1331: Socdaalkii Ibnu Batuuta ee Muqdisho | Vol: 01 – Cad: 83aad

 1,849 View

Indheergarad – Feebarweri 13, 2021 – Sooroga – Vol: 01 – Cadadka: 83aad

Hordhac

1325kii qaaddigii yaraa ee Ibnu Batuuta ayaa ka soo hayaamay gurigiisii ku yaallay Marooko, si uu ugu soo xajo magaalada Maka. Waxa uu u dhashay jacayl uu u qabo socdaalka. Socdaallada Ibnu Batuuta waxa ay ku koobnaayeen Afrika, Koonfur-Galbeed Eeshiya ilaa iyo Shiinaha, oo lagu qiyaaso 75,000 mayl oo ku qaadatay muddo soddon sannadood ah. Qoraalkan soo socda oo laga soo xigtay buuggiisa, wuxuu kaga sheekaynayaa booqashadiisii Muqdisho; magaalo kobcaysay oo ku taallay badda Indiyaanka, maanta ah Soomaaliya, iyo caado dhaqameedyada dadkii degganaa.

***

Saylac markii aan ka soo baqoolnay oo aan badda ku soo jirnay shan iyo toban habeen, waxa aan soo gaarnay Muqdisho oo ahayd magaalo weyn. Dadku waxa ay leeyihiin geel badan, maalintiina waxa ay gowracaan boqolaal kale. Waxa kale oo ay leeyihiin ari badan. Ganacsatadu waa hodon farsameeya agabyo magaalada magaceeda wato oo loo dhoofiyo Masar iyo meelo kale. Dhaqamada dadka magaalada dagan waxaa ka mid ah, in marka ay dooni soo xirato ku soo xoomaan doomo yar yar oo ​sunbuq​la dhaho. Mid walbo oo doomahaa ka mid ahi, waxaa saaran rag da’ yar ah oo uu mid walbaa sido weel daboolan oo ay cunto ku jirto. Wiil walbaa waxa uu weelkiisa ku martiqaadaa ganacsade saaran doonta timid. Ma jiro ganacsade doonta ka dagayo aan ka ahayn in uu raacayo inanka martigaliyay.

Balse haddii horay dhowr jeer magaalada u yimid, meeshii uu doono ayuu aadi karayaa. Marka ganacsaduhu saldhigto, yarkii martigaliyay ayaa u suuqgeynayo alaabtii uu keenay, una soo iibinayo waxa uu magaalada uga baahan yahay. In ganacsadaha lagaga iibsado albaatiisa qiimo ka hooseeya kan suuqa ama wax laga iibiyo isaga oo uusan la socon ninkii martigaliyay, waa dhaqan gun ka ah bulshada magaalada agtooda. Waxa ay caadadaas u arkaan mid mudan in la dhowro. Markii ay dhalinyaradu soo fuuleen doontii aan saarnaay, waxaa ii yimid mid ka mid ah. Raggii ila socday baa ku yiri: ‘‘Kani ma ahan ganacsade ee waa faqiih’’. Markaasuu saaxiibadii ku yiri: ‘‘Ninkaan waxa uu marti u yahay Qaadiga’’. Mid iyaga ka mid ah oo Qaadiga saaxiib la ahaay baa u tagay Qaadigii oo u sheegay imaanshahayga.

Qaadigii baa yimid xeebta isaga oo ay la socdaan koox xertiisa ka mid ah. Mid ka mid ah ayuu ii soo diray si uu ii soo kexeeyo. Doontii baan ka soo daganay aniga iyo raggii kale ee ila socday. Waxaan salaannay Qaadiga iyo xertiisa. Waxa uu igu yiri: ‘‘Ina mari aan Shiikha soo salaannee.’’ ‘‘Waayo Shiikha?’’ ayaan waydiiyay. ‘‘Suldaanka’’ ayuu ku jawaabay. Waa caadadooda in ay Suldaanka ‘‘Shiikh’’ ugu yeeraan. Saan iri ‘‘Markaan meel aan dago helo ayaan soo booqanayaa.’’ Suu yiri ‘‘Waa caadado, in marka uu Faqiih, Sharif ama nin maqaam sare leh halkaan yimaado uu Suldaanka soo booqdo inta uu uusan u hoyan meesha uu rabo in uu dago. Sidaas baan anna sameeyay. Sidaan horray u sheegaba, Suldaanka Muqdisho waxa loogu yeeraa Shiikh. Magaciisu waa Abu Bakar Ibnu Shiikh Omar, sowrac ahaanne waxa uu ka soo jeedaa Barbar.

Waxa ku hadlaa lahjadda reer Muqdisho, balse Carabiga wuu garanayaa. Sida caadada ah, marka ay dooni xeebta ku soo xirato, waxa isku hareereeyo doomo yaryar oo ka socda Suldaanka, si ay u ogaadaan meesha ay ka timid, cidda leh iyo qofka naaquudaha ka ah. Sidoo kale waxa ay baaritaan ku sameeyaan alaabta saaran. Warbixintaas oo dhamina waxa loo gudbiyaa Suldaanka oo martiqaad u fidiya cidda uu u arko in ay u qalanto. Markaan soo gaaray Qarsiga Suldaanka aniga oo la socdo Qaadiga oo uu magaciisu ahaay Ibnu Burhaan Al-Misri, wiil yar baa salaan nagu boobay. Qadigii baa deedna ku yiri: ‘‘Orodoo shaqadaada qabso, Suldaankana u sheeg in ninkaani Xijaas ka yimid.

Fariintii Qaadiga markii uu gudbiyay, waxa uu soo laabtay isaga oo sido weel ay ku jiraan caleenta Tanbuulka ee la cuno iyo filfil. Waxa uu i siiyay lix Tanbuul ah iyo xoogaa filfila. Intaas oo kalana waxa uu siiyay Qaadiga. Wixii soo harayne waxa uu u qaybiyay raggii ila socday iyo xerta Qaadiga. Waxaa kale oo uu inoo shubay biyo laga keenay Dimishiq oo loo yaqaan Ma’ul​-Wardi.​Suu yiri: ‘‘Suldaanka waxa uu amar ku bixiyay in ninkan la dajiyo hoyga xerta’’. Gurigaan waxa si gaar ah loogu dhisay xerta. Gurigii, oo aan qasriga Suldaanka ka fogayn, baa deedna la i geeyay. Waa guri dhulkiisu wada roog yahay oo ay yaallaan wax walbo oo loo baahan yahay. Xoogaa ka dib baa isla wiilkii cunto i nooga keenay guriga Suldaanka. Waxaa markaan la socday mid ka mid ah wasiirrada Suldaanka oo ay shaqadiisu tahay soo dhowaynta martida Suldaanka. Waxa uu inoo sheegay in Suldaanku salaan inoogu soo dhiibay. Deedna cuntadii baan cunnay.

Cuntadoodu waa bariis dufan lagu kariyay oo lagu cuno saxan wayn oo alwaax ka samaysan, oo ay la socdaan saxamo kale oo ay ka buuxaan digaag, hilib, malaay iyo khudaar. Maraq waxa u ah moos cayriin ah oo caano lagu kariyay. Waxaa kale oo cuntadooda la socdo weel ay ku jiraan caano garoor ah oo la kariyay oo lagu daray khal, sacfaraan, sanjabiil iyo filfil, dushana canbo laga saaray. Canbuhu, waa miro sida tufaaxa oo kale ah, se gudaha laf ku leh. Kiisa bisil aad buu u macaan badan yahay, balse kan cayriinka ahi waa dhanaan. Waxa u caado u ah, in marka ay hal cantuugo oo bariis ah afka ka buuxsadaan, ay ka daba geeyaan dhandhanaanka ku jiro weelasha kale. Halka qof reer Muqdisho ah, waxa uu cunaa inta ay koox innaga ah ay cuni karto. Waana sababta ay la xoog iyo caddiin badan yihiin.

Markii aan cuntada dhamaynay, ayuu Qaadigii baxay. Waxaan halkaas joognay saddex maalmood oo maalin walbaa saddex jeer cunta la inoo keenayay, sida caadadooda ah. Maalintii afaraad, oo Jimco ahayd, waxaa inoo yimid Qaadiga, xertiisa iyo mid ka mid ah wasiirrada Suldaanka oo inoo keenay dhar ka kooban go’yaal dhexda lagu xirto oo booska surwaalka ugu jirto reer Muqdisho, maadama aanay surwaalada aqoon. Waxa kale oo la ii keenay khamiis noociisu masaari yahay, hu’ laga dul huwado uu asalkeedu Qudus yahay iyo duub tolmadiisu misri tahay. Raggii kale ee ila socodayne, waxaa loo keenay dhar ku habboon maqaamkooda.

Deedna waxaan aadnay masjidka wayn oo aan salaadda ku duganay meel ka dambaysa Maqsuurada masjidka​. Markii uu Suldaanku ka soo baxay ablaabka Maqsuurada,​ baa​ waxa salaamay aniga iyo Qaadiga. Soo dhowayn ka dib, Qaadigii buu afkooda kula hadlay marka hore, deedna isaga oo af Carabi ku hadlaya igu yiri: ‘‘Waxaa sharaf inoo ah in aad dhulkeena soo booqatay oo aad i noo soo martiday, soo dhowow baan ku leenahay.’’ Kadib, waxa uu u baxay barxadda masaajidka, halkaas oo uu wax yar ku dul hakaday xabaal uu aabihii ku duugnaa, isaga oo quraan iyo duco ku dul aqriyay. Kadib, waxaa salaan ugu yimid wasiiradda, amiirradda iyo taliyayaasha ciidanka. Marka ay isa salaamayaan, waxaa caado u ah, sida yamanta, in qofka waxa salaamaya uu farta suulka xigta ciidda galiyo, deedna madaxa taabsiiyo isaga oo oranayo: ‘‘Cisiggadu ha waaro’’.

Intaa ka dib, Suldaanka ayaa albaabka masaajidka ka baxay isaga oo horay kobihiisa u sii gashaday. Qaadiga iyo anigaba waxa uu nagu amray in aan sidoo kale kobo gashano. Dadka inta kale ee soo hartay waxay socdaan iyaga oo cagacad. Waxaan qabanay xaggaa iyo guriga Suldaanka oo aan ka fogayn masjidka. Dushiisa waxa lagu sidaa dallad afar gees ah oo xariir ka samaysan. Dhakada gees walbaa waxa ku sawiran shimbir midabkiisu dahabi yahay. Waxa uu maalintaa Suldaanku xirnaa hu’ qudusi ah oo cagaaran, qamiis iyo duub masaari ah. Durbaanno iyo boonka nocyadiisa kala duwan baa loo garaacayaa. Waxaa horay iyo gadaal ka socdo taliyayaasha ciidinka, geesahane waxaa ka xiga Qaadiga, culumida iyo ajida bulshada. Waxaa sidaa lagu gaaray goobta wadatashiga ee ku taalay guriga Suldaanka. Wasiirradda, amiirradda, iyo taliyayaasha ciidanka waxa ay fadhiisteen fadhiyadii loogu talagalay. Qaadiga waxa loo fidiyay darin u gaar ah oo uu kaligii ku fadhiistay. Waxaa halkaa la joogay illa salaadda casar laga gaaro.

Salaadda markii laga baxay, waxaa yimid ciidamaddii oo saf ugu jira sida ay u kala sarreeyaan. Waxaa markale la garaacay baanbayda ciidamadda. Inta baanbaydu socotay, wax dhaqdhaqaaq ah cid samaysaa ma jirin. Markii ay dhamaatayne, dadkii meesha joogay waxa ay bilaabeen in ay Suldaanka u salaamaan sidaan horay u soo tilmaamay. Waa u caado in ay sidaan sameeyaan maalinta Jimcaha.

Maalinta Sabtida ah, dadku waxa ay yimaadaan guriga Suldaanka iyaga oo fadhiista albaabka guriga. Qaadiga, culimada, qareennada, ragga soo xajiyay iyo ajiduna waxa ay galaan qol ku yaal guriga oo loogu talagalay. Qaadiga waxa uu ku fadhiistaa kursi isaga u gaar ah. Qolo walbaa oo kalane waxa ay leedahay kuraas loogu talagalay oo aanay cid kale kaga fadhiisan. Marka Suldaanku soo galo xafiiskiisa oo uu fadhiisto, waxaa loo diraa Qaadiga oo dhiniciisa bidix fadhiista. Kadib, waxaa ku xigsada culimada oo kooda ugu wayni Suldaanka hor fadhiisto, kuwa kale ee soo hara, Suldaanka uun bay salaamaan, deedna waay iska noqdaan. Waxaa haddana ku xigsada ajida bulshada oo uu kooda ugu wayni Suldaanka hor fadhiisto, kuwa kalane inta Suldaanka salaamaan, dib u noqdaan. Balse, haddii ay Suldaanka marti u yihiin, waxa ay fadhiistaan dhiniciisa midig. Wasiirraadda, amiirradda iyo taliyayaasha ciidankane waa la mid oo sida kuwaas oo kale ayay u dhaqmaan.

Cuntada marka la gaaro, Suldaanka iyo inta meesha uu fadhiyo joogto waxa ay ku cunteeyaan hal meel. Kuwa kale ee soo harayne waxa ay ku qadeeyaan qol gooni ah. Haddii uu rabo in mid ka mid amiirradiisa uu dalacsiiyo, waxa uu ku martiqaadaa in uu la cunteeyo. Marka uu Suldaanku ku laabto hoygiisa gaarka ah, Qaadiga, wasiirrada, xog-hayaha iyo afarta ugu sarraysa amiirradda waxa ay bilaabaan qabashada dacwadda iyo cabashooyinka dadka. Arrimaha diinta la xiriira waxa ku shaqo leh Qaadiga oo garteeda galo. Kuwa soo harayne, waxa ku shaqo leh golaha wasiirradda iyo amiirradda. Haddii ay arrin Suldaanka ka maarmi waydo, waxa loogu gudbiyaa qoraal, isaguna waxa uu xukunkeeda ku soo gudbiyaa qoraal kale. Waa sidaa caado-dhaqamaeedkoodka.

___________________

Source: Excerpt fromEast African Coast,edited by G.S.P. Freeman-Grenville (Oxford: The Clarendon Press, 1962). Reprinted by permission of Dr. G.S.P. Freeman-Grenville.

W/T: Cali Barre
Email: mrbarre1987@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “