Gabadha iyo Kaalinta Garsoorka: Fiqiga iyo Waaqaca | Vol: 02 – Cad: 106aad

 488 View

Indheergarad – April 8, 2022 – Vol: 02 – Cadadka: 106aad

Xukuumadda Masar waxa ay soo saartay wareegto ay dhowr dumar ah ugu magacaabayso in ay ka mid noqdaan garsoorka sare ee dalkaas, wax ayna si rasmi ah u dhacaysaa xafladda magacaabistoodu April 5, 2022. Haddaba, sida caadada ah, marka arrin noocan oo kale ahi timaaddo oo ay weliba la xidhiidho Fiqiga iyo shareecada, waxa caan ah in ay furmaan doodo iyo ismaandhaaf badan oo dib loogu noqdo dhaxalki fiqiga iyo aragtiyhii ay fuqahadu ka qabeen in ay haweenay garsoor noqoto; dabadeed waxa si la mid ah sidii ay hore ba fuqahadu gondaha isu la galeen isu la gala oo ku kala jaba meel-isla-dhigidda qadyaddan kuwa hadda jooga.

Waxa xusid mudan in wareegto jaadkan ah oo sheegaysa in dumar qaban doonaan garsoorka dalka aanay taariikhda Masar hore u soo marin. Waa qadyad leh dhowr waji oo si kala duwan loo gorfayn karo inaguna, si kooban, ayaynu u soo gudbin doonaa. Si guud se, waxa laga istaagi karaa xagal diimeedyo sharci ah oo xidhiidh dheer la leh dhaxalka (turaathka) fiqiga; waana xagasha ugu doodda badan ee la is ku mari waayay. Qolo waxa ay ka eegayaan taaganta (waaqaca) oo waxa ay leeyihiin: Dhab ahaan waaqaceennu miyuu ku foorarinayaa in ay haweenku u gacan dhaafaan ragga xil garsoorannimo? Laakiin, runtii, arrintu intaa waa ka wayn tahay marka loo eego Hay’adda Caddaladda iyo Xuquuqaha ee Masar.

Mawqifka Fiqiga Iyo Shareecada

Xagasha sharciga iyo fiqiga Islaamiga marka laga eego xaajadan waxa ay noqonaysaa mid aan ugub ahayn oo ab-ka-soo-gaadh ah, oo sida ay fuqahadii hore ugu qaybsameen ayay kuwa hadda joogaana ugu qaybsameen. Haa, fuqahadii hore waxa ay ugu kala jabeen arrintan saddex kooxood:

Kooxda koowaad: waa kuwo u aragta inaanay bannaanay in ay gabadhi qabato xil garsoorannimo—waana jamhuurka fuqahada: Maalikiyada, Shaaficiyada iyo Xanaabilada oo daliilka u wayn ee ay cuskanayaan waa xadiiska nebiga, SCW, ee ah: “Duul taladooda u dhiibtay dumar liibaani ka dheer—ما أفلح قوم ولوا أمرهم امرأة”. 

Qushiye, waxa dhugmadeeda leh, in marka laga doodayo arrimaha noocan ah aanay dumarku boos ku lahayn dooddan oo ay debadda ka joogaan, cidda ugu badan ee darawalisanaa tahay ragga oo aanay gabdhuhu lahayn waayo’aragnimo ay ku lafaguraan arrintan iyo gorfaynaha ku gadaaman, dirkaba [1].

Hubantidii, ruuxa u fiirsaday aragtidan iyo halka ay ku ogog leedahay diidmada ay fuqahadu ku deedafeenayaa in ay gabadhi xil garsoorannimo qabato, waxa uu ogaanayaa in ay ku saleeyeen go’aanka habdhaqanka bulshooyinkooda iyo dabeecadda gabadha ee waayahooda. Garsoorannimadu waxa ay leedahay sumado sooc ah, kuwaas oo liddi ku ah dabeecaddii dumarka ee waagaas. Oo weliba lagu sii daray, daliiladan diinta ah ee ay wadaaddadu adeegsadeen!

Kooxda labaad: waa Axnaafta/Xanafiyada oo uu gadhwadeen ka yahay Abu Xaniifa, kuwaas oo bannaynaya in ay gabadhu ka noqon karto garsoore wixii ay maraggiisa geli karto; marka laga reebo dhiigga iyo dhegta/sharafta [2].

Kolka la fiiriyo aragtidooda arrinkaa ku aaddan, Xanafiyada, waxa ay leeyiin: gabadha waa in laga ilaaliyo ka hadalka dhiigagga iyo in la dhowro dareenkeeda arrinkaa la xidhiidha. Abuurka gabadhu, waxa uu dabci ahaan farayaa in ay ka indhasaabato dhiigga iyo ajalidda nafaha. Sidaas oo kale, ka maragfurka wixii sharafta [Qofka] la xidhiidha waxa ay u baahan tahay in ay falka si qotodheer u arkayso, taas oo liddi ku ah abuurka xishoodka iyo khajilaadda u iilanaya, iskaba daa in ay dadka hortooda iyo fagaaraha garsoorka si ku dhac iyo dhiirasho leh u sifayso sidii wax u dhaceen dhab ahaan.

Kooxda saddexaad, ee ugu danbaysaa: waa duul u arka in ay naagtu hanan karto xilka garsoorannimo, si  dabar-la’aan ah, oo ay wax kasta ka garsoori karto. Kooxdan waxa aynnu ka tilmaami karnaa oo foolaadkooda ah Xasan al-Basri, Ibnu Jariir ad-Dabari iyo Ibnu Xazam [3].

Waxa ay dooddaas u cuskanayaan noqoshada ay naagtu noqon karto Mufti in ay uga mudan tahay noqoshada ay noqon karto, sidoo kale, garsoore. Waayo, muftigu/muftiyaddu waxa uu/ay caddaynayaa/caddaynaysaa xukun sharci ah oo ku qotoma cilmi, fiiro iyo masuuliyad. Halka garsoorranimaduna tahay in taas oo adoow dawladnimo lagu dallacay [4].

Marka aynnu isu celcelino sida ay nusuusta guud iyo maqaasidda shareecadu isu qabanayaanna, waa in ay asal ahaan bannaan tahay in gabadhu noqon karto GARSOORE oo daliil sharci ah oo u diidayaana aanu jirin; mar ka laga reebo wixii ku saabsan awoodaha qofka ee ku aaddan hanashada booskaas, nin iyo naag kuu doono ha ahaadee, ee ah in uu ehal u yahay aqoon ahaan, anshax ahaan, awood ahaan sida uu uga go’aan gaadhi karo arrimaha bulshada iyo in uu yahay qof isu taagi kara oo karti u leh maamulidda mansabkaas.“

Waaqaca Masar ee Garsoorannimada iyo Xuquuqda

Waydiinta muhiimka ahi waa: waaqaca Masar ma kala summadayn karaa in ay gabadhi xil garsoorannimo qabato ama in uu qabto qof aan Muslinba ahayn? Sidii caadada ahaydna, dadku way isku mariwaayeen arrintan oo dooddu waxa ay sii daran tahay marka ay joogto in ay gabadhi xil garsoorannimo qaban karto; sidii oo aad mooddo in ay caddaladda Masar u rahman tahay oo hanaqaadayso ama hormarayso marka uu nin ama naag gadhwadeen ka noqdo. Haddaba, su’aasha garta ahi waxa ay noqonaysaa: Maxaa iska beddelaya Hay’adda Caddaaladda iyo Xuquuda Masar, garsoore nin, naag, muslim ama qof aan muslin ba ahayn?

Jawaabta oo koobanina waa: Garsoorka Masar waxa ku habsatay ibtilo wayn. Waayo, waxa loo fadhataystay si la wada arki karo. Bal maxaa ku jaban haddii ay gabadhi fadhiisato booska Naaji Shaxaatat ama ka garsoore Maxamed Shiiriin Fahmioo ay soo saarto xukunno il-ka-cabbir ah—الأحكام الجزافية—Miisaanka mudanaantii caddaaladda ma wax baa iska beddelaya? “May”, waxba iska beddelimaayaan. Muhiimaddu waa in Hay’ad Caddaaladeed iyo mu’asadad garsooreed oo dhexdhexaad ahi jirto, taas oo ka madhan iilasho iyo iimaha kale ee xagiridda. Waa in ay xorriyad taabud ah u leedahay eraygeeda xaqa ah; taasina waa mid aan badi waddankeena ka ool.

Xaalka ruuxa la dulminayo isma beddelayo oo judha ay haweenay xukunka garsoorannimo ku fadhiisato ma joogsanayo ama ruux kale oo muuqa sare wadaad ah, iyada oo haddana baadhista iyo xidhitaanka ruuxa la dulmimayo ay sii socato, oo hal mar oo uu taleefonka soo dhaco ku filan tahay in uu ku-simaha xeer-ilaaliyaha guudi dib u soo celiyo. Waxa aanu aragnay garsoorayaal jeelasha loo gaynayo sidii ay u baadhi lahaayeen dad aan eed lahayn, oo kolka ay soo gaadheen dadka aan eedda lahayni ku farxaan aragooda, dabadeedna ay u sheegaan in qirashadooda jidhdil laga keenay oo qoyayskooda la handaday. Ku-simaha xeer-ilaaliyaha ayaa askartii ku yidhi, “eedaysane eeddiisa beeninaya ayaad ii keenteen ee dib u celiya si uu gefkiisa u soo qirto”, oo uu ku talinayo in sidii oo kale loo jidhdilo oo isaga waxa u muhiim ah in falkaas lagu sameeyo meel ka baxsan xafiiskiisa.

Kaalinta fiqiga ee gabadhu in ay garsoore noqon kartaa waa mid shaacsane ah, bal e, waxa aynnu intaa ku daraynaa in ay xataa Madaxwayne noqon karto, waana aynnu rejaynaynaa, sidoo kale, in berri dumar badan isu soo taagaan jagadaas oo waynnu ku badhitaaraynaa. Waayo, mawqifkaa fiqi waa cid-walba-garatay oo muhiimadda dhabta ahi maaha masa’ladaas.

Muhiimadda dhabta ahi waa fulinta iyo meelmarinta, oo xukunka iyo garsoorku waa seeska sinnaanta iyo xaqa; haddii ay maqnaadaanna maxay tahay sababta aynnu ugu dhugmayeelanayno in ay xilkaa gabadhi hanato, kiristaan, dad dana gaar ah laga leeyahay ama duul kale ba! Waxa mudan in loo fiirayeesho caddaaladda iyo xaqa oo qudha!

Masar baahi degdeg ah uma qabto u dhiibista gabadha garsoorannimo waraaba-u-taag ah, ama mudnaanshaha ay arrin uga mudan tahay dadka kale, waxa ay se u baahan tahay dhaadhicinta iyo dhidibba-u-taagidda sinnaanta iyo xaqa. Sidaa daraaddeed, marka kuwo xagjir ku ah qadyadda qabashada garsoorka ee hawaanku ay soo daliishadaan: “Duul taladooda u dhiibtay dumar liibaani ka dheer—ما أفلح قوم ولوا أمرهم امرأة”. Waxa uu ugu jawaabi jiray shiikhaygi Qardaawi: “Oo haddaa ma waxa liibaanaya duul taladoodi u dhiibtay qooqaa—وهل يفلح قوم ولوا أمرهم طاغية؟”.

Waa taa ta mudan in la gorfeeyo oo la dabaqo.

____________________________

[1] انظر: المغني لابن قدامة (11/380).

[2] انظر: شرح فتح القدير لكمال الدين بن الهمام (7/297)، والبناية شرح الهداية للعيني (9/46)،.

اعلان

[3] انظر: المحلى لابن حزم (12/320)، ونيل الأوطار للشوكاني (8/720).

[4] انظر: نظام القضاء في الشريعة الإسلامية للدكتور عبد الكريم زيدان ص: 27، وأصول المحاكمات الشرعية والمدنية للدكتور محمد الزحيلي ص: 51.

[1] Maxamed Naaji waa garsoore Masri ah oo lagu naanayso muraayadda-madaw.

[2] Maxaamed Shiiriin Fahmi, garsoore kale oo hadda xubin ka ah maamulka maxkamadda dambiyada Qaahira.

dhammaad

Waxa qoray: Casaam Taliimah.

Waxa tarjumay Ibraahin Ayman.

About Maamulka Indheergarad 52 Articles
Indheegarad waa mareeg madaxbannaan oo si joogta ah u daabacda qoraallo ku xardhan afka Soomaaliga, kuwaas oo isugu jira: sooyaal, siyaasad, dhaqaale. dhaqan iyo af, turjumaad, arrimaha bulshada iyo aqoonta aadamaha. Waxa ay u soo gudbisaa bulshada Soomaalida qoraallo iyo gorfaymaha buugaagta wax ku oolka ah. Iyada oo yoolka ugu weyn yahay helidda aqoon iyo garaad xor ah oo isku filan, kuna jaango’an waayaha nololeed ee bulshda Soomaalida. Waxaana gundhig iyo sal ay ka duusho waxna ku halbeegto u ah aqoonta, fekerka hufan iyo garaadka aan dabarka lahayn. “