Burmad iyo Bad-weynta Suugaanta | Vol: 01 – Cad: 78aad

 777 View

Indheergarad – Jeenaweri 17, 2021 – Koobin – Vol: 01 – Cadadka: 78aad

“Sidiiq Maxamed Burmad waa hal’abuur ereyadiisu ku labisanyihiin hibo iyo farshaxannimo nooceeda beryahan naadirka ku ah suugaanyahanada. Waa Heello-maal heesihiisu baadi-sooc gaara leeyihiin oo qofka in uun yaqaana curinta suugaanta, aanay kaga dhex lumayn–qasmayn booshaaqa waayadan la tiriyo.” Sidaa waxa faallo ku bixiyey shan sanno ka hor Abwaan Xasan-daahir Weedhsame. Feegaaridda xarfo la baahiyey oo lagu qorey mareeg kama dhigna in aynu gudnay abaalka Suugaanyahan murtidiisa lagu dhayo boogo milil noqday oo baahan. Wacyiga suugaaneed ee heerka sare leh, af-gaabnida iyo mabda’a aan labac-labacda lahayn ee shaqsiyaddiisa ku lingaxan ayaa sifo kuugu filan. Qarnigan 21’aad Burmad suugaan shilis ayaa uu dunida keenay oo ay adag tahay inaynu maqli wayno.

Waa durdur suugaaneed aan gudhin oo haaneedaya mucdii iyo miidii qofnimo. Wuxuu taageeray oo suugaantiisa mucda lehi soo saartay hibada codeed ee Hobollo cirkaa tagay, oo aan hadda caad qarin karin “Cadceed duhur joogta sacabadu ma qariyaan.” Halkii ay lodkii hore ugu jireen Maxamed Cali Kaariye, Sulub, Axmed Saleebaan Bide I.q.k ayaa uu ugu jiraa jiilka dambe. Waa Caroog, loogu hadlo inta dareenadda kalgacaylku golongoliyeen. Caddad iyo tiro toona malaha inta uu Gar-yaqaan suugaaneed u yahay ee miciinsata Weedhaha maankiisa kasoo burqada. Khabiir weyn oo garaad ku ah ka dhex hadlida Quluubta dadka iyo Tarjumida Dhacdooyinka waayo-nololeed ee ku xeeran.

Burmad suugaantiisu waa mid baadi-sooc leh oo rajo iyo yididiilo ku abuurtay Shaqsiyadayda. Sabankan fanka laga dayriyo, kolka aan Midhihiisa maqlo Culays badan oo welwel i galin jirey ayaa iga dega. Ka Sokow garashada iyo barashada aan bartay Sidiiq, ilaa hadda waa dadka sida gaarka ah ii saameeyay. Nin dad jecel, gaar ahaan dhalinyaradu aad uga mahad sheegtaan. kolkii hore keligay ayaa ismoodayey inay aragtidaasi igu kooban tahay, balse markhaatigaasi waxa ii furay fan-goob Cumar Seerbiya oo isagoo Sidiiq sifaynaya laga hayo: “Astaan gobonimo, adkaysi iyo walaalnimo. qof kasta oo ay duruufaha nololeed kulmiyeen tan markhaati ayaa uu ka noqon karaa! Aniga oo og wanaagiisa ayaa aan arkaa dad kale oo ka mahad-sheeganaya. wanaag iyo gacan-qabasho ayaa uu astaan u yahay.” 

Sawirka: Abwaaan Sidiiq Burmad.

Xirfadle ku dhowaad labaatan sanno ku dhex jirey Warbaahinta Soomaalida. Raadiyoow Hargeysa ayaa uu 2003-dii ka hawl bilaabay, aadna waxa loogu xasuustaa Barnaamijkii “Xulashada Raadhiyoowga” isaga iyo Raxma Abu-Hurayra. Walow waqtiyadii u dambeeyay uu Laanta af-Soomaaliga ee BBC-da uga warramayey Hargeysa. 1983-dii ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa. Shan sanno waxa uu ka shaqaynayey oo uu tababare u ahaa Weriyayaal isaga oo u shaqaynayey Haayad Holandiis ahayd oo la odhan jirey ‘Free Press’. Shahaadada heerka koobaad waxa uu ka qaatay Jaamacadda haayadda Shaqaalaha Somaliland.

Fasalka toddobaad ayaa uu ku bilaabay Suugaanta, sida uu ku sheegay Waraysi laga qaaday. Afar goor ayuu uu ka qaybgalay tartan suugaaneedyo, waxaanu laba ka mid ah galay kaalinta 3’aad, halka labada kale uu ku guuleysay kaalmaha Koobaad iyo Labaad. Dhagteenu kolka ay maqasho magaciisa durba waxa qub inaga soo yidhaahda Heeso iskugu jira guubaabo, daltabyo, calaacal–tawaawac iyo ammaan mano-sheegashadu ku dheer tahay. Sidiiq Maxamed Burmad mid kamid ah mashiinadii hoboladii Xidigaha Geeska gacanta weyn ka gaystay, in ay wacadaro ka dhigaan Masraxyada Hargeysa.

Mar kale waa warshaddii soo saartay ama ina bartay Axmed Arshe iyo Cabdirisaaq Anshaxba mucda heesaha uu u dhiibay darteed. Sidoo kale waa Suugaanyahanka leh mid kamid ah saddexdii heesood ee ibo-furka u ahaa heesaha Nimcaan Hilaac. Heestiisii ugu horeysay ee Miyuusig loo tumo ee uu alifey waxa ay ahayd Xalaawatul Laws. haddaba halkan ka daalaco Suugaanta uu curiyey gaar ahaan Heesaha Miyuusiga loo tumay ee ay qaadaan hooballadeennu.

1] Yaa yidhi ma jiro caashaq
Oo jaahilnimo sheegtay
Dhibse yaa jacayl mooday
Oo garan jibada haysa
Kuna sheeggay jeefaafka -codka Mursal muuse.

2] Bestii weeyaan dartaa dheh
Ilaa hadda muu bogsoon dheh
Bukaan weeyaan sidii dheh
Mar wuu baaxaa dagaa dheh
Mar wuu isku buuqayaa dheh
Kiiyoo jooguu baxaa dheh
Baraaruga wuu nacaa dheh -Nimcan Hillaac

3] Jacaylkuba ma biyo dhigin
Qalbi dhowr wadaagaan
Oo dhinac mid kala wada 
Adna meel wax kula dhiga 
Dhagax qudha haddaad laba
Dhimbirood ku wada dhufo
Way dhici isleedahay
Waanay kuu dhaboobayn
Malaa dhaadi mayside 
Waa dhimbiil hinaasuhu -Barwaqo Qalanjo

4] Naftaydani waa liciife
Rabboow laabtayda daafac
Liibaantana igu hanuuni
Ladnaantana haygu hoojin. -Maxamed Bk 

5] Xasuusta ayaamo aan xanibnaa
Xanuunka jacaylku xoog u badnaa
Anoo xayirnaa dartaa xawilnaa–
Xawilnaa xogtayda halka aan ku sugnaa
Ahayd mid xumayd xasaasi ahayd
Adaa xuladkii Xamdaay damiyee
Xalaal dhaladeey Xalaawatul laws. -Nimcaan Hilaac

6] Waa loox-maxfuudkee
Liidnimo kumaan hadhin
Adna laydha guurkaay
Soo leexo maantoo
Sida geed lux maankoo
Laabtayda maanqaad -Anshax

7] Waxan guudka saarta
Eed aanan weli gelin
Waanan raalli geliyaa
Bal inaan la kala go’in -BK

8] Dugsi loo hiloobiyo
Hadh-dacaar gabood male
Qunyar heego luudiyo
Hoosiisna jiif male
Hammo beena mooyee
Ragna hanasho reer male
Hel ugbaad lamoodaa
Mooyee han kale male 
Been dumar kusoo hoy
Hadhawtana run kula dhaqan
Ragga waa u halhaysoo
Waa waxa haween baday -Ugbaad aragsan

9] Mar i dage i dagi maayo
Dibna noo furfurmaayo
Dayn maayo tuu maanku
Kulankeeda doonaayo
Niyaduna ku doogayso
Caashaqu dan guud maaha 
Laba ruux dareenkooda 
Waa dabar ma taaneeya 
Qof kalo ka meel doona
Waa dulsare uma baahna – A. Aarshe.

10] Hormood meel aad u tahay 
Halyey meel aad ka tahay
Kutahay hodanaad ku tahay
Qof haybad leh aad ku tahay
Dalkaaga laga helaa
Hargeysa laga helaa
Bulshadu waa habarwadaag
Hilbiyo dhiig wada dhashoo
Himilo ku midaysanoo
Hadafbay wada qabaan –Xidigaha Geeska

11] Dalkaa kuu baahan kuu baahan
Barwaaqada aan helnee soo bixi soo bixi Bulshooy
soo bixi cashuurta -Xidigaha Geeska

12] Bartu waa Garoon
Bogcadii ciyaaraha
Barbaartii lasoo xulay
Tartan loogu baaqee
Bulshayahay rag iyo dumar
Bilaaboo usaraca kaca
Sacab badan haloo tumo – X. Geeska

13] Haweenbaa hoodo sheegta
Haweenbaa samo u hiisha
Haweenbaa qaran hagaaja
Haweenbaan hadimo beerin
Hog iyo booraan la eedo
Halbawlaha horumarkeenu
Iyaga weeyaan hubaale
Heerkiyo nabadaynu joogno
La’aantood lama heleenba -Xidigaha Geeska.

14] Anigu cidna uma xagliyo 
Xukuumadda lama safani
Xisbina waligay ma galin 
Xer gaaraana uma shaqayn
Waxaan ahay weriye xora
Dadkaan xulafaysi nahay -Xidigaha Geeska.

15] Nabadeey warkaa sheelan
Nin ku waayeybaa sheega
Nasannoon habeen seexan
Noloshana ku guul seega -Xidigaha Geeska

16] Udugaagu waa cuudka
Ama cadar i soo jiita
Carfigaagu waa gooni
Cid kaloo heshaa joogin
Midabkaagu waa caynka
Cirka dayax kasoo muuqda
Caddo-niidhi weeyaane
Carro-edeg dadkaa jooga
Ma cidbaa ku gaadhaysa?
Calaashaan iftiinkaaga ! -Axmed Aarshe.

17] Dugsiiya Alloow dejiya daalka iga bi’isa
Daymo qurux ilwaadloo indhaha duwata wiilkooda
Doojisa hankeygoo darmada wadhata laabtayda
Diif tira diihaalkiyo dhibtaba iga daryeelaysa
Oo halkaan ka doonaayo halkeed iga dareemaysa
Ii dul badanoo iina debecsanoo iina dumareysan -Cabdirisaq Anshax

18] Maxaan hagardaamo qabay
Hurgumo aan iga ba’ayn
Calool-xumo hadallo beera
Adoon eray ii hambeynin
Qasana toban goor la hoyday
Hayena aan kaa sugeyn
Nafteydaan kaa hareyne
Inaan jaro haybintaada 
Awoodeedaanan haynine
Hadmaan caawana is keenay?! -Anshax.

19] Mar waan kugu dawoobaa
Mar waan kugu durroobaa
Waxaad doojisaa laab
Caashaqu ku daabacay
Magacaaga deeqaay
Mar waa dudumisaa
Damaq baad ku reebtaa
Oo waad ku digataa
Naftan dabarku kuu xiray
Ama dayso oo dhowr
Ama daa i daayoo
Meel kale u diga-rogo -Anshax.

20] Inaad isku dookhtihiin
Lamaame isdoortayoo
Ilaa xad isdeeqayoo
Isdaawada aad tihiin -Bk

21] Laabtaada adigoo ku qorey ruux isqaban waayey
Qof nool lagama quustay naftani qiil ka dhigataaye
Qaflad ruux ku sugan show illeen male qaneecaade
Qaadiroow Allahayoow adigu qumane ii soo xul –Xamda Cabdi, Xamda-kuwiin.

22] Wanaagu dhibaaga
Jacayl ka dhantaaga
Xumaan u dhafraaga
Shirqoolo dhigaaga
Dhan-xiirka warkiisa
Dhexdeennu madeeqdo
Dhambaal xumayaasha 
Dhexdeenu maqaado 
Dhididkoodu ku kooban
Dhawaaqa Iblayska 
Dhagteenu ka awdan -Yusuf Hanad iyo Asma Love


23] Ma beelbaa beel wax dheer
Miyaan bini’aadamkuba
Ka iman boodh iyo candhuuf?
Hadmay kala baab noqdeen
Oo yaa qaarkood boqraday
Badhkood yaa hoos u dhigay?
Intaad dhaqamadan bahdilan
Ee aan diintuna bannayn
Buruudka u haysataan
Bulshooy waad liidataan!

24] Maku tidhi hortay cidi i hoo oo i hano Hoodo?
Maku tidhi hortay waan ka helay hadal macaankaaga?
Anna hoo warkaygoo jacaylkaagu i hel maanta
Habluhuba markay soo gashay ila hagaasaane
Luqunteeda taakada hal dheer hilibka laallaabmay
Hoogaanso kubabkeeda eeg kor iyo hoos buuxa
Dibneheeda yaa kala hadhoo haysta ragi leeyayiyo
Dhaayo hanaqaa ku jara haamadiyo laabta.
Kol hadaanan kaa haysan karin hanatay laabtiiye
Maysku kaa halleeyaa aduu hadal ku joogaaye? -Axmed Arshe

25] Hugunkani ma faraxbaa?
Ma jacayl hirgalaybaa?
Ma labaa halkuu rabay
Hanku maanku laasimay
Haasaawe meelmara
Dhaxalbaa ka hadhayee
Oo ma hoygalkiibaa?
Ma habeenno khayrlaa?
Hambalyaannu leennee
Anna heelladaydii
Soo maan u hagar bixin! -BK 

26] Ulashadu jujuub maaha
Amar iyo i yeel maaha 
Ikhtiyaar ka qaad maaha
Irrid xidhan garaac maaha
Adigoo qofkaad doontay 
Aqballaada kaa diiday
Daba orod hadana maaha 
Isagana kadeed maaha
Ubaxeey ilmada jooji
Jacaylkana ka saar uurka
Urugada kadaa maanka 
Anna eedda hay saarin 
Ubad iyo nin reer laanay 
Oo oori qaba fiican -Yuusuf Jeego.

27] Qalbigu wuu taamayaa
Wuxuu tabayuu rabaa
Tiiraanyana wuu qabaa
Tumaati ku kaysa oo
Ayaamo tilmaamanoo
Taguu sii dhaadayaa
Xusuusaha taabayaa
Midkaan u tasoobay iyo
Hargeysa kamaan tageen -Yurub Geenyo

28] Dab iyo axdigii digaad ka dhigtoo
Dubaaqiyo maanka waad dubatee
Anoo kuu dabacsan baad dig tahee 
Maxaad ka dudaa aan ka daayee -Aarshe

WQ: Jamaal Ibraahin Dasuuqi
Email: jamaaldasuuqi4455@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “