سقوط عالم الاسلامي: نظرة في مستقبل امّة تحتضر by: Abdel-Samad | Vol: 01 – Cad: 99aad

 1,377 View

Indheergarad – Ogos, 27, 2021 – Vol: 01 – Cadadka: 99aad

Waa hordhaca buugga “سقوط عالم الاسلامي: نظرة في مستقبل امّة تحتضر” /Gabbaldhaca Dunida Muslimka: Hilaadinta Mustaqbalka Ummad Naftu iska sii Gurayso, ee uu 2010 qoray Xaamid Cabdisamad. waxa turjumay Cabdicasiis Guudcadde.

***

Barigii Wuu Gubanayaa!

Toban gu’ ka hor ayaa aan dalka Jarmalka ka baranayay aqoonta siyaasadda. Waxbarashadaydu uma ay bilaabmin sidii la rabay, oo waxa i hadheeyay sawracguur iyo halwasho caqiido oo iga helay qurbaha waqooyiga qabow. Si kedis ah ayaa uu ardaygii reer Masar ee Jarmalka u yimi barashada aqoonta iyo xorriyaddu isugu beddelay askari ka tirsan ciidanka loollanka ilbaxnimooyinka. Balse askarigaasi ma uu lahayn taag iyo tab midna. Mana uu haysan hub aan ka ahayn nasahidda nafta iyo nacdalidda kuwa kale. In muddo ah ka dib waxa aan illaawayba arrimihii umaddayda oo ahaa waxa i shiidaalinayay, waxa aanan dhexgalay tiiha Jarmalka; waan deraaseeyaa oo aan lafaguraa. Waxa i soo jiitay qoraayada reer Jarmal ee nafahooda jeedalaya; dalkooda xukumaya; duraya nidaamkooda hantigoosiga, siyaasaddooda ayaanka daran, iyo taariikhdooda ilbaxnimo ee cunsuriyadda xuni ka buuxdo. Buugtaasi waxa ay iga dhigtay afkii baa juuqda gabay.

Maalintii danbe ayaa uu gacantayda soo galay buug qadiim ah, oo aan u maleeyay hanti maguurto ah oo dadkeennu u oomanaayeen. Waa buugga “The Decline of the West” ee uu qoray faylasuufkii iyo taariikhyahankii reer Jarmal ee Oswald Spengler gu’gii 1918. Waxa uu ku ururiyay sababaha uu u aanaynayay in ilbaxnimada Galbeedku ay ku dumi doonto. Waxa aan liqay bogaggii u horreeyay ee buugga, oo ay ka buuxaan dhaliil iyo feejignaan ilaa markii aan soo dhammeeyay hordhiciisa dheer aan ka dareemay daal badan. Marka laga yimaaddo afka adag ee uu buuggu ku qoran yahay, waxa daalka iigu wacnaa sifaynta uu Spengler ku sifeeyay duqnimada magaalannimadii Yurub in ay tahay ilbaxnimo wayday sayladdeedii iyo ruuxdeedii oo afweynta ay u rideen maaddiga iyo qalalaasuhu. Markaas ayaa aan ku lebbistay iswayddiinta: oo horta faylasuufkani ma waxa uu sifaynayaa xaaladdii ilbaxnimadiisu maraysay bilawga qarnigii 20’aad, mise waxa uu u jeedaa xaaladda ilbaxnimadaydu marayso bilawga qarnigan 21’aad? Miyaan isla sifayntaasi ku rumoobayn xaaladda ay marayso dunida Muslimka ee cusubi?

Akhriskii buugga ayaa aan sii waday jeer oo aan ka soo gaadhay weedhan: “Gebagebadana waxa demi doona dabka ilbaxnimada. Balse [ilbaxnimadaasi] waxa ay isku deyi doontaa in ay urursato waxa awood u hadhay si ay u xasuusato wanaagyada tagtadeedii tolmoonayd. Waxa ay isku deyi doontaa in ay ku laabato carruurnimadeedii; balse intaa ay jidka sii hayso ayaa ay iska waayi doontaa tamartii ay ku socon lahayd iyo dooniddeedii in ay noolaato; kolkaas ayaa ay ku soo af go’i doontaa gurigii hooyadeed iyada oo daallan oo quus ah; markaa ayaa ay isku deyi doontaa in ay u oroddo mugdiga ilmagaleenka hooyo; waxa ayna ku soo afmeermi doontaa qabriga.”

Waxa i hor yimi ilbaxnimadaydii Islaamka oo dirqi ku neeftuuraysa iyada oo taagan isgoyska waddada, oo aan garanayn meel loo iisho. Dunida oo dhani waxa ay foolkeeda ka arkaan astaamihii xanuunka. Balse Muslimiintu weli sanka ayaa ay taagayaan, oo waxa ay canaanayaan cid kasta nafahooda mooyee. Waxa aan arkay Muslimiintii oo ka rooraya waaqicooda iskuna qaadaya godadka tagtada, kuna riyoonaya in ay dunida ku furtaan seefo loox ka tuman iyo halkudhegyo dhalanteed ka samaysan.

Dhaliil aan Galbeedka u hayo ma aan dareemin intii aan akhriyay buugga Spengler, balse waxa aan dareemay cadho iyo ismadaxmar igu kellifay in aan joojiyo akhrinta buugga aniga oo aan dhammaynba. Markii u horreeyay ayaa aan ku baraarugay in suuraysiga aan ka haysto ilbaxnimadaydu ay tahay uun xunbo aan kaga dhuumanayay hoogga waaqica, iyo been aan naftayda kaga khafiifinayo qadhaadhka xeelad-yaridayda. Maalintaa laga bilaabo waxa aan nacayb u qaaday Spengler, buuggiisa iyo Jarmalkaba.


Toban gu’ ka dib ayaa ay ii gashay dhiirranaani in aan mar kale ku noqdo akhrinta buuggii Spengler—balse markan aniga oo adeegsanaya fahan kale. Waxa aan isku deyay in aan qaato taladii Spengler ee ahayd in qofka ay tahay in uu u waajaho gabbaldhaca ilbaxnimadiisa si geesinnimo iyo wacyi weheliyo; oo aanu ka xumaan, saa ilbaxnimo waartaa ma jirto e; laabtana uu u sii daayo in gabbaldhaca ilbaxnimooyinku ka mid yahay sunnaha nolosha. Waxa ay iila eekaatay in Spengler uu si wacan u akhriyay waxqabadyadii Ibnu Khalduun, in kasta oo aanu buuggiisa ku xusayn. Ilbaxnimada waxa uu ka soo qaadayaa ubax oo kale: wuu beermaa, magoolaa, dabadeedna qaadhaa. Waxa ay eekaysiintaasi u eg tahay middii Ibnu Khalduun oo ahayd noole; oo maraya marxaladaha dhalashada, dhallinyarnimada, dabadeedna duqnimada, oo ah marxalado ay mareen dhammaan ilbaxnimooyinku—min Faraacinadii, Sumerian, reer Athens, Roomankii, ilaa dawladdii Cusmaaniyada. Waxa uu Spengler ku doodayaa in magaalannimadu tahay marxaladda u danbaysa ee ilbaxnimo marto; waayo waxa ladnaan tirsada dadka magaalada, dabadeedna waxa dema holacii waxcurinta waxaana baabba’a doonistii halganka gudeed. Tanina waa aragti kale oo uu isla Ibnu Khalduun hore u soo jeediyay, markii uu ka hadlayay “Aqoonta Magaalada” oo kaga hadlay iskooxaysigu in uu yahay agab ka mid ah agabyada dagaalka. Waxa uu Ibnu Khalduun xusay in iskooxaysigu ku dhinto magaalooyinka.

Waxa uu Spengler ku doodayaa in marxaladda u danbaysa ee ilbaxnimo lagu garto fadhiidnimo dhammaystiran oo dhan kasta ah. Waxa ay dadku luminayaan ku-baraarugsanaantoodii taariikhda, waxa faafta fawdada feker, waxa la waayaa fanka runta ah, waxa kor mara madaddaalada rakhiiska ah, habfekerkii dadkana waxa isugu soo hadha kimis iyo dheeldheel. Haddii aynu eegno gadaasha go’an diimeed ee qariyay wejiga runta ah ee ilbaxnimadeenna casrigan, waxa aynu arkaynaa in shaacsanayaashan uu sheegayo Spengler ay gacanta ugu hayaan bulshadeenna qaab qaawan.
Waxa dhexdeenna caan ka noqday dhaqanka quudashada indhaha la’ iyo iska’indhatirka deegaanka. Kimista iyo madaddaalada ayaana noqda foogganaanteenna. Heer ayaa aynu gaadhnay ay natiijada kubadda cagta ee Masar iyo Aljeeriya dhexmaraysaa ka qiima-badnaatay masiirka siyaasadeed ee dalalkeenna. Waxa aynu u hollannay soodejinta waxsoosaarka reer Galbeedka, balse waxa aynu iska diidnay in ay soo raacsanno ruuxdii waxsoosaarkaa ka danbaysay; oo ah ruuxda xorriyadda qofeed, cilmibaadhista, dib-isugu-noqoshada, isxisaabinta iyo ilaalinta deegaanka.

Casrinnimadu waxa ay ku dhisan tahay shan tiir: aqoon, waxsoosaar, quudasho, awood ciidan, iyo fekradihii dhaqdhaaqa maanfufka ee Yurub. Waxa ayna u eeg tahay in badanka waddamada Muslimiintu u badan yihiin ay soo deynsadeen quudashada iyo hubaynta, oo ay dayaceen tiirarkii kale, dabadeedna ay isgoosatay oo ay soo baxeen dad aan dunida ku soo kordhin wax sheeggan.

Waxa aynu maanta ku aragno dalalkeennu ma aha loollan u dhexeeya casrinnimada iyo dhaxaldhigaaleedka, sida dadka qaar ku andacoodaan. Balse waa dhimasho ku timi dhaqanka Carbeed iyo ka Muslim ee aan tahli karayn in uu jawaabo run ah ka bixiyo wayddiimaha dhanaan ee casrigu soo ganayo. Waa xaalad shaki feker oo keentay in badhkeen waashaan, qaar kale quustaan, kuwo kalana qalalaase iyo xagjirnimo eersadaan. Waa xaalad agoonnimo dhaqan iyo saboolnimo ruuxaaniyeed ah oo aynu rabno in aynu kaga dhuumanno isdiimaynta bugta ah iyo qayladhaanta ka aloosan qaddiyado aan sii ridnayn. Diintii Islaamku waa ay ka sii madhanaysaa qalbiyada iyo damiirka dadka, waxa aanay isugu soo hadhaysaa gadhka iyo halkudhegyada. Qofka magaca Rabbigiis kaga qaylinaya waddooyinka iyo telefiishannadu beri hore ayaa uu is waayay. Waxaas oo dhamina waxa ay caddaynayaan gabbaldhaca feker ee dunidii Muslimku duntay, kaas oo ay dabasocoto gabbaldhac maaddiyeed qaab darani.

Galbeedka marka la joogo, waxa dad badani ku sirmaan islaamnimada waddooyinka iyo qayladhaanta xagjirka ee dalalkeenna, waxa ayna u qaataan in Islaamku awood ku soo gelayo Yurub si uu u qabsado oo u muslimiyo; innaguna waxa aynu u aragnaa in Galbeedku u ham-iyo-dig leeyahay sidii uu doonyahiisa dagaal kula wareegi lahaa dhulkeenna, si uu u gumeeyo deegaankeenna oo u uskageeyo muqaddasaadkeenna. Marka Galbeedku akhriyo taariikhdeenna, waxa u soo baxaya uun qabsashadii Andalus, weerarradii Barbarka iyo ruqaansashadii Cusmaaniyiintu ku ruqaansadeen Yurub; haddii aynu innagu akhrinno taariikhda Galbeedkana, waxa ina hor imanaya uun Dagaalladii Iskutallaabta iyo gumaysigii. Marka ay Galbeedku taariikda cusub eegayaan, waxa ay ka soo bilaabaan dhacdooyinkii 9/11; innaguna waxa aynu taariikhda cusub ka soo bilawnaa qabsashadii Falasdiin iyo Ciraaq. Walow ay taariikhahani yihiin xaqiiq diwaangashay, haddana akhrinteennaas—Bari iyo Galbeedba—waxa ku jira deelqaaf, ama ugu yaraan dhinnaansho. Dhibta innaga haysata marka aynu taariikhda akhriyaynaa waxa weeye in aynaan arkayn cid aan innaga ahayn, oo aynaan waajahayn wax aan cabsiyadeenna ka ahayn. Haddii aynu taariikhba akhrinno, waxa aynu iska jecel nahay in aynu weynayno nafaheenna, dadka kalana waxa aynu u aragnaa shayddaan arxandaran, oo lid dhammaystiran innagu ah ama lid ku ah waxa aynu rabno in aynu noqonno.

Dunida Musliminku ma xoog yara e, way xeelad yar tahay. Casrinnimada iyo ruuxdeedu innaguma habboona, kumana aynaan laaban iskooxaysigii Carbeed ee qadiimka ahaa ee isagu kari karayay tabaabushaynta farda-fuulka iyo hubaynta ciidanka. Magaalannimadeennu waxa ay ku hadhay caloosheenna, ciidankeenniina waxa uu ku hadhay dhuunteenna. Waxa aynu ku nool nahay fadhiidnimo fekereed iyo siyaasadeed, xilli la marayo carra-edagayn u baahan dhabaradayg. Waxbarashadeennii baa hoos u dhacday waagii aqoonta iyada oo lagu jiro. Waxa cirka isku shareeray masiibooyinka deegaan iyo gibil, oo halis gelinaya mustaqbalka dhaqaale ee dawladaha Muslimiinta, iyo xataa biyihii la cabbayay. Waa sababta ka dhigaysa abqaalka gabbaldhaca dunida Muslimka mid aan ahayn keli ah darbo fudud e, sida oo kale leh dhinacyo taariikheed, bulsheed, iyo siyaasadeed.


Waxa suuragal ah, haddii aynu isu madaxbuuxinno, in gabbaldhacanba aynu u aragno fursad wanaagsan oo bilaw cusub ah. Guri hore oo dumay kama dhigna in noloshu dhammaatay e, waxa jira suuragalnimo lagu dhisi karo guri cusub oo leh sees la jaanqaadaya ruuxda waaga la marayo iyo dalabyadiisa. Duulduulka casriga cusub ee dalalkeenna soo gaadhay, marka aynu tusaale u soo qaadanno Masar iyo Iiraan, marka laga soo tago nidaamyadii waxcunka ahaa, waxa aynu ku arkaynaa ruux dhallinyaro ah oo u doonaysa isbeddel iyo cusboonaysiin. Loollanka ilbaxnimooyinku ma aha abqaal yar uun e hadda waxa uu noqday waaqac la taaban karo. Balse loollankaasi uma dhexeeyo uun Bari iyo Galbeed, sida uu u arkayay Samuel Huntington e, waxa uu u dhexayn karaa Bari iyo Bari; waxa uu u dhexayn karaa ruuxda isbeddelka iyo ruuxda fadhiidnimada ee dunida Muslimka ka wada jira. Kumannaan dhallinyaro ah ayaa go’aansaday ka-tegidda qaabdhismeedkii hore iyo raadsashada xalal qofeed ku habboon rabitaannadooda iyo baahiyaha noloshooda. Balse ka-baxsashada nidaam hore waxa ay u baahan tahay dhisaal cusub oo gunta ah kuna taagan sees bedqaba oo qoto dheer. Haddii aanay dhallinyaraasi helin seesaskaasna, tamartoodu waa ay lumi doontaa, haddiiba aanay ku danbayn gacankahadal iyo fawdo. Qaahira iyo Dehraan, iyo magaalamadaxyada dalalka islaameed ee kalaba, waxa ay noqdeen garoon uu ka dhaco loollankaasi, natiijadiisana waxa ka go’aangaadhi doona mustaqbalka guud ee umadda.

WT: Aw Guudcadde.

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “