GORFAYN: The Language of Argument|Larry & Daniel McDonald | Vol: 01 – Cad: 77aad

 1,274 View

Indheergarad – Jeenaweri 13, 2021 – Koodaar – Vol: 01 – Cadadka: 77aad


Hordhac

Buuggan inoo daaran waxa ladhkiisa la yidhaa “The Language of Argument”, Af Soomaali haddii aynu soo dhawaynno ku noqona: Afka Doodda/Luuqadda Doodda. Waxa aynnu garawsannahay in mawduuc kastaa uu leeyahay af gaar ah oo lagu hadlo, oo uu baadisooc ahaan u leeyahay. Tusaale ahaan, siyaasaddu af gaar ah ayay leedahay, dhaqaaluhu af gaar ayuu leeyahay, sharcigu af gaar ah ayuu leeyahay, beeruhu af gaar ayay leeyihiin. Marka halkaa waa gar in doodduna af gaar ah lahaato.

Waxa qoray oo ku mintiday laba qoraa oo kala qalin duwanaa. Midi wuxuu ahaa Daniel McDonald oo noolaa intii u dhexaysay (Julaay 30, 1960kii – Febraayo 15, 2007dii) oo jilaa iyo qoraa ahaa. Da’ yaraan ayuu ku geeriyooday, isaga oo 46 sano jira ayuu wedku u yimid. laba caruur ah ayuu adduunka uga tagay. qoraaga kale ee la qoray waa Larry W. Burton oo ah  qoraa buugaag kala duwan oo mawduuca xidhiidh la leh qoray.

Si guud buuggu wuxuu ka koobanyahay 385 bog. Daabacaado kala duwan ayaa laga sameeyay. Nuskhada aan anigu hayaa waa soosaaristii 9’aad, waxaana la daabacay tan 9’aad sannadkii 1999kii. Afar qaybood ayuu iskugu jiraa. Waxa aad mooddaa inuu xoogaa isku yara dhexdaadsanyahay xagga habaynta, mawduucyo mudnaan lahaa xagga danbe la geeyay. Yeelkadiiye, si kooban ayaynnu afartaa qaybood u dul istaagi. Aanan ku xasuusiyee, labadaa qoraa inta badan waxa ay xooggasaari dooddu marka ay tahay mid qoran, oo qoraal lagu gudbinayo. Se ta hadalkuna ka madhnaan mayso.

Nuxurka Buugga

Qaababka Doodda

Qaybta 1’aad waxaa ladh ahaan ku suntan ‘Qaababka Doodda’. sida ay dooddu u dhigmayso ee loo sheegayo ama loo qorayo. Qaybta koowaad qodobka u horreeyaa waa ka Dhaadhicinta Qoraalka oo ay ka wadaan in waxa aad qoraysid ama sheegaysid cidda ay khusayso aad uga dhaadhicisid si farsamaysan oo xirfadaysan. Labadan qodob ayay ku soo koobeen:

B. Hano Dhegaystayaashaadaa/akhristayaashaada: Qodobkani waxa uu suurtagel ku noqon karaa in marka koowaad aad garatid cidda aad la hadlaysid. In cidda aad la hadlaysid aad garataa waxa ay kaa caawinaysaa in aad erayada kala xulatid oo qaabaysid.

T. Qeex Arrinta aad ka hadlaysid/qoraysid: Waxa aad sheegaysid marka hore si wanaagsan u soo huf. Waxaa jira mawduucyo laga doodi karo iyo kuwa aan boos ku lahayn doodda. Qoraa Daniel iyo Qoraa Larry Burton waxa ay qabaan doodda aan anna qabo adna laga yaabo inaad qabtid ee ah: Inay jiraan waxyaabo aan dood gelin. Sidoo kale waxa ay qabaan in arrimaha qaar ay rabaan in aad loo dul istaago oo in ka badan caddayntooda la qeexo. Tusaale ahaan, waxa ay u soo qaateen haddii laba qof ku murmaan Madaxweyne-ku-xigeen Al Gore wuu caqli badanyahay iyo maya. Iskuma ay khilaafin timihiisa, ilkihiisa, iyo dharkiisa. se qeexidda caqli badnaantiisa dood baa ka taagan.

Qodobka xigaa waxa weeye ‘Male’ habka uu qofku u dhigayo/sawir guud uga bixinayo ee uu sookoobid guud ugu samaynayo caddayn aan dhammaystirnayn ( Wax uuna caddayn hubaal ah u haynin, se uu malaynayo). Waxa aad ka hadlaysid waxa aad ku garanaysaa male–qiyaas ee ma hubtid caddayn dhammaystiranna uma haysid. Labada qoraa waxay tusaale u soo qaateen waxa aad aragto ubax cad. Se maad wada arag ubaxyada oo dhan. Haddii lagu yidhaa Ubaxu midabkiisa noo sheeg? dabadeedna aad ku jawaabtid: Waa caddaan, caddayn xaddidan baad ku salaysay waana male.

Daniel iyo Larry waxa ay iswaydiinayaan dhawr qodob oo khuseeya caddaynta aan ku filnayn. Waxaana ka mid ah:

1. Muunadda (Sample) ka miyaa la garanayaa?
2. Muunaddu ma tahay mid innagu filan? Halkan waxa ay qabaan in marar badan qofku waxa uu ku doodayo ay ka kala dhimanyihiin oo uu qalad ka dhici karo. Sidoo kale, waxa ay qabaan in Muunadda kala-dhimani ay keeni karto daabaqayn hafar (shey ama cid wax ayna ahayn lagu shaabbadeeyo oo lagu nabo). 
3. Muunaddu miyay meteli kartaa kuwo kale? Tusaale waxa ay soo qaadanayaan hablaha diraweliinta ahi way ka fiicanyihiin ragga Dirawaliinta ah. waayo way ka shil yaryihiin.

Falanqaynta Doodda

Qeybta 2’aad waxa ay ladh uga dhigeen Falanqaynta doodda Mawduucan waxa aad mooddaa in ay ka gaabiyeen oo aysan aad uga hadlin. Waayo wax ku saabsan xeerarka falanqaynta iyo sida loo sameeyo toona may qorin; marka laga reebo tusaalayaal iyo sheekooyin ay dad kale qoreen oo soo ergaysteen. Markaa haddii aan ka akhriste ahaan wixii aan ka fahmay tusaalayaasha fekerkayga ka dhiibto waxa aan ku soo koobi karaa:

1. Ogow waxa aad falanqaynaysid: dabcan waxyaabo kala duwan ayaa la falanqeeyaa oo laga hadlaa. Sida looga hadlayaa waxa ay ku xidhantahay kolba waxa uu yahay. Tusaale: haddii aan lacag ka hadlayo waxyaabaha ugu waawayn ee aan falanqayn lahaa waxaa ka mid ah: qiimadha lacagta, waxyaabaha koriya, sicirbararka sida loo maamulo, sida loo xisaabiyo Iwm.

2. Dhinacyo badan ka eeg: Marka aad wax falanqaynaysid dhinacyo kala duwan ka joogso. Tusaale ahaan isku day inaad wax kasta oo xidhiidh la leh wax ka sheegto ama ugu yaraan tilmaanto.

3. Si la fahmi karo u dhig falanqaynta: Isku day in waxa aad ka hadlaysid/qoraysid la fahmi karo. Ogoow oo dadkan ku dhegaysaya tixgeli bal in ay kula socdaan ama wuxuun kaa fahmayaan.

4. sookoob: u samee meel uu ka bilaabmo iyo meel uu ku dhammaado.

Suugaan ku dooddid

Qeybta 3’aad waxa ay ladh uga dhigeen Suugaan ku doodad. Macne ahaan waxay jeedaan in doodda suugaan gabay, buraanbur, hees iwm ah lagu dhiibto. Halkanna malahayga qoraayadu meelaha ay ka gaabiyeen ayay ka midtahay, ma ay sheegin hannaanka iyo habka la raacayo marka Suugaanta lagu Doodayo ee doodda gabay iyo wax la mid ah lagu dhiibayo. Gabayo qallalan oo bilaa sharraxaad ah sida kuwii Shakespeare ayay ku qoreen. Waxa se muhiim ah in aynnu isla fahanno in gabayga, buraaburka, heesaha iwm ay door muhiim ah ka qaataan doodda arrin ku saabsan ee lagu kala aragti duwanyahay. Inaga ka soomaali ahaan si gaara arrintaasi way innagu badantahay, oo waayadii hore waxa ugu badan ee doodda lagu dhiiban jiray Suugaan ayeey ahayd. Haddii laba qof wax ku kala duwanaadaan tiraab inuu ku sheegaa way adkayd se noocyada kala duwan ee suugaanta ayuu ku cabbiri jiray.

Siddeeda Xeer Ee Qoraalka Toolmoon

Qaybta afraad waxa ay ladh uga dhigeen Siddeeda Xeer ee Qoraalka Toolmoon. Sidii aan hore u sheegay inta badan labada qoraa waxa ay xoogga saari doonaan doodda qoran. Aynnu soo koobno Xeerarka

1. Dooro Ladh: Doorashada mawduucu in ay waxyaabaha ugu adeg ee doodda qoraalka tahay ayay qabaan. Qofku marka uu badhaadhihiisa ka dhiibayo arrin waxa ay u baahantahay inuu doorto ladh uu ku caanamaalo oo geeddisocodka dooddiisa wax-ka-tara. Sida badanna waxa la yidhaa mawduucu waa kala badh qoraalka uu qofku qorayo. waayo qoraalka ayuu ladhku muraayad u yahay oo waa meesha laga duulayo.

2. Xogo dhab ah hel: Marka aad dood dhiibanaysid waxa ay u baahantahay xog inaad haysid. Mawduuc ma lafa-guri kartid haddii aanad xog ka haynin. Xog la helaa talo la helaa. haddii aanad mawduucaaga xog ku filan ka haynin waa lagugu rogi karaa oo albaab kasta waa lagaa soo xidhi. Xogaha meelaha laga helaa way badanyihiin. Maktabadaha, Aaladaha casriga ah sida: talafoonada, Internetka Iqk. Ugu danbaynna  ku dadaal caddaaladda qoraalka oo wax runa oo la hubo xarriiq.

3. Ladhkaaga Xakamee Baaxad ahaan: Labada qoraa waxa ay qabaan in doodda goob iyo ammin lagu saleeyo. Waayo haddii aad badisid hal-bacaad lagu lisay inay noqotaa laga yaabaa. Aad isku waydii amminta aad haysatid iyo baaxadda mawduuca aad lafa-guraysid. Dabadeedna ku salee waqtigaaga adigoo koobaya.

4. Xogtaada habee: In doodda la habeeyo qaab qoraaleedka sida qoraallada kaleba loo habeeyo ayay qabaan labada qoraa. Waxa ay leeyihiin: u samee Hordhac, Nuxur iyo Gebagebo. Saddexdani waa waxa aasaaska u ah qoraalka iyo hadalkaba.

5. Qoraalkaaga xiiso u yeel: Dad badan hadalkaaga/qoraalkaaga waxba ka soo qaadi maayaan haddii aanad xiiso u yeelin. Dheg jalaq u siin maayaan haddii aad adigu marka hore dhegaha ka furaysato xiiso u yeelidda dooddaada. Waxyaabaha hadalka xiisaha u yeelana waxaa ka mid ah hufnaanta iyo dhabnimada.

6. Qoraalka Ha Kala Saafnaado: Inta aad wax qoraysid, gaar ahaanna doodda iska ilaali erayada iyo sida ay u kala muhiimsanyihiin. Isku day inaad adeegsatid erayba ka uu ka muhiimsanyahay. Marar badan iska dhaaf inaad adeegsatid erayo iyo tuducyo badan oo aan dooddaada muhiim u ahayn. U qor hadalka ama u hadal si aan maldahnayn oo cad.

7. Iska Ilaali Erayada dareennada kiciya: labada qoraa qodobkan waxa ay ku soo aroorinayaan in qofka doodayaa iska ilaaliyo erayo dareennada kiciya sida kuwa ka hadla jinsiga. Waayo, saamayn aan yarayn ayay keeni karaan. Saamayntaa waxa ugu yar in mawdduucii qalnaa ee laga doodayay laga mashquulo, oo lagaga mashquulo hadal soo darriyay oo dusha ka yimidday. Sidoo kale in marar badan la iska ilaaliyo erayada qosolka badan keeni kara. Maaha mar walba, se marka arrin aqoonaysan laga doodayo waa in la iska ilaaliyaa. ka Sandheere ahaan, waxa aan qabaa in qosolku mawduuca leexin karo oo dooddii la isku dhilayay damin karo. dhinaca kale intuu u rogo ka dhigi karo wax aan sidaa u sii ridnayn. Dabadeedna inta la kala caajiso arrintu kaftan isku baddesho oo caddaymihii badnaa ee la keeni lahaa kaftanku awoodda kala wareego.

8. Iska Ilaali Surmaseegtada farsameed: Halkan waxa ay kaga warramayaan marka aad doodda qoraysid inaad aad uga taxaddirtid in qalad farsamo oo badani kaa dhaco. Waxa ay soo aroorinayaan in qofku aad u ilaaliyo calaamadaha waawaynaynta xuruufta qaar iwm.

Ugu dambayn afartii qaybood ee buugga bud’dhigga u ahaa Intaas ayay ku idilyihiin. Habayaraatee in aynnu wax uun ka fahannay ayaan rajaynayaa. Qofkii heli karaa buugga ha akhristo xogo intaa ka badan ayuu ka dhaxli karaa.

WQ: Cabdirasaaq Sandheere.
Email: drwadaad.yare@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “