Shimbiri Hal Baal Kuma Haaddo |Vol: 01 – Cad: 91aad

 665 View

Indheergarad – Abril 25, 2021 – Koobin – Vol: 01 – Cadadka: 91aad

Haweenoow, waad noqon kartaan hooyo, abbaayo, afo iyo saaxiib laakiin marna ha yeelina in aad noqotaan adeegto iyo lucbad ay raggu ku ciyaaraan. Maxaa yeelay, raggu waxba idin ma dheera… Noqda bani’aadam jira, hana ku qancina in aad noqotaan dumar xiran maryo birbirqaya, timo la firay, gibil la dhalaaliyey, iyo luqun dahab iyo luul lagu hilay.” – Salama Muusa (1887-1957)


Qarniyadii 18-aad iyo 19-aad dadka reer Galbeedka ah ee dunida Islaamka yimaadda waxa ugu horreeya ee ishoodu qabato waxa uu ahaa sida labka iyo dheddigu ay soohdinta u kala leeyihiin. Dhanka kalena, Muslimiinta faro ku tiriska ah ee booqda waddamada Yurub waxa ugu horreeya ee ay la yaabaan waxa uu ahaa sida ragga iyo haweenku ay isu dhex qaadaan. Ragga reer Galbeedka ah ee booqda Bariga Dhexe waxay ka hadli jireen ragg faajiriin ah oo mid kasta tiro haween ahi ay guri ugu xeraysan yihiin(1). Dhanka kale, ragga reer bariga ah ee Yurub tagaa waxay ka warrami jireen haween faasiqiin ah oo ka awood badan raggooda aan masayrka lagu ogayn. Waxaana la isweydiiyey: Maxaa la filayaa in uu dhaco kolka ay kulmaan faajirka bariga iyo faasiqadda galbeedku oo aan ka ahayn in ay bardoodamaan?!(2). 


Maadaama Turkigu uu u dhow yahay Yurub, muslimiintii ugu horreeyey ee Yurub tagay waxay ahaayeen Turki. Turkidaasina waxyaabihii tirada badnaa ee ay la yaabi jireen waxaa ka mid ahaa sida ragga iyo haweenku ay isugu laban yihiin(3). Tusaale ahaan, dabshidkii 1720-kii, dowladdii Cusmaanidu waxay dalka Faransiiska u dirtay danjirihii ugu horreeyey ee Muslim ah ee dalkaas taga. Danjirahaas waxaa la oran jirey Maxamed Jalabi Efendi (1670-1732). Danjiruhu dabshidkii dambe waxa uu diyaariyey warbixin uu u bixiyey “Buugga Safaaraddii Faransiiska /سفارة نامة فرنسا”. Laakiin goor danbe buugga waxaa loo tarjumay afaf uu ka mid yahay Carabigu, waxaana loo bixiyey “Jannada Haweenka iyo Gaalada /جنة النساء والكافرين”. Safiirku warbixintiisa arrimo badan oo dhaqan-dhaqaale buu uga hadlay. Sida muuqatana dhan wuxuu la dhacsanaa horumarka Faransiisku uu ku tillaabsaday, dhanka kalena wuxuu ka xumaa dib-u-dhaca Muslimiinta haysta. Waxyaabaha safiirku uu warbixintiisa uga hadlay badankoodu waxay ahaayeen wax ku cusub oo ka geddisan wixii uu ku arki jirey dhulka khilaafada Cusmaanida.

Tusaale ahaan; mar uu faallo ka bixiyey kala duwanaanta Turkidii Cusmaanida iyo Faransiiska wuxuu yiri: “Cusmaanigu wuxuu socdaa isaga oo dumarku ay ka danbeeyaan, Faransigase dumarkaa ka hor mara. Cusmaanigu goorta uu guriga galo wuxuu iska siibaa kabaha, halka Faransigu uu koofiyadda iska saaro. Cusmaanigu wuxuu xiirtaa timaha madaxa wuxuuna deystaa garka, laakiin Faransigu garka ayuu xiirtaa madaxana waa la haraa…Faransigu waa Cusmaani madaxa ku taagan!” Danjiruhu si gaar ah wuxuu u la yaabay xorriyadda haweenka Faransiiska iyo kaalinnada kala duwan ee ay nolosha kaga jiraan. Wuxuu sheegay in haweenka Faransiisku aysan maqabiyado ahayn, raggana aysan ka xijaaban, xafladahana ay tagaan, laamaha nolosha oo dhanna ay ka qayb qaataan. Wuxuu yiri: “Faransiiska…haweenku waxa ay damcaan bay sameeyaan, meeshii ay doonaanna waa aadaan…Sidaa awgeed, Faransiisku waa jannada haweenka.” Intaa wuxuu sii raaciyey, in uu isbarbardhig ku sameeyey labada caasimadood ee Baariis iyo Istaanbuul, wuxuuna qoray: Baariis kama weyna Istaanbuul, laakiin dadka waddooyinkeeda dhooban baa waxay u muujiyaan sidii in ay ka weyn tahay. Taana waxaa ugu wacan in haweenka Faransiisku aysan kari karin in ay aqallada ku jiraan, ee ay u baxaan si ay uga qaybqaataan beeca iyo shiraha suuqa ka socda, halka Istanbuul jidadka iyo suuqyadu ay ragga u gaar yihiin.


Danjirayaashii kale ee dowladdii Cusmaanidu ay Faransiiska u dirtay waxaa ka mid ahaa labo nin oo lagu kala magacaabi jirey Muxib Efendi iyo Waxiid Efendi oo Baariis joogay sanooyinkii u dhaxeeyey 1806-1811. Sidii caadada safaaraduhu ay ahaayeen labada safiir mid waliba wuxuu qoray warbixin uu uga warramay waxii uu la kulmay intii uu danjiraha ahaa iyo talooyinka uu siinayo dowladdiisa. Labaduba warbixintooda waxay faallo kaga bixiyeen haweenka Faransiiska, gaar ahaan kuwa magaalada Baariis.Tusaale ahaan: Muxib Efendi wuxuu qoray: “ragga iyo haweenka Nasaarudu si xor ah bay u wada madadaashaan.” Waxiid Efendi isaguna wuxuu yiri:”Waxaan ka qayb-galay xaflad ay lahaayeen dad yuribiyaan ahi, waxaa joogay dumar badan. Dumarku waxay hor fadhiyeen miisaska raashinku uu saaran yahay, ragguna gadaashooda ayay fadhiyeen iyaga oo u eegaya sida xayawaan baahan inta ay raashinka cunayaan. Haddii ay u jiir-naxaan waxbay isaga tuuraan, haddii kalena raggu gaajadooda ayay ku joogaan.” Sida la qiyaasi karo sheekadaani run ma aha, laakiin waxay ka tarjumaysaa is fahan la’aantii u dhaxaysay bariga iyo galbeedka, oo qoloba tan kale ay dugaagga u arkaysay. 

Dhanka kale, sannadkii 1826, dowladda Masar afartan wiil bay waxbarasho ugu dirtay dalka Faransiiska. Wiilashaas ardayda ah waxaa lagu daray wadaad la oran jirey Shiikh Rifaaca Raafic al-Tahtaawi (1801-1873), si uu salaadda u tujiyo, una wacdiyo. Shiikh Tahtaawi wuxuu ahaa wadaad diinta ku bartay jaamacadda As’har, laakiin aqoon iyo reer magaalnimo kale oo intaas dhaafsiisan ma uusan lahayn, wuxuuse lahaa maanfurnaan dabiici ah oo uu ugu kuurgalo wax allaale wixii dareemayaashiisa ku cusub. Tahtaawi fagtii horeba wuxuu la yaabay agabka la isticmaalayo oo ay ka midka yihiin kuraasta lagu fariisanayo, sariiraha lagu seexanayo iyo malgacadaha iyo fargeetooyinka wax lagu cunayo oo intuba ay ku cusbaayeen. Waxyaabihii kale ee faraha badnaa ee uu ku diimay waxaa ka mid ahaa haweenka Faransiiska iyo gedahooda la yaabka leh. Wadaadku wuxuu sheegay in markii ugu horraysay ee isaga iyo wiilashu ay galeen maqaahi bunka lagu cabbo oo ku tiil magaalo xeebeedda Marseeliya ay ku adkaatay in uu rumaysto in meeshu ay tahay dukaan bun lagu cabbo. Sababaha ashqaraarka iyo u-qaadan-waaga ku ridayna waxay ahaayeen nadaafadda iyo quruxda meesha ka muuqda, sawirradda derbiyada oo dhan ku sharraxan iyo weliba in qof haween ahi ay maamulaysay, isla markaana ay afka ka joogeen dumar wada ilwaad qurxoon.

Kolkii ay ka tageen magaalada Marseeliya ee ay Baariis gaareenna buuggiisa xusuus qorka ah wuxuu ku qoray: “Dumarka tuulooyinka iyo magaalooyinka yaryari waxay leeyihiin bilic dabiici ah oo u dhalasho iyo nadaafad ay ku hanteen, laakiin kuwa Baariis baa is naashnaash badan.” Intaa wuxuu sii raaciyey: “Caadooyinka dumarka waddankaan waxaa ka mid ah in ay muujiyaan wejiga, madaxa, luqunta, iyo waxa ka hooseeya, iyo qadaadka iyo waxa ka hooseeya, iyo gacmaha ilaa garbaha laga gaarayo. Caadooyinkooda kale waxaa ka mid ah in beeca iyo shirihu ay asal ahaan yihiin hawlaha haweenka, shaqooyinka kalese ragga ayaa qabta, dukaammada, biibitooyinka iyo meelaha la midka ahna iyaga iyo waxa ka buuxa ayaan u daawasho tegi jirnay.” Tahtaawi meel kale oo ka mid ah buuggiisa “Takhliis al-Ibriis” wuxuu ku leeyahay: “Aalaaba dadku waxay wax iska weydiiyaan xaalka haweenka Faranjiga iyo dhaqankooda ah in ay madaxa iyo meelo kaleba qaawiyaan, jawaabta oo koobanna waa in dhowrsanaanta haweenku aysan ku xirnayn in ay xubnahooda muujiyaan ama ay qariyaan, balse arrinku uu ku xiran yahay hadba tarbiyada la siiyo samaan iyo xumaan.” Hadalkaas oo macnihiisu yahay in xishoodka iyo dhowrsanaanta dumarku aysan ku jirin qaabka ay maryaha u xirtaan, ee ay ku jiraan garaadka ay u dhashaan iyo sida loo rabbeeyo.


Tahtaawi dabshidkii 1931 ayuu Masar dib ugu noqday isaga oo aan ahayn wadaad xerow ah, balse ah waxgarad doonaya in uu ka qaybqaato horumarka dadkiisa iyo dalkiisa. Bulshada reer Masar wuxuu ugu baaqay in ay hirgeliyaan mabaadida caddaaladda, xorriyadda iyo sinnaanta -marka lagu daro sinnaanta ragga iyo haweenka. Wuxuuna adeegsaday halkudheg oranaya “Waddanku ha noqdo meel aan wadajir ugu liibaanno, aanna ku dhisno xorriyad, feker iyo farsamo /ليكن الوطن محلا للسعادة المشتركة بيننا نبنيه بالحرية والفكر والمصنع”.


Sannadkii 1941, wuxuu guursaday gabar abtigii dhalay, warqaddii heshiiska guurkoodana (=warqadda nikaaxa) wuxuu ku qoray erayo nuxurkoodu uu yahay: ‘Qofka erayadaan qoray oo ah Rifaaca Badawi Raafic inanta ay ilmo abtiga yihiin ee sharafta badan oo uu dhalay Shiikh Maxamed al-Fargali al-Ansaari, wuxuu u ballanqaadayaa in keligeed ay afo u noqonayso, dumar kalena uusan la guursanayn, haweenay addoon ahna uusan yeelanayn, inta ay ballanta iyo gacalada ku wada joogaan, gurigeeda iyo carruurteedana ay si wanaagsan u dhaqanayso. Haddii ay dhacdo in uu haweenay kale guursadana waxay xaq u yeelanaysaa in ay isla markiiba iska furto.’ Erayadaas kooban ee warqadda lagu qoray waxay abuureen qaylo badan, Tahtaawina waxay u soo jiideen in lagu eedeeyo in uu ka tanaasulay xaq shareecada islaamku ay siisay iyo in uu dhaqan xun horseed ka yahay (waagaan ragga inta awooddaa waxay qabeen xaasas ay guursadeen iyo dumar addoon ah oo suuqyada lagu kala iibsan jirey). 

Sannadkii 1872kiina wuxuu soo saaray buug lagu magacaabo “Hagaha daacadda ah ee waxbarashada gabdhaha iyo wiilasha /المرشد الأمين في تربية البنات والبنين”. Dulucda buugguna waa in wiilasha iyo gabdhaha labadaba wax la baro si ay u noqdaan muwaadiniin wanaagsan oo garanaya xuquuqda ay leeyihiin iyo waajibaadka saaran. Wuxuuna yiri: “Jarmalka in gabdhaha iyo wiilashu ay iskuullada galaan waa waajib qaanuuni ah, Yurub oo idilna gabdhaha iyo wiilashu waxbarashada waa u siman yihiin, taasina waa sirta ka danbaysa in waddamadoodu ay hadda yihiin kuwa ugu awoodda badan.”

Socdaalkii danjire Maxamed Jalabi Efendi uu Faransiiska ku tagay sannadkii 1721 iyo midkii Rifaaca Tahtaawi uu ku tagay sannadkii 1826, waxaa u dhaxeeyey muddo hal qarni ah, laakiin muddadaas dhexdeeda Faransiiska waxaa ka dhacay saddex kacdoon oo waaweyn oo kala ah: kacaan xagga fekerka ah oo ah waxa loo yaqaan ‘maanfurka /enlightenment’, kacaankii warshadaha oo ah markii la helay tamarta uumiga oo qaabkii waxsoosaarka iyo xiriirradii waxsoosaarka si buuxda u beddeshay iyo ugu danbayntii kacaan siyaasadeed oo nidaamkii boqortooyada ku beddelay nidaam jamhuuri ah oo kaalin mug leh ka qaatay faafidda fikradaha xorriyadda iyo xuquuqu insaanka -gudaha Faransiiska iyo debeddiisaba. Isla xilligaa, muslimiinta Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika xooggoodu waxay ka tirsanaayeen dowladdii Cusmaanida oo waayadaan loo bixiyey naynaasta “Ninka jirran ee reer Yurub” (=the sick man of Europe /رجل أوربا المريض). Ninkaas oo durba ku geeriyooday dagaalkii 1-aad ee adduunka. 


Guud ahaan, markii la soo gaaray bartamihii qarnigii 19-aad, meelo ka mid ah dunida islaamka waxaa ka taagnaa doodo ku saabsan sababaha keenay dib-u-dhaca Muslimiinta haysta? Doodahaas middood waxay sheegaysay in sababta ugu weyn ee dib-u-dhaca keentay ay tahay in bulshada barkeed ay hawlgab yihiin. Barkaas oo laga waday haweenka. Dhulalkii ugu horreeyey ee dooddaani ay ka bilaabatay waxay ahaayeen Turkiga, Suuriya -(Suuriya iyo lubnaan oo dowladdii Cusmaanida hoos imaanayey) iyo dalka Masar. 

Dalka Turkiga waxaa ka soo baxay aqoonyahanno badan oo ku doodaya in aysan suurogal ahayn in aan horumar samayno inta haweenku iyaga oo aan aqoon lahayn ay aqallada yuururaan. Aqoonyahannadii sidaa ku doodayna waxaa ka mid ahaa abwaan la oran jirey Naamiq Kamaal.
Naamiq Kamaal (1840-1888) wuxuu ahaa gabyaa, qoraa iyo halgamaa. Turkidu waxay ugu yeeraan naynaaso ay ka mid yihiin “Gabyaaga waddanka”, “Gabyaaga xorriyadda”, “Rasuulka xorriyadda Turkiga” iyo qaar kale. Waxaa isku si loogu tilmaamaa in uu yahay ‘aabbaha islaamiyiinta Turkiga” iyo in uu yahay kan turkida baray afkaarta reer Galbeedka. Taana waxa ugu wacan isaga oo afka Turkiga u tarjumay qaar badan oo ka mid ah fikradihii aqoonyahannadii Yurub, gaar ahaan kuwii Faransiiska iyo isaga oo dadka ku waanin jirey in ay ku mintidaan dhaqamada suubban ee Islaamka, una ololeyn jirey midaynta Muslimiinta. Sidaa darteed waxaa isku si u jecel Turkida oo dhan calmaani iyo islaamiyiin labadaba.

Erayada laga guntayna waxaa ka mid ah: “Xorriyaddu waa deeq Eebbe uu bixiyo. Xaqa iyo waajibku ma aha in qofku uu noolaado oo keliya, balse waa in uu xorriyad ku noolaadaa. Xorriyaddu waxay la mid tahay hawada la neefsado iyo biyaha la cabbo. Ruux kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu lahaado afkaartiisa iyo caqiidadiisa. Laakiin waxaa la gudboon in uu kala hufo afkaartiisa iyo caqiidadiisa si uu uga haro xagjirnimada iyo khuraafaadka.” Carrabka iyo qalinkana wuxuu ku adkeeyey: Bulshadu xornimo ma sheegan kartaa iyada oo xubnaheeda oo dhammi aysan xor ahayn? Naamiq wuxuu ka tirsanaa koox dhallinyaro waxbartay ah oo loo bixiyey “Cusmaanida Cusub ama Cusmaanida Da’da Yar /The Young Ottomans”. Dhallinyaradaani waxay u ololayn jireen in la helo Turki aqoonsigooda iyo islaamnimadooda ilaashada isla markaana casri ah, oo ummadaha galbeedka wax ka barta laakiin aan ku milmin(4). Waxaana xusid mudan, in xilligaan Turkiga siiba magaalada Istanbuul ay ka bilaabatay dood ku saabsan nooca uu yahay xiriirka ka dhaxeeya diinta iyo cilmiga/sayniska. Barbaarta Turkiduna waxay akhrisan jireen dhigaallo uu ka mid yahay buugga uu qoray aqoonyahankii Ingiriis-Maraykanka ahaa ee John William Draper ee cinwaankiisu yahay “Taariikhda Khilaafka U Dhaxeeya Diinta iyo Cilmiga /History of the Conflict Between Religion and Scien”, oo sannadkii 1895 lagu daabacay magaalada Istaanbuul isaga oo af Turki loo tarjumay. 


Namiq Kaamil si gaar ah waxaa loogu xasuustaa kaalinkii uu ka qaatay u halgamidda xuquuqda haweenka. Waxay la ahayd in jahliga iyo akhris-qorid la’aantu ay mas’uul ka yihiin yasidda iyo duudsiga bulshadu ay haweenka kula kacaan. Arrinkaas oo isaguna markiisa keena in bulshada ay u kacaan dhallinyaro aan helin hooyooyin si wacan u barbaariya. Sidaa darteed, wuxuu ku baaqay in dib-u-habayn lagu sameeyo nidaamka waxbarashada, si loo xoojiyo gabdhaha dugsiyada dhigta, si gabdhuhu u helaan qaddarin iyo ixtiraam, suuqa shaqada iyo horumarkana uga qayb-galaan, una guursadaan rag ay istikhyaarkooda ku doorteen.Wargeys uu tifaftire ka ahaa oo la oran jirey “Digniin /Ibret” ayuu wuxuu u adeegsaday in uu bulshada ku baraarujiyo ahmiyadda ay leedahay in haweenku ay helaan waxbarasho casri ah, iyo cawaaqib xumada ka dhalanaysa haddii haweenku ay jahliga iyo aqoon la’aan ku sii jiraan. Tusaale ahaan; maqaal uu qoray sannadkii 1867 oo cinwaankiisu ahaa “Waxbarashada Haweenka: Qoraal Qabyo Ah /On the Education of Women: A Draft” wuxuu ku muujiyey hagrashada loo geysto haweenka iyo kaalinka hoose ee ay uga jiraan nolosha bulshada, wuxuuna yiri:”Soddonkii ama afartankii sano ee la soo dhaafay dumarku waa ka fariisteen in ay ka qaybqaataan hawlaha guud, waxaana loo arkay sidii in ay yihiin wax lagu raaxaysto oo keli ah, waxayna la mid noqdeen qalabka muusigga iyo luulka la isku qurxiyo.. Marka laga reebo in ay ilmo dhalaan ma jirto waxtar kale oo ay aadmiga u leeyihiin. Sida dhabta ahna, inkasta oo haweenku ay yihiin bulshada barkeed haddana uma oggolaano in ay hawlaha ka qayb-qaataan, taasina waxay keentay in bulshadu ay la mid noqoto sida ruux jirkiisa dhinac ka mid ah uu qallal ku dhacay. Haweenku garaad ahaan iyo jir ahaan midna kagama liitaan ragga. Gaar ahaan marka la ogaado in haweenaydu ay xilliyadii hore ragga kala qayb-geli jirtey hawlaha oo dhan marka lagu daro dagaallada, haweenka tuulooyinkuna waxay ka shaqeeyaan beeraha iyo ganacsiga … Weydiinta meesha ku jirtaana waxay tahay: Waa maxay sababta keentay in haweenayda sidaas loola dhaqmo? Sababtu ma waxay tahay in ay xuquuqdeeda jaahil ka tahay (=moogtahay)?.”

dhanka kale, Naamiq buuggiisa sheeko-fanaadka ah ee “Baraarug /Intibah” iyo qoraallo kaleba wuxuu uga hadlay wax uu ugu yeeray addoonsiga dumarka, oo uu ku tilmaamay in uu yahay kan ugu xun noocyada addoonsiga, waayo waa addoonsi dadban, oo badiba aan lagu baraarugsanayn. Tusaale ahaan; maqaal uu qoray sannadkii 1872 oo cinwaankiisu Yahay “Qoyska /Aile”, wuxuu sharraxaad kaga bixiyey dib-u-dhaca haysta qoysaska Cusmaanida, iyo dulmiga iyo gacan ka hadalka ka taagan aqallada dhexdooda. Wuxuuna ka warramay habraacyada ay haweenaydu marto inta ay nooshahay oo dhan iyo qiyamka xukuma jiritaankeeda, wuxuuna yiri: “Haweenaydu marka ay lix jir ama toddob jir tahay weligeeda ayaa mas’uul ka ah marashadeeda iyo quudinteeda. Kolka ay shan iyo toban jir ama lix iyo toban jir gaarto weligu wuxuu ku wareejiyaa saygeeda, iyada oo aan la hubin in ay xilkaas diyaar u tahay iyo in kale. Haweenayda oo lafteedu weli carruur ahi waxay sidataa boombalo caruusad ah oo ay ku ciyaarto, guurkeeda ka dibse waxay heshaa gabar. Sida boombalada caruusadda ahi ay ugu sugnaato meesha uu dhigo qofka iska lihi ayuu noqdaa xaalka cunugta yari. Waxay ku qasban tahay in ay guursato cidda waalidkeed uu u dooro.”Intaa ka dib Naamiq wuxuu la hadlayaa ragga gabdhaha guursanaya, oo uu ku leeyahay:”Adiga .. sayga ah! Maxaad afada guriga kuu joogto hawsha guriga oo dhan ugu sii daysaa: waddamada kale…waxaan ku aragnaa rag xaasaskooda u arka in ay dhammaystir u yihiin, wax walba oo ay nolosha kala kulmaanna dhib iyo dheefba la qaybsada.” 

Si kooban, Naamiq Kamaal iyo asxaabtii ay feker wadaagga ahaayeen waxay rumaysnaayeen in aqoon la’aanta haweenku ay ka mid tahay sababaha keena in si aayar-aayar ah ay u dumaan qoyska iyo qaranka labaduba. Taa awgeed, waxay sameeyeen halkudheg oranaya: guusha iyo horumarku waxay ku xiran yihiin “Gabadha Dibloomaha Sidata /Diplomalı Kız”. Dhallinyaradii Turkida ee Naamiq Kaamil uu saamaynta ku yeeshay waxaa ka mid ahaa Mustafe Kamaal (1881-1935) oo gadaal danbe noqday madaxweynaha dalka Turkiga, Turkiduna ay ugu yeeraan “Ataaturki /Aabbaha Turkida”. Ataaturki waxaa lagu qaddariyaa kaalinkii uu ka qaatay xorriyadda dalkaan oo dagaalkii 1-aad ee adduunka ay quwadihii reer Yurub cad-cad u kala goosteen, dad badan oo Turki ahina waxay rumaysan yihiin in Ataaturki la’aantiis uusan maanta jiri lahayn dal Turki la yiraahdo. Ataaturki markii sannadkii 1923 uu noqday madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, wuxuu kormeer ku gaalaa-bixiyey gobollada dalka oo dhan. Intii uu kormeerka ku jireyna arrimaha ugu waaweyn ee uu dadka kala hadlayey waxaa ka mid ahaa wax ka qabashada axwaasha haweenka, wuxuuna ku doodayey in dalku uusan hal baal ku haadi karin, marar badanna wuxuu ku khudbeeyey: “Hawsha degdegga ah ee hadda noo taallaa, waa in aan gaarno adduunka horumaray, adduunka horumarayna ma gaari karno haddii bulshada barkeed oo keliya aan horumarinno.”

Sannadkii 1926 dowladdu waxay ansaxisay qaanuun madani ah oo haweenka siinaya xuquuq badan. Tusaale ahaan; qaanuunku haweenka wuxuu xaq u siinayaa in ay iska furi karaan saygooda haddii wada noolaanshuhu ku adkaato, sidoo kale wuxuu simayaa markhaatiga labka iyo dheddiga, wuxuu kaloo simayaa dhaxalka wiilasha iyo gabdhaha, wuxuu xadaynayaa da’da guurka, wuxuuna mamnuucayaa in raggu ay dumar badan guursadaan. Xilligaas laga bilaabana haweenka Turkidu kaalin muuqda bay ka qaataan nolosha dadweynaha.

Sida la wariyo sannadkii 1923, habeen habeennada ka mid ah Madaxweyne Kamaal Ataaturki wuxuu tagay guri ka mid ah guryaha filimaanta lagu dhigo oo ku yiil magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga, si uu u daawado filin halkaas lagu soo bandhigayey. Ataaturki markii uu gaaray aaggii uu ku yiil guriga filinka lagu dhigayey waxaa isugu soo xoomay dad badan oo halkaas si xammaasad leh ugu soo dhaweeyey, laakiin markii uu gudaha u galay daartii filinka lagu dhigayay, waxaa u muuqday in dadka jooga oo dhammi ay yihiin rag soocan oo hal ruux oo haween ahi aysan tarraxin. Kolkii uu dadka waraystayna waxaa loo sheegay in haweenka muslimka ah aan loo oggolayn in ay yimaadaan meelaha filimaanta iyo riwaayadaha lagu daawado oo is dhexgalka ragga iyo dumarku uu yahay arrin dhaqanku uu diidayo. Dabadeed, Ataaturki inta bannaanka u baxay ayuu haweenkii bannaaka joogay u gacan haatiyey, markii ay isugu soo urureenna wuxuu u sheegay in ay filinka fiirsan karaan haddii ay danaynayaan. Markii waagu baryeyna wuxuu soo saaray wareegto mamnuucaysa in ragga iyo haweenka lagu kala farqiyo fagaarayaasha dadweynaha ee ay kamidka yihiin shaneemooyinka iyo tiyaatarradu (4).

dhanka kale, sannadkii 1930-kiina dumarka Turkiga waxaa loo oggolaaday in ay ka qayb-qaadan doorashooyinka, siiba doorashada dowladaha hoose. Sidaasna dumarka Turkidu waxay ka mid noqdeen dumarka dunida kuwii ugu horreeyey ee xuquuq siyaasadeed hela. Sidaasi oo ay tahay haddana weli faannoole fari kama qodna, oo dumarka Turkidu waxay ka cawdaan in ay dhinacyo badan ku dulman yihiin, xuquuqda qawaaniintu siinaysana aysan si buuxda u helin.

Ugu danbayntii, sannadkii 2018, dowladda Tuunis waxay soo saartay go’aan dhigaya in haweenka Tuunis ay xaq u leeyihiin in ay helaan dhaxal le’eg midka ragga iyo in ay guursan karaan rag aan Muslimiin ahayn. Go’aanka xukuumadda Tuunis waxaa taageertay hey’ada fatwada ee waddankaas oo daliishatay aayadda quraanka ah ee oranaysa: “Waxay leeyihiin [=haweenku] wax la mid ah waxa lagu leeyahay oo wanaag ah /ولهن مثل الذي عليهن بالمعروف”. Laakiin, go’aankaas waxaa dhaleecaysay hey’adda fatwada ee jaamacadda As’har oo iyaduna dhankeeda cuskatay aayadda quraanka ah ee oranaysa: “Labku wuxuu leeyahay dheefta (=saamiga) labo dheddig ah /للذكر مثل حظ الأنثيين”. Halkaana waxaa ka muuqanaya in fatwadu ay tahay aragti dad leeyihiin. Dadkuna aragtida waa ku kala duwanaan karaan ‘maan dad waa mudacyo caaraddood‘. Fatwada iyo guud ahaan aragtida dadka waxaa xukuma waqtiga, degelka iyo duruufaha lagu sugan yahay. Goor ay noqotaba waa hubaal in waddamada islaamka ahi ay mari doonaan waddada Tuunis. Waayo, waxaa imaan doona waqti wacyiga dadku uu koro, dumarkuna ay ragga yac iska oran doonaan.

cagdhigyo:
1. Waxay tilmaamayaan xaasaska badan ee raggu guursadaan iyo dumarka maqabiyaadka ah ee qolqolka ku jira (=حريم).
2. Sida la ogyahay, waxyaabaha diinta Islaamka iyo tan Masiixigu ay ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah in diinta masiixigu aysan oggolayn in dumar la isla guursado, halka Islaamka iyo ummado kaleba ay oggol yihiin guursiga dumarka badan.
3. Waagaan Turkidu dhulkooda uguma aysan yeeri jirin magaca Turki ee waxay adeegsan jireen magaca Cusmaani, waxayna ka talin jireen dhul aad u ballaaran. Dadka reer Yurub ayaa markii ugu horraysay dhulka hadda Turkiga loo yaqaan magaca u bixiyey. Turkiduna adeegsiga magaca waxay bilaabeen sannadkii 1923 kolkii dalka loo bixiyey “Jamhuuriyadda Turkiga”. Wixii intaa ka horreeyey dadka dhulka deggeni waxay adeegsan jireen magaca Cusmaani. Erayga ‘Turkina” wuxuu ahaa eray muujiya qabiil iyo badownimo.
4. Kooxdaan oo markii hore lix nin ku bilowday, waxaa lagu sheegaa in ay ahaayeen qoladii ugu horraysay ee isu abaabula si ay dowladda Cusmaanida ugu cadaadiyaan in ay maqasho codka bulshada oo ay baahidooda ka jawaabto (=Advocacy group). Xagga diinta waxay ahaayeen muxaafidiin, xagga siyaasaddana liibiraali, waxayna la ahayd in waxyaabaha wanaagsan ee Yurub ka jiraa ay yihiin wax diinta islaamku ay oggoshahay, dimoqoraadiyaddana waxay ku macneeyeen in ay tahay shuurada oo la sii horumariyey).
5. Wixii maalinkaas ka horreeyey haweenka turkida ee muslimka ah midda rabta in ay filin daawato waxay ku khasbanayd in ay qaadato aqoonsi been-abuur ah oo sheegaya in aysan muslim ahayn. Caadi ahaanna, filimaanta dumarka loo oggol yahay waxay ahaayeen kuwa lagu daawado guryaha gaarka loo leeyahay, ama lagu soo bandhigo shaneemooyinka ku yaal xaafadaha ay ku dhaqan dadka aan muslimka ahayn, isla markaana ay maamulaan dadka aan muslimka ahayni.


WQ: Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil.
Email: sismail42@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “