{"id":489,"date":"2019-10-20T14:19:35","date_gmt":"2019-10-20T14:19:35","guid":{"rendered":"https:\/\/indheergarad.com\/?p=489"},"modified":"2026-04-14T14:26:49","modified_gmt":"2026-04-14T14:26:49","slug":"waxyeellada-argagixisada-ee-dhaqaalaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/2019\/10\/20\/waxyeellada-argagixisada-ee-dhaqaalaha\/","title":{"rendered":"Waxyeellada Argagixisada ee Dhaqaalaha"},"content":{"rendered":"<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Soddonkii sanno ee u dambeeyey dunidu waxa ay wajahaysey halista argagixisooyinka, horumarka tignoolajiyadda waxaa la kordhiyey khasaaraha weerrarada argagixisooyinka, laakiin sooyaalka ururrada argagixisadu way ka durugsan tahay xilligaas.\u00a0 Ururkii ugu horreeyey ee argagixisinimo loo aqoonsan yahay waxa uu ahaa dagaalyahannadii Yuhuudda ee iska caabbinta kula jiray Boqortooyadii Roomanka (AD 66 \u201370) ee \u201cZealots of Judea\u201d. Ururkaas ayaa isu beddelay argagixiso iyaga oo wata magaca Sicarii oo la micno ah \u201cdagger men\u201d \u201craggii toorreyda\u201d.\u00a0 Ereyga \u201cterrorism\u201d oo asalkiisu Latin yahay oo la micno ah argagixin ama baqdin gelin waxaa markii ugu horraysey la adeegsaday sannadihii 1793-1794 ee xilligii \u201cReign of Terror\u201d ee taageerayaashii Kacaankii Faransiisku ay laayeen kummanaan dad ah, hal sanno gudahood.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Argagixintu waa weerraro lagu bartilmaansado shacab aan waxba galabsan, si ay u muujiyaan awooddooda iyo in ay cidda ka soo horjeedda u baqdin geliyaan. Mararka qaar dowladaha ayaa noqda argagixiso oo geysta ficillo dadqalnimo ah! Si ay shacabka u xukumaan uguna abuuraan baqdin badan, iyaga oo beegsanaya dad aan waxba galabsan. Kacaankii Faransiiska ee 1793-dii ayaa loo aqoonsan yahay noocan aragagixiso-dowladeed in ay dhacday. Badanaa xukunnada keligiitaliyaha ah ayaa adeegsada si ay dadkooda u maamulaan. Waxaa xusid mudan in noocan argagixisinimo kamid ahi uu ka duwan yahay argagixisooyinka dowladuhu maalgeliyaan, si ay qalalaase uga abuuraan waddamo kale iyaga oo ujeeddooyin badan ka leh.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Argagixisadu waxa ay yeelan karaan, ujeeddo siyaasadeed, diineed, bulsheed iyo dhaqaale. Waxaana dhacda in laba qolo oo iska soo horjeeda ay isu adeegsadaan eraygaas si u samaystaan taageero amase u wiiqaan awoodda kuwa ka soo horjeeda. Waana sababta aysan u jirin hal qeexitaan oo la isla waafaqsan yahay oo la isku raacay. Laakiin aqoonyahannada Maraykanka ayaa 1970-kii waxa ay kala saar saareen noocyada argagixiso ee ugu waaweyn, iyada oo ay jiri karaan kuwo kale misana noocyada ugu caansan waxa aynnu ku soo koobi karnaa lix nooc:<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">1: <\/span><b>Bioterrorism:<\/b><span style=\"font-weight: 400;\"> waa weeraro baqdingelin ah iyada oo la adeegsanayo sun bayloojiyadeed ah \u2013 noole ah sida bakteeriya iyo fayras.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">2: <\/span><b>Cyber Terrorism:<\/b><span style=\"font-weight: 400;\"> noocani waa weerraro argagixin ah oo la xidhiidha kombayuutar iyo tiknoolajiyad.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">3: <\/span><b>Political Terrorism:<\/b><span style=\"font-weight: 400;\"> in la abuuro qalalaase iyo rabshado iyada laga leeyahay ujeeddooyin siyaasadeed, sida: in meesha laga saaro dowladda xukunka haysa, laakiin mararka qaar isla dowladda ayaa adeegsata iyada oo laynaysa dad aan hubaysnayn.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">4: <\/span><b>State Terrorism:<\/b><span style=\"font-weight: 400;\"> argagixiso-dowladeed, waa in dowladdii loo doortay ama loo igmaday in ay difaacdo dadka iyo dalka ay la dagaalanto isla shacabkii ay xukumaysey, si ay dadka baqdin ugu abuurto, xukunkooduna u sii waaro.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">5: <\/span><b>Separatist Terrorism:<\/b><span style=\"font-weight: 400;\"> noocan argagixiso ujeeddadoodu waa in ay dal kala jaraan oo qayb kamid ah dal ka dhigtaan dal iyaga u goonni ah sababta ay taas u samaynayaanna ay tahay in ay dalkaas laga ga tiro badan yahay.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Kuwa ugu caansan ee loo aqoonsan yahay waxaa ka mid ah: Tamil Tigers-kii dalka Sirilaanka, gooni-u-goosashada ETA Basque ee dalka Isbayn, ururka Kurdiyiinta ee PKK ee dalka Turkiga, argagixisada the Chechen ee dalka Chechnya iyo Quebec Liberation Front ee dalka Kanada. [ Waxaa dhici karta in kooxahani isu arkaan amase la odhan karo waaba yihiin kuwo difaacaya danaha dadka ay metelaan. Sababta loogu daray waxa ay noqon kartaa, in ay hiigsigooda u mareen laynta dad aan hubaysnayn. Sida in ay qaraxyo ama dilal ka fuliyaan dowladda ay is hayaan. In ay saxan yihiin iyo in ay khaldan yihiin kala saari mayno hadda]<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">6: <\/span><b>Religious Terrorism:<\/b><span style=\"font-weight: 400;\"> nooca ugu halista badan ee ugu caansan maanta ayaa lagu tilmaamaa. Waa in dad aan waxba galabsan loo bartilmaansado iyada oo la adeegsanayo dilal iyo qaraxyo, waxa keliya ee dabada ka riixaya qolyahan waa diinta; way jiri karaan ujeeddooyin kale oo qarsoon oo ay lahaan karaan.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Burburkii dowladdii Soomaaliya, dalku waxa uu gacanta u galay jabhado ay hoggaaminayaan dagaal-oogayaal midba mid ka soo horjeeda oo is haya, isna dagaalsan salkana ku haya qabiil. Jabhadahaasi waxa ay geysteen tacaddiyo badan iyaga oo dil, dhac iyo kufsi geysanaya. Hammigooda koowaad iyo shayga keliya ee ay ka midaysnaayeen waxa uu ahaa xasuuqa iyo waxyeelaynta dad aan hubaysanayn, isna difaaci karin oo maxas ah. Haba yaraatee ma jirin, han iyo himilo siyaasadeed oo u diyaarsanaa oo ay doonayeen in ay dalka ku maamulaan, haddii Siyaad Barre kursiga laga kiciyo \u2013 keligiitaliye dalka haystey 21-sanno oo dalku ku jiray heehaab aan la garanayn jiho dalku hayo.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Xukunkii milateriga ahaa ee M. Siyaad Barre sinnaba uma wanaagsanayn, dalka waxa uu u geystey hagaardaamooyin badan. Jabhadahaasi xaaladdii xumayd ayay uun uga sii dareen, dalkii saarnaa sariirta geeridana waxa ay ku hubsadeen iilka qabriga. Muddo badan oo aan horumar laga gaadhin xaaladda Soomaaliya dedaallo badan kadib, marka laga reebo Waqooyiga oo laba maamul, Soomaalilaan iyo Buntlaan ka samaysmeen. Laakiin Koonfurta Soomaaliya ayaan habayaraatee xal loo helin welina kama jiro maamul hagaagsani.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">2006-dii, Midowgii Maxaakiimta ayaa ka adkaaday dagaal-oogayaashii, Muqdishona qabsaday \u2013 caasimadda dalkii burburay ee Soomaaliya. Bilooyin ay ka talinayeen Muqdishona waxaa lagu tilmaamaa xilliyadii ugu nabadda badnaa burburkii kadib. Dabayaaqadii 2006-dii, Itoobbiya oo taageero ka helaysa Maraykanka ayaa soo gashay Soomaaliya waxa ayna dagaal la galeen Midowgii Maxaakiimta soona afjareen xukunkoodii iyaga oo sameeyey, Dowladda Faderaalka ah ee Ku meelgaadhka ah, waxaana madaxweyne ka noqday Sheekh Shariif Sheekh Axmed, islaami qunyar socod ah oo ahaa hoggaamiyihii Midowgii Maxaakiimta. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Burburkii Midowgii Maxaakiimta, garabkii Dowladda Faderaalka noqday mooyee, garabkii kale ayaa isu beddelay kooxda al-Shabaab. Waxaana hoggaamiye ka noqday Axmed Godane \u2013 xoghayihii guud ee Midowgii Maxaakiimta. <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Al-Shabaab, oo la micno ah \u201cdhallinyaro\u201d waxa ay Soomaaliya ka dagaalamayeen ilaa 2007 iyaga oo sheegatay weerraro dalka iyo dibadiisa ay ku qaadeen. Waxa ayna maamulaan Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya qaybo ka mid ah; inkasta oo dhul badan laga xorreeyey misana weli waxa ay maamulaan dhul balaadhan.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Argagixisadu waxa ay leedahay saamayn: dhaqaale iyo mid bulsheed. Dhaqaalaha Soomaaliya oo aan cago adag ku taagnayn, dowlad hagtana aan haysan \u2013 ilaa hadda waaxda gaarka loo leeyahay ayaa ka shaqaysa dalka taas oo xumaan iyo samaan labadaba wadata. Ayaa argagixisadu ka dillaacday dalka, sidaasna waxa aynnu ku noqonnay dhibbanaha koowaad ee\u00a0 halista argagixisada ee dhinac dhaqaale iyo mid bulsheed; waxa aynnu uga nugul nahay dal kasta oo adduunka ku yaalla, sababtoo ah waxa Soomaaliya u raaca mushkilado badan oo muddo is biirsanayey. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Argagixisadu waxa ay waxyeelaysaa oo naafaysaa ilaha dhaqaale ee dalka iyada si dadban ama si toosa u weerrarta. Soomaaliya, mid ka mid ah waddamada ugu faqiirsan dunida iyo mid ka mid ah waddamada colaadaha ugu muddo dheeri saameeyeen.\u00a0<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Waxa uu la daalaa dhacayaa dhibaatooyin dad samee ah oo ay ugu horreeyaan ururrada mitidiinta ah ee dabada ku haya arrimo diineed. Markii dowladdii burburtay waxaa la burburay ilihii dhaqaale ee dalka. Keliya xoolaha nool ayaa ka shaqaynayey dalka oo loo dhoofiyo Waddamada Khaliijka oo iyagu marna xidha marna fura, laakiin waxaa hubaal ah in Soomaali badani ku baxsadeen xoolahaas si kasta oo ay u ga faa\u2019iidaystaanba. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Dal Soomaaliya oo kale ah oo aan lahayn ilo dhaqaale oo kala duduwan oo keliya ku kooban beeraha iyo xoolaha nool, argagixadu waxa ay u saamaynayaan si ka xun sida ay u saamaynayso waddan kale. Lacagaha dibadda laga soo diro oo dhaqaalaha Soomaaliya kaalin weyn ka ciyaara, ayaa xitaa halis geliyeen argagixisadu oo in la joojiyo ku sigtay kadib markii la ogaaday lacago ku socda urrurka al-Shabaab.\u00a0 <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">1.3 bilyan ayaa sannadkii lagu qiyaasaa lacagaha xawaaladaha ee dalka soo gala (<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"><em>Bloomberg et al. (2004<\/em>) ayaa cilmibaadhis uu ku sameeyey saamaynta argagixisada iyo kobaca dhaqaale\u00a0 ee 177 dal muddadii u dhaxaysey 1960- 2000 ayaa ku ogaaday in xidhiidhka ka dhexeeya argagixisada iyo kobaca dhaqaalaha uu yahay mid taban. Cilmibaadhisyo kale ayaa iyaguna tilmaamaya in argagixisadu dhaqaalaha ku keento fadhiid dhaqaale iyo mid waxsoosaar.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Argagixisadu waxa ay burburisaa awoodda dadka iyo qalabka \u201cPhysical and Human Capital\u201d. Dadku koboca dhaqaale wax weyn ayay ugu fadhiyaan. Waana iyaga kuwa rogroga ee dhaliya dhaqaalaha iyaga oo leh faa\u2019iido maskaxeed iyo mid xoog, dadku waa isha ugu muhiimsan ee dal dhaqaalihiisu ku tiirsanaan karo. Halka qalabku muhiimmaddiisu aysan ka yarayn ka dadka. Kumannaan qof ayaa sannad walba ku dhinta weerrarada argagixisada. Dadkaasi waxa ay dalka ugu fadhiyeen qiime weyn oo timaadada iyo joogtadaba wax ka tarayey ama ka tari lahaa.\u00a0\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Warbixinta sannad laha ah ee ay soo saaraan, Institute for Economics &amp; Peace (IEP) ee loo yaqaan Global Terrorism Index (GTI) oo cabbirta heerka uu marayo saamaynta argagixisadu, oo adeegsanaya xogta ay ururiyaan Global Terrorism Database (GTD). 2017-kii, Waxa ay Soomaaliya noqotay waddanka 6 ee argagixisadu ugu saamayn badan tahay \u2013 sannadkaas, sannadkii ka horreeyey Soomaaliya waxa ay ku jirtay kaalinta 7 \u2013 taasi waxa ay ka markhaati kacaysaa in marba marka ka danbaysa ay sii kordhoyso halista ururrada argagixisada ee dalka.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">2017-kii Soomaaliya waxaa ka dhacay weerarkii argagixiso ee ugu khasaaraha badnaa ee dunida oo dhan, waxaa ku dhintay 587 qof, halkan sannadkaas oo keliya ku dhinteen 1,470 qof, 372 weerar. Sannadkii 2016, 359 weerar waxaa ku dhintay 740 qof, sida warbixintu sheegayso. 2000 ilaa 2017-kii waxaa weerarrada kooxaha xagjirka ahi galaafteen 5,956.[ weli ma soo saarin 2018 iyo 2019]. Laynta dadka waxaa barbar socdey, burburka hantida oo weerar kasta waxaa ku luma hantida aad u faro badan. Sida warbixinta ku cad, dowladda ayaa ugu horraysa bartilmaameedka koowaad ee kooxahan. Halka hantida iyo dadku yihiin dhibbanayaasha koowaad ee mitidiinta Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Bartilmaameedka kooxaha argagixisadu waa goobaha ganacsiga ee dhaqaalahu ka soo baxo, iyaga oo laba u jeeddo ka leh waa tan koowaad e: laynta dadka iyaga oo isku qarxinaya iyo tan labaad oo ah: burburinta xarumaha ganacsi ama dowladeed, labada u jeeddoba waxa ay uga dan leeyihiin in ay yareeyaan kalsoonida dadka iyaga oo u maraya cabsigelinta dadweynaha, markasta oo dadweynuhu ku sii badato baqdintu waa markasta oo argagixisadu gaadhayso yoolkoodii waaba haddii ay yool lahaayeene e iyo wiiqitaanka kobaca dhaqaale. Tusaale ahaan, Al-Qaacida ayaa tababar ku siisa dagaalyahanadeeda in ay weeraraan, xarumaha dhaqaalaha ee lagamamaarmaanka ah, (WorldNetDaily, 2003).<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Haddii aynnu mid mid u dul istaagno argagixisadu waxa ay curyaamisaa ugu horraynta: kaabayaasha dhaqaale ee dalka; iskuullo, cisbitaallo, goobo ganacsi iyo waddooyin. Waxaa hoos-u-dhac iyo horumar la&#8217;aani ku yimaaddaa tayada iyo tirada waxbarashada iyada oo hoos u dhigaysa isdiiwaangelinta ardayda taas oo saamayn aan wanaagsanayn ku leh kobaca dhaqaalaha. Mar labaadka, waxa ay xaddidaan dhaqdhaqaaqa ganacsi. Qaraxyada ay adeegsadaan kooxahaasi, waxaa waxyeelo ka soo gaadhaa ganacsiyo badan oo laga yaabo in aan dib danbe loo furin.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Sidoo kale ficillada noocaas ahi waxa ay niyadjebiyaan ganacsiyo hor leh iyo maalgelin ay muwaadiniintu ay samayn lahaayeen. Waxaa muuqata hoteelladu in ay yihiin bartilmaameedka koowaad ee kooxahaasi, iyaga oo beegsanaya dadka deggan hoteelka. Tallaabadani waxa ay uga golleeyihiin si dalxiisayaasha iyo dadka kale ee dalka dano kale u imanaya hakiyaan. Waxaa xusid mudan dalxiisku in uu kobaca dhaqaale kaga jiro meel sare.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Mar saddexaadka: dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay ee dagaallo diineedku ka jiraan waxaa yar amaba aan jirin maalgelinta uu dal ka samaysto dal kale,\u00a0 &#8220;Foreign Direct Investment (FDI)&#8221; oo horumarka dhaqaale muhim u ah siiba waddamada soo koraya. Si guud, dagaalladu waxa ay hoos u dhigaan oo curyaamiyaan maalgelinta ay samayn lahaayeen dadka dalka u dhashay ama kuwo ajanabiga ahi. Mar afraadka: Argagixisadu, waxa ay dalka ay ka jirto ku qasabtaa in uu dhaqaalaha intiisa ugu badan u leexiyo difaaca iyo dagaalka kooxdaas. Halkii maaliyadda ugu badan lagu kharashgarayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha (Blomberg et al., 2004; Gaibulloev and Sandler, 2008).\u00a0\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Ugu danbaynna kolka ay isbiirsadaan dhibaatooyinkaas badani waxa ay dad badan ku qasabtaa in ay dalka iskaga cararaan oo dal kale nolol u raadsadaan. Sida aynnu hore u soo sheegnayna dadku waa mashiinka dhaqaajiya dhaqaalaha. Waana tiirka koowaad ee haddii horumar nooca uu doono ha ahaadee la doonayo lagamamaarmaanka noqonaya. Tallaabadan keliya kama dhalato in dadku ka hayaamaan dalka e, waxaa sidoo kale guura dhaqaalaha (<em>Collier et al., 2003, p. 15<\/em>).\u00a0 Hantida ugu badan ee Soomaalida maanta waxa ay taallaa, waddamo kale, Kiiniya ha ugu badato e. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Dagaallada oo dhami nooca ay doonaan ha ahaadaane (dagaallo sokeeye, mid diineed iyo mid dowlado u dhexeeya) waxa ay dhaawac daran u geystaan kobaca dhaqaale iyaga oo leh saamaynahaas aynnu soo sheegnay, waxaa ugu saamayn yar ka dalalka u dhexeeya. Soomaaliya ilaa intii ay xornimada qaadatay ilaa1960-kii waxaa u kala danbeeyey saddexdaas nooc ee dagaal oo mid kasta dhabarjab ku ahaa bulsho ahaan, dhaqaale ahaan iyo dal ahaanba. Dagaal diineedka ayaa ugu dambeeyey oo dhowr iyo tobankii sanno ee ugu danbeeyey Soomaaliya ku jirtay.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waddama dhaqaale ahaan faqiirka ah ee colaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya kowga ka tahay, waxaa kaalin firfircoon ku leh deeqaha caalamiga ah, waxaa ku tiirsan kaalmada shisheeyaha dad badan oo Soomaali ah in kasta dhinac togan iyo dhinac tabanba yeelanayaan laakiin, dal Soomaaliya oo kale ah oo habayaraatee aysan jirin dowlad ka masuula dadka iyo dalkaba oo muwaadinku haysan aasaaskii nolosha sida: amni, cunto iyo hoy. Waa u muhim u ah deeqaha caalamiga ah, si ay ugu yaraan noloshooda u badbaadiyaan. Kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ka dagaalamaa, waxa ay is hortaagaan in dadkaa jilicsan deeqda la gaadhsiiyo sidoo kale argagixisadu waxa ay walaac ku abuurtaa waddama bixiya deeqaha iyaga oo ka baqaya in ay gacanta u gasho kooxaha dagaallamaya.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Qolyaha dagaallama waxaa dhiirrigeliya: arrimo diineed, dhaqaale iyo bulsheed. Fakhriga iyo shaqo la&#8217;aantu waa qodobada keena xagjirnimada, marka laga yimaaddo diinta oo ah waxa ugu weyn ee abuura argagixisada. Markasta oo waddanku dhaqaalihiisu uu liito waa markasta oo kooxahaasi dillaacaan. Dhallinyarada oo ah cududdooda ciidan, haddii ay heli lahaayeen shaqo iyo nolol dhammaystiran oo ay ku noolaadaan, hubaal waxaa hoos-u-dhici lahaa dhallinyarada u dagaalanta kooxahan.\u00a0<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Sidaa darteed, kobcinta dhaqaalahu waxa uu xal u yahay yaraynta iyo la dagaallanka fikirrada xagjirka ah ee dhiirrigeliya qolyaha dagaaalama ee dhallinyarada u badan. La dagaallanka argagixisadu keliya uma baahna hub ee sidoo kale waxa uu u baahan yahay in dhaqaale ahaan dalka la hormariyo oo maalgelin badan la sameeyo si dadku shaqo u helaan.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Ugu dambayn, Soomaaliya, sooyaal ahaan weligeed deggenaansho siyaasadeed, bulsheed iyo dhaqaale midna ma helin. Taas oo keentay in aan qofka Soomaaliga ahi weligii ku noolaan nolol hagaagsan oo la sheegi karo. Haddaba, xal u helidda arrimaha isku murugsan ee hadda taagan, waxa ay u baahan yihiin dad indheergarad ah oo u guntada sidii loo hagaajin lahaa arrimahaas, taas oo xallinayo si xilkasnimo ku dheehan tahay.<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Soddonkii sanno ee u dambeeyey dunidu waxa ay wajahaysey halista argagixisooyinka, horumarka tignoolajiyadda waxaa la kordhiyey khasaaraha weerrarada argagixisooyinka, laakiin sooyaalka ururrada argagixisadu way ka durugsan tahay xilligaas.\u00a0 Ururkii ugu horreeyey ee argagixisinimo loo aqoonsan yahay waxa uu ahaa dagaalyahannadii Yuhuudda ee iska caabbinta kula jiray Boqortooyadii Roomanka (AD 66 \u201370) ee \u201cZealots of Judea\u201d. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":12,"featured_media":490,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[6,5],"tags":[],"class_list":["post-489","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhaqaale","category-falanqeyn"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/12"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=489"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":491,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489\/revisions\/491"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/490"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=489"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=489"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=489"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}