
1,760 View
Indheergarad – Diisenbar 12, 2021 – Koobin – Vol: 01 – No: 76
ISBEDDELLADA KU YIMID QIIMAHA SUUGAANTA IYO SUUGAANYAHANKA
Darse: Tawakal Cabdi Ismaaciil (MA)
Jaamacadda Jigjiga
Mac’hadka Daraasada Af-soomaaliga iyo Suugaanta
Waaxda: Daraasada iyo cilmibaadhista
abwaanxays11@gmail.com
Hordhac
Sida ka muuqata ciwaanka, qormadani waa daraasad aan uga golahaa inaan waxa ka iftiimiyo isbeddello guud oo ku yimid qiimaha suugaanta iyo suugaanyahanka waxaanan kaga hadlay qodobo dhawr ah kuwaasi oo aan u maray hab cilmi-baadhis, si aan u ogaado cunsurrada sal-dhigga u ah isbeddelka. Waxaanan maqaalkan ku soo koobay macluumaad badan oo aan helay muddadii aan ku guda jiray cilmi-baashista; waxaan ka soo qaatay weedhaha indheergaratada iyo hawraarta suugaanyahannada oo ah daliilada ugu miisaanka culus ee loo cuskan karo caddaymaha caqabadaha taagan iyo meesha ay ka soo unkameen.
Raad-raac
Tawakal Cabdi I. (2020) Dheefta Suugaanta: Qaahira: Hiilpress (bog 234-36)
***