Cilmi-nafsiga Shakhsiyadda – Personality Psychology | Vol: 01 – Cad: 86aad

 1,235 View

Indheergarad – Feebarweri 19, 2021 – Hakisbila – Vol: 01 – Cadadka: 86aad

Ma iswayddiisay sababta dadka qaarkood ay u yihiin kuwo mar walba faraxsan, kuwo mar kasta murugsan oo xidhxidhan, kuwo kale oo aan farxad iyo murug midna ku sugnayn. Sida oo kale ma iswayddiisay maxa kala duway dabciga bani aadanka? Maxaa loo arki wayay dad isku dabci ah, sida muuqaalkoodu uu mar marka qaar uu isku mid u noqdo. Su’aalaha ugu badan ee qof uu naftiisa wayddiiyo kuwan ayaa ugu badan oo waxa kale oo raaca kuwa la xidhiidha cilmiga qaybka sida aakhiro, jannada iyo cadaabta iyo wax kasta oo ay adagtahay in la suureysto. Aragtida shakhsiyada (Personality Theory) waxa iska leh aabbaha cilmi-nafsiga casriga ee la yidhaa Sigmund Freud, kaas oo noolaa qarnigii labaatanaad, dhalashadiisuna ay tahay dalka Usteriya. Markii dambena qaatay dhalasho Ingiriis ah. Aqoontiisa rasmiga ah waxa ay ahayd cilmiga neerfaha (Neurology), oo wuxuu ahaa dakhar aqoon badan u leh xanuunada neerfaha; taasna waxay ay dhaxalsiisay in uu wax ka ogaado, oo darso waxyaabaha sababa dhibaatooyinka maskaxda marka laga yimado dhaawac dibadda kaga yimi.

Waxaa la xusaa in uu maalin la kulmay qof ka mid ah bukaannadiisa ka dibna ay ku dhalatay fikradda ah inuu wax ka darso cilmiga nafta. Sida oo kale waxa la sheegaa in uu carruurtiisa ku tijaabin jirey tijaabooyinka cilmi-nafeedka, maaddaama aannu fursad u helayn in uu cid kale helo, sidaas awgeed hadda waxa loo aqoonsan yahay aasaasaha cilmi-nafsiga casriga ah (Modern Psychology). Dhanka kale, wuxuu caan ku yahay aragtida maqnaanta iyo joogitaanka maskaxda (Conscious Mind & Unconscious Mind). Af-Soomaali ahaan ma jiraan ereybixin aynnu u heyno erayada badanaa la xidhiidha cilmiga bulshada sida: cilmi-nafsiga, cilmiga bulshada iyo arimaha maskaxda, maaddaama cilmigan bulshadu uu yahay mid ku cusub gayigeenna, sidaas darteed erayada waxa aynnu ku qoreynaa luuqadda ay ku qoran yihiin; ka dibna af-Soomaali ayaynnu ka sharraxaynaa.

Ugu horreyn, aragtiyaha shakhsiyaddu waa ay badan yihiin oo culimada cilmigan, qaar ba dhan ayay ka eegeen tusaale ahaan: qolo ayaa waxay ka eegtay dhanka deegaanka, qolo kale ayaa waxay ka eegeen dhanka dhalashada qofka. Haddaba, aragtiyaha ugu caansan cilmiga shakhsiyadda waxaa ka mid ah aragtiyaha loo yaqaan ‘Introvert iyo Extrovert’ oo macnahoodu yahay, aragtida dadka ‘bulshaawiga’ ee furfuran iyo aragtida dadka ‘dagan’ ee aan dad dhexgalka la hayn. Dhammaan waxa aynnu markhaati ka nahay in ay jiraan asxaabteenna kuwo aad u hadal badan, kaftan badan oo bulshaawiyiin ah, isla markaana dad dhex gal leh, sidoo kale waxa aynnu leennahay asxaab badan oo dagan, af gaaban oo aynna dadka si fudud isku baran. Labadan aragtiyood badanaa waxa lala xidhiidhiyaa sida uu qofku u soo barbaaray, cidda barbaarisay, meesha uu qofkaas wax ku bartay, oo waxaa la dhahaa qofka bani aadanka ah saddex wax ayaa saamayn ku leh dabcigiisa iyo shakhsiyaddiisa, waxaana ay kala yihiin: deegaanka uu qofkaas ku nool yahay, meesha uu wax ka bartay iyo guriga uu qofkaasi ku soo barbaaray.

Haddaba aragtiyaha kale ee ugu muhiimsan shakhsiyadda, waxaa ka mid ah: aragtiyaha uu saynisyahankani ku magaacabay (ID, EGO and Super Ego) aqoonyahankani waxa uu xusay in dhammaan aragtiyahan ka soo dhambalay bilowga marka ilmuhu dhasho ee uu gaadho laba sannadood, hadba ID waxa ka turjumaysa qaanuunka farxadda ama wixii uu ku xasilo (Pleasure Principle). Qof kasta oo bani aadan ahi waa uu ku soo dhashaa marxaladdan oo wax aynnu markhaati ka nahay in ilmaha yari uu ku ooyo wax kasta uu arko, mana amusayo illaa waxaas uu jeclaaday laga siinayo. Sida oo kale ilmaha yar haddii wax kasta uu doonayo laga yeelo waxa laga yimaaddaa in uu marxaladdaas uu ku waynaado; ka dibna isaga oo toban jir uu ku ooyo waxa uu doonayo. Dhanka kale, qaybta ‘ID’ loo yaqaanno waxa uu kala siman yahay xayawaanka oo keliya waxaa maskaxdooda ku jira cunid iyo cabid. Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in aynnu aragnay dad waawayn oo u dhaqmaya sida carruurta, taasna waxa loo aanayn karaa iyaga oo aan qaadan wakhti ku filan oo ay marxaladdan kaga gudbaan.

Marxaladdan ‘ID’ ta loo yaqaan keli ah waxa ay qaabilsan tahay in kalyaha ilmaha yar ay shaqayso qaybta ka turjumaysa baahiyiisa nafeed oo afka qalaad loo yaqaan (Biological Needs). Waxaana tusaale wanaagsan innoo ah ilmaha yar marka uu afar jir gaadho wixii loo sheego waa uu aqbalayaa, oo haddii wax uu maago deedna la yidhaa lacag ma hayno wuxuu xaqiiqsanaya in aan waxaas la iibin karin.

Marxaladda kale ee qofka bani aadanka ahi uu maro waa marxaladda loo yaqiin (Ego) waana marxaladda ugu muhiimsan ee la yidhaa aad bay u wanaagsan tahay in qofka lagu barbaariyo inta aannu qaangaadhin, badanaa qaybtani waa qaybta inna barta xaqiiqda oo afka qalaad lagu yidhaa (Reality Principle). Marxaladdan ma aha mid jireysa ilaa qaybtii hore ee ‘ID’ ta loo yaqiin aannu soo marin qofku. Qeybtan waa ta innoo sheegta in aynnu wax iswayddiinno, wax is barbar dhigno, tusaale ahaan: ilmaha yar haddii loo sheego sababta wax loogu diidayo wuu ka joogsadaa badanaana. Soomaali ahaan qaybtan in badan waa aynnu ka illownaa carruurta oo in badan waxaad arki waalid ilmihiisa ku leh aabbo ama hooyo waxaas waa ceeb, laakiin cidna uma sharraxdo waxa ceebtu tahay ama in sharraxaad laga siiyo sababta ay waxaas ceeb u tahay.

Dhinaca kale, qaybtani waa marxalad cajiib ah taas oo ilmuhu uu isku dayayo in uu isagu iskii u xalliyo falka uu sameeyo, carruurta waxa ay dareemaan in falka ay sameeyaan uu dembi yahay, sidaas awgeed waxay isku dayaan inay qariyaan falka ay sameeyeen; haddii aan laga gaadhin waxa u baranayaa beenta. Sida oo kale ilmuhu waxa uu ka fikiraa haddii aad waxaas sameyso, maxaa ka dhalanaya waxaana badanaa loo yaqaan (Reasoning) ama wax iswayddiinta iyo sababaynta. Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in ubadku wakhtigan ay ku jiraan marxalad aad u adag, waxa ay aad ugu heellan yihiin in ay wax badan ogaadaan oo waxa aynnu aragnay iyaga oo waxyaabo badan jajebiya, maxaa yeelay waxa ay rabaan in ay ogaadan waxa ku dhex jira? waana sababta carruurta loogu sameeyay caruusadaha iyo waxyaabaha lagu ciyaaro.

Ugu dambeyntiina, in badan waxa ay indhaheennu qabtaan, dad aamusan oo aan hadal oo badanaa keligood iska socda, iyo kuwo kale oo kaftan iyo qosol badan. Culimada cilmiga naftu waxa ay asteeyeen in dadka noocan ah luuqadda cilmiga-nafsiga looga yaqaan (Extrovert and Introvert), oo inta badan aragtiyahan waxaa aad looga eegaa dhanka ganacsiga iyo la tacaamulka maacaamiisha. Badanaa aragtidan waxaa daliishada aqoonyahannada cilmiga ganacsiga, sido kale buugaagta ka sheekeeya hab-dhaqanka ururrada (Organizational Behaviour). Sida oo kale, iyana waxa muhiim in aynnu diiradda saarno in bani aadanku marka uu dhasho uu ka dhigan yahay xaashi cad oo aanay waxba ku qornayn, keliya waxa ku qormaya oo ku sawirma had ba sida ilmahaa cusub loo ababiyo, culimada ka faallooda arrimaha carruurta iyo qaab korniinkooda ayaa waxay warinayaan in qofka bani aadanka ah ay saddex wax saamayn ku leeyihiin korriinkiisa maskaxeed iyo aqooneed.

Aqoonyahanadu waxay sheegayaan in qofka ay saamayn weyn ku leeyihiin guriga uu ku koro, deegaanka uu ku nool yahay iyo goobta uu wax ka barto, intani haddii ay hagaagaan waxa hagaagaya oo isbeddel muujinaya ilmaha yar. Is beddelkaas wuxuu noqon karaa mid taban iyo mid toganba. Dhanka kale in badan waxa aynnu maqallaa ‘hebel waa hebel oo aan biyo is marin’ tani kama dhigna in qof hebel uu raacay hebel kale oo arrimaha hiddaha wax ka saamayn badan arrimaha uu deegaanku keeno. Sidaas awgeed, si shakhsiyadda qofku u wanaagsanaato waa in la hagaajiyo xidhiidhka qoyska, deegaan wanaagsan iyo iskuul iyo malcaamad wanaagsan. Deegaanka keliya ma aha goobta qofku ku nool yahay, deegaanka waxa ka mid ah: Tv-yada, moobillada iyo tiknoolojiyadda oo dhammaan iyaguna waxa ay leeyihiin saamayn taban iyo mid toganba. Innaga Soomaali ahaan ma lihin hab barbaarineed oo ilmaha keliya waa aynnu dhalnaa oo waxa aynnu ka adag nahay cuntadooda, laakiin ubadku waxay cuntada uga baahi badanyihiin dhanka maskaxda. Soomaalidu waxa ay tidhaa, ninba inta uu cunuu ciidamiyaa, oo laga wado qof walba wixii uu tabcado ayuu heleyaa, ee aynnu tabcanno shakhsiyad wanaagsan, taas oo inna dhaxalsiinaysaa dhaqan wanaagsan, aqoon iyo wax taridda nafta iyo bulshada.

W/Q: Mukhtaar Axmed Nuur
Email: biixi223@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “