
2,584 View
Indheergarad – Maarij 14, 2022 – Lammin – Vol: 01 – No: 77
Milaygu waa gu’ barwaaqo ah oo janno adduun ayay reeruhu ku jiraan. Waa caanaddaadis oo ma jiro hal qoys oo xirsi loo qaado. Cirku marka uu dhawr maalmood joogaba waa uu godladaa oo meel kasta oo godan xareed ayaa jiifta. Waa xiskindharag oo xoolaha meel fogba looma foofiyo. Adhyaha, geelasha, maqasha iyo nirgaha ciiddaas ka badan ee duleedka wadhan ayaa dadka ilwaadsi ugu filan. Alla gugan xooluhu maxay aad u dhaleen! Labo riti oo baarqab ah oo dhibida ku taalla aad yaabayso ayaa kolba isku soo qadhlaynaysa oo la kala celinayaa. Doobtoodana meel aan aagga lahayn ayaa laga maqlayaa. Kuray caano geel oo dhay ah soo dhamay ayaa halkan lagatamaya oo marba mid inta qonof la sudho lalidaas loo qaadayaa. Xoolo keli ah ma aha ee ugaadh ayuu iyadana Ilaahay geyiga ku galladay. Waa aad ku indhadaraandaraysaa Banka Qorraxey cawsha daaqaysa ee aad adhiga mooddo. Alla “Dayrtii Tiixyar” iyo gugani kala wacanaa.
Gugan labaatan sano ka hor, weliba xilli gamashi ah, gudcur-sagaal iyo Arbaca bil u dambaysa ayuu Geelle dhashay. Arrintaa reeruhu aad ayay u sharaysteen waa ayna ka allabaryadeen. Barwaaqada gugani se waa mid lagu raystay; reeraha deegaanka wadaagana colaadi ma dhex taallo. Nicmadan ayaa sababtay in Geelle uu qooqo oo guur uu ku hammiyo. Geelle waa curadka Kuluc oo ah oday aad u geel jecel. Geel jacaylkaas dartii ayuu duqu wiilkiisa magacan ugu bixiyay. Kuluc waxaa lagu xantaa lexejeclo xad-dhaaf ah. Waa nin aan neef muquuno ah dhayal ku bixinnin. Tolku marka ay magta iska uruurinayaan aad ayay Kuluc ugu rafaadaan. Waxaaba jirta sheeko reeraha dhexdooda caan ka noqotay oo ah in Diiriye oo geela Kuluc ka xidhaale qaadan jiray ay beri hore Kuluc jiq isku noqdeen ilaa ay gartooda rag waaweyni galeen. Waxaa la sheegaa in Kuluc uu duudsiyay qaalin afar jir ahayd oo Diiriye uu xaq u lahaa. Mar kasta oo dhacdadaa warkeeda la soo qaado, Kuluc waa uu xanaaqaa wax uuna ku andacoodaa in Diiriye uu qori ku foorariyay Geelle oo waagaas dabadhoon u ahaa Diiriye; qaalintaasna uu Diiriye sidaas ku waayay sababtoo ah in nin rag ah qori lagu foorariyo xeer baa ka yaallay xitaa iyada oo aan qoriga afkiisa xabbadiba ka bixin. Alla Kuluc geel jecelaa oo foodhi qurux badanaa marka uu xoolaha foofinayo ama soo dheelmayo.
Hayeeshee, Geelle maanta waa barbaar geedkaas le’eg oo lafahiisu ay ku dhismeen caanaha geela iyo oonta xoolaha. Subax walba marka uu geela ragga la liso inta uu biladdaye la soo baxo ayuu aad isu daawadaa. Ka dibna caagad caano ah inta uu qarqarka sudho ayuu u dhaqaaqaa dhinaca Maraacaato oo ah tuulo aad u cammiran oo aan jabadooda ka fogayn. Geelle qalbigiisu wax uu dul yaallaa Koraad oo Ilaahay uu qurux, xishood iyo karti isugu daray. Koraad waa gashaanti aan deegaankeeda dhinacna u dhaafin oo huwan dhaqankii suubbanaa ee Soomaalida reer miyiga ah.
Maraacaato duleedkeeda habeen walba dhaanto ayaa lagu tumaa. Nin Fanoog la yidhaahdo oo dhaantoolow ah ayaa geyiga caan ka ah. Dhaantada marka la tumayo kolba reer ayaa gala oo nidaam ayay ciyaartu ku socotaa. Reer walba aftahankiisa ayuu wataa. Wax alla wixii gabadh ahayd waa la isku dari oo dhinaca ayay is qabsan. Caawana toban qolo ayaa dhaantada is daba sugaysa. Koraad iyo Geellaba dhaantada ayay wax ka tumayaan. Aftahanku dhaantada inta uu gooyo ayuu reerka kale ee sugayay uga bixi. Ninkaas aftahanka ah ee dhaantada ka baxaya iyo ka dhiggiisa ah ee soo galaya waa ay is macasalaamayn oo inta ay is gacanqaadaan ayay odhanayaan “Kaa guddoomay ee gacanta ii dhiib.” Ammaanta dumarka, kaftanka, murtida iyo halxidhaalaha ay reeruhu dhaantada isku waydaarsanayaan waa aad la fajacaysaa. Alla bahashu jibbo waalanaa oo kuwa tumayaayi cagta isla heli ogaa. Alla ninka Fanoog la yidhaahdo halabuurkiisa iyo codkiisa dadku jecelaa.
Dhawr toddobaad ka dib, Geelle wax uu la soo baxay Koraad. Durba talo ayaa Geelle ku caddaatay. Oo maxay talo ugu caddaan wayday masuuliyad ayuu qaaday, yaradna waa looga fadhiyaa, lexejeclada aabbihiina waa uu ka dharagsan yahay e! Inta isaga ku magacaaban mooyee, waa ay ku adag tahay tulud geel ah in uu geelooda ka kaxaysto oo sida uu doono ugu tasarrufo. Geela wax uu ku lee yahay oo keli ah Gosol oo ah hashii isaga loogu xuddunxidhay iyo neefaf ay iyadu dhashay. Geelle ma uu rabo in arrinta guurkiisa ay duqa ku kala dhintaan. Sidaas darteed, wax uu go’aansaday in uu aabbihii khayr u rajeeyo oo tolka uu kaalo ka uruursado. Durba rag ay Geelle isu xigaan ayaa u ballanqaaday xoolo geel u badan. Alla dadku kala deeqsisanaa. Nin baa isla markaba odhanaya “Geellow ina adeer qaalintii Ina Xayaad ahayd maanta laga billaabo adiga ayay kaa dhimataa.” Nin baa madaxa xoqanaya oo calaacal billaabaya isaga oo leh “Geellow anigu neef adhi ah ayaan ku siin, weliba neefka adhiga ah lacagnnimo ayaan kugu siin doonaa oo marka ritiga Ina Miyir ah la gado ayaan shilimmadaada kaaga goyn.”
Ragga Geelle ballanqaadka u sameeyay waxaa ka mid ah Maxamed-Aar oo yidhi “War nin yahow
neef aaran ah haddii aan lee yahay waa aan ku siin lahaa ee riti jiilaalkii hore iga lumay oo Bullaale lagu sheegay ayaa jira ee ritigaa haddii aad halooto adiga ayaa leh.” Geelle durba wax uu helay xog ah in ritigii Maxamed-Aar ka lumay uu ku jiro geela nin Sulub la yidhaahdo oo Bullaale ag deggan. Geelle inta uu nooli qaatay ayuu Qabridaharre gaadhi kaga dhacay; qasadkiisuna waa Ceelis iyo ritigii oo uu gacanta ku soo dhigo. Nin nolol dabiici ah ku jiray oo aan weligii gaadhi fuulin ayuu ahaa ee durba waa uu ku xanuunsaday naqaskii baabuurka, shiirkii dadka iyo cadceeddii kululayd. Matag ayuu ku waashay. Shaygoosh ayuu ku degay markii uu rafaadka gaadhiga xammili waayay inkasta oo nooliga ilaa Birqod uu bixiyay.
Casar gaaban ayuu Shaygoosh ka lugeeyay. Isaga oo aan Goomaar gaadhin ayaa Geelle uu gabbalkii u dhacay oo shaacii u madoobaaday. Ka dibna reer dab weyni u shidan yahay ayuu iskaga leexday. “Naa gabadheey maxaad sheegtay?”, iyo “Biyo na siiya ina adeer” ayuu Geelle is raaciyay. Geelle waa nin ilnugul oo kaydanaya. Biyahana martiqaad buu ku doonayaa ee biyo keli ah ma uu filayo. Durba gabadhii ayaa u dhiibtay koob biyo ah oo aad u macaan oo laas xareed ah laga soo dhaamiyay. Harar weyn oo noocii qabyada la odhan jiray ahna ardaaga ayay u dhigtay. Gabadhu masaggo jadhiidh ah ayay digsi weyn ku karinaysaa oo irbaha ay kolba dhex marinaysaa. Gogosha markii uu dhinaca dhigayba, Geelle hurdo ayuu dhag yidhi oo daalkii iyo dhibkii gaadhiga ayaa ku soo baxay. Goor dambe, ayay gabadhu u toosisay caano iyo fijaan ay ka dhooran tahay masaggo jadhiidh ah oo si wacan loo kariyay. Geelle maaddaama uu caanacab ahaa, masaggada ayuu si gaar ah ugu muctaadsan yahay. Wax la sii sugaba ma jiro ee fandhaalkii ayuu ku billaabay. Inta uu dhargay ayuu fijaankii oo weli kelyaha jooga iska daboolay ka dibna hurdadiisii ayuu iskaga noqday. Barqinkii dambena Birqod ayuu soo galay oo uu ka shaaheeyay oo weliba sidii Soomaalida lagu yaqaannay uu dadkii is kala sheekaystay.
Maalintii xigtay ayuu Geelle soo dhex istaagay Bullaale. Nasiib wanaag, Sulub ayaa isaguna maanta Ceelka Bullaale jooga. Sulub waa nin cas oo qurux badan oo dhuuban oo dheer oo leh gadh iskujooga oo uu xinne ku guduudiyay. Lixdanka ayuu ku jiraa da’ ahaan. Waa deeqsi ay gobannimo ku dhammaatay. Labo boqol oo halaadna waa uu lee yahay. Nawaaxiga Bullaale ayuu reerkiisu inta badan degaa. Maantana geeliisu Ceelka Bullaale ayuu ka cabbey; ka dibna, markii uu geelu fulay ayuu soo fadhiistay maqaaxida Xuseen-Dheere. Maqaaxidu waa ilyarta, waxaana ka dhex daaran raadiye ay dadku jecel yihiin oo heesaha iyo wararka Soomaalida laga dhegaysto. Nin baa dhinaca dambe ee maqaaxida ka dhawaaqaya isaga oo leh “Koob shaah ah oo bigays ah ii dhiib Xuseen-Dheerow ina adeer.” Mid kale oo geel soo waraabiyay ayaa shaaha sugi kari la’ oo leh “Xuseenow aniga faaruqa ha iga xalin.” Nin bidaar weyn ayaa isaguna maqaaxida dhexdeeda koor afjeex ah ku qoranaya oo shaahii caddayska ahaa ee la soo hor dhigayna uu ka qaboobay. Waa meherad ay acmaal badani ka socoto. Sulub qudhiisa shaah ayaa u dalban; waana nin geyiga aad looga yaqaanno oo rag badan oo abaal iyo xushmo u hayaayi ay mar walba hareeraha ka
fadhiistaan. Maalinta uu geeliisu Bullaale u soo arooro, Sulub caanaha geeliisa laga soo liso ma uu iibiyo ee ragga ay sheekada wadaagaan ee maqaaxida jooga ayaa iska cabba mar marna Xuseen-Dheere ayuu iska siiyaa oo dadka shaaha ugu caddeeya.
Geelle waa nin tilmaan ku socday ee durba Sulub ragga waa uu ka dhex gartay. “Ee ritiga aynigaas iyo summaddaas leh oo waa hore geelaaga lagu sheegay ayaan raadinayay ee ma haysaa?” ayuu yidhi Geelle. “Haa adeer, ritigaasi geelayga ayuu ku jiraa” ayuu Sulub ku jawaabay. Geelle iyo Sulub xilli galab ah ayay Ceelka Bullaale ka carraabeen wax ayna u anbabaxeen reerka Sulub oo meel aan fogayn ku jira. Isla markii ay reerka gaadheenba, gogol cajiib ah ayaa Geelle loo dhigay. Intii uu geelu soo xeroonayay, waxaa Geelle loo keenay bariis subag codcod ah oo adhi lagu dallacay iyo shaah. Geelu markii uu soo galayna, dhiil weyn oo caano ah iyo galaaskii la darsan jiray ayaa la soo ag qotomiyay. Aroortii horena, waxaa Geelle la soo ag dhigay canjeero inta subag codcod ah indhaha lagaga tiray aad udgoonkeeda yaabayso. Shaahiina wax yar ka dib waa kan. Saa haddana caanihii ayaa loo soo lisay. Waa nin dadkiisii dhex jooga ee martisoor heer sare ah iyo ritigii oo la soo siiyay ayaa Geelle la isugu daray.
Intii uu baadigoobka ritiga ku maqnaa, Geelle wax uu maqlay in reerihii ay Qabridaharre ka fogaadeen oo Jilbisyaale u guureen. Meesha loo guuray waa dhul dalsan ah oo aan qaniin lahayn oo dadka iyo duunyadaba u roon. Cawska noocyadiisa marka laga tago, geelu wax uu jecel yahay oo uu Jilbisyaale ku haystaa baqas ulo gudguudan oo midhaha uu bixiyana aad digir mooddo; aqaqar gaaggaaban oo iyaduna midho yar yar bixisa; xadhig-xadhig dhulka dul jiifsada oo geelu uu lalmiyo marka uu cunayo; iyo gacmadheere geedaha kale ku marma. Alla dhulkaasi hawo fiicanaa oo xilliyada doogaadda ah quruxda iyo caraftiisu cajiibsanaa!
Ritigu waa mid macanasan oo heeg uma baahna ee isaga ayaa aayar iska soconaya. Maalmo ka dib, Sayladda Xoolaha ee Qabridaharre ayuu Geelle ritigii ku soo xidhay. “Jar” ayaa yeedhay oo dillaal malabsanaya oo budh xun wata ayaa durba ritigii u iibiyay. Isaga iyo Koraad arradbaxoodii, dhawr baakidh oo sigaar ah, sonkor uu reerihii u miisay iyo nacnac badan oo uu carruurihii ugu talaggalay mooyee lacagta xooggeedii inta uu go’a faraqiisa ku guntantaday ayuu Geelle goor casar ah Qabridaharre ka anbabaxay. Intaas uu jidka ku sii jiro, kolba xusuus ayuu galayaa oo isaga oo Jilbisyaale jooga iyo Koraad ayaa la hor keenayaa. Socodka lugta ah iyo kelinnimadu lurba kuma hayaan ee balli xusuus ah ayuu marba dhinac u dabbaalanayaa. “Ilaahayow ayaan badanaa nin inta uu reerihii dhex tagay mar Koraad dhaayaha saaray” ayuu kolba naftiisa ku odhanayaa. Laakiin dadqalato soo duushay ayaa iyaduna qorshe kale lahayd. Isaga oo aan weli Jilbisyaale iyo reerihii gaadhin ayaa guluf ay hoggaaminayso nuxuus Tigree ahi ay Geelle dhexda ku gawraceen. Tobannaan sano oo jidhdil, bahdil, xasuuq, jabhadeyn ku kellifid, dhexdooda isu dirid, kala irdhayn, barakicin, argaggixin, kufsi baahsan iyo naafayn dhaqaale ah ayaa la mariyay dadkii uu Geelle ka dhashay. Cid u soo hiilisa ama u hadasha xitaa waa ay ka waayeen dunida horumarsan iyo midda saboolka ahba. Bulsho Soomaali ah oo gob ahayd oo sandulle lagu gumeeyay ayay noqdeen.
Geelle dadkiisii inta baaqiga ahi maanta waa dalambaabbi. Waa dad qaabab kala duwan hadimo loogu soo geystay oo weli uu istikhyaarkoodu muran ku jiro. Silsilad ay in badan ka dagaallameen sidii ay isaga jabin lahaayeen ayaa iyada oo daxalaysatay kolna lagu nuujiyaa kolna laga dabciyaa. Waa bulsho haldoorkeeda badankii uu ciidda ka hooseeyo. Waa dad ay awowyadood ahaayeen Soomaali qab leh oo laga haybaysto laakiin iyagu doorsoomay dibindaabyadii loo gaystay iyo kuwii ay iyagu isu gaysteen dartood. Mar kasta oo ay soo dhawaato in sharaftoodii boodhka la galgalsiiyay ay dib u soo fufto; waa bulsho iyadu jillaafo isu dhigta. Mar kasta oo loo maleeyo in xaqa iyo baaddilku ay u kala soocmeen; waa bulsho la arkayo iyada oo dhagarqabeheeda caabudaysa, samawadeheedana boqnaha goynaysa. Waa dad haantaawilif ku jira oo aan cashirba ka barannin sooyaalkooda xanuunka badan. Waa bulsho ay rag aan innaba xarrago ag oollini ay u gucleynayaan in hoggaanka loo dhiibo; akhyaarteeduna ay doorbidday in ay iska mastuurtaan. Waa dad iyaga oo og in aynan kala maarmi karin, haddana midba uu dhinac u naqraacay. Caku! Sokeeye kala sidkamay.
W/Q: Axmed M. Cabdinaasir
Email: ahabdinasir@gmail.com