{"id":461,"date":"2019-08-22T21:42:40","date_gmt":"2019-08-22T21:42:40","guid":{"rendered":"https:\/\/indheergarad.com\/?p=461"},"modified":"2026-04-14T13:43:59","modified_gmt":"2026-04-14T13:43:59","slug":"milicsiga-sooyaalka-is-maamul-bulsheed-iyo-xeer-ee-soomaalida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/2019\/08\/22\/milicsiga-sooyaalka-is-maamul-bulsheed-iyo-xeer-ee-soomaalida\/","title":{"rendered":"Milicsiga Sooyaalka Is-maamul Bulsheed iyo Xeer ee Soomaalida"},"content":{"rendered":"<h4>Hordhac<\/h4>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Aadanaha adduunka ku nool mid walbaa waxay leedahay nidaamyo is-maamul hoosaad iyo xeerar kala jideeya una degsanaa muddooyin aad dheer oo ay ka dhaxleen aabbayaashood. Xeerarkaasi waxay ka kooban yihiin ustuurro ay ka dhaxleen aabbayaashii hore, iyo qaabab ay u doortay dhaqan-dhaqaalaha iyo duruufaha deegaan iwm. Bulshada Soomaaliyeed haddaad dhab u dhugato sooyaalkeeda is-maamul iyo qaab dhismeedkeedii dawliga ahaa waxaa kuu soo baxay; in ummadani muddo qarniyo badan ku siman oo aad u dheer lahaayeen qaab dhismeed dawladeed, oo ku dhisnaa wax wada lahaansho, wax kala lahaansho, qaddiyado kala difaacasho iyo qaddiyado wada difaacasho.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waxaad kale oo bulshada Soomaaliyeed lahaayeen illaa haddana leeyihiin xeerar bulsho [<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Xeer hoosaad iyo xeerar guud<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">] oo dallad u ah hab nololeedkooda. Sidoo kale hab maamulkeedu hoggaanka taladu ka go\u2019do waxaa ka madax bannaanaa qaybo bulshada ka mid ah sida; dhalinyarada, waayeelka aadka u gaboobay ee aanay garashadiisu sugnayn wadaaddaha diimeed (<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Ha ahaato tan Islaamka ama diimihii hore ee islaamka ka hor jirey<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">)\u00a0 iyo kuwo kale. Sidoo kale qaab golayaasheenni is-maamul waxa iyaguna ahaayeen kuwa ku dhisan sal dimuqraadiyeed talo wadaag ah. Dhaqanka Soomaaaliduna aad buu u caayey macangegnimada iyo madax-adaygga iyo in talada lala gaar noqdo, illaa heer ay gaarsiiyeen; in ninka aan talada wadaajini uu yahay kan rag u liita. Xusuuso maahmaahda ah;\u00a0<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">rag waxaa u liitada saddex, ma tashade, ma toshe iyo ma tashiishe,<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">waxaana cad in labada dambe ay yihiin maxsuulka kan hore ee ah ma tashenimada.<\/span><\/p>\n<h4>Waa Maxay Xeerku?<\/h4>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Xeerku asal ahaan waxa weeye marka aqalka la dhisayo ee dhigaha la taago xarriga weyn ee isku haya dhigaha oo dhan si aysan dabayshu u kala daadin ayaa xeer la yari. Sidaas ayuuna xeerku ku noqday isku hayaha iyo ilaaliyaha bulshada.\u00a0Xeerka aynnu se u soconno; waa shuruuc dad meel wada degaa dhigteen heshiisna ku yihiin, una dhigteen si aysan isugu xadgudbin, una kala jideeyo xaquuqahooda u kala dhacsho. Erayga xeer ee asalka iyo kan dambe ee la soo dheegtayi waxay si gun dheer kuu tusinayaan in uu xeerku yahay isku hayaha bulshada la\u2019aantiisna la dugaaggoobayo, oo waa tii murtida Soomaaliyeed arinkaa qeexday oo tiri \u201c<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Xeer la\u2019aantiis waa la xooloobaa<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">!\u201d.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Noocyada ama jaadadka xeerarka Ummadeenna waxaa ka mid ah: xeer colaadeed, reer guur &amp; xidid, \u00a0xeer magaalo, xeer Suugaaneed, xeer geelley, xeer fardooleey, xeer ergo iyo kuwa kale badan oo la mid ah kuwaas. Xeerarkaasi waxay u kala qaybsami jireen xeer ciqaabeed iyo xeer madani. Mid walbaana wuxuu lahaa habab u gaara marka la galayo iyo doodo xeerkaas ku saabsan.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Maadaama aanay bulshada Soomaaliyeed lahayn dawladnimo guud oo midaysa wixii ah isirka soomaaliyeed waxay u kala madax bannaanaayeen hab qabiil. Qabiilka qudhiisu si kasta oo uu ballaaran yahay, ama u kooban yahay ma lahayn dawladnimo buuxda oo gaarsiisan dhammaan deegaankiisa iyo dadkiisa, wax se ay qolo walba oo qabiilka ka mid ah lahayd isimkeeda u gaarka ah. jifi waliba oo qolada ka mid ahna waxay lahayd isin hoosaad (Badi magaca caaqil ama Nabadoon).\u00a0Isimka guud ayaa midaynayey dhammaan isim hoosaadyada, waa na halka ay ku fadhido maahmaahda tiraahda \u201c<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Duub waa isku duwe\u201d<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">.\u00a0 Qabiil walbaa wuxuu lahaa xeerar u gaar ah golayaal iyo hoggaan taladu ka go\u2019do, hoggaankaas oo lsimo ama duubad loo yiqiin, sida: Garaad, Boqor, Imaam, Suldaan, Ugaas, Amiir, Malaaq, Wabar iwm.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Bulshada Soomaaliyeed wax ayay si guud u wada lahayd, waxna si guud uma wada lahayn ee gaar ayuu u kala ahaa. Xeerar guud oo qawmiyeed, dhulka, caqiidada diinta, Afka, dhaqanka, is dhex galka bulsho, xulufaysiga siyaasadeed iyo u midowga cadowga shisheeye ee hadba duulkaanka ku soo qaada nafahooda, dhulkooda, maalkooda iyo diintooda inahaas qaddiyado la wada leeyahay ayay ahaayeen. \u00a0Sida oo kale waxay kala lahaayeen oo u kala xadaysnaa, xeer hoosaadyada beelaha oo waxaa jira xeerar ay beelo gaar u lahaayeen sida; xeer Ciise, xeer Biyamaal,\u00a0 xeer Daarood, Iwm. caadooyinka iyo daaqa.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Markaynu dhab u jalleecno qaab xukunkeenni, waxaad kuu muuqan in wadaadka iyo hoggaamiyaha Isinku kala geed iyo gole ahaayeen. Beesha waayeelkeeduna waligeed talin jirtay, halka wadaadku qaabilsaa arrimo ay ka mid yihiin ducada, marinta diinta ee ardayda iyo kala goynta masaa\u2019il bulsheedka diinta looga maarmi waayo sida; meherinta guurka, furriinka, qaybinta dhaxalka iwm. Waxaa taas kuu caddaynaya waxaa jirta oraah Soomaaliyeed oo ku kala tusinaysa kala badhxidda hawlaha shaqo ee Hoggaamiyaha talada ka go\u2019do iyo wadaadka, oraahdaas oo tiraahda saddex ayaa lagu caano maalaa:\u00a0 \u201c<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Waayeel taliya, wiil aqbala iyo wadaad duceeya<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">!\u201d.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Haddii aynnu dib u milcsano afartii geed fadhi ee aynnu lahayn way kala madax banaanaayeen geedahaasi. Afartaas geed oo kala ahaa sidan:<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0<\/span><b>1-<\/b><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0<\/span><b>Geedka Xeerka iyo Xukunka:<\/b><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0 geedkani waa geedka duqayda, oo ay fariistaan dadka talada Beeshu ka go\u2019do. Waana geedka dadka loogu garnaqo xeerbeegtiduna fadhiisato.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0<\/span><b>2- <\/b><b>Geedka Xaquuqda:<\/b><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0waa geedka ay fadhiistaan wadaadadda culimadu, waana geedka la geeyo masaa\u2019ilka diiniga ah ee bulshadaa la soo gudboonaada sida; guurka, magta, furniinka iwm. Sidoo kale waa geedka ay fariistaan Ardayda qu\u2019raanka iyo arrimaha diinta wadaadadda ka raacanaya.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0<\/span><b>3-<\/b><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0<\/span><b>Geedka Hindisaha iyo Haloosiga:<\/b><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0waa goob ay lahaayeen dhalintu siiba wiilashu, kuna baran jireen sooyaalka beeshooda, midda Ummadooda, Afka Soomaaliga iyo Suugaantiisa kala duwan.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0<\/span><b>4-<\/b><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0<\/span><b>Geedka Qaansada:<\/b><span style=\"font-weight: 400;\">\u00a0waxaa halkaa fariisan jirey farsamo yaqaanka is-maamul beeleedkaasi lahaayeen. Waa goobta lagu sancayn jirey agabka bulshada deegaankaasi u baahato sida gaashaanka, warmaha iwm.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Halkaa waxaa kaaga soo bixin sida nidaamkeennii is-maamul bulsho u kala qaybsanaa, dhalinyarada, wadaadka iyo hoggaanka siyaasiga ahina xitaa isku darmo ma fadhiisan jirin isku hoosna ma hadhsan jirin oo shaqadu waa u kala cayinnayd waagaas.<\/span> <span style=\"font-weight: 400;\">Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa hardamadii siyaasi ee is diidanaa, kuwaas oo lagu dirirayey aydiyoolajiyo kala duwan. Dhacdadan soo socota waxaad ku arkin Isin aad u daafacan taliskiisi beeleed oo wadaadku banaanka ka ahaa, iyo Wadaad daaficin nidaam siyaasadeed cusubaa kaas oo ka duwan kii bulshadu la qabsatay. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Nidaamkan oo ah mid taladu wadaadka kaligiis gacanta ugu jireyso isaga oo sheegay inuu diinta cugsanayo. Lollankaas qaraar ayaa ka dhacay dhulka Soomaliyeed siiba Nugaal. Sidan ayuuna u dhacay: kaddib markii wadaadkii halgamayey ee Sayid Maxamed uu dhulka soomaaliyeed keenay nidaam ka duwan kii hore ee is-maamuul qabiileedka; Isinka Iyo guurtidiisa go\u2019aamada beesha ay ka go\u2019ayeen wadaadadduna banaanka ka ahaayeen mid ka duwan oo cusub. Kaas oo ahaa dawlad qura, hoggaan qura. Xeer maamul Islaamiga ahna leh wadaadkaas oo qudhana ka go\u2019do masiirka dhulkaas iyo dadkuba.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Beelihii Soomaaliyeed aad ayeey uga maagteen nidamkan koodi aadka uga duwan ugana macangagsan, is-maamuladii Soomaaliyeed ee dhulkii Sayidku degay ka arrimin jirey iyo kuwii ku xeernaaba waxaa ka dhex alawsantay iyaga iyo Sayidka loollan siyaasadeed oo xooggan. Haddaba waxaynu ka soo qaadan Garaad Cali Garaad Maxamuud oo ahaa [<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Garaadka Guud ee Dhulbahante<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">] oo ahaa hoggaanka ama Garaadka guud ee reerkaa dadkiisuna deganaa deeganka Nugaal aagga taliska u ahaa Sayidka. <\/span><\/p>\n<blockquote>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Garaadku waa ka biyo diiday in dhulkii uu maamuli jirey Sayidku uu ku fidiyo taliskiisa. 1899-kii ayuu Sayidku Garaadka wefti u diray si loogu qanciyo ku soo biiridda dhaqdhaqaaqii Daraawiishta. Balse markii Garaadka loo tagay wuxuu ku soo jawaabay sidan: \u201c<\/span>Wadaadku halla falgalo arrimaha diinta, reerahana ha u daayo masiirka taladooda. Gaalo Nugaal joogtana ma jirto Magaalo xeebeedyada ay joogaanna waxba u doonan maynno, dhulka uu doonayo [Sayidku] inuu awoodda ku yeeshana waa ka inan hablood. Dadkan raba inay raacaan raadkii Aabihiina, aabihiis wuxuu ahaa Macalin quraan\u2026!\u00a0<span style=\"font-weight: 400;\">\u201d.<\/span><\/p>\n<\/blockquote>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Mar kale ayuu Sayidku diray ergo kale, wuxuuna Garaad Cali ku marti qaaday raaruuntii Cago-jiid. Garaadkii goobtii waa yimid meeshiina waxaa ka dhacayday dood adag. Garaadku wuxuu Sayidka si cad ugu sheegay in uu Nugaal isagu ka talinayo maamulkeedana uu isagu xaq u lee yahay. Is fahan-waa iyo loollan dheer kaddib Garaadku wuxuu qaylo-dhaan garab u diray Is-maamulkii Bariga Soomaaliya [<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Boqortooyadii\u00a0 Majeerteeniya<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">] iyo qunsulkii guud ee Berbera si looga kaalmeeyo ka hortagga Taliskii Wadaadka Sayid Maxamed ah. Kaas oo ay is-maamulladii Beelaha Soomaaliyeed u arkayeen mid dool ku ah nidaamyadooda maamul. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Markii ay muuqatay colaaddii Garaadka, Sayidku wuxuu markiiba diray ciidan Dawaawiisheed si Garaadka loo soo dilo. Weerarka dilka Isinkaa hoggaanka bulsho ee Biri ma-gaydada ahaa wuxuu argagax galiyey guud ahaan bulshadii Soomaaliyeed, Sidoo kale wuxuu ku noqday boog madoow Halgankii Daraawiisheed. <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">U soo daadeg nidaamkii talo wadaagga bulsheed ee dimuqraadiga ahaa. Bulshada Soomaaliyeed oo lagu tiriyo kuwa dunida ugu dhiigga fudud, talis walba oo adagna aan u dhega nuglayn ayuu arinkaasi geyeysiisay baan oran karnaa inay yeeshaan madal maamuleed furan, oo duqayda reeruhu leeyihiin kuna talo iyo tashi wadaagaan. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waxay beel walba lahayd wax u eg waxa haatan loo yaqaan \u201c<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Baarlamaan<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">\u201d oo aynnu Gole ku magacaabi jirnay. Gole furnaa, laf hoosaad walba oo beeshaa ka mid ah waxay Golahaas ku lahaayeen xubno matala. Waxaa golahaas looga doodi jirey danaha gaarka ah ee beesha iyo si guud midda beledka. Iyadoo laga doodi jirey arrimaha si hufan oo furan arimahaas ay ka mid yihiin siyaasadda, ammaanka deegaankooda, mid dhaqaale, mid bulsheed iwm.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Kalfadhiyeedkii Golayaashii Bulshadeenna waxaa la oran jirey \u201c<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">Shir<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">\u201c. Shirkaasi waxay bulshadeennu u kala qaybin jireen laba qaybood; mid rasmi ah iyo mid aan rasmi ahayn. Midka rasmiga ah wuxuu ahaa mid duruufo iyo xaalado adag lagu gorfaynayo xubnaha beeshuna daruuri ahayd in ay xaadiraan kulankaas, xilli la isla wada og yahayna waa qabsoomi jirey shirkaasi. Halka midka aan rasmiga ahayn uu ahaa mid ka miisaan khafiifsan kan hore. Kan aan rasmiga ahayni ma lahayn xilliyo u gaar ah, sidoo kale ma lahayn wax guddoon ah.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Bulshadeeni hore hab-maamul dhaqameedkoodi qaarkood mid dimuqraadi ah oo hufan ayuu ahaa, haddii hoggaanka sare ee beeshu baal maro shuruucda iyo danaha guud ee bulshada ama xadgudubyo lagu helo lama daawan jirin ee tallaabo ayaa laga qaadi jirey Golaha ayaa kalsoonida kala laaban jirey, deedna xilka taliska reerka ayaa laga xayuubin jirey. Isimadii beeshoodu kalsoonida kala laabatay waxaa ka mid ahaa Ugaas Xaashi [<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">mid ka mid ahaa Isimadii beelaha Ogaadeen<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">] kaas oo sida la sheegay xilligaas xilka looga xayuubiyey eex uu sameeyey awgeed.<\/span><\/p>\n<h4>Gunaanad<\/h4>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Aadanuhu marnaba kama maarmi karo isku dultaagga tabihiisi nololeed ee kala duwanaa, sooyaalkiisuna waa soor u keydsan, sahayna u ah samman walba halka uu degin ku daadihin. Waa tuu Abwaan Xasan ganey lahaa:\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><i><span style=\"font-weight: 400;\">&#8220;Waqtigu wuu sunsumayaa<br \/>\n<\/span><\/i><i><span style=\"font-weight: 400;\">Midna waa la sugayaa<br \/>\n<\/span><\/i><i><span style=\"font-weight: 400;\">Soo jire ma noole\u2019e<br \/>\n<\/span><\/i><i><span style=\"font-weight: 400;\">Qarni waliba wuu socon<br \/>\n<\/span><\/i><i><span style=\"font-weight: 400;\">Safna wuu ka daba dhalan<br \/>\n<\/span><\/i><i><span style=\"font-weight: 400;\">Hadba kooda sarakaca<br \/>\n<\/span><\/i><i><span style=\"font-weight: 400;\">Waxa sahayda uga taga<br \/>\n<\/span><\/i><i><span style=\"font-weight: 400;\">Kii horee sagootiyey.&#8221;<\/span><\/i><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Ummad walbaana waa u muhiim inay ogaal ka haysto waayahoodi nololeed. Ha ahaato xeerarkoodu, hab-maamulkoodi hoose, qaab dhaqmeedkoodi iyo nidaam dawligoodi kore.\u00a0Dadkeenni hore ayaa oran jirey \u201cX<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">eerku waa dayr iyo dallad<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">\u201d Sidoo kale waxay oran jireen \u201cX<\/span><i><span style=\"font-weight: 400;\">eerku waa geed Jeerin ah\u201d.\u00a0<\/span><\/i><span style=\"font-weight: 400;\">Geedka jeerinka ahi waa geed ballaaran oo dhulka ku naban, lama huluulan karo oo dhulka ayuu ku dheggan yahay, lagamana boodi karo oo dhulka ayuu fidsanyahay waad ku dhex dhici marka. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Xeerarka heshiis bulsho ama dastuuradu waa caynkaa, waa sida geedkaas oo lama haluulan karo, lagamana boodi karo. Sidoo kale waa dayr waana dallad dadku wada hadhsado waase marka sidiisa loogu camal falo,oo loo raaco. Hay\u2019adahaas kala duwan ee aynnu kor ku xusnay waxay ku dhisnaayeen xeerar adag, dhaqan hagaagsan, iyo maamul miyirqaba, waana kuwa qayb weyn ka qaaday nidaamkii maamul ee bulshadeenna.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Balse muddooyinkan dambe waxaa bulshadeenna ku dhacay doorsoon, Isinku kii hore ee garaadka iyo hiraalka badnaa maaha, wadaadku kii hore ee iimaanka waasaca ah lahaa maaha, shacabku kii hore ee addeeci jirey xeerarkooda maaha. Sidoo kale waxaa xusid mudan Bulshadii Soomaaliyeed iyagoo Islaam ah xeerarkooda is-maamul bulshana leh haddana waxay ahaayeen kuwa diintu biyo dhigtay oo ku dhaqanka diinta iyo u cibaadaysiga Eebbe aad ugu adkaa. Wadaaddadu xilligaa waxay bulshada dhexdeeda ka ahaayeen kuwa maamuus iyo xurmo badan ku dhex leh wadaaddo, waddaniyad leh, astaanna u ah khayrka iyo nabadda.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waxayna ahaayeen culimadaas hore kuwa qunyar socod ah kana reebtoon fal kasta oo aadmiga Eebbe lagu dulminayo.\u00a0 Run ahaantii markaad isku eegto wadaadkeenni xilligaa iyo kan haatan masaafo dheer ayaad ka dhex helin, waxayba kala joogaan bari iyo galbeed.\u00a0Bulshada Soomaalidu waxay dhaqan iyo hiddo Is-maamul u lahayd garsoor wanaagsan, is xurmayn, xeerar qumman iyo mucaamil nololeed hufan, kuwaas oo la odhan karo waa kuwo shuruucda ay dunida Casrigan ahi maanta Caalami ahaan u dejisay, kuna dhaqanto kuwo la maqaam ah amaba ka hufan.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Ugu dambayn, diyaarin baaris la\u2019aanta cilmiyeysan, falsafadayn, dhigid iyo dhiraan-dhirin la\u2019aanta nidaamyadeennii iyo xeerarkeennii hore ee dawliga ahaa waxaan u sababayn lahaa laba sadddex arrimood oo midda koowaadi tahay: far dhigaal la\u2019aanta Ummadeenna muddada dheer ku raagtay. Far Soomaali la isku raacsan yahay oo qoran la\u2019aantaasi wax badan ayeey inoo geysatay ka bulsho ahaan, wax badanna waa innaga lumisay. Laba, dadkeenna badi baladka ahaa kuwa baladka ku yaraa, reer guraa duruufo adag ku nolaa isla markaana magaaloowgu aad ugu yaraa. Saddex, bulshadeena oo aan lahaan jirin ama ay aad u yareeyeen xilligaas aqoonyahan. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Aqoonyahanno bartay cilmiga maaddiga siiba Maamulka, Hoggaaminta iyo Arrimaha Bulshada. Haddii aynaan dhowrkaa cilladood iyo kuwa la mid ah ba la dersi lahayn, isla markaana baraarug jiri lahaa xilligaa waxaan qabaa in aynnu sidan in badan dhaami lahay. Oo dhaxli lahayn dhigaallo iyo falsafado maamul dawli oo la laga soo shaqeeyey qaab cilmiyeed kala duwana loo lafa-guray dhaxalna u noqda lahaa bulshadeena Soomaaliyeed &amp; uummiga Adduunka innagula nool intaba.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><b><i>\u00a0<\/i><\/b><\/p>\n<p>______________<\/p>\n<h5>\u00a0Tixraac:<\/h5>\n<ol>\n<li>Taarikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed, Cumar Cabdalla Mansuur.<\/li>\n<li>Dhaqanka Soomaalida, Dr Saadiq Enow.<\/li>\n<li>Waayihii Soomaaliya, bogag ka mid taariikhdii Soomaaliyeed.<\/li>\n<\/ol>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hordhac Aadanaha adduunka ku nool mid walbaa waxay leedahay nidaamyo is-maamul hoosaad iyo xeerar kala [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":6,"featured_media":146,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[7,16],"tags":[],"class_list":["post-461","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-aragti","category-sooyaal"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/461","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/6"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=461"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/461\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":475,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/461\/revisions\/475"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/146"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=461"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=461"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=461"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}