
438 View
Indheergarad – Lammin 24, 2022 – Koobin – Vol: 01 – No: 79
Xeerka Naxwaha iyo Xeeladda Hal-abuurka Maansada
Darse: Tawakal Cabdi Ismaaciil (MA)
Jaamacadda Jigjiga
Mac’hadka Daraasaadka Af-soomaaliga iyo Suugaanta
abwaanxays11@gmail.com
Hordhac
Qormadan waxaan si kooban ugu falanqeeyey qaar ka mid ah xeeladaha iyo farsamooyinka curinta maansada, ayada oo aan aaminsanahay in hal-abuurka maansada uu ku ebyamo wadarta saddex tiir oo kala ah: xeelad, gashi ereyeed, dir-sooc (hidde) iyo aragti, sida aan ku caddeeyey buugga “Tababare” ee xeeladaha hal-abuurka maansada. Qaaciido ahaanna waxay u dhigmaysaa aragtidani sidan hoose (…)
Haseyeeshee, qormadani waxay xambaarsan tahay kaliya tiirka koowaad ee xeeladaha hal-abuurka maansada, waana ka inta badan sababa deel-qaafka ama jabniin qaab-dhismeedka meeriska; taas macnaheedu maaha in qofka tiirkan iska saxaa uu curin karo maanso cuddoon ee waxaad ogaataa in ay suugaantu ka dhalato isku darka saddexda tiir oo loo xambaarshay aragti.
Raad-raac
Cabdilahi Diiriye G. “Caraale” (1977) Gorfaynta Gabayga: Muqdisho
Tawakal Cabdi I. (2022) Tababare: Addis-ababa: Veiwgraphics and printing (Bog 2-9)
***