Kamkamkii Kalluunka | Vol: 01 – Cad: 100

 778 View

Indheergarad – Ogos, 29, 2021 – Vol: 01 – Cadadka: 100.

Way is gaabisay, qunyar ayay shaf gariiraya dhulka dhigtay. Qabowga iyo qallafsanaanta daran ee dhulka ayay dareentay se dan kama aysan galin e waa ay isku nabtay, ilaa ay kamid noqotay dhulkii. Walow ay soo oroday, haddana waxay isku hawshay inay hinraageeda iyo hugunka laabteeda xakamayso. Sida ilmaha qayliya naaska loogu aamusiiyo ayay dhug-dhugta wadnaheeda ciida ku aamusiisay. Dhaqdhaqaaqa xubnaheeda iyo neefsigaba waa ay joojisay. Indho didsan oo baqanaya ayay horteedii ku eegtay. Waa bartii uu shanqarta iyo shiirkuba ka jiray. Waxba se waa arki wayday. Walow mugdi iyo madow badan jiray, dhulkuna ilays la’aan ahaa, se iyada taasi kama qarin kama na hor istaagin. Mugdiga wayba ku shaqaysataa. Cawska iyo caleemaha ku meegaaran ee ay dhexda kaga jirta ayay ku sababaysay wax arki la’aanta. Iyada oo shanqartiranaysa oo sidii u dhabbacan ayay sida askari dagaal ku jira horay ugu siqday. Goortii ay gaadhay goobtii ay wax ka arki kartayna way joogsatay. Imika si waafi ah ayay wax u arki kartaa.

Xididdadii indhaha iyo xubnihii jirka ee baqdinta isugu soo aruuray ayaa kala furfurmay. Neeftii iyo wadnihii ay xakamaysayna dib ayay u fasaxday. Beerka iyo boga oo goorahanba dhulka kamid ahaa ayaa sidoodi dib ugu noqday. Farxad ayayna la sara kacday. Waxay garatay waxa horteeda uga muuqday. Wixii shanqaray una soo shiiray ayay aqoonsatay. Walow aysan xilligan uga baran, haddana inuu isagii noqdo ayay aad ugu faraxday. xaskii jikada ku agyaalay ee ay ku dhexjirtay ayay qunyar qunyar uga soo baxday oo dhankiisa aaday. Dhankii shanqarta iyo shiirka. Gaajo daran iyo harraad ayay kax la ahayd, taa In la’eg ama ka badan ayay sidoo kale ruuxdana ka baahnayd. Hamuunka ay cunnada u hayso, waxaa ka daran hilowga ay isaga u qabto. Saddex caano-maal indho ma aysan saarin. Haddana filanwaa ayay ku noqotay aragiisa.

* * *

Caawa waxbaa ka si’ ah. Sidii lagu yaqaanay ma aha. Isaga kaliya ma ahee cimilada iyo cirkuba inay wax ka khaldan yihiin ayuu u arkaa. Iyaga kaliya maahee wax walba oo ku hareeraysan waxbaa ka khaldan. “Horta cirku caawa foolxumaa!” ayuu hoosta iska leeyahay. Habeenno ayuu arki jiray cir buluugan oo caad ka saafi ah iyo xiddigo tiro beel ah oo aad u dhalaalaya. Kololna dayax ku meegaaran xiddigo oo si xarrago leh daruuro cadcad oo khafiifa u dhex-jibaaxayaan ayuu daawan jiray oo la ashqaraari jiray. Jilaa hindi ah oo caana, oo istaafkiisa ku hareeraysan oo mawjado atariishooyin qurqurux badan dhexqaadayo ama ay daba iyo hor marayaan ayuu ku masaali jiray. Sida uu tusaalaha ula helay ayuu ka yaabi jiray oo kaligii iska qosli jiray isagoo isku camiraya. Deganaanta habeenkii iyo ashqaraarka cirka ayuu ka yaabi jiray oo habeeno iyo habeeno aamusnaan ku qaadan jiray.

Caawa se cirku cirkii ma aha. Quruxdii uu ku yaqaanay na ma leh. “Oo waxan oo foolxuma ahi miyay u qarsoonayd?!” ayuu iswaydiinayaa. “Oo wixii qurux ahaa meeday?” ayuu mar kale hoosta ka yiri. Daruuro madow iyo cadaan isugu jira oo gabal-gabal ah oo yaryar oo sanka isku wada haya ayaa cirkii isku fidiyay. Gashaanti foolxun oo make-up marsan jirtay se caawa soo illowday ayuu ku masaalay. Kuma se qancin intaa. Gashaanti si foolxun make-up aan midibkeeda loogu tala galin soo marsatay, oo wajigeedi dhammaa bar madow iyo bar cadaana wada noqday sidii lax budo ama dambas ku kuftay ayuu ku masaalay. Qosol dheer ayuu ku dhuftay. Waxay u muuqataa inuu u riyaaqay tusaalaha dambe oo uu ku qancay.

Saacad ayuu jikada dhex fadhiyaa. Kayse kaakigii uu saaka gashaday oo magaalada kusoo galay ayuu weli ku taagan yahay. Shaadh qallafsan iyo surwaal jeermisa ayuu xidhan yahay. Labo aan dhaaminna waa ka hooseeyaan, garan iyo nigis. Muuqaal ahaan waa barbaar dhuuban oo madow furan, Timo madow oo jilcan iyo sandheer ayaa uu leeyahay. Indho godan oo ay ku yaryihiin xididdada naxariista ayaa meel fog ka soo muuqda. Kolka laga soo tago waxbarashadiisa dugsi sare, ma jirto wax wacyi iyo wacdaro kale oo uu leeyahay. Gelinka hore iskuulkiisa ka dambana kubbadiisa. Habeenkiina la cawaynta saaxiibadiisa iyo eryashada gashaantimaha la ayniga ah.

Sida caadiga ah marka uu guriga soo galo qolkiisa ayuu ku horrayn jiray oo isaga soo badali jiray dharka. Deedna musqul, cunno, cabitaan, iyo waxyaabihii kale ee uu u baahdo u hollan jiray. Se caawa kolka uu kadinka kasoo galay jikada ayuu u hor galay. Gaajo kama aha oo waa kan saacad isaga dhexjira isaga oo aan weli afka wax saarin. In uu xanaaqsan yahay, in laga soo xanaaqay, inuu cabsanayo, in laga cabsanayo, in uu warwarayo, iyo in laga warwarayo ka ay tahayba waa kaa isla aamusan ee ku dhaygagsan birjikada dansan ee hortiisa taala.

Digsi daallan oo dabku dabadiisa madoobeeyay ayuu gacanta la tiigsaday. Daboolka ayuu ka fayday, Waa bariis. Isaga oo kaliya ayaana haray oo reerka intiisa kale waa casheeyeen. Waxa uu ka fekeray inuu saxan ku rito iyo inuu digsiga ku cuno. Intuu hamaansaday ayuu ta dambe qaatay. Gasacad kalluuna oo uu sitay ayuu la soo baxay oo fiiqay. Saliidii ayuu inteedii badnayd dhulka isaga qubay oo afka digsiga u wada galiyay kalluunkii iyo in dheecaana oo ku reebay. Markiiba jiq jikada ku agtaallay ayuu jabaq ka dareemay. Wuu eegay. Walow ay mugdi ahayd, haddana wuxuu arkay hummaag xayawaan oo sii dhabbacanaya. Dan iyo heello kama uusan galin ee cunnadiisii ayuu faro aan loo faraxalin iskala galay. Kolka uu dhawr mar cantoobsaday oo bishimo aan bisinka qabanin ku qaniinay, caloosha u sii diray ayuu arkay hummaagii jiqda iyo xaska dhabbacsanaa oo sare kacay. Garay! Waa Bisaddiisii! Waxay soo raacday shanqarta iyo shiirkii kalluunka.

* * *

Inta aysan gaarin kahor ayaa sidii oo ay shaqo badan qabatay oo ay daal naf la tahay isku kala bixisay barxad yar oo isaga ka sokaysay. Afarteeda addin ayay horay iyo gadaal u kala jiiday oo jimicsatay. Deedna qunyar caadi iska dhigtay oo dhankiisa aaday. Hamuunta ay kalluunka u qabto waxa kaga darnaa hilowga ay kubkiisa iyo gacan salaaxiisa u hayso. Kolkay soo gaadhay ayay sidii maskii lugaha isaga martay iyada oo ursanaysa iskuna xoqaysa. Urtaas iyo isku xoqaasi diirimaad, degenaan, iyo dugsiino ayay u ahayd. Kayse, sida ay ka filaysay ama ay ka baratay madaxa gacanta uga ma salaaxin. Inta “Bis” yiri ayuu iska durjiyay, oo cunnadiisii iska sii watay. bar go’ ayay dareentay oo mar kale lugaha isaga martay. Kayse oo Isna dareemay inay bisadii mar kale soo laabatay ayaa lugtii ay isaga martay ku riixay oo ku riixay, haddana ku waabiyay oo ku waabiyay ilaa uu iska fogeeyay.

Ujeedkeedu waxa uu ahaa inay marka hore baahida ruuxda quudiso oo weheshato urtiisa oo isku xoqa jidhkiisa ku waraabiso. Ruuxdii dhaxanta, cidlada, kelinimada, roobka iyo mugdigaba la deris ahayd saddexdii habeen iyo maalin ee uu guriga ka maqnaa. Deedna jidhka quudiso oo kalluun, hilib wuxuu siiyaba cunto. Labo jeer oo kale oo ay isku dayday inay hoosta ka gasho wuu iska eryay. Inay caawa wax khaldan yihiin oo sidii hore Kayse ahayn ayay dareentay. Haqabtirka ruuxda inaysan caawa suuraggal ahayn ayay sidoo kale istusisay, oo u hollatay dharjinta caloosheeda mar haday ruuxda suuragaliwayday. Inta si quman meel ka agdhow isu qotomisay ayay catow ay cunto kaga dalbayso, siiba kalluunka ku bilowday. Miyaw! Miyaw! Miyaw!

Kayse, inuu wax u tuuro ama meel u dhigo daaye dhankeedaba ma uu eegin. Intay yaabtay ayay kusii durugtay oo lugteedii si debecsan ku soo jeedisay sidii oo ay lee dahay “war maxaa caawa kaa khaldan?”. Bal maxaa ku watay! Bal maxay hoosta uga gashay, bal maxay u taabatay! May meesheeda ka yawyawlayso, hadduu siiyane aragto haddii kalena isaga tagto. Kayse oo malaha dulqaadkii ka dhamaaday ooba sugi la’aa fursad uu bisadda ku helo ayaa bahal laada shafka iyo madaxa kala helay. Kolka laga tago awoodiisa oo uusan waxba kala reeban sidoo kale waxa uu xidhnaa buud adag.

Iyada oo aad moodo fallaar la ganay ayay kadinka jikada meel alaabtii lagu casheeyay ku filiqsanayd ku dhex dhacday. Markiiba waa dawakhday oo iskala garanwayday. Jug culus ayaa madaxa iyo dhinaca midig ka gaartay. Qayli ayay maagtay se naqaskii ayaa ku dhagay. Sidii oo ay nafta hayso ayay afka kala waaxday, oo hawo xoog ku raadisay. Weli se hawo hagaagsan ma aysan helin. Kac oo carar oo meelahaa hawo iyo nefis u raadso ayay maagtay. Se taana kari wayday, lug iyo dhinacba way dhaqaajin wayday. Waxay xaqiiqsatay in dhaawac culus soo gaadhay. Way ilmaysay. Illin aan dhawaaq iyo cod wadan. Ilmadu kala xanuun badan. Dhawaacuna kala daran. Inaad hoos u ooydo ama codba iska waydo waxay lamid tahay dakhar madaxa kaaga dhacay oo dhiig maskaxda ku furmo, halka ay ahayd inuu banaanka u soo burqado. Dhaawaca sokeeyaha ama wehelkaaga kuu gaysto waxay lamid tahay adiga isdooxay.

Bisiddii kolkan ilmadii waa ay joojisay. Maya e waa ka dhamaatay. Iskeed ayay ilmadii isaga istaagtay. Halkii ay ku dhacday ayay si qaabdaran weli u taallaa. Weli sidii ayuu naqaska uga xiran yahay. Kolkan indhaha ayay cadaynaysaa marna Kayse ayay eegaysaa oo caawimaad ka rajaynaysaa. Haddii ay kari karto afkeeda dhareerka iyo dhiiga ka da’ayo ayay kala furi lahayd oo hadal u hollan lahayd. Haddii ay hadal kari karto waxa ay galabsatay ayay waydiin lahayd. Sidan hadduu u galayo sababta duhurkii u horraysay ee ilmihii dhagaxa hurdada kaga toosiyay uga celiyay ayay waydiin lahayd. Damiirkii duhurkaa u damqatay waxa caawa iska beddelay ayay wax ka su’aali lahayd. Sababta uu naxariista markii hore ugu muujiyay mar hadduuba nacalad isu beddelayo ayay waydiin lahayd.

Waxay u qaadan la’dahay Kaysihii laabta ku qaadan jiray inuu caawa wax ku ag raamsanayo iyada oo naqas iyo jug culus la kici la’. Jugta jidhkeeda soo gaaray midka ruuxda ayaa ka daran. Kayse, waa Aadanaha kaliya ee ay aamintay xilli iyada oo yar ay dugaag iyo dadba isku dayeen inay dilaan.

* * *

Waxay xasuusataa iyaga oo afar ah oo hooyadood qadhaab uga maqan tahay in duul is eryanaya dul mareen. Waa ciyaal iska ciyaarayay. Afartii bisadood ee dhasha ahayd labo kamida ayaa dhimatay. Markay labadii kale qayliyeena carruurtii ayaa ku soo jeesaday oo dhagaxyo la dhacay, sidii oo ay dhashu sinaysteen. Iyadu waa ay yarayd. Walow ay isbuuc dunida joogtay, haddana sidii oo ay bilo joogtay orodyahannad na tahay ayay cagaha wax ka dayday. Falsafadda tiraahda naftu orod bay kugu aamintaa ayaa si dabiici ugu tollayd. Iyada mooyee tii kale halkii ayay ku qur-baxday. Maalintaa wixii ka dambeeyay nolol silac, saxariir iyo hooyo la’aan ah ayaa u billawday. Xaafadda uu qaddarku dhexgeeyay kuma oolin kawaan iyo barkulan ay bisaduhu ku kulmaan. Middaasoo silaca u sii labanlaabtay. Haddii aan maalin la dakhrin, maalinta xiga ayaa la dakhri jiray. Sida qofka xanuunka la nool uu jidhkiisa wada irbado u noqdo ayay iyaduna jidhkeeda wada nabar iyo dakhar u noqday.

Waxay ciidda, caleemaha iyo hambada dadka soo daadiyaan cunto, mararna baahi iyo bahdilaad isaga seexato oo dadka iska ilaaliso, ayaa habeen saqdhexe iyada oo surin madow badhtankii si taxaddar leh u maraysa dhawr Xoor oo xanaaqsan horay iyo gadaal kaga yimaadeen. Habeenkaa xag alle uun bay ka noolayd. Xag alle uun bay ka badbaaday. Lug ayay jiidaysay, madaxuna wuu dhiigayay kolka ay luuqa baas iyo afartii xoor ka soo baxsatay. Habeenkaa ayay qorshaha ku darsatay kaliya inaysan dadka iska ilaalin ee sidoo kale dugaaggana iska ilaaliso. Ma aysan jirin bisad ay saaxiibaan, si ay waayaha dunida ee arxanka daran isaga dugsadaan. Dhawr mar ayay curri kulmeen isaguna wax aan hammo iyo galmo ahayn uma uusan soo bandhigin.

Waxay silicaaba isaga noolaydba ayaa duhur sidii caadada u ahayd iyada oo geed weyn iskaga harsanaysa ayaa carruur soo agmareen. Horay ayay ka boodi lahayde, hurdo dheer ayay ku jirtay. Labadii habeen ee u dambeeyay ayay bahalo iyo baahiba ka seexan wayday. Hambo yar oo ay geed har macaan ka heshay kolkay isku taagtay ayay harsi iyo hurdo u hollatay, deedna hurdo macaan oo aysan waayadan arkin gashay. Mid habaarqabe ah oo carruurtii soo agmartay kamid ahaa ayaa arkay bisada huruda. Deedna si uu saaxiibadii ugu cadeeyo inuu shiishyahan yahay ayuu dhagax qaatay. Inta karaankiisa intuu iskala jiiday ayuu mukulaashii ku halgaaday. Dhagaxii oo maqiiqan ayaa bisadii oo huruda bawdada kaga dhacay. Qaaaq! Kol qudha ayay hawada u haaday, oo geedkii ay hadhsanaysay madax la heshay. Iyada oo jug iyo jahwareer kii hore ka daran lasoo laabatay ayay dhulka si qaab daran ugu dhacday. Waxay garan garanwayday balaayadu barta ay uga timid. Sidii wax dardaran ayay iska daba wareegtay.

Carruurtii ayaa kol qudha qosol iyo qaraaxo la kala daatay, oo habaarqabihii ugu hambalyeeyay shiishyahannimadiisa. Ku kale oo ka masayray hambalyadaa ayaa u holladay dhagax qaadasho si uu isaguna u caddeeyo inuu shiishyahan yahay. Qosolkii ayaa la joojiyay oo la isu daayay bisadda weli sidii isaga daba wareegaysa iyo basharkan iskala jiidaya. Nasiib wanaag iyo nasiibdarro ka ay tahayba inta uusan tuurin ayaa barbaar luuq kasoo baxay. Waa Kayse oo iskuulkiisii ka yimid. Waxa uu arkay bisada dhibban iyo carruurtan dul taagan. Markiiba wuu kala eryay deedna socodkiisa iska sii watay. Walow aysan wajigiisa si fiican u arkin, laakiin waxay dareentay inuu wali dunida joogo noole iyada u damqanaya. Waxay jeclaysatay inuu horay u wato, Inuu horay u kaxaysto, hadduu doono addoonsado oo lahaado, kaliya dadkan iyo dugaaga uun inuu ka celiyo. Se taasi ma aysan dhicin iyaduna markiiba ma aysan dabagali karin xaalad jahwareer oo ku sugnayd awgeed.

Iyada oo ay xaalkaa isaga noolayd oo meelaheeda isaga qaadhaabata oo silac adduun u yarayn, ayaa habeen habeennada kamida, xilli fiid dambe ah wax u soo kamkameen. Guri ay gidaarkiisa hoos maraysay ayay wax uga soo shiireen. Waxa uu ahaa kamkam Kalluun! Ur kalluun oo aad udgoon ayaa sankeedu saaqay. Markiiba gidaarkii ayay fanatay oo u dhacday gurigii. Barbaar feera qaawan oo jikada ku cashaynaya ayuu ahaa. Waxa uu xidhnaa macawis sarando ah, waxa uuna u muuqday mid uu jawigiisu markaa wanaagsan yahay. Dhawr jeer markay ku catawday ayuu in kalluuna siiyay. ilbiriqsi ayay ku leeftay. Barbaarkii oo ka yaabay baahida bisada ayaa in kale oo intii hore ka badan siiyay. Way laastay. Haddana in kale ayuu u dhigay, si lamida ayay u dhammaysatay. Barbaarku waa u dhigaa, bisaduna waa leeftaa, Kolkay dharagtay ayay wajigiisa eegtay. Waxay ka fekertay noolihii badbaadiyay duhurkii iyo midkan caawa wax siiyay waxa ka dhaxayn kara. Waxay qorshaha ku darsatay inuu jiro noole labaad oo u diirnaxa. Ogaalkeeda oo yar awgii ma garan karto inuu qofkan yahay isla kii duhurkii badbaadiyay. Kayse, Kayse Faarax Aw Geedi.

Sidii ay habeenkaa Kayse iyo gurigaa u baratay waxay ka nasatay gaajadii iyo harraadkii joogtada ahaa ama maalmo xidhiidhsanaan jiray. Waxay isku beegtaba xilliga uu casheeyo ayay habeen iyada oo kalluun uu hoostii dhigay cunaysa madaxeeda iyo dhabarkeeda ayuu gacan qabow si dabacsan ugu salaaxay. Jiriricyo ayaa ku jajabtay, heer ay joojisay cunida kalluunkii. Deganaan iyo macaansi aysan abid dareemin ayaa jidhkeeda wada saaqay. Habeenkaa wixii ka dambeeyay wehel ayay ka dhigatay, illaa markii dambe ayba gurigiiba soo degtay. Nasiib wanaag carruur guriga kuma noolayn se Hooyadii oo ay maalin caano ka daadisay ayaa la collowday. Kasha, hiifitaanka, iyo halgaada ay maamada kala kulanto gacanta macaan ee Kayse iyo kalluunka uu siiyo ayay ku illoowi jirtay. Marba marka ka dambaysa wehel ayay ka dhiganaysay illaa ay u gudubtay inay seexato sariirtiisa markuu maqanyahay iyo markuu joogaba.

Codkiisa waa ay ka baratay codadka dadka kale, xattaa garaaca albaabkiisa waa ay ka taqaanaa kuwa kale. Kolka uu sidaa kadinka uga soo galo, inta iska fiiriso maamada, haddii aysan u jeedin, ama gurigaba joogin dhankiisa ayay u ordi jirtay, iyada oo farxad iyo raynrayn ku soo dhawaynaysa. Isaguna laabta ayuu ku qaadi jiray, ilaa uu aqalka la galo. Deedna qunyar dhulka dhigi jiray. Inta uu dharka iska baddalayo lugaha ayay isaga mari jirtay iyada oo jidhkiisa ay isku xoqaysa diirimaad iyo deganaan ka raadsan jirtay, marmarna dhulka ayay is daadin jirtay iyada oo dhabar-dhabar u jiifanaysa oo boggeeda iyo beerkeeda jilicsan xaga sare soo marinaysa. Middaa oo ay ku caddayn jirtay kalsoonida buuxda ee ay isaga ku qabto. Inta badan bisaduhu kolka ay dhiillo dareemaan ama ay joogaan goob aysan ku kalsoonayn bogga ayay dhulka u dhaweeyaan ama ku nabaan, waayo waa halka ay u jilcan yihiin. Kayse, waxa uu u ahaa nolol. Waxa uu u ahaa daaqadii ay daryeelkiisa sida iftiinka uga aragtay. Waxa uu u ahaa xarigii ay kaga soo baxday haadaantii madoobayd ee ay maqaadiirtu dhexdhigtay. Waxay isku qancisay badhaadhihii iyo barwaaqadii ka awdanayd in imika loo fasaxay. Way ka raysatay diiftii, diihaalkii, iyo darxumadii ay ku noolayd. Waxaa waa isdaayeen.

Sida uu xaal sidaa u ahaa ayay mar qudha Kayse wayday. Saddex habeen iyo maalinkoodii. iyada se dhankeeda markaa sanooyin ka ahaa. gaajo, harraad, cidlo, hilow, roobab ayeey dib ula deristay. Dhawr jeer oo ay shanqar jikada ka dareentay oo Kayse u malaysay, oo ay u soo oroday ayaa kal haadaysaa ka hor timid. Waa Kayse Hooyadii oo jikada ku jirta. Kol uu hilow, iyo kelinimo googooysay, ooba soo xasuusatay waayaheedii hore ee qadhaadhaa ayaa habeen xilli dhulku mugdi yahay, oo korontadu maqan tahay jikada ka maqashay shanqar. Maamadii inay tahay ayay isku qancisay. Se, kolkii uu Kamkamka Kalluunka sankeeda ku saaqay ayay garatay inuu Kayse yahay ka jikada ku jira, haddana ka shakisay inay maamadii tahay. Waa tii soo oroday ee kadinka jikada bareeg ku qabatay. Hubsasho awgii waa tii dhex dhabbacatay cawska iyo caleemaha is dhexgalay ee jikada ka agbaxay. Waa tii indhaha ku baniinisay noolaha jikada ka shanqaraya, ee kolka ay hubsatay inuu Kayse yahay kor u booday farxad awgeed oo dhankiisa u oroday. Xusuustaa dheer ee qaraarka, iyo macaanka isugu jiray ayay ilbiriqsiyo sidii cajaladii isugu bedbedeshay.

* * *

Caawa way aamini la’dahay Kaysahani inuu Kaysihii yahay. Wehelka iyo noolaha kaliya ee ay dunida ka haysatay inuu dhaawacan u gaysan doono marnaba kaskeeda ma soo galin. Habaarqabihii duhurkii hurdada dhagax kaga kiciyay iyo Kayse farqiga u dhaxeeya ayay ka fekertay, In aan waxba u dhaxayn ayaa u soo baxday.

Wax kasta bilawgii ayaa laga baaqsan lahaa haddii la sii ogaan lahaa dhammaadka, iyadu ogaal ba ma laha oo maba taqaano waxa socda iyo sida ay u socdaan. Marka cidi dhibaataysana ma waydiin karto sababta ay ugu gaysatay. waayo maba hadli karto. Dareen ayay isticmaashaa marka ay rabto in ay dadka la xiriirto qof aan qalbigiisu foorarin ayuun baan dareemi kara. Kayse qalbigiisu caawa miyuu fooraraa? Dareemihii uu duhurkii dhagax hurdada looga kiciyay iyo habeenkii u horraysay ee ay baahi la hoos yuusaysay uu ku qaabilay, caawa miyay ka maqanyihiin? Xaggee bay ka aadeen? Mise kaliya muudhkiisa ayaa markaa saxsanaa se, caawa kharriban? Waa caado nacladdani uu leeyahay in dareenkiisa iyo dadka is dhexgaliyo. In uu si qumman oo qiimo leh kuula dhaqmo waxa ay ku xiran tahay hadba muudhkiisa iyo jawiga uu kolkaa ku jiro. Waa sababta qoyskii uu saddex maalin iyo habeenkood uu ka maqnaa uusan u salaamin ee jikada iska galay. Shanqartiisa kolkay hooyadii maqashay ee dhawr jeer “Waa ayo?” tiri kol dambe “Waa Kayse!” Uga baxay ee ka aamusay. Nin sidaa dadkii ula dhaqma oo miisaanku ku yaryahay sidee buu ku qaabili lahaa bisad yar oo isku martay.

Iminka waa ay is dhiibtay oo tabartii ayaa ka sii dhamaatay. Irridihii caawinaada iyo badbaadada inay isa soo xidheen ayay istusisay. Dheecaan ama qoyaan yar oo ay dhanka midig ka dareentay ayay isku dayday inay ogaato. Se ma awoodi karin inay isdhaqaajiso. Waxay dareentay xanuun iyo olol daran oo cagaha hoose kaga soo bilaabmay. Kol qudha oo naqaskii u soo laabtay ayay qaylo afka jabsatay. Miyaaaaaaaw! Miyaaaaaw! Kayse, oo u haystay inay mar hore bahashu tagtay ayaa qayladeedii dhagaha farta galiyay. Deedn dhibsaday wax ku halgaaday. Kolka laga soo tago inay nafis u cabaadaysay, sidoo kale waxay is lahayd wuu kuu diirnaxayaa oohintaada iyo cabaadkaada ayaa damqin doona, se kashan maqiiqan kolkay aragtay ayay orod jabsatay. Goor ay booday iyo si ay u booday ayay garanwayday. Waxay xasuusatay bootintii maalintii iyaga oo yaryar labo na mayd ka ahaayeen iyadana dhagax la huwiyay.

Sidii hore ma aha oo lugaha ayay jiidaysaa. Mayee qaarka dambe oo dhan ayeey dhulka ku jiidaysaa! Dhaawaca soo gaaray jug kaliya waa ka cuslaa. Waxa ay ku dul dhacday oo maacuun kala duwan ahayd waxaa kamid ahaa mindi! Taa oo kellida ka gashay ilaa iyo bawdadana jeexday. Waxay sii jiitantaba waxay gashay jiq musqusha u dhawayd. Halkaa ayay nolosheeedii intii ugu dambaysay ku qaadatay. Waa taa gariirtay, sidii oo ay koronta haleeshay. Waa taa afarta addin soo kogeen, sidii oo ay qalal qabto. Waa taa naftu qabatay ee qaarka hoose ka soo gurantay. Waa taa xubin walba oo ay kasii baxdo naftu ay qabow baarid–barafa noqotay. Waa taa qaarka sare iyo sadrigeeda la soo gaaray. Waa taa indhuhu cadaadeen ee kor ku dakhrameen. Waa taa margiyada dhuunteedii soo wada baxeen sidii oo xarig lagaga xiray. Waa taa afkeedii xumbo iyo dhiig buuxiyeen. Waa taa qunyar qunyar naftu uga socotay oo uga socotay, uga socotay ilaa ay mar qudha gariirkii iyo dhaqdhaqaaqiiba joojisay ee wada qabowday. Waxaa isku mar ahaa neefsigeedii u dambeeyay iyo cantuugadiisii u dambeeyay ee uu afka u diro. Ham!

WQ: Dacar Aw Daahir.
Email: awdacar@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 46 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “