{"id":280,"date":"2019-08-24T22:51:26","date_gmt":"2019-08-24T22:51:26","guid":{"rendered":"https:\/\/indheergarad.com\/?p=280"},"modified":"2026-04-10T22:25:26","modified_gmt":"2026-04-10T22:25:26","slug":"gorfayn-the-geopolitical-reader-qeybta-1-aad-gearoid-o-tauthail-simon-dalby-paul-routledge","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/2019\/08\/24\/gorfayn-the-geopolitical-reader-qeybta-1-aad-gearoid-o-tauthail-simon-dalby-paul-routledge\/","title":{"rendered":"GORFAYN: The Geopolitical Reader \u2013 Qeybta 1-aad | Gearoid O. Tauthail, Simon Dalby &#038; Paul Routledge"},"content":{"rendered":"<h4>Hordhac<\/h4>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Buuggaan &#8220;<\/span><em>THE GEOPOLITICS READER<\/em>&#8221; <span style=\"font-weight: 400;\">waxa uu ka kooban yahay qoraallo, aragtiyo iyo mabaa\u2019dii siyaasadeed ee ay lahaayeen madaxdii iyo aqoonyahannadii ugu saamaynta badnaa dejinta siyaasadaha arrimaha dibadda ee dalalkooda, intii u dhexeysay qarnigii 20-aad iyo qarniga 21-aad ee aan hadda ku jirno. Waxaa isu uruuriyay kaddibna tifaftiray saddex qoraa oo la kala yiraahdo: (<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">P Routledge<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">, <\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Gerard Toal<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\"> iyo <\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Simon Dalby)<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">. Buuggu waxa uu dhinacyo kala duwan ka eegayaa waxyaabaha saameeyaa deegaan-siyaasadeedka dunida, sida: taariikhda, siyaasadda, juquraafiga iyo arrimaha bulshada. Deegaan-siyaasadeedku waa barashada saamaynta uu juquraafigu ku yeesho siyaasadda iyo xiriirrada caalamiga ah.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Dhulka Soomaalidu degto, waxa uu dhacaa goob juquraafi ahaan aad iyo aad u muhiim ah oo istaraatiiji ah marka loo fiiriyo caalamka, waa dhul ku yaal Geeska Afrika lehna mid ka mid ah marin-biyooddada caalamka ugu mashquulka badan ee ay maraan maraakiibta ganacsiga, kuwa ciidanka iyo weliba dalxiiska ee dunida daafaheeda isaga kala gooshaysa. Sidaa awgeed waa innoo muhiim in aan wax badan oo badan ka fahanno waxa uu yahay deegaan-siyaasadeedku iyo sida ay xasiloonideenna u saamayn karto. Siyaasadda caalamiga ah iyo deegaan-siyaasadeedku waxa ay ku kala duwan yihiin, in siyaasadda caalamiga ahi ay muhiimmadda siiso dalalka la aqoonsan yahay halka deegaan-siyaasadeedku ay saamayn iyo galaangal ku yeelan karto xitaa dalalka iskood isu magacaabay ee aan la aqoonsanayn sida tusaale ahaan Soomaalilaan oo kale iyo maamullada ka tirsan dal federaal ah sida Butlaan, Galmudug, Koonfur-Galbeed iwm.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Halkaas waxa ka muuqato in deegaan-siyaasadeedka dunida ee maanta ay saamayn ballaaran ku leedahay degennaansha la\u2019aanta dalka iyo midnima-xumada ummaddeenna. Sababtaas iyo sababo kale baa buuggaan\u2014The Geopolitics Reader\u2014akhrintiisa iyo soo koobiddiisu ba muhiim ugu tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Buuggu waxa uu ka kooban yahay shan qaybood oo kala duwan, qayb waliba na ay ka hadlayso xilli taariikheed gaar ah iyo mawduuc goonni ah. Qarnigii 20-aad iyo qarniga 21-aad ee aannu hadda ku jirno baa u buuggu ka hadlayaa oo ah labadii qarni ee siyaasadda arrimaha dibadda ee dalalka dunidu isu furantay, dal waliba na uu saamayn xoog leh ku yeeshay siyaasadda arrimaha gudaha ee dalalka kale. Isaga oo adeegsanaya hadba deegaan-siyaasadeeddii ku habboon ee uu danaha qarankiisa ku gaari karo. Shanta qaybood ee buugga loo kala qaybiyay waxa ay kala yihiin sida hoos ku xusan.<\/span><\/p>\n<h4>Qaybta 1aad: Deegaan-Siyaasadeedkii Xilligii Guumaystaha<\/h4>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Qeybtan oo ah qaybta ugu horraysa buugga waxa ay ka hadlaysaa curintii erayga \u201cDeegaan-siyaasadeed\u201d iyo sidii loo adeegsan jiray erayga intii u dhaxeysay 1900 illaa 1945-kii. Erayga \u201cGEOPOLITICS\u201d ama \u201cdeegaan-siyaasadeed\u201d waxaa curiyay aqoonyahan Iswiidhish ah oo la oran jiray Rudolf Kjell\u00e9n. Xilligii erayga la curiyay oo ahayd 1899-kii iyo maanta oo aan joogno 2018-ka, erayga \u201cdeegaan-siyaasadeed\u201d isku macne ma ahan. Eraygu waxa uu isla soo bedbeddelay xilliyadii iyo xaaladihii kala duwanaa ee siyaasadda caalamku ay soo martay. Rudolf Kjell\u00e9n oo ah aqoonyahankii curiyay erayga \u201cdeegaan-siyaasadeed\u201d waxaa uu ahaa ardaygii nin la oran jiray Friedrich Ratzel oo ahaa juquraafiyaqaan Jarmal ah. Friedrich Ratzel waxa uu qabay aragti ah in &#8220;dawladuhu&#8221; ay yihiin noole, sifooyinka noolaha lagu yaqaannana waxa ka mid ah in uu koro nooluhu, sidaa daraadeed si dawladdu u sii jirto waa in ay fiddaa oo dhulka ku hareeraysan ku sii fiddaa marba marka ka danbaysa.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waxa uu ka horyimid aragtida oranaysa, \u201cdawlad waliba waxa ay leedahay xuduuddo aan isbedbeddelin oo iska cayyiman.\u201d \u201c<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Nooluhu waa in uu koraa, dawladduna waa noole oo koritaankeedu waa laga ma maarmaan<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">\u201d baa uu ku dooday Friedrich Ratzel, waxa uuna curiyay waxa loo yaqaan \u201c<\/span><em>Lebensraum<\/em><span style=\"font-weight: 400;\">\u201d oo ah in dawladda xoogga leh ee qawmiyadda Jarmalku ay ku durugto, qabsatana dhulka ay ka taliyaan qawmiyadaha leh dawladdaha taagta daran. Markaa qawmiyadahaasi dhaqaale ahaan waxa wax soosaarka dhulkoodu quudinayaa warshadaha qaranka Jarmalka, dadka halkaa degganna waxaa khasab loogu dhex faafin dhaqanka Jarmalka. Aragtidan dalalka reer Galbeedka oo dhami waa ay wada qabaan horena waa ay u qabeen, waa aragtida sababtay in gumaystihii reer Galbeedku qabsado Afrika, dhaqaale ahaanna ay dhulka Afrika illaa maanta u yahay isha warshadaha Yurub, dhaqan ahaanna ilbaxnimada reer Galbeedku ay u doorisay habdhaqankii Afrika iyo dunida kale ba.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Rudolf Kjell\u00e9n isaga oo aragtidii macallinkiisa sii faahfaahinaya baa uu curiyay erayga \u201cdeegaan-siyaasadeed\u201d sanaddii 1899-kii. Erayga \u201cdeegaan- siyaasadeed\u201d waxa uu noqday aragti lagu xalaalaysto qabsashada iyo gumaysiga dawladaha taagta daran iyo ummadaha aan dawladnimada lahayn intii u dhaxeysay sanaddii 1900-kii illaa 1945-kii. Dhulboobkii iyo cunsuriyaddii reer Yurub, gaar ahaan Jarmalka iyo Ingiriisku, waxa ay sababeen labadii dagaal weyne ee dunida kaddib markii ay ku heshiin waayeen sida ay dunida kale u boobayaan.<\/span><\/p>\n<h4>Qaybta 2aad: Deegaan-siyaasadeedkii Dagaalkii Qaboobaa<\/h4>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Wixii ka danbeeyay 1945-kii, dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunidu, waxa isbeddeshay deegaan-siyaasadeedkii caalamka. Waxaa soo baxay laba dawladood oo aan sidii reer Yurub aan ku dhisnayn aragtiyo qawmi ah balse ku dhisan aragtiyo dhaqaale. Waa dawladda Maraykanka iyo dawladda Ruushka. Waxaa hal mar isbeddeshay fahankii guud ee laga haystay erayga \u201cGEOPOLITICS\u201d ama \u201cDEEGAAN-SIYAASADEED\u201d waxaana soo baxay fahan cusub; oo kii hore ka duwan. Haddii eraygu markii hore u adeegayay qawmiyad rabta in ay qawmiyad kale qabsato, markaan danbe waxa uu u adeegayaa aragti rabta in ay aragti kale qabsato!<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Qaybtan labaad ee ka warramaysa deegaan-siyaasadeedkii xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa, waa ay ka duwan tahay qaybtii koowaad ee aannu ku soo aragnay deegaan-siyaasadeedkii xilligii gumaystaha oo ku dhisan aaminaadda kala sarraynta jinsiyadaha reer Yurub, kala sarraynta caddaanka iyo madowga, oo ay qolo ba qolo ku handadaysay, ugu danbaynna sababay dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee dunida. Waxa ayna qaybtaan cusub salka ku haysay labadii aragti dhaqaale ee &#8220;Hanti-wadaagga&#8221; iyo &#8220;Hanti-goosadka&#8221; la kala oran jiray.<\/span><\/p>\n<h4>Qaybta 3aad: Deegaan-siyaasadeedka Cusub ee Dunida<\/h4>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Kaddib markii uu burburay Midowgii Soofiyeetku bilowgii sagaashanaadkii, waxaa Maraykanku noqday awoodda qura ee dunida ka jirta. Waxaa meesha ka baxday isu dheelitirnnaantii awoodeed ee dunida. Nidaamka cusub ee dunidu gashay si ay macna waara u yeelato, wixii 1990-kii ka danbeeyay waxaa Maraykanku isku dayay in uu erayga \u201cGeopolitics\u201d ama \u201cDeegaan-siyaasadeed\u201d si ka duwan sidii hore u fasiro, sidaa awgeed mar saddexaad baa macnihii erayga \u201cdeegaan-siyaasadeed\u201d is beddelay. Qaybtaan saddexaad ee buuggu waxa ay ka warramaysaa isbeddelka ku yimid erayga \u201cGeopolitics\u201d iyo sida dunida maanta looga isticmaalo. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Qaybtaan waa qayb aad innoogu muhiim ah haddii aynu Soomaali nahay. Deegaan-siyaasadeedka cusub ee dunidu waxa uu dhaqangalay markii dawladnimadeennii burburtay, haddii aynaan fahmin nidaamka cusub ee dunidu gashay wixii ka danbeeyay burburkii dalkeenna, waa ay adag tahay in aan dib u helno Soomaali mid ah, xoogleh, horumarna ka gaartay dhinaca aqoonta iyo dhinaca dhaqaalaha. Waayo nidaamka cusub ee maanta dunida ka jira waxa u degsan deegaan-siyaasadeed cusub oo saamayn togan iyo mid taban ba innagu leh.<\/span><\/p>\n<h4>Qaybta 4aad: Deegaan-siyaasadeedka Deegaanka<\/h4>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Arrimaha deegaanku waxa ay muddooyinkan noqdeen waxa ugu badan ee laga doodo, sida: isbeddelka cimilada, xaalufinta kaymo roobaadada, dikhowga iwm. Inkasta oo ay dhibaatooyin deegaan, oo jira yihiin dhammaan arrimahaasi. Haddana dana siyaasadeed kama marna waxa loogu yeero \u201cilaalinta deegaanku.\u201d Waa sababtaas sababta qaybta afraad ee buuggan loogu wanqalay magaca ah \u201cDeegaan-siyaasadeedka deegaanka.\u201d (<em>The Geopolitic of Enivironment<\/em>)<\/span><\/p>\n<h4>Qaybta 5aad: Deegaan-siyaasadeed-diid<\/h4>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Deegaan-siyaasadeedka caalamku waxa uu soo maray marxalado kala duwan. Mar uu u adeegayay gumayste, mar uu u adeegayay aragtiyo is diiddan iyo mar uu u adeegayo danaha Maraykanka. Iyada oo ay sidaas tahay, mar waliba waxaa deegaan-siyaasadeedka caalamka dejin jiray dadka madaxda ah ee dawladdaha xilalka fiican ka haya, maalqabeennada, saraakiisha sarsare ee ciidanka iyo aqoonyahanno dadkaas kala duwan u adeega. Waxaa jiri jiray dhaqdhaqaaqyo iyo dad aad uga soo horjeedi jiray qaabka ay u shaqayso deegaan-siyaasadeedka caalamku, se nasiibxumo aan waxba laga soo qaadi jirin warkooda iyo diidmadooda midna. Qaybtaan u dambaysa waxa loogu talagalay in loogu tago dhaliilo ka dhan ah deegaan-siyaasadeedka caalamka.\u00a0<\/span><\/p>\n<h4>Gudogalka Buugga<\/h4>\n<h5>Q 1-aad: Deegaan-siyaasadeedkii Xilligii Guumeystaha<\/h5>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Qaybtii hore ee hordhaca ahayd waxa aannu ku soo qeexnay waxa ay tahay \u201cDeegaan-siyaasadeed\u201d iyo waxa ay ku kala duwan yihiin deegaan-siyaasadeedka iyo waxa loogu yeero xiriirka caalamiga ah. Waxa kale oo aannu ku soo sheegnay waxtarka uu Soomaalida u leeyahay soo koobidda buuggaan la yiraahdo \u201cTHE GEOPOLITICS READER\u201d oo ah buug shan qaybood, oo kala duwan ka kooban. Qaybtaan waxa aan isla fiirinaynnaa qaybta koowaad ee buugga oo ka warramaysa deegaan-siyaasadeedkii guumeystaha. Qaybtaan koowaad ee buuggu waxa ay u qeybsan tahay shan qaybood oo ay dejiyeen afar nin oo bud-dhig u ahaa deegaan-siyaasadeedkii gumaystaha. Afartaas nin oo la oran karo labo ba isku aragti baa ay ahaayeen waxa ay kala yihiin:<\/span><\/p>\n<ol>\n<li style=\"list-style-type: none;\">\n<ol style=\"text-align: justify;\">\n<li style=\"font-weight: 400;\" aria-level=\"1\">Halford J. Mackinder:<span style=\"font-weight: 400;\"> Aqoonyahan Ingiriis ah oo wax badan ku biiriyay aqoonta deegaan-siyaasadeedka.<\/span><\/li>\n<li style=\"font-weight: 400;\" aria-level=\"1\">Theodore Roosevelt:<span style=\"font-weight: 400;\"> Madaxweynihii 26-aad ee Maraykanka. Waxa uu xilka hayay intii u dhaxeysay 1901-dii illaa 1909-kii.<\/span><\/li>\n<li style=\"font-weight: 400;\" aria-level=\"1\">Karl Haushofer:<span style=\"font-weight: 400;\"> Jeneraal iyo juquraafiyahan Jarmal ah.<\/span><\/li>\n<li style=\"font-weight: 400;\" aria-level=\"1\">Adolf Hitler:<span style=\"font-weight: 400;\"> Hoggaamiyihii Jarmalkii Naasiga ahaa.\u00a0<\/span><\/li>\n<\/ol>\n<\/li>\n<\/ol>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Qaybtaan koowaad waxa ay ka warramaysaa sidii qoraalladii ay qoreen afartaas nin iyo aragtiyohoodii siyaasadeed ay dunida u qaabeeyeen intii u dhaxeysay 1900-kii illaa 1945kii, iyo sidii aragtiyahoodu isu diideen ugu danbaynna isugu biya shubteen oogidda laba dagaal weyne oo malaayiin qofi ku naf waayeen oo intaa in ka badan oo hanti ahi na ay ku burburtay. Taas oo ugu dambayn sababtay in deegaan-siyaasadeedkii gumaystaha dib looga fiirsado 1945-kii, dunidu na yeelato nidaam cusub oo uu saldhiggiisu yahay laba dawladood oo cusub, lehna deegaan-siyaasadeed cusub kaas oo ah deegaan-siyaasadeedkii Dagaalkii Qaboobaa ee u dhexeeyay Ruushka iyo Maraykanka.<\/span><\/p>\n<ol>\n<li style=\"list-style-type: none;\">\n<ol>\n<li>\n<h5>Halford J. Mackinder<\/h5>\n<\/li>\n<\/ol>\n<\/li>\n<\/ol>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Ninkaan oo ahaa aqoonyahan juquraafiga aad u yaqaan, siyaasina ah, maqaal uu qoray 1904-tii waxa uu ku sheegay in afartii qarni (1600 \u2013 1900) ee ka horreeyay qarnigii 20aad la oran karo waxa ay ahaayeen \u201cQarniyadii Kolombo\u201d, isaga oo u la jeeday in ay ahaayeen \u201cQarniyadii Sahaminta\u201d. Halford oo Ingiriis ahaa waxa uu qabay in sahamintii dunida la sahaminayay ay dhammaatay mar ba haddii afar boqol oo sano dunida la sahaminayay, oo meel Alle iyo meeshii la tagi karo ba la tegay. Sidaa daraadeed, waxa uu ku taliyay in aan sahamin danbe dunida loogu noqon ee qarniga 20-aad uu noqdo qarnigii ay yurubiyaanku, gaar ahaan Ingiriisku, dunidii ay soo sahamiyeen lahaanshihiisa la wareegi lahaayeen. Si dunida oo idil gacanta loogu dhigo, ninkaani waxa uu dunida u qaybiyay saddex qaybood.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Saddexda qaaradood ee kala ah Afrika, Aasiya iyo Yurub waxa uu u arkayay hal qayb maadaama ay yihiin saddex qaaradood oo dhul ahaan isku dheggan oo darafyada isku haya. Qaaradda Ameerika iyo Ustareeliya waxa uu u arkayay hal qayb maadaama ay dunida kale ka go\u2019an yihiin. Jasiiradaha Ingiriiska iyo jasiiradda Jabbaanna waxa uu u arkayay hal qayb. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Markaas kaddib waxa uu curiyay aragti loo bixiyay \u201c<em>Heartland Theory<\/em>\u201d oo ah aragti qabta halka dunida ugu muhiimsan ee bartamaha dunida ah in ay tahay dhulka Ruushka, qoladii Ruushka oo ah halka ugu muhiimsan dunida (waa sidii uu u arkayay e) qabsata waxa ay qabsatay 50% khayraadka dunida iyada baana dunida inteeda kale ka talin doonta. Si marka dhulkaa loo la wareego, waxa uu qabay in marka hore Bariga Yurub gacanta lagu dhigo, qofkii Bariga Yurub gacanta ku haya baa Ruushkana gacanta ku haya , qoladii Ruushka gacanta ku haysaana dunida kale iyada baa ay hoos timaaddaa. Sidaas baa uu ku taliyay Halford J. Mackinder.<\/span><\/p>\n<ol>\n<li style=\"list-style-type: none;\">\n<ol start=\"2\">\n<li>\n<h5>Theodore Roosevelt<\/h5>\n<\/li>\n<\/ol>\n<\/li>\n<\/ol>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Theodore Roosevelt waxa uu ahaa madaxwaynihii 26-aad ee Maraykanka. Waxa uu talada hayay intii u dhaxeysay 1901-dii illaa 1909-kii. Theodore Roosevelt hortiis, Maraykanku waxa uu ahaa dal dunida inteeda kale ka xirxiran oo aan dunida kale ku sameyn faragelin siyaasadeed iyo mid dhaqaale toonna. Maraykankan aan maanta naqaan ee dacaayadda, duullaanka iyo faragelinta ku haya dal waliba oo uu dantiisa ka dhex arki waayo waxaa fahanka siyaasadeed ee uu ka dab qaato dejiyay madaxwaynahaan. Madaxwaynahani waxa uu fasir cusub saaray heshiiskii uu horey maraykanku u galay oo la oran jiray \u201c<\/span><em>Monroe Doctrine<\/em><span style=\"font-weight: 400;\">\u201d.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waxa uu ahaa heshiis uu dalka Maraykanku ku diiddanaa guumeysiga iyo faragelinta reer Yurub ee qaaradda Ameerika: Koonfur iyo Waqooyi ba, isaga oo Maraykanku ballan qaaday in dalkiisu xattaa uu san faragelin doonin dalalka qaarada Ameerika ku yaal madaxbannaanidooda, iyo in uusan faraha la soo geli doonin arrimaha reer Yurub ka dhexeeya iyo dunida kale ee ay gumaystaan. Siyaasaddaan waxa la hirgeliyay 2-dii bishii 12-naad gugii 1823-kii. Heshiiska waxaa loogu magac daray madaxweynihii 5-aad ee Maraykanka James Monroe oo xilligii heshiiskaasi dhacayay madaxwayne ahaa.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Qarnigii 19-aad Maraykanku waxa uu ahaa dal aan tabar badan oo uu wax ku maquuniyo lahayn, danihiisuna kooban yihiin. Sidaa daraadeed waxaa Maraykanku ku doodi jiray in heshiiska \u201cMonroe Doctrine\u201d uu yahay heshiis xuquuqda aadanaha lagu ilaalinayo, oo lagu diidayo guumeysiga iyo faragelinta, se nasiibxumo markii Maraykanku is biday awood uu wax ku muquunin karo waxa uu u baahday fasir cusub in la saaro heshiiskii \u201cMonroe Doctrine\u201d. Theodore Roosevelt waxa uu noqday madaxwaynihii u horreeyay ee fasir cusub saara heshiiskaas isaga; oo ku xalaalaysanaya in dalkiisu farageliyo ciddii uu ka awood bato iyo in dunida lagu khasbo in ay siyaasadda iyo dhaqaalaha u fahmaan sida Maraykanku u fahmay oo dantu ugu jirto, dalkii u fahmi waayana uu yahay dal ka hor yimid dimuqraadiyadda, wada noolaanshaha iyo dawlad wanaagga.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Maadaama Maraykanku ka baxay aragti siyaasadeeddii hore ee ku dhisnayd xirxirnaanta, galayna marxalad cusub oo la soo baxday deegaan-siyaasadeed cusub, taas oo ah in faa\u2019iido dhaqaale iyo mid siyaaadeed ba laga raadiyo faragelinta iyo qabsashada dalal kale. Madaxweyne Theodore Roosevelt waxa uu isticmaalay aragtida loo yaqaan \u201c<\/span><em>Big Stick Ideology<\/em><span style=\"font-weight: 400;\">\u201d. Aragtidaan oo uu isla madaxweynahani curiyay 1904-tii waa aragtida illaa maanta uu Maraykanku ku shaqeeyo; waa in dalku isku wado hadal wanaagsan iyo maquunin wixii laga xoog bato la muquuninayo. <\/span><\/p>\n<blockquote><p><span style=\"font-weight: 400;\">Aragtidani waxa ay oranaysaa: \u201c<\/span><em>Dad kasta iyo dal waliba si wanaagsan marka koowaad ha loo la xaajoodo, madaxana ha loo salaaxo, se haddii sidaas wax laga ga heli waayo ha loo adeegsado awood xoog leh oo lagu kala daadiyo<\/em><i>.<\/i><span style=\"font-weight: 400;\">\u201d\u00a0<\/span><\/p><\/blockquote>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Laba faa\u2019iido baa ku jirta aragtidan, labadaas faa\u2019iido oo kala ah: in marka koowaad aan waxba laguu soo raacan doonin waayo waxa aad ku doodaysaa wanaag baa aan wadaa ee waa la ila fahmi waayay, maadaama aad mar waliba ka hadlaysid xuquuqda aadanaha, dawlad wanaagga, dimuqraadiyadda iwm. Marka labaaad dantaadi baa aad xoog ku gaartay adiga, oo laguu qabo samawade dunida la doonaya barwaaqo iyo baraare.<\/span><\/p>\n<ol>\n<li style=\"list-style-type: none;\">\n<ol start=\"3\">\n<li>\n<h5>Karl Haushofer<\/h5>\n<\/li>\n<\/ol>\n<\/li>\n<\/ol>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Karl oo ahaa Barafasoor jaamacadda Munich ka dhiga aqoonta dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxa uu markiisii hore ahaa sarkaal ka soo qeybqaatay Dagaalkii Koowaad ee Dunida. Waxa uu ahaa raggii sida Hitler qaadan waagu ku dhacay markii loo sheegay in dalkoodu dagaalkii ku guuldarraystay; oo looga adkaaday si xunna loogu jebiyay. Sida Hitler baa uu aaminsanaa in dalkiisa aan dagaalka lagu jebin ee la khiyaanay. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Markii dagaalku dhammaaday waxa uu ka ruqsaystay ciidanka, waxa uuna macallin ka noqday Jaamacadda Munich, halkaas oo uu dhaqaalaha iyo siyaasadda ardayda ku bari jiray. Xilligaas uu macallinka ahaa baa uu bilaabay khudbadihiisa ku aaddan deegaan-siyaasadeedka dunida maadaama uu aaminsanaa in ceebta dalkiisa soo gaartay waxyaabihii sababay ay kow ka tahay aqoonta deegaan-siyaasadeedka; oo madaxda dalkaasi ku liiteen iyaga oo kala garan waayay cidda saaxiibka loo arkayo iyo cidda markaas cadowga loo arkayo.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waxa uu aqoonyahankani qabay in erayga \u201cDeegaan-siyaasadeed\u201d uu yahay wax hadda la allifay eray ahaan, se macna ahaan uu weligii iyo Allihii jiray. Hoggaamiyayaashii taagay dawlad ba dawladda ay dunida ka xoog wayn tahay waxa ay weligood ba mala awaali jireen dhabbooyin deegaan-siyaasadeed, oo aan horay loo qaadin, ayaa uu ku dooday Karl. Dadkii hoggaamiyayaashoodu fahmi waayaan deegaan-siyaasadeedka markaas loo baahan yahay na waxa ay dawladahoodu noqon jireen hal bacaad lagu lisay iyo wax aan waxba ka soo naasa caddayn.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Si markaa looga dhawrsado in ay soo baxaan madax aan wax uga bilownayn deegaan-siyaasadeedka dunida, waxa uu Karl qabay in deegaan-siyaasadeedku noqdo wax ay tahay in hoggaamiye waliba inta uusan ummadda hoggaanka u qaban uu soo barto. Maadaama aynnu ognahay tagtada iyo taaganta bes, se nasiibxumo aynaan ogaan karin timaadada iyo waxa ay innagu soo waddo. Haddana aqoonta deegaan-siyaasadeeddu waxa ay sii saadaalin kartaa weliba saadaal hubaal u dhow ka bixin kartaa, sida dadka iyo dawladdu timaadada soo socoto sii ahaan karaan. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Markaa waxaa laga ma maarmaan ah in siyaasiyiinta hoggaaminaysa dalka iyo dadka ay wax uga baxsan yihiin deegaan-siyaasadeedka dunida, intii ay reerka ku furi lahaayeen meel aan la mahadin. Waxa kale oo uu Karl ku dooday in haddii waagii hore qofka siyaasiga ah laga rabay oo keli ah barashada siyaasadda iyo sharciga aysan maanta labadaas keli ahi xirfad ahaan iyo xeelad ahaan ku filnayn, oo loo baahan yahay siyaasiga in ay wax badan oo badan uga baxsan yihiin taariikhda iyo juquraafiga iyo weliba midda ugu sii muhiimsan oo ah barashada deegaan-siyaasadeeddka dunida.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waxa uu ku dooday in aan si kama\u2019 ah erayga \u201csiyaasad\u201d dabada looga raacin \u201cdeegaan\u201d se ujeed weyn laga lahaa marka labada eray la is raacinayay. Maadaama siyaasad qallalan oo deegaankaaga aan la jaanqaadi karini aysan socon karin oo siyaasad waliba ay muhiim tahay in loo tixgeliyo deegaanka iyo waliba dhaqanka dadka deegaankaas ku nool. Waxa uu ku dooday haddii la rabo in uu sii socdo dagaalka Jarmalku ugu jiro in uu sii ahaado dal jira, waa in si dhab ah loo baaraa aqoontan, maadaama uu u arkayay in jiritaanka Jarmalku ay tahay arrin dhib badan, dadka Jarmalka ku noolna ay tira ahaan ka bateen wax soosaarka dalka. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Maadaama uu u arkayay in dadku saa\u2019id u bateen oo aan dalku ku filnayn waxa uu dhiirigeliyay aragtida \u201dLebensraum\u201d oo ah in dalku isku curqay oo uu u baahan yahay meel uu ku luga fidsado. Taas oo la macne ah in dalalka ku xeeran la qabsado oo waxsoosaarkooda la la yeesho, haddii ay suurta gal tahayna la dooriyo af ahaan, dhaqan ahaan iyo dad ahaan ba. <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Mar kasta oo dadku haystaan dhul yar, waxa ay u baahan yihiin aqoon ay dhulkaas yar ku ilaashadaan si aan xoogaagooda looga boobin, kaga na faa\u2019iidaystaan iyo aqoon ay ku daraaseeyaan dhulalka kale ee dadka kale haystaan si dhulka uga maqan marka uu dagan yahay ay u soo ceshadaan, haddii ay wax ku soo darsan karaanna u so boobaan. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waxa uu ugu dambeyn Karl soo xigtay oraah uu lahaa macallinkiisi oo ahayd \u201c<\/span><i>Waa in aan dalalka u aragnaa sida ay yihiin, ma ahan in aan u aragno sida aan la jeclaan lahayn in ay noqdaan.<\/i><span style=\"font-weight: 400;\">\u201d Taas oo uu uga jeeday in aan dal na la sahashan ee dal waliba si sax ah loo odoroso iyada, oo la adeegsanayo aqoonta deegaan-siyaasadeed ee dalkaas loo leeyahay.<\/span><\/p>\n<ol>\n<li style=\"list-style-type: none;\">\n<ol start=\"4\">\n<li>\n<h5>Adolf Hitler<\/h5>\n<\/li>\n<\/ol>\n<\/li>\n<\/ol>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Hitler waxa uu ahaa ninkii ugu dambeeyay ee saamayn ku yeesha deegaan-siyaasadeedkii dunida ee xilligii gumaystaha(1900-1945). Waxa uu dhaqangeliyay qaar badan oo ka mid ah aragtiyihii barafasoor Karl Haushofer. Hitler iyo Karl si toos ah u ma ay kulmin, aqoon toos ahna isu ma ay lahayn, se waxaa aqoon badan isu lahaa Hitler iyo arday ka mid ah ardayda barafasoorka, oo la oran jiray Rudolf Hess. Rudolf Hess waxa uu ahaa askari jarmal ah oo ka qeybqaatay Dagaal Waynihii Koowaad, kuna dhaawacmay dhawr jeer. Waxa uu ka mid ahaa raggii fara ku tiriska ahaa ee sida Hitler aaminsanaa in la khiyaanay dalkooda, oo aan dagaalka lagu jebin. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Ninkaan waxa uu ciidanka ka ruqsaystay 1918-kii waxa uu na 1919-kii iska diiwaan geliyay jaamacadda Munich si uu uga barto dhaqaalaha iyo taariikhda. In uu jaamacadda ku biiro Rudolf waxaa u fududeeyay barafasoorka kaddibna uu u noqday gacan yare la shaqeeya. <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">1920-kii baa Rudolf Hess xisbigii Naasiga ahaa ee Hitler ku biiray, waa na markaas markii uu Hitler u geeyay qaar badan oo ka mid ah aragtiyahii Karl, waxa uu na ka qayb qaatay inqilaabkii fashilmay ee 1923-kii. Kaddib markii la wada xiray isaga iyo Hitler waxa uu qayb wayn ka qaatay buuggii uu Hitler xabsiga ku qoray ee la oran jiray &#8220;<\/span><em>Mein Kampf<\/em><span style=\"font-weight: 400;\">&#8221; oo ahaa isha Naasigu ka dab qaato ayna ka buuxaan aragtiyo badan oo uu Barafasoor Karl Haushofer lahaa. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Buuggii uu Hitler xabsiga ku dhex qoray ee \u201cMein Kampf\u201d waxa jiray cutub uu ugu yeeray \u201c<em>S<\/em><\/span><em>iyaasadda Ku Aaddan Reer Bariga<\/em><span style=\"font-weight: 400;\">\u201d oo uu kaga hadlayo aragtidiisa ku aaddan sida ay noqonayso siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkiisa. Waxa uu ku sheegay cutubkaas in hal ujeeddo; oo keli ay ku qotonto siyaasadda arrimaha dibadda ee Jarmalku, ujeedkaas oo ah in dadwaynaha jarmalku ay helaan dhul ku filan deegaan ahaan iyo wax soosaar ahaan. <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Waxa uu ku sheegay cutubkaas in dalkiisu intii la doono ka dhul yar yahay dalalka Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha, dalna dalkii u ka baaxad wayn yahay waa uu ka awood iyo galaangal badan yahay uga na dhow yahay in uu noqdo awood caalami ah. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Inkastoo dalalka Ingiriiska iyo Faransiisku dhul ahaan yar yihiin, haddana Ingiriisku wuxuu gumaystaa afar meelood marka dhulka loo qaybiyo meel ka mid ah taasoo u sahashay in uu helo waxsoosaar iyo dhul dalkiisa ka dhigay mid ka mid ah quwadaha dunida. <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Sidaas oo kale Faransiiskuna waxa uu gumaystaa dhul aan waxba ka yarayn dhulka Ingiriisku gumaysto, ayaa uu Hitler ku dooday. Si quwadahaas loo la tartamo, waxa uu soo jeediyay in dalkiisu qabsado dhulka ka xiga dhinaca Bari gaar ahaan Yukrayn, Boollaan iyo Ruushka. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Kaddib dhulkaas la qabsaday laga raro dadka deggan laguna beero dad cusub oo Jarmal ah, dawladduna wax soosaar xoog leh uga soo saarto dhulkaas cusub dalka Jarmalka, wax soosaarkaas na lagu la tartamo quwadaha reer Galbeedka sida Ingiriiska, Faransiiska iyo Maraykanka oo iyagu gumaysiga dhul hore iyo dad hore ku soo baraaray. <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Dhul ballaarsigii xoogga lahaa ee uu Maraykanku ka waday qaaradda Ameerika, Ingiriiska iyo Faransiiskuna ka wadeen Afrika iyo Aasiya, Jarmalkuna ka bilaabay Yurub dhexdiisa baa waxa ay keentay intii u dhaxeysay 1900 illaa 1945kii in ay dhacaan laba dagaal weyne oo gaystay khasaare naf iyo maal ba leh taas oo ugu danbayn Ingiriiska, Maraykanka iyo Ruushku ku gacan sarreeyeen looga na adkaaday Jarmalka iyo Talyaaniga. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Labadaas dagaal weyne kaddib waxaa soo baxay laba quwadood, oo cusub oo kala ah Maraykan iyo Ruush waxaa na saamayntoodi xoogga lahayd meesha ka baxday gumaystayaashii reer Yurub iyada oo ay dunidu gashay wixii ka danbeeyay sannaddii 1945-kii loollan deegaan-siyaasadeed, oo ay saldhig ay ka duullaan u yihiin labada aragti ee kala ah hantiwadaagga iyo hantigoosiga.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Qaybtii 1aad ee ahayd \u201cDeegaan-siyaasadeedkii Gumaystaha\u201d halkaas baa ay ku eg tahay waxaa na u si guda gali doonnaa qormooyinka xiga, qaybta 2aad oo ah Deegaan-siyaasadeedkii Dagaalkii Qaboobaa, haddii Alle yiraahdo.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\">\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hordhac Buuggaan &#8220;THE GEOPOLITICS READER&#8221; waxa uu ka kooban yahay qoraallo, aragtiyo iyo mabaa\u2019dii siyaasadeed ee ay lahaayeen madaxdii iyo aqoonyahannadii ugu saamaynta badnaa dejinta siyaasadaha arrimaha dibadda ee dalalkooda, intii u dhexeysay qarnigii 20-aad iyo qarniga 21-aad ee aan hadda ku jirno. Waxaa isu uruuriyay kaddibna tifaftiray saddex qoraa oo la kala yiraahdo: (P [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":175,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[10,18],"tags":[],"class_list":["post-280","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhaqan","category-gorfayn"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/280","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=280"}],"version-history":[{"count":8,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/280\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":316,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/280\/revisions\/316"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/175"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=280"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=280"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=280"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}