Gaashaanbuur | Vol: 01 – Cad: 92aad

 1,059 View

Indheergarad – Mey 04, 2021 – Lamtako – Vol: 01 – Cadadka: 92aad

Hordhac

Halkan waxaynu ku soo gudbin doonnaa sheekada Gaashaanbuur. waa sheeko laga soo dhambalay buugga “Gadood” ee uu qoray Cabdifataax Daahir Cilmi (Goray Daahir). kaas oo daabacaaddiisi 1’aad soo baxday 2018. buuggu wuxu ka koobanyahay xul sheekooyin ah, haddaba sheekadani waa mid kamid ah sheekooyinka ugu shilis ee buugga. arrinkani waa mid ka yimid qoraha buugga, isaga ayaa ogolaanshaha bixiyey akhristayaasha aan buuggu weli gaadhinna u fududeeyey in ay si fudud mareegtan ugu akhrisan karaan qayb kamid ah sheekooyinka buugga ku dhigan. arrinkani waa u ayaan akhristayaasha sida joogtada ah ugu xiran mareegta ‘Indheergarad’. sida qorshuhu yahay, dhowr qaybood oo taxane u baxa ayeeynu ka dhigi doonnaa, maalinka ugu dambaysana iyadoo duuban oo Pdf ah ayaad halkan kala degi doontaan. @xuquuqda oo dhammi dhowrsan.


***

Xilligu waa galab. Goorsheegtu afartii ayay sii cagacagaynaysaa oo daqiiqado dhowr ah ayaa ka dhiman. Tuwaleedka qolkeeda jiifka ayay Sareedo hortaagan tahay. Inta ay marba dhar nooc ah ku lebisato bay muraayadda isku eegtaa. Fursad ay gaadaysay ku dhowaad muddo bil ah baa maanta irridka uga soo gashay. Saaxiibteed Shukri ayaa la aroosayaa oo xafladdeedu caawa ka dhacaysaa huteel SHAAC oo ka mid ah huteellada ugu waaweynee magaalada Boosaaso. Waxay is-aroosayaan wiil uu dhalay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Injineer Xaydar Bulle. Shukri, laba habeen ka hor bay Sareedo u sheegtay in xafladda madax badani ku casuumantahay, waxay se Sareedo ugu farxad badneed, markii loo sheegay in uu madaxdaas ku jiro kornayl Saahil oo isagu ah masuulka u sarreeya ee ciidamada GAAR-HAYE. Muddadaas bisha ku dhow isaga ayay raadinaysay oo la-kulankiisa ayay heegan u ahayd. Shukri way dareensanayd in ay saaxiibteed ninkaas u xiisa qabto, balse ma oga danta ay ka leedahay. Mar walba oo ay weydiisona, Sareedo waxay hadalka kusoo koobtaa:

“Ninkaas, ma naag aan jeclayn ayaa magaalada joogta. Kasoo qaad inaan hablahaas ka mid ahay!”

Is-habayntii ay Sareedo duhurkii billowday ayay weli ku jirtaa. Qurux-jireed iyo qalanjanimo ba rabbi waa ku qalabeeyay. Qoys ladan ayay ka dhalatay, laftarkeedu waxay ka mid tahay hablaha ugu jeebka roon ee magaalada. Waxay u shaqaysaa hay’adda WHO xarunteeda Boosaaso. Boorsa yar oo gacanta lagu qaato bay jeeb-hoosaad gudaheeda kusii yaal dhowr Miimori kaar oo nooca kaamirooyinka ah kasoo saartay. Sariirteeda ayay dul fadhidaa, waxay ka fekeraysaa in ay Miimoriyaasha caawa sii qaadato iyo in ay guriga uga tagto. Guriga cidlada ah kuma aamini karto. Qoyskeedu toddobaad ka hor bay degmada Waaciye u xagaa-baxeen.

Albaabka iyo dariishadaha ayay hadba mar qooraansataa oo waxay iska fiirisaa bal inuu qof u jeedo. Illaa maalinkii ay miimoriyashaasi gacanteeda soo galeen cabsi iyo culays waxaan ahayn nolosheeda uma sii kordhayn, maalmahan ay guriga ku keliyowday bay se ugu darantahay.

Sareedo sida ay isu hagaajinaysay oo marba qol u galaysay ayaa gabbalku u dhacay oo Makhrib la gaaray. Taleefankeeda ayaa dhacaya. Waxaa soo wacaya dareewalkeeda gaarka ah:

“Haloow Sareedo, Toban daqiiqo ka dib waan ku la joogaa; sow diyaar ma tihid?”

“Haa. Haddaanba anna ku soo wici lahaa!”

Quruxdeeda-jireed qayb ka mid ahi caawa bannaanka ayay taal. Dirac baacweyne ah oo tafahiisu kor ugu yara qaadan yihiin ayay gashantahay. Kubkeedu waa muuqdaa oo goorgarad hoos shabaq ku leh bay qaarka hoose ka qabtaa. Rajabeeto ay ku sii giijisay laba naasoo gaashaantiya baa iyana diraca ka dhex muuqata. Xudunteedii iyo dhex yaroo taako ahna waa looga jeedaa. Shalmad khafiif ah baa garabka u suran. Timuhu waa u sii daysan yihiin oo labada garab iyo gadaal bay uga kala tuuranyihiin. Boorsa-gamceed madow oo dhaldhalaal yari ku sharraxan yahayna xusulka ayay u suran tahay. Kabo cirbo taagan oo ay gaabnida kaga gaashaamatayna way ku laafyoonaysaa. Dareewalkeedu damac uun buu u hayay, caawase markii uu arkay dareen baa isaga oo idil dhexqaaday. Iyada oo dhan walba ka carfaysa ayay dariishadda gaariga iska furtay oo shirka hore fariisatay. Is-naashnaashid bay weli ku jirtaa. Muraayad-haadka gudaha ayay dhankeeda u soo leexisay oo timaheeda gees walba gacanta ka gelisay. Dareewalkii isaga oo yaabban ayuu iyada ku dheygagsan yahay.

“Maxaad iga fiirinaysaa! Maad gaariga dhaqaajisid?”

“Sareedooy, waxani wax ka badan e, caawa ma saaxiibtaa saygeeda ayaad u dan leedahay ?”…Inta uu ereygaas ku tuuray ayuu gaarigii furaha ku rogay oo hore u dhaqaajiyay.

Soddon daqiiqo kadib, Sareedo hoteelkii xafladdu ka dhacaysay ayay gaadhay. Iyada oo dhexda wareejinaysa, miskahana midba gees u leexinaysa ayay hoolkii soo gashay. Laba hablood oo saaxiibbadeed ka mid ah ayaa markiiba xaggeeda u soo dhaqaaqay oo hoolka kusoo dhoweeyay.

Qaab wareeg ah baa loo fadhiyaa oo koox koox ayaa loo sheekaysanayaa. Muusig baa baxaya. Saahil, waxa uu dhexda ugu jiraa Wasiir Xaydar Bulle iyo madax kale oo xafladda kasoo qayb gashay. Sareedo iyada oo lafya-socodkeedu la, laba-dhacayo muusikada baxaysa bay martidii dhex mushaaxday, waxay u gudubtay madashii ay caruuska iyo caruusaddu wada fadhiyeen. Si farxadi ku dheehantahay ayay labadoodii ba ugu hambalyaysay. Inta ay foorarsatay bay caruusaddii oo kursigeeda ku fadhida shumis la tiigsatay oo labada dhaban midba mar ka dhunkatay, caruuskii na gacanta uun ku salaantay. Shukri oo iyadu la yaabban sida ay saaxiibteed Sareedo caawa u lebisan tahay ayaa inta ay afka u dhoweysay hoos ula faqday:

“Naa caawa sidani waa maxay? Kollay qorshaha aad damacsan tahay ma yara e!”

“Waxba saaxiib. Dad (Big Four) ah ayaa caawa xafladda jooga maahoo! Waan is iib-geynayaa camal?”

“Naa iibkaaga maahane, tartiibso! Meesha sawir baa dhacaya, ma waxaad rabtaa in hadhow feesbuugga iyo fagarayaasha ay bulshadu buuxdo sawirradaada lagu faafiyo.”

Saahil, dabinkii ay Sareedo caawa u dhigtay toos buu ugu dhacay. Waa ka jeesan la’yahay ilaa markii ay hoteelka soo gashay! Keligiis maahan. Wasiirka iyo madaxda kale ee la fadhidaba iyada ayay ku maqan yihiin oo quruxdeeda ayaa mirqaamisay.

Sareedo, waxay hoolka dhexdiisa hadba dhinac u gudubto, salka ayay meel la heshay. Wax ay fariisatay kursi ku beegan kasoo horjeedka Saahil. Xafladdu markii ay isku dubadhacday ayaa waxa Sareedo u yimid oo soo dhinac fariistay nin suudh ku lebisan oo aysan wax aqoon ah u lahayn. Salaan iyo hadal kaleba isaga oo aan la galin ayuu inta uu ku soo yara durkay sheeko u billaabay.

“Markaad baxayso ii sheeg, kornayl Saahil ayaa igala kaa ballamay”

Dalabka uu ninku soo hordhigay diidmo kama aysan keenin, horay bay jawaab ka siisay:

“Xilligii aan tagi lahaa waa la gaaray, mar dhow ayaa laga yaabaa inaan baxo.”

Ninkii wuu ka dhaqaaqay Sareedo. Saahil oo meel gees ah nin la taagan koob sharaab ah gacanta bidix ku haysta, ta kalena ay jeebka ugu jirto buu soo dhinac istaagay oo dhegta wax ugu sheegay. Xoogaa markay isla faqeen ayuu ninkii Sareedo ku soo laabtay mar kale oo wuxuu u sheegay; in uu hadda kaxayn karo. Sareedo, inta ay indhaha si adag ugu gubtay oo xoogaa ka aamustay, bay iyadoo iskibrinaysa ku tiri:

“Waxaan dareemayaa in kornaylku ii baahan yahay. Tolow, isagu hablaha lama hadlo miyaa? Mise dhanka haasaawaha xitaa gacan-yare gaar ah baa ugu hawlan.?” Ninkii isaga oo qoslaya ayuu ku yiri:

“Maya! Sidaad moodayso arrinku maahan, Hadda wuu mashquulsan yahay. Taleefankaaga lambarkiisa inaad u reebto ayuu ii kaa soo faray”

“Yaa ii damaanad qaadaya inuusan isaga ma ahee qof kale i soo wacayn”

“Damaanad noocee ah?”

“Wax kale maahan, Waxaan diidayaa oo uun ah in hadhowna soo baxo gacan-yara isagu qaabilsan ku hadalka taleefanka. Waan kuu qorayaa taleefankayga, balse waxaan ku talin lahaa in uu isla hadda isoo waco. Aniga oo aan codkiisa maqal hoolkan kama baxayo.”

Taleefankeedii ayay ninkii u yeerisay. Ka dib intuu ka ag kacay ayuu Saahil xaggiisa u dhaqaaqay, isla sidii oo kale misana dhagta wax ugu sheegay. Kornayl Saahil hadal kama gelin. Daqiiqado kadib ayuu taleefankii goonni ula baxay, meel gees ah oo Sareedo gadaasheeda ku beegan intuu istaagay ayuu taleefankeedii wacay.

“Halow, Saahil waaye. Haddii aad rabto inaad sii hubsatidna, waad soo eegi kartaa gadaashaada dambe.”

Intii ay sii tartiib ah oon la dareemayn u kala wareegtay ayay dhankii uu Saahil ka xigay u jeesatay:

“Haa. Waan kuu jeedaa.”

“Haddii aad dareentay inaan si aad ah kuugu baahanahay, waad i xujeynaysaa miyaa? Waan ka helay reer magaalnimadaada iyo sida aad dareenkayga u fahmayso. Hablaha sidaada oo kale quruxdooda ku kalsoon fadhigaan uga kacaa.”

“Aniga waaye qofka mudan inaan kugu ammaano sida aad ula falgashay quruxdeyda, Waxaan ahay gabar ku raadinaysay muddo bil ku dhow, la kulankaagana u xiisa-qabtay. Caawa se nasiib u yeelatay..”

“Ma xuma! Xafladdu hadda waa gebagabo, anigana shir baan gelayaa saacad kadib. Taleefankaaga waan hayaa. Dareewal baan hadda kugu darayaa. Habeen dambe ha inoo ahaato”

“Maya! Hawsha aan kaa leeyahay habeen dambe uma dhigan karo. Aniga oo aan caawa kaa la hadlinna hoolkan kama baxayo”

“Waad ogtahay in aanan anigu huteelkan degganayn. Hoy gaar ah oo aynu hawlaheenna si habsami ah ugu dhammaysan karno ayaan leeyahay”

“La ga yaabe in caawa qorshahaygu ahaa quruxdeydu in ay sabab u noqoto wada hadalkeennan, balse yoolkaygu maahayn inaan hoygaaga kuu raaco. Ma ihi hablaha aad ii malaynayso, Hadalka haddii aan kuu soo koobo waxan rabaa inaan kaala hadlo arrin ku saabsan wiil la yiraahdo Barkhad”.

“Waw! Hawlo kale ayaadba iiga baahnayd miyaa? Iigu soo celi maxuu ahaa magacaad i weydiisay?”

“Barkhad Saxardiid”.

“Ceebta aan leeyahay ayaa wax ay tahay; kuma fiicni xusuusta magacyada wiilasha. Tilmaan kale ma iga siin kartaa?”

“Waan hubaa magacani inuusan maankaaga ka bixin har iyo habeen. Haddii aan si kale hadalka kuugu dhigo. Waxaan ahay gabar gacanta ku haysa Miimoriyada aad raadinaysaan adiga iyo dawladdaha shisheeye ee ay ciidamadaadu hoos tagaan…”

“Miimoriyo?!” ayuu si la yaab leh ula soo booday.

“Haa. Miimoriyadii ku jiray Kaamirooyinka aad haysaan”

“Ma mooddaa sheekadeennu in ay fadhi u baahantahay?”

“Bilowgii ayaan kuu sheegay in wax walba aynnu isla caawa huteelkan ku dhammaysan karno.”

Saahil markiiba waxuu abaabulay fadhi hoosaad aan cidina ogayn. Qoladii uu martida u ahaa iyo wasiirkiiba waxuu u sheegay in ay hawl degdeg ah ku timi. Huteelka fooqiisa saddexaad ayaa loo faaruqiyay oo meel barando ah fadhi laba geesood ah loogu diyaariyey. Waa la is horfariistay isaga iyo Sareedo.

“Waxaad iila muuqataa gabar aad u indho-adag. Habeenkaygii aan nasniinka ugu tala galay ayaad iga qasaysaa… Magacaa horta?”

“Maxaad ku falaysaa magacayga. Ka soo qaad inaan ka mid ahay hablaha aad habeennada qaar hoygaaga wakhti kooban kula qaadatid”

“Waxaan moodayay in aad cabbaar ka hor igu tiri; hablaha aad ii malaynayso ma ihi! Marka magacaaga in aan ogaado muhiim bay ii tahay.”

“Sareedo”

“Sareedo ayo’?”

“Magacaas uun caawa inoogu jooji”

“Hagaag. Sareedooy, waad ogtahay baan u malaynayaa in saddex bilood ka hor la helay maydadka wiilka aad i weydiinaysay iyo saaxiibadiisba?”

“Barkhad se kuma jirin meydadkii la helay! Aan mid ku sheego Saahiloow, Haddii aad durbaba bilowday in aad xog khaldan i siiso la soco fadhigeennu hannaan yeelan maayo”.

“Haa, waa runtaa. Barkhad kuma jirin meydadkii la helay, balse sida ay argagixisadu sheegeen wuu ka mid ahaa wiilasha la gawracay..”

“Barkhad wuu nool yahay. Laga yaabe inaadan adigu ogayn. Sawirrada miimoriyada ka muuqdaa waxay caddaynayaan wax badan oo aysan madaxdeennu xog-ogaal u ahayn oo dalkan ka dhaca, weliba masuulliyiinta dalka ugu sarreeya, iskaba daa adiga oo ciidan xoogaa ah taliye u ah”

“Kasoo qaad inaan war u hayn Barkhad iyo kiiskiisa, Waxaa suuragal ah inaan kugu xiro dadka xogtan iiga war roon ee iyana miimoriyada danaynaya. Waan idiin dhaxayn karaa anigu, Balse maxaad u baahantahay? Qorshahaaga ii caddee marka hore?”

“Waxaan u baahanahay in sida ugu dhaqsiyaha badan Barkhad loo soo daayo, idinkuna aad ku heshaan miimoriyada aad radinaysaan, kiiskuna meeshaas ku xirmo”

“Waan gartay, Barkhad haddii uu dhintay se?”

“Qorshayaal badan oo dalkan laga leeyahay ayaa iyana dhimanaya”.

Sareedo ereygaas markii ay tiri Saahil isaga oo ay wejigiisa caro ka muuqato buu si adag indhaha ugu gubay. Cabbaar markii uu ka aamusnaa ayuu hadalkii sii watay:

“Taleefankaaga waan hayaa. Kiiskaas wixii ku saabsan waan kula soo socdsiin doonaa”

“Saahiloow, fadhigeennani intuusan inoo xirmin, mid ayaan ku xasuusin lahaa. Si fiican baan ula socdaa shaqada aad magaalada ka haysaan iyo Shirqoolladaad ka fulisaan. Haddii aad isku daydaan in aad aniga i khaarijisaan. la socda kiiskani inuu faraha ka baxayo oo uu magaalada ku faafayo, ayna dhici karto in dad badani miimoriyada u helaan sida aan anigu ku helay”.

Sareedo, erey kama sugin Saahil, isaga oo labada lugoodi isu saaran yihiin wejigiisana uu fajac ka muuqdo ayay bartii uga kacday oo huteelka kasii baxday.

***

Barkhad waa nin dhalinyaro ah oo da’diisu tahay 28 Jir. Wax uu ka yimid dalka Ustareelliya oo uu muddo 12 sano ku maqnaa. Sababaha uu dalka u yimid waxa ka mid ahayd in ay is-guursadaan Sareedo oo ay muddo dhowr sano ah xiriir lahaayeen, yaraantoodiina ay Boosaaso deris ku ahaan jireen. Barkhad markii uu soo ambabaxayey ayuu hore u soo qaatay laba kaamiro oo noocoodu Canon yahay iyo qalab kale oo sawirka la xiriira. Qorshaha waxaa ugu jirtay inuu dalka sawirro kasoo qaato muddada dhowrka bilood ah ee uu rabo in uu joogo. Dhallinyaro kale oo dalka joogta oo iyana sawirqaadayaal ah ayuu Barkhad la sii ballamay inta uusan soo safrin.

Muddo saddex isbuuc ah markii uu dalka joogay ayay isaga iyo saaxiibbadii maalin Jimce ah ka amba-baxeen magaalada Boosaaso oo waxay u dhaqaaqeen dhanka buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag. Hadafkoodu wax uu ahaa in ay sawirro ka soo qaadaan deegannaadaas bilicda qurxoon. Gaari noociisu yahay Laan-guruusal ayay shiidaal ku shubteen. Taangi uu shiidaal kale uga buuxo iyo teendho weynna gaariga gadaashiisa danbe ku rarteen. Sidoo kale biyo iyo baad ay dhowr beri ku noolaan karaanna gudihiisa ku cabbaysteen. Xilli barqo ah ayay Barkhad iyo saaxiibbadii Boosaaso ka baxeen. Socdaalkooda dad badani ma oga. Gaariga waxaa wada mid iyaga ka mid ah oo deegaanka si fiican u kala yaqaan. Waxay socdaanba dhallintii, waxay soo gaareen tuulada Karin. Dhul beeraley ah iyo buuro dhaadheer oo tuulada ka shisheeya bay arkeen. Dhinaca intay laamiga uga dageen bay waxay foodda saareen dhankii ay buuruhu ka jireen. Tuulada bannaankeeda danbe ee dhanka buuraha xiga ayay gaarigii ku baarkinteen, iyagaoo lugaynaya bay dooxooyinkii dhex qaadeen. Dhabarka waxay ku sitaan boorsooyin ay ugu jiraan caagado biyo ah iyo qalabkii kaamirooyinka. Waxay lugeeyaanba buurihii dhaadheeraa ayay hoostooda yimaadeen.

“Boorsooyinkan culayskooda lama fuuli karno buurahan ee, aynnu meel mus ah ku xasaysanno. Biyaha iyo kaamirooyinka innooga saara.”

“Buurtaas dheer inta aynnu fiinteeda u baxno; ayaynu sawirro qurxoon ka qaadaynaa dooxooyinkaas cagaarka ah iyo beerahaa bilicda qurxoon”

“Nimanyahow maad naga deysaan buurtaas uma bixi karnee. Wallaahay qorraxdu aad bay u kulushahay. Ta kale, innagu Calmadow baynu u soconnay ee maxaa Calmiskaad inoogu leexinaysaan?…”

Buurihii ayaa loo baxay. midba midda ka sarraysa bay sii fuulaan. deegaanku waa wada buurahaaas iyo beeraley. Sidiisa ba cagtu way ku yartahay, maantase cid aan iyaga ahayn kama muuqato. Goor ay buurihii dhexgooshayaan bay waxay maqleen guux diyaaradeed oo nooca qumaatiga u-kaca ah. Isla markiiba istaaanbey baa la galay! mid walbaana meeshii uu cagta ku hayey dhegta ka taagtay.

“Aamusa. Ma maqlaysaan?!”….

(…)

Maxaa xiga? Akhriste la soco qaybaha kale ee sheekada

W/Q: Goray Daahir.
Email: abdelfatahd4@gmail.com

Fiiro gaar ah: Xuquuqda buugga oo dhammi waa dhowrantahay. Ogolaansho la’aan far loolama tagi karo. Qayb ka mid ahna lama qaadan karo, sida oo kale lama turjumi karo idin la’aanta qoraha iyo faafiyaha buugga. Mareegta Indheergarad ogolaansho buuxa ayeey ka haysataa qoraha buugga.



About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “