hore loo diiddanaa, in tiyaatarrada la wada iman karo ragg iyo dumar, baarar habeenkii lagu caweeyo, garoomada kubbadda iyo madadaallada oo gabdhaha iyo raggu imanayaan, in isdhexgalka la badiyo, in dalxiisayaasha caalamiga ay yimaaddaan waddanka, xeebaha loo furo, goobaha taariikhiga ah, huteellada wada degi karaa ragga iyo dumarku, iwm.

Waxa uu ku hamminayaa in uu Sucuudiga aannu keli ah ku ekaanin dhaqaalaha saliidda, balse uu dalxiiska iyo tiknoolajiyaddana uu horumariyo, si dhaqaale iyo horumar badan looga sameeyo. Waddankana uu ka dhigo mid liberaal ah oo aan laga garan waddamada Galbeedka iyo Ameerika. Waxa uu sida oo kale laalay oo meesha ka saaray xadkii dilka (Qisaasta) iyo xuduuddo kale oo Sucuudigu ku dhaqmi jireyba. Sida oo kale waxa uu damacsanyahay in uu joojiyo faafinta Wahaabiyada ee caalamiga ah, isaga oo ku beddeli doona feker cusub oo la jaanqadaya isbeddelka Sucuudiga iyo dunida kaleba. Halkaa waxa ku soo food leh Wahaabiyada Soomaalida iyo kuwo kaleba jab weyn oo aanay ka soo kaban doonin. Waa mid e, horta ma heli doonaan taageeriddii dhaqaale ee ay Sucuudiga ka heli jireen, sababta oo ah Ina Salmaan ma aha mid ay macno u sameynayso xagjirnimadoodu. Dhaqaale xumada baahsan ee haleeli doonta, waxa u raacaysa in aqoontiina la beddelo manhajiyaddeeda. Sidaa darteed ma heli doonaan maktabado u daabaca buugtii caqiidada Wahaabiga, inta ay haystaanna kuma filna. Mana heli doonaan waxbarashadii ay hore u heli jireen.

Sidaa darteed waxa ay ku qasbanaan doonaan in ay raacaan oo qaataan manhajiyadda cusub ee Sucuudiga oo dabcan aan ka duwanayn Salafiyada Jaamiyadu midda ay faafiso, sidaasna uu fekerka xagjirku ku noqdo mid gabaabsi ah, sababta oo ah ishii uu ka soo burqanayayba waa ay gudhi doontaa, maaddaama siyaasad iyo qorshe cusub la keenay. Middaas waxa ka daran waa in Sucuudigu wado qorshe lagu cusboonaysiiyo afkaarta Islaamka, oo ay ka wada shaqeynayaan Galbeedka, kolkaa asalraacnimada uu ku taagnaa fekerka Wahaabigu ama Salafigu waa ay baaba’aysaa. Haddii Carabkii waxan abuurayba uu ka haajiray, ma Soomaali dub madow baa ilaalinaya? Soomaaliguna waa in uu daneystaa, oo waddankiisa iyo dadkiisa ka dhaafaa daroogadan da’ yartii iyo ummaddiiba qubuuraha ku gurtay.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
E. Off: barawaani@indheergarad.com
Email: barawaani@yahoo.com

2 Comments

Comments are closed.