{"id":459,"date":"2019-10-19T21:30:53","date_gmt":"2019-10-19T21:30:53","guid":{"rendered":"https:\/\/indheergarad.com\/?p=459"},"modified":"2026-04-13T21:36:28","modified_gmt":"2026-04-13T21:36:28","slug":"miyaannaan-deegaanka-qeyb-ka-ahayn","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/2019\/10\/19\/miyaannaan-deegaanka-qeyb-ka-ahayn\/","title":{"rendered":"Miyaannaan deegaanka qeyb ka ahayn?"},"content":{"rendered":"<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Roob ayaa markaas uun qaaday, dhulka badankiisu weli waa qoyaan. Hawada waxaa ceegaagta caraf udgoon oo cid walba raalligelinaysa. Waxa uu ka soo baxay makhsinkiisi, isagoo Is diidsiinaya xaqiiqada ah inuu qolkiisa yar dhibcaha roobka uga dhuuntay. Weligiiba wuu is weyddiin jirey sababta dadku roobka u jecel yihiin, haddana mar walba oo daruurtii la naawilayey da&#8217;do, ay dhibcaha uga cararaan. Weli arrinkaa jawaab uma uusan helin, aad wuxuu isku weyddiin jirey markii uu Addis Ababa ardayga ka ahaa, halkaas roob ayaa badanka ka di&#8217;i jirey. Waxa uuna had iyo goor arki jirey magaaladaa mashquulka badan, kol walba oo dhibici hoorto iyadoo dadka badhna ka rooraan inta ay ka roori karaan, badhna dallad ka huwadaan roobka.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Soo bixistii uu qolkiisa ka soo baxay wuxuu u soo dhaqaaqay dhankaa iyo baalakoonka, kaas oo aan ka fogayn qolkiisa jiifka. Wuu dhoollacaddeeyey, malaha wuxuu u riyaaqay in weli wax walba uu uga tagay halkan roobka ka hor, sidoodi ugu yaallaan. Waxaa muuqda kursi kuwa dhabarka ku tiiriga leh ah, loox laba lugood leh oo uu ku dhex jiro alwaax afar geesood ah. Kursiga iyo alwaaxa iska soo horjeeda waxaa dhex yaal miis yar oo gaaban, kaas oo ay dul saaranyihiin ranji midab kala duwan leh, kuwaas oo badh isku qooshanyihiin, oo aad mooddid in madaxa la isu geliyey, qaar ka kalena mid walba kaligiis u yaal.<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"> B<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">urushyo fara badan oo mid walba afkiisa hore midab gaari ka xoqan yahay, masaxaad iyo gacmo-gashiyo laba ah oo kala uskag badan. Miiska hoostiisa waxaa yaal xoogaa haruur ah oo bac khafiif doc ka doloosha ku jira.<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Wuu fariistay kursigiisi isagoo indhaha la yara raacaya daaradda guriga inta isaga wajahaddiisa ku beegan, halkaa waxaa uga muuqda dhir dhowr ah oo kala joog dheer, kuwaas ay ka tif qayaan dhibco biyo ah, ayna ruxayso Yal, dabayl qaboow. Aayar ayuu gacantiisa midig ugu soo haabtay bacdii dhulka taallay, xoogaa haruur ah ayuu ka soo xaabsaday dabadeed waxaa uu ku sayriyey daaradda. Deedna dib kursigiisi ugu fariistay isagoo gaatamaya. Xaaladda uu ku jiraa waxba kama yara tan uu dareemo kalluumayste shabaagtiisa badda u ritay, Isla markaana naawilaya kulluun ku filan In uu u soo dabmo. Isaguna sidaas oo kale wuxuu sugayaa hadhuudhka uu dhulka u tuuray shimbiro qurux badan inuu galabta u soo dabo.<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Waxba kama soo wareegin jeer durba shimbiro dhowr ahi soo martiyaan aqalkiisa. iyagoon inna wax kala ogayn ayeey bilaabeen in ay quudkoodi hal hal u gurtaan, Haa heey. Markan kursigiisi uu ku tiirsanaa ayuu ka soo yara toosay, durba waxa uu bilaabay In uu gudagalo sidii uu shaqadiisa u qabsan lahaa isagoon haadda dareensiin.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Galoofiskii ayuu aayar gacmaha gashtay, burush uu alwaaxa mariyo sawirka ka horna saxarka uga qaado ayuu qabsaday. Haa, waxaa uu u gacmo xaytay inuu shimbiraha sawiro. Sawir-gacmeedku weligii ba wuxuu ahaa hobbi iyo hibo gaarkiis gudaha uga jirta. Balse waxaa ku milanka &amp; ka dhabaynta arrinkaa u fududaatay kolkii uu Addiis joogay. Iyadoo ay u socoto tacliintii uu magaalada barashadeeda u tagay ayuu haddana ku dul waday barashada xirfadda farshaxannimo ee uu weligiiba jeclaa. Haa heey, Intii uu cilmi kororsiga tooska ah bartanka Itoobbiya ee Addiis u joogay marna kama qoomamayn. Waayo halkaas ayaa ahayd meeshii wax badan uu ka bartay, meeshii dunida darafyo badan oo kala duwan inuu ka arko u sahashay, meeshii maankiisa dhistay masiirkiisa dambena jihaysay.<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Wuxuu weli tartiib wado sawirka farshaxan, shimbiraha quruxda badan, dushoodu na weli qoyaankii roobka laga dareemayo. Iyadoo marba midi kor boodayso oo biyaha iska jafayso, deedna aayar hadhuudh cunkeedi iyadoo kifaaxsan ugu soo noqonayso.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Jabaq ayuu xaggiisa dambe ka dareemay, balse waxba jalleecin ee hawshiishi ayuu sii watay. Daqiiqado ka dib, hal mar ayuu arkay wax dhulka si fudud dhalow ku yiri iyo shimbirihii oo duulay. Dib ayuu ugu soo jeestay dhabarkiisa iyo ruuxa taagan, isagoo wajiga cadho-aruurinaya, labadiisa suunniyood iyagoo aad mooddid raalli in aanay ka hayn marna isku soo aruuriyey. Qac, indhaha wuxuu ku dhuftay ruuxii dabo taagnaa, mise waa xaaskiisi Ladan oo is marmaroorinaysa, iyadoo taagan ayey haddana dhaqdhaqaaq baaq iyo is jilcini ka buuxdo samaynaysaa.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Gacanta midig dhowr xabbo oo timir ah ayeey ku haysataa, afka na midh timir ah oo ay si xiiso leh u muudsanayso ayaa ugu jirta. Gacanta bidix timihii ay soo maydhan oo weli badh qoyan ayey marba isaga qabanaysaa; si aysan cankeeda iyo isha bidix u daboolin, iyadoo dhoollacaddeyn aan soo wada bixin daanka la godaysa. Waxa kaliya ee ay xirantahay waa diric baati ah oo aan waxba ka hoosayn waxna uga korrayn. Maxayba intaa hu&#8217; ka badan xidhashadooda ku falin, sow aqalkeedi ma joogto? <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Hal mar ayaa wajigii uu markii hore aruurinayey is furay, si nacasnimo leh ayuu markan wajigiisi caraysnaa mid dhoollacaddeyn yari ku dheehan tahay isugu rogay.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">&#8211; &#8220;Ladaneey garan maayo anigu waxa aad iga damacsan tahay&#8230; maxaad haadda iiga duulisay, walaal waad og tahay in aan faraha hawl kula jiro&#8221; Ayuu yiri isagoo gacanta midig burush ku haysta, weli na iyada jalleecaya.<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">&#8211; &#8220;Dee kas iyo maag&#8221; Ayey tiri iyadoo suur iyo kalsooni dheeraad ah muujinaysa.<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">&#8211; &#8220;Qaali maad iga daysid ciyaarta, miyaanan abuurka Ilaahay iyo dabeecaddaa isku qoofalan ee quruxda badan kaa sawiri karin? Sidee Alle kuu galay ?&#8221; Ayuu su&#8217;aalay isagoo weli ka gam&#8217;i la&#8217; jawigii ay ka burburisay daqiiqado ka hor.<\/span> <span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Way soo yara dhaqaaqday hal tallaabo, si deggan aad moodid In ay dhulka u turayso.<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">&#8211; &#8220;Miyaad is yeelyeelaysaa Ridwaankaygiyoow, soow adiga anigaba ii jeeda maaha.. Anigu miyaanan ka mid ahayn abuurka Ilaahay ? Miyaanayn qayb ka ahayn deegaankaa quruxda badan? Horta Ridwaanoow, goorma ayaa kuugu dambaysay in aad I tiraahdid: &#8220;Ladaneey kaalay, oo i soo hor fadhiisto aan ku sawiree.. ?&#8221; <\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Waxay ku furtay markan Ladan saygeedi mawjado hor leh, laftiisu waa dareensan yahay qodobkaa in ay ku gar leedahay. <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Daqiiqad aamus ah oo afkiisu juuqi waayey ayaa la galey, hase ahaatee aad moodaysid indhaha inuu ka hadlayo. Kor iyo hoos ayuu u eegay ax, ax, mise qoftu jawhartiisi jamaalkeedu buuxay, ee uu dheddig oo dhan iyada kaligeed kala dhex baxay.<\/span> <span style=\"font-weight: 400;\">Wuu soo yara kacay, isagoo weli iyada ay ku maqanyihiin indhihiisu, ma iyagaaba ka miliqsan kara maanta. <\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Burushkii aayar ayuu u fasaxay, isagoo aad mooddid Inuu leeyahay bahalku: waar ha I sii deyn walaal ee i sido. Laba tallaabo markii uu soo qaadayba, waxa uu hortaaganyahay Ladan. Dhexdooda waxba uma dhexeeyaan, faraha luguhiisu kakan waxay qarka u saaranyihiin in ay taabtaan lugaheeda aadka u qaboow ee jilicsan. Horraadkeeda soo taagan ibtiisu waxa ay marba taabanaysaa laabtiisa marna dib uga dabcaysaa, waxaad mooddaa awoodda dhaqaaqa ibteeda hagaysa in ay tahay hadba neefta ay jiiddo iyo midda ay tufayso inta ay le&#8217;eg yihiin.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Ladan madaxeeda kor ayey u soo yara qaadday, iyadoo isaga aan marna dareensiinayn in uu ka madaxtaaganyahay. Waxa ay sidaa u yeelayso waa ay og tahay, keliya waa si aanay indhaheedu ka miliqsan kuwiisa caawa sida horta leh u eegaya. Isaguna aayar ayuu galoofyadii gacmaha ugu jiray mid walba markeeda u siibay, isagoo aad moodi uurka inuu ka leeyahay: \u201cHalkaa iiga hara uskagyohow xumi.\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Dabadeedna gacantiisa midig dhabarkeeda inta uu soo mariyey isku soo nabay Ladan. Haa, dhexdeedi yarayd ayuu shantiisa farood iyo calaasha ku balaadhiyey. Jac, sida hillaaca ayaa jirkooda Iftiin wada jir ahi uga kacay. Markan Ladan hoos ayey xishood eegtay, ma oga isagu waxa uurkeeda ku jira, hase ahaatee waxa uu arkaa timaheedi oo wajigeeda ku soo yara daatay. Gacantiisa midix oo camal la&#8217;aan la laadlaadday ayaad mooddaa halkaas jaanis cusub In ay ka heshay. Way soo dhaqaaqday gacantii, ka dibna Ladan oo hoos ku maqan ayey madaxa kor ugu soo qaadday iyadoo garka aayar u qabanaysa, Isla markaana waxay bilawday bidixdiisi in ay timaha Ladan ee wajigooda weerarka ku haya halkoodi hore ku celiso.<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Si taxaddar iyo dhaqaalaysi leh ayaa inta uu tin qabashadii dhafoorkeeda ka bilaabay dhegteeda dusheeda ku joojiyey. Dabadeed na yiri:<\/span><\/p>\n<p style=\"padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">&#8211; &#8221; Haye, maxaad I tiri gacaliso bal igu soo celi?&#8221;<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">&#8211; &#8221; Waxba qaali.. soow adiga i illowsiiyey wax walba.&#8221;<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">&#8211; &#8221; Oh qaali, sideen adiga oo I hor jooga abuur kale ugu habsamaa.. soow ma ogid inaad bilawgayga tahay..? ayuu yiri, iyadoo aysan hadalkiisa raalligelin hore iyo xodxodasho haddeer ahi ka marnayn. <\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Dhoosha ayeey ka qososhay Ladan,<\/span> <span style=\"font-weight: 400;\">deedna aayar ayey dib ugu bilawday in ay u shaqo geliso afkeeda iyo muudsigii timirta. Dhaqdhaqaaqa dheelliga tiran ee ay samaynayaan daankeeda iyo bishmaheeda bilaa libista ah, iyo dhuunteeda marba aayarka wax u roorayaan ayaa dareen dheeraad ah ku dhaliyey Ridwaan. <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Wuxuu bilaabay markan afka inuu nasiyo oo gacanta ka hadlo. Tii midig ee uu xagga dambe kaga hayey ayuu aad ugu xejiyey jirkeedi, mar kale ayey dhab isagu marmeen. Deedna wuxuu bilaabay bidixdiisa inuu mariyo daankeedi liishada ahaa ee saamuun dhoofta lagu soo maydhay illaa qoorteeda qaab ka qoran u samaysan.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">&#8220;Sidii aad u dhalatay<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">, d<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">heehii u lee yihiin<\/span> <span style=\"font-weight: 400;\">weli dhabanadaaduye&#8230;&#8221; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Isagoo uurka ka qaadaya heeskii Ina Nuur Giriig. Ladan, waxay joojisay muudsigii iyo calashigiiba, taas baddelkeeda waxay bilawday in ay marba docda uu gacanta marinayo madaxa iyo garabka aayar isugu qabsato, marna kala fujiso iyadoo dhoollacaddeynaysa dareenna buuxda.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waa kaas, roobkii ayaa dib u bilawday, shuux hor leh balse u muuqda in ay ka dambayso daruur muddo di&#8217; doonta. Hal mar ayuu kor gabigeedaba u qaatay, wuu la dhaqaaqay iyadoo indhahooda il walba isha dhigeeda ku dhaygag iyo kalgacal ashqaraarsantahay, jeer uu qalka jiifka la galay iyadoo raalli ka ah sida xaal u socdo. Ladan, waa og tahay saygeedu halka uu u sito iyo waxa dhici doona labadaba. Waana inta ay rabtay in uu u dhugyeesho una soo jeedo iyada quruxdeeda iyo qiimaheeda, sida uu ugu jeesto had iyo goor roobka, jeegaantiisa, farshaxanka, dhirta ugub, haadda iyo qaar kale.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Quruxda deegaanku waa innaga iyo hadba inta innagu xeeran. Dhirta uu ubaxu ka mid yahay, dhulka waxa saaran ee ciidda iyo dhagaxu ka mid yihiin, haadda noocyadeeda kala duwan, bisadda aqalkaaga u soo wareegta, roobka iyo jeegaantiisa, dadka, si gaara qoyskaaga xaaskaaga, ilmahaaga iyo waalidkaa, Intaas iyo in badan oo kale oo isku qoofalan ayaa qayb ka wada ah deegaanka. Kuwaas oo mid ba midka kale bilo oo buuxiyo. Ka-war-qabka bed qabkooda iyo ilaalinta dheellitirka jeclaantooda ayaa quruxdeenna ah. Haa, iyaga odhan ayaa quruxdeenna ah.<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><br \/>\n<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Roob ayaa markaas uun qaaday, dhulka badankiisu weli waa qoyaan. Hawada waxaa ceegaagta caraf udgoon [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":6,"featured_media":180,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[10,11],"tags":[],"class_list":["post-459","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhaqan","category-suugaan"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/459","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/6"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=459"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/459\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":460,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/459\/revisions\/460"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/180"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=459"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=459"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=459"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}