
1,707 View
Indheergarad – Abril 19, 2021 – Lammin – Vol: 01 – No: 67
Turjumid: Cutubka III
C. 3: Xaaladda Dagaal
16. Xaaladda dagaal waa xaalad colaad iyo burburineed. Sidaa daraadeed, qofkii af ama addin ku muujiyaa in uu go’aansaday in uu qof kale nafta ka jaro, go’aan aan xaalad caro ka dhalan ee uu u fekeray, waxa uu noqonayaa nin dagaal ku baaqay, dagaalkaas oo ka dhan kii uu doonayay in uu dilo iyo cid walbo oo u soo gurmato, sadaasna waxa uu halis ugu jiraa in isna qoorta la gooyo. Sababtuna, waa in qofku daw iyo jid ba u leeyahay in uu burburiyo ciddii burburin ugu hanjabto. Xeerka dabiiciga ahne, maadaama uu waajib yeelayo in nafta bini’aadanka ah, intii karaan ah la badbaadiyo oo marka aan iyada oo dhan la badbaadin karayn, la hormariyo maatada iyo maxasta, waxaa qofka u bannaan in nafta ka gooyo qof dagaal ku soo qaaday ama colaad iyo dirir uu ka arkay, is la sababta ay ugu banaan tahay in uu Libaax ama Dhurwaay dilo. Waayoo, dadka noocaas ahi, ma ahan dad uu dabinka caqligu celiyo, mana aqoonsano xeer aan ka ahayn ka xoogga iyo dirirka, sidaas awgeed baa loo la la dhaqmayaa sida dugaagga aan arxanka lahayn ee ku dilayo haddii aad u gacangashid.
17. Sidaa daraadeed, qofkii isku daya in uu qof kale u xoog sheegto, waxa uu dagaal ku yahay qofkaas, waana in loo faahmaa baaq ah in u naftiisa u socdo. Waayo, qofka doonayo in uu suldo aanan oggolayn ii sheegto, waa maangal inaan taas ka la soo dhex baxaa, in uu sida uu doono iga yeelayo haddii uu gacanta igu dhigo, ina dilayo haddii uu doono. Waayo, ma jiro qof doonayo in uu qof kale u xoog sheegto, aan ka ahayn in uu u socdo in uu ku sandullayo wax liddi ku ah gobannimadiisa, oo uu addoon ka dhigo. In aan xoog-sheegashadaas ka xoroobana, waa damaanadda keli ah ee jiritaankayga. Caqliga iyo garashaduna waxa ay ii sheegayaaan in aan qofkaas u arko qof cadow ku ah jiritaankayga, oo doonaya in uu gobannimadayda ee gaashaanka u ah jiritaankayga, iga qaado. Sidaa awgeed, qofka doonayo in uu i addoonsado, waa qof dagaal igu soo qaaday. Markaa, haddaba, xaaladda dowlad la’aaneed la joogo, qofka gobannimada ka qaadaa qof kale, waa in loo fahmaa in qorshihiisu yahay in uu qofka ka qaado wax walbo oo kale, maadaama gobannimadu tahay seeska waxa soo haray. Si taa la mid ah, qofka doonayo in uu qof kale gobannimada ka qaado, iyada oo dowlad la yahay, waa in sidoo kale loo fahmaa in uu qorshishiisu yahay in qofka ka qaado wax walbo oo kale, oo loo arkaa nin ku sugan xaaladda dagaal.
18. Taas ayaana qofka gar u siinayso in uu dilo tuug aan waxyeello jireed u geysan oo aan u muujiyo in uu doonayo in uu nafta ka gooyo, balse u awood sheegtay, si uu uga dhaco hantidiisa iyo wixii kale uu doonayo. Waayo, qofka xoog ii adeegsada, si uu gacan ii gu dhigo, marmarsiyaduu doona ba ha sheegtee, shaki ii ga ma jiro in marka uu xorriyadda iga qaado uu wax walbo oo kale na iga qaadayo. Sidaa darteed, waa gar in aan u la dhaqmo sida qof dagaal igu la jiro, oo aan dilo haddaan awoodo. Sababtuna waa in uu isagu halistaa u bareeray, maadaama uu isagu dhiillada iyo gardarrada bilaabay.
19. Sidaas waxaan ku arkaynaa, haddaba, farqiga u dhexeeya xaaladda dowlad la’aaneed iyo tan dagaal oo ay ragga[1] qaar ay isku qaldaan, balse u ka la fog sida ay xaaladda nabadeed, niyadwanaag, iskaashi, bedqab iyo tan colaadeed, dhagar, dirir iyo isdil u ka la fog yihiin. Dadku marka ay caqli isku la noolyihiin oo uusan jirin qof ka sarreeyo oo xukuma oo suldo ku leh, waa taa xaaladda dowlad la’aaneed ee dhabta ah. Balse in xoog la miciin bido, ama lagu baaqo in qof kale xoog lagu muquuniyo, iyada oo aanay jirin awood sare oo uu qofku u gardhigto baa ah xaaladda dagaal. Maqnaanshaha awooddaa sare ee loo gardhigan lahaay, ayaa ah waxa qofka xaq u siinayo in uu dagaal ka la hortago kii ku soo gardarroodo, xataa haddii ay hal dowlad ka wada tirsan yihiin. Haddaba, haddii tuug horay waxba walba ii ga dhacay, oo in aan sharciga la tiigsado mooyee aanan ciqaabi karin, uu u soo qalab qaato in uu [tusaale ahaan] faraskayga ama dharkayga dhaco, waxaa ii bannaan in aan dilo. Sababtuna waa in xeerka loo dejiyay ilaalinta bedqabka naftayda, marka uusan nafteyda, oo haddii la gooyo aanay jirin mag u dhiganto, badbaadin karin uu gar ii siinayo in aan nafteyda difaacdo, oo ah inaan dilo karo kan igu soo xadgudbay. Sababtuna waa in aanay jirin fursad aan sharci iyo garsoore markaa ku la tiigsado, halista ka dhalan kartana ay tahay mid aan waxyeelladeeda dib la soo celin karin. Xaaladda dowlad la’aaneed, haddaba, waa maqnaanshaha awood sare oo dadka u ka la gar qaaddo, halka adeegsiga gardarrada ah ee xooggu yahay xaaladda dagaal, awood sare ha jirto ama yaanay jirin e.
(…)
W/T: Cali Barre
© Xuquuqda Faafinta: Mareegta Indheergarad
Email: mrbarre1987@gmail.com
Email: info@indheergarad.com