Dawladdaan Rabo: Ridista Nidaamka Jira Waa Irridka Yagleelka Nidaam Cusub | Vol: 01 – Cad: 97aad

 1,524 View

Indheergarad – Juun 28, 2021 – Lammin – Vol: 01 – Cadadka: 97aad

Arar

Qoraalkani waa aragti aan ka qabo hab-maamulka dawladeed ee ka jira guud ahaan deegaannada Soomaalida, gaar ahaan inta sheegata madaxbannaanida se aan haysanin xorriyadda. Dhidibbada maamullada, cidda ay adeegeyaasha u yihiin, baalasha maamulladaasi ku duulaan iyo u jeeddada baalashaas. Sida oo kale waa aragti aan ku caddaynayo sida laga ga takhallusi karo maamulladaas oo ah maamullo u dhisan hagardaamaynta bulshada Soomaalida ah; iyo ka talinta aaye-xumada ummadda. Wax ba yaanan qoraalka kuu guud marin e, akhris wacan.

***

Nidaam maamul oo ku dhisan xeer iyo xeelad; aqoon iyo ogaal, leh dastuurkiisa, kale-danbaytiisa iyo ilihiisa dhaqaale, u na dhan yihiin laamihiisa sharciga ahi; taliska, sharci-dejinta iyo caddaaladda, u na madaxbannaan arrimihiisa gaarka ah iyo la-macaamilka dunida, ka na wakiil ah bulshada samaystay, dunidu na u og tahay oo u aqoonsan tahay, u na adeega ummaddiisa oo ka shaqeeya danaheeda ayaa aynnu odhan karnaa; waa Dawled. Halka Qaamuuska Oxford inna lee yahay sidan: “Koox dad ah oo leh awood xukun ayaa ah Dawled“. Aragtidaas oo aan kaga soo hor jeedo. Aan se lee yahay kooxdaasi waa Talis. Iyada oo ay sidaas tahay guud ahaan bulshada Soomaalida ahi ma haystaan nidaam maamul oo ay iyagu doorteen; nidaamkaas aynu kor ku soo xusnay.

Si kaste ba ha ku qabsadaan xukunka e, waa nidaamyo aan iyaga matalin, runtiina laga dheehan karo guudkooda inta aan gudahooda la isla gaadhin dhexdeeda na ku metala duul aan la aqoonin; shisheeye iyo wixii uu cago ku qaato ah. Waa nidaamyo inta badan ka shaqeeya danaha dalal kale iyo dar kale oo iyagu u soo xoogsi tagey bulshadii soo dooratay. Sidaas awgeed, waxa aynnu si cad u odhan karnaa geyiga soomaalida wax dawlad ahi ka ma jirto; Dawlad dhab ah. Innaga oo waafajinayna aragtidaas sare ee aynu kala soo dhex baxnay hab-shaqaynta-maamul-dawledeed ee ka jira dunida horumarsan. Xorriyadda iyo madaxbannaanidu na u yihiin labadooda kabood ee ay dunida kula socdaan, ama kaga midka yihiin.

Haddii aynu ka nimaadno nidaamkaas aanay soomaalidu haysannin, waxa booskiisa galay nidaam qawlayste ah oo in ba meel ku xereystay; ku na ootay jeel uu furihiisa iyo qufulkiisa ba hayo. U na la baxay magac ka duwan kuwa kale, si uu gaar u la baxo inta uu rabo inuu qoolkiisa qoorta u gu xidho. Kaas oo ka qariyay dunidii dhabta ahayd ee ay bulshadu la tartami lahayd; hiigsan lahayd, ama se ku dayan lahayd, u gu yaraanna iska dhex eegi lahayd, isku na eegi lahayd. Kuna kallifay in ay iyadu kala dhammaan waydo; isku na soo foof tagto halkii ay kala qadhaabsi tagi lahayd, gudaheeda na ka billaabmaan tartanno natiijo la’aan ah oo kaabeyaasha dhaqanxumada iyo jaalalkoodu hormuud u yihiin. Bulshadu na ku naafato hadba dhan-u-eriga qaabka daran, ku na waydo qiimigeedii dhaqan, diineed iyo dawlo; kala-danbayn.

Aragtidaas oo soo galaysa aragtidii Mikyaafeelli ee ahayd; ‘Qaybi oo xukun’. Taas oo si cad u qeexaysa in ummad loogu talin karo in la kala qaybiyo. U gu yaraanna waxa ay ka siman tahay meesha laga saaro. Waxa ay ku kala duwan tahay na la buunbuuniyo, macne aannu lahayna loo yeelo iyada oo wixii ay haysatay oo idil dhulka la la simayo ama qashinka lagu darayo, si loo kala fogeeyo bulshada. Taas oo hadba inta aan dareensanayn ama ogayni dabinkeeda ku dhacaan; jeclaystaanna in lagu la soo wada dhaco, marka ay waayaan cid u ga gurmata, illeen hore ayaa looga fogeeyay kuwii u soo gurman lahaa e. U gu danbay na badankii bulshada Soomaalida ahi ku kala dhaceen godad aan la aqoonnin cid qodatay oo la yidhaahdo Qabiil, u na samaysan hagardaamaynta horumarka bulshada Soomaalida ah iyo Geeska Afrika ba. Kaas oo noqday irridka keli ah ee ka furan kala qaybinta ummadda loo na adeegsan karo kala irdhaynta dadkan wax kaste oo kale ka siman. Cadaw oo dhammi na ka macaashay inta karaankiisa ah. Isaga oo ku heesaya: “Ninbow tamartaa, ninbow taagtaa“……..!

Aragtida qabiilka oo aan la aqoon waqti ay soo bilaabantay iyo cimrigeeda toona, is-bedbeddelkeedu na badan yahay, u na eg is-awoodayn xulafo soojireen ah, oo ku waajahan is-difaaca hadba inta dhinac isu martay; gar iyo gardarro ba, hadda se shaqaysa ayaamaha inta danlayda ah ee qabiilka wax ku qabtaa muraadka lee yihiin, ayaa galaafatay dhammaan mustaqbalka ummadda Soomaalida ah; oo awal haddii dirirtu Soomaalida ka dhaxaysay hadda isu beddeshay ‘Soomaalida iyo Dunida‘. Ka na dhigtay duul aan lahayn miisaan kale oo ay ku qiimeeyaan aragtiyaha ka duwan ta lagu shubay. Iyaga oo waxa u horreeya ee ay is waydiiyaanna tahay; qofkani waa qoloma, ku qotonta ‘diidis ama yeelis’ go’aan laga gaadhi doono hadal aad sheegtay ama qof kale sheegay; xumaan iyo samaan. Taas oo xoojisay garashada isirka ku salaysan oo dan u ah inta nolosha ka dhacday ee aan difaac kale haysanin, u na xun inta qofnimadeeda dhistay ee isku filan. Iyada oo ka hor istaagtay in bulshadooda ay wax taraan hagardaamadana ka qabtaan. Taas oo gayaysiisay qof kaste oo Soomaali ah gumaysi hor leh oo ka soo bilaabma guriga illaa qofku ka gaadho gumayste ama ku allaysto isaga oo ah la-gumayste ciillan.

Iyada oo qofka ka dhigaysa mid addeeca kaabeyaasha qabiilka ee loo sheegay in ay u taliyaan si uu berri u gu taliyo inta ka danbaysa. Laga na yaabo in badhkood soo talinayeen nus-qarni iyo in ka badan. Heer aynu gaadhnay in wax kaste oo nolosheenna bulsho-qofeed ah wax laga waydiiyo oday badh-go’ ah, oo aan aqoonin aaye iyo mustaqbal too na. Fure kaste oo horumarinta bulshada ah na ku xidhay cumaamaddiisa boodhka badan ama gashaday guntiga macawsitiisa shullaha joogta, ammin kasta.

Ku na difaacda budhcad addeecsan iyo bakoorad uu lulo. Kaas oo waqtigiisii xoogsiga, talinta iyo tabcashada ku bixiyay oo ku lumiyay baago-muuddayn iyo gaafwareeg. Lixdan jirkiina u gu soo diyaar garoobay halganka nolosha xammaaligeeda oo ah; dillaalista dadka iyo qafaalashada danta ummadda si tu uu leeyahay uu uga dhex yagleelo; dan iyo ruuxeeda. Halkaas oo ah sarta uu ka qudhmay nidaamka-maamul ee bulshada Soomaalida ah. Aakhirkii na ku riday dalluunta dheer ee aan la haynin sallaan lagaga soo saaro. Mararka qaarkood na aad is odhanayso malaha waxani waa shirqool.

Waxa sartaas baas ee qudhunka ah ka farcamay ililado badan oo boogo ah oo damqanaya haddii la farafareeyo, la na tuujiyo dushooda iyo hoostooda, bulshadu na ka labbisan kari la’dahay, kabaha na ka illan karin la’dahay; caddaalad iyo sinnaan ka heli la’dahay. Boogahaas oo noqonaya qaar aan mar na la isku dayin in la dhayo. Inta badanna u muuqda kuwa la iska indho tirayo ama cid danaynaysaa ba ay yar tahay dhayiddooda. Nabarradaas oo ay ayeey u tahay boogtii hore ee qabiil-daneedka, qabyaaladda ah ayaa kala ah; Siyaasi-ganacsade danayste ah oo ka mid noqday danlayda reerka oo lagu magacaabo ‘aragti siyaasadaysan’, aan se ahayn iyo Wadaad-xume danayste ah oo isna ka mid ah danlayda reerka, lagu na magacaabo ‘aragti diimaysan’, aan se ahayn. U jeeddadooda guud ee ay u gu socdaanna tahay gaadhista yool ay u rabaan nafahooda iyo u adeegista shisheeye-sokeeye nacab ah oo soo dirsaday, iyaga na ku garab gala hoosaysiinta dadkooda iyo luminta qiyamka bulshadooda.

Iyaga oo kala raacaya labada dariiq ee waqtiga xaadirkan bulshada Soomaalida ah sida wayn loogu dagay, oo ah laba qodob oo ay hiil ka heli lahayd haddii sida saxda loo mari lahaa; Diinta iyo Dawledda. Maaddaama oo bulshada lagu dabay afkaar diimaysan; se miinaysan iyo Dawled asqaysan; una rabbaysan cadawga bulshada Soomaalida ah u-jilbo-qabsigiisa iyo dhar-u-qasaalkiisa. Kaas oo haddii uu awoodayo aan hal qof ka reebeen ummadda ay ka sii jeedaan, isaga oo u hanqal taagaya dhulka baaxadda leh ee bulshadaasi deggan tahay iyo muhimadda siyaasad-dhaqaale, iyo ta siyaasad-dhuleed ee dhulkeedu leeyahay. Labadaas oo ku tiirsan kaabeyaashii qabiilka, ayaa noqday dubbaha iyo musbaarka lagu garaaco hoojinta horumarka bulshada Soomaalida ah iyo curyaamintiisa, lagu na dhiso xabsiga ‘ku-dhalo, ku-dhimada ah‘ ee dib-u-dhaca. Iyada oo horumar badan lagaga xaaraantimeeyay sharci diimaysan iyo xeer dawledaysan, oo idilkood ka soo maaxday maskaxda shisheeyaha iyo kalkaaliyihiisa majaraha bulshada haya.

Hadda ba saddexdaas dhardhaar; Kaabeyaasha Qabiilka, Siyaasiga iyo Wadaad-Xumeha, oo ah saddexda dhardhaar ee lagu kariyo biyaha lagu cadaabo bulshada soomaalida ah; qabiilka, ayaa mudan in meesha laga saaro si loo gaadho bulsho leh horumar la jaanqaada aadamaha; haddii aanu u gu horraynin. Si meesha looga saaro na, waa in la helo dhallinyaro aqoonyahan ah oo aan ku tiirsanayn saddexdaas bakhti-fuule, ee bulshadii la hadhay, ku na dulleeyay gubanka surmiga badan ee aad mooddo in uu kulaalayo naarihii Eebbe ku sheegay qur’aankiisa ee loogu talo galay denbiileyaasha. U na diyaarsan soo furashada maxaabiista nafsadeed ee dhulkoodii u gu xidhan siyaabaha kala duwan; dulmiga iyo xaq-darradu horseed ha u ahaadaan ba e.

Dhallinyaro leh tab iyo xeelad, dhan kaste ba u gu babac dhigi karta Dhiigmiiratada danlayda ah, oo dabcan ah kuwa aynu ku soo sheegnay aqoonyahanka oo aan ahayn; dhuuni-u-aqoonlayda, la daalaadhacaysa qalinka rahman, dawakhsan ee gaajoonaya ayaa ah ridayaasha hubka u gu culus; aqoonta, ee lagu dumin karo dhardhaarradaas dhidban tan iyo illaa sooyaalka fog ee wiiqay jiritaanka bulshada Soomaalida ah. Qaxoontiga joogtada ah na ka dhigay qarniga ebyan ku na sii wada mid ka daran. “Haddii weedheennu caddaan waydo, warankeennu dhiig yeelan maayo” dhallinyartaas oo hal-ku-dhegga halgankoodu yahay.

Mar na ba aan oggolayn in nin madaluufsani la lumo aayahooda, isaga oo u sheeganaya wax uu ahaan jiray, se aanu ahayn. Iyo inuu ka xigo wax ay iyagu lee yihiin. Dhallinyaro dareenta in ay yihiin ‘agoon xoolahoodii la dhacay‘.

Si ay taasi u soo suuro gasho na, waa in la sameeyo bar-doodeed lagu kulmo lagu na faaqido, falanqeeyo, lagu gorfeeyo; lagu na lafaguro suuradda aayatiinka ummaddu yeelanayso haddii saddexdaas isa saarani talada sii hayaan. Si bulshada jecel dalkeeda loo dareensiiyo u gu yaraan dhibta jirta, lagu na barto, ummadda na lagu baro qofnimada wax-barteha sheeganaya aqoonyahanka ama se ah, iyo daalimiinta la rabo in talada laga tuuro si looga baxo hoogga isa soo taraya, iyada oo lagu shaandhaynayo qiimaynta urur isku xidhan oo dhallinyaro iyo waayeel waayo’arag ah. Kuwaas oo ka talinaya maslaxadda ummadda, kaas oo ay tahay in laga dhiso goobaha la rabo, in lagu qaado duullaan aqooneedka, dhexdooda. Iyada oo xeerkiisu yahay dhaqan, diin iyo dadnimo.

Dagaal-aqooneedkaas oo runtii socon kara qarni badhkii iyo wax ka badan, waxa uu soo af jari karaa talada danlayda qabiilka ku maxaafsata ee bulshada la hadhay, la na baxday magacyada kala duwan ee badankoodu isku liddiga ah, laakiin isku danta ah. Waxa na dhici karta in lagu jabo dagaalkaas haddii ay lagu abbaari waayo qorshe ku dhisan ogaal dhab iyo daacadnimo badhxan, kana madhan dan-qofeed iyo daba-martayn xogeed. Waxa se, ay guushu hadba ku xidhan tahay dedaalka, dhabar-adayga, samirka iyo qorsheha ay leeyihiin dagaalyahannada aqooneed ee weerka u xidhan, waranka na u sita badbaadinta iyo badhaadhaynta ummaddoodu. Waayo, abidkood xaqa iyo baaddilku waa ay dagaallamayeen libtu na waxa ay raaci jirtay hadba ka cidda canbaarsan aaminaaddiisu dhab tahay.

Iyaga oo bidhaaminaya oo oddorosaya hiraalka fog ee bulshadu yeelan doonto haddii ay badbaadiyaan iyo haadaanta ay ka dhici karto haddii ay ku daawadaan dhurwaayada sawaaban ee dad-la-moodka ah. Dabcan, had ba difaaca ay dhigtaan saddexdaas isa saaran; kaabeyaasha-qabiilka, siyaasi-ganacsadaha iyo wadaad-xumaha, oo inta badan gacanta ku haya wax-ma-garatadii hallowsanayd ee bulshada oo ah ta lagu dagaallamayo qafaalashadeeda iyo soo-furashadeeda, ah na qaybta u gu badan ee bulshada, aan se warkaas iyo wacaashaas midkood na haynin. Cidda inta badan ay la jiraan na tahay tii ay yaqaanneen; oo u badan darka u qafaashay ‘dan-ku-dhowrashadooda‘. Maxaa wacay, waxa ay bulshada ka haystaan wixii dhuun mari lahaa, dhaxan na celin lahaa. Mar kasta na, waxa ay u nugushahay in ay aqbasho gooddiga inan-gumeedka dhib-ku-naaxa ah ee ka dheefa jujuubka, dhuun qabashada iyo u cagajuglaynta hooyo dan yar ah iyo ilme agoon ah ama oday waayeel ah oo dani hayso. Nolosha adduun na wadhfinayso jiritaankiisa.

Aragtidan qabiilka ee ay ku maxaabsato danlaydu; waa qabyaaladda e, ayaa inta badan ah aragti difaacda u na hiilisa dhagarqabayaasha ka hirqaday dhiiggii bulshada iyo dhiicaanjaqeyaasha dhuuqaya dheeftii yarayd ee dalka taallay dadkana ka dhexaysay. Iyada oo mar kaste garabkiisa ah ‘nin wax dilay iyo nin wax dhacay’. Kuwaas oo ah labada saf ee ay ku kala jiraan qarribayaasha saddexda ah ee aynu hore u soo xusnay; Kaabe-qabiilka, Siyaasi-ganacsadeha iyo Wadaad-xumaha. Marka dhinac laga eego na, waa qaar awood daran, oo aan iska caabbin karin kacdoon aqooneed oo lagu weeraro lagu na ladho mid addimeed muujisan, iyada oo laa raacayo tabaha togan ee libinta lagu hanan karo; dhaqaale, cudud iyo fekrad na u yihiin seeska loogu fadhiisanayo dumintooda.

Waa haddii laga eego dhanka tirayaridooda, tayo-xumaantooda, awooddooda jidheed oo sii yaraanaysa iyo da’dooda oo waynaanaysa, oo u badan qaar aan muddo badan wax iska caabbin karin. Taas oo ay sahlayso haddii midka salka u ah meesha laga saaro idilkood burburayaan; Kaabe-qabiilka. Iyo in iyaga laftoodu ay is garbinayaan oo la isku jabin karo, haddii la adeegsado xeelad farsamo, oo hore ayaa loogu maahmaahay; ‘Lafo gari iyaga la isku jabiyaa’. Iyada oo la raacay xeer-dagmeedka siyaasadda ee ah; isku dir labada cadawgaaga ah, si ay awooddoodu u jabto oo aad hadhow u jabiso ka wax jabiya se itaalka daran. Xog-ururin ku dhisan u jeeddo dhab ah iyo in la dhex galo, la ga na shaqeeyo furfurkooda iyo ismaandhaafkooda, ka dib na, bar kaste oo ay isku diriraan la ga la wareego inta bakhtigooda la iska jiido, ka libinta guntaday na la iska leexsho.

Iyada oo la isku tusayo aqoon iyo ogaal in dani ku jirto la wareegista kobtaas. Haddii aanay ku jirinna aan lagu dul meehannaabin. Wejigan ayaa ah foolka koowaad ee dagaalka lagu badbaadinayo bulshada. Guusha wejiga na waxa ay horseed u tahay dhisidda dawledda aan rabo, oo aan ku sheegi doono qoraalka kan xiga.


“Irridka Dhisidda Maamul Hor Lihi Waa Caddaalad Iyo Sinnaan Ku-Dhisan Aqoon iyo Garasho”


Intii Soomaali dawled dhisaysay mar qudha la isma waydiinin; Sidee baynu wax u dhisannaa, qayrkeenna na u la tartannaa, oo aynu u gu yaraan aadamaha u la mid noqonnaa? Waxa se laga ga mashquulay; Sidee baynu wax u qaybsannaa. Wax u kala goosannaa. Haf iyo haf. Hadhow na u kala yaacnaa. Dhagac. Iyada oo maalinta la maqlo in wax la kala qaybsan karaa jiro; deeq iyo dawarsi, la isu soo wada xoomayo, isqabsi hor leh na uu ka bilaabmayo arrinkaas. Taas beddelkeeda na aan la beerin geedkii midhihiisa la qaybsan lahaa, hadhkiisa na wax lagu qaybsan lahaa; dawled.

Wax kaste oo innooga baahnaa daryeel waxa lagaga tagay cidla ciirsi la’, ka dib markii lagu heshiin waayay ilaalinta jiritaankiisa. Waxase si dadban la isugu raacay inaan la daryeelin. Dabeeto na waa uu curdan-dhadhay. Sidii ay qolo ba qolada kale ugu eedaynaysay in aanay daryeelin markeeda. Hadda cidi ba ma daryeesho e, ogow! Kan wax eedaynaya iyo kan la eedaynayo ba, ma daryeelaan. Cadkaas oo ah barta ay ka burburtay dawleddeennii reer-guuraagu dhistay, askartu na dumisay; muxaafid iyo mucaarid ba. Innaga oo taas ka duulayna, casharro na ka qaadanayna dhacdooyinkii horteen dhacay; xumaan iyo samaan, waxa aynnu dhisi karnaa dawled ama dawledo Soomaaliyeed, intii doontaa ba ha ku heshiiso e, oo leh sal adag oo aan waligeed dhicin inta salkaasi jiro. Caddaalad, sinnaan, madaxbannaani-aragtiyeed, xorriyad-nololeed, dood-aqooneed, dallo, horumar iyo hiigsi na astaan u yihiin. Dawled leh manfac iyo magac. Aan se la’ayn labadooda. Badi na, astaamaha la wadaagta/a dawledaha dadkooda iyo dalkooda daneeya.

Dawled shicibku leeyahay, se aan shicibka lahayn, kuna dhisan cod dadwayne iyo rabitaanka aqoonyahanka iyo waxgaradka bulshada oo aan ku taagnayn weedha danaystaha iyo shisheeyaha burburka Soomaalidu danta u yahay. Soomaalida ayaa ku maahmaahda; Nin farsamo xumi, futada qarkeeda na waa is gooyaa’ e, dawled aan ahayn mid farsamo xun oo iska dhex daawata falcelinta aqoonyahanka bulshadeeda; mucaarad iyo muxaafid. Waayo, muraayadda dawledi leedahay waa aqoonyahankeeda iyo waxgaradkeeda. Taas oo u tababaran tayaynta wanaaggeeda iyo sixidda khaladka haldoorka ummaddeedu ka biyo diido.  Dunida, waxa jira xeerar lagu saleeyay dadka iyo hab-maamulkooda. Maamul kastana waxa uu u leeyahay in dadkiisa khusaysa; dhaqan, dhaqaale iyo diin ba. Iyada oo sidaas tahay waxa aynnu dhisi karnaa dawled ku dhisan xeerar bulshadeennu leedahay, innaga oo waafajinayna shuruucda caalamiga ah iyo ta diinigi ah ba; islaamka; qur’aan iyo sunne. Dawleddaas oo bulshadeennu dareemi doonto in ay tahay mid ay leeyihiin oo iyaga ka timid. Qaayaheeda iyo qiimaheeda na dadkeedu garanayaan.

Iyada oo meesha ka saaraysa dhammaan shuruucda waaridka ah ee isu celisay bulshadeenna, ka na dhigtay mid aan marna ba garashadeeda adeegsanin; afkaaraha diimaysan iyo kuwa galbeedaysan ee is jiidhaya. Xanbaarsan na danaha kuwa fidinaya. Innaga oo dhisanna nidaam ku dhisan; is-waafajinta diinta, deegaanka, iyo wacyiga bulshadeenna. Kaas oo noqon kara mid ummaddeennu ku badhaadho. Qayrkeed na kula tartanto. Waayo, aadmigu waxa uu ku tamariyaa wax uu leeyahay; aqoon, talo iyo teerri ka ay doonto ha noqoto e. Si aynnu u hananno hannaan dawledeed oo tayo leh na, waxa loo baahanayaa in aynnu xoojinno waxyaabaha soo jireenka ah ee bulshadeennu ku soo hoysay guulaha taariikhiga iyo libinaha sooyaalku inoo qirsan yahay. Kuwaas oo ay ka mid yihiin runta, farsamada gacanta, isku-duubinada iyo kala-danbaynta. Inoona horseedi kara soo laabasho rasmi ah oo aan loo cabsanaynin. Iyaga oo qabkeenna ka dhigi kara mid leh awooddiisa fulineed. Isaga oo marna ba aan khilaafaynin sharciga caalamiga ah ee aadamuhu dhigtay.

Waayo, waxa u wayn ee dunidu innagu nacday ayaa ah madax beenaaleyaal ah oo aan lahayn siyaasad cad oo ku dhisan aqoon, ogaal iyo go’aan. Taas oo inna gayaysiisay asxaab la’aan iyo aaminaad-darro xooggan oo dawledihii inna la jiri lahaa ku dhalatay. Ka dib markii dhinac na lagu innagu tiriyo la waayay. Taas oo keentay fashil aan ka soo kabasho lahayn oo ku dhacay siyaasaddeennii arrimaha dibadda. Bal e, dalkeennii noqday dal-quudhsiyeed tusaalaha xun ee dunida ah. Maqaalufo la’aanta iyo jahliga na ka dhigtay awoodda koowaad ee burburinta qiyamka ummaddeenna.

Sida aynnu ognahay na adduunyadu waa saddex, marka la ga eego dhanka awoodda ismuquuninta ku dhisan; laba is haysata iyo mid la isku haysato. Galbeed iyo Bari oo is haysta iyo labadaas ta aan la jirin oo ah ta la isku haysto. Badanka na, waddamada Afrika iyo Bariga Dhexe ayaa ah kuwa ama ta la isku haysto. Saanadda lagu dagaallama na waxa laga iibiyaa isla xoolaha kuwa/ta la isku haysto. Iyada lafteeda na waxa loogu iibiyaa hub ay isku gumaaddo. Hadda ba si aynnu taas u ga baxno waa in aynnu helno garab labadaas midkood ah. Waayo, hore ayay u gu maahmaaheen awoowyadeen; “Ama buur ahow ama buur ku tiirsanow“. Taas oo dello cad u ah muhimadda xulafadu leedahay iyo in labadaa wax u dhexeeyi aanay jirin. Taas oo innagu riixaysa gaadhitaanka ahdaafta iyo yoolasheenna ah in aynnu buur noqonno. Adduunyada na hoggaaminno markeenna. Innaga oo aan aqoonta ka raadinin meel shishe waxa lagama maarmaan ah in aynnu dib u eegno sooyaalkeenna togan; siyaasad, dhaqaale iyo cudud ba. Maxaayeelay waxa aynnu kala soo dhex baxaynaa tabo aan cid kale lahayn oo innagu dhiirrigelinaya in aynnu noqonno bulsho kaalin gal ah.

Dhanka kale waxa inna ragaadiyay maamul u dhisan tuugsi, kaas oo dawarsanaya maamullada qayrkiisa ah ee dunida ka arrimiya. Inta badanna ku maxaabsada magaca bulshada Soomaalida ah. Sida, masiibo aan jirin, cudurro la saadaalsado iyo abaaro innagu ba aynu iska taakulayn karno. Kaas oo meel kaga dhacay sumcaddii bulshadii Soomaalida ahi lahayd. Heer qoraayada dunida qaar ka mid ahi inoo la baxeen ‘Dalkii Wax Isiida’. Sida uu werinaya Peter Bridges, qoraaga buugga Safiirka. Taas oo mar walba dhaawacaysa sharafteenna daleed iyo teenna ummadeed. Si maamullada noocaas ah ee shaaftada iyo qarafaysiga ku nool meesha looga saaro na, waa in la dhiso dawled ku shaqaysa cashuurta bulshadeennu bixiso inta ay doonto ha le’ekaato. Iyada oo taas ka duulaysa bulshadeennii hore waxa ay ku maahmaahi jirtay; “Cadawgaaga dhuux sagaaro na waa loogu subkadaa“. Taas oo ka dhigan in cadawgaaga mar kaste laga qarsado xogtaada dhabta ah. Si aanu kuu gu soo diyaar garoobin.

Innaga oo tix raacay na murtidaas cajiibka ah, si weynna u ga dhowrsanaya amaahda wadne goynta ah ee lagu dhabar jebinayo kobaca dhaqaalaha bulshadeenna, sida oo kale na la yaraynayo waxa lagu sheegay deeqaha raashimeed ee curyaaminta ku haya waxsoosaarka beeralayda Soomaalida ah waxa aynnu samayn karnaa kobcin dhaqaale oo ka timaaddaa bulshadeenna. Halkii aynnu u soo hoyn lahayn amaah-ribeed lid ku ah dhaqan-dhaqaalaheeda. Waayo, mar kaste oo dakhli-shaqsiyeedka bulshadu kordho waxa kordhaya dakhli-cashuureedka dawledda. Waa haddii aynnu isla fahanno nidaamka dawliga ah e.

Halkaas oo ah sirta horumarinta iyo kobcinta miisaaniyadda dal lee yahay. Waa na kii abwaan Timacadde lahaa; “Midigtaadu waxay xoogsataa maydha gaajada“. Isaga oo qeexaya in waxa aad shaqaysatay oo keli ahi kaa maydhayaan gaajada. Iyada oo bulshadeennii hore na ku maahmaahdaay; “Dhar aanad lahayni dhaxan kaama celiyaan“. Iyada oo ay sidaas tahay waxa innaga muuqata dareen la’aan ka jirta xooggeenna, xeeladdeenna iyo xoolaheenna oo inna la tamar darnaaday. Waayo, waxa innaga maqan xirfaddii waxaas oo dhan dhinaca isugu duwi lahayd kana dhigi lahayd wax la intifaacsado.

***

W/Q: Maxammed Cabdisalaan Maxammed “Faras’eri”
Email: faraseri1416@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “