Khilaafaadka Geeska Afrika | Vol: 01 – Cad: 98aad

 1,858 View

Indheergarad – Juun 30, 2021 – Koodaar – Vol: 01 – Cadadka: 98aad

Qoraalkan waxaan ku guud mari doonnaa khilaafaadka geeska. Waxa aan xooga saari doonaa in aan soo koobo inta karankayga ah qoraalka, balse anan illaawi doonnin in aan xog dhammaystiran akhristaha u soo gudbiyo. sidoo kale qoraalka waxa aan diirradda ku saari doonnaa waddamada ku yaal geeska Afrika khilafaadka ka dhexeeya. waddamadan jaarka ah khilafaadyadooda dhuleed iyo guud ahaan dhibaatooyinka ay si middaysanyihiin iyo weliba saamayntii gumaystuhu ku yeeshay.

Waddamada inta la ogyahay ku magacaaban geeska ayaa kala ah; Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Somalia, Kenya, Sudan, South Sudan iyo Uganda. Dhaqanka Geeska Afrika waxa saamayn laxaad leh ku leh, wax soo saarka beeraha, suugaanta, farshaxanka, muusiga, dhismayaasha qadiimiga ah, tiknoolojiyadda iyo aqoonta.  (Pariona, July 24, 2018.)

Si guud khilaafaadku waa sunnaha nolosha oo meeshii noole jooga ba waa la jooga. Waa shay maalinle u dhaca, ha ahaado mid yar ama mid wayn e. In la is qabtaa waa sunne waa se laga baaqsan karaa. Iyada oo khilaafku yahay wax maalinle u dhaca haddana is qabad kasta wax ayaa sabab u ah oo saamayn ku leh in uu dhaca inta uu doono ha lee’kaado e. Kan aynnu maanta innagu ka hadlaynaana waa kan geeska Afrika mar kasta ka dhaca haddii aannu ka dhicina taagan oo goor kasta dhici kara.  Inta badan waa hagar daamooyinka qumaystuhu kaga tagay guud ahaan Afrika. 54 ka dal ee ay maanta ka kooban tahay, waddan waddan ama qoomiyid/qabiil aaminsan kan kale kuma jiro.  Shaki ayaa ka dhex alloosan aan wali xal loo hilin/loo hali doonnin. Sida aan kor ku soo xusnay khalifaadku isaga oo qaybo iyo siyaalo kala gadisan u dhaca haddana innagu halkan waxa aynnu kaga hadli doonna kan dalalka u dhaxeeya oo inta badan u qaybsama; khilaaf xudduudeed, baddeed, dagaallo sokeeye, siyaasadda, afkaarta iyo diinta.  

Gobbolku isaga oo labbaatankii sanno ee u danbaysa horumar dhanka aadanaha iyo mid dhaqaalaba ku taalabsaday, haddana waxa gobbolka lagu sheega in uu yahay mid aan amaankiisa la isku helayn karin. 

Inta la ogyahay hardanka geeska ka dhacaa laba midkood uunbu salka ku hayaa; khilaaf qoomiyadeed/qabiil, xudduudeed iyo mid baddeed. Waxa si guud loogu xusaa buuggaag/ maqaallo badan oo geeska laga qoray. Labadan nooc ayaa kala ah: mid dalalka u dhexeeya (Inter-states conflicts) iyo mid dalka gudihiisa ah (intra- state conflicts). Hoos ayaan ku xusi doonna waddamada uu dhex maray dhammaantood.

Khilaafkan Inter-state ah ayaa u dhaxeeyay waddamada kala ah; Somaliya iyo Itoobiya, murankooda ayaa salka ku hayay xudduud ay wadaagan labada dal ee dhulka Somali Galbeed oo Itoobiya sheeganayso la haanshiyihiisa halka Soomaliya ama dadka asal ahaan dhulkaas ka soo jeedda aaminsan yihiin in dhulkaas gumaystuhu gacanta u geliyay Itoobiya oo aanay ahayn dhul ay Itoobiya leedahay. Waa sababta xudduudkaas Soomaalidu ugu yeedho xudduud beeneed. Murankaas labadda dal u dhaxeeya waxa uu sababay dagaalkii, 1977 kii  ka dhex  qarxay labadda dal.

Isla khilaafkaas (inter-state conflict) ayaa ka dhex dhacay dalalka Eleteriya iyo Itoobiya. Murankaas oo horseeday dagalkii u dhaxeeyay labada waddan intii u dhaxaysay, 1998 ilaa 2000kii. Dagaalka labadan dal dhex maray ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca kumanaan kun oo qof. Intaas waxa u sii dharayd in uu dagaalku burburiyay qoysaska labada dhinacba. Dagaalkan ayaa salka ku hayay arrimo la xidhiidha xuddud dhulkeedka labada dal u dhexeeyaa oo ay labada dal isku haysteen. Is beddelkii ka dhacay dalka Itoobiya ayaa ugu danbay lagu soo af-jaray murankii labada dal u dhaxeeyay ee dhanka xudduuda halkiisi oo Itoobiya ay dhulkii dib gacanta ugu galisay Eleteriya.

Wali waxa aynnu ku socona khilaafadkii dalalka u dhexeeyay e, (inter-state conflict). Eleteriya iyo Jubbuuti, ayaa iyaguna ka mid ah dalalka ay ka dhaxeeyaan muranka xudduudahu. Murankooda waxa u gun dhig u ah gumayasitihii. Sanadkii 2008 ilaa wakhtigan murankii labada dal  waa taagan yahay iyada oo  lahaanshiyaha  dhulka loo xukumay dalka Jubuuti.

Kenya iyo Soomaaliya ayuu isla murankaas xaduuduhu ka dhaxeeyan oo isla wakhtigan la taagan yahay marka laga yimaado dhulka ‘NFD’ waxa taagan muranka badda ee kenya iyo Soomaaliya. Dhagaysigii dacwadda badda ayaa la dhagaystay sannadkan, 2021. Kenya ma soo xaadirin dhagaysiga dacwadda badda taas oo xoojisay lahaanshiyaha Somaliya.

Isla loolankaas Inter-state conflict ayaa u dhexeeyaa wadamada Uganda iyo Kenya. Labadda waddan ayaa isku haystaan jasiirada yar ee lagu magacaabo Migingo kuna dhextaala harada Fiktooriya dhacdana xadka u dhaxeeya labada waddan. Migingo waa 2000KM square ah. Dhererka ay biyaha ka saraysana waa 15m. Dadka ku nooli waa 131 qof (2009). Muranka jasiiradani waxa soo bilowday sanadkii 1991 ilaa maanta ayuu taagan yahay. Sanadkii 2004 tii waxaa laga taagay oo ka dul babanayey calanka wadanka Uganda waana bartaas meesha khilaafka weyni ka yimid.  Sanadkii 2009 bay labada wadani isku af garteen in arintan wada hadal dimlumasiyadeed ay ka yeeshaan. Waddanka Uganda waxa uu soo jeediyey in arrintan lagu xaliyo Sahan iyo tirokoob dadweyne (survey) iyada oo la isticmaalayo lana raacayo xadka labada wadan u dhaxeeya ee uu gumaysihii Ingiriiska calaamadiyey sanadkii 1926 kaas oo ku qoran dastuurka wadanka Uganda.

Bishii March ee sanadkii 2009 waxaa jasiirada si wadajir ah u booqday wasiiro labada dhinac ka kala socday waxaana hogaaminayey; wasiiradii arimaha dibada ee labbada wadan ee xilligaas. Waxa ay labada wadan isku af garteen in loo ogaalado dadka kalluumaystada ah ee labada wadan inay sii wataan inay ka kalluumaystaan harada siina wataan ganacsigooda. Sidoo kale in 48 askari oo boolis Ugandes ah la geeyo. 27 March ee sanadkii 2009 ayey labada wasiir ee kalluumaysiga ee Kenya iyo Uganda socdaal ku tageen jasiirada Migingo kuna saxiixeen heshiiskaas. arrimahan isku qabqabsiga xudduudaha ayaa ah caqabada ugu wayn ee hortaagan dalalka Geeska Afrika la isku dhaho. (Inter-state conflict).

Khilaafka labaad ee la dhaho “Intra-state conflicts” waa loollan ka dhexeeya dadka isku dadka iyo isku deeganka ah. Tusaale ahaan, Soomaalidu qabaa’il ahaan ayay isku diriraan. Dagaalkaas ayaa inta badan salka isku haya dhul deeqsimeedyada, ceelasha biyaha, maamulka ama arrimo kale oo ay isku diidan ba. Qaabaa’isha Soomaalida arrinkan waa arrin shaacsane ka ah oo ilaa hadda jira.  Waana dagaaladda ay Soomaalidu ka tallaabsan laadahay ee ay u dabran tahay.     

Itoobiya ayuu khilaafkani faro ba’an ku hayaa oo iyadu isku haysa qoomiyada kale duwaan, diin ahaan, af-ahaan iyo dhaqan ahaanba. Qoomiyadaha,: Soomaalida, Tigreega, Oramada, Amxaaradda, Canfarta iyo dhammaan qoomiyahada dalkaas ku dhaqan dagaallo ayaa ka dhexeeya hadday tahay diin, dhul, af iyo dhaqanba.  Waa sababta uu dhalkaasi u degi laayahay bulsho ahaan iyo siyaasada ahaan ba, (Socially and politically).

Kenya oo ay iyadana ku nool yihiin in ka badan afartan (40) qoomiyadood ayaa wajahda hardankan u dhexeeya qoomiyaha ku wadda nool halka dal ee kala dhaqanka, afke iyo diinta ah. Khaasatan wakhtiyada doorashada.

Jubuuti ayaa iyaduna la wadaagta khilaafadkan waddamada dhigeed ah ee Geeska Afrika. Sanadkii 1991 ilaa 1994, kii wuxuu dagaal sakeeye dhex maray qoomiyada Somaalida ee reer Jubuuti iyo Canfarta ay dhulka wadaagan. Dagaalkaas ayaa ahaa mid ka kacay awood qaybsiga labada reerood Soomaalida Jubbuuti iyo Canfarta Jabbuuti.

Suudaan, khilaafkani wuxu ke yeeshay saamayn ba’an. Wuxu sababay dagaaladii sokeeye ee sudaaniidii dalkaas dagganaa. Dagaalkii sakeeye ee sudaaniyiinta dhex mara ayaa dhacay hilaadii, 1955 illaa 1972. Halka kii labaadna uu dhib u qarxay sannadkii, 1983 illaa wuxu socday, 2005 tii. Dagaalkan sokeeye ayaa sal u ahaa in ay koonfurta Sudaan noqoto dal ka madax bannaan Sudaanta wayn. Lix sanno ka dib dagaalku markuu joogsaday, ayuu adduunku dal u aqoonsaday Koonfurta Sudaan.  Loolankooda ayaa salka ku hayay kala duwanaanshiyo u dhexeeya dadka ku kala dhaqan labadadda dhinic ee Sudaan. Hadday tahay diin, dhaqan iyo awood qabsiba. wax yar uun kadib markii ay Koonfurta Suudaan qaadatay madax bannanideeda waxa ka dhex bilaabmay dagaalo sokeeye oo u dhexeeya isla dadka ku dhaqan dhulkaas, 2013kii, kaasi oo ah mid aan wali xal laga gaadhin. Dagaalkaas waxa gundhig u ah isku fahan la’aanta awood qaybsiga iyo kan dhaqan-dhaqaale.

Qoomiyadaha wadanka Uganda degan si guud waxaa loo qaybiyaa afar qolo. Qoomiyada ugu weyn ugu na tirada badan waa qoomiyada Baantuuga. Waxay kalayihiin Buganda, Banyankole, Basoga, Bakiga, Batoro, Banyoro, Banyarwanda, Bagisu, Bagwere and Bakonjo. Waxaa jiray saddex boqortooyo oo waaweyn oo ka kala talin jiray dhulkan gumaystihii ka hor. Saddexdaas boqortooyo waxay kala ahayeen; Buganda, Kitara (Bunyoro iyo Toro) iyo Karagwe.

Gumaystihii caddaa waxa uu markii u horaysay cagta soo dhigay sanadkii 1862dii. Waxaa jiray dagaal diimeedyo dibad baxyo ay kala horyimaadeen Anglicans-kii u yimid qowmiyada Buganda. Anglicans-ku waxa ay ahayeen wadaado wada oo baahinaya dhaqanka iyo diinta masiixiyada waxayna ka tirsanayeen kaniisada Anglican-ka. 1896 ayey maamul maxmiyadeedka Ingiriisku la wareegay gobolka.

Sanadkii 1962 ayuu qaatay wadanka Uganda gobonimadiisii. 1971 waxaa waddanka ka dhacay inqilaab militari oo horkacayey Iidi Amiin Daada oo siddeed sano haystay. Halkaas ayey ka soo bilaabantay in qoomiyaduhu ay kursiga kala dhacaan oo marba qowmiyadi isku daydo in ay inqilaab ku qabsato. Madaxweyne Iidi Amiin Daada waxa uu ahaa qowmiyada Kakwa halka madaxweyne Yuweri Museveni yahay qowmiyada Banyankole, mucaaradka ugu weyn ee wadankan ee lagu naynaaso Bob Wine isna waa qoomiyada Buganda ee degta caasumadda kampala. Qoomiyadaha waddankani iyaguna waxa ay isu dilaan waa kursiga, daaqa, biyaha iyo ka kalluumaysiga harada Fiktooriya.

Ugu danbaynti dhibaatooyinka kale ee aan xusi karo ee Geeska Afrika ka dhaca ayaa ah; dagaanansho la’aan  siyaasadeed ee ka jirta dalalka Geeska Afrika, muranka doorashooyinka ka dhaca dalaalkaas oo inta badan la isku qabsado ama kala qaybsanaan gudeed sababa. dhanka kale musuqmaasuqa ayaa isaguna ah mid mudan in la sheego. Iyadana waxa xusid mudan saboolinnimada ay inta badan wajahaan bulsha waynta ku dhaqan waddamadaasi.  Guud ahaan arrimahaa aan soo taxnay waxa ay qayb ka yihiin ama salka ku hayaan (inter-state conflict iyo inter-state conflict).  Loollankan geeska wuxuu ka dhigay mid fadhiid ah oo aan horumar la taaban karo ku dhaqaaqi karin.

Tixraac:

Mengistu, March 2015
Araia, 6 May 2018
Remembering Eritrea-Ethiopia border war: Africa’s unfinished conflict, 6, May BBC.
The Horn of Afric, a first published,  2013 by Pluto Press.

Hinda Cabdi Maxamuud (Xikma)
Email: hindamohamoud.so@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “