Soomaaliyeey Axaadiista Ma Iska Baandhaynaa?| Vol: 01 – Cad: 93aad

 1,535 View

Indheergarad – Mey 06, 2021 – Vol: 01 – Cadadka: 93aad

“Nin baa riyo ku arkay Yasiid bin Haaruun geeridiisii kadib wuxuuna weydiiyey: War Rabbigaa maxaad kala kulantay? Wuxuu yiri: Jannada ayuu igu fasaxay. Wuxuu yiri: Ma quraanka darti baad jannada ku gashay? Wuxuu ku jawaabay: Maya, wuxuu yiri: Oo haddaas maxaad ku mutaysatay? Wuxuu yiri: Xaddiiska ayaan ku helay.” (al-Khaddiib al-Baqdaadi, Sharaf Asxaab al-Xadiith). Dhaxalsugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan waraysi Talaadadii la soo dhaafay ee taariikhdu ahayd 27/04/2021 uu siiyey kanaalka “Al-Carabiya”; oo lagu beegay munaasabadda sannad-guurada shanaad ee ka soo wareegtay qorshaha dalkaas ee loo yaqaan ‘Higsiga 2030’, waxyaabihii uu ku sheegay waxaa ka mid ah in dowladda Sacuudigu aysan hadda ka dib ku dhaqmayn axaadiista nebiga ee aaxaadka ama keli warinta ah. Amiirka oo qodobkan ka hadlayaana waxa uu yiri:


“Quraanka ayaa dastuur noo ahaa, haddana noo ah, abidkeedna noo ahaan doona… Annaga oo xukuumadda ah, golaha shuurada (=la tashiga) oo sharci dejinta ah iyo boqorka oo marjac u ah saddexda awoodoodba waxaan laasimaynaa in si uun aan ugu dhaqanno quraanka. Laakiin axkaamta sida cad ugu xusan quraanka oo keli ah baan ka haysanaynaa kolka la joogo arrimaha bulshada iyo qofka. Si kale haddii loo dhigo, fulin mayno cuquubaadka aan ku caddayn quranka iyo sunnada nebiga ee saxda ah… Waxaan qaadanaynaa axaadiista mutuwaatirka ah oo keliya, waana tiro aad u yar, laakiin runnimadooda waa la isku hallayn karaa… Intaa waxaa dheer, in macnaynta axaadiista aan la kaashan doonno waxa ku habboon sebanka dadku ay ku nool yihiin iyo baahidooda… Halkii aan durba iska qaadan lahayn axaadiista dadka yari wariyeen, runnimadooda waa iska hubinaynaa, oo waxaan qaadanaynaa wixii waafaqsan shareecada iyo baahida dadka. Xadiis aan mutawaatir ahayn kuma khasbanin in aan qaadanno, mana fulinayno…”

Xadiiska aaxaadka ahi waa xadiiska dad aan badnayn ay kala wariyeen ilaa laga gaarayo nebiga ama ugu yaraan meel sanadkiisa/silsiladdiisa ka mid ah ay dad yari kala wariyeen, kan mutawaatirka ahina waa midka dad faro badani ay ka wariyeen dad kale oo fara badan ilaa laga gaarayo nebiga, ayna adagtahay in dadkaasi ay been isku raacaan. Xadiiska dadka yari ay kala wariyaan la iskuma hallayn karo runnimadiisa taa awgeedna aalaaba keligiis caqiidada iyo cuquubaadka laguma saleeyo, laakiin si taa ka duwan midka dadka badani ay wariyaan ilaa xad waa lagu kalsoonaan karaa. Waxaana xusid mudan, in axaadiista mutawaatirka ah ee dadka badani ay nebiga ka wariyaan ay tiradoodu aad u yar tahay oo qiyaas ahaan aysan boqol xadiis ka badnayn, badankooduna ay yihiin axaadiista ka hadla cibaadaadka dadka badani ay arkeen nebiga oo samaynaya, sida kuwa ka hadla salaadda iyo xajka.


Shiikh Maxamuud Shaltuut (1893-1963) oo madax ka ahaa jaamacadda al-As’har wuxuu ku dooday in xadiiska qura ee si weyn la isugu raaci karo in uu mutawaatir yahay uu yahay xadiiska nebigu uu ku yiri: “Ruuxii si ulakac ah iigu been abuurtaa, naarta booskiisa ha ka diyaarsado /من كذب علي متعمدا فليتبوأ مقعده من النار”. Sidaa darteedna, nuxurka hadalka amiirku waxa weeye in dowladda Sacuudigu aysan ku dhaqmi doonin axaadiis nebiga laga wariyo balse ay ku dhaqmayaan hadba wixii danta adduunyo ee bulshadoodu ay ku jirto.


Run ahaantii, hadalka amiirku aad buu uga baaxad weynaa qodobka ku saabsan diididda ku dhaqanka axaadiista nebiga ee keli-wariga ah, wuxuuna daarranaa nuxur ah in dowladda sacuudigu ay ka noqonayso dhinacyo badan oo la xiriira ku dhaqanka shareecada islaamka. Tusaale ahaan, wuxuu sheegay in aysan ku khasbanayn fulinta axaadiista keli-wariga ah ee ku qoran buugta Bukhaari, Muslim iyo buugta kale ee xadiiska. Waxaana la ogyahay in culumada Sacuudiga -iyo guud ahaan culumada islaamku- ay aad u qaddariyaan labada buug ee ‘Bukhaari’ iyo ‘Muslim’, ayna ku doodaan in ay yihiin kuwo si buuxda la isugu hallayn karo saxnimadooda. Dowladda Sacuudiguna iyada oo ka duulaysa buugtaan bay waxay jidaysay cuquubaadka loo yaqaan “Xudduudda” ee ay ka midka yihiin in la karbaasho dadka khamrada cabba iyo in la dilo dadka diinta ka baxa, iyada oo la ogyahay in quraanku uusan sheegin labadaan ciqaabood middoodna, isla markaana aan la hayn axaadiis mutuwaatir ah oo ku soo arooray. Amiirku si dadban wuxuu u xusay ciqaabta dilka ah ee dowladda Sacuudigu ay ku fuliso dadka lagu eedeeyo in ay gogol dhaaf sameeyeen iyaga oo guursaday, taas oo aan lagu sheegin quraanka iyo axaadiista nebiga ee mutuwaatirka ah midkoodna. Hadalkaas oo dad badan ay u fasirteen in dowladda Sacuudigu ay qorshaynayso joojinta fulinta cuquubaadka loo yaqaan xuduudda oo dhagax ku dilku uu ka midka yahay. 


Sida dadka qaarkood ay ka warhayaan, shir sannadkii 1972 lagu qabtay magaalada al-Beydaa ee dalka Liibiya, oo wadaaddo badan oo muslimiin ahi ay ka qayb-galeen, shiikh la oran jirey Maxamed Abuu Sahra (1898-1974) oo xilligaas culumada islaamka ugu magac dheeraa baa wuxuu ka sheegay in diinta islaamku aysan jideyn xukunka dhagax ku dilka, balse xukunkaasi uu yahay mid Yahuuddu taqiin, nebiguna bilowgii islaamka uu iyaga kaga dayday, laakiin markii ay soo dageen aayadaha ku jira suuradda al-Nuur ee sheegaya in boqol jeedal lagu dhufto dadka sinaysa uu nebigu iska daayey dhagax ku dilka. Shiikh Abuu Sahra fikraddaas waa lagu dhaleeceeyey, laakiin gadaashiis waxaa taageeray culumo badan oo uu ka mid yahay Shiikh Yuusuf al-Qardaawi. Dhawaanna wadaad ka mid ah madaxda ururka Ikhwaanu Muslimiinka, isla markaana mas’uul ka ah xafiiska Shiikh Qardaawi oo lagu magacaabo Cisaam Taliima ayaa wuxuu soo saaray buug weyn oo cinwaankiisu yahay “Islaamku Dhagax Ku Dil Ma Qabo /لا رجم في الإسلام”.


Docda kale, amiirku wuxuu xusay in Sacuudigu uu ka tagayo afkaartii Shiikh Maxamed Cabdiwahaab iyo dugsiga Wahaabiyada ama Salafiga, oo dowladda Sacuudigu ay ku tiirsanayd tan iyo markii la aasaasay, oo sida la ogyahay dowladda Sacuudiga ee hadda jirta waxaa lagu dhisay isbahaysi dhex maray Cabdicasiis al-Sacuud iyo Shiikh Maxamed Cabdiwahaab. Isaga oo qodobkaan faallo ka bixinayana wuxuu yiri: “Haddii aan ku dheggenaanno hal dugsi oo diini ah ama hal wadaad, waxaan noqonaynaa sidii in aan dadka ilaahyo ka dhigayno, Eebbana isaga iyo dadka dhexdooda wax kala teeda ma uusan dhigin. Quraankiisa ayuu soo dejiyey, rasuulkuna waa hirgeliyey, ijtihaadkuna weligi waa furan yahay. Haddii Shiikh Maxamed bin Cabdiwahaab uu qabrigiisa ka soo bixi lahaa, uuna na arki lahaa annaga oo nusuustiisa ku dheggan, caqligayagana hawlgab ka dhignay, oo isaga Ilaah ka dhigayna oo weynaynayna, wuxuu noqon lahaa kan ugu horreeya ee arrinkaas diida. Ma jiro hal dugsi oo joogto ahi, mana jiro hal shiikh oo joogto ahi, quraankana si joogto ah baan garaadkayaga u la kaashanaynaa, sunnada nebigana fahankayga ayaan la kaashanaynaa, fatwaduna waxay ku xiran tahay hadba waqtiga iyo meesha la joogo.”

Amiirku wuxuu kaloo sheegay in dowladdiisu ay la dagaallamayso fikirka xagjirka ah. Wuxuuna ku andacooday in xagjirnimadu ay mar walba denbi tahay xataa haddii qofku uusan fal denbiyeed ku dhaqaaqin (=أي شخص يتبنى منهجاً متطرفاً حتى لو لم يكن إرهابياً فهو مجرم). Weedhaan oo dad badan welwel ku abuuray. Waayo, weedha waxaa laga fahmay in labada eray ee mucaarad iyo argagixiso isku macne qura la siinayo,  dowladduna ay dad u ciqaabi karto fikradaha ay qabaan oo keli ah.Amiirku wuxuu adeegsaday erayo aan wax nuxur ah lahayn, laakiin looga danleeyahay in lagu damiyo carada dadweynuhu ay ka qaadi karaan hadalkiisa. Tusaale ahaan; wuxuu yiri: “Quraanka ayaa dastuur noo ahaa, haddana noo ah, timaaddadana noo ahaan doona.” Su’aash isweydiinta mudanna waxay tahay: Quraanku ma dastuur dowladeed baa mase waa kitaab hanuun oo muslimiinta oo dhammi ay wadaagaan? Doodda oranaysa quraankaa dastuur noo ah, ma xanbaarsana duluc aan ka ahayn in dowladda Sacuudigu aysan dastuur u baahnayn ee lagu dhaqayo hadba wixii qoyska reer boqor ay dan bidaan.


Guud ahaan, biyo dhaca hadalka ina Salmaan wuxuu ahaa in dib-u-eegid lagu samaynayo xiriirka ka dhaxeeya diinta iyo dowladda, wadaaddaduna aysan sii yeelan doonin galaangalkii ay horay dowladda ugu lahaayeen. Fikradda amiirku ma aha mid cusub, balse waa mid in muddo ah soo jiitamaysay laakiin la iska ilaalin jirey in fagaarayaasha laga sheego. Tusaale ahaan; boqorka dalkaas xukuma ee Salmaan bin Cabdicasiis dabshidkii 2017, wuxuu ku dhawaaqay in la samaynayo xarun shaqadeedu tahay kala hufidda axaadiista nebiga laga wariyo, isla markaana dowladda Sacuudigu waxay baabi’isay hey’addii la oran jirey “Hey’adda faridda samaha iyo reebidda xumaha /هيئة الأمر بالمعروف والنهي عن المنكر” oo dalkaas saamayn weyn ku lahayd. 

Boqorrada Sacuudigu muddo dheer waxay si hoose u oran jireen: “diintu siyaasad ma aha”, “Dacwadu dowlad ma ah” iyo erayo kale oo la macne ah. Sida muuqatase, hadda waxay bilaabeen in ay makarafoon ku sheegaan erayadii sirta ahaa ee horay dhegta la isugu sheegi jirey.  Muddo toddobaatan sano ka badan ayaa dalka Sacuudigu isaga oo ka faa’iideysanaya lacagta faraha badan ee uu batroolka ka helo, wuxuu dunida gaar ahaan dalalka saboolka ah ee aan cadaadiskiisa iska caabbin karin sida Soomaaliya- ku dhex faafinayey afkaar xagjirnimo oo waalli ah, taas oo dhibkeedu uu dunida wada gaaray. Hayeeshee ugu danbayntii waxyeellada afkaarta xagjirka ahi waxay dib ugu noqotay dalka Sacuudiga oo dhibkeeda dareemay. Soomaaliduna waa tii horay ugu maahmaahday: “Dab aan kulaylkiisa la arag dambaskiisa lagama leexdo!”.


Si kastaba ha ahaatee, doodda ku saabsan axaadiista nebigu ma aha mid ugub ah oo Amiir Maxamed uu hadda bilaabayo, balse muddo dheer bay taagnayd. Waxa qura ee cusubi waa in ninka hadalka yiri uu yahay boqor awood badan, oo wadaaddo badani aysan ku dhicin in ay ka hor yimaadaan. Xaalkuna wuxuu noqday “Lama canaantaa caanihii daadshay.” Durbana, wadaaddo badan oo kuwa Sacuudiga iyo madaxda jaamacadda As’har ay ka mid yihiin baa si toos ah iyo si dadban labadaba u taageeray. Waana hubaal in wadaaddadaas badankoodu ay gaalaysiin lahaayeen haddii wadaad kale ama ruux aqoonyahan ahi uu sheegi lahaa isla warka amiirku uu sheegay. Sida muuqatase wadaaddadu waxay ku dhaqmayaan xikmadda reer magaalka ee tiraahda: “Gacantii aadan goyn karin waa la dhunkadaa!”.

Muranka ku saabsan axaadiista aaxaadka -ama dadka tirada yari ay kala wariyeen heerar kala duwan wuxuu u taagnaa tan iyo markii la bilaabay diiwaangelinta axaadiista nebiga iyo weliba ka hor. Had iyo goorna waxaa jirey Muslimiin diida qayb ka mid ah axaadiista nebiga loogu abtiriyo. Sababta keenta diidmada axaadiista axaadkuna waa in axaadiista noocaan ahi aysan yaqiin faa’iideyn, balse ay male ku dhisan yihiin. Tusaale ahaan; haweenay saxaabiyad ahayd oo la oran jirey Faadumo bint Qeys baa waxay warisay in sebankii nebiga uu ninkeedu saddex ku furay, nebiguna uu u sheegay in maadaama saddex lagu furay aysan saygeed wax xuquuq ah ku lahayn. Sida la sheego, warka haweenaydaani sheegtay rag badan buu wuxuu ku dhiirigeliyey in ay xaasaskooda saddex ku furaan iyaga oo iska dhaadhiciyey in falkaasi uu ka cafinayo in haweenku ay masruuf iyo marasho ku yeeshaan. Hase ahaatee, xadiiska Faadumo nebiga ka warisay waxaa ku ganacsayray khaliifkii Cumar bin Khaddaab oo sheegay in kitaabka ilaahay iyo sunnada nebiga uusan uga tagayn hadal ay sheegtay haweenay ay dhici karto in ay been sheegayso ama ay wax hilmaantay (=لا ندع كتاب الله ولا سنة نبينا عليه الصلاة والسلام لقول امرأة لا ندري أصدقت أم كذبت أو لعلها نسيت). 


Tan iyo waqtigaas muranka axaadiista ku saabsani waa uu soo taxnaa. Tusaale kale; Abuu Xaniifa wuxuu diiday axaadiis badan oo uu ka mid yahay kan sheegaya in haddii qof muslim ahi uu dilo qof aan muslim ahayn aan loo qisaasayn ama loo dilayn (=لا يقتل المسلم للكافر), wuxuuna daliishaday in quraanku uusan nafta aadamiga kala farqin ee uu si guud u jideeyay in dadka la isu qisaaso (=النفس بالنفس). Waxaana la sheegaa in Abuu Xaniifa uu axaadiista nebiga ka qaatay 18 xadiis oo qura. Sidoo kale, Imaam Maalik wuxuu diiday axaadiis badan oo uu ka mid yahay midka sheegaya in candhuufta eeydu ay nijaaso tahay, wuxuuna isweydiiyey: “Haddii ay bannaantahay in la cuno ugaarta ay eeydu soo qabato, sidee baa candhuuftoodu karaahiyo ku noqonaysaa?! /يؤكل صيده، فكيف يكره لعابة؟!”.

Waxaana la ogyahay, in Imaam Maalik uu dhaqanka reer Madiino ka doorbidi jirey axaadiista nebiga laga wariyo. Sababta oo ah wuxu rumaysnaa in ay adagtahay in dadka magaalada Madiino ay isku raacaan wax khilaafsan wixii nebiga ka sugnaaday. Si taa la mid ah, Imaam Shaafici iyo Imaam Axmed bin Xanbal oo labadaba lagu tiriyo in ay ka mid yihiin culumada axaadiista nebiga aadka ugu dheggan ayaa diiday qaar ka mid ah axaadiista nebiga laga wariyo.

Sagaashanaadkii qarnigii  tagayna, Shiikh Maxamed al-Gasaali (1917-1996) baa wuxuu qoray buug yar oo cinwaankiisu yahay “Sunnada Nebiga oo u Dhaxaysa Fuqahada iyo Ehlu Xadiiska  /السنة النبوية بين أهل الفقه وأهل الحديث”, kaas oo uu uga faallooday sida ay tahay in Muslimiintu ay u la dhaqmaan sunnada nebiga. Buuggu markii uu soo baxay buuq iyo bulaan badan buu kiciyey, Shiikh Maxamed Gasaalina waxaa lagu sifeeyey tilmaan kasta oo xun, dalka Sacuudiga oo keliyana waxaa lagu daabacay 12 buug oo dhalleecaynaya buuggaan Gasaali. Dabadeed, kolkii qayladu ay demi weyday ayaa machadka lagu magagaacbo “Machadka Caalamiga Ee Fikirka Islaamka /International Institute of Islamic Thought” oo xaruntiisu tahay magaalada Washington ee carriga Maraykanka oo horay u lahaa fikradda Shiikh Maxamed al-Gasaali uu buugga ku qoray, wuxuu Shiikh Yuusuf al-Qardaawi ka codsaday in uu qoro buug uu uga warramayo sida uu u arko buugga Shiikh Maxmed al-Gasaali. Kolkaasna Qardaawi wuxuu qoray buug uu u bixiyey “Sideen Ula Mucaamilaynaa Sunnada Nebiga /كيف نتعامل مع السنة النبوية: معالم و ضوابط”. Marka isbarbardhig lagu sameeyo labada buugna waxaa soo baxaya in uusan jirin farqi la sheego oo u dhaxeeya. Waxaa qura ee cusubi waa in Qardaawi uu si deggen u hogatusaaleeyey wadaaddadii Salafiga ahaa ee Shiikh Maxamed carada iyo aflagaaddada kala dul dhaca Marka qumaati loogu kuurgalo axaadiista nebiga loogu abtiriyo, waxaa la ogaanayaa in ay ka buuxaan qaar diinta oo dhan burburinaya sida kuwo sheegaya in nebiga la sixray ama sheydaan wax u sheegay (=xadiis Garaaniiq tusaale /حديث الغرانيق) iyo kuwo ka hor imaanaya nusuus kale oo ka xoog badan oo quraanka kariimku uu ka mid yahay sida kuwa ka hor imaanaya aayadaha quraanka ah ee ka hadlaya xorriyadda caqiidada (=لاَ إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ), iyo qaar kale oo caqliga iyo cilmiga ku lid ah sida kuwa sheegaya in diqsigu baal daawo ku sito iyo in dhulku uu taagan yahay iyo in Xabbad Sowdadu ay cudur kasta daawo u tahay (=Haddii Xabbad Sowdadu ay jirro walba daawo u tahay maxaa looga baahan yahay dhakhaatiirta iyo sheybaarrada?) iyo kuwo cunsuriyad iyo liidid xanbaarsan sida kan sheega in carabtu ay ka fadli badan tahay cajamta iyo kan ku warramaya in salaadda ay gooyaan dumarka, dameerka iyo eeyga madoobi.

Caa’isho ina Abuu Bakar Asadiiq oo ka mid ahayd dumarkii nebiga u dhaxay kolkii ay maqashay rag ku warramaya in dumarka dameerka iyo Eyga madoobi ay salaadda jebiyaan, qoladii ay warka ka maqashay waxay ku tiri: “War ma dameerro iyo Eey baad nagu matasheen! /شبهتمونا بالحمير والكلاب”. Intaas waxay sii raacisay in warkaasi uu yahay been aan sal iyo raad toona lahayn, maxaa yeelay iyada qudheeda ayaa seexan jirtey meel ku beegan sujuudda nebiga, salaad ka jabtaana ma ay jirin (= ugu yaraan waxaa jira 35 xadiis oo nebiga carrabka loogu tiro, oo loo daliishado liididda haweenka). Sebankii saxaabada axaadiista nebiga laga hayo ee la kala warin jirey aad bay u koobnayd, waxaana lagu qiyaasay hilaaddii 500 (shan boqol) oo xadiis.

Tusaale; waxaa la soo wariyey in xilligii Khaliifkii Cumar bin Khaddaab uu talada hayey uu dadweynaha ku wargeliyey in la soo ururiyo wixii axaadiis ah ee nebiga laga hayo. Muddo ka dib waxaa la isu keenay axaadiis tiradoodu ay shan boqol gaarayso. Goortaasna Cumar wuxuu gubay walxihii axaadiistaasi ay ku qornayd. Falka Cumar mid la mid ahna waxaa laga wariyaa Abuu Bakar Asadiiq. Sababta Abuu Bakar, Cumar iyo Cusmaan ay u diideen qoridda axaadiista nebiga, walxihii lagu qorayna ay u gubeen waxay ahayd in ay fulinayeen amar nebiga qudhiisu uu ku mamnuucay in laga qoro hadal aan quraanka ka ahayn, oo nebiga waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Waxba ha iga qorina, ruuxii wax aan quraanka ka ahayn iga qorayna ha tirtirto  /لا تَكْتُبُوا عَنِّي وَمَنْ كَتَبَ عَنِّي غَيْرَ الْقُرْآنِ فَلْيَمْحُهُ”. Cumarna saxaabada wuxuu kula talin jirey in ay yareeyaan axaadiista ay nebiga ka wariyaan, saxaabigii Abuu Hureyrana wuxuu ugu gooddiyey in magaalada Madiino uu ka cayrinayo haddii uusan dhimin wararka uu nebiga ugu abtirinayo. Hase ahaatee, muslimiinta qaarkood baan joojin qoridda axaadiista nebiga loogu abtiriyo.

Labo boqol oo sano ka dib geeridii nebigana Imaam Axmed bin Xanbal (780-855) wuxuu sheegay in uu uruuriyey axaadiis tiradoodu ay gaarayso kun kumaad ama kun kun lagu dhuftay (= hal malyan oo xadiis). Haddaba, weydiintu waxay tahay: haddii Abuu Bakar iyo saxaabadii nebiga ugu dhawaa ee khusuusida u ahaa ay ogaayeen axaadiis shan boqol lagu qiyaasay, halkee baa laga keenay axaadiista dheeraadka ah ee tiradoodu ay malyanka ku dhowdahay (1,000,000-500 = 999,500)? Jawaabta su’aashaas waxaa si fudud loo gala bixi karaa hadal Imaam Bukhaari (810-870) uu ku xusay buuggiisa caanka ah ee “Saxiix al-Bukhaari” oo uu ku sheegay in uu aruuriyey 600,000 (lix boqol oo kun) oo xadiis, laakiin ugu danbayntii uu kala baxay wax ka yar 6,000 (lix kun) oo xadiis oo uu ku kalsoonaaday suurogalnimada in ay nebiga ka sugnaadeen. Hadalkaas oo macnihiisu uu yahay in Bukhaari uu iska qubay axaadiis tiradoodu ka badan tahay shan boqol iyo afar iyo sagaal kun oo uu ku qanci waayey in dhab ahaan uu nebigu u yiri (600,000- 6000 =594,000). Taas oo ka dhigan in celcelis ahaan Bukhaari boqolkii xadiis ee nebiga looga sheegaba uu mid qura ka qaatay. 

Sida dhabta ah, culumada islaamku muddo kun sano ka badan ayay ammaanayeen Imaam Bukhaari iyo dadaalka uu bixiyey, laakiin taasi kama dhigna in culumada islaamku ay isku raaceen in axaadiista ku jira buugga Bukhaari oo dhammi ay wada sax yihiin. Culumo aan yarayn baa waxay qabaan in axaadiista xulka ah ee Bukhaari uu buuggiisa ku aruuriyey aysan kulligood sax wada ahayn, oo ay ku jiri karaan qaar aan saxnimadooda la isku halayn karin. Tusaale ahaan, culumo ay ka mid yihiin Abuu Xaniifa, Maalik, Shaafici iyo Axmed bin Xanbal ayaa horay u diiday qaar ka mid ah axaadiista ku qoran buugga Bukhaari. Wadaadkii Shaaficiga ahaa ee Imaam Taajudiin al-Subkina (1327-1370) buuggiisa “Dabaqaad al-Shaaficiya al-Kubraa /طبقات الشافعية الكبرى”, wuxuu ku daray cutub uu ku jiro cinwaan oranaya “Ismoodsiiska Bukhaari Waxaa Ka Mid Ah /ومن أوهام البخاري”, kaas oo uu ku xusay tiro ka mid ah axaadiista ku jira buugga Bukhaari oo uu saluug ka muujiyey. Culumada kale ee axaadiista Bukhaari qaarkood wax ka sheegay waxaa ka mid ah Daar al-Qudni, Abuu Bakar al-Baaqilaani, Ibnu Taymiya, al-Baani iyo kuwo kale. 


Docda kale, Abuu Bakar Asadiiq oo ahaa kan dadka oo dhan nebiga ugu dhow, muddo aad u dheerna ay saaxiib ahaayeen tirada axaadiista uu nebiga ka maqlay waxaa lagu sheegaa in aysan ka badnayn 120 (boqol iyo labaatan) xadiis, halka Abuu Hureyr oo nebiga yaqiin muddo afar sano ka yar uu nebiga ka wariyo axaadiis tiradoodu ay 5,000 (shan kun) gaarayso. Sidoo kale, Cabdullaahi bin Cabbaas oo carruur ahaa markii nebigu geeriyooday baa isna kumanyaal xadiis nebiga ka wariya. Su’aasha meesha ku jirtaana waxay tahay: Abuu Hureyra, Cabdullaahi bin Cabbaas iyo dadka la midka ahi halkee bay ka keeneen axaadiistaan faraha badan ee Abuu Bakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali aysan ogayn?

 
Axaadiista nebiga waxaa la qoray 150 sano ka dib geeridii nebiga, xusuusta aadamiguna muddada intaas le’eg hadalku siduu ahaa uma kaydin karto, mana jiro qaab si buuxda loogu hubin karo in nebigu uu yiri hadallada loo tiirinayo ama sida loo warinayo uu u yiri. Taana waxaa dheer, in goorta la bilaabay diiwan gelinta axaadiista nebigu ay ahayd goor ay xijaabteen saxaabada iyo ubadkii ay dhaleen, tafiirtoodii danbana ay daafaha dunida ku kala faafeen.Islaamku muddo gaaban oo boqol sano ka yar ayuu wuxuu ku faafay dhul aad u baaxad ballaaran oo u dhaxeeya Isbeyn iyo Shiinaha, ayna ku dhaqnaayeen boqolllaal ummadadood oo kala af, aqoon, dhaqan iyo dhaqaale duwani, quraanka kariimka iyo axaadiistii koobnaydn ee nebiga laga maqlayna ma haqabtiri karin baahida bulshooyinkaas faraha badan, jeerkaasna dad qaarkood ay niyad wanaagsanaayeen (=الوضاع الصالحون) baa waxay bilaabeen in ay curiyaan axaadiis ay nebiga carrabka ugu tireen. Kolkii raggaas qaarkood loo soo jeediyey eed ah in ay nebiga been ka sheegeenna waxay ku andacoodeen in ay yiraahdeen: “Nebiga been kama sheegin, ee isaga dartiis baan been u sheegnay /نحن نكذب له لا عليه”.

Sheekooyinka la xusana waxaa ka mid ah in Khaliifkii Mucaawiye bin Abii Sufyaan uu wadaadkii la oran jirey Kacab al-Axbaar uu masjid u dhiibay, uuna ku qaybiyey in uu u falkiyo axaadiista uu u baahan yahay, isla markaana uu cillad u yeelo axaadiista inta aan Mucaawiye u bogin, sidaasna Kacab uu ku allifay axaadiis tiro badan oo nebiga carrabka loogu tiray. Taabicigii Ibnu Shihaab al-Suhri (671-741) waxaa laga hayaa in uu yiri: xadiisku dhulka Xijaas wuxuu ka tagaa isaga oo taako le’eg, laakiin Ciraaq markuu tago dhudhun buu le’ekaadaa (=يخرج الحديث من عندنا شبرا فيعود فى العراق ذراعا).


Culumada islaamka ee cilmiga xadiiska isku hawlay waxay xoogga saareen ragga ama dadka warka sheegay (=asanad /السند), laakiin dadaal kaa u dhigma iskama saarin nuxurka warka la warinayo (=al-matni /المتن). Culumadaani waa dadaaleen marka loo eego aqoontii iyo duruufihii ay ku noolaayeen, laakiin haddii lagu qiimeeyo garaadka aadamiga maanta nool iyo aqoonta casriga ah cilmigaas xooggiisu wuxuu noqonayaa sheeko-baraleey aan cago ku taagnayn. Sida runta ahna axaadiista faraha badan ee hadda nebiga loogu abtiriyo tiro aan yarayn oo ka mid ahi waa hadal nebiga carrabka loogu tiray oo nebiga iyo saxaabadu aysan ogayn.

Wadaadkii Daar al-Qudnina (918-995) waxaa laga hayaa in uu yiri: “Xadiiska runta ahi marka la barbardhigo kan beenta ah wuxuu la mid noqonayaa sida tin cad oo ku taal dibi madow /إن الحديث الصحيح في الحديث الكذب كالشعرة البيضاء في جلد الثور الأسود”. Waxaana jira sababo ciiddaa ka badan oo keena in axaadiis la been abuuro, oo isugu jira aydaloojiyad, dhaqaale, dhaqan, siyaasad iyo qaar kale oo badan. Sidaas oo ay tahay, waagii hore muslimiintu waxay xaq u lahaayeen in ay iska  diidaan axaadiista ay ku qanci waayaan sugnaantooda. Laakiin boqolkii sano ee ugu danbeeyey waxaa abuurmay dhaqan ah in diinta laga saaro qofkii laga maqlo in uusan ku qancin hal xadiis oo nebiga loo tiiriyo. Si joogto ahna, waxaan u aragnaa dad lagu gaalaysiinayo in ay diideen xadiis nebiga loogu abtiriyo. Arrinkaas oo tusinaya in facyaashii hore ee muslimiintu ay ka wacyi iyo dulqaad badnaayeen kuwa hadda jooga. Bilmasal, qaybtii hore ee qarnigii la soo dhaafay taariihyahankii reer Masar ee Dr. Axmed Amiin (1886-1954) oo dhigaallo badan ka qoray taariikhda iyo dhaqanka muslimiinta ayaa wuxuu shaki ka muujiyey saxnimada xadiiska nebiga loo tiiriyo ee oranaya: “Ruuxii ku waabariista (=aroorta hore cuna) toddobo xabbo oo ka mid ah timirta nooca cajwada loo yaqaan, maalinkaas sun iyo sixir toona wax uma dhimaan /من تصبح سبع تمرات عجوة لم يضره سم ولا سحر”.

Axmed wuxuu ku dooday in aysan habboonayn in hadal noocaan oo kale ah nebiga loogu abtiriyo. Maxaa yeelay, shaki weyn baa ku jira in timir -nooca ay doonto ha ahaatee- lagula tacaali karo noocyada sunta ee kala geddisan. Axmed eraygaas wuxuu ku mutay cay iyo colaad badan. Akhristow, aan isweydiinnee wadaaddada xadiiskaan faafiyaa ma ku dhacaan in ay naftoodu ku tijaabiyaan runnimada xadiiskaan, oo ay timirta cajwada cunaan, ka dibna ay sun kabbadaan? Sanooyinkaan dambe Soomaali badan ayaa xadiis ku sheeggaan laga dhaadhiciyey oo timirtaan aad u iibsada. Weliba soomaalida nooca cajwada ugu liidata ayaa lacag qaali ah looga iibiyaa (=Timirta cajwadu waa saddex nooc oo kala waaweyn, waxayna u kala qaalisan tahay sida ay u kala waaweyn tahay. Ogaantay, qiimaha kiilada nooca waaweyn ahi wuxuu u dhigmaa inta u dhaxaysa 10-15 kiilo oo nooca yaryar ah). Timirtu waxay ka mid tahay dalagyada fara ku tiriska ah ee jasiiradda carabta iyo ciraaq aadka uga baxa. Taa awgeedna, carabtu aad bay u ammaantaan timirta, waxaana jira axaadiis xayn ah oo ka hadla waxtarka timirta. Waxaase habboon in aan la isku khaldin labo arrimood oo aad u kala duwan, oo kala ah in timirtu ay waxtar badan leedahay iyo in ay sun kasta daawo u tahay. Manfacada timirta la iskuma hayo, laakiin waxaa la isku hayaa in ay tahay daawo sun lagula tacaalo iyo in kale.


Sidaan kor ku soo xusnay, waxaa jira ulajeeddooyin badan oo keena falkinta axaadiista soo seexiska ah, kuwaas oo isugu jira aydaloojiyad, cibaado, siyaasad, dhaqaale, dhaqan, madadaallo iyo qaar kale. Tusaale ahaan, axaadiista danaha siyaasadeed loo allifay waxaa ka mid ah kan oranaya: “Madaxdu Qureesh bay noqonayaan /الأئمة من قريش” iyo weliba kuwa ka hadla fadliga Mucaawiye iyo Cabbaasida.Dhanka kale, waxaa jira axaadiis tiro badan oo dano dhaqaale loo sameeyey. Sida xadiis ku sheegga yiraahda “Baadijaanku waa wixii cuniddiisa loola niyoodo /البادجان لما أكل له” iyo kan kale ee yiraahda: “Hariisadu dhabarka ayay taagtaa /الهريسة تشد الظهر”. 
Dhulka jasiiradda carabtu wuxuu u badan yahay dhul oomasoore ah oo baadka iyo biyuhu ay ku yar yihiin. Sidaa awgeedna, carabta jasiiradda badankoodu waa liidi jireen beeraha iyo dhaqashada duunyada inteeda nugul oo lo’du ay ugu horrayso. Arrinkaas oo keenay in la allifo axaadiis nebiga carrabka loogu tiray oo dhaleecaynaya qodaalka dhulka iyo dhaqashada lo’da. Tusaale ahaan, waxaa la wariyey in nebigu uu mar galay guri ka mid ahaa guryihii Ansaarta ee magaalada Madiino, uuna ku arkay aalad qodaalka beeraha loo adeegsado, markaana uu yiri: “Tani ma gasho reero aqalkood, haddii ay gashase Eebbe wuxuu geliyaa dulli /لا يدخل هذا بيت قوم إلا ادخله الله الذل”, Waxay kaloo wariyeen xadiis ku sheeg oranaya: “Hilibka lo’du waa cudur /لحم البقر داء”. Si taa ku lid ahna, waxaa la buunbuuniyey waxtarka caanaha iyo hilibka geela, maadaama geelu uu yahay noole ku dhaqmi kara dhulka carabta ee saxaraha ama lama-degaanka ah. Xaalna wuxuu gaaray in lagu doodo in kaadida geelu ay daawo tahay!


Si taa ku lid ah, ummadaha noloshoodu ku tiirsan tahay qodaalka dhulku waxay ammaanaan beeraha oo ay ku sheegaan in ay tahay tan meheradaha oo dhan ugu sidata. Tusaale ahaan, muslimiinta dalka Bangaladeesh xooggoodu waa beeraleey, diinta islaamkana waxaa ku dhex faafiyey wadaaddo suufiyo ahaa oo dharaartii waqtigooda ku qaadan jirey qodaalka dhulka, habeenkiina digri iyo shalaad. Sidaa darteed, Bangaladeeshida iyo guud ahaan muslimiinta qaarad u-egta Hindiya waxay rumaysan yihiin in beeridda dalaggu ay tahay tan xirfadaha oo dhan ugu fiican, iyaguna ay muslimiinta ugu iimaan iyo taqwo badan yihiin.Buugta diiniga ah ee Bangaladeeshidu ugu akhriska badan yihiin  waxaa ka mid ah buug lagu magacaabo “Nabi Bansa ama Nabivamsa”, oo ah buug ka sheekeeya siirada nebiyada, siiba siirada nebi Muxamed (scw).

Sheekooyinka ku qoranna waxaa ka mid ah mid ka warramaysa nebi Aadan oo sidaan u dhigan: Kolkii Aadan jannada laga cayriyey waxaa lagu xooray Sarandiib (=Siri Laank), Dabadeed wuxuu ku safray dhulka Hindiya ilaa uu ka gaaray Maka oo uu kula midoobay Xaawo oo iyadana halkaas lagu halgaaday. Markii ay is heleen waxay bilaabeen in ay dhisaan Kacbada, oo kolkii ay ebyeen ay Eebbe ku caabudeen. Iyaga oo Alle baryayana waxaa u yimid Malag Jibriil oo baray sida loo noqdo afo iyo saygeed, sida loo dhiso guryaha, iyo sida dhulka loo qodo ee dalagga loogu beero. Halkaan waxaa nooga caddaanaya raadka nidaamka dhaqan-dhaqaale uu ku leeyahay fahanka iyo ku dhaqanka nusuusta diinta.

Diimuhu meel cidlo ah kama abuurmaan ee bulsho ayay ka dhex curtaan, inta diintu ay bulshada saamayso in le’eg baana bulshadu diinta saamaysaa. Islaamka carabtu aad buu uga duwan yahay kan Indooniisida, kan Soomaaliduna dhinacyo badan buu uga geddisan yahay kan Hindida. Taana waxaa ugu wacan kala duwanaanta duruufaha dhaqan-dhaqaale ee ummadaha.


Axaadiista soo seexiska ah ee nebiga lagu hafro waxaa ku jira qaar gef ku ah Alle iyo rasuulka, qaar ka hor imaanaya waxa quraanku uu sheegayo iyo qaar caqabad ku ah nolosha iyo horumarka bulshada. Waa axaadiis u daran Alle, Rasuulka iyo Ummadda intaba, lamana hayo sabab maangal ah oo loogu sii dheggenaan karo. Sidaa awgeed, waa lama huraan in kala hufid iyo kala haadin lagu sameeyo. Guud ahaan, Muslimiintu maanta waxay baahi weyn u qabaan in ay helaan fahan cusub oo diini ah oo la socon kara waaqica aadamigu ay hadda ku noolyihiin. Fahan diimeed la saanqaadi kara fikradda muwaadinnimada ee dowladda la wadaago iyo dunidaan tuulada yar noqotay.


https://youtu.be/xqXl0L3lL8w

WQ: Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil.
Email: sismail42@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “