Turjumidda Buugga “The Second Treatise of Government” | C. 2 | Vol: 01 – Cad: 89aad

 1,212 View

Indheergarad – Abril 02, 2021 – Hakisbila – Vol: 01 – Cadadka: 89aad

Turjumid: Cutubka II

C. 2: Xaaladda Dawlad La’aaneed (Of State of Nature)1

4. Si suldada siyaasadeed loo fahmo oo asalka saxda ah loo ga soo dhanbalo, waa in aan marka hore firinnaa xaaladda uu basharku asal ahaan ku noolyahay marka aanay awood dowladeed jirin. Xaaladdaas oo ah mid uu qofku xorriyad buuxda u leeyahay in uu sameeyo waxa uu doono, iyo in uu sida uu doono naftiisa iyo maalkiisa ba ugu takrifalo, isaga oo aanay wax xayndaab ah oo aan ka ahayn xeerka dabiiciga ah, celinayn, cidnana aan oggolaansho uga baahanayn. Sidoo kale waa xaalad sinnaansho, oo aanay jirin cid cid kale suldo iyo awood ku leh. Waayo, waa wax iska cad in noolayaasha isirwadaagga iyo isku martabadda ah ee si siman u la dhashay faa’iidooyinka dabiicadda, ay u noqdaan kuwo siman oo aan mid na ka kale ka hoosayn oo u hoos imaanayn, marka la ga reebo in Eebbe weyne uu si cad oo toos ah ugu muujiyo doonistiisa ah in la ka la sarreeyo, oo uu mid madax uga dhigo inta kale.

5. Sinnaantaan dabiiciga ah, sida ay u caddahay oo aanay hadal ba u geli garin aawgeed, waa ta uu garaad Hooker2 sees uga dhigayo waajibka jacayl ee ay dadka isku leeyihiin, oo uu ku dhisayo xilka dhexdooda iska saaran; oo uu mar kale soo dhiraandhirinayo xeerarka caddaaladda iyo jacaylka.

Hadalladiisa na waxa ka mid ah kuwaan:

‘‘Mid la mid ah dareenkaan dabiiciga ah waa kan dadka ku baraarujiyay in waajibka ka saaran in ay dadka kale jeclaadan, uusan ka yarayn kan naftooda ka saaran, maadaama walxaha siman ay tahay in cabbir mid ah la saaro. Sidaa darteed, haddii aan dadka wanaag ka rajaynayo, in le’eg inta uu qof kastaa naftiisa la rabo, sidee, haddaba u fishaa in baahiyahayga la haqabtiro, haddii aanan ba diyaar u ahayn inaan dhigayga baahiyahooda dhalan ka ah ka haqabtiro, maadaama isku abuur la yahay. Haddii ay soo gaaraan wax liddi ku ah baahiyahaas, oo dhibayana, waa in ay ii xanuunjiyaan sida ay iyaga ba u xanuunjinayso. Sidaa awgeed, haddii aan waxyeello geesto, waa inaan dhibta ka dhalataa keligay dusha u dhigtaa, waayo, ma jirto sabab ay dadku iigu muujiyaan galgaceel ka badan intay iga arkeen. Baahida aan u qabo galgaceel aan ka helo dhigayga, hadda ba, waxa ay dusha iga saaraysaa inaan anigana mid la mid ah bixiyaa. Ma na jiro qof moog xeerarka iyo qawaaniinta maangalka ah ee ka dhalanaya sinnaantaan innaga iyo kuwa inna la mid ah ka dhexeyso, si nolosha loo maareeyo’’.3

6. In kasta oo ay xaaladdaani tahay mid xorriyadeed, haddane ma ahan mid rukhso, oo aan xayndaab celiyo lahayn. Qofku, in kasta oo uu xor u yahay in uu sida uu doono ka yeelo naftiisa iyo maalkiisa, haddane xor u ma aha in uu naftiisa ama abuurta kale ee hantidiisa ka midka ah waxyeelleeyo, haddii aanay jirin sabab taa dalbanayso. Waa xaalad uu qofku seeteeyo xeerka dabiiciga ah, iyo garaadka, oo ah seeska xeerkaa, oo haddii uu kaashado baraya in qofna uusan xaq u lahayn in uu waxyeello u geesto nafta, maalka, bedqabka iyo xoriyadda qof kale, maadaama la wada yahay noole siman oo ka la madaxbannaan. Sababtuna waa in dhammaan la wada yahay abuurka hal Eebbe oo ogaal iyo xikmad badan, sidoo kale la yahay addoomo dunida ku jooga amarkiisa iyo in ay isaga caabudaan. Sidaasna ku ah wax uu isagu leeyahay oo dunida ku joogo kutalagalkiisa ee aan tooda ku joogin. Sidaa darteed, qof waliba sida ay dowrista naftiisu xil uga saaran tahay, baa si la mid ah, marka tiisu aanay halis ku jirin, xil uga saaran yahay dhowrista tan dadka kale. Qofkuna xaq u ma la ha in uu ku xadgudbo nafta, xorriyadda, bedqabka ama maalka qof kale, aanan ka ahayn in uu qabanayo mid kale oo xadgudub sameeyay.

(…)

W/T: Cali Barre
© Xuquuqda Faafinta: Mareegta Indheergarad
Email: mrbarre1987@gmail.com
Email: info@indheergarad.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “