Gabay: Tacab-faranfar | Vol: 01 – Cad: 85aad

 850 View

Indheergarad – Feebarweri 16, 2021 – Koodaar – Vol: 01 – Cadadka: 85aad

Arar

Gabaygan Tacab-faranfar oo soo baxay 1,10, 2020 waxa qoray gabyaa Axmed Gorod, waxayna ujeeddadiisa ahayd oo uu ka warramayaa guud  ahaan sida maanta cimilada deegaanka Soomaaliyeed isu doorisay, aafada deegaan, iyo sida ahaadkii (dabiicaddii) ay u cawartay dad, noole iyo dhirba. Waxuu gabaygu taabanayaa keentooyinka (sababaha) cimilo-xumaadka oo badankood dadka falalkiisa xunxun ka dhashay iyo saamaynta xun ee laba-noqodka ah ee uu isla dadkii ku soo rogaalshay. Xaalufka, walxaha qashinka ah, dhir-gommodinta, dhuxulaysiga iyo arrimaha la midka ah ee dhibaatada sii bari-taaray ayuu sidoo kale gabaygu carrabaabayaa. 

Gebogebodii gabaygu waxuu eedda ugu weyn saarayaa siyaasiyiinta oo ujeedkii siyaasaddu u jirtay ee ahayd: in danta dadka iyo dalka loo shaqeeyo qalwareejay, iskuna haysta wax aan la aqoon oo u eg tacabka faranfarka dhulka ka qodo.


***

Figrad looga tegay bay ummadi sii farshaxantaaye 
Foolaadku erayguu yiray sii furfurataaye
Fiilasoofyadooday murtida kaga falqaataane
Kolkaasay indhaha kala furaan ficilna yeeshaane


Fananaaha iyo lexejecladu kala fan weeyaane
Facba kiisa xiga baa dhulkaan looga fulayaaye
Filka jooga mirahuu tabcaa loo fakanaaye
Hadba dhaxalka loo faaray buu faracu dhowraaye
Dad ma kala fir roonee caqlaa lagu fariiidmaaye
Waa fatuurad socotiyo adduun fure wareeggaase

Figta hadimmo soo beegan iyo faaxatada hoogga
Feexaha qarsoon iyo waqtiga filigshay laandayrta.
Qaarkood fekerayoo hardida filaya mooyaane
Kama Faagto Aadmigu dhibkii fool ku soo lihiye
Fiqi baana jira kuwa digtoon feejignaan bixine 

Soomaalaay dalkii aad fadhiday saad u farataysay
Arladaad ka fay iyo ka fay feenashada koobtay
Farsamadii dhulkiyo aydu way idinka faalloone
Furkay xoortay ciiddii tabaha aad ku falaysaane
Diirkaydin fiiqmoo dhugguna waydin soo fuqaye

Haddaad kaymihii fuuqsateen farowgu daaqaayay
Haddii aan findhicil laga hambayn furimihii toonta
Hadday fuuf dabayleed cirkii leexo fananayso
Haddii ay fuf-beeshoo ugaar fadalba qaadaynnin
Dugaaggii faquuqnaa haddaan faqashlihii joogin
Foofkaad lahaydeen hadduu daba figlaynaayo
Maxay gudin falaysaa ma jiro geed farqinayaaye?

Shilinkii fin-baxay awr waxuu fiiqashada eeday
Futadiisa goortay qodxuhu fadadka gooyeene
Faytaanku maan li’i waxuu wada fatuudaayo
Furguxlaynta orodkaa waxuu firir abuuraayo
Faqle waalay duulkii xisloo maanku foororo e
Hadhoow buu se filanwaa helaa faylna go’aysaaye

Fooqyada la taagiyo saraha laga faddaaddeeyay 
Iyo gambis fiillo ah waxaan fuundi wada taagay 
Magaalada fidaysiyo dhulkaan cagafu faagayso
Faaskuba adeegyaye inaan yaambo fudul jeexin
Fahmo reer magaal ma aha iyo hormar fulayaaye  

Dhulkaan fiiqan ciiddaan fuqdoo wada fallaankaasa
Fooraha habaas iyo urtaad foorno daba mooddid
Daruur faaganaysiyo cirkaan foosha curin diiday
Dirirkaan figaysmiyo gu’aan falag yaqaan waayay
Kala foororkiyo cimiladaan faqadka baas sheegtay
Roobkaan haddii u fad shubo daadka furanaaya
Webiyada fatahay iyo dhulkaan kala faruuurmaaya
Dhirta aan fufayn oon magool fuulin laba waana
Qorraxdaan fallaaraha ka adag faragan tuuraysa
Ahaadkiyo waqtiga foolka adag nagu fagiijaaya
Faxan-waaga dhibihiyo kulkaan nalaku feereeyay
Falal weeye Aadmigu guntoo loo fadqalalayne

Naxariis la fidiyiyo hadday faraj cid dhowrayso
Foorida shimbirihiyo dhirtaan kala fogaadeene
Fiinkii qaraab waayay baan fiiqda badiyeene
Quraanyooyin foofaan dabkii kala faniinsheene
Finahaarka qoollay jirtaan ololku faahdeene
Nafle geed ku filan baan dharaar laga firaaqeene
Baabuur janbiga loo furtaan fadaq ku xaabsheene
Kobtii uu fadhiyay baan sidii fanax ahaateene
Kurtun feeran iyo baan hareen kala firayn shaage  

Faleembada la xooriyo dawada horay fiimtowday
Sharoobada fadhaagtiyo olyada falalaqlaynaysa
Furka daadsan iyo caagaggaan wada faniinaaya
Bacda fuushan geedkiyo kurtoo wada fuflaynaysa
Waxaad furuq ka qaaddaan dhulkay firixsanaayeene
Bal fagaagga gurigiyo jidkaad furuxdantaan eega
Ma idinkaan fantowdee samayn cudurradaan faafay? 

Fayooraha magaalooyinkiyo rugaha faystaynta
Jawi farxadliyo beer-dhireed lagu fagaareeyo
Waxuu Aadmi fiirsado adduun quruxdu fooxayso
Foolxumo dhulkiinnii miyaa fooro ugu qaaday?
 
Faahfaahinaha Sayniskiyo fadalka soo beegan
Farma’aha tabaaxdiyo iyo haddaan feydka la aqoonsan
Fadda-baxa adduunkiyo waqtiga farandullaynaaya
Haddaan loo fagdado giigsanoo layska furin tiirka
Waa wax loo fadhiyo Aadmigoo idinka faanaaye 

Siyaasadi ku foognaan dal iyo faranti weeyaane
waa dano furfuran oo bulshada loo falkinayaaye
Ballan weeye fiid oo shicbiga loo fasirayaaye
Baahida filqaantiyo dhibkaa lagu  furdaanshaaye
Waa hilimmo falan aayahaa lagu fakaanshaaye 
Talo fiiroliyo waa qoshayn laga fin dhowraaye

Dulucdoo la feer maro lidaa lagu fogaadaaye
Shirka madaxdu falanqaynaysiyo falanka ay hayso
Maatadu waxay oga fadhiday kuma filnaadaane
Foorjada dhexdooda ah miyay talo ku foolraacday?!


dhammaad.

Emailka mu’allifka: Axmedgorod@gmail.com


About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “