
2,826 View
Indheergarad – Meey 9, 2021 – Koobin – Vol: 01 – No: 70
Sannadkan lagu guda jiro ee 2021, buuggaagta aan akhriyay kuwooda foolaadka u ah dhanka Sheeko fanneedda waxaa ka mid ah labadan buug oo aan is odhan karo waa kuwo Isleh. Horor iyo Kalgacal & Jirridda Baambu. Labadani sheeko waxaa kala qoray oo qalinkooda dahabiga ah u kala qaatay Afyaqaanka Soomaaliyeed ee Caliqeyr M. Nuur, iyo Qoraaga Kuwaytiga ee Sacuud Sancuusi. Waxaana buugga dambe af Soomaali u soo turjumay, turjumid oo keliya ma ahee si wacan u Soomaaliyeeyay ka dhartiray shisheeyanimadii qoraa sare Dr. Maxamed Xirsi.
Qoraalkan waxaan ku eegi doonaa meelaha ay iska leeyihiin–isku jaadka ka yihiin labada sheeko. Hor iyo horraanba waxaan kasii afeefanayaa inaan aqoon u lahayn, oo hadda horteedna isbarbardhigin buugaag (weliba Sheeko faneed ah), balse ka akhriste ahaan qalinqaadashadani waxaa igu riixay xamaasadda aan ka qaaday buugaagtani. Dhawrkaan qodob baana igaaga muuqday buugaagtu inay iskaga mid ka yihiin:
1- Bar Billowga
Buugaagtu waxa ay iskaga mid ka yihiin hab tebintooda sheeko in ay tahay magacuyaalka “Iskahadlaha” ama Jilaha koowaad (First person/المتكلم) sheekada Jirridda Baambu waxay ku billaabanaysaa sidan:
“Magacaygu waa Jose,
Sidaas ayaa loo qoraa, Filibiin iyo Af Ingiriisiba waxaa loogu dhawaaqaa Hooseeyh. Carabiga iyo sidoo kale Isbaaniishka waxaa loogu dhawaaqaa Khooseeyh, Bortuqiiskana isla sidaasi ayaa loo qraa waxaase loogu dhawaaqaa Jooseeyh! Halkaan Kuweyt miyaa! Waxaas oo magac ah shaqo kuma leh, magacaygu waa Ciise!.”
Isla sidaasi oo kale, Horor iyo Kalgacal baa isaguna ku billaabanayo:
“Carrigu waa galbeedka Soomaaliya, waxaana ka billowday dagaalo diimeedyo oo ay Soomaalida, iyo Xabashidu Hormuud ka yihiin. Soddon gu’ ayaa laga joogaa geerida Imaam Axmed Gureey. Waana xilli awooddii Islaamka ee bariga Africa ay hoos u dhacday. Waa la iskala yimid iliilihii Harada Taana ee Islaamku talada gaarsiiyay. Maantana dawga ay fardaha xabashidu melmelayaan waa daafaha magaalada cilmiga ee Herar. Halkaas ayay isku hor fadhiyaan ciidaankii boqorkooda oo afar kun ah, iyo tiro aan ka badnayn oo Beeshayada ah. Tani waa Colaadda sababta u noqotay, barashadaydii Ladan Ugaas Geeddi, iyo inaan dhiig badan u daadiyo kalgacal.“
Waxayna habkani keenaysaa inuu Jilaaga sheekadu daacad hadlo, oo malaha inbadan oo uusan sheegi kari lahayn ama gaari kari lahayn weriyaha, ayuu isagu werin karaa oo uu ka dareen hadli karaa. Tanina waxay sii fududaynaysaa akhristaha sheekadu inuu dhab u rumaysto sheekada, oo uu gaaraba heer uu kala saari waayo sheekadu ma dhab baa, mise waa male’awaal ?
2- Sheekadu ma dhab baa mise male’awaal?
Qodobka labaad ee sheekooyinka iskaaga egyihiin waa su’aashan oo ay maanka akhristaha kaga tagayaan. Dhabnnimadu macnaheedu waxaa weeyo inay tahay sheeko toos u dhacday, oo qofka ay sida tooska ah ogu dhacday laga soo tebinaayo (iyada oo marka ugu badan khayaal, iyo Male’awaalid dareen lagu daraayo), halka Male’awaalku macnaheedu yahay, sheeko (ama sheekooyin) ka dhashay dareen qoraaga laabtiisa ka hugmaya ama sawirrida xaalad, nolol, dhaqan iyo sawrac bulsheed iyo dareennada ka dhasha. Badanaa sheekada noocan ahi waa male’awaal laakiin waxay ku salleysan tahay xaqiiqo dhab ah.
Haddaba, labadani sheeko waxay akhristaha oga tagayaan isaga oo su’aashaasi isweydiinaayo. Waxaana taasi u sabab ah:
B. Sababta koowaad baa noqonayso isla tan aan qodobka 1’aad kaga soo hadalnay ee Ahayd: hab tebinta sheekooyinku inay tahay jilaaga kowaad oo sheekada isaga iska soo werinayo, taas oo maanka akhtistaha ku reebayso raad weyn oo ah rumaysashada dhabnnimada sheekada.
T. Farshaxannimada sarreysa ee Qoraayadu ay sheekooyinkooda oogu falkinayaan habdhaqan-bulsheedka bulshooyinkooda ee tagtadii iyo taagganta haatanba.
Tusaale ahaan: Qoraa Sacuud wuxuu ku farshaxanaynayaa buuggiisa habdhaqanka bulsheed, dhaqan dhaqaale, iyo diin ee labada ummadood ee Kuwaytiyiinta, iyo Filibiyiinta, ee kaaf iyo kala dheerida kala ah.
Halka qoraa Caliqeyr uu isna ku farshaxanaynaayo habdhaqanka bulsheed, dhaqan dhaqaale, dhul-ilaasasho iyo isku dagaalid, af iyo diin ee ummadda Soomaalida, iyo ummadaha la deriska ah. Sidaasi buuna Caliqeyr uga waabannayn inuu isticmaalo magacyada iyo deegaanada ay kala degaan Beelaha Soomaaliyeed, si uu akhristaha u baro gunta hoose ee isku xirto bulshada Soomaalida, isla sidaasi ayuuna afka badhaxa la’ ee af Soomaaliga uu u adeegsanaysaa si uu dibumilicsi taariikheed oo fog wax uga sheego dhaqankii, diintii, iyo asalkii Soomalida. Dhanka kale, Jirridda Baambu waxaa ku xusan qofaf, iyo taariikhyo baalka sooyaaleed kaga Jiro bulshada labada dal ee Kuweyt iyo Filibiin. Taasi oo iyadana akhristaha usii xoojin karto malayntiisii.
3- Jiraalka
Kani waa qodobka ugu weyn ee ay iskaaga midka yihiin Xaydar Ugaas Gardafuu iyo Ciise Rashiid Ciise Daaruuf (= Hooseeyh Minduusa) oo jilayaal ka ah labada sheeko. Ciise, ama Hooseeyh waxaa jiritaankiisii la xaqiray sidaasi uu u uurgalayba, sababta oo ah Aabbihiisii Rashiid oo ka dhashay qoys hodan oo sumcad iyo Sharaf laha ayaa (isaga) ka dhalay Josephine oo ahayd jaariyad Filibiiniyad ah. Sidaasi buuna Ciise ama Hooseeyh dunida ku imaanayaa isaga oo aan wax isir ah lahayn, lana kowsanayaa Isir-qalaanqal qofeed, diineed, daleed, iyo ugu dambayn magacyo (oo waa isagaas magacyada badan).
Filibiin oo dhulka hooyadiis ah waxaa looga yaqaanaa Arabo oo macnaheedu yahay inuu isir ku leeyahay Carabta, halka Kuweytina looga yaqaano Filibiini oo macnaheedu ay tahay inuusan wax muuqaal iyo af ah toona uusan la wadaagin Kuweytiyiinta kale. Xaydar Ugaas Gardafuu, Ina-ugaaskii beesha Warween. Waxa uu sagaalkiisii sano ee ugu horreeyay (caruurnimo) ku qaadanayaa noolasha ugaasnimo ee beeshooda, barwaaqada iyo baraaraha uu Allle dadkiisa ugu nimceeyay. Maxaase baraarahaasi xigidoona?…Hoog, iyo baaba’ baa baraarahaasi xigidoona. Qowmiyad jaan oo meel ay ka timid waxa ay tahay iyo sababta ay ugu soo duushayba uusan ka warqabin baa ku soo dul habsanaysa Xaydar beeshooda. Halkaasi bayna ku dhammaan doonaan dadkiisa oo dhan, isaga oo keliya baana kasoo haraya.
Dhuyaalidda uu halkaas kasoo billaabo buu dhul kale iyo beel kale (Dir) kusoo galidoonaa. Halkaas buuna magangalsanayaa isaga oo inanyar ah oo uu ku madqansanayaa (Aabo ugu noqonayaa – waalid u noqoshada ubad aadan dhalin) Aare Bulxan oo Marreexaan ah sidiisabana deegaanka laangaab ku ah. Halkaas buuna Xaydar jiritaankiisii ku dhuminayaa isaga oo isku haysto Inan-ugaas uu noqonayaa Inan-gumeed aanan la aqoon meel uu kasoo galay. kaas soo aan xataa laga warqabin Amxaar soo bayhoofay inuu yahay iyo in kale, isla markaasna magan u ah nin awalba isagu meesha laangaab ku aahaa.
Ogow oo cadowgii dadkiisii dabargooyay baaba loogu abtirinayaa! Taasina wa waxa la yiraahdo “Abtiirsiin ku faanka Soomaalida.” Isaga oo sidaasi Inan-gumeed u ah buuna damcayaa inuu caashaqo oo guur ula holodo Ina-ugaas, Ladan Ugaas Geeddi waana kaas dhiigga u daadinaayo Kalgacayl, si uu ugu dambayn u hanto hodannimo Kalgacayl oo uu haatan uga gudbo kharaarka Jaceyl ee horornimo.
4- Daraasaynta dhaqamada guunka ah ee bulshooyinkooda
Tani waaba sababta koowaad ee buugaagtani bishay. dhaqan Soomaaliga liito ee “Aanada” ee wiil aanan dhalan ku noqdo dayn dulsaar badan oo dusha ku fuusho. Dhaqan qabiilnimo ee dad iskugu keeno tolnimo iyo abtirsiin wax kastaa wadaago, cagsiga taana kuwo kala geeya. Dhaqanka laandheerennimo ku faanka, isdullaynta laangaabnimo iyo dhaqamada la jaalka ah oo dhan ee kan dulmiga, iyo gumaynta ku ah haweenka uu ka midka yahay ayay sheekafaneedda Buuni Caliqeyr daraasaynaysaa.
Dhanka kale iyaduna sheekada Qoraa Sacuud maxay tabanaysaa? Sacuud isna wuxuu daraasaynayaa dhaqamada kaaf iyo kala dheerida ah ee uu dhaxeeyo Filibiyiinta iyo Kuweytiyiinta. Intan hoose ayaan ku sookoobi karaa:
Haddii ay Filibiyiintu yihiin kuwo la daalaa-dhaca quud maalmeedkooda isla markaasna wax kale aanan maare u ahayn, dhaqamo iyo afaf Shisheeye oo gumeystayaashii ahna ay saameyn ku yeesheen (oo magaca dalkoodaba uu ugu horreeyo), reer Kuwayt iyaguna ma sidaasi baa? Reer Kuwayti sidaasi ma aha. Iyaga quudku walwal kuma haayo, oo iyagaaba loo soo raadsadaa, iyaga oo aan weliba wax waxsoosaar cunto ah aan lahayn. Sidaasina waxay ku dhacday inay yihiin boqortooyo lacag adduun ku fadhido oo u dhalashadeeda–noqoshada “Kuweytinimaba” ay ka dhiggantahay nasiibka dunida ugu sarreeyo. Laakiin, inaad Kuweyti tahay miyay ka dhigantahay inaad xor tahay?
Maya, maya! Inaad Kuweyti tahay kama dhigno inaad xor tahay, taas beddelkeeda waxay ka dhigantahay inaad u juujuubantahay bulsho shakhsiyaddaada waxbo aanan ku darsan sababtoo ah adigu waxaad ka dhiggantahay dhibic kusoo biirtay bulshada, oo ku qasban inay u socoto dhanka, iyo sida ay biyaha daadku u rogmanayaan oo ay ka mid tahay inay jiidhaan wixii ku soo hagaaga iyaga oo aan dooran, se lagu dirqinaayo. waxaadna ugu juujuubantahay aad geed ugu xirantahay baana ah inaad aqbasho dhaqan-dhagareedka bulshadaada, si aad u ilaalisho “Sharafta” awowgaagii shanaad iyo tan facaaga dambe ee dhabarkaaga iyo wixii kaa sii dambeeyo ka ahaan doono.
5- Hooyadaa ah hoy aan ku tufayn
Waa qodobka shanaad ee ay iskaaga midka yihiin labada sheeko islana dhadhamiyeen Xaydar iyo Ciise (Hooseeyh). Ciise muddo badan oo ilaa iyo yaraantiisii ah oo Kuweytinimo ay hooyadiis ku soo dhegabarjayn jirtay, Kuweydiinna uu aakhirkii tagay isaga oo muuqaal iyo af Filibiini ahba sito, oo uu noqday “Kuweyti made in Filibiin ah”. Ugu dambayn wuxuu xaqiiqsaday inuu khalad u fasirtay oraahdii Khooseeyh Raysaal ee ahayd: “Qofkii aan eegi karin gadaashiisa oo ah halka uu ka yimid, waligii ma gaadhi doono halka uu u jihaysan yahay.” Wuxuuna horay oraahdaasi ugu rumaystay in halka uu ka yimid ay tahay Kuweyt, isla iyadaasna ay tahay inuu u jihaysto. Laakiin, kolkii uu dib eegay wuu arki waayay wax aanan ahayn dhulkii hooyadii … Filibiin … Maniila … Falinsuweella … degalkii awowgiis Minduusa.
Xaydar isna deegaankiisii uu Inan-gumedka ku ahaa markii dagaal beeleedyo la iskugu farasaaray Ina-ugaas Ladan darteedna la iskugu dagaalay, horayna dhulkiisii uu Inan-ugaaska ku ahaa ay Amxaaro cagtamarisay, way u muuqan waysay wax aan ka ahayn dhulkii Abtiyaashiisii Karinle.
Xitaa ciddii Mandiqday ee reer Aar, waxay iyaguna usoo dhuyaalayn Luuq-Gedo oo dadkoodii ay joogeen, se isagu ma uusan soo raacin. dhul kale inuu leeyahay buu isku arkaayay…dhul kale…dhulkii hooyadii…dhulkii abtiyaashiisii. Halkaas buuna soo dhaweyn iyo sharfidba ka helay, markalena loogu dhiibay hoggaanka ciidamo dagaal kulul kula jiray Amxaaradii dadkiisii dabargoysay.
6- Cagdhigyo/Footnotes
Ugu dambayn, Labadani buugaag waxay iskaga mid yihiin oo kale in ay leeyihiin cagdhigyo (Footnotes) ay ku sii sharaxayaan ereyada iyo qofafka taariikhda leh ee sheekada meel un kasoo galayo. tan koowaad ee ereyada ahna waxaa foolaad ku ah buugga Horor iyo Kalgacal oo kuwada qoranba af Soomaali badhax la’ iyo ereyo ku dhumay waayaha adduun. Marka aad buuggaasi ka bogatana waxaad soo xasuusan karaysaa hal muceedyadii Maanseed ee macallin Gaariye.
“Maxaa gabay tilmaannaa
Maahmaahyo toolmoon
Maalmuhu tireenoo
Qalbigaygu tebeyaa.
Maxaa erey tafiir go’ay
Maxaa maanso teeri ah
Tacab ba’ay ka joogaa.”
Ugu dambayntii qoraalkaygani waxaan kusoo xirayaa mahadcelin iyo bogaadin aan u diraayo qoraa Caliqeyr M. Nuur iyo Turjumaa Maxamed Xirsi. Rabbi ha idin sharfo. Buugaag qiimo badan baad ku darsateen Maktabadda Soomaaliyeed. gaar ahaan Dr. Maxamed Xirsi oo Soomaaliyeeyay Jirridda Baambu. Sidaasi ay sheekafaneeddaas u soomaaliyowday baana geedka Jirridda Baambu aan u filayaa dhulka Soomaalida inuu kaga bixi karayo.
***
W/Q: Maxamed-karaama A. Xasan
Email: mohajilboxasykarama@gmail.com