
2,317 View
Indheergarad – Maarij 19, 2021 – Hakisbila – Vol: 01 – No: 65
Turjumidda Buugga “The Second Treatise of Government” John Locke (1632-1704)
Hordhac
Halkaan waxaan si taxane ah ugu soo bandhigi doonnaa turjumaadda buugga ‘‘The second treatise of government’’ ee uu qoray faylasuufkii reer Ingiriis ee John Locke oo markiisii ugu horraysay la daabacay sanad ka dib kacdoonkii barakaysnaay ee boqortooyada Ingiriiska ka dhacay tirsiga miilaadigu marka uu ahaay 1688, kaas oo kursiga loo ga tuuray boqorkii Jeemiskii labaad. Buugaan oo qayb ka ahaay labo maqaal oo la is ku oran jiray ‘‘Two treatise of civil government’’ oo uu Locke ku difaacayay kacdoonkaas, waxa uu ku soo bandhigayaa aragtidiisa ku aaddan seeska ay tahay in ay dowladnimadu ku dhisanto, yoolkeeda guud iyo goorta ay dadku gar u yeelanayaan in dowladda iska yureeyaan. Waa mid ka mid ah buugaagta qaabaysay hab-fekerka basharka oo aragtiyihiisii hal mar dhinac kale u rogtay. Waa buugga ay salka ku haayaan aragtiyo badan oo ay dowladnimada casriga ah ku dhisan tahay.
Locke, oo lagu sunto in uu yahay aabaha falsafadda siyaasadeed ee Liberalism-ka iyo tan aqooneed ee Empiricism-ka, waxa uu sannadkii 1632-da ku dhashay degmada Wrington ee boqortooyadii Ingiriiska ka tirsanayd. Toban jir isaga oo aan gaarin ba waxa boqortooyadii ka dilaacay dagaal sokeeye oo ku dhowaad toban sannadood socday, kaas oo salka ku haya habka iyo qaabka uu xukunka boqortooyada noqonayo. Iskuulka markuu dhammeeyayna waxa uu ku biiray Oxford oo uu ka qaatay darajada koowaad iyo tan labaad ee jaamacadda. Waxaa la sheegaa in dagaalkii sokeeye iyo doodihii uu Oxford ku la kulmay ay ahaayeen kuwii saameynta ugu weyn ku yeeshay qaab fekerkii Locke. Ragga la xuso in ay saamayn ballaaran ku reebeen waxa ka mid ah macallinkiisii luuqadda Cibriga iyo Carabiga ee la oran jiray Edward Pococke iyo hormuudkii kulliyadda Christ Church ee la oran jiray John Owen.
Inkasta oo uu qoraallo badan ka tegay, se kuwooda ugu culus, uguna saamaynta badan waa saddexdaan hoos ku xusan:
- Two treatises of Government.
- Essay concerning human understanding.
- A letter concerning toleration.
Turjumid: Cutubka I
C. 1: Suldada Siyaasadeed
1. Dooddaydii1 hore waataan ku muujiyay arrimahaan:
Kow: In aanay jirin suldo siyaasadeed uu Aadan2 carruurtiisa ama dunida ba xaq u gu lahaay, taas oo uu xaqa aabbannimo ama waxyi diimeed ku mutaystay, sida dadka qaar ku andacoodaan.
Labo: Xataa haddii aan ka soo qaadno in uu xaqaa lahaay, dhashiisu ka ma aanay dhaxlin.
Saddex; Dhashiisu xataa haddii ay ka dhaxashay, ma jiro xeer caqliyeed ama waxyi diimeed lagu garan karo cidda mar walbo dhaxalkaa xaq u yeelanaysay.
Afar: Taa xataa haddii la helo, ma jirto cid ama qolo ka tirsan reeraha iyo isirrada maanta dunida ku nool oo xaqaa sheegan karto, maaddaama aqoontii abtirsiinadu luntay oo aanan la garan karin cidda ku abtirsata kii xaqaa dhaxlay.
Xujooyinkaan, oo ay i la tahay inaan sugay, waxa ay meesha ka saarayaan suurtagalnimada in madaxda siyaasadeed ee maanta ay sharciyaddooda sal u ga dhigaan ‘‘Xaqa aabbanimo ee Aadan iyo suldadiisa gaarka ah’’ ee la gu sheegay in ay tahay asalka xukunka siyaasadeed. Haddaba, qofkaan ku doodayn in xukuumaduhu xoog iyo dagaal uun ka dhashaan ee aan aaminsanayn in dadku is ku la noolaan karaan uun xeerka keynta oo sida dugaagga uu mid ba kan uu ka itaal roon yahay cuno, ee aan doonayn in uu sees u noqday fowdo, shaqaaqoyin iyo gadood (waana wax ay ka cabanayaan kuwa aragtida kore ku dooda), waxa uu ku qasbanyahay in uu la yimaaddo sawrac kale oo uu xukunku ka dhasho iyo asal kale oo ay suldaddu ka askunto oo ka duwan waddada uu Sir Robert Filmer3 innoo sheegay.
Sidaa darteed, waxaan filayaa in ay qumman tahay in aan halkaan ku soo bandhigo waxa aan suldada siyaasadeed u aqaan, si suldadda xaakimku ku leeyahay shacabka looga sooco tan aabbuhu carruutisa ku leeyahay, shaqaalaysiiyuhu, shaqaalishiisa ku leeyahay, saygu ooridiisa ku leeyahay, iyo tan addoonluhu, addoonkiisa ku leeyahay. Maaddaama suldooyinkaas kala duwan ay hal mar qof ku wada kulmi karayaan, waxaa fududaanayso marka dhinacyadaa kala geddisan laga eego, ka la soocidda iyo ka la garashada farqiga u dhexeeyo xakiimka dowlad, aabbe reer iyo naaquude markab.
Haddaba, suldada siyaasadeed waxaan anigu u aqaan in ay tahay: xaqa iyo awoodda xeer iyo sharci dejin oo ay dil-toogashadu4 ka mid tahay iyo dhamaan xeerarka kale ee lagu dhowro lagu na maareeyo hantida qofka iyo tan bulshada. Waxaan kale oo aan u aqaannaa xaqa adeegsiga awoodda ciidan si xeerarkaa loo fuliyo, bulshadana cadowga dibadda looga ilaaliyo; iyada oo danta guud awgeed loo samaynayo.
_____________________________
- Waa dood uu ku soo bandhigay buuggiisa kale ee ‘‘First Treatise of Government’’.
- Aadan waxa uu qoraagu u la jeedaa Nebi Aadan.
- Waa ninka uu ku naqdinayo buugga aan soo xusnay ee hurmuud ka u ahaay doodda ‘‘Devine right theory’’.
- Waxaan u adeegsaday booska erayga ‘‘Death penalty’’.
W/T: Cali Barre
© Xuquuqda Faafinta: Mareegta Indheergarad
Email: mrbarre1987@gmail.com
Email: info@indheergarad.com