Sooyaalka Dheddigoodshaha | Vol: 02 – Cad: 103aad

 1,325 View

Indheergarad – Maarij 09, 2022 – Koodaar – Vol: 02 – Cadadka: 103aad

Hordhac:

Mabaadii’da Dheddigoodshaha iyo Asbaabaha Dhaliyey.

Ereyga Dheddigoodshe oo aan u adeegsaday (Feminism) af walba oo lagu ereybixiyo sida uu galti ugu noqonayo uuna uga asalsanyahay midkaa Ingiriisiga ah ee—Feminism—ayuu aragti ahaan iyo mabda’ahaanna meelkasoojeed rasmi ah u leeyahay fikirkani. Si walba oo loo carro-edegeeyona barta uu ku dhashay ee xudduntiisu taallo ayuu ku bilaabmayaa nuxur ahaan kuna dhamaanayaa—aan dhaho waa marka fikirka Dheddigoodshaha laga tixraaco; taariikh ahaan qofka ebyey oo Charles Fourier ahaa, aragti ahaan qofafka qaabeeyey ee aragti falsafadeed oo mabaadii’ ay ka duulayso leh ka dhigay sida Simon De Beauvoir, kooxaha u doodday dhaqangalinteeda saaxadda indheergaratada ka saaray ee bulshada dhexdeedda uga ololeeyey sida dhaqdhaqaaqii Suffragist,  iyo juquraafi ahaan meeshii ugu horraysay ee laga dhaqangeliyey. Intaasba marka la isku daro Galbeed ayaa noqonaya rugta loogu abtiriyo dheddigoodshaha— feminism. Qeexitaankani waa fasirka ay kaga gaabsadaan aragtidan guud ahaan bulshada Muslimiinta ahi, gaar ahaanna bulshada Soomaaliyeed ee saqaafo ahaan darka kala cabta dadyowga diintu midayso.

Balse marka aynu xagal kale ka istaagno qeexidda aragtidanna aynu u akhrinno sida loo dhigo; waa mabda’ iyo aragti bini-aadannimo oo anshaxa guud ee dunida oo dhan ku wajahan, maaddaama mandiqa Dheddigoodshuhuba yahay mid kawni ah oo u taagan jinsiga dheddig ee basharka—abkay doonaan ba ha sheegtaan, caqiidada ay rabbaanna ha haystaan e—sidaas awgeed aragtidan gaws dambeedkeedu waa in caddaaladda labada jinsi ee basharku meelmarto, dheddiga iyo labkana midkasta kaalintiisa bulsheed la siiyo, loona sinnaado hay’adaha bulsheed ee qoysku ugu hooseeyo, talada dawladnimana ugu sarrayso—in loo sinnaado qof ahaan, dhaqaala’ahaan, siyaasad ahaan, tiiyo ay sii raacdo inaan jinsina kooto ku xidhan kaalmaha horumarka bulsheed—ayey ka duulayaan dheddigoodshuhu. Marka sidan loo dhigo Dheddigoodshuhu waa aragti xaq-u-dirirnimo oo duudsiga jinsiyeed  (Sexism) dhankuu doonoba ha ka yimaadee lagaga hortagayo. Taariikh ahaanna qoddobadan aan xusay ee ah; xuquuqda aas’aasiga in loo sinnaado, waa halkudheggii ay u ololaynayeen Raacii koowaad ee Dheddigoodshuhu—Women’s Movement Suffrage—ee qarnigii sagaal iyo tobnaad mawjaddooda kacaan ay ka bilaabatay carriga Maraykan.

Hannaanka Laboodka:

Hannaanka labadoodka—Patriarchy—oo ay taariikhyannadu ka tixraaceen hab nololeedkii Giriiggii hore ee waayeelku si buuxda ugu amar-ku-taaglayn jirtay mulkiyadda qoyska ayuu ereygu ka yimid. Balse adeegsigiisa cilmiyeed waxa lagu qeexaa: hannaanka bulsheed ee Labka ku gaar yeela talada ummadeed, midda qoys iyo hoggaaminta ururrada bulsheed iyo xitaa maamulida hawlaha shaqeed.

Fredrick Engels abuuggiisa Origin of the Family and Private Property 1884′  marka uu ka hadlayo hannaanka qaraaba-qansaxa (Kinship) waxa uu ku doodayaa in mujtamacii badaa’iga ahaa (Primitive Society) in ay lahaayeen nidaam hantiwadaag ama wax wada lahaansho dabeeci ah “primitive communism”. marxaladdan ayuu u aaneeyey in uu bilowday geeddigii horumar ee sooyaalka bashariyaddu. Haddaba xuquuqda Hooyada “Matriarchy” ayuu ku sheegay in ay dhaqangashay xilli hore–hilaaddii intaan aadamuhu curfiga yeelan gaar ahaan marxaladda cawaannimada  (Savagery epoch) xiligaas oo ay xidhiidhka galmeed ee furnaayeen, maaddaama aan aabbaha la garanaynna ubadku hooyadood ku abtirsan jireen ‘Matrilenial‘.Taasina ay haweenka dhaxalsiisay in ay maqaamsare ku yeeshaan bulshada dhexdeeda, sidaas awgeed, ‘Xuquuqda hooyada/Mother right’ ayuu ku sheegay in haweenku ay marxaladaas lahaayeen; awood bulsheed, siyaasadeed iyo mid dhaqaale intaba!

Xaqa Aabbaha ‘Father Right’ ama habraaca laboodka  ‘Patriarchy’ayuu ku ku saleeyey isbadalka dhaqaale ee yimid marxaladdii dhexe Cawaannimada markii uu dadku fahmay dhulgoosiga iyo beerafalashada jeerkaas oo ay horseedday taasi soo bixitaanka lahaanshaha gaarka “Private property”. Haddaba markan jinsinnimada (sex) ayaa isu badashay sida uu qabo dabaqad dabiici ah; waayo ninku Burjuwaasi ayuu noqday, halka haweenaydu cagsiga Borolataari u dhuratay!Intaas kaddib markii doorka ninku kor u kacay awooddiisa waxa uu ku qumiyey inuu xeerka isagu dejiyo, Ugu horrayn waxa uu mamnuucay guurwadareedkii hore u jiray–Waxa uuna ku badalay guurka isku sidka ee muddada aan cayinnayn ninku naag dunta ku xidhanayo,  (Pairing family system), maaddaama markan ninku xeerka ka waynaaday–xaalka haweenku waxa uu noqday; miskiinbaa misko la fuulo leh, dabarrada bulsheedna waxa ay noqdeen jeedal iyaga uun kor hadhsanaya! Sidaas awgeed guurka noocan ah Engels waxa uu ku qeexay ganacsi ama qafaallasho!…“commodification of women, in the sense that it is described as the capture and purchase of women.” (pg. 26).

Sidaas si lamid ah guurka aynu maanta naqaanno ee ninka iyo naagta qudha ku kooban ‘Monogomy marriage’ oo kii hore ee aynu soo tilmaamnay kaga duwanaa waqtiga kana dambeeyey ayuu Engels deedafeey, si ka duwan in uu ku yimid jacayl iyo jamashona waxa uu ku sheegay in uu yahay natiijo ka dhalatay awoodda dhaqaale ee ninku markii ay figtii ugu sarraysay gaadhay iyo in taasi ay meesha ka saartay hannaankii wax wada lahaanshaha ee badaa’iga ahaa ee bulshadu sida dabeeciga ah ugu dhaqmi jirtay ilaa dura!  –“The monogamy marriage is only based on economic conditions – on the victory of private property over primitive, natural communal property and not the fruit of individual sex-love” (p: 34).

Intaa kaddib xaqii hooyadu markii u gacanta u galay ninka waxaa soo afgo’ay nasabaddii abtirka ee ilmaha iyo hooyadii ka dhexeeyey! Ogoobay ninku middan waxa uu ku xishay in  carruurtiisu ka dhaxasho hantida dabcanna wiilasha ayaa u caleema saarnaa inay doorkaas ciyaaraan! Markan ayuu Engels leeyahay  eexdii ugu waynayd ee taariikhda basharka soo marta ayaa dhacday–maya e, dhaqangashay. Waayo xuquuqdii jinsiga dheddig ayaa si kama dambays ah halkaas ugu iilatay! Dheddiguna nolosha waxa ay magan uga noqdeen labka, maaddaama kaalintooda bulsheed ay si buuxda u hoostagtay midda labka, waxaana halkan ka laga ambaqaaday hannaanka laboodnimada ‘Patirarchy’! Engels marka uu ka hadlayo Xaqa Hooyada laga dhacay—waa sida uu qoraye—waxa uu hooyada ugu baroordiiqayaa sidan; “Dhaca loo gaystay xaqa-hooyadu waxa uu ahaa jabkii ugu waynaa abid ee taariikhda sooyaalka dheddiga soo mara. Ninka ayaa gebi ahaanba la wareegay talada qoyska. Halka naagta [doorkeedu] hoos u dhacay, laguna muquuniyey heer addoonimo, [haa] waxa ay u dhuratay iyadu addoon u darban in uu saarto ninku, ama aalad shaqadeedu ku koobantahay kaliya in uu isku tarmiyo!”…….“The overthrow of mother-right was the world historical defeat of the female sex. The man took command in the home also; the woman was degraded and reduced to servitude, she became the slave of his lust and a mere instrument for the children.”

Engels, Friedrich. (1884). Origin of the Family, Private Property, and the State. (P: 30).

Si loo helo sinnaanta ragga iyo dumarka iyo xorriyadda dumarka, Engels waxa uu ku xidhay saddex shuruudood. B), Marka hore, haweenku saami ku yeeshaan awoodda wax soosaar (labor power), taasina ay fursad u siinayso inay ka madax bannaanaadaan ku tiirsanaanta dhaqaale ee ninka (Aabaha & Sayga). T), marka xiga, haddii haweenku ku tiirsanaadaan shaqada waxa ay wax ku yeelanayaan korodhka dhaqaale ee yimaada. J), Labadaas qodob kaddib in doorka qoyska laga maarmo ama uu iskii u noqonayo dowr guud oo labadaba qabtaan. Waxa uu ku soo gebebeeyey, xoraynta haweenku in ay tahay sida qudha ee looga takhallusi karo hantida gaarka ah (private ownership), taasina ay xididada u siibayso hannaanka dhaqaale ee Hanti-goosiga (Capitalism System)  halkaasna laga unki karo  nidaam hanti-wadaag.

Sidee Ayey u Qeexeen Dheddigoodku ‘Feminists’ Hannaanka Laboodka ‘Patriarchy’?

Qeexitaanka fikraddan ‘Laboodnimada’  iskuma waafaqsana Dheddigoodku siyaabo kala duwan ayeyna u qeexeen. Bilmetel; Sida ay ku doodday; taariikhyahanadda Maraykan ee Gerda Lerner (1989), waxa ay u tiirinaysaa asalka hannaanka laboodku inuu ku yimid isbadallada taariikheed, ee uu san ahayn dabiici, middaas oo ay ku naqdiyeyso aragtida sociobiology oo iyagu cagsiga qaba, haddaba sida ay leedahay Gerder Hannaankani waxa uu ku hirgalay waa hab dhaqan waana aadame samee  sida kaliya ee uu loogu gudbi karo—sinnaan jinsiyeed na loo gaadhi karo—waa in dib u qaabayn dhaqanka lagu sameeyo.

Dhanka cilminufasiga dheddigoodka Juliet Mitchell, oo ah kasmannafeedyahan “‘Feminist Psyschoanalisyst” waxa ay naqdisay aragtidii Frued, iyada oo ku eedaysay in aysan munaasib ku ahayn, loona cuskan karin taxliilka dheddiga  iyo labka, maaddaama ay tahay aragti ka soo burqata nidaamka laboodka ‘patriarchal culture’. Sidaas awgeed ayey naqdigii Frued ee haweenka u adeegsatay in ay ku naqdido hannaanka laboodka.  Jeerkaas oo ay ereyga ‘Patriarchy’, u adeegsatay “in uu tixraac u yahay hannaankii qaraabada ee raggu [kaalinta haweenka] isku dabamariyey”……“To refer to kinship system in wich men exchange women” (Mitchell 1971: 24).

Dheddigoodka Xagjirka ah ‘Radical Feminists’—Brownmiller 1976, Firestone 1974; si ka duwan Engels waxa ay qabaan, in hannaanka laboodku ka horreeyey hantida gaar ah!  Dooddooduna waa in asalka ku kala tagsanyihiin labada nidaam. Ka hore;  nidaamka Laboodka ama ‘Patriarchy’ waxa uu ka dhashay loollan u dhexeeya labka iyo dheddiga, ra’sumaalkuna ‘private property’ isagu wuxuu ka dhashay loollan u dhexeeya dabaqadaha dhaqaalaha! Feminiiska Xagjirka ahi waxay u arkaan dumarka oo dhani inaysan sohdin kala xadayn maaddaama oo ay isku duruufyihiin goob iyo goorkasta ‘time and space’  oo ay noolyihiinna ay hoos hadhsanayaan nidaam laboodka, dabuubtooduna waa jn haweenku hal dabaqadyahay! Waxa ay middana ku khilaafeen feminiiska dhaqanka, ”Traditionalists oo iyagu middaas  lidkeeda qaba. 

Dheddigoodshaha Shuuciga ah ‘Socialist Feminists’ iyana waxay cuskadeen mabaadi’da aasaasiga ah ee Markaasiyadda, iyagoo isku dayaya inay kobciyaan oo  wax ku kordhiyaan meelaha, ay isleeyihiin aragtida Maarkisiyaddu way ka gaabisay. Ugu horrayn; Uma arkaan laboodku inuu yahay nidaam caalami ah oo aan meeshiisa ka dhaqaaqin (Universal System), sababtoo ah halbeegga Shuuciga ee taariikhdu waa in loo fiiriyo hab maaddi ah, loollanka labka iyo dheddigana waxa ay ka eegeen farqiga shaqo ama doorarkooda (Sexual Division of Labor), middaas oo ah qaabdhismeed bulsheed oo dhinac ka rarran (bais culture) sababtoo ah kala qaybinta hawlaha ee labada jinsi waa eex guul u ah midkood. (Bechey 1977).

Aragti kale oo isla Feminiiska Shuuciyadda ah ayey soo gudbisay Maria Mies (1988), waa maqaal ay ugu magacdartay: meelkasoojeedka bulsheed ee saami qaybsiga hawleed ee jinsiga ku salaysan…‘The Social Origins of the Sexual Division of Labor’. Mieswaxa ay isku dayday inay qeexdo asalka kala sarraynta jinsiyada  basharka ama laboodnimada ‘origin of gender hairarchy or patriarchy’. Iyada oo qodobkaas ka duulaysana waxa ay leedahay; si kasta oo ay u kala duwanyihiin aydhiyoolojiyada kooxaha dheddigoodshuhu waxa mideeya ee ay iskumeel uga soo wada jeeddaan waa fallaaganimadooda ka dhanka ah kala sarraynta labka, middan oo ay kaga biyo-diideen bayooloji ahaan inaysan u jirin wax la yidhaahdo female/rag  iyo male/dumar doorar kala leh, kaliyana ay middaasi tahay aragtiyo gacan-ku-rimis ah. Hagaag, haddaba baadigoobka ay dheddigoodku ugu jiraan inay ka salgaadhaan seeska bulshada ee gundhigga u ah eexda iyo sinnaansho la’aanta ayey u aanaysay inuu sabab u yahay fallaagonimadooda. Intaas kaddib Mies waxa ay ku doodaysaa in haweenku billowgii hore ahaayeen jinsiga waxsoosaarka loo daba fadhiyey, doorkan ninkana ay iyagu ciyaari jireen, sidoo kalena ay bilaabeen xidhiidhka bulshada ‘Social Relation’! Iswaydiintu haddaba waa: haweenka sidaas oo dhan ahaa maxay u awoodi waayeen inay ka hortagaan xidhiidh ka kala kala sarraynta jinsiyada ku dhisan  ‘Heiraechial relation’, ayna ugu badali waayeen  mid faa’iido leh oo masaynaya labada jinsiba? Waydiintan waxa ay kaga jawaabaysaa Mies; in sarraynta labku aysan ahayn natiijo ka dhalatay awoodda dhaqaale ee gacanta u gashay ninka, cagsiga Engels, iyo Feminiiska Shuuciga ah ayey iyadu qabtaa—in ay sarraynta ninku ku timid, kaddib markii uu gacanta ku dhigay, siina horumariyey qalabka wax gumaada (hubka), taasina ay u sahashay in uu haweenka ku muquuniyo, jinsi ahaanna raggu dhexdiisa uusan isugu aabbayeeline uu wax ku kala dhacsado!

Sylvia Walby oo ah Caalim-bulsheed ‘Sociologist’ Biritish ah, sida ay ku soo gudbisay buuggeeda ‘Theorizing Patriarchy’ (1990). Waxa ay ku qeexday ‘Patriarchy’ laboodnimadu in ay tahay; ‘Hannaan bulsheed ama caado ragga u sadburisa, ayna ku dulmiyaan, uguna adeegtaan haweenka’…..”system of social structures and pracfices. in which men dominate, oppress, and exploit women.” Walby dhismaha bulsheed ee haweenka iyo ragga midba kaalin gaar ah ku kooba ayey  deedafaysay, una aanaysay in uu dhalay mandiqa Laboodnimada ‘Patriarchy’ ee dabeecadda ama farqiga bayoolojiyadeed ee labada jinsi ku fasira inay kala sarreeyaan.. ‘biological determinism.  (Walby 1990: 20)

Intaa kaddib, waxa ay si waafiya u gorfaynaysaa isbaddalada ku yimid qaabdhismeedka Laboodnimada iyo habka qarnigan ay u shaqayso. Lix qodob ayey ku koobtay oo sidan u dhigan:

1. Mushaharka; Duudsiga dumarku waxa uu ka bilaabmaa goobaha shaqada oo ah kaalin aan qaabdhismeedkan laboodku u igmanne ay iyagu kasbadeen! sidaas awgeed caqabaddaha haysta waxa ugu horreeya; in cad quudheed loo tuuro oo raggu ka kimishar bataan haweenka si kasta oo ay hawsha uga simanyihiin! Iyo in aan haweenka inta badan la dallacsiin jago sarena laga heero. waayo dee, isbadalka ku dhacay qaabdhismeedka Laboodka ayaa fursaddan  shaqada u saamaxaye qoondadii haweenka ee hore waxa ay ahayd in ay qaataan doorka hooyada, sidaas awgeed ayaa fasaxa shaqada loogu badiyey ama ay u shaqeeyaan wakhti dhiman (Part time job).

2. Shaqada-guriga; Walby waxa ay doorka guriga ugu yeedhay; xidhiidhka waxsoosaar ee hannaanka Laboodka; “patriarchal relations of production”, waxa ayna ku dooddaysaa in ninku dheef ku qabo shaqada bilaa kimisharka ah ee haweenaydu aqalka ka hayso.

 3. Dhaqanka; Inta badan waxaa lagu doodaa in ay galbeed ka jirto sinnaan jinsi sida dalka Ingiriiska, haddaba Walby waxa ay qabtaa in weli ay jiraan xeerar iyo qaayosoorro kala duwan oo ragga iyo dumarka kala fadila, waayo bay leedahay; asalka dhaqan ee bulsho kasta waa mid ku dhisan sarraynta ragga (male dominant system), waxayna ku hogotusaalaysay, in dhaqankasta oo dunida ka jira uu qabo in ninku yahay “madaxa qoyska”. Fikradda haween faquuquna (Sexism) ay ku xooggantahay warbaahinta.

4. Galmada; reebidda galmadu waa dabar qiyammada kala duwan ee dunidu ka midaysanyihiin (Common taboos), taas oo jirta ayey Walby ku doodaysaa in ay tahay galmadu dabar guud oo fikirka laboodku reebay ”Patriarchal Sexism’, maaddaama ay muqaddas tahay bikronimada inantu in ka badan midda wiilku! Halkan Walby waxa ay ka waafaqaysaa fikraddii Engels!

5.Tacaddiyada; tacaddiyada haweenku waa halbeegga looga qiyaasqaadankaro heerka laboodnimo ee dhaqan gaadhi karo, bulshooyinka labood-ku-diinka ahna tacaddigu ceebtooda ma aha ee waa caadadood! Waayo waxa lagu xalaalaynkaraa tacaddiga tarbiyeyn!

6. Dowladda; sida Walby qabto qabashada xilalka heer qaran ee haweenku waa arrin ugub ah waxayna ku timid dhalanrog ku yimid hannaankii laboodka horraantii qarnigii 20-aad, taas oo jirta ayaa haddana la arkay haween madax ah sida, Vigdís Finnbogadóttir  oo madaxnimada Iceland, ku guulaysatay doorashadii (1980). Hagaag haddaba bushaaradaas Walby waxa ay ka dambaysiinaysaa Digniin iyada oo leh ‘Laaca aragtaye laagga ma ogtahay?’ Waayo ayey leedahay: madaxnimada haweenku waa jago muunad ah oo qofta dumara sida loogu dhiibay looga qaadi karo, balse awoodda qaranimadu ama maamulka siyaasaddu waa door rageed oo qori isu dhiib ah, sidaas awgeed dumarku waxay ka kooban yihiin tiro yar oo xildhibaano ah, go’aamada masiiriga ahna ragga ayaa leh.

Saddexda Mawjadood ee dheddigoodshaha iyo Aydhiyoolajiyadihii ay ka Duulayeen!

Feminisimka xorriyaddoonka ahaa  oo loona garan ogaa feminismka guud, (Liberal Feminism/Mainstream) ayaa bud-dhigay mabda’an, waxa ayna jiilkani jireen intii u dhaxaysay dabayaaqada qarnigii 19-aad ilaa billowga qarnigii 20-aad. Jawiga ay kusoo beegmeen waxa uu ahaa xilli Siyaasadda galbeed ku furfurantay, magac ahaan ilaa qaniyadii dhexe Feminism-ka waa laga maqlayey saaxadda indheergaratada, balse waxa uu markii ugu horraysay dhaqdhaqaaq jira oo hoggaan iyo ajandayaal uu ka duulo leh uu isu badalay, kaddib baaq ka soo yeedhay haweenka oo ay hoggaaminayso Elizabeth Cady Stanton (1815 –1902), oo ahayd haweenaydii ka dambaysay in uu dhaco heshiiskii Seneca Fall (1848), kaas ay 300 oo xubnood oo rag iyo dumar ba isugu jira ay kaga doodeen xuquuqda haweenka markii ugu horraysay. Shirka  Seneca Falls ayaa noqday kii ugu horreeyay ee xuquuqda haweenka ku saabsan ayaa ka dhacay Maraykan, waxa uuna ahaa shirwayne looga dooday xaaladda bulshada rayidka ah ee maraykan, diinta iyo xuquuqda dumarka. Shirkan oo socday laba maalmood (July, 19–20, 1848) waxa uu ka qabsoomay kaniisadda Wesleyan Chapel ee magaalada Seneca Falls oo ku taal gobalka New York. Shirkani waxa uu soo jiitay dareenka bulshada, waxana uu sabab u ahaa Shirweynihii Xuquuqda Haweenka Rochester, New York oo qabsoomay laba toddobaad kadib.

Stella freedman Buugeeda “No Turning Back”, Waxay ku doodaysaa in ay jiraan utun hoose oo uu ka dabqaadanayey kacdoonkii haweenku, gaar ahaanna laba isbeddel oo taariikhi ah ayey tilmaantay in ay xidhiidh la lahaayeen soo ifbaxa Siyaasadda haweenku. Ugu horrayn; sida aysan hal booli ahi nirig xalaal ah u dhalin ayey qabtaa in nidaamka dhaqaale ee hantigoosigu (Capitalism) uu asalkiisa bannaanba u sadburinayey labka dheddigana ka dhan ahaa, maaddaama uu ku meelmaray aaminaadaha kala sarraysiiya labada jinsi—in haweenku riciyad yahay oo laga weeteeyo dowrka shaqada, ragguna kaalintaas ku madiyeysto—kolkaa bullaalida nidaamkani waxa uu ahaa kala fogaanshaha guud ahaan labada jinsi ee bulshadu ka alkumantahay, gaar ahaanna afada iyo saygeeda isku weelka wax ku cuna. Marka labaad; soo bixitaanka aragtiyaha siyaasadeed ee ugubka ahaa sida, dhawridda xuquuqda shaqsiga ah iyo matalaadda dowladnimadnimadu waxa ay gaashaan u noqdeen nidaamka ra’sumaaliga ah—ee mudnaanta siinayey ragga oo keliya—sidaas awgeed tallaabadani waxa ay noqotay fagaag labaad oo haweenka iyo xorriyaddooda sii kala fogeeya. Haddaba iyaga oo middaas ka duulaya haweenku, waxa ay carroogga u qaateen inay bushiyaan dulmiga ku huursan habraacyada bulsheed ee kala teeda haweenka iyo xorriyaddooda siyaasadeed, dhaqaale iyo awood ahaanba. Dhaqdhaqaaqa dheddigoodshuhu waxa uu ku soo beegantay xilli uu bullaalay waxsoosaarkii warshuduhu, dimuqraadiyadduna ay geedka go’an ahayd, Jeerkan haweenka iyo intii la mabda’a ahayd ba waxa ay guntiga dhiisha isaga dhigeen abuurrida fursado aqooneed, shaqo, iyo dhaqaale oo maso laga yahay—rag iyo dumarba.

Dheddigoodshuhu maaddaama uu markan ahaa ama loona arkayey dhaqdhaqaaq xaq-udirir ah, waxa ay qayb ka noqdeen ololihii joojinta gumaysiga madowga (Abolitionism) oo ay garabka haweenka hoggaaminaysay Sojourner Thruth  (1797 – 1883), oo ahayd sallaan isku xidhay xaq u dirirnimada haweenka guud iyo u doodidda xuquuqda madowga maaddaama ay ahayd addoon hore oo iyadu kartideeda isku xoraysay, waxa lagu bartay khudbad caan ah oo ay ka jeedisay Ohio intii uu dagaalkii sokeeye ee Maraykanku socday taas oo ciwaankeedu, “Miyaanan ahayn dumar?…Ain’t I a Women?”

Mawjaddii Labaad; Dheddigoodshaha Xagjirka ah–Radical Feminism

Jiilkii labaad ee dheddigoodshaha looguna yeedho Mawjadda 2aad, waxay bilaabantay 1960-kii waxayna sii socotay ilaa 90-meeyadii. Haddii mawjaddii/jiilkii hore ee feminiisku haweenimo u ololaynayeen mabaadii’dooduna iyaga ku koobnaayeen, jiilkan dambe waxa ay isku dayeen in ay dhadhaqaaqa dheddigoodshaha ay u yeelaan dheeh Insaaniyadeed, sida, qaybgalka dhaqdhaqaaqyadii xasarad diidka ahaa–Anti War Movement–ee ka soo horjeeday dagaalkii Fiyeetnaam iyo Maraykanka xilliyadaa dhex maray. Sidoo kale u dooddida  xuquuqda madaniga ah iyo kor u qaadida wacyiga guud ee kooxaha kala duwan ee laga tirada badan yahay ee adduunka ayey isku hawlayeen. Aydhiyoolojiga ay qabeen waxa uu ahaa Bidix (Neo-leftism)  ay, doorkan feminiisku waxa uu ku suntanaa xagjirnimo. Haddaba Marxalladan maadaama ay mabaadii’ kala duwan  ka duulayeen saamayntoodii bulsheed intii hore waa ay ka yaraatay sababtoo ah qaddiyadii seeska u ahayd ayaa meesha ka baxday.

Taas badalkeeda haweenku waxa ay bilaabeen dib u qaabaynta mabaadii’da feminiiska iyaga oo furay ururo haweenka khaas u ah sida ururka “National Organisation of Women” (NOW)  sidoo kale madbacado wacyiga haweenka kor loogu qaadayo ayey yagleeleen sida, “The BITCH Manifesto” iyo “Sisterhood is Powerfull”. Doorkan labaad iyaga oo isku sidkaya Maarkisiyadda Cusub (Neo-Marxism) iyo aragtida Kasmannafeedda ee fasirka duneed (Psychoanalytical Theory), waxa ay bilaabeen naqdi guud oo ka dhan habraaca laboodka (Patriarchy), iyo nidaamka dhaqaale ee Hantigoosiga, iyaga oo ku eedaynaya inay sabab u yihiin riciyadnimada haweenka. Erey-bixnno cusub ayey ebyeen sida inay qeexaan asalka bannaanba waxa uu yahay jinsigu! Iyagoo u kala saaray jinsinimo dabeeci ah “Sex”  iyo “Gender” oo ay ku qeexeen doorka qofku (Lab/Dheddig) ka ciyaaro bulshadiisa.

Si ka duwan mawjaddii koowaad, jiilkan dambe waxa ay kiciyeen dood ballaadhan oo ku saabsan seeska duudsiga haweenka, dabeecadda jinsiga, iyo doorka qoyska. Kate Millett oo soosaartay buuggeeda Sexual Politics 1970-kii, aad na u gadmay waxa ay xidhiidhka labada jinsi ku qeexaysaa in uu awood iyo ismuquunin ku dhisan yahay! Shulamith Firestone, oo ah aasaasihii Feminiiska xagjirka ah (New York Radical Feminists), ayaa iyana isla sannadkaas daabacday buugeeda Dialect of Sex, oo ay ku tilmaamayso goldaloolooyinka jacaylkain uu yahay dabin u dhexeeya haweenayda iyo ninka ay jeceshahay oo isla mar ahaantaas ku qeexayso in uu yahay qofka ay dhibbanaha u tahay!

Si walba oo ay isugu dayeen in y u mideeyaan aragtiyaha ay ka duulayeen fashil bay ku soo dhamaanayeen, bilmetel haddii ay feminiis ahaan isku waafaqsanaayeen waydiimaha aas-aaska ah sida: kala duwanaanshaha labada jinsi, dabeecadda awoodda iyo seeska cunfiga haweenka iwm, haddana jawaabaha qolo waliba dhankii la quman ayey u kala kacayeen, taas oo dhalisay in jiilkan Mawjadda Labaad u qaybisamo dhawr garab oo dhexdooda loollan ka taaganyahay. Xitaa aan isku waafaqsanayn wixii ay ka duulayeen ee Xornimodoonnimada ugu yeedhayeen. Bilmetel Ema Goldman oo ayidsanayd mabda’a “Anarcho-feminists” oo Yurub taageerayaal badan ka haysatay, waxa ay ku dooddaysay fikraddii Anarkiisamka oo ay dumaraysay—in dumarka aan la xoreyn karin iyada oo aan laga takhalusin hay’adaha bulsheed sida qoyska, hantida gaarka ah, iyo awoodda dowladda intaba! Dheddigoodka afraaddu, (Individualist Feminism)  ayaa iyana dhankooda waxa ay u ololeeyeen mabaadii’dii Libertarian-ka wayna ka xadhig furteen qaybaha kale ee Feminiiska iyaga oo ku doodaya in eelkuba yahay wadaraynta, xoriyadda iyo sinnaanshahana heer qofeed lagu gaadhi karo. Separatist Feminist sidoo kalena loo yaqaanno lesbian separatism, oo iyagu ahaa kooxda ugu fog aragti ahaan, waxa iyana qabaan guurka/galmada labada jinsi ‘Heterosexuality’ ilaa la jarayo dheddigu labka dhibbane u ahaanayo, isidaas awgeed ay ku tashadeen in haweenku ragga ka maarmaan oo iyagu isku kaaftoomaan!

Farqiga u dhexeeya Dhedigoodka Liberaalka ah iyo midka xagjirka ah: Haddii aynu dib ugu noqonno—Mawjaddii koowaad ee Liberal Feminists-kuwaxa ay ololaynayeen in ay qaabeeyaan dhismaha dawladda ay xuquuq ku yeeshaan shuruucda iyo dasaatirta—sida, in haweenku qoondadooda ka helaan dowladda iyada oo hay’adkasta laga eegayo isu dheeltirkeeda labada jinsi, iyo in mushaharaadka shaqooyinka laga maseeyo iwm. Haddaba jiilkan dambe ee Feminiiska Xagjirka ah iyagu middan aslanba waa ay ka soo horjeedeen maaddaama ay u arkayeen in hannaanka bulsheed iyo dhismaha dowladnimaduba ay yihiin dhaxalkii laboodka ‘Inherently patriarchal’ — in meesha laga saaro mooyee aan dib u qaabayn lagu samayn karayn.Waxa ayna jiilkii ka horreeyey ku eedeeyeen—in ay milil korkii dhayayeen! waayo, riciyadnimada haweenku waa eex habraaca bulsheed ee labka lagu dhisay dhuuxa kaga jirta ilaa bulshada la badalana laga aan laga salgaadhi karin.

Simon De Beauvoir:

Simon de Beauvoir buugeeda “Second Sex/ Jinsiga Labaad” (1949), waa daraasad qoto dheer oo ay kaga warbixinayso labka iyo dheddigu taariikhda ay isla soo mareen iyo sidoo kale aydhiyoolojiyadda feminisamka. gaar ahaan waydiinta gundhigga u ah ee buuggu gudbinayaa waa— duruufta ku sandullaysay in haweenku noqdaan riciyad rageed ama jinsi dulsaar ku ah jinsiga kale ee isagu isu dhigay in uu yahay basharka dhamayska ah (Absolute Human Type). Waxa ay deedafaynaysaa in sinaanshaha labada jinsi ee raggu ku yaboohay, ay tahay in haweenka la rageeyo! Haddii sinnaan la doonayona in jinsi walba gaarkiisa loo tixgaliyo, ayaa saxan ayey ku doodaysaa.

Marka labaad iyada oo adeegsanaysa aragtida gorfaynta Shaacsanaha ah (phenomenology analysis) waxa ay deedafanaysaa halbeegga kala sarraynta labada jinsi u cuskada qaabdhismeedkooda jidheed ee bayoolojiga ah, iyada oo middaas tilmaamaysa waxa ay haweennimada iyo hoosaynta isku sidkan u aanaynaysaa dhaqanka iyo barbaarinta, sida ay leedahay; “One is not born but becomes  women/Qof ku kuma dhasho gabadhnimo balse waa laga dhigaa” S.S 267. Dabcan weedhani waa mid ka turjumaysa duunka hoose ee gabadha iyo sida ay jinsinimadeeda u qawaddo marka ay garaadsato, waayo Simon waxa ay u arkaysay in dhaqanka bulsheed horrayso iyo dambaysoba yahay mid labeed (Patriarchy) labkuna qeexid jiritaanka haweenka ka dhabsheegaysa uunan qeexin balse xidhiidhka kala dhexeeya uu basharnimadeeda daliil uga dhigo.

Beauvoir labada jinsi wadcigooda bulsheed marka ay ka hadlayso waxa ay dheeganaysaa aragtii Hegel ee Sayidka iyo Addoonka (Hegels Master and Slave Dialect), balse iyadu ereybixin kale ayey adeegsatay iyada oo Labka ugu yeedhay, “Subject/Essential” oo noqonaysa sees bashariyadda, halka Haweenka ay ugu yeedhay “Other/Hadhaaga bashariyadda!” Haddaba Simon waxa ay is barbardhigaysaa labada laga golroonaaday waa Aragtideeda  “Other/Haweenka” iyo aragtida Hegel “Slave/Addoonka” waxa ay leedahay addoonka Hegel waa uu ku dhacaa in uu sayidnimo sheegto, balse “Other/Haweenku” kuma dhacaan, waayo waxa ay aqbalsanyihiin kaalintan hoose oo ahaanshohooda waxa ay ku dareemaan in ay yihiin dad dullaysan oo horrayso iyo dambaysaba “Subject/Ninka” hoos joogay.

Sidaas awgeed ayey haweenku isugu qeexaan dabaqadda, caqiidada iyo isirka raggooda, ama si guud farqiga raggooda u dhexeeya, balse iyagu aysan dheef ku qabin, duruufo isku mid ahna ay kaga noolyihiin. sohdinta ninka kama gudbi karaan mid walba cidda u talisa ayaa sawrac u ah oo ay isku qeexdaa ayey leedahay—”Hence woman makes no claim for herself as subject because she lacks the concrete means, because she senses the necessary link connecting her to man without positing its reciprocity, and because she often derives satisfaction from her role as the Oth”

Simon haddaba si looga gudbo middaas waxa ay weeraraysaa guurka oo ay u aragto in uu yahay waxyaabaha ragaadiyey haweenka, waayo waxa ay Heterosexuality-ga u arkaysay in ay dhiirrigalinayso in markasta haweenku Other/dulsaar ahaadaan ragguna u dhexeeyo. Sidaas awgeed  in ay meesha ka baxdo cilaaqadaasi ayey ku sheegtay in ay ku unkammayso haweenimo guud.

Mawjaddii Saddexaad ee Feminisamka—Cultural Feminism

Jiilkii saddexaad ee Feminism ahna kii ugu dambeeyey ilaa haddana aydhiyoolojiyadiisa ay ku shaqeeyaan feminisamku waxa uu soo baxay badhtamihii Sagaashameeyada qarnigii 20-aad. Doorkan mawjadda saddexaad waxa hoggaaminayey jiilashii kacaamay lixdankii ilaa toddobaatannadii (Generation Xers), kuwaas soo beegmay xilli saxaafaddu codkeedu meelkasta gaadhi karo, horumarka dhaqan-dhaqaalena kor u socday. Inkasta oo ay ku naalloonayeen xuquuqdii jiilkii ka horreeyey (Second Wave Feminists) ay u soo dhiciyeen, haddana uma cuntamin middaasi waxa ayna dhaliil ka gudbiyeen meelkasta oo ay islahaayeen jiilkii kii hore way ka gaabiyeen, gaar ahaan qodobka xornimada jinsigooda (sexual liberation) oo ahaa seeska ay jiilkii hore ka duulayeen fal iyo ereyna ay ugu ololaynayeen ayey jiilkani isku dayeen in ay hab fikri ah u qeexaan.

Aragti ahaan waxa ay ka dabqaadanayeen  jiilkan saddexaad afkaartii Postmodernism-ka ee daarranaa dib u qaabaynta dhaqanka Michel Foucault iyo jacques Derida ayaana fekerkooda gacanka gaystay. mafhuumka caqlaaniga ah ee, dhextaalaynta maanka (مركزية العقل) iyo sida oo kale dib u qeexidda jinsiyada (Labka iyo dheddiga) IWM, ayey ka duulayeen.

Jiilkani waxa ay hiddaysanayeen kuwii ka horreeyey inta badan hormoodkoodu waxa ay ba ahaayeen hablihii ay dhaleen jiilkii hore, sida Rebecca Walker oo ay dhashay Alice Walker (novelist and Second-waver). Rebecca oo ahayd cidda loo tiiriyo dhaqdhaqaaqan ayaa markii ugu horraysay maqaalkeeda (On Becoming Thirdwave/bilashada mawjaddii saddexaad) ku carrabaabtay magacan mawjadda saddexaad.

Sidoo kale Jennifer Baumgardner, Amy Richards ayaa door muuqda kulahaa jiilka saddexaad soona wada saaray “Baaqa gashaantimaha feminiiska ah iyo mustaqbalka (2000)/Manifesta: Young Women, Feminism, and the Future (2000)”, labadooduba waxa ay ahayd hablo ay dhaleen hormoodka jiilkalabaad.

Meelaha qaar jiilka saddexaad waxa ay mudduci toos ah ku ahaayeen jiilkii labaad (Second-wavers) iyaga oo ku eedaynaya in aan oo la dhamayn Mawjaddii Labaad ayna ahaayeen dhaqdhaqaaq kooto ugu xidhan dabaqadda dhexe ee caddaanka. Sidoo kale dacaayadda laga faafiyey ee ahayd in jiilkii hore ka faraxasheen xuquuqda haweenka feminiisamkuna intii hore yahay iyaguna ay yihiin raacii-dambe (Post-feminism), iyaga oo iska fogaynaya waxa ay la yimaadeen furfurnaan (Universal Womenhood), isla mar ahaantaasna doorka hoggaamineed marka la fiiriyona jiilkan saddexaad madow ayaa hormood ka ahaa.

Maadaama oo ay jiilkani xoogga saareen dhaqanka ayna ahaayeen awlaadda jiilkii hore oo lagu carbiyey in aan labku wax u yeedhin waxa ay naqdi aan aabbayeel lahayn ku sameeyeen sohdimaha aaminaadeed ee kala qoqoba bulshooyinka sida, qiyamka, isirnimada, dabaqadnimada iyo jinsiga. Haddaba halkan ayey ka bilaabeen olole ay ku boorrinayaan in ay haweenku xor u noqdo haweenimadooda! Haddaan si kale u dhaho in ay iyagu xaq u yeeshaan go’aanka ay ku dooranayaan waxyaabaha u gaarka ah sida labiska, galmada, iyo habdhaqanka qofnimo IWM. Waxa ay bilaabeen olole afeed oo ay isku dayayaan in ay ereykasta oo lab ahaan u jira ay dheddigeeyaan bilmetel; History: Herstory. Waxaa middaas u dheeraa waxyaabihii laga afgobaadsan jiray in ay kaftan ka dhigaan sida (Dhillo, guun iwm). Falanqaynta xubin ka taranka haweenka, kufsiga, dhalmada ayaana noqday mawaadiic suuq leh oo ay ka duulaan. Haddaba fankii iyo suugaantii xiligaas ayaa iyana u janjeedhsaday xoodaaminta jinsiga (Errotic literature), waxaana sidoo kale soo baxay kooxo faneedyo xamaasadaysan sida “Punk rock’s riot grrrls” (199s), oo noqday masrax haweenka u furan baratakool na aan lahyn, Yurub iyo Ameerikana aad ugu baahay.

Dheddigoodshaha Islaamiga ah!

Dheddigoodka islaamiga ah ‘Islamic Feminism’ waa dhaqdhaqaaq feker oo dabayaaqada qarnigii 20aad soo ifbaxay ayna gadhwadeen ka yihiin haween Muslimiin ahi. Waxa markii ugu horraysay magacan ‘Feminiiska islaamiga ah’ lagu adeegsaday majallada (Zinan) oo  haweenka gaar u ahayd kana soo bixi jirtay Dahraan 1996-kiii, waxaa lagu daabacay buugga “النسوية والإسلام” oo ay qortay Miya Yamaani oo Sucuudi u dhalatay.

Si lamid ah dheddigoodka galbeed ee xagjirka iyo liberaalka u kala baxay, dheddigoodka islaamiga ahi iyana waxa ay u kala jabeen laba qolo: koox iyagu aan turaathka islaamka ka soo horjeedin   balse waaqaca ka gadoodsan, duruufta taaganta oo lala jaanqaadsiiyo turaathkana u arka inaysan waxba u dhimayn islaamka. Iyo koox iyagu ku faruur xidhan dheddigoodshaha galbeed ee cilmaaniga ah (secular feminism) kooxdan oo iyagu ay isdiiddo u arka qaddaasaynta nusuusta diiniga iyo u ololaynta xuquuqda sinaanshaha!—sidaas awgeed, wixii aan ku fikir ahayn wax ay u aqoonsanyihiin urur diimeed!

Fahmi Judcaan oo ah mufakir u dhashay Urdun, buuggiisa ( خارج السرب) waxa uu ku soo gudbinayaa daraasad naqdi ah uu ku sameeyey  dheddigoodka islaamiga ah oo si faahfaahsan u sharraxaysa sida aragtidan loogu soo waariday waddamada Islaamka ama dheeh Islami ahna loogu yeelay. Judcaan waxa uu isku dayayaa in uu faydo qaybaha dheddigoodka Islaamiga ah iyo waxyaabaha ay ka duulayaan.  Waxa uu toos u naqdiyayaa qaybo kamid ah oo uu leeyahay asalnimada Islaamka ma ayidsana isla mar ahaantaasna Carra-edagaynta galbeedka ayey hormood u yihiin, haddaan si kale u dhaho waxa ay isku dayayaan in ay Feminiisamka weji Islaamnimo u yeelaan inkasta oo ay bannaanka ka taaganyihiin qaddaasaynta diinta haddana waxa ay isu dhigeen dhaqdhaqaaq Islaaxi ah oo isbadal togan ku samaynaya Islaamka.  Sababta ayuu ku sheegayaa; in ay shaki kaqabaan saxnimada nusuusta diinta qayb kamid ah, qaybo kalena ay isku dayayaan inay waxka badalaan, halka qaybo kamid ah ay toos uga soo horjeedaan iyaga oo ku doodaya in ay axkaamta Islaamku tahay eelka ragaadiyey Muslimiinta xadaasaddana ka reebay.

Kooxdan oo ah midda ugu codka dheer naqdiga Islaamka ayuu daraasaddiisa ku saleeyey sooyaalkooda shaqsi ahaan iyo fikirkooda mabda’aaneedba waa uu u soo gudbinayaa. Waxa ugu horreeya; B) Ayaan Xirsi Cali, oo ayidsan in ta’wiil iyo tafsiirka quraanka gebi ahaanba laga takhalluso, sidoo kalena u aragta in Quraanku yahay taariikh ku kooban tagto la soo dhaafay!  T) Irshaad Murshid (Ugandan-Canadian), iyana waxa ay ku doodaysaa in Ta’wiilka Islaamku yahay fikrad lagu qumisto danaha qabaliga ah hadba kooxda talada haystaana ay danteeda ku fushato. J) Najla Kilik oo Turkey u dhalatay balse Jarmalka deegan ku ah, waxa ay iyana ka soo horjeeddaa Xijaabka, sidoo kale Najla waxa ay ku doodaysaa in diimuhu yihiin dabar haweenka uun qabta shuruucda Cilmaanigu  yihiin nasri loo soo diray haweenka iyada oo ku xiganaysa qaanuunka Yurub. X)  Iyo Tasliim Nasriin oo Bangaaliyad balse Swiidhan deggan, iyana kama foga Najla oo waxa ay qabtaa, isku sidkanaanta diinta iyo dowladda ee Islaamku in ay sabab u tahay haweenku in ay noqdaan qabbaano galmada ninka u qafaalan! Qoladan oo uu xagjir ugu yeedhay inkasta oo ay qaddaasaynta diinta meel iska dhigeen lama-taabtaankeediina ra’yigooda ku dhiseen, haddana si kasta oo ay ahaatoo Judcaan waxa uu u arkaa xarako Feminiis oo Islaami ah  maaddaama oo ay ka duulayaan Islaamkana ay wax iska waydiinayaan.

Feminiisamka Islaaxa ah, iyo kuwa Xagjirka dhexdooda waxa ka feedh abuurmay qolo saddexaad oo uu ugu yeedhay Judcaan “Feminiisamka Ta’wiiliga ah” qoladani waxa ay ka soo horjeedaan ta’wiilka iyo tafsiirka naska shareecada ee raggu soo guuriyey, gaar ahaan axkaamta ka hadlaysa dumarka.  Isla mar ahaantaas qoladani waxa ay gaashaanka u daruurayaan khidaabka feminiiska cilmaaniga ah, maxaa yeelay waxa ay qabaan in Islaamku u dhamaystiray  xuquuqda haweenka sidoo kalena maso ka dhigay labada jinsi.

Sid ay gadhwadeennada kooxdani ku doodayaan waa; in ay  lama huraantahay inay tixraacaan ilaha ama masaadirta shareecada si ay tooshka ugu ifiyaan halka sartu ka qudhunsantahay, ayna u bayaamiyaan xuquuqda haweenka ee fuqahada “Ragga ahi” ay duugeen iyagoo adeegsanaya ijtihaadkooda iyo tafsiirkooda. Qoladan Feminiiska Ta’wiilku Quraanka oo kaliya ayey ku go’aan aslanba Sunnada ama axaadiista ma ogola xitaa in ay awilaan oo fasirka xadiisyada iyaga quseeya—Arimaha dumarka—inay wax iska waydiiyaan iskuma dhibaan, sida xadiiska sheegaya in Xaawo laga abuuray feedhii aaddam. Haddaan si kale u dhaho qoladani waxa ay isku dayeen in ay us waafajiyaan Aydhiyoolajiyaddooda dheddigoodshenimo iyo diinta Islaamka. Waxa ay sheegeen in loo baahanyahay akhris waaqaca la jaanqaadsan in lagula laabto labada ilood ee Islaamka  (Qur’aanka iyo Sunnada), waxa ayna awileen tafsiir diimeed oo taageera aragtidooda dheddignimo, isla jeerkaas waxa ay soo saareen khidaab islaami ah oo cusub. Haddaba iyaga oo fulinaya arrinkaas waxa ay naqdiyeen tafsiiradda kalaasiga ah ee masaadirta Islaamka laga soo xigto, badelkeedna waxa ay isku dayeen inay ebyaan fasir cusub oo doorka bulsheed iyo midka dhaqaaleba ka  masaynaya labada jinsi—si ay taas u gaadhaan waxa ay raaceen manhaj jinsinimada (Gender) tooshka ku ifinaya. Axaadiistii Nabiga, (NNKH) qoladani waxa ay ku qeexeen dhacdooyin taariikheed oo ku jaango’an duruuftii bulsheed xiligaas. Si ka duwan middaas in loo tixgaliyo “farriin guud” oo aan xilli lahayn, ayna tahay in lagu dhaqmo goob iyo goorkasta, loona daliishado cadaaladda bulsheed sida xuquuqaha labada jinsi ayey ka soo horjeesteen. Bilmetel waxa ay deedafaynayaan sida mafhuumka «القوامة» oo ay aragtidii gender ka halbeeg uga dhigeen, sida in masuuliyadda xaaska hoos la saaro saygeeda. Sida uu ibn Kathiir ku fasirayo aayaddan hoose: waa in ninku naagtiisa u u yahay hoggaan, taliye, waalid, garsoor tarbiyeeye haddii ay anshaxa baal marto. Fadliga ay is dheeryihiin ayaana kaas ah!

يقول ابن كثير:« يقول تعالى : (الرجال قوامون على النساء) أي الرجل قيم على المرأة، أي هو رئيسها وكبيرها، والحاكم عليها ومؤدبها إذا اعوجت (بما فضل الله بعضهم على بعض)

Dhanka sinnaanshaha labada jinsi, Hiba Ra’uuf oo  quraanka daraasaysay gaar ahaan  sinnaanshaha labada jinsi waxay beeninaysaa in quraanka dhiirrigalinayo aboodka “patriarchy”, waxayna ku doodaysaa maaddaama lafdiga quraaniga ah ee Eebbe adeegsaday uu yahay “Insaan” magacaasina uu koobsanaya Lab iyo dheddigba, sidoo kale xadiiska leh فالنساء اللاواتي هن شقائق الرجال“—”Haweenku waa gabal kamid ah raggooda”

Ayey u cuskatay sinnaanshaha labada jinsi. Sidaas awgeed ayey leedahay, xuquuqda uu ka maseeyey Quraanku ragga iyo dumarka waa-qiimaha dadnimada oo ka simanyihiin, xuquuqda bulsheed, masuuliyadda iyo abaalmarinta sinnaanshahan oo meela kala duwan ka soo dhiraandhirisay sida maalka iyo xisaabtanka qiyaamaha.”

Sidaas si lamid ah fahanka Riciyad/القوامة ayey u fasirtay si kale, laba qodobna u kala qaadday B) In Raacinimadu tahay sifo guud ah oo mu’miniinta rag iyo dumar ba ay u suntanyihiin, oo ah toosnaanta iyo la-jirka cadaallada iyo shareecadda. T)  Raacinimadu iyada oo labada jinsiba midaysa, ayey haddana tahay waajib ninku ku kallifanyahay, waxayna ka dhigantahay; in ninku xaaskiisa u xaqdhawro maaddi ahaan-in uu u adeego oo quudiyo, iyo macne ahaan-in uu ilaaliyo oo si caddaalad ah iyada iyada iyo qoyskaba ula noolaado. Waxa ay diidday  takrifalka ama in ninka la hoos keeno naagta iyada oo lagu jidaysanayo mafhuumka “Qawaama” oo ay ku sheegtay marmarsiiyo raggeed oo caddaalada diinta boogaynaya!

WQ: W.M. Bayle
Email: w.m.bayle449@gmail.com

About Maamulka Indheergarad 52 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “