Stay connected

Create a custom menu under "Appearance => Menus" in your WordPress dashboard to display social icons in this widget.

Mareegta Indheergarad

Xeerka Anshaxa iyo Mabaadi’da Qoraalka – XR. LR: XAMQ/01/21

Hordhac

Qodobadan hoos ku qoran waxa ay tilmaamayaan mabaadi’da anshaxa iyo qoraalka ee u yaalla mareegta Indheergarad. Xeer-yarahani waxa uu ka koobanyahay lix qodob oo guud iyo faqrado gaadhaya ilaa saddex iyo toban faqradood oo hoos imanaya. Qof kasta oo qoraalkiisu/keedu uu buuxiyo qodobadan iyo faqradahan, mareegta Indheergarad qoraalkiisa waa ay daabacaysaa.

Qodobka 1aad: Qaabka Qoraalka iyo Hannaankiisa

  1. Qoraalka waa in ay qummanyihiin hab-raaciisa, higgaaddiisa iyo qaabka uu u habeysanyahay. Mareegtu keli ah wixii qoruhu ilduufay uun baa ay kabeysaa oo toosinaysaa, iyo haddii uu ka codsado in qoraalka gun iyo baar dib loo saxo, wax lagu daro, waxna laga saaro, iwm.
  2. Qoraalku haddii uu yahay maqaal (Article) waa in uu noqdaa saddexdan mid ahaan:
  3. Maqaal yar: 2-3 bog.
  4. Maqaal dhexe: 5-8 bog.
  5. Maqaal dheer: 10-25 bog.
  6. Maqaalku tixraac waa uu yeelan karaa, iyada oo lagu dhex sheegayo qoraalka dhexdiisa, ama hoostiisa, ama haddii laga fursan waayo waa laga tegi karaa.
  7. Curisku tixraac waa waajib in uu yeesho, dhex iyo dhammaad ba waa lagu sheegi karaa had ba kii qoruhu muhiim u arko.
  8. Curisku ugu yaraan waa in uu ka koobanyahay 4-bog.
  9. Qoraalku haddii uu yahay gorfayn buug ama mawdduuc (Review), waa in uu ka koobnaadaa hordhac, gudagal/faaqidaad iyo gunaanad. Kaas oo waafaqsan hab-gorfaynta qumman ee ka madhan aflagaaddada iyo shakhsi weerarka. Sida oo kale qoraalka gorfaynta ahi ma laha xadiddaad dhanka cadadka bogagga ah, waa mid furan, had ba intii ay le’ekaato waafaqsan hab-raaca qoraallada ee mareegta.
  10. Qoraalku haddii uu yahay sookoobid buug (Summary Book), waa in uusan ka badnaan 10-15 bog oo qoruhu intii uu koobi karo uu nuxurka dhiganaha koobay.
  11. Qoraalka turjumaadda ahi ma laha xadiddaad dhanka bogagga ah, waa mid furan had ba intii qoraalkaas la turjumay le’egyahay waa bannaantahay.
  12. Qoraalka sheekada ah waa in uu raacsanyahay si buuxda tubta loo maro hab-curinta toolmoon ee sheeko allifidda, haddii ay ku tahay barbarad iyo kala dhantaal hababka loo allifo sheekada, mareegtu ma daabici karto sheekadaas. Waa in qoruhu iska soo hubiyo, si shakhsi ah iyo si guud ba, isaga oo naftiisa, aqoontiisa iyo bulshada ku xeeran ba kaashanaya sheekada iyo ogaalka la xidhiidha; ka hor inta uusan sheeko qorin, ama u soo dirin mareegta.

Qodobka 2aad: Cunfiga iyo Nacaybka

  1. Qoraalka waa in aanay ku jirin nacayb iyo xiqdi ku saabsan dhammaan qeybaha nolosha bulshada, sida: nacayb diineed, nacayb kooxeed, naceyb mad-hab, nacayb qabiil, nacayb deegaan, nacayb qofeed, iwm.
  2. Qoraalka waa in aanay ku jirin, si dadbadan oo mala’awaal iyo sheeko oo kale ah, ama si toos ah oo maqaal iyo qoraal kale ba ah, oo lagu tilmaamayo nacayb loo qabo cid gaar ah ama feker gaar ah.
  3. Qoraalka waa in aanay ku jirin wax muujinaya xukun, fogaansho ama dhowaansho cid loo sheegay, sida: dil,  gaaleysiin, hanjabaad, iwm.

Qodobka 3aad: Aflagaaddada iyo Shakhsiyad Weerarka

  1. Qoraalka waa in aanay ka muuqan, ama ku jirin aflagaaddo ama cay jaadka ay doonto ha noqotee, si badheedh ah ama si maldahan oo aan la dareemi karin.
  2. Qoraalka waa in aanay ku jirin wax shakhsiyad weerar ah, oo qofka noloshiisa gaar ka ah lagu beegsanayo. Sida oo kale weerarka shakshiyadeed ee ku saabsan koox ama cid gaar ah, oo si shakhsi loogu xadgudbo xuquuqaha qofeed/dadeed, iyada oo aan laga doodin ama la sheegin, laga faaqidayn dhanka fekerka iyo aragtida qofka ama kooxda, iwm.
  3. Erayada cayda ah ee xataa aan loo la jeedin aflgaaddo qoraal ay ku jiraan, waa mid aan anshaxa mareegta waafaqsanayn.

Qodobka 4aad: Siyaasadda iyo Bulshada Soomaalida

  1. Qoraalku waa in uusan si caaddifadaysan uga hadlayn siyaasadda dhextaalla Soomaalida, dawladaheeda iyo maamulladeeda ba.
  2. Qoraalka ka hadlaya siyaasad waa in uu si guud uga hadlayaa mawdduuca siyaasadda, iyo wixii la xidhiidha, aan se ahayn in uu dhex qasto siyaasadda Soomaalida ee cid gaar ah la safanayn, ka safanayn ama u garqaadeyn.
  3. Qoraalku waa in uusan ku saabsanayn dhacdo mar taagan, sida: doorasho, khudbad, hadal siyaasi yidhi, haddii aysan mareegta ama dadka ku xidhan u arkin mid muhiim ah oo taariikheed, ama u baahan in raad laga reebo, iwm.
  4. Gebi ahaanba waa ka mamnuuc mareegta oddoroska iyo aragtida qofeed ee siyaasadda Soomaalida la xidhiidha, sida: doorasho, madaxweyne, siyaasi, xisbi, koox, iwm. Masuuliyaddaasna ma qaadi karto mareegtu.

Qodobka 5aad: Dheehidda iyo Xadidda Qoraallada

  1. Qoraal kasta oo ay maamulka mareegtu hubiyaan in la soo dheegtay, la soo xaday, ama cid hore lahayd lama daabici karo.
  2. Qoraal kasta oo ay ku jirto hadallo, xaqiiq, dhacdo ama wax u baahan tixraax sugan oo masuuliyad weyn noqon kara, se aan lagu sheegin qoraalka dhexdiisa, lama daabici karo.
  3. Qoraal mar la daabacay, mar labaad lama daabici karo, haddaan kii hore wax laga beddelin, waxna lagu darin. Iyada oo qoraalkii hore mareegta ku jirayo.

Qodobka 6aad: Xuquuqda Qoraallada

  1. Xuquuqda qoraal kasta oo ay mareegtu daabacdo, waxa uu yeelanayaa mug (volume) iyo cadad u gaar ah oo tusinaya halka iyo xilliga la daabacay.
  2. Dhammaan xuquuqda qoraal kasta oo la daabaco waxa ay u dhowrsantahay qoraha, lama xadi karo, wax ka mid ahna lama dheegan karo.
  3. Qoraal kasta waa in uu yeeshaa magaca qoraha oo saddexan, hadduu naaneys leeyahay, iyo iimaylkiisa shakhsiga ah ee laga la soo xidhiidhi karo. Qoraal aan intaas lahayn, mareegtu ma daabici karto.
  4. Waa ay reebanyihiin qoraallada ay qarsoonyihiin cidda qortay magacyadooda, ama iimaylladoodu, ama sheegta magac iyo iimayl been ah oo aan jirin.