Geeri Macna Leh | Vol: 01 – Cad: 96aad

 2,803 View

Indheergarad – Juun 21, 2021 – Sooroga – Vol: 01 – Cadadka: 96aad

Habeen dheer ayaa galbaday, waa habeen saacadihiisu ay kala badanyihiin intii uu ku yaqaannay. Waxa uu fadhiyaa kaabadda qol madow oo kamid ah guri ka kooban afar qol. Waa afar qol oo albaabadoodu mid mooye inta kale is eegayso, daarad ciid ah oo gulub naaqus ahi ka soo lusho ayaa hor fidsan, geed mirimiri ah ayaa badhtanka daaradda ku yaal. Midh sigaar ah oo dabkeedu farihiisa ku sii siqayo ayuu intii u dambaysay sambabada u diray oo qiiqii muddo ilbidhiqsiyo ah laabtiisa ku aabudhay dabadeedna cuntub qiiq ah hortiisa ku firdhiyey. Waxa uu xidhan yahay macawis sarando ah oo jactadsan iyo garan fiino ah. Labadaa shay wax ugama sarreeyaan waxna uga ma hooseeyaan. Muuq ahaan waa nin dheer oo caato duukhaysa ah midab ahaanna waa maarriin madow xiga, da’dana soddomeeyo ayuu foodda la sii galayaa. Koodad wajiga ka soo fiiqan iyo indhaceel la moodo sida ay u gudheen ayuu ku eegayaa qudhaanjo hor yaacaysa. Wax kasta oo uu eego maskaxdiisu farriin ka soo celin mayso, iyada ayaa iskeed isaga tallansan.

Hirarkii fekerka ee fiidkii maangaddiyey ayuu iska dulsabaynayaa, xusuus walibana mid kale ayey soo xasuusinaysaa, tagtadii ayuu raad gurayaa sannad ba sannad kuu ka horreeyey ilaa billowga noloshiisii ayuu dib maankiisa dib ugu jeedaaliyey. Waa feker taxane ah oo noloshiisa uu ugu kuur galo, sida qof dhintay oo taariikh nololeedkiisii qabriga loogu keenay, waxba iskama baddalaan noloshiisa waa uu seexda, oo soo toosaa dabadeedna gallinkaa iyo wixii ka horreeyey ka fekeraa. goobodaas ayey noloshiisu ku wareegtaa, waa nolol bilaa sareedo ah, qoomamo se ka dheer. Sababtoo ah in uu noolaado iyo in geeriyoodoba waa laba gudboon—maya e, waa laba daran oo qaddarku dooransiiyey dhalashadiisii ka hor!

Caawa sidii hore ma aha oo xasuuso hore ayuu duunkiisa ka soo jafayaa, xasuus walba oo uu galo waxa ay ku jihanaysa meel daran oo dubaaqisay la hugmayo. markaas ayuu is illawsiinayaa oo sigaar kale shideyaa. Sideedaba xusuustu waa caalwaa qofku nayaayiro ka raadiyo marka waayuhu ku cuslaado ee timaaddada odoroskeedana uu ka quusto, isla sidaas oo kale xusuustu waa lidka rajada,

Markasta oo rajadu qurux yeelan waydo galladihii tagtada ayaa widhiidh noqda oo xusuusta ayaa noqota cudbi uu qofku ku dhayo boogaha uu waayuhu u yeelay. sababtaas ayuu isna uga xunyahay in uu maskaxdiisa la kaliyoobay, in uu fekeray iyo in uu leeyahay nolol hore oo uu waayeheeda laabta weli ku sito. Waxa uu is waydiiyey markii ugu dambaysay ee uu nolol ujeeddo leh noolaa, qalbigiisu xasilanaa, aayahana waxsan ka rajaynayey. Waa saddex qaamuuska noloshiisa la moodo in hal mar istiigad laga mariyey.

Waxa uu dib ugu celiyey xasuusta labaatan sano hortood ah si uu u goobo macnaha jiritaankiisa. Waxa uu ka fekerayaa wixii uu u noolaa. Oo muxuu u noolaan karaa wiil yar oo miyi ka soo xerooday intii badnayd ee noloshiisana tuulo ku soo qaatay?

Dabcan Farxad! In lagu dilo oo nafsad ahaan iyo jidh ahaan ba lagu waxyeelleeyo haddii aad aad necbayd waxa kaliya ee aad u noolayd waxay ahayd inaan waxba lagu yeelin taasaana farxad kuu ahayd. Sidaas ayuu u fekeray. Haa hanka ilmaha Soomaaliga ah oo dhan ayaa sidaas u liita, wixii uu xaq u lahaa ee mudnaa ayaa riyo u ah oo uu naawilaa. Dhidid ayaa dhafoorrada ka de’aya baakadda sigaarka iyo seesarka horyaalla ayuu ku shuqlanyahay, hawsha maankiisu hayo ayaa se ka badan midda uu faraha ka hayo. Neecawda xaw leh iyo isgaraaca laamaha geedka mooyee sanqadh kale ma weheliso. Danse kama leh oo jawigaa qaboow ayuu isagu dhididayaa. Waa kaas ka fekeraya farxaddu waxay uga dhignayd! Waa kaas xusuustay sidii ay ugu koobnayd farxaddiisu nacnac iy qunjuraaf kale oo aan wax dhaamin.

Waxa hor yimid Dabakaayo yar oo ay deris ahaayeen. Waa dukaan aan waynayn oo bagaashka yaryar ee nacnaca iyo wixii la halmaala lagu iibin jiray. Meel ayey noloshiisa kaga taallay xilligii Dammalo-xagare uu ku noolaa, sababtuna waa in farxaddiisa halkaa lagu iibin jiray. Oo maxaa ka wanaagsan in aad taqaannid halka farxaddaada lagu iibiyo? Iyo inaad la socotid hadba sicirka ay joogto? Dabcan waxba! Qofka wayn haddii dareenkiisa la dhaawaco cafis wuu ku doorsankaraa, shay qaali ah oo lagu xaalmariyey, balse ma illawsiiso dhaawaca. Halka ilmaha yar ay kashiisu saafiga tahay xabbad nacnaci waxkasta illawsiin karto. Waxa ku jarribaya in uu tagtada dib u dheehdo, waa murugada sabab li’ida ah ee waynaantiisa la soo deristay iyo aragtida taban ee nolosha ka qaatay.

Fadhiga ayuu badashay oo ka fekeray waxkasta oo uu la noolaa, ku taami jiray uuna rajaynayey. Ma garan mana xasuusan riyadii uu la noolaa yaraantiisii maxayse sheegaysaa oo agtiisa ka tahay hadda? Kollay waa wax uu xaqiijiyey ama uu yaso haddeer. Baylood, Dhakhtar, Madaxweyne iyo wax lamid ah ayuun bu ku taami lahaa. Haddii uu intaas mid uun ku soo fekeray oo ku riyoon jiray, Samo-odoroska (mithaalinimada) carruurta ayuun buu kala sinnaa. Haatan se Siyaasadda ama nidaamka dowladeed gebi ahaantiis ayuu ka soo horjeedaa, isku dulnoolaanshaha ayuu hiifaa, nolosha inteeda ugu yar ee qofi ku noolaankaro in lagaga gaabsado ayuu wanaag u arkaa halku dheggasiina waa:

“The best goal is no goal/ Tanaasulka doonista iyo ka dhabaynteedu waa isla guryagayn.”

Habdhaqankiisa marka la eego waa Suufi balse ruuxda uma go’in oo adduunka kama wada saahidin. Falsafadda ma necba haddana iimo iyo eedo ayuu u hayaa falaasifada muran madhalays ayuuna ku tilmaamaa aragtiyaha isku lidka ah ee falsafadeed. Waxa uu ku tilmaamaa in falsafaddu ahayd odoros xaqiiqada lagu baadhayey qofkii ugu horreeyey dedaal uu sameeyey oo runta ku baadigoobay, dabadeed dadkii uu ula yimid iimo ka dhex baadheen wixii uu sheegay, Hal abuurka ugu wayn ee aadamuhu in uu mandiqda yahay ayuu aaminsanyahay balse mandiqa laftiisa in aan xaqiiqo lagu gaadhi karayn ee uu yahay halbeeg fashiliya in aadamuhu isu goroyo khaakhleeyo ayuu ku doodaa. Taas na waxa uu sabab uga dhigaa in naanaysta faylasuuf ay wada qaateen qof wax maleeyey aragti la yimid, iyo mid wixii uu kaasi maleeyey iimo ka dhexbaadhay oo buriyey. Sababtaas ayuusan aragti falsafadeed adduunka uga haysan.

Dhanka diimaha addoon wanaagsan ayuu u muuqdaa anshaxiisa marka la eego wax ma xanto, wax ma caayo, waxna ma dilin waqii haddii afka farta laga galiyo ma qaniinin. Balse haddana fagaagga haawanaya ee qalbigiisa iyo madhnaantiisa gudeed marka la fiiriyo kaalin kuma laha diintu. Aragti kasta inteeda san ka qaado ayuu iska dhaadhiciyey balse wuu ku hungoobay. Ogoobay Insaanku qooqa iyo awoodda ayuu ahaanshiyiisa ku muujiyaa. Isaguna maaddaama oo uu qaanuunkaas khilaafay waa kaas liidka isu arka ee xasuusta miranaya si uu isu soo helo wax macna u sameeyo ama u sameeyey beri oo uu kula eerto noloshiisa.

Hal cabbaar ah ayuu xusuuso hore iska jibaaxay, balse, ugu dambayn waxa isu qaban wayday garaadkiisa curdinka ahaa sida uu isu waafajiyey hab nololeedkiisa iyo riyadiisii lidka isku ahaa. Su’aasha maankiisa gaddeyna waxa ay noqotay: Maxaa sababay in farxadda ilmaha yari qiime hoose joogto oo nacnac iyo wax la halmaalaa noqoto wax walbana uu uga tanaasulaa marka la siiyo dhadhamo yar, isla jeerkaasna isagoo hiigsanaya waxyaabo waawayn oo aysan qoyskiisu xaqiijin ama meel lagu hayoba uu san arag? Ugu dambayn waxa uu qiray in damaca ah in qofku meel sare gaadho salka ku hayo anaanniyada insaanka oo dhan ku abuuran.

Waa damaca dhalanka ah ee qof walba fara in uu soo taabto meel aan dadka kale gaadhin, tusiyana wax ay tahay in uu gaar u yeesho. Ugu yaraan ku khasba marka waayuhu labadibleeyo in uu yeesho hami aan laga filayn oo cirkaa jaran. Waxa uu yiqiinsaday, in nacnacaasi ahaa farxadda dhabta ah ee uu markaas garaadkiisu yaqaannay, isla jeerkaasna uu si toos ah wax uga tari jiray duunkiisa, balse uu nacnacu ahaa barbilowga anaanniyadda qofka, mar walba oo uu xaqiijiyo wax waynna ay sii yaraanayso qanaacadiisu ilaa heerka ugu dambeeya ee ah in uu waayo wax ka farxiya marka uu murugoodo.

Sida qof irbad lagu muday ayey tin iyo cidhib jidhidhico raacday! Waxa uu xusuustay sidii uusan uga ilbixi jirin in lagu maslaxo macmacaan si walba oo uu noloshiisa wax ku qaali ah u waayo, xataa markii Aabbihii dhintay ee uu dadkii ooyayey iskala ooyay isaga oo aan garanayn wax uu la ooyayo in nacnac la siiyey oo aamusay ayuu xasuustay. Oohinta maalintaa seegtay ayuu toddobiyo labaatan sano kadib dib u qalleeyay illin kulul ayaa dhabankiisa bidix hoos u roortay dabadeetana isha midig ayaa iyana ilmaysay oo sidii oo kale dhabanka midig u qoysay. Ilmadii waajibka ahayd ee uu iska riday ayuu iska tiray wajigiisana ugu fooldhaqay qoyaankeedii. Qosol neef kaliya ah ayuu qoslay oo dhoollacadeeyey, dabadeed niyadda iska yidhi:

“Ciyaalnimo waa ciil laga koro!” Qunyar qunyar ayey dhoollacadayntii wajigiisa murugo iyo qabar isugu doorrisay. Laba kala qof in uu yahay ayuu qiray yaraantiisii iyo maanta oo uu gadh maray bidaarina ku sii siqayso. damiirka mannaxaanka ah ayaa duunkiisa galiilyeeyey oo run uu isdiidsiinayey si aan tudhid iyo saayiraad toonna lahayn goor xun ugu sheegay. Haa, waad waynaatay oo garaadsatay, sareedo iyo silic wixii aad sed ulahayd nolosha waad mudatay, kaliya se hal mid baa ku seegtay waa inaad quus tahay! Damiirku waa garsoor qofka iyo bulshada ku xeeran u dhexeeya, marka hab nololeedka qofku bulshada khilaafo ayeyna ugu darantahay oo damiirku qofka liddi ku noqdaa. Waa sababta uu saacaddan u soo jeedo ee nolosha, farxadda iyo qaddiyadaha waawayn uu u gorfeeyo hadahaayaa habeen kasta.

Qaybsan nafsadeed ayaa caawa ku dhacay, waxa uu loollan kula jiraa isla naftiisa, muranka ugu waynina waxa uu ka dhex taaganyahay waynaantiisa iyo yaraantiisi markee saxnaa? Waxa wada doodaya 10 jir ku noolaa Damallo-xagare oo qoys sabool ah ka dhashay balse u hamuun qaba nolol wanaagsan, wax kasta oo uu aqalkooda ka waayayna in uu helo rajaynaya. iyo Siddeed iyo labaatan jir Boosaaso keligii ku nool, afar sano uun dalka jooga qariibnimo na dareemaya. balse afartaas uu joogay toddoba sano oo ka horreeyey uun dalka ka maqnaa. Waa toddobo sano oo uu Jaamacadd dibedda ah dhiganayey. Waa uu soo dhameeyey oo barashada dhaqaalaha oo master ka soo qaatay. Waxa soo noqday muuqaalkiisa balse isagii isuma arko!

Ifafaalaha ugu wayn ee isbadalkiisa waxa uu sabab uga dhigaa noloshii Masar ee uu toddobo sano ku soo qaatay. Isla muddadaas uu maqnaa naftiisa waxa haystay baaxaa-deg, burbur iyo dhisme shaqsiyadeed ayaa gudihiisa hal mar kadhex socday. liinbax dhaqan, iyo gedgeddoon afkaareed iyo salluugmo badan oo uu bulshadiisa u hayo ayaa ku soo biiray. Ladhka ku soo kaca ee uu ka qoomameeyo yaraantiisii waa in uu ka yimid bulsho saxa iyo khalad loo yeedhiyo, bulsho dhegtu ka fekerta oo oo garaadka iyo galladihiisa iska moosta. Sababtaas ayuu tognaan buuxda ugu u arkayey isbadalladii gudeed ee ku yimid iyo jaranjaradii qiyamka ee uu maalin ba maalinka ka sii dambaysa ka sii hoobanayey. Uma muuqan middaasi eel in ay keenidoonto balse si taas ka duwan jaafaajuglenimadii Soomaalidu in ay ka sii baxayso tammaninayey. Dabuub waxa uu ka dhigtay iskuna qanciyey; in maanka aadamuhu isbadal u joogyahay qofkuna ku qasbanyahay in uu ka qoomammoodo kana yaqyaqsado wax uu samayn jiray, middaasina ay korriin ka dhigantahay. Waa se korriin uu madi ku yahay oo ku kooban!

Dhallaannimadiisii ayuu la masaynayaa noloshiisan dambe, hayaanka dheer ee uu u soo maray in uu kan uu yahay noqdo oogadiisa kama muuqdo balse uurkiisa marka la eego kiiba ma aha. Abadan! Ma wiilkii yaraa ee caadifadda, rejada, iyodoonista, iyo laablaka badnaa ayaa isu badalay axadkan quusta ah, ee murugaysan maya ee waxba ba dareemayn? Farqiga ugu wayn ee noloshiisa hore iyo hadda u dhexeeya waa farqiga u dhexeeya garaad-ku-toos (Rationality) iimaanka. Ruux daahir ah oo dedaalkeeda boos fiican ku mudantooda ayuu isula muuqday hadda se jidhka ayuu koolkoollintiisa ku faro adaygay.

Damalla-xagare xusuuso murugo badan ayuu ku leeyahay waa boog ku taal  taariikhda noloshiisa. Agoonnimo ayuu ku soo koray miyiga isaga oo yar afar jir ah ayaa laga keenay kolkii qoysku caydhoobay ayey xeroodeen. waa qoys kooban oo ciidan daran, waa hooyadii Timiro Seed iyo labo hablood oo walaalihiis ah Qadan iyo Weris. Isaga ayaa ciidan u ahaa ilaa hooyadii nin kale guursaday. Dharaartaas ay Timiro u uunsatay Kaahin ayuu goostay in uu waysada ka biyaysto oo Boosaaso aado. “qoodhi xero kuma heshiiso” ayuu iska dhaadhiciyey oo goor aan habeenna ahayn maalinna ahayn gaadhi dhayne ah gurada iga baxay, sidaana ku sagootiyey. Waxa kaliya ee ku qasba waayahaas hore in uu dib u majeerto waa ruuxdii yidiidiilada badnayd ee aan damalle-xagare dabadeed dib loo arag.

Geed mirimiri ah oo hortiisa ku beeran ayuu cabbaar indhaha ku qabtay oo laan si qaabdaran u baxday ku dhereriyey noloshiisa. Mawaaqiftii uu kalida ku gaadhay haddii uu qoyskiisa ka talo gelinlahaa sidee ayey noloshiisu noqon lahayd? Ayuu is waydiiyey. Waxa uu se dhanna ka dhaafi waayey sida geedkaas oo kale goyn mooyee in uusan toosin lahayn. sidoo kalena uu yahay tusaalaha xun ee hooyo waliba ubadkeeda ka waanin lahayd marka dhaqanka la joogo. Oo maxay kaloo odhan lahaydba oo aan ahayn, “hooyo waxbaro oo anfac naftaada iyo dadkaaga” ama “hooyo ha cabin sigaar balwad oo dhanna kuguma ogi” ama “hooyo cibaadayso oo weligaa ha ka tagin waajibka Eebbe” hooyo hooyo hooyo… wad uun.

Intaasba midna kuma dhaqmo inuu ku dhaqmana taladeeda ma hayo. Sideedaba talooyinka wanaagsan waxa ay toos uga yimaadaan ruuxda, waana farriin looga golleeyahay in aysan arwaaxdu kala irdhoobin marka dunida ay ka wada tagaan.

Sababtaas darteed ayuu isaguna mar walba oo uu xasuusto hooyadii yabaal uga muujiyaa in ay arwaaxdoodu dib u midoobi karto. Isaga oo sidii u dhakoola ayaa cod dheeri halmar korkiisa ka yeedhay, waa aadaankii subax. Waa uu jecelyahay codka wadaadkaas, walaw uu leeyahay “toos oo xaqa dhankiisa uu iilo” isagu se markaas ayuu hurdo u hollodaa. Jidhkiisii is galgalay ayuu jimciyey oo hamaansaday, dabadeed aayar qolka galay ma seexan e waxa uu toos u abbaaray qalin iyo warqad aad mooddid in la sii diyaariyey, qoraalna billaabay. Waa qoraal ka fiirsi miidhan ah marka uu dhawr sadar qorana qalinka dabadiisa ayuu foolasha ku yar qabanayaa, kuna fekerayaa. Marmarka qaar sigaar ayuu shidayaa muddo badan ayuu qoriddii sidii u wadey. Wad..oo wad. ugu dambayna saxiix foolxun ku khatin.

Intuu sarajoogsaday ayuu qolkii uu ku jiray indho hilawgu ka sokeeyo ku eegay, halkaa hortiisa gogol is dhexdaadsan ayaa wadhan, waxa dhinacyaalla seesar uu hambo sigaar ka buuxdo, waraaqo googo’an oo duuduuban ayaa qolka dhexdiisa filiqsan, gidaarrada magacyo taleefanno iyo sidoo kale sawir foolxumadooda dad iyo bahal mid ay yihiin aan la kala sari Karin ayaa ku yaal. Toddobo bilood oo uu bilaa shaqo ahaa ayuu degganyahay gurigan, labadii bilood ee u dambaysay kiraddoodana waa lagu leeyahay. Kama se walwalayo duruufaha noloshiisa  baadigoob shaqo na kuma jiro.

Gidaarka qolka ayuu isha la raacay weedh ingiriisi ah oo farfaawayn ku qoran ayuu indhaha ku hakiyey, “If you want be happy be!—Haddii aad doonaysid farxad, dee iskaba farax” waa falsafad uu in badan ku soo dhaqmay fikradda ah in uusan waxba sababayn wax rajayn waxna ka qoomamayn.

Si deggan ayuu warqaddii buugga u dhex galiyey khaanadda miiskana ugu xereeyey. Dabadeeto kursigii qolka dhexyaallay ayuu iska dhookeeyey sida duddun oo haddana si miisaaman kursiga dhagihiisa ugu sii istaagay, xadhig qool leh ayaa cabbaar hortiisa lalmaday ugu dambayna qoolkii ayuu qunyar madaxa la galay kursigiina suulka midig ku laaday. Dhulka ayuu aayar uga soo go’ay kursigii isagiina isla markiiba lugaha ayuu ka firigfirigsiiyey–Indhahana ka bidhbidhsiiyey,

dabadeedna qunyar qunyar ayuu dhaqaaqii lugaha iyo gacmaha u joojiyey naftiina sidaas ayey kaga aguugtay! Cabbaar ayuu sida maro xadhigsaaran oo dabayli ku soo dhacday hor iyo gadaal u lalmaday ugu dambayna istaagay, isagoo carrabka iyo labada indhood oo isku midab ekaaday debedda joogaan.

*****

Waa xagaa billowgii, Damallo-xaggare roob fiican ayaa helay, duurka iyo dureemadu jeexyada magaalada ayey laba legdoonayaan oo laydhii xagaaga ayey la ciyaarayaan. Baraaguhu waa tif, kuwa aad ka loo isticmaalayna Sallaan ama sallaan ayaa laga cabay. Xoolo badan degsiimadu ma haysato reer ka u badan xayn baa uga soo doogtay abaarii baxday. waa magaalo aan waynayn oo gu’gan toban jirsatay, hab nololeedkii miyiga iyo kii magaalada ayaa ku kulma tuuladan. Dad ayaa u soo xagaa baxa reer magaal ah, isla sidaas oo kale reer baadiye abaaruhu soo mooro-duugeen oo caydhoobay ayaa iyana daan kale ka deggan oo tirada labadaa qolo haddii aysan reer miyigu badnayn way is ceshanayaan.

Goorahanba socod bay ku jireen. Si xorriyad leh ayey u soconayeen intii hore oo dhan, balse hadda magaalada ayey ku soo dhawaadeen, middooda fooddada hagoogan mooyee ta kale oo xijaab xidhan ayey dhankeeda isha raggu u badantahay. Xijaabka ayey dabayshu soo caabbinaysaa oo laabta kaga dhagaya iyana gacanta midig ayey iska fujinaysaa, gacanta kalena Jirkaan biyo ah ayey gabadha kale kula walaandaynaysaa. Quruxdu waa hawl iyo dhibaato ka maqan qofka foosha xun! Sababtaas ayey labada gabdhood midi dabaysha u hiifaysa oo jidhkeeda iyo marada u kala jiidaysaa, halka midda kale aysan baddaaba u hayn. Oo yaaba eegaya? Gaadhi Dhayne ah ayaa xagga magaalada u soo socda indhaha ayey la raacayaan xawliga gaadhigu ku socdo iyo boodhka daba maqiiqan. Marna foogyabigaaraha ragga saaran ayey si faduulleh midiba gaarkeeda uga baadhaysaa hebello ay garanayso. Waa se rag gadhka iyo gafuurkaba cimaamad ku duuban oo boodhka ka dhuumanaya.

Socod iyo sheeko dheer oo ay soo gooyeen kaddib waxa muuqatay in gaadhigii Dhaynaha ahaa middood hablaha aqalkooda uu taaganyahay. Durbaba waydiin faduul ah ayaa ayey tii kale ku horraysay “Naa gaadhigii sowkaa aqalkiinna hor taagan, yaa idiin yimid tolow?” Isla su’aashii ayey jawaab uga dhigtay iyana oo tiri: “Naa mooyi e yaa yimid tolow?!” maanka ayey ka baadhay qofka yimid walaalkeed ayeyna u badisay.

Markii ay guriga ku soo dhawaadeen Filashada qof yimid waxa meesha ka saaray yabaqa guriga haysta iyo dhiillada dhegaha qamar soo gaadhaya. Caasha-Koos oo saaxiibteed u dardaarwarinaysa ayaa is-hayn wayday oo belada soo sooyaamaysa sidii ay kaligeed aragtay uga sii hordhacday oo tiri: “Naa walle waxbaa dhacay!”. Jirkaankii miyaa fududaaday? mise naxdinta ayaa tabartu kullamaantahay? Mid ay tahayba! way la ordeen jirkaan oo halkeer meel ah ah si xoog ah salka dhulka ugu dhufteen, neef aad hindhiso mooddid ayuu jirkaankii la FIISH yidhi.

Waydiimo is cidhbinaya ayaa sida dawanka ambalaasta maanka Qadan ugu soo hoobanaya, haddii ay Aamina Raygal oo koonaha magaalada deganayd haatanna balbalada aqalkooda tiir kamid ah ku tiirsan uguna soo sokaysay dadka waydiisay “Maxaa dhacay?” Jawaab kale ma aysan helin aan ka ahayn “Walaalkaa Quulle ayaa dhintay!” Dareenkeeda ayuu qof waliba dhawrayaa, isbadalka wajigeedana waa loo jeedaa. Wada dhalashada sida aan loo dooran karin ayaan qofna qof kale ula wadaagi karin murugada uu dareemo qof  walaalkii waayey. Sababtaas ayaa Qadan iyo Qamar loo wada dhawrayaa. Qamar oo currada reerka ahayd waa la guursaday iyada iyo labadeeda carruur ah warka dhiillada leh ayaa guriga keenay ee koonaha kale ee tuulada ayey yaallaan, duqdu qolka ayey jiiftaa iyada oo bukaan ah ayeyna warka maqashay, murugadii ayaa uurkeeda ku bururtay oo baroor ayey tahli wayday aamuska ayeyna ciirsatay. Kaahin carruurtiisa oo laba ah ayna Timiro u dhashay ayuu dhex fadhiyaa baddaa ma hayaan iyagu oo geeridu nimaadan garanayn iyo geeljire ayey ku wacantahay ayaa dubaaqooda ka yeedhaysa!

Dhakafaarka ugu wayn waxa leh sababta uu ku baxay Quulle. Wuu isdilay! Ayaa ka daadegi wayday reer Dammala-xaggare! Sidee qof dhan oo nolosha intaas oo saymood ka soo badbaaday wedka laabta ugu sii dayn karaa ayaa murugo labaad noqotay. Waa tuulo qofku geerida cagihiisa kaga cararayo. Jiha kasta sabab uu qofku u qudhbaxo ayaa ku gadaamadan. Abaaro, colaado, gaajo iyo xanuunno saf mar ah oo qof hadday ku dhacaan galinka hore ka dambe magaalada oo sadheeya ayey iyagu ka baqaan. Intaas oo sababood ayuu wedku u soo maraa iyaga, balse magaalooyinka waawayn ee fursadaha dhimashadu ku yaryihiin, shilalka gawaadhida marka laga reebo ayey la yaabeen sida uu qof ku nooli isagu wedka

isugu loogi karo. Jawaabta waydiimahaas kakan waxa ay heshay Qadan markii ay furtay waraaqdii uu Darawalku u dhiibay, ee la sheegay in qolkii Quulle isku dilay laga dhex helay. Waa waraaq bushqad cad ku jirta oo yara jactadsan ayna muuqato in hore loo akhriyey maaddaama bushqaddu badhfurantay. Maalin kaddib xaaladdii oo degtay iyadoo kaligeed ah ayey hadhqoodaalka guriga ku furtay bushqaddii oo waraaqdii akhriskeeda billawday ugu horrayn waxa ay isha ku dhufatay ciwaan ka ugu horreeya oo ah:

Afeef

Intaas kaddib toos ayey u billowday:

“muhiim ma aha inaan qurxiyo ereyada aan odhan doono, waayo qofkasta oo isdila dareenka dadku ku akhriyaan dhambaalka uu reebo iyo tixgalinta ay siiyaan ma aha mid qofka ka tarjumaysa balse waa xushmad ay geerida u hayaan. waayo waxa aan qori doono waa hadallo caadi ah oo aan maalin kasta odhan jiray dadka aan ku dhihi jirayna ka loogu qaatay jilicsanaan i bidayey.

Qof walba oo warqaddaan furi doona waxa aan u rajaynayaa nolol sareedo leh in uu ku noolaado, middaas haddii uu seego waxaan kula talinayaa geeri macna leh in uu dhinto! Dhambaalkaygani waa sagootin aan ku soo khatimay naf wax badan saymaha adduunka lugeheeda kaga baxsatay. Naf dhalashadeedu shil ifka ka dhacay ahayd, imaansheheeduna uusan waxba ka duwanayn iniin uu habeen daad ka soo hoos qaaday geedkii ay ka soo dhacday, dabadeedna daad xoortu kula caaridday degel kale oo aan geed la jaad ahi hore uga bixin. Halkiina si qaabdaran uga soo baxay. Qof ka abuurnaa naf cadow ku ah oo ay tahay in uu ka badbaado isla jeerkaasna ay tahay inuu badbaadiyo si uu u sii jiro balse ku fashilmay! Isdiiddooyinka dhexdiisa yaalla qof ay ku sababeen in ay nolosha oo dhami hal midab u yeelato, si walba oo loogu qanciyo quruxda dunida looguna sifeeyo middabada cuddoon ee jeegaantana qof isagu ka fakara midabka uu yeesho waxkasta oo jiritaankiisu gebagaboobo. Kaas oo ah midabka dambaska.

Akhriste falka aad igu dhaliilayso ee qariibsanayso waa isla falka qiimaha u yeelaya dhambaalkan ee aad igu ixtiraamayso oo ah inaan aan ISDILAY! sababta aan isu dilayna halkan aan kuugu sheegi doono. waa go’aan adag oo aan in badan ka laba—labaleeyey, balse se ugu dambayn waan fuliyey. kaliya si aan u bayaxo maangalnimada isdilkayga iyo saxnimada jawaabaha ka bixiyey layliga noloshu ii dirtay.

Marar badan dhibaatooyinka nololeed waa kuwa aadamaha dheef u ah, ma ogi in ay aniga dheef ii ahayd iyo in kale, balse mar walba oo ay jirto dhib aan xal u la’ahay waxa aan ka baaqsan jiray wed aan anigu sababtiisa qorsheeyey. Haa, marar badan ayey igu soo dhacday inaan nafta is dhaafiyo! Balse haddana waqtiga oo igu yaraa awgii ayaanan u dhiman jirin.

Mar ayaa dhacday aniga oo diyaar ah in aan gaajo dareemay. “adiga oo hammuun qaba ha dhiman e bal wax cun oo hadhow isdil” ayaan is idhi. Dabadeeto markii aan dhergay dhibaato kale oo xal iiga baahan ayaa ii muuqatay, sidii ayaan maalmo, bilo iyo sanado ba ku noolaa iyadoo haddana fikraddii isdilku niyaddayda ilbidhiqsi walba ku jirtay. Dabcan tani waxa ay meel dhaw iga tusiyey macnaha nolosha—Aan dhaho macnaha noloshayda. Sababtoo ah qof waliba isaga ayaa qeexiddaas xaq u leh. Aniguna waxa aan ku qeexay noloshayduba in ay ahayd dhibaatooyin aan dhammaad lahayn, si taas la mid ahna u baahan furdaamin aan daal lahayn.

Haa, noloshu waa sida badwayn qofku badhtankeeda dabbaalanayo mar walba oo uu hir fuulana hir kale meel fog uga muuqanayo, ilaa uu isdhiibayo ama ay mawjadaha is hirdiyayaa salka dhigayaan. Taasina waa waxa ugu yar ee qofi samayn karo maaddaama oo aynu ka hadlayno in qofi noolaado oo kaliya. Bale in uu ujeeddo u noolaado waa hawl aad u culus. In uu ujeeddo aan naftiisa ahayn u noolaadona waa hawl xajmiga culayskeedu dunida u dhigmo.

Waqay laba dagaal ayaan ku jiray duruufaha noloshayda iyo mawaaqiftayda oo dhamina ay ka duulayeen waa wax aan naftayda la rabay oo u halgamayey iyo wax aan dadka u hambeeyey oo aan cid kale u sameeyey darteed ama aan dhaho laba marxaladood ayaan maray mar aan naftayda u noolaa. maal, magac iyo maaddiyaadka kale ee la ayniga ah aan maanka ku hayey una noolaa. Balse waan ku hungoobay inay buuxiyaan iyo mar aan dadka kale dartood u noolaa. aanna tixgalin u hayey jacaylka, naxariista, xushmadda. Aan dhahno labadaa jid, jidka Anaaniyadda iyo midka naf-hurku waa isddiidooyinka dhalanka ah ee qof walba ku mataansan.

ujeeddada uu qofku u noolyahayna labadaas ayaa jaangooya in uu isu noolaado oo damaciisa hayin u noqdo iyo uu in qofi—qof kale u sadqeeyo naftiisa, farxadiisa ama noloshiisaba. Qof kale oo kala siman intaasba. Middaasi waxa ay baddeli kartaa qeexidda nolosha ee ah loollanka aan dhammaadka lahayn. Isla jeerkaas ayey waxa ay deeddafanaysaa in nolosha lagu koobo heerka qofeed iyada oo gaynaysa heer ka sarreeya oo ah isku tiirsanaan iyo in qofi qof kale dartiis u noolaado.

Si taas ka duwan Anaaniyaddu waa doonis ku abuuran qof walba gudihiisa, waa damac ka shiidaal qaata dareemada masayrka iyo xaasidnimada ee qofka korriinkiisa la hanaqaada. Tan ayaa sabab u ah loollanka iyo ujeeddaynta nolol bilaa ujeeddo ah. Waa isla halka laga ebyey qaacidadan macnaha daran ee ah: Dhalo, hadaf dhigo, ka dhabee/ku dhac dabadeedna dhimo! Falsafadaha dunida oo dhami taladan ayey ku koobeen meertada nololeed ee shaqsiga ah. Anigu se uma noolaan qaabkan, sababtoo ah si walba oo aan noloshayda gudaha u bilo, wax isbadal ah kuma soo kordhinayso nolosha dibedda. dedaal kasta oo aan ku bixiyo, middaasna macno la’aan iyo baylah nafsadeed baa ii muuqata.

Xataa haddii aan isdiidsiiyo middaas, waa mid aanan sinnaba waxba uga qaban karayn. Noloshu waa ay iga hor billaabatay dabadayna waa ay sii jiri doontaa, saas oo ay tahay waxa kaliya ee taransan karaa haddii ba aan sii noolaado waa in magacayga dad sii hadalhayaan iyaga oo igu xasuusanaya wax aan anaanniyad darteed u sameeyey sida; in aan hanti badnaa.ama xusuusta dadka aan ayaan maalgashaday oo wax ayaan sadqeeyey iyaga sida inaan wax taray. labadaasiba waxa ay caddaynayaan inaan ahaa qof jiray oo dunidan soo maray, balse gooraaleba wax nuxur ah oo wayn kuma jiro marka loo eego daleesha wayn ee ii muuqata ee ah macnala’aanta noloshayda.

Aadamennimada iskama saarayo oo ma lihi waxa aan la ahay dareemadaas oo dhan haddana si uun, waligay doonistayda ugama tanaasulin cid kale, waaba haddii ay jirto dan aan u noolaa e. Si taas ka duwan waligay macnaha noloshu ii samaynayso kuma ladhin doonistaas. sababtoo ah fal walba oo aan sameeyo waa mid aan ku qasbanahay samayntiisa. Dabcan taasina doonis ma aha ee waa sandulle. Sida uu qofku ugu sandullaysan yahay in uu naftiisa ka badbaadiyo waxkasta oo dili kara ayuu ugu qasbanyihiin doonis dani ku badday ah. Marka kaliya ee qofi si iskii ah wax u dooran karaa waa marka uu goosto go’aan wayn sida in uu noloshaba ka xoroobo. Taasi waa aragtida aan nolosha ka haystay!”.

Qadan wax badan kama aysan fahmin hadalka walaalkeed. Way fakaraysaa maankeedu waxa uu isku mar ka fekerayaa farriinta ay akhriyeysay iyo heesta duul duulka ku soo gaadhaysa ee dabayshu soo qaadayso

Haddaad nolosha qawaddaan
Nabad gala e haajira!

Duco iyo wax-san ayey u rajaysay walaalkeed, dabadeedna dabkii shaaha oo baxaya holaciisii leefsiisay waraaqdii. Midabkii khadku wuu sii tirmayaa, xaashidii caddaydna way sii madoobanaysaa ilaa ay ugu dambayn dambas noqotay,  dabaysha xagaaga ee dhabanaysayna ay kala raacday.

***

WQ: W.M. Bayle
Email: w.m.bayle449@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “