Wehel Xun | Vol: 01 – Cad: 84aad

 919 View

Indheergarad – Feebarweri 13, 2021 – Sooroga – Vol: 01 – Cadadka: 84aad

Si geylaansan ayaa ay dhulka u jiiftay, luquntana kor ayay u soo qaadday si ay ula socoto waxa hareeraheeda ka dhacaya. Goobtan kuma ogeyn, xataa hore ugu ma arag ‘ey’ joogta. Galabta se waa la soo kordhey, saaxiibad cusub ayaa na la soo deristay. Si kedis ah ayaan ugu soo baxay, way i soo daymootey iyada oo Indho daallan igu soo eegeysa. Waan istaagay, waxaanan damcay inaan u soo dhawaado; way booddey, in ay baxsato ayay isku dayday. Dib baan uga joogsadey, iyana halkeedii kama ay dhaqaaqin. Si yar si yar ayaan ugu soo durkey, waan u fiirsadey, ogaaday inay dheddig tahay waliba xaamilo tahay. Jiingad yar oo toban tallaabo u jirta halka aan degganahay, horteeda ayaan ku wada sugannahay aniga iyo eyaddu. Jiingadda waxa looxaan iyo biro ku keydsada xaafad aannu jaarnahay. Geed weyn oo Mirimiri bilaadi ah ayaa isna ka hor baxay oo galabtii sameeya hadh wayn, badanka cidda aqalkaa deggan mooyaane cid kale ma fadhiisato.

Marar baan la kulmaa riyo hoos taagtaagan. Riyahaasi hadhka oo qudha uma yimaaddaan ee waxa jira dhagax sallax ah oo ay xaafaddaasi hadhaa cunto ah ku qubto, riyahuna soo doontaan, way barteen oo kol kol iyada oo aanay cuntaba oollin ayay iskaga soo xoomaan. Xoogaa markii aan halkii taagnaa iyaduna aaney wali fadhiisan, baan iskaga tagay. Aroortii danbe ayaa aan bartii aaday, way joogtay. Sidii maalintii hore oo kale ayay istaagtay iyada oo ku talo gashan in ay qudheeda iga la cararto. Cid kasta sidaa ayay uga digtooneyd waayo waxa ay badeen ayaa ka badnaa waxa ay tareen. Waxa ay ku tilmaameen nijaas aan mudneyn in loo dhowaado, qofkii taabta waxa ku waajib ah toddoba jeer in uu bartaa maydho, mar ka mid ahna ciid ku maydho. Waa ay dafireen in ay eydu yihiin noole daacad ah oo rabbaayad wanaagsan noqda, xataa jeclaan kara in ka badan inta uu naftiisa jecelyahay.

Halkan iyada iyo dirkeeduba qiime la’aanta waa ay qaayibeen, dilka way la qabsadeen, hiifka iyo iska fogeyntana sannado badan ayay ku soo noolaayeen. Haddii ay ogaan lahaayeen booska ay qofka Soomaaliga ah ugu jiraan waa ay hayaami lahaayeen, illaa ay ka fogaadaan gebi ahaanba meel ay Soomaali ka muuqato. Wax kasta bilawga ayaa laga baaqsan lahaa haddii la sii ogaan lahaa dhammaadka, iyagu ogaal ba ma laha oo maba yaqaannaan waxa socdaa sida ay u socdaan. Marka ay dhibaateeyaan ma wayddiiyaan sababta, waayo lama hadli karaan. Dareen ayay isticmaalaan marka ay rabaan in ay dadka la xidhiidhaan, qof aan qalbigiisu foorarin ayuun baana dareemi kara. Soomaalida qalbigoogu miyuu fooraraa? Sidee ayay u bogan waayeen boogaha gudo iyo debed ba kaga yaal Eyda, mar haddii iyaga qalbi iyo garashaba la siiyay. Eyaddii waa ay dhashey, siddeed dhalood oo kacaan ah ayay haysatay toddobaadyadii u danbeeyey. Waa ay difaaci jirtey oo cidi kama ay soo ag dhawaan jirin. Carruurta yaryar ee xaafaddu ayaamahaa dusha ayuun bay ka eegi jireen mooyaane kama ay soo aag wareegi jirin. Waayo waxa ay ka biqi jireen inay waxyeesho oo iskumay hallayn jirin. Maalin ay mid yar oo dhagax ku tuurey baacsatey ayay qaar badani arkayeen oo way ka meermeeri jireen. Dhowr maalmood ka dib maalintii ay dashay, goor duhur ah ayaa gaadhi maqiiqani ka jiidhey laba ka mid ah dhalaheedii yaryaraa.

Daaqadda qolkeyga oo dibadda xigta ayaa aan taagnaa marka uu falkaasi dhacayay. Laba ayaa uu mar keliya ka dilay gaadhigaasi, mana uu joogsan ee xuf ayaa uu ku dhaafay, siigo uun baa ka hadhay. Dadkii waddada marayay iyo in kale oo ku soo yaacdey dadka urursan ayaa meeshii isasoo dhoobey, dhammaantood wajiyadooda waxa ka muuqdey naxdin ay ka naxsanaayeen waxa dhacey. Waxa ii muuqatay eyaddii oo dhalihii ka naf baxay kol riixaysa, mar qaadaysa haddana dhigaysa. Way qaylinaysay runtii, aad ayay u qalineysay. Argagixii ku dhacay illaa galabtii waa ay gadoodsaneyd, gaadhi kasta oo soo ag mara, taayirkana mariya halkii labada dhalood kaga geeryoodeen way eryanaysay oo ku qaylinaysay, cideedu waxay u ekayd in ay leedahay “Wehel xun wehel xun“.

W/Q: Meegaal Axmed
Email: meegaalaxmed@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “