Waayihii Abwaan Axmed Siciid (Af-gudhiye) | Vol: 01 – Cad: 79aad

 1,408 View

Indheergarad – Jeenaweri 27, 2021 – Koodaar – Vol: 01 – Cadadka: 79aad

Hordhac

27 Jan, 2018 maanta oo kale oo haatan mudoo saddex sanno ah laga joogo ayuu adduunka ka baxay Abwaan Afgudhiye. AHN. haddaba maqaalkan abwaanka waayihiisi iyo suugaantiisi ayeynu uga hadli doonnaa sannad guurada geeridiisi awgeed. Suugaantiisii inaha ugu miidda iyo martida badnayd ayaan maqaalkan soo koobayaa.

Taarikh Nololeedkii Abwaan Axmed Siciid-Af-gudhiye (1963-2018)

Abwaan Axmed Siciid Diiriye ‘Af-gudhiye’ (AUN) waxa uu ku dhashey magaalada Dirirdhabe ee dalka Itoobbiya dabayaaqadii sannadkii 1963-kii. Abwaanku waxa uu ka soo jeedaa qoys hibo u leh murtida. Hooyadii waxay ahayd dumarka buraanbura. Waxa uu ku barbaarey isla magaaladaasi, isagoo waxbarashadiisii aasaasiga ahayd qur’aanka iyo tacliinta ka bilaabey. Kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargaysa sannadku markuu ahaa 1978-kii.

Isla goortaa 1978-kii waxa u Hargaysa ka bilaabey fanka isagoo ka mid noqdey kooxihii fanka ee ka dhisnaa magaalada Hargaysa. waa markii uu ku guulaystay imtaxaankii tijaabada abwaannimo ee laga qaadey kahor bilowgiisa fanka. Kaddib bilowgisii fanka abwaanku waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho oo xaruun u ahayd jamhuuriyaddii Soomaalida. isagoo wada shaqayn la bilaabey kooxdii fanka ee Waabari ee magaalada Muqdisho. Muddadaasi u joogey Muqdisho waxa lagu xasuustaa abwaanka tartankii lixda cudur ee carruurta laga daaweeyo, waxaana ka mid ahaa raggii ay kuwada tartameen Dugsiiye Xasan, Daahir Maxamed Xaddi iyo Maxamed Cali Kaariye. Abwaanku waxa uu tartankaasi ka galay kaalinta labaad. intaa kadibna waxa uu ka mid noqday abwaanadi ruwaayadaha u diyaarin jirey kooxda Waaberi.

Haddaba burburkii dawladdii Soomaaliya kadib abwaanku waxa uu u wareegay waddanka Jubbuuti. isagoo kaalintiisa ka qayb qaatay fankii ka oognaa jamhuuriyadda Jubbuuti. Abwaan Ahmed waxa uu ka mid noqdey abwaanadii carbiyey, dhidibadana u taagey kooxdii Deegaan, isagoo ka mid noqdey tiirarka muhiimka ah ee kooxda fanka ee Deegaan. Ruwaayadiisii ugu horeysay ee uu abwaanku curiyey waxay ahayd riwaayadii la magac baxdey ‘Jacayl Biyo hoostood ma lagu Beeray’. Waxaana jiley kooxdii Deegaan.

Waxaa Abwaan Axmed Siciid (Af-gudhiye) lagu xasuustaa hindisidda iyo hirgalintii barnaamijkii caanka ahaa ee ka bixi jirey raadyowga iyo muuq-baahiyaha waddankaasi Jubbuuti ee la odhan jirey Taxanihii Tix-maal. Abwaanku waxa uu barnaamijkani ka soo muuqday tiraba toddoba jeer, waxaana lagu xasuustaa silsiladiisi caanka ahayd ee la odhan jirey: ‘WANKAYGA CADOOW HA NAAXIN’. Dhanka kale Abwaanku waxa uu ka mid noqday abwaanada fankoodu saameeyay bulsho waynta Soomaaliyeed lagana heli karo meel kasta oo ay Soomaalida dagto. Waxa uu curiyey ruwaayaddo kala duwan iyo maansooyin tiro beel ah.

Waxaa heesihiisa ku luuqeyay fannaanin caan ka noqdey Soomaalida dhexdeeda. gu’gii 2000 Abwaanku waxa uu ka mid ahaa abwaanadii sameeyay heesihii dhiirigalinta iyo guubaabintii ummadda Soomaaliyeed shirwaynihii Carta ee ka qabsoomay waddanka Jubuuti. waxa uuna tiriyey illaa toddoba heesood. Dhab ahaantii abwaan Af-gudhiye waxa uu lahaa hibo dheeriya oo ahayd inuu xafido marka uu curiyo hal’abuurkiisa. Waxa uu aqoon dheeri ah u lahaa waxa uu ka hadlayo, jid toosan ayuu wax kasta oo u curinayo u mari jirey waxa uuna lahaa erayo miisaaman.

Murtidii miidda ahayd ee abwaanka lagu xasuusto waxaa ka mid ah:

1.
Badh kaa maqan ruuxa haysta
Badh uu tabayaa ku raacey
.”

2.
Markaad naxdaan ku nacay
Naftuna igu tidhi ka qanac
.”

3.
Indhihii quruxda aad ugu deeqday
Qaabkii la ma lihid wacnaa
Naftii ku qaddarin jiraysay
Quus baan uga yaabayaa.

4.
Arday-macallinow
In ku seegtayoon
kugu odhan lahaa
Ma ogolide
Sideen arrin ku faraa?

5.
Qofkaan libintaada rabin
Laakiintuu xoojiya.

6.
Jaceyl iyo been heshiiyay
Naftayda dhibtay badeen
Haddaan ka bogsooni waayo
Runeey boqolkayga qaado.

7.
Naftaydaay hoos u hadal
Haye-da baro iyo qushida
Heshiis la ahow wakhtiga.

8.
Tagtadu casharkay ii dhigtiyo
Haddaan talada dhacdada
Ku taamilo qaadan waayo
Tasoobaye halayga quusto.

9.
Haddaan habrashada aqaan
Dadkaan u horayn lahaa
Xaqayga haddaan ka hadho
Waxaan heli lahaa mid kale.

10.
Naftayda adoo u daran
Dookhayga u roonidaa
.”

11.
Boqorka boqortooyadiisu lahayn
Bilow iyo dhammaansho
Loo baahdaha cid na aan u baahan
Bad-baadshaha aan laga bad-baadin
Baaqiga keligii hadhaaya
In laga baqaa yaqiinta
In lagu baqdaa hanuunka
Baxshaha wuxuu bixiyo waayin
Lahaanshuhu kuu u buuxo
Ayaa burmad laga sugaaye
Qof baahan qofkii u baahda
Ayaa talo weyn u baahan.

12.
Sagaal-jirjirooleyaal
Ayuun baan jiidiyo irmaan
Shax aan jaraheedu dhicin
Hawaawi ku wada jilnaa
Juxaan talo siinayaa
“.

13.
Anoo ku og oo ku eeday
Haddana kaa aarsan mayo
Anoo neceb aragtidaada
Haddana kaa ma agtagaayo
Anoo eed kuu helaaya
Haddana kugu odhani mayo.

14.
Adduunyadu waa wareegto
Waxaad shalay ku istareexday
Inaad maantana ka ooydo
Ummuur lala yaabo ma aha
Sidaas iyadaa u taala.

15.

Adduunyadan rubucu hadhey
Inteedii badnayd la rogey
Ratiga loo qaley sunta
Mar aan raadcee is idhi
Talaa tiri: ha i rogrogin
Runbaa car i sheeg i tiri
Been baa tiri: ii riyaaq
”.

Bilowgii sannadkii 2018-kii ayuu abwaanku xanuun dartii loo dhigey cusbitaalka magaalada Boorama, iyadoo markii dambena xaalad caafimaad darteed loogu direy waddanka Hindiya. Muddo markii uu la il-darnaa xanuunna ku soo noqnoqdey waa uu geeriyoodey. Waxaa aas ballaadhan loogu sameeyay xabaalaha magaalada Boorama. marxuumku wuxu ifka kaga tagey labo xaas iyo 18 carruur ah.


Kaalinta Suugaantiisa

Suugaantu waxay bulshada ugu jirtaa door muhiim ah, waxay kala hadashaa arrimaha bulshada iyo nolol maalmeelkooda. Hal’abuurka soomaaliyeed waxa uu ka maansoodaa wax kasta oo ku saabsan arrimaha bulshadiisa uu la noolyahay: Waddan jacaylka, dhiirigalinta iyo goobaabinta bulshada, arrimaha jacaylka, siyaasadda iyo wax kasta oo la xidhiidha arrimaha bulshada. Abwaanku waxa uu ka qeyb qaatey dhammaan qeybaha kala duwan ee suugaanta sida: Ruwaayaddo, Maansooyin kala duwan, Gabayo iyo heeso.

Ruwaayadihii uu curiyey

Sannadkii 2003-dii waxa uu curiyey ruwaayadiisii ugu horraysey mar uu ku sugnaa waddanka Jubuuti, waxaana jiley kooxdii caanka ahayd ee Deegaan. Waxa uu u magac daray ruwaayadaa “Biyo Hoostood Jaceyl Lagu Beeray”. dhanka Jilayaashii mataley ruwaayadan waxay ahaayeen afar iyo toban jilaa, kuwaas oo ahaa xiddigihii ugu cansanaa xilliyadaa. waxaana ka mid ah: Xasan-waddo, Nuur-daalac, Mako-deegaan, Khadra-Qoordahab, Shukri Rooble, Abwaan Caws iyo Cabdiraxmaan Cumar (Biifto).

Ruwaayadani ayaa noqotey mid kamid ah ruwaayadihii ugu xiisaha badnaa ee laga daawaday mashraxyada waddankaasi Jabbuuti. Ujeedka iyo farriimaha guud ee ay xambaarsan tahay ruwaayadani ayaa ka kooban dhawr wacyigalinood oo ku socota bulshadeenna. sida: Wacyiga gabadha asturan ee wanaagsan, wacyiga ganacsatada iyo cashuurta, dhibbanayaasha jacaylka, wacyiga odayaasha hantiilayaasha iyo dhallinyarta shaqo doonka ah, wacyiga ku aaddan shaqada wiilashu ka shaqeeyaan iyo gabdhaha ay isjeclaadaan, ammaanta iyo dumar ayay xog ka soo gudbinaysaa, dookha qofka iyo kala duwanaanshaha labada qof ayay wax ka matalaysaa, dhanka kale danta iyo jacaylka ayay wax ka tilmaamaysaa iqk.

Ruwaayadaasi waxa lagu xasuustaa heeso dhaxal gal ahaa iyo erayo miid ah. Waxaa ku jirey ruwaayaddaasi siddeed heesood oo aan halkani qaar kamid ah aynu ku xusayno.

  1. Heestii: ‘Inaga oo sodoh iyo sodog ah
    Heestani waxaa ku luuqaynaya labada fannaan ee kooxda deegaan oo kala ah Fardawsa iyo Nuur-daalac.
    Gabadha:
    Anoo sahanoo digtoon
    Sir iyo caadkaad la timid
    Garaadjaygani sax yidhi

Aqoontiisaan saluugay
Marbuu samirkiyo dulqaadka
Sal-fudaydku ka fiican yahay
Saansaantaan arkaayo
Kolaba isa sidani maynee
Inagoo sabi iyo carruur le
Intaan kala soconi layn
Hadday sahlantahay colaaduye
Inoo kala soor jacaylka

Wiilka:
Anoo saadaalin guud
Markaad sibiq iigu timid
Qalbigii kuu sacabbo tumay
Inuu sahwiyaan ogaaday
Marbuu samihiyo wanaagga
Samayloolku ka fiicanyahay
Siduu sawirku iigu muuqdo
Sareedo wadaagi maynee
Inagoo reer wacan samayney
Intaan kala soconi layn
Hadday sahlantahy colaaduye
Inoo kala soor jacaylka

2. Heestii: ‘Sidii doqon ha u hadline’
Heeskanna waxaa ku luuqayeeya labada fannaan ee kala ah Mako-deegaan iyo Xasan-waddo.

Mako-deegaan:
Dayaxu qoraxduu beddelay,
Dabkay u shiduu sitaa,
Nin doorkuna hooyadii,
Daruustay bartuu wataa.
Hoggaanka daryeelkiyo
Dugsiga aad ka aflaxdeen
Dulmiya jahligii ni yidhi
Hadduu cilmi diidey yimid.
Sidii doqon ha u hadline,
Ku dayo dunida ilbaxdoo,
Dadkaa siman ceeb ha moodin.

Xasan:
Samada roobkii ka da’ay
Hadduu dhul doog ka bixin
Jiilaalkii ma doorinine
Abaartii dhibuu ku daray
Aqoontan danbaabtiyo
Horumarkan dib u dhacaa
Ayaaney ku duufsane
Diinteena aqoon u yeelo.
Sidii doqon ha u kufine,
Ku dayoo dumarkii horoo,
Wax jirin ha ku lumin dantaada.

Heeskii: guur iyo dhaqan. Heeskani oo ah hees talantaali ah ayaa waxaa ku wada luuqaynaya fannaaniinta Shukri Rooble iyo Nuur-daalac.

Gabadha:
– Rag hunguri dhibeenoo,
– Wada dhuuni raacoo,
– Inay maal haween dhacaan,
– Shilka ugu dhuumanoo,
– Dhagxumo iyo ceeb nacay,
– Yaa oday ka dhigan kara?

Wiilka:
– Hablo dheel halaabayoo
– Dhaqankiyo hidaha nacoo
– Dhaan kale u raran yoo
– Hadalkaa dhegaysanayn
– Garanayn xaqiiq dhexyaal
– Yaa xaas ka dhigan kara?

Gabadha:
– Xilkii ka dheeliyoo
– Noqey sharaf ma dhawrayaal
– Cidlo-dhige dharaaro-qabe
– Iska-dhale dhalaanka korin
– Yaa oday ka dhigan kara?

Wiilka:
– Iska dhal aan kuu dhigee
– Ii dhiib aan kaa dhaqdee
– Yaa xaas ka dhigan kara?

3. Heeskii: ‘Gacalooy walaal/Gacaleey walaal
Heeskani waxaa ku wada luuqaynaya labada fannaan oo kamid ahaa xiddigihii kooxdii Deegaan, Xasan-waddo iyo Mako-deegaan.

  • Gacalooy walaal
  • Caashaqan ku galey
  • Gorofka u culoo
  • Isku soo galnaye
  • Yaynaan isgubin.

4. Heeska:’Duruuf”
Heeskani waxaa wada talantaallinaya fannaaniinta Xasan-waddo iyo Mako-deegaan. Meerisyada heeskana waxaa kamid ah:

– Mako-deegaan:
– Malaha dan baa ku jirtee
– Dadabgalkeenani waa
– Duruuftaa xeerka ka weyn.

Xasan-waddo:
– Ha moodin daacadnimee
– Dadabgalkeennani waa
– Duruuftu xaalka ka wayn”

Ruwaayadda labaad ee uu qoray Abwaanku ayaa la magacbaxday ‘Jacayl iyo Been Heshiiyay”. iyana waxaa jilay kooxdii Deegaan ee Jubbuuti. Ruwaayadani waxaa la diyaariyay saddex abwaan oo can ku ahaa dhanka jilida ruwaayadaha, Abwaan Aadan Idiris, Abwaan Cismaan Ceeleeye iyo Abwaan Caws. Laxamada heesaha ku jira waxaa dhammaan wada diyaariyay labada xiddig e ruwaayada, Xasan-waddo iyo Nuur-daalac. Dhanka muusikada heesaha waxaa tumay Muusishin Sacad-yare. Waxaa jilaya labo iyo toban jilaa; lix wiil iyo lix gabdhood. Kuwooda ugu caansan waxaa ka mid ahaa: Xasan-waddo, Nuur-daalac, Mako-deegaan, Mardiya Siciid, Ruun (Aamina-Amuur), Caws, C/raxmaan-Biifto iyo Khadra Maxamed.

5. Heestii: ‘Jacayl iyo Been Heshiiyey’
Heestani waxaa ku luqeeyay fannanada Fardawsa Axmed waana heesta ay ruwaayadu ku socoto. Dadka intooda badani heestani magaceeda ayay ruwaayada u yaqaanan.

– Anoo nolosha u bislaan
– Ayuu boholyow i qaaday
– Xaqiiq anigoo ka baydhsan
– Ayaan kalgacal bilaabay
– Anoo buuxsamin gu’gaygu
– Ayaan u badheedhay xiisee
– Waxaan se baraarugoon
– Odaadey inaan bad galay
– Markaan wakhti baylahshee
– Jacayl iyo been heshiiyey
– Naftayda dhibtay badeen
– Haddaan ka bogsooni waayo,
– Runeey boqolkayga qaado.

Jubuuti Iyo Tix-Maal

Taxana tix-maal waxa uu ahaa barnaamij lagu kaydiyey sugaan aad u fara badan. Abwaanku waxa u ka lahaa barmaamijkaa labo ujeedo: dhiirigalinta dhalinayarta iyo qiimaynta miisaanka suugaaneed ee dhallinyarta si loo ogaado kaalinta uu shaqsi kastaa u qalmo. Muddo badan kadib, waxaa barnaamijka lagu soo marti qaadey abwaanno culculus. Hadraawi, Gaarriye iyo kuwo kale. Abwaanku waxa uu barnaamijka kasoo muuqday toddobo jeer isagoo kaga qayb qaatey maansooyin aad u qiimo badnaa oo intooda badan silsilad isku baddaley oo ay ka qayb qaateen abwaanno Soomaaliyeed oo caan ka ah gayiga Soomaalidu degto.

Maansooyinkii uu abwaanku kaga qayb qaatay marmaamijkaa waxaa ka mid ah:

  • Maansada: Haariya
  • Maansada: Baar-cad
  • Maansada: Wankayga cadoow ha naaxin
  • Maansada: Hambabar
  • Maansada: Odey biiqey
  • Maansada: Run baa car i sheeg i tidhi

Heesihiisa Hirgalay

Marka laga yimaado heesaha ku jira ruwaayadaha, waxa uu curiyey heeso kala duwan oo ay ku luuqeeyeen fannaanta Soomaaliyeed meel kastooy joogeen.waxaa ka mid ah:

1. Heesta: ‘Naftaa kaa maarantee miyaan meel kuu hayaa’
Codka: Shukri Axmed

– Hilowgii igu mudnaa
– Markuu iga maydhmay
– Hadduu kugu meeray
– Naftaa kaa maarantee
– Miyaan meel kuu hayaa

2. Heesta: Qosol Iyo Cadho
Codka: Fardowsa

– Intaan kaa qawadey
– Qumanow ma lado
– Quudkana ma cuno
– Qorraxdii dhacdiyo
– Qac waagi yidhaa
– Qosol iyo cadhaan
– Kala qarinayaa

– Qalbi kuu bogiyo
– Aqli kaa qancaan
– U gar qaadayaa
– Inaan qoys wada dhisno
– Inaan wacadka qubo
– Qaraar iyo go’aan
– Kama qaadan wali
– Talaa ii qaybyo ah.

3. Heesta: dhowrsanow jacaylka ku soo dhawoow
Codka: Ubax-fahmo

– Naftaa kula dhacdee
– Dhawrsanow jacaylka
– Ku soo dhawoow
– Guri aan dhisnee

4. Heesta: Naf Ku Jecel Ha Waydayn
Codka: Buuni

– Naf ku jecel ha waydeyn
– Ha wax yeelin sharafteeda
– Wakhti sii la joogeeeda
– La wadaag dhibta haysta
– Ku dadaal wanaageda
– Isku waani farxadeena
– Wadnaha iyo ku qabo laabta.

5. Heesta: Run Baa Car I Sheeg I Tidhi
Codka: Nimco Jamac

– Adduunyadan rubucu hadhey
– Inteedii badnayd la roge
– Ratiga loo qaley sunta
– Mar aan raadce is idhi
– Talaa tiri ha i rogrogin
– Run baa car i sheeg i tiri
– Samaa yidhi ha i rajayn
– Been baa tiri ii riyaaq

6. Heesta: Aan Casuuno Labadeenu
Codka: Ruux Xadi

– Waa gob iyo caad keede
– Intaan soo rogaal celino
– Aan casuuno labadeenu

7. Heesta: Toolmoon
Codka: Xasan-Waddo

– Toolmoon quruxdaada taama
– Tallaabadiyo dhaqaaqa
– Xubnaha talantaaligooda
– Toos goortaan kuu arkaba
– Meel baad i taabataaye
– Hadmaan kuu taabayaa?


8. Heesta: Jacayl Talo Yari Ku Beermay
Codka: Maxammed-Bk

– Jacayl talo yari ku beermay
– Taariikh xumada iga raacdey
– Soyaalka ha igu taalo
– Talaabo dagdag aan uqaadey
– Sidaan ugu turunturoodey
– Tusaale ha ii ahaato.

Af-gudhiye Muxuu ku soo Kordhiyey Suugaanta Soomaaliyeed?

Sida aan qabo abwaanku dhankiisa dedaal door ah ayuu muujiyey, wuxuu soo kordhiyey wax cusub oo qurux u yeelay suugaanta Soomaalida. Dhanka godadka maansada ayuu qaar cusub ku soo kordhiyay. Qaar kamid ah miisaankaa iyo farshaxankiisa waxaynu kaga bogan karnaa maansooyinka indhahaaga ku soo maqan, wuxuuna yidhi:

1.
Duni madhan, nabad ka madhan
Dad madhan, dadnimo ka madhan
Qurux madhan, dhalad ka dhiman
Xeer madhan, fulin ka madhan
Garsoor madhan, caddaalad ka madhan
Rag madhan, masuuliyad ka madhan
Dumar madhan, xishood ka madhan
Macalin madhan, Cilmi ka madhan
Ardey madhan, barsho ka madhan
Caruur madhan, asluub ka madhan
Hurdo madhan, raaxo ka madhan
Dawlad madhan, awood ka madhan
Mucaarad madhan, ujeedo ka madhan
Muxaafid madhan, waddaniyad ka madhan
Janan madhan, kaarto ka madhan
Askari madhan, tababar ka madhan
Qori madhan, rasaas ka madhan
Hadal madhan, run ka madhan
Maskax madhan, caqli ka madhan
Salaad madhan, khushuuc ka madhan
Qalbi madhan, iimaan ka madhan.


2.
Qof luloodey wuxuu daydayaa waa bal
Qof mirqaamay noloshuu ku jiraa waa tal
Cuntadii bukaan lagu sadaa waa jal
Shay kastoo colaad lagu danshaa waa xal
Waxa aadmiga lagu kala gartaa waa dal
Shay kastaba halkii laga unkaa waa sal
Cunugii yar waxa loo sasabaa waa dhal
Waxa ruux dhalandhooliyaa waa cal
Meel kastay biyuhu fadhistaan waa gal
Naag hinaastey waxa laga sugaa waa fal
Amin/neef naaxey waxa uu sugaa waa qal
Waxa ceelka lagaga cabaa waa kal
Awliyo waxay ku hamidaa waa lal
Shay kastoo iftiin laga helaa waa nal
Shaah kulaylkii waxa lagu gartaa, waa wal
Tiro meeshay ka abuuranto waa hal
Waxa haadka lagu caydhiyaa waa yal.


3.
Boqorka boqortooyadiisu lahayn
Bilow iyo dhammaansho
Loo baahdaha cidna aan u baahan
Bad-baadshaha aan laga bad-baadin
Baaqiga keligii hadhaaya
In laga baqaa yaqiinta
In lagu baqdaa hanuunka
Baxshaha wuxuu bixiyo waayin
Lahaanshuhu u buuxo
Ayaa burmad laga sugaaye
Qof baahan qofkii u baahda
Ayaa talo weyn u baahan.

4.
Ehel lama jaree kaanu nahay, ul iyo diirkoow ba’,
In kastoon markay nagu adkayd, aad isugu niilay,
Oo loo arxami jiray midkay, liicdo adhaxdiisu,
Ayaantaad ladnaatiyo ilaa, eegga laga joogo,
Boqol jeer nimaan aaminoo, eeday baad tahaye,
Ha yeeshee anoo taa ogsoon, aahda igu reebtay,
Uu urugo ciil badan falkaa, igu asqaysiiyay,
Kuma odhan inkaari ha dishiyo, qabo ilaahoowe,
Waxaan idhi nin aaqilo galaa, aayatiin ma lehe.
Kuma odhan Abaal laawiyo, waa inkire jaane,
Waxan idhi ayaantuu dharguu, shalay ilaawaaye.
Kuma odhan abbaan reer ahiyo, waa Aw qabiili ah,
Waxaan idhi intooduu ogyahay, wuuna ururshaaye.
Kuma odhan bakhayl oodan iyo, waa ableel madhan’e,
Waxaan idhi ujeedo is tusuu, ku adinno fiiqaaye.
Kuma odhan Islaamkiyo xaqay, kala irdhoobeene,
Waxaan idhi miyuu aayadaha, qaato amarkooda.
Kuma odhan indheergarataduu, ka ag fogaadaaye,
Waxaan idhi aqoon liituhuu, oday ka yeeshaaye.
Kuma odhanin waa inan gumeed, iriqyo fiicnayne,
Waxaan idhi astaamihii gobtiyo, aynigii ma lehe.
Kuma odhanin uus aaste iyo, waa ugaadhsade’e,
Waxaan idhi ninkaan ka indho rogan, iilka laga dhawrye.
Kuma odhanin iimaha ku yaal, waa intaa tiro’e,
Waxaan idhi sidaan kuu aqaan, uunku kuu baray’e.


Gunaanad

Xogaha ku jirta maqaalkan waxaa ka soo xigtay ilaha kala ah: muuqaallo kala duwan oo ku jira kannaallo Youtube, muuq-baahiyaha RTD ee Jubbuuti iyo sidoo kale muuqaallo waraysiyo laga qabtay abwaanka. ugu dambayn abwaan Axmed Siciid Af-gudhiye waxaan u baryayaa meel khayr leh iyo janno.


W/Q: Khadar Cumar Diiriye
Email: dearmaama143@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “