Martiqaadkii Wacnaa | Vol: 01 – Cad: 80aad

 828 View

Indheergarad – Jeenaweri 30, 2021 – Vol: 01 – Cadadka: 80aad

Safrad kulul ayaa hurdada iga toosisay, taas oo soojeedkii badnaa ee xalay sababay. soo dhawaadkii ayaan seexday sidii aan sariirta u galgalanayey. xalay geed dheer ayaa hurdada la iga saaray. Waa sababta aan saaka ugu raagey hurdada. degdeg ayaan isu diyaariyey si aan u doonto wax aan ku demiyo calooshayda aad mooddo inay cartamayso. Qorraxdu ma muuqan, oo waxa ay ku dhuumaalaysanaysey daruuraha dhexdooda, haddana duhur ayay saacaddu ku sii dhawayd. Daruuro madmadow ayaa hadheeyey magaalada buuraha ku dhex taalla—waa halka magaca magaalada laga keenaye, Ambo waa magaalo meel dhexaad ah oo buur saaran, buurona ku hareeraysan yihiin. dabayl aan badnayn ayaa jihada waqooyi ka soo dhacaysey se qabow daran oo lafta ku taabanaya wadata. Dhismayaasha iyo dhirtana waxaa ka da’ayey dhedadii xalay, laamiguna liid badhtanka ah oo qoyan ayuu lahaa.

Waddooyinku waa haawanayaan meel kastina way xidhan tahay. Dad aan badnayn oo ku lebbisan dhar isu eg ayaa waddooyinka isku dhaafdhaafaya. Meharad aan aalaaba bunka ka cabi jiray ayaan fadhiistay oo dhowr koob oo bun madow kaga dhuftay. waa maalin ay dadka haysta diinta Kiristaanku dabbaaldegaan, dabcan waa Iidkooda oo dadka wejiyadooda waxaa ka muuqda farxad. guud ahaan dalku maanta oo kale waa fasax, oo cidina ma shaqayso. goobaha laga cunteeyo, meheradaha ganacsiga badankoodu way xidhan yihiin oo dadku cibaadaysi iyo raaxaysi ayay ku shuqlan yihiin. Meheraddii aan cuntada ka cuni jiray, waan ku hungoobey, quful weyn ayaa ku taagnaa. hore waan u sii ogaa in ay tahay maalintii Kirismaska, se meeshaba ma soo dhigan in ay saamayn doonto meheradda yar ee aan cuntada ka cuno! Aad ayaan uga xumaaday arrinkaas oo hiif iyo habaar ayaan iskugu daray dadka iyo diinta Kiristaanka saamaynta ku yeeshay cuntadaydii.

Niyadda waxa aan ka lahaa: dad kan maxaa waalay? may iska shaqaystaan oo meheradahooda iska furtaan, adiguna cunto ayaad heli lahayd iyana lacag ayay tabcan lahaayeen. Doqonnimada guud ee bulshada ku dhacaa waxa uu suurogeliyaa waxaan maangal ahayn oo dadku la yimaado iyadoo aan cidina aanay su’aal ka keenayn. Cadhadaasi ma sii waarin. kolkii aan maqlay cod nin oo xaggayga danbe igaga i manaya. Gadaashayda ayaan eegay si aan hubiyo cidda ii yeedhaysa ee magacayga korka ugu qaylinaysa. waa mulkiilihii meheradda aan macmiilka u ahaa oo gacanta ii taagaya. Waan ku soo noqday si aan u ogaado sababta uu iigu yeedhayo iyo waxa ku kellifay in uu xidho meheradda. Tan danbe, waan malayn karayey jawaabtiisa oo isyeelyeel ayay iga ahayd amase cadhada iyo gaajada ayaa igu kellifay. Si kastaba waan ku soo dhaqaaqay, u imi oo isa salaannay. Gacanta uu igu salaamay mooyaane tan kale waxa uu ku wataa quraarad dheer oo madow.

Durbadiiba aqoonsaday in ay khamri tahay oo muuqeeda iyo munaasibadda maanta ah ba waxay sii adkeeyeen malahaygii.”Iga raalli ahow, maanta meheraddii waan xidhay e, laakiin gurigayga ii raac. anigaa maanta ku casuumay” ayuu yidhi. In uu iga raalligelinayo xidhitaanka meheradda cuntada waan sii qiyaasi karayey laakiin meeshaba ma soo dhigan martiqaadka. Asalkaygaba casuumadda kama helo oo waan dhibsadaa, se arrinkan waxa uu ii lahaa xiiso gaara: waa mid e waxa aan doonayey in aan ogaado casuumadda qof aan Soomaali ahayn. Waa mar labaad e, wax aan cuno ayaan aad ugu baahnaa meel kale oo wax laga cunaana ma jirto. Labadaas sababoodba waxa ay igu riixeen in aan si degdeg ah u aqbalo soojeedintiisi.

Luuq aad u dhuuban ayaannu marnay, waxa aannu sii soconey in cabbaar ah oo uu ila hadlayey se, maankaygu ku mashquulaanaa sawirashada waxa aan kala kulmi karo guri aan Soomaali ahayn! Waxa aannu soo gaadhnay guri deyr leh oo ku yaal qarka doox weyn oo jihada waqooyi ka mara magaalada. Albaab cagaar ah oo badh-furan ayuu riixay, dabadeedna gudaha u galnay. Waa guri aan il-qabad lahayn oo saalo lo’aad laga dhisay. Laakiin magaalada ka go’an jewi deggen oo naftu ku xasilaysona leh. jabaqda keliya ee dhegtu maqashaa waa shalalaqda biyo-dhac ka danbeeya iyo codadka shinbiraha oo goosgoos ah.

Qolaal farabadan oo eegaya jihada koonfureed ayaa saf ku wada jira, keliya kijada ayaa qorrax dhaca eegaysa. Qolaalka waxaa hortooda ku wada yaalla dhir dhaadheer oo si foolxun isugu maran oo laamaha isla galay, waxa la moodi karey inay dhaxanta iska dugsanayaan. dhedadii xalay
ayaa ka wada tifqaamayey. Albaabada mooyaane gidaarrada guriga waxaa qariyey dhir, qaarkoodna gidaarka daahyo u noqday. daarad luuq ah balse dheer oo aan habaysnayn waxaa marmaraya digaag aan badnayn. Isaga, xaaskiisa iyo digaaggooda ayaa ku wada nool guriga.

Qol kijada ku dhegsan ayaannu galnay, waa qol fadhi. fadhi buluug ah ayaa yaalla dhexdana miis muraayad ah ayaa la qotomiyey. Waa qol aad u yar oo bilaa daaqad ah se sharraxaadda laga badiyey oo aad ku indho daraandaraysid. Nalal bixinaya iftiinno kala jaadjaad ah ayaa dusha ka laalaada. Gidaarka waxaa sudhan sawirada Ciise Masiix iyo Maryan iyo ubaxyo kala middabo duwan. waxaa kale oo gidaarka lagu dhejiyey aayado Baybalka ku qoran. Meel koone ah waxaa yaalla geedka Kirismaska oo guluubbo yaryar oo buluug ahi ku maran yihiin. Waxaa ku sii xiga tiifii iyo sameecado waaweyn oo hor yaalla, heesona ka baxayaan. Bilicda qolka yar waxaa sii bilay alaabta iyo gidaarrada qolka waa la isu eekaysiiyey. qolka yari waa ceeryoon oo in taako le’egi kama bannaana.

Xaaskiisii ayaa noo soo gashay annaga oo wada sheekaysanayna. Si diirran oo ilbaxnnimo ka muuqato ayay ii soo dhawaysay, si toos ah iyo si aan toos ahaynna waxay ii tustay inay ku faraxsantahay i maanshiyahayga aan qorshaysnayn. Saara iguma cusba, meheradda oo labadoodu ka wada shaqeeyaan ayaannu isku barannay. Waa gabadh gaaban oo caato ah, midab cas leh, weji dhuuban iyo san dheerna leh, waxa ay ku lebbisan tahay garan cad iyo surwaal khafiif ah oo madow, ilaa saddex jeer ayay se dharka soo beddeletay oo hadba waxay noo soo gelaysey iyadoo qaab cusub iyo caynad gooni ah u lebbisan.

Foolkeedu ma laha Qurux lala ashqaraaro, laakiin wuxuu ka markhaati kacayaa inuu soo qaatay wakhti qurux lagu majeerto laguna tilmaansado. Xilligan la joogana foolxumo laga dido ma laha—waa iska meel dhexaad, sideeda kalena waa wada shaxshax iyo isjejebin miidhan. Ninkeeda iyo iyadu waa isku caksi, isagu waa nin madow, xoog weyn oo dherer xiga, ma weji furna se intii karaankiisa ah waa dhoolacaddaynaya. Markii koowaad ee ay noqotay waxa ay hore u soo qaadday sharaab jeeg huruud ah ku jira iyo koobab quraarad ah. Koobkii koowaad isaga ayaa ii shubay, laakiin intii danbe aniga ayaa maamulanayey. Cabitaan igu cusub ayuu ahaa oo rasiin ah oo aan kabbadii koowaadba aan ka fuqi waayey ilaa aan gororkii ugu danbeeyey aan ka heensaday. Mar kale, ayaan buuxsaday koobkii oo qudhqudhiyey aniga oo aan neefsanayn. In aan haraadnaa iyo in aan cabbitaanka jantay ma kala garanayo. Wuu se dareemay in aan ka helay cabbitaanka, wuxuu Saara ka dalbaday inay noo soo badiso: “Waa nooc sharaabka ka mid ah oo dabeeci ah. Munaasibadaha gaarka ah ayay Itoobiyaanku guryaha ku samaystaan.” Ayuu yidhi, isaga oo miiska ku sii wada koob uu sharaabka ka cabbayey.

Mar kale ayay qadadii noo soo qaadday, bilaydh hilib lo’aad qaydhiin ah oo basbaas casi dhinac ka saaran yahay ayay hortayda dhigtay. Maqal mooyee waa ii maanta hilib qaydhin oo la cunayo! Hilibka sidan kuma cuno ayaan ku idhi, aniga oo isleh ma tijaabisaa maanta. Intay qosleen, ayay tidhi: “Waan soo beddelayaa oo mid la kariyey ayaan kuu keenayaa.” Sharaabkii ayaan sii watay, se isagu waxa uu hilib qaydhin oo uu canjeelo ku laabo—hadba—afka gelinayey; si tartiib ah ayuu u cunayey, oo saddex farood ayuu ku qaadanayey sidii uu doonayo in uu ka bogto dhadhanka hilibka lo’aad ee qaydhiin ka ah. Wax ladaabyo ahi kama muuqan oo si caadi ah ayuu u calaalinayey oo caloosha u sii daynayey. Waxa uu u eekaa qof isku hallaynaya aysiidha calooshiisu inay bislayso hilibka qaydhiin. Ficil muuqda ayuu ku muujinayaa sida uu mabsuudka ugu yahay munaasibadda iyo maalintaba! Inuu ka nastay mashquulkii meheraddana waxay ka dhigtay qof faraxsan oo firfircoon jidh ahaan–nafsad ahaanna nefis ah.

Suqaar uu ku jiro hilib yacyacood ahi ayay ii keentay, hudhmadii koowaadna dhiig ayaa carrabka gadaashiisa iiga sii dhadhamayey. Balse, dan kama gelin oo caloosha wixii tagaaba waa isugu mid ayaan iskugu sheekeeyey. wejigii saddexaad ee casuumaadda ayaa loo gudbay oo ahaa kii ugu danbeeyey, iyadoo marna heesuhu aanay naga bakhtiyin. waxay soo qaadatay ganbadh, miis iyo girgire yar oo fooxa loogu talogalay oo ay dhigatay dhinaca midig ee tiifiiga. waa meel aannu si wacan uga arki karno aniga iyo ninkeeduba. Miiska waxaa si farshaxnimo laga dheehan karo la isu dulsaaray bakeeriyo yaryar oo bunka lagu cabbo. Bun iyo salool ayay na siisay, qolkana waxaa wada jir u qabsaday qiiqa fooxa iyo muusigga hees Dawit Tsige qaado.

Sidii caadada u ahayd marxaladda saddexaad ee casuumadda waxay beddeshay dharkii hore. Dirac daldaloolo farobadan iyo faraqyo loo yeelay ayay mar kan ku soo lebbisatay. Timo madow oo dhaadheerna way sii deysey oo markii hore duubnaa. Daloollada diraca ka muuqda waxaa bilic gaar ah u sameeyey jidhkeeda barbaraha lagu dul yaaciyey. In ay i sagootinayso aniga iyo inay ninkeeda soo dhawaynayso ayaan u qaatay. In xoogay salool ah ayaan afka ku shubtay, deedna bun yar oo madow oo koobka gunta ugu hadhay fiiqsaday. dabadeed kacay oo intaan reerka macasalaameeyey kadinka ka baxay goor mugdigii habeennimo uu markaas uun doonayo inuu la wareego shaqada.

Meesha aan u socdo iyo meel aan marayo toonna ma garanayo, inaan hurdo tago iyo inaan kalaabka ku dhammaysto munaasibaddii maanta ayaan isku hayaa, laakiin waan hubaa in dabaaldeggu u socon doono iyaga! Sababta oo ah quraaraddii khamriga ahaydba weli ma furin!



WQ: Cabdiqani Axmed ‘Saxardiid’
Email: alqani44@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “