Sheekafaneedda Cusub ee Carabta iyo Midabtakoorka Madowga | Vol: 01 – Cad: 88aad

 877 View

Indheergarad – Maarij 22, 2021 – Lammin – Vol: 01 – Cadadka: 88aad

  • Hooyo: “Boqor Shamsaan wuxuu jeclaaday gashaanti uu dhalay timo-jare la oran jirey Murjaan, wuuna guursaday, laakiin aroortii waxaa la arkay isaga oo dixiri noqday.”
  • Wiilkii: “Oo hooyo maxaa dhacay oo uu dixiri u noqday?”
  • Hooyadii: “Waayo wuxuu u galmooday gabar liidata oo aan maqaamkiisa u qalmin.”
  • Wiilkii: “Oo haddii qof caadi ahi uu guursado gabadha timojaraha ma dixiri buu noqonayaa?”
  • Hooyadii: “Haa hooyo, waa sidaas, kuwa dadka qurxiyaa dadka oo dhan waa ka hooseeyaan.”
  • Wiilkii: “Oo haddii Eebbe uu uumay iyaga oo dadka ka liita, gabdhahooda yaa guursanaya?”
  • Hooyadii: “Waxaa guursanaya timojare iyaga la mid ah, ama jin baa guursanaya.” [Cali al-Muqri; Dhadhan Madow .. Ur Madow].

Suldaan Suleymaan bin Saliimkii uu dhawaan rabbi barakeeyey ee Angooja iyo Bemba [Sanjibaar] addoonsaday, mar uu la hadlayey addoonkiisii madoobaa ee ‘Muddiic’ wuxuu ku yiri: “Madowga oo dhammi waa doqommo aan loogu dhibcin… Adigu waxaad tahay addoon madow oo abaal laawe ah, waxay ahayd in habeen iyo dharaarba aad Alle ugu shukrido nicmada in aad qasrigaan ku nooshahay, oo aad cunto isla oomatida uu quuto boqor sidayda oo kale u weyni, suldaan aabbihi iyo awowgiiba ay suldaanno ahaayeen, oo ka mid ah durriyaddii boqorka insiga iyo jinniga, Suleymaan bin Daa’uud kulligeen nabadi korkeenna ha ahaatee. Dhab ahaantii adigu waxaad tahay addoon dheganugul. Ma taqaan ciqaabta maalinta qiyaamaha uu mudanayo addoonka ka baxsada qofka iska leh? Wuxuu ku danbaynayaa naarta jahannamo oo meel lagu danbeeyo ugu xun, walow aanan hubin in adiga oo kale uu janno gelayo, laakiin si buuxda waxaan u hubaa kuwa naarta galaya ee weligood iyo waaqood ku waaraya, waa addoonta cidda leh ka carara. Hadda iga fogee saxaradaan, waa necbahay urkeeda. Ma garanayo sababta boqorradu ay ugu saxaroodaan sida addoonta iyo waxmagaradka oo kale, taasi caddaalad ma aha..” (Cabdicasiis Baraka Saakin; Raalli Noqo).

Dabshidkii 1910, suugaanyahan u dhashay dalka Baxrayn baa wargeys la oran jirey “al-Muqtadaf” oo ka soo bixi jirey dalka Masar wuxuu weyddiiyey su’aal oranaysa: “Maxaad ka leedihiin ka ganacsiga addoonta: ma wax wanaagsan baa mise waa wax xun? Haddii uu wanaagsan yahay maxaa reer Galbeedku isugu hawlayaan joojintiisa, haddii uu xun yahay se maxaa wadaaddadu u sheegi waayeen in uu xaaraan yahay? Reer Galbeedku waxay sheegaan in ka ganacsiga addoontu uu yahay aafo lagu ibtileeyey Islaamka iyo muslimiinta, taasi ma run baa? Haddii aysan run ahayn waa maxay sababta uu u xididdaystay ilaa xad ay ka adkaatay in la tirtiro oo jirriddiisa laga siibo dhulalka Bariga?” [Khaalid al-Basaam, Sicirka Cusbada].

Cunsuriyadda iyo midabtakoorku waa cudur ummadaha oo dhammi ay wadaagaan. Addoonsiga iyo ka ganacsiga dadkuna waa dhaqan fil weyn oo aysan jirin dhaqan, dhiig iyo diin ka badbaaday. Waxayna u badan tahay in ilbaxnimo kasta iyo ummad waliba ay wax addoonsatay iyadana la addoonsaday. Tusaale ahaan, xeerarka qoran ee aadanuhu ay sameeyeen kuwa ugu da’ weyn waxaa ka mid ah midkii uu dejiyey boqorkii Baabilida ee Xamuuraabi sannadkii 1754 ee miilaadiga ka hor, qaanuunkaasna waxaa ku jira qodobbo ku saabsan addoonsiga.

Taas oo jirta, haddana si gaar ah waxaa la isugu sidkaa addoonnimada iyo gibilka madow, oo aalaaba waxaa isku macne la siiyaa labada eray ee madoobaanta iyo addoonnimada. Dad badanna waxay qabaan in madowgu tan iyo nebi Aadan ay addoon ahaayeen, ilaa qiyaamaha laga gaarayana ay addoon ahaan doonaan. Taana waxaa ugu wacan in addoonsigii madowga la gula kacay uu ahaa kan ugu muddada dheer, uguna danbeeyey dhammaan addoonsiyadii tooska ahaa ee aadanuhu ay arkeen.

Yeelkadeede, tan iyo markii magaalada Miniyaabolis ee dalka Maraykanka uu askariga caddi ku dilay George Floyd, Maraykanka iyo meelo badan oo dunida ka mid ah waxaa ka xoogaystay dood iyo dhaqdhaqaaq halkudheg looga dhigay “Nolosha Madowgu Waa Muhiim” (= Black Lives Matter /حياة السود مهمة). ). Meelaha hadalhaynta dooddaasi ay ugu yar tahay waxaa ka mid ah waddamada Carabta. Sida la sheegayna Carabtu marka ay leeyihiin “Nolosha madowgu waa muhiim“, madowga maankooda ku jiraa waa kan ku dhaqan Maraykanka iyo dhulalka galbeedka, maskaxdoodana kuma soo dhaco madowga ku dhaqan dhulalka Carabta iyo Bariga Dhexe; (Iiraan, Israa’iil, Turkiga iyo meelo kale).

Haddaba, su’aalaha isweyddiinta mudan waxaa ka mid ah: Waa maxay sababta maanka Carabtu uu u xasuusto madowga waddamada galbeedka, laakiin uu u xusuusan waayey madowga Carabta la nool? Ma duruufta madowga Carabta ayaa ka wanaagsan tan madowga galbeedka, ma se nolosha madowga maraykanka ayaa ka qiimo badan tan madowga carabta iyo Bariga Dhexe? Xaaladda carabta iyo madowga sow ku rumoobi mayso maahmaahda tiraahda: Maroodigu takarta saaran ma arkee maroodiga kale tan saaran buu arkaa?!

Hor iyo horraan, marka laga hadlayo addoonsiga iyo midabtakoorka Carabta, taa macnaheedu ma aha in la leeyahay qof kasta oo Carab ah ayaa midabtakoor yaqaan ama wax addoonsaday, waayo Carabtu waa ummad ballaaran oo jaad walba leh, laakiin ula jeeddadu waa in la tilmaamo in dhaqankaasi uu bulshada ku dhex baahsan yahay. Taana Carabtu waxay kala mid yihiin ummadaha kale, oo tusaale ahaan marka laga hadlayo addoonsiga iyo midabtakoorka reer galbeedka la gama wado in qof kasta oo reer galbeed ahi uu wax addoonsaday ama uu cunsuri yahay, laakiin waxaa la tibaaxayaa baahsanaanta cudurka oo keliya. Afrikada madow ee lamadegaanka weyn ka hoosaysa iyo Carabtu waxay xiriir lahaayeen muddo ugu yaraan labo kun oo sannadood ah. Muddadaas inteeda badanna Carabtu, Afrika waxay u arki jireen sidii in ay tahay ‘janno loo ballanqaaday’. Haddana waddamada Carabta waxaa ku dhaqan madow badan, oo dalalka carabta qaarkood tirada dadka madoobi waxay gaaraysaa 10% dadka dalkaas ku nool ama xataa ka badan.

Dadkaas madow xooggoodu asal ahaan waxay ka soo jeedaan addoontii Afrikada madow laga qaaday ee la geeyey dhulalka Carabta iyo Bariga Dhexe, oo waa mirihii ka dhashay addoonsiga iyo xeerka milku yamiinta ((ما ملكت أيمانكم. Dadka xog ogaalka u ah ummuuraha Carabtuna waxay isweyddiiyaan su’aal ah: Addoonsigii ma ka dhammaaday dhulalka Carabta mase muuqaalkiisii uun baa isbeddelay? Badanaa jawaabta ay helaanna waa in addoonsigii uusan dhammaan, balse muuqaalkiisii oo keli ahi uu isbeddelay. Dalalka Carabta oo dhan waxaa laga helayaa dad boqollaal sannadood addoon ahaa, welina waxaa ku sugan dad si toos ah iyo si dadban labadaba addoonsi ugu jira. Tusaale ahaan, dalka Muritaaniya sannadkii 2007 ayuu soosaaray qaanuun dhigaya in lahaanshaha addoontu uu yahay denbi ciqaab lagu mudanayo, taas oo jirta haddana tan iyo maanta dalkaas waxaa ka jira kumannaan iyo kumannaan dad ah oo addoonnimo toos ah iyo mid dadban labadaba ku sugan.

Xaalad taas la mid ahi na waxay ka jirtaa dalalka Carabta badankooda; Aljeeriya, Liibiya, Tuunis, Marooko, Masar, Suudaan, Ciraaq, Yaman, dalalka Gacanka iyo Shaam. Bilmatal, bishii Abril ee sannadkaan 2020, nin u dhashay dalka Lubnaan baa mareeg alaabaha lagu iibiyo wuxuu ku faafiyey ogaysiis uu ku sheegayo in uu iibinayo haweenay madow. Ninkaasi ogaysiiska wuxuu ku sheegay in uu iska iibinayo haweenay madow oo ka soo jeedda dalka Nayjeeriya. Isaga oo ogaysiiska sii sharraxayana wuxuu yiri: “Waa 30 jir, firfircoon oo aad nadiif u ah /(العمر 30 سنه نشيطه ونظيفه جدا” . Intaa wuxuu ku daray in warqadaheedu ay dhan yihiin iyo in qiimaha lagu iibinayaa uu yahay kun doollarka Maraykanka ah (USD1,000). Ummuuraha argagaxa leh na waxaa ka mid ah, in dalkaas yar ee Lubnaan celcelis ahaan toddobaad kasta lagu dilo labo gabdhood oo madow. Kamiil Abuu Suleymaan oo ahayd wasiiradda shaqada ee Lubnaan, nidaamka kafaalada ee ka jira dalka Lubnaan iyo waddamo Carbeed oo kale waxay ku tilmaantay in uu yahay “Addoonsigii oo magac cusub loo bixiyey“, waxayna ku baaqday in nidaamkaas gebi ahaanti la tirtiro.

Qof ahaan, magaalada Maka al-Mukarrama waxaan ku arkay labo xaaladood -qoys iyo nin oday ah oo ka soo jeeda madowgii waalidiintood ay addoonta ahaayeen oo weli noloshoodu ay ku tiirsan tahay dadkii waalidkood lahaan jirey. Inkasta oo la sheegay in dalka Sacuudigu uu addoontii xoreeyey sannadkii 1962, haddana dadkaani weli xorriyad ma aysan arag. Labada xaaladood ba si la ma filaan ah baan kula kulmay. Ninka odayga ah ee madoobi magaalada Maka bannaankeeda ayuu wuxuu ku hayay ari ay leeyihiin reerkii aabbihiis sida tooska ah u lahaan jirey, haddana isaga sida dadban u leh. Ninkaas waxay la ahayd in reerka Sacuudida ahi ay abaal ku leeyihiin, ayna waajib ku tahay in uu u adeego maaddaama ay siiyaan raashin yar oo uu nafta ku dhawrto iyo calallo uu xirto.

Sheekada “Xeryaha Addoonta /(زرايب العبيد”  ee ay qortay gabadha Liibiyadda ah ee Najwa bin Shitwaan, waxaan ku arkaynaa gabadha madow ee sheekadu ku socoto ee ‘Catiiqa” oo oranaysa: “Maankaygu ma garan waxaan ka ahayn in xortu ay yihiin kuwa gibilkoodu uu cad yahay; dad aan waxba nagala mid ahayn, nooma ay e’ka xataa haddii ay noo eg yihiin. Kuma xasdiyo in ay nooga sarreeyaan midabka, gasiinka, huga, hoyga, arsaaqda iyo dhammaan aayaha nolosha, taa badalkeeda, qaddarinta aan u hayo nadaafadda dharkooda iyo guryahooda iyo sadaqada ay na siiyaan baa waxay igu bixiyaan in aan ka helo, kuna daydo oo aan raaco qaabka ama siyaalaha ay u noolyihiin. Ma garanayo sababta ay iyagu saado u yihiin annaguna aan addoon u nahay, sababta iyaga darajadoodu ay u sarrayso annaga taayaduna u hoosayso? Waxa iyaga iyo annaga na kala duwaa waa caddaanta ee ma aha madoobaanta, sidaas baan garanayey inkasta oo aannan macnayn karin. Maqaarkooda aan madoobayn baan karin in uu noo soo dhawaado si uu masaafada u baabi’iyo, bal isaga ayaaba ah dhagaxa ugu horreeya ee masaafadaas /لم يع عقلي سوى أن الأحرار هم ذوو البشرة البيضاء؛ أناس ليسوا مثلنا في كل شيء، لا يشبهوننا حتى وهم يشبهوننا. إنني لا أحقد على تميزهم عنا في اللون والمأكل والملبس والمسكن والرزق وكل حظوظ الحياة، بل إن إعجابي بنظافة ثيابهم ودورهم وصدقاتهم التي يمنحوننا إياها يجعلني أفرغ نفسي للإعجاب والامتثال بهم واتباع سننهم في العيش. لست أدري لم هم السادة ونحن الخدم، لم هم الأرفع درجة ونحن الأدنى بدرجات؟ لقد كان البياض ببننا وبينهم وليس السواد، هذا ما كنت أدركه دون تفسير. بشرتهم غير السوداء عاجزة عن الإقتراب منا لإلغاء المسافة، بل هي أول حجر في المسافة ” (Xeryaha Addoonta, BB.47-48).

Dad facyaal badan addoon ahaa baa xukuumadahoodu qalabka warbaahinta iyo shirarka adduunka waxay ka sheegeen in la xoreeyey. Laakiin iyagu ma heli kareen fursad ay ku maqlaan warkaas? Haddii ay maqleen se ma fahmi kareen macnaha uu eraygu xanbaarsan yahay? Haddii ay fahmi karaanna ma u bareeri karaan culayska xorriyadda oo ma heli karaan aqoon, waayo-aragnimo iyo madaxbannaani dhaqaale oo ay arrinkaas ugu bareeraan? Dowladaha Carabta ma ku jirtaa mid qura oo si dhab ah isugu dayday in addoonsiga la tirtiro? Ma jirtaa hal dowlad oo ka fekertay qaab taageero loogu fidinayo dadkii tobannaanka fac addoonta ahaa ee nolosha aan ka aqoon wax dhaafsiisan u adeegidda dadka iyaga iska leh?

Dadkaan badankoodu ma aysan arag nolol ka duwan tii ay boqollaalka sannadood ku hoogayeen, gaajo, harraad, arrad, cay, cudur, dil, dulmi, dacluus, habaar, hiif, kufsi, dhufaanid iyo silic iyo saxariir oo idil, mana ay dareemin in iyaga iyo kuwii lahaan jirey ay siman yihiin. Arrinkaas waxaa sawir ka bixinaya sheekooyinka ka hadla xiriirka ka dhexeeya addoonta la sheegay in la xoreeyey iyo dadkii horay waalidiintood u lahaan jirey, iyagana hadda sida tooska ah ama sida dadban u leh. Dad badan baa waxay u haystaan in sheekada male’awaalka ahi aysan wax xiriir ah la lahayn waaqica dhabta ah ee lagu noolyahay, laakiin sida runta ah sheekada male’awaalka ahi macne ma samayso haddii ay si buuxda xaqiiqada uga fogaato. Taariikhda iyo sheekaduna waa ay wada dhasheen. Sidaa darteed, la yaab ma leh in sheekooyinka Carabtu xardhaan ay wax ka bidhaamiyaan midabtakoorka iyo addoonsiga ay la kulmaan dadka madow ee dhulalka Carabta ku dhaqani.

Bilmatal, buugga sheekada ah ee “Marwooyinka Dayaxa / (سيدات القمر” ee ay qortay gabadha Cumaaniyadda ah ee lagu magacaabo ‘Jookha Xaarithi”, waxaan ku arkaynaa dood dhexmaraysa hooyo addoonnimada qaayibtay oo la yiraahdo ‘Tariifa’ iyo wiil ay dhashay oo lagu magacaabo ‘Sanjar’. Hooyada addoonnimada qaayibtay wiilkeeda waxay ku canaananaysaa in uu ku waashay xor baan ahay iyo in inantiisa yar uu u bixiyey magac ay u haysato in dadka xorta ah oo keli ahi ay xaq u leeyihiin la bixiddiisa. Waxay ku oranaysaa: “Sanjar ma dhabbaa warka aan maqlay? In aad ka tagayso dhulkaaga iyo dadkaaga oo aad safrayso?” Wuxuu yiri: “Haa waa run, haddii aad doontana waan israacaynaa.” Inta ku boodday oo luqunta ku dhegtay bay waxay ku tiri: “Inta magacaan la yaabka leh ee Rasha inantaada u bixisay, baad weliba waxaad rabtaa in aad dhoofto?” Inta gacanteedii iska furfuray buu wuxuu ku qayliyey: “Hooyo i dhegayso, dan iyo heello kama aan lihi magaca inantayda, haddii ay wiil ahaan lahayd waxaan u bixin lahaa Maxamed ama Hilaal ama Cabdullaahi…”

Hooyadii oo yaabtay na waxay la soo boodday: “War maxaa taa kuugu wacan? … Ganacsade Saleebaan wuu ku dilayaa; waxaad la baxday magaca dadkiisa iyo ubadkiisa? Wiilyahow miyaa lagu maray? Ma waxaad isku dhererinaysaa kii ku koriyey, ee wax ku baray ee kuu guuriyey?

Sanjar oo quusi ka muuqataana hooyadi wuxuu ugu warceliyey: “Tariifa i maqal, ganacade Saleebaan dantiisa darteed buu ii koriyey, oo wax ii baray, oo iigu guuriyey, si aan ugu adeego, afadayda iyo ilmahayguna ay ugu adeegaan. Laakiin Tariifo taasi suuroobi mayso, ganacsade Saleebaan wax shuqul ah iguma uu laha, sida qaanuunku uu dhigayo annagu xor baan nahay, Tariifa xor baan nahay, indhahaaga fur, dunidii waa isbeddeshay, adiguna weli waxaad ku haysaa kii i lahaa iyo sayidkaygii, dadka oo idil waxbay barteen, way shaqaysteen, adiguna halkaagii baad joogtaa, weli waxaad tahay addoontii ganacsade Saleebaan, odaygaan cutushka ah ee kharfay, Tariifa indhaha fur, annagu xor baan nahay /اسمعي يا ظريفة، التاجر سليمان رباني وعلّمني وزوّجني لمصلحته هو، من أجل أنّي أخدمه، وتخدمه امرأتي وأولادي. لكن لا يا ظريفة، التاجر سليمان ما له دخل بي، نحن أحرار بموجب القانون، أحرار يا ظريفة، افتحي عيونك، الدنيا تغيّرت، وأنت تردّدين حبابي وسيّدي، كل الناس تعلّموا وتوظّفوا، وأنت مثل ما أنت، عبدة التاجر سليمان وبسّ، هذا الشايب الخرفان، افتحي عيونك يا ظريفة، نحن أحرار“.

Sheekada kale ee “Walxuhu meeshoodii ma yaallaan /(الأشياء ليست في أماكنها”  iyadana waxaan ugu tagaynaa gabadha sheekada matalaysa oo magaceeda la yiraahdo ‘Amal’ oo hooyadeed ay ku leedahay: “Amaleey addoon ma aad tihid, laakiin sidoo kale xor buuxda ma aad tihid /لست عبدة يا أمل، ولست حرة بالكامل أيضاً“.  ).

Sheekooyinka afka Carabiga ku qoran ee sida gaarka ah qodobkaan uga hadlay waxaa ka mid ah sheekada “Ubaxa Tiinka /(زهرة الصبّار”  ee uu qoray qoraaga Suudaaniga ah ee ‘El-Seyn Banqa”. Tusaale ahaan, sheekada waxaan ku arkaynaa ‘Khaalid Riixaan Cabdikaafi’ oo ah wiil awowgi oo addoon ahaa uu u halgami jirey xorriyadda addoonta oo ku dhawaaqaya in uu bilaabayo halgan cusub oo addoonta lagu xoraynayo, dadka isaga iska leh na ku oranaya: “Aniga labadaan warqadood, midda Ilhaan la iiga furay iyo midda dhaxalka ayeyday, baan isugu diyaarinayaa in aan dib u bilaabo halgankii awowgay Cabdikaafi, waayo addoonsigii weli waa jiraa, idinkuna mudanayaan waxaad metalaysaan wejigiisii hore ee qurunka badnaa /إنني بهاتين الورقتين، ورقة طلاقي من إلهام، وورقة ميراث جدتي، أهيئ نفسي لاستئناف مسيرة جدّي عبد الكافي، لأن الرّق ما زال موجوداً، وأنتم أيها السادة تمثلون وجهه المتعفن القديم“.

Iyada oo ay sidaa tahay, haddana mowduuca addoonsigii iyo midabtakoorka Carabtu ay kula kacaan dadka maqaarka madow, wuxuu ka mid yahay mowduucyada aan loo dhawaan oo ka hadalkoodu uu xaaraanta yahay. Had iyo goor, Carabta iyo kuwa afkaartooda ku sirmay waxay ka hadlaan in Carabtu ay Afrika ku faafiyeen Islaam iyo ilbaxnimo, laakiin marna ma xusaan dulmigii iyo addoonsigii ay u geysteen. Marka qura ee Carabtu ay ka hadlaan addoonsi iyo midabtakoor waa marka laga hadlayo midkii caddaankii reer Yurub ay kula kaceen Afrikada madow. Waa run in reer galbeedku ay dunida addoonsi, gumeysi iyo midabtakoorba ka gaysteen, ficil xun oo kastana ay faleen, laakiin taasi Carabta malaa’ig ma ka dhigaysaa?

Carabta dhexdeeda, mar walba oo qof uu damco in uu soo hadalqaado addoonsi ama midabtakoor ay Carabi madow u gaysteen waxaa dhaqso loogu aammusiyaa in lagu yiraahdo: Carabtu waa muslimiin, Mawlena quraanka wuxuu ku yiri: “Mu’miniintu waa walaalo /إنما المؤمنون اخوة“.  ). Sidoo kale na, nebigu wuxuu sheegay in muslimiintu ay yihiin walaalo kooda Carabka ahi uusan ka fadli badnayn kooda cajamta ah [=لا فضل لعربي على عجمي إلا بالتقوى] . Waa run in aayadda iyo xadiisku ay jiraan, laakiin waxaa isweyddiin u baahan in muslimiinta Carbeed ay ku dhaqmeen aayadda iyo xadiiska iyo in kale? Waxaa muhiim ah in aan la isku khaldin diinta iyo dadka, muslimnimada iyo carabnimada, Alle iyo Islaamka. Dad baa diinta u haysta in ay tahay ganacsi iyo galmo, halka aqlabiyadda ballaarani ay u haystaan iimaan iyo akhlaaq. 

Qofka soo hadalqaaday mas’alada addoonsiga iyo midabtakoorku haddii uu Carab yahay intaa waxaa loo raaciyaa in dhegta loogu sheego “Hoos-gashigaaga waa la mayrtaa, laakiin dadka hortooda laguma warto.” Marka wax isku fal oo afkaaga qabso, tolkaa iyo kabtaadana ku dhex jir.

Carabtu si kasta oo ay uga sheekeeyaan iimaankii Bilaalkii Xabashiga ahaa iyo geesinimadii Camaar bin Yaasir, haddana waa adagtahay in badankoodu ay xorriyad iyo xuquuq u oggolaadaan madowga. Waayo waxaa loo laqinaa in addoonka madoobi uu ka najaaso badan yahay Yahuudiga  .(الخادم أنجس من اليهودي)Meerisyada gabayga ah ee Carabta oo dhammi; rag iyo dumar ba ay dusha ka wada hayaanna waxaa ka mid ah meerisyada ku jira gabayga Abu Tayib al-Mutanabbi ee oranaya: “Ha iibsan addoon aan wadan ushii lala dhici lahaa. Addoontu waa faddaro anfac iyo ayaan daran /لا تشتري العبد الا والعصا معه ..ان العبيد لانجاس مناكيد“. ). Carabta qaarkeed na waxay ku maahmaahaan: “Weelka eeygu wax ku cuno waa la xalaa, kan addoonka madoobi wax ku cunase waa la jebiyaa  اغسل بعد الكلب واكسر بعد الخادم . Erayga ‘Khaadim iyo akhdaam /الخادم والأخدام” asal ahaan macnihiisu waa adeege iyo adeegayaal, laakiin Yamanta iyo Carab kale ba erayga waxay ugu yeeraan dadka madow, wuxuuna la macne yahay ‘addoon madow’).

Saruur wuxuu ahaa wiil madow oo akhris-qoraalka iyo quraanka ka bawsaday reerkii uu u shaqayn jirey [magaalada Tacis ee Yaman]. Maalin buu wuxuu galay masaajidka si uu ugu tukado. Wuxuu tagay masaajidkii oo jamaacadii koowaad laga baxay. Sida markaas oo kale ay caadadu tahayna dadka jameecada koowaad ay dhaafto salaadda hadba koox baa jamaaco-jamaaco u tukata. Saruur Jameecooyinkaas middood buu imaam u noqday. Hayeeshee, isaga oo salaaddii dhexda uga jira ayuu wuxuu ku baraarugay nin surka iyo gacanta ku dheggan oo gadaal u jiidiya isaga oo cod dheer ku leh: “Ilaah baan ka magangalee ma qiyaamihii baa la gaaray, waa maxay addoonkaan na tujinayaa?! /أعوذ بالله، آخر الزمان يؤم بنا خادم . Raggii kale markii ay ogaadeen shilka dhacay, Saruur baa midmid la isugu dhiibay jeer masaajidka bannaanka looga saaray isaga oo ku qaylinaya: “Meeday sinnaantii .. Meeday oraahdii nebigu yiri ee ahayd Carabku cajamiga kama fadli badna, cajamtuna Carabta kama fadli badna, gaduudkuna madowga, madowguna guduudka, isma dheera wax aan taqwo ahayn. Mee. Mee? /أين المساواة .. أين قول النبي لا فضل لعربي على عجمي، ولا عجمي على عربي، ولا أحمر على أسود، ولا أسود على أحمر، إلا بالتقوي. أين. أين؟” )

Dhadhan Madow .. Ur Madow. B.70)

Akhriste muddo hadda sannad laga joogo, idaacadda BBC-da qaybteeda Soomaaliga waxaan ka dhegaystay in magaalooyinka Soomaalidu degto middood uu ku yaal masjid ay ku tukadaan dadka u dhashay hal beel oo ka mid ah dadka Soomaalidu ay haybsoocaan. Sida warkaas lagu sheegay, Soomaalida kale waa ka faanaan in ay ku tukadaan masaajidkaas ay maamulaan dadkaas la haybsooco oo kuma tukadaan xataa haddii salaaddu ay ku qabato. Magaalooyinka Carabta qaarkoodna waxaa ka jira qubuuro loogu yeero “Qubuuraha addoonta /”مقبرة العبيد,  oo ah qubuuro u gaar ah dadka madow ee Carabtu ay addoonta ugu yeeraan. Meeday walaalnimadii iyo sinnaantii ay diintu sheegtay? Muxuu yahay nacaybka intaa le’eg ee keenay in dadka if iyo aakhiraba lagu kala sarraysiiyo?!

Qoraaga ciraaqiga ah ee Sacad Saluum maqaal uu dhawaan qoray oo uu uga hadlay midabtakoorka lagu hayo ciraaqida Afrika ka soo jeedda, wuxuu ku xusay in uu booqday jaamacadda Basra isaga oo doonayey in uu waraysi la yeesho diktoor ka mid ah macallimiinta jaamacadda oo ka tirsan ciraaqida asalkoodu uu Afrika ka soo jeedo. Kolkii uu jaamacadda gaaray wuxuu bilaabay in uu dadka weyddiiyo in ay u tilmaamaan meesha uu ka helayo macallinkaas, arday ka mid ah dadkii uu weydiiyey in ay tilmaamaanna wuxuu ku yiri: “Haddii aad ulajeeddo daktoorka addoonka ah! Qolkiisa dhankaas baad ka helaysaa /تقصد الدكتور العبد!، ستجد غرفته في هذا الاتجاه“. Daktoorka addoonka ah!!!

Sheekaba sheekay keentaaye, dadka ka faallooda ummuuraha dalka Sacuudiga qaarkood waxay sheegaan in Amiir Bandar bin Suldaan bin Cabdicasiis uu ka mid yahay kuwa ugu da’ weyn, uguna kartida badan amiirrada dalkaas, sidaas oo ay tahayna aan abdo laga qabin in uu maalin waddankaas xukumo, cilladda xilkaas ka hortaaganna ay tahay in ay dhashay hooyo madoobi.

Wadaaddadu waxay sheegaan in Islaamku uu addoonta siiyey fursado badan oo ay xorriyad ku heli karaan. Fursadaha ay xusaanna waxaa ka mid ah in goorta haweenta addoonta ahi ay ilmo u dhasho ninka iska leh loogu yeero “Ilmaha hooyadi /أم ولد”, ilmahaasina uu keeno in hooyada addoonta ah ee dhashay ay xorriyad hesho. Laakiin xaqiiqada lama dhaafaanka ahi waxay tahay in gabdhihii addoonta ahaa ee Bariga Dhexe la geeyey badankoodu ay “ummu walad” noqdeen, haddana taasi ma keenin in dumarkaasi ay xorriyad helaan, balse waxay kordhisay tirada dumarka jirkooda iibiya iyo carruurta lagu xooro masaajidda hortooda iyo qashin-qubyada. Jeerkii Ingiriiska iyo quwadaha reer galbeedku ay addoonsiga danahoodii ka gaareen oo ay ku dhawaaqeen in addoonsiga dunida laga mamnuucayo, Muslimiin Carab u badani waxay bilaabeen in ay arrinkaas ka dhiidhiyaan, waxayna ku doodeen: “Sidee baa ingiriiska gaalada ahi ay u xaaramayn karaan wax Eebbe uu addoomadiisa u xalaaleeyey? /كيف يحرم الإنجليز الكفار ما أحله الله على عبادة؟“.

Gumeystayaashii reer Yurub duullaankii ay ku soo qaadeen Afrika iyo guud ahaan dunida saddexaad waxay qiil uga dhigeen in ay la doonayaan wanaag, oo ay u sidaan ilbaxnimo iyo diinta masiixiga ee inanka Alle uu samada ka keenay. Tusaale ahaan, qoraagii Nayjeeriga ahaa ee Chinua Achebe (1930-2013) buuggiisa sheekada ah ee “Walxuhu Waa Kala Daadanayaan /Things Fall Apart“, wuxuu kaga warbixiyey sidii gumeystihii ingiriisku uu u xaqiri jirey afkaarta qabiilka Igbo ay Alle iyo koonka ka haysteen, ayna isugu dayeen in ay afkaartaas tirtiraan oo ku beddelaan mid ku salaysan diinta masiixiga iyo dhaqanka reer Yurub. Si taa la mid ah, qoraaga Suudaaniga ah ee Cabdicasiis Baraka Saakin sheekadiisa “Samahani /سماهاني”  oo ka warramaysa gumeysigii cummaanida ee Sanjibaar, wuxuu kaga faalloonayaa sida Carabtu ay Afrikaanka ugu qasbeen diinta Islaamka, iyaga oo ku marmarsiyoonaya in afka Carabiga iyo diinta Islaamku ay ka fiican yihiin afafka iyo diimaha madowga, laakiin ujeeddadooda dhabta ahi ay ahayd in ay gacanta ku dhigaan madowga iyo kheyraadka dhulkooda. Masiixidii Yurub iyo muslimiintii Carbeed ee Afrika ku soo duulay waxay ku bishaaraynayeen in ay farriin ka sidaan Ilaah samada jooga, Afrikaankuna dhankooda waxay isweyddiinayeen su’aal ah: Ilaaha cirka carshiga dhigtay ma dhulka ayuu meel ka waayey?!

Leyla al-Juhani buuggeeda sheekada ah ee “Jaahiliya /جاهلية”,  sida Sacuudidu ay u la dhaqmaan dadka madow iyo dumarka waxay ku metalaysaa in ay la mid tahay sidii Carabtii islaamka ka horreeyey ay ula dhaqmi jireen, waana halkaas meesha uu ka soo jeedo cinwaanka buuggeeda ee “Jaahiliya”.  Wiilka madow ee sheekadu ku saabsan tahay oo magaciisa la yiraahdo “Maalik”, waagii uu yaraa wuxuu ahaa kuray caqli iyo dadaal badan, markii uu iskoolka dhigan jireyna wuxuu ka mid ahaa ardayda fahmada iyo firfircoonida lagu cawryo, laakiin maalin maalmaha ka mid ah waxaa u yeeray maamulihii dugsiga oo ku yiri: Waxbarashada adiga iyo kuwa kula midabka ah looguma talo gelin, sidaa awgeed waxaan kugula talinayaa in aadan waqti isaga dhumin, ee aad raadsato garaash aad gawaarida ku mayrto ama meel kale oo aad ka xammaasho. Maxaa yeelay, dadka madoobi shaqooyinkaas bay qabtaan, kuna mahadiya waddankaan idin soo dhaweeyey ee idiin oggolaaday in aad ka xamaashaan.

Sheekada “Xusuusta Narjaska /ذاكرة النرجس”,  iyadana waxaan ku arkaynaa igaarka madow ee Cabdi oo qiraya in markii uu dugsiga dhigan jirey uusan ku dhicin in uu ka jawaabo su’aalaha macallinka xataa haddii uu garanayo, isaga oo ka cabsanaya ardayda caddaanka ah ee ay isku fasalka yihiin. Cabdi mar uu arrinkaas tilmaan ka bixiyey wuxuu yiri: “Marka [macallinku] uu su’aal adag na weyddiiyo, xoogaa yar baan fekeri jirey, dabadeedna aniga ayaa isaga jawaabi jirey aniga oo aan ku dheeraysan, waxaana sugi jirey waxa kuwa kale ay yiraahdaan, kolka ay garan waayaan ee macallinku uu sheego jawaabta saxda ah ee la midka ah middii aan anigu naftayda u sheegay, waxaan dareemi jirey liibaan aan la dhudhumin karin /عندما يطرح (المعلم) سؤالا صعباً، كنت أفكر قليلا ثم أجيب عنه في نفسي دون أن أجهر به، وأنتظر ما سيقوله الآخرون وعندما لا يجيبون ويدلهم المعلم على الجواب الصحيح ويكون هو نفس الجواب الذي حدثت به نفسي أشعر بسعادة كبيرة (Xusuusta Narjaska, BB. 239-240).

Akhristow Dr. Cumar Enow ‘AUN’, wuxuu ka sheekeeyey xaalad tan oo kale ah oo ay la kulmeen isaga iyo walaalkiis Cabduqaadir markii lixdamaadkii qarnigii tagay ay Soomaaliya dugsiyada ka dhiganayeen. Aabbe Soomaaliyeed oo u qaadan waayey in wiil Baantuu ahi uu ka buundo badiyo carruurta kale ee Soomaalida na wuxuu ka wariyey in uu maamulihii dugsiga ku yiri”: “War hadda ma waxaad na leedahay carruurtiinna oo dhan addoonkaas baa ka badiyey?!“.

Eraygu wuxuu noqon karaa burcad boogaha dhaya ama seef xawda jarta. Maalik sidii niyadda looga dilayey markii danbe wuxuu rumaystay in qof madoobi uusan waxba noqon karin, wuxuuna bilaabay in uu isweyddiiyo su’aal ah: dunida ma ka jiraa dhakhtar madoobi? Dunida ma ka jiraa qof madow oo wax noqday? Kolkii uu daawaday taxanayaasha ka warrama qisada saxaabigii Bilaal bin Rabaax, uuna ogaaday in ragga kaalinka Bilaal jilayaa ay yihiin niman cad oo muuqaal madow loo yeelayna, wuxuu ku qancayaa in madowgu xataa naftooda aysan mateli karin. Soo dunida oo dhan lagama waayin nin madow oo kaalinkii Bilaal metala?

Habeen habeennada ka mid ah na, Maalik oo ay wada joogaan afar wiil oo kale oo madow ah ayaa taleefishinka waxaa ka soo muuqatay gabar isaga la foolxumayd, laakiin afartii wiil ee kale ay isku raaceen in ay aad u qurxoontahay. Kolkii uu dood ka keenay quruxda gabadhana, wiilashii waxay mar qura ku qayliyeen: “Shiikhow qurux waxaa ugu filan in ay caddahay! /يا شيخ كفاية بياضها!”  Afar cod baa mar qura isla qiray in quruxi aysan caddaan ka soo harin. Caddaan qura, xataa haddii ay anshax iyo aqoon ka maran tahay! (Waa isla xaaladda Frantz Fanon uu ku tilmaamay “Maqaar Madow iyo maaskaro cad / Black skin white masks”.

Waxaana xusid mudan, in loo badinayo in heerka madowga Maraykanka iyo waddamada galbeedka ku nool ee awooda in ay ku faanaan madoobaantoodu ay ka sarrayso tan madowga Carabta ku nool ee awooda in ay yiraahdaan: “Maxaa ka qurxoon in qofku uu madoobaado! /ما أجمل أن يكون الإنسان أسودا!”).

Liin oo ah gabar Carab ah oo jeclaatay Maalikna, jeerka walaalkeed uu Maalik dilo, ayna hubsato in aysan suurogal ahayn in iyada iyo Maalik ay maalin isguursadaan, waxay is kula hadlaysaa: “Ma gafay haddii aan nin madow calmaday? Ma Eebbaan eed ka galay? Qof bay jeclaatay, waxay jeclaatay qalbi dahab ah, mana aysan eegin midabka /هل أخطأت عندما أحببت رجلا أسودا؟ هل ارتكبت ذنبا في حق الله؟ لقد أحبت إنسانا، أحبّت قلبا من ذهب، ولم تنظر إلى اللون”.

Sheekada kale ee “Xusuusta Narjaska /ذاكرة النرجس” “ ee uu qoray qoraaga Marookaanka ah ee Rashiid al-Haashimi oo ka warramaysa noloshii labo ruux oo madoobaa oo kala ahaa wiil la oran jirey ‘Cabdi’ iyo gabar la dhihi jirey “Xorra’, iyadana waxaan ku arkaynaa Xorra oo wiilka cad ee ay wada socdaan ee ‘Nucmaan Mooriski’ ku oranaysa: “Nucmaan ma i jeceshahay xataa haddii aan madoobahay oo aan foolxumahay? Ii ballanqaad in wax kasta oo dhaca aadan iga tagayn /أتحبني يا نعمان وإن كنت سوداء وقبيحة؟ واعدني أنك لن تتخلى عني مهما حصل “ Ugu danbaynta, Nucmaan waa ka tagayaa Xorra, maxaa yeelay ma uu doonayo in gabar madoobi ay wasakhayso sharafta reerkooda. Jeerkaana Xorra waxay yaqiinsanaysaa in iyada iyo midabkeeda madoobi ay is hudhan yihiin, oo abidkeed uusan sina uga harayn, waxayna bilaabaysaa in ay la saaxiibto nin madow oo ay horay uga carari jirtey, iyo weliba in ay calmato buug taariikh ah oo farguri ku qoran oo ay u haysato in ay qortay ayeeydeed oo ahayd addoon madow oo ugaasyada beesha banii Hilaal ee Sijilmaasa midkood uu ka iibsaday ganacsade Yahuudi ahaa. Waayo? Waxay istusaysaa in xogta buuggaas ku qorani ay wax ka barayo asalkeedii iyo taariikhda dadkeeda (=ثلاثة أشهر مضت على ذلك اليوم وأنا لم أستطع العدول عن عادتي: (…) يدان تمسكان بقطع جلدية مهتًرئة وصفراء أدقق في حبرها لأثبت هويتها الضائعة ….لعل الشيء الذي يدفعني إلى تعميق البحث هو أنه في هذه الأيام الأخيرة، أحسست أن لدي رؤية واضحة نحو الأشياء. أصبحت على شبه يقين أن هذه المخطوطة كتبتها أمنا الحرة السجلماسية). 

Waa isku day la mid ah kii Alex Haley uu isirkiisii hore ku baadigoobay, dabadeedna ku dhaliyey in uu qoro buuggiisa caanka ah ee “Xididdada: Sheekada Qoys Maraykan ah” (Roots: The Saga of an American Family /الجذور: ملحمة عائلة أمريكية). “

Qaddarinta wiilasha madoobi ay u hayaan gabadha cad ee taleefishinka ka soo muuqatay iyo sida Xorra ay u jeclayd Nucmaan Mooriski, ugana fogaan jirtey wiilasha madow, waxay xoojinaysaa dooddii Frantz Fanon uu ku sheegay in ragga madoobi ay jecel yihiin dumarka dubka cad, halka dumarka madoobi ay ka calmadaan ragga maqaarka cad. Marka loo fiirsado dhaqanka iyo sheekooyinka Carabtana waxaa la ogaanayaa in mararka dhif iyo naadirka ah ee ay dhacdo in nin madoobi uu gabar Carbeed guursado ay tahay haddii gabadhaasi ay leedahay iin weyn oo keenaysa in la waayo nin Carbeed oo hunguriyeeya. Tusaale ahaan, sheekooyinkaas middood waxay tibaaxaysaa in aabbe Carbeed uu oggolaaday in inantiisa cad uu nin madow u meheriyo, maxaa yeelay way indho la’ dahay: “Farqina uma samaynayso in saygeedu uu caddaado ama uu madoobaado waayo laba goorraba uma ay jeeddo /لن يفرق معها ان يكون زوجها ابيضا او اسود فهي على كل حال لا ترى“.

Dhul mareenkii Ibnu Batuuta (1304-1369) markii uu ka faallooday dadka madow ee dhulka Maali wuxuu sheegay in madowgu ay quraanka xifdiyaan, salaadda jimcadana ay ku dadaalaan, laakiin ay dadka qashaan. Dad qalnimada Ibnu Batuuta uu madowga ku sheegay ma aha arrin la hubo, laakiin waxaa la hubaa in Carabtu ay quraanka akhrin jireen, salaaddana tukan jireen, dadka inta ay ka itaal roon yihiinna ay nolol ku duban jireen. Maxamuud Taraawri mar uu tilmaan ka bixiyey Carabtii addoonta ka ganacsan jirey wuxuu yiri: Waxay ahaayeen jaahiliin gaajaysan “jahliga iyo gaajaduna nafta iyo diintaba waa fasahaadiyaan.” (Taraawri, Maymuuna).

Afrikaanka madoobi kumanyaal sannadood bay ku noolaayeen dhulalka Carabta iyo Bariga Dhexe. Sidaas oo ay tahay na, xaaladdooda waxaa ku rumoobaysa sifada uu siiyey sheeko-qoraha Eriteriyaanka ah ee Xaji Jaabir oo madowga Bariga Dhexe ku tilmaamay in ay yihiin “Xunbo Madow /رغوة سوداء”. “ Waa xunbo madow oo si kasta oo cimrigeedu u raago aan xoog iyo xididdo yeelanayn, lagana yaabin in ay bulshada qayb ka noqdaan. Waa xubin jirran oo jirka intiisa kale aan la keenayn (حرام وألف حرام، إبني ماهواش أجنبي، سوداني نعم ماقلناش حاجة، ولكن أجنبي لا!).

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in xaaladdu ay hadda xoogaa ka soo raynayso, oo labaatankii sannadood ee la soo dhaafay waxaa soo baxay qalinley Carab iyo madow labadaba leh oo isku taxalujinaya in ay wax ka yiraahdaan mawduuca Carabta iyo addoonsiga, gaar ahaan kii madowga lagu markaday ee bililiqada iyo burburka bulsho, dhaqaale iyo nafsadeed loogu geystay. Qoraalladaas badankooduna waa sheekafaneed male’awaal ah. Waxaana jirta saadaal sheegaysa in marka bulshada uu ku faafo akhris-qoraalku ay ilaa xad sheekafaneeddu gasho kaalinkii gabayga iyo guud ahaan hadalkii tixda ahaa ee xifdinta sahli jirey, ayna noqoto diiwaanka lagu kaydiyo aqoonta, dhaqanka iyo taariikhda ummaddaas. Waxaana xusid mudan, in dalka Suudaan oo ah dhul ay si xoog leh ugu hardamayaan madoobaanta iyo sheegashada Carabnimadu uu yahay kan lagu qoray sheekooyinka ugu badan ee ku saabsan addoonsiga iyo midabtakoorka madowga loo geysto.

Waa la isla qirsan yahay in Carabtu bilowga qarnigaan 21-aad ay madowga ka qoreen sheekooyin ka badan kuwii ay ka qoreen qarnigii 20-aad, laakiin weyddiimaha meesha ku jira waxa ka mid ah: waa maxay sababta keentay kororka sheekooyinka Carabtu ay madowga ka qorayaan? Carabtu ma waxa ay garwaaqsadeen oo ka garaabayaan dulmigii iyo duudsigii madowga loo gaystay, mase masaladu ma dhaafsana ganacsi iyo baahida suuqa buugaagta? Sawirka qoraaga Carbeed ee cusubi uu ka bixiyo madowga ma ka duwan yahay kii awoowayaashiis ay horay madowga uga bixin jireen; ee doqon iyo sheydaan ku sheegga ahaa mise waa isla isagii?

Siday doontaba ha ahaatee, sheekooyinka male’awaalka ah ee mawduucaan ku saabsan ee labaatankii sannadood ee u danbeeyey afka Carabiga lagu qoray waxaa ka mid ah;

1. (Maymuuna = – ميمونة Maxamuud Taraawri), buuggaan waxaa loo aqoonsaday in uu yahay kan ugu saamaynta badan dhammaan dhigaallada male’awaalka ah ee ka hadla taariikhda addoonta madow ee afka Carabiga lagu qoray. Sida la sheego buuggaan lagama helo dalka Sacuudiga oo qoraagu uu dhalashadiisa haysto, kuna noolyahay). Waxaana xusid mudan, in sheekafaneeddii ugu horraysay ee qof Sacuudi ahi uu qoray ay tahay sheeko cinwaankeedu yahay “Mataanaha / التوأمان” oo sannadkii 1930 uu soo saaray abwaan la oran jirey Cabdiqadduus al-Ansaari (1906-1983) oo ahaa nin asal ahaan Afrikada madow ka soo jeeda, ahna ninka aasaasay majallada “Al-Manhal” oo lagu tiriyo in ay tahay ama ugu yaraan ay ka mid tahay midda ugu filka weyn majaladaha suugaanta ka faallooda ee dalkaas ka soo baxa. Sheekadaan “Maymuuna” akhristaha waxay xusuusinaysaa sheekooyinka ay ka midka yihiin sheekada “Xididdada” (=Roots / الجدور) ee uu qoray ‘Alex Haley’ iyo “Igaarka Madow” (=Black Boy /الصبي الأسود) oo uu qoray ‘Richard Wright’. Taraawri wuxuu isku hawlaa in la helo suugaan ay leeyihiin madowga Sacuudiga oo loo bixin karo suugaanta “Afrikaanka-Sacuudiga/الأدب الأفرو-سعودي”,  oo u dhigmaysa suugaanta Maraykanka madow ee loo yaqaan “Afro-American literature.”

2. Cuudyahow Cagaarani (= أخضر يا عود القنا) iyo “Deriska Samsamka /جيران زمزم”; Maxamuud Taraawri (Sacuudiga).

3. Caashaqa Darwiishka(=شوق الدرويش),  Xamuur Sayaad (Suudaan).

4. Moorooyinka Addoonta (=زرايب العبيد),  Najwaa bin Shitwaan (Liibiya).

5. Jaahiliya (=جاهلية),  Leyla Juhani (Sacuudiga).

6. Xusuusta Narjaska (= ذاكرة النرجس), Rashiid al-Haashimi (Marooko).

7. Dhadhan Madow … Ur Madow (= طعم أسود … رائحة سوداء), Cali al-Muqri (Yaman).

8. Sicirka Cusbada/Milixa (= ثمن الملح), Khaalid al-Basaam (Baxreyn).

9. Raalli Ahow (=سمهاني),  Cabdicasiis Baraka Saakin (Suudaan).

10 Lowska Addoonta (= فستق العبيد), Samiixa Khariis (Urdun).

11. Guuto Madow (=كتيبة سوداء),  Muxamed al-Mansii Qandiil, Masar.

12. Walxuhu Meeshoodii ma Yaallaan (=الأشياء ليست في أماكنها),  Huda al-Jahuuri (Cumaan).

13. Daamur (=القار),  Calwaan al-Suheymi (Sacuudiga).

14. Waayo Waan Madoobahay (= لأني أسود), Sacdaa al-Dacaas (Kuweyt).

15. Goriille (=الغوريلا),  Kamaal Riyaaxi, Tuunis.

16. Dhulku waa booyayaa, suxalna waa qoslayaa (=تبكي الأرض يضحك زحل),  Cabdicasiis al-Faarisi (Cumaan).

17. Kuukuu Suudaan Kabaashii (=كوكو سودان كباشي),  Salwaa Bakar (Masar).

Sheekooyinkaan iyo kuwo kale ba, waxay heerar kala duwan toosh ugu ifinayaan faquuqa iyo liididda Carabtu ay kula kacaan dadka madow. Sannadkii la soo dhaafay ee 2019kiina, dalka Tuunis waxaa lagu qabtay shir loo bixiyey “Ummuuraha dubka madow: ka sheekaynta addoonsiga iyo haybsooca /قضايا البشرة السوداء: تسريد العبودية وتسريد العنصرية”. Shirkaas waxaa lagu martiqaaday sheeko-qorayaal Carbeed, waxaana looga hadlay kaalinka sheekadu ay ka qaadan karto wax ka beddelka afkaarta bulshada Carbeed ay ka haystaan dadka madow. Kaamil Riyaaxi oo madax ka ah “Hoyga Sheekada /بيت الرواية”  oo ah hey’adda shirka qabanqaabisay, eraygii uu munaasabadda ka jeediyey wuxuu ku yiri: “Maanta waxaan doonaynaa in aan iba-furno dood iyo weydiimo cusub oo ku aaddan ummuuraha dubka madow, si gaar ah waxaan ugu baahannahay in aan wax iska weydiinno su’aasha la xiriirta in dhab ahaan uu addoonsigii u dhammaaday iyo in kale?

Run ahaantii, shirkaas waxaa lagu dhaliilay in uu ahaa mid aan si fiican loo agaasimin oo xataa cinwaanka la siiyey uu mugdi ku jiro, iyo in lagu martiqaaday dad badan oo arrinka laga hadlayo aan xog ogaal u ahayn. Tusaale ahaan, shirka waxaa marti sharaf looga dhigay sheeko qoraha u dhashay dalka Lubnaan ee Ilyaas Khuuri oo la sheegay in uusan danayn mawduuca shirka, isla markaana dad badani ay saluugeen eraygii uu shirka ka jeediyey, oo ay u arkeen mid aan madasha ku habboonayn. 

Docda kale, qaar badan oo ka mid ah qoraalladaani weli waxay faafinayaan isla fikradihii soojireenka ahaa ee Carabta iyo bulshooyinkii Bariga Dhexe ay horay madowga uga bixiyeen sida in madowgu ay yihiin dugaag aan af iyo aqoon lahayn, oo hilibka dadka cuna, noloshana aan uga toornayn waxaan ka ahayn cunid, cabbid, dhaanto, galmo iyo sixir. Tusaale ahaan, qoraaga ciraaqiga ah ee Diyaa al-Jubeyli sheekadiisa gaaban ee “Buugiis al-Cajiib /بوغيز العجيب”,  ninka madow ee sheekadu ku socoto ee “Buugiis” wuxuu siinayaa tilmaan ah: Waa madow maroodi le’eg, laakiin quraanjo wax ma uu yeeli karo. Ma hadli karo, laakiin marka uu gaajoodo wuxuu u ciyaa sida dibida. Wuxuu leeyahay saddex lugood, dumarkuna waxay aad ugu dhaygagaan lugtiisa dhexe ee uu surweelka ku qariyo, mana ay awoodaan in ay indhahooda ka weeciyaan, sirqooyinka socodka gabayna waxay ku riyoodaan in xubintaasi ay mar uurkooda gaari lahayd, laakiin nasiibdarro xubintaasi sida ay u dheertahay itaal uma laha, maxaa yeelay waa xubin la tumay oo hawl gab laga dhigay. Sida badmaaxyadu ay yiraahdaan: “Eebbe walaxda ku jirta labada lugood ee dumarka dhexdooda si caddaalad ah buu u simay, laakiin tan ragga ma uusan simin.” Ragga la dhufaanay waxay yeeshaan itaalka ragga iyo muqaalka dumarka.

Guud ahaan, shirkaas iyo qoraalladaan curdanka ahi waa ifafaale wacan oo muujinaya in hal tillaabo horay loo qaaday, oo ugu yaraan ay jiraan aqoonyahanno Carbeed oo ku baraarugay ahmiyadda mawduucu uu leeyahay. Hayeeshee, faannoole fari kama qodna, oo ilaa iyo hadda isu ma dhigmaan ahmiyadda mawduucu uu leeyahay iyo waxa laga qoray. Laakiin Rooma maalin lagu ma dhisan, roobkuna shuguugux buu ku bilowdaa, waxaana abdaynayaa in timaaddada la doogi doono, oo dhigaalladaani xagga tirada iyo xagga tayadaba ay ka soo rayn doonaan.

Sheekooyinka iyo guud ahaan suugaantu, waa codka kuwa aan codka lahayn, waana muraayadda ay bulshadu isku eegto, oo samaan iyo xumaanba ay xaalkeeda kula socoto, waxayna kaalin mug leh ka qaataan isbeddelka iyo horumarka fekerka bulshadu uu samaynayo. Waxaana la yiri: Kacaankii Ruushka ka dhacay bilowgii qarnigii 20-aad, wuxuu ahaa ilmo ay xalaal ku dhaleen sheekooyinkii Ruushka lagu qoray qarnigii 19-aad.

Oraah ka mid ah kuwa suugaanta dunida ugu caansan, oo badi ba loogu abtiriyo qoraagii weynaa ee Fyodor Dostoevsky baa waxay tiraahdaa: “Dhammaanteen waxaan ka soo baxnay jubbaddii Gogol” (We all come from under Gogol’s Overcoat /كلنا خرجنا  من معطف غوغول. . Sannadkii 1842, qoraagii Ruushka ahaa ee Nikolaay Gogol oo noolaa ‘1809-1852’, wuxuu qoray sheeko gaaban oo uu u bixiyey “Jubadda” (The Overcoat/المعطف, ) oo uu uga warramayo noloshii iyo dhimashadii nin sabool ahaa oo la oran jirey ‘Akaky Akakievich’, oo halgan dheer u galay sidii uu ku heli lahaa jubbad uu ka dugsado dhaxanta barafka culus ee Ruushka ka dhaca. Akaky si uu u uruuriyo lacag uu jubbad cusub ku iibsado darteed, wuxuu joojiyey cashadii, cabidda shaaha, shidashada shumaca la ifsado, wuxuuna bilaabay in uu kabihiisa foodda hore uga socdo si ay u cimriyaan, muddo dhawr bilood ah na isaga iyo dhartolaha ay deriska yihiin maalin walba waxay tagi jireen suuqa si ay u la socdaan sicirka maryaha.

Gogol sheekadaan wuxuu isku dhafay  jubadda iyo qofka xirta, jeer jubaddii ay ka yeelatay nolol iyo taariikh iyada u gaar ah. Sheekadaan yar waxaa loo aqoonsaday in ay tahay middii ugu horraysay ee si cuddoon oo farshaxannimo leh uga hadasha loollanka ka dhexeeya dabaqadaha bulshada iyo dhibka aadanaha la dulmay, waxayna saamayn ku yeelatay qoraayaasha waaweyn ee Ruushka oo dhan sida Ivan Turgenev, Anton Chekhov, Fyodor Dostoevsky iyo Leo Tolstoy. Tan iyo waagaasna mawduuca “dulmanayaasha bulshadu” wuxuu noqday mid qoraayaasha waaweyn ee dunidu ay ka hadlaan, Gogolna wuxuu mutaystay in loo qiro kartidiisa oo la yiraahdo: “Kulligeen waxaan ka soo baxnay jubbadda Gogol.” Waxaa laga soo baxay erayada, sadarrada iyo baalasha sheekada ee lagama soo bixin jeebka jubadda qoraaga.

Tusaale labaad oo wax nooga bidhaaminaya raadka sheekadu ay ku leedahay wacyiga qofka iyo bulshada waa sheekada “Buulkii Adeer Toom” (=Uncle Tom’s Cabin/ كوخ العم توم) ee ay qortay Haariyet Biijer Istow (=Harriet Beecher Stowe,1811-1896).

Sheekadaan “Buulkii ama Muddulkii Adeer Toom” oo markii ugu horraysay la daabacay sannadkii 1852 -oo ku beegan hilaaddii toban sano ka hor dagaalkii sokeeye ee Maraykanka- waxaa lagu tilmaamay in ay tahay: sheeko astaan u ah xorriyadda iyo cod ka dhiidhinaya in qaf bani’aadam ahi uu yeesho mid kale.

Sheekadu waxay ku saabsan tahay addoonsigii iyo midabtakoorkii ay la kulmeen dadka madow ee maraykanku, xiddiga ay ku socotaana waa adddoon madow oo la yiraahdo ‘Adeer Toom’ oo ku sheeggan ammaano iyo dulqaad. Ugu dambaynta, Toom waxaa laga iibinayaa nin arxandaran oo si bani’aadamnimada ka baxsan ciqaab iyo jirdil ugu geysanaya ilaa uu ka xijaabto.

Sheekadaan iyada ahi, isla jeerkii ay soo baxdayba waxay gilgishay damiirka akhristayaal badan, waxayna noqotay buugga loogu iibsiga badan yahay marka laga yimaado buugga Baybalka. Qarnigii 19-aad oo dhanna waxay ahayd midda loogu iibsiga badan yahay, waxaana lagu tarjumay afafka waaweyn ee dunida badankooda iyo weliba afguriyo yaryar, waxayna ka qaybqaadatay xoogaysiga dhaqdhaqaaqii xoraynta addoonta iyo xoojinta xuquuqda haweenka. Waxaana la sheegay in kolka la arko qof booyaya ama si u niyad xun in lagu oran jirey: War ma dhib baa jira mase waxaad akhrinaysaa sheekadii adeer Toom.

Dabshidkii1862, Madaxweyne Abraham Lincoln ka hor intii uusan ku dhawaaqin go’aankii xoraynta addoonta ee 1863, wuxuu aqalka cad ku martiqaaday murwo Harriet Stowe, markii ay iska soo hor baxeenna- sida la xuso- wuxuu ku salaamay in uu ku yiri: “Haddaba, waa adiga haweenayda yar ee qortay buugga bilaabay dagaalkaan weyn / So you’re the little woman who wrote the book that started this great war.” Sida muuqata mudane Lincoln arrinka wuu ka badbadinayaa, oo buuggaan keligii ma uusan hurin dagaalkii sokeeye ee dhexmaray gobolladii Waqooyi ee dhaqaalahoodu uu warshadaha ku tiirsanaa iyo kuwii Koonfureed ee dhaqaalahoodu uu ku qotomay beeraha iyo dadka addoonta ah ee ka shaqeeya, balse buuggu wuxuu ku soo beegmay xilli dalka Maraykanka ay ka taagnaayeen qulqulatooyin siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo markii danbe isu rogay dagaal sokeeye, buugguna xiisadihii dhaqaale iyo kuwii siyaasadeed ee taagnaa buu dogobyo sii saaray, dad badanna wuxuu ku baraarujiyey dhibka addoonsiga iyo liididda dadka kaa duwan.

Sida dhabta ah, maanta eraybixinta “Adeer Toom /Uncle Tom”, waxay leedahay macne xaqiraad iyo yasid xanbaarsan, adeer Toomna waxaa lagu qeexaa in uu yahay addoon madow oo daacad u ah caddaanka iska leh, isla markaana khiyaana qaddiyadda dadkiisa madow. Laakiin macnahaasi ma aha kii uu ku lahaa sheekada ee waa mid gadaal danbe ka abuurmay. Abuuranka macnaha cusubna waxaa ka mas’uul ah buugtii iyo riwaayadihii faraha badnaa ee ay qoreen dadkii ka soo horjeeday xoraynta addoonta. Sida Istow qudheedu ay sheegtay ninka ay u bixisay magaca ‘Adeer Toom”, wuxuu ahaa nin dhab ahaan u jirey oo la oran jirey ‘Josiah Henson’. Henson wuxuu ahaa addoon ka baxsaday Maraykanka oo u gudbay dhanka Kanada oo addoonka gaaraa uu xor noqon jirey, kolkii uu xorriyaddiisa helayna wuxuu bilaabay in uu ka shaqeeyo sidii madowga kale ee Maraykanku ay iyaguna xorriyaddooda ku hanan lahaayeen. Sidaa darteed, taariikhda Josiah Henson iyo sheekada ‘Adeer Toom’ midkoodna ma uu tusinayo in Toom uu ahaa nin liita oo dabadhilif u ah dadkii iska lahaa.

Isku soo wada duuboo, dhaqdhaqaaqa “Nolosha Madowgu Waa Muhiim” wuxuu dhiirigelin iyo niyad dhis u noqday madow badan oo ku dhaqan waddamada carabta, kuwaas oo durba bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay kula dirirayaan faquuqa iyo midabtakoorka lagula aqdaanto. Bilmatal, Fannaanadda madow ee u dhalatay Falastiin ee Maryan Abu Khaalid waxay wax ka xustay faallooyinka midabtakoorka ah ee ay maqasho. Tusaalayaasha ay xustayna waxaa ka mid ah in waagii ay yarayd ay maalin gabar ay saaxiibo ahaayeen hooyadeed iyada oo uga digaysa in ay qorraxda ku ciyaarto, ay ku tiri: “Jooji qorraxda aad ku dheelayso, ma waxaad rabtaa in aad sida Maryan u ekaato!” Maalin kale, wiil yar baa aabbihi wuxuu weydiiyey sababta dadka qaarkood ay la madow yihiin? Aabbihiina wuxuu ugu jawaabay; “Maxaa yeelay waalidkood baa illoobay in ay foornada ka saaraan.”

Docda kale, waxaa jira ifafaale muujinaya in ay isi soo tarayaan dhigaallada carabiga ah ee isku taxalujinaya in ay wax ka yiraahdaan sawirka carabtu ay ka bixiyaan dadka madow iyo sida ay ula dhaqmaan. Buugga iyo filinka cinwaankoodu yahay “Eey Cad /White Dog”, gabadha caddaanka ahi kolka ay ogaato in eeyga ay isku dayayso in ay rabbaysato uu yahay mid horay loogu borogaraamiyey nacaybka iyo ku duufidda dadka madow, waxaa maankeeda ku soo dhacaysa weyddiin ah: cunsuriyaddu ma cudur aan laga bogsoon baa mise waa dhaqan la bartay oo la iska deyn karo?  Jacaylka iyo nacaybka, nabadda iyo colaadda kulligood waxay ka bilowdaan qalbiga qofka iyo bulshada, waxa dadka ka hortaagan in ay nabad ku wada noolaadaanna ma aha kala duwanaantooda, ee waa doqonnimadooda. Waxayna nabad iyo xasillooni gaarayaan goorta ay ka guulaystaan nacaybka ka dhasha nacasnimadooda, oo ay joojiyaan sharka iyo in sharka mid kale looga jawaabo. Aan yeelanno riyo la mid ah tii Martin Luther King.

WQ: Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil.
Email: sismail42@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “