{"id":492,"date":"2022-04-08T14:29:06","date_gmt":"2022-04-08T14:29:06","guid":{"rendered":"https:\/\/indheergarad.com\/?p=492"},"modified":"2026-04-14T14:39:40","modified_gmt":"2026-04-14T14:39:40","slug":"miyirbeel","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/2022\/04\/08\/miyirbeel\/","title":{"rendered":"Miyirbeel"},"content":{"rendered":"<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Goor ay cadceeddu liiq tahay oo garabkeeda sidii hoos loo cadaadiyay ay madaxa qarsatay ayaan soo dhaqaaqay. Halkii aad igu ogayd iyo aqalkaygii oo aan muddo ka soo bixin baan debadda uga soo baxay goortaas. Dhulku sidii laga hayaamay ayuu ila muuqday, shanqar iyo dhaqdhaqaaq kale toona ma maqlayn.\u00a0 Meel iga durugsan ayaa carruur yaryar oo ooyaysa iyo cod haweenay ah oo quus badan ka maqlayay. Dhulka isaga oo aan weli shaacu madoobaan oo qorraxda fallaadho yaryar oo cusuus ah cirka intiisa kale ku sii sogootinaysa ayaa foore soo dhacayaa oo dhulkii wixi siigo iyo boodh yaallay soo carraabinaysaa. Mutalkii eeddaday Kinsi Fadal ayaan hor taagnaa, waa aqalkii aad igu ogayd dhawrkii toddobaad ee aan jiifay. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waad ogayd oo waa tii eedaday halkaa iyo Domco oo odaygeedii joogay u kacday. Mutulku waa aqal yar oo cidhiidh ah oo aan si wanaagsan loo dayactirin. Balse eeddaday waa qof aan nolosho macno wayn oo dheedheel ka wayn u haysan. Aqalkeeda ayaad ka fahantay middaas oo dhawr jeer oo aad iigu timi waxa aad la yaabtay agabka duugga ah ee ka buuxay iyo sida aysan u dayactirin sarabka dhoobadu ka daadatay ee fallaadha cadceeddu ka soo dusayaan. Aniga oo dhawr gu\u2019 la jooga ayaan taas si dhab ah u qeexi karin, oo weligay ma arag eeddaday oo nolosha u hanqaltaagaysa, iyada oo wax cusub ama is beddel ka sheekaynasa.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Wejigayga gibil madow baa ka sokeeya, fooraha dhacayana haraggaas adag ee wejiga iga saaran buu ka dhacayaa oo ma dareemayo, balse kolba inta aan indhaha isku qabto ayaan kala qaadayaa. Dhuuntayda sidii ruux kix ku dhacday bay cod aad foodhi moodid ka baxayaa. Dibnahan luun baa igaga yaal oo in aan harraad u bakhtiyo ayaan xalay oo dhan ka cabsanayay. Ma ogtahay waxa aan xalay ku riyooday? Ma ogid, ee Idileey, meel hayjad ah aniga oo jooga oo afarta gar jiho ciid iyo burco ah oo waawayn iyo buuro madmadow igaga beeganyihiin ayaan is arkay. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Kolka aan halkaa joogay dhuuntayda xareed baa dareeraysay oo carrabkayga sidii in aan malab ku leefiyo ayaan moodayay, indhaha farxad bay la riyaaqsanayeen, balse muddadii aan halkaa joogay xididdadii nolosha ee gudahayga burqanayay way qallaleen oo bogga iyo beerka ayaa isku kay dhegay, dhuuntuna wax culus bay iska\u00a0 kaga taagay oo cod sii dhimanaya baa ka soo baxayay, indhaha sidii in holac laga i shiday baan dareemayay. Aniga oo xaaladdaas ku sugan oo sii bakhtiyaya ayaan riyadii ka soo booday. Riyadii aan ka soo cararay meel dhaanta ma joogin ee aqalkii eedaday oo fallaadhihi cadceedda sarabka ka soo dusayaan baan ku kacay. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Qofku nolosha weligii ma quusan doono, waa goorma, waa inta uu maskaxdiisa fikir qurux badan ku curinayo oo uu halkaas barwaaqo ku abuurayo. Anigu saaka aroortii ciidda mutulka ayaan carrabka saaray sidii sac caws goglan carrabka ku leefaya. Jidhkuna waa i gariiray sidii lax haraaryoonaysa. Carrabku waa uu qalalnaa oo ciiddii waa uu soo qaban waayay, waxa aan halkaa mar xusuustay riyadii xumayd, oo in xididdadii nolosha ee gudahayga ka burqanayay istaageen ayaan mooday. Waa halka mar ee aan xusuustaada barwaaqada nolosha ku masaalay. Waxa aan u maleeyay in aan xusuustaada diraacdan dheer ee laxaadkii i tirtay aan kaga badbaadi doono.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Tuuladii Sarmaanyo aniga oo aqalkan hortaagan iyo qoyskiina oo aabbihiin sugaya ayaan ka jooga. Dib baan maskaxdaan u baadhay oo waxa aan xusuustay in Sulub caato oo raqayo ah iyo wiilkiisi ay aqalkoodii ku go\u2019doonsanyihiin. Dhulka waa abaar foolxun oo wax laga sheekeeyo ma mudna, aniga oo adiga meeqaamka iyo milgahaaga dhawraya ayaanan dhulka iyo diraacdaba ka sheekaynayn. Goorma ayaad idinkuna tegaysaan? Waa waydiinta ugu wayn ee aan sida abaarta la goohayay ayaamahan oo dhan. Ma dad is waaya ayaynu noqon doonnaa Idileey oo abaarta ayaa ina kala fogayn doontaa? Dhibaato wayn buu fekerkaasi igu hayaa. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Shalay goor ay barqinkiii tahay ayaan aqalkii Sulub Caato aaday, oo biyo wiyeer ah oo aan shalay haysatay baan waysa yar ugu qaaday, waa intaas oo aad u tagtaa iyaga oo harraad u go\u2019aya oo aad ku qabataa baan maskaxdayda ku hayay, balse markii aan u tegay Sulub iyo Wiilkiisa lafaha waawaynaa ee maskaxda yaraa oo mutalkoodii dhex hawaara ayaan u galay. Odayga diif badan baa ka muuqatay, oo isaga oo cad ahaa ayaa abaartu sii jilcisay, balse foolkiisa murugadii ku daahnayd inta uu ka rogay ayuu si hagaagsan iila hadlay, kolkii uu arkay waysada aan gacanta ku wado ee ay biyuhu ku jiraan ayuu codkiisii xuudhaanka waynaa bilaabay\u201d Moogow, annaguba biyo wiyeer ah baanu haysannaa. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waan ku arkaa adiga ee maanta yaa tuuladii ku nool, sow dadkii kama ay wada hayaamin?\u201d Kolka uu intaa i waydiiyay waxa aan yaqiinsaday naf adayga odayga soomaaliga ah ee maanta nool ku duugan, naf go\u2019i wayday oo itaal badan ayuu dhabarkiisa ku sidaa. Murugo iyo welwel toonna iima muujin ee sidii uu xaalku beri ahaa ayuu wax ii waydiiyay. Anigu goortaa wax jawaab ah uma celin, ee waxa aan si amakaag leh indhah ugu gubayay wiilkiisii doqonka ahaa oo iska qolsaya, dibno waawayn oo aad balliyo ajoobay moodid buu kala waaxay oo indhihiisa waxa ka dhaldhalaayay qoyaankiii doqomadda ee ahaa dhareerkii ka quban jirey kolka ay afka kala qaadaan ama ilmadii markiiba ka soo daroori jirtay. Mutalkoodu dayac badan ma qabin oo dhoobadu waa ay adkayd. Gogol hagaagsan buuna ku fadhiyay, dhinaciisana agab badan baa yaallay.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Aqalkii eeddaday ayaan ku soo laabtay, waa marka uu hooggu i helay. Biyihii wiyeerka ah ee ceelasha nugaaleed laga keenay waa ay iga go\u2019een oo aqalkii ayaan keligay ciiddii beerka saaray. Dhulku waa omos, oo sida ay naflaydu u harraadantahay ayaa uu dhulkuna dhibacda raagtay u sugayaa oo gudahiisa olol baa ka baxayay, oo aniga oo beerka saaray baa halkaa ka dareeemayay gurxanka ka baxayay, dushiisana oomi kulul oo aniga i leefay baa ka baxayay. Waan soo baxay fiidkii markii ay ahayd oo waxa aan eegay gurigiina. Adiga oo dirac yar oo jeexjeexan wata oo timuhu ku rifrifanyihiin baa daaradda dhex fadhiyay. Hooyada iyo walaashaan midba meel bay ku qallalnayd. Riyihii yaraa ee idiin joogay oo iyaguna caato wayd ah oo lafuhu muuqdaan noqday baa xerada hortooda fadhiyay. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Muuqaagii quruxda badnaa baa hal mar la i hor keenay, oo indhahaagii quruxda badnaa baa i horyimi, naruuro baa laabtayda xushay. Timaahaagii dhabarka ka degan jirey iyo laxaadkaagii oo shubmay baan halkaa ka arkayay, oo waxa aan ka dhergi waayay xusuusta wanaagsan ee aayamihii barwaaqadu maankayga ku sawirtay. Ilwaaday hadda oo la joogana indhahayga abaartu heshay baa sidaas kuu arkaya moojee, nolol iyo barwaaqo ayaad tahay. Dhulka maanta wax laga majeerto adiga oo keli ah baa ka soo hadhay. Run ahaan quruxdu nolosha waa ay badbaadinaysaa ayaan si dhayaldhayal ah maankayga ugu hayn jirey, ee waa shalay iyo maanta goorta aan qiray in aad adigu tahay badbaada nolosha, waa adiga oo qudha iftiinka iyo rejeda ay Sarmaanyo maanta leedahay. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Aabbahaa Halkee buu u kacay, iyaduna waa xaajo caloolyow leh ii hurinaysay ilaa intii aan ku aqaannay ee aan kugu ilwaadsaday. Qalbigayga waydiintaas baa ku taagan. Maanta oo dhulka ibtiladaasi heshayna aabbahaa waa uu maqanyahay! Horta Ilwaadeey ma is waydiiseen, mise axdigii ay Hooyadii Aamina xambaartay ayay weli duudkeeda ku siddaa oo dhulka uma ogola, mise xitaa in ay is waydiiso oo ay yabaal ka keento ma ogola? Anigu nin wanaagga jecel baan ahay ee sifooyinkaas waa aad hiddaysan doontaa, waa sababta aan naftayda wanaagaagga ula jeclaaday. Goor baas iyo gelin baas baan naftayda rejadaas ku haasiwanayaa. Ma eed baan ku galayaa haddii aan naftayda wanaagga la jeclaado? Xaasha lillaah, Idileey, waxa aad tahay ruux mudan in la ag joogo.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Dhulkii masiibo rabbaani ah baa heshay. Tolow dadkii hayaamay meel halkan dhaanta ma tageen? Waxa aan fiidkaa garwaaqsaday in noloshu meel walba ka jirto, oo qofka waxa rugtiisa ah halka uu nolol ka helo. Anigu bilowgii hore in aan reerkayaga oo jeexa Maraaley yaalla u tago waan iska diiday oo reerkayagu aniga iima baahnayn oo aabbahay rag badan buu dhalay. Doorkii horena waxa aan tuulada u imi in aan makhaayaddii Goodir ka shaqeeyo, waa tii aad ogayd oo aniga oo aan bil joogin baa masiibadani dhacday. Eeddaday Kinsi oo aan aniga feker igu dhaamin baan u imi. Deeqsiyad ha ahaato, hoy iyo cuntaba ha i siiso, balse intii aan is lahaa barwaaqaad dhex gashay baa abbaartu igu heshay rugtaydii. Eeddadayna gurigeedii baasaa ayay igaga tagatay. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Halkaygii aniga oo taagan ayaa uu shaacii si toos ah u madoobaay, dhulkuna dayaxii baa u soo baxay oo waxa uu maanta xilligan baas ka soo doonay baan is waydiinayaa. Haddii aan sarabka mutulka ee aan ku tiirsanahay ka dhaqaaqo afka ayaan goosanayaa, ee inta aan itaal aan igu jirin iska baadhay ayaan dhulka barriiqsaday sidii hal duq ah. Kolkii aan dhulka fadhiistay ee aan ciidda xaabxaabsaday ayaan barwaaqada nolosha ka fekeray. Adiga oo keli ah ayaan maankayga ka helay. Waxa aad tahay barwaaqadii nolosha. Ereyo macaan baan carrabkayga sidii biyaha oo kale u qooyay, oo xilligan baas in aan barwaaqada nolosha iyo ilwaad tix u mariyo baan ka fekeray. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waa abwaanka iyo caadadiisa oo waxa la yidhi hebel waa wiil hoog, maalinta ay darantahay waa ninka lagu baxsado, abwaankuna waxa uu xallad ka abuuraa xilliyada adag ee ay ibtilooyinku soo gaatamayaan. Aadan-carab oo belada jeclaa ayaa waxa uu yidhi, \u201d Ma godlado haddii aan maalinkaa galowgu ooyayn?\u201d Maalinkaa haddii aan belo jirin oo aan warmuhu sidii ay xiddido ugu likaysnaayeen afka beelin ma godlado oo ereygu carrabkayga kama soo dego. Aniga oo taas og, oo masiibada iyo abaarta dhulkii leeftay og baan kaa fekeray. Nolol baa durba ii sawirantay, durba wanaag baan dhex durduurtay, durba webiyaa soo qulquqalay dhuuxayga. Carrabkayga ayaa isaga oo aan idan i waydiisan kuu heesay, ma ogayn goor aan akhriyay:<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">&#8220;Nololeey naruureey &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Naqiyo ugbaadeey<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Saba lagu negaadaay &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Naxariis loo hilloobaay<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Nuur iyo ileysiyo &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Wadnaha nidkeedaay<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Barwaaqadii noloshaay &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Nabad lagu caweeyiyo<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Neecow lagu qaboobaay! &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Itaal aan ku nuuxsadaay<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Nafta sabaalaheediyo &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Dareenkayga naaxisaay<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Ka sheekee naftaadoo &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Nabad iyo wanaagiyo<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Maxaad naallo joogtaa &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Ma negidahay rugtaadii?<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Nasri iyo aqooneey &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Inta nugul adduunyada<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Nacfi iyo badhaadhe leh &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Taan aniga naadshaay<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Nabsi iyo belaayayo &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Adduunyada nuxuusta ah<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Taan kaga negaadaay! &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Nololeey naruureey<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Ka sheekeeo naftaadoo &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Nabad iyo wanaagiyo<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Maxaad naallo joogtaa? &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Ma negidahay rugtaadii?<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Nabsi iyo belaayiyo &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Qabi nitaaqo buuxdo<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Taan kaga negaadaay &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Calaf iyo nasiibiyo<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Naq iyo xareediyo &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Dhulkoo nurkii helay<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Nacfi iyo barwaaqo leh &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Nasiibkaygi Idileey<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Nololeey naruureey &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Ka sheekee naftaadoo<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Nabad iyo wanaagiyo &#8211; <\/span><span style=\"font-weight: 400;\">Maxaad naallo joogtaa<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify; padding-left: 40px;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Ma negidahay rugtaadii?&#8221;<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: center;\"><strong>***<\/strong><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Dhinacii gurigiina ayaan eegay oo iftiin iyo jabaq midna kama aysan baxayn. Aniguna halkaygii ayaan dhabarka ku jiifsaday oo lugaha ma qaadi karayn.\u00a0Naxdin baa halkaa mar i roortay, tolow, Ilwaad ma nooshahay baan ka fekerayay. Haddii aan kuu iman lahaa ciidan la iguma oga, oo waa taa uu harraadku i laxaad tiray. Ma sidayda oo kale ayaad idinkuna daaradda beerka ku haysaan idinka oo carrabka laadlaadinaya. Aniga oo tallamaya ayaa aan jabaq yar maqlay, kolkii aan dhugtay ee aan arkay in aan dhankiinna tahay baa neef xooggan oo aad moodid in ay ruuxda iga siibayso iga soo boodday. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Nolosha adiga oo keli ah baan ilaa shalay ka fekerayay, oo waxa aad ii ahayd ilays aan jidadka yaryar ee xodayga leh ku maro. Ilaa shalay aniga oo liita oo awoodxun baan adiga kaa fekerayay, muuqaagii waynaa oo qurux isla qotomiyay baana marba la i hor keenayay, oo waxa uu ahaa awood aan ku dhaqaaqo, waxa uu ahaa dhuuxa addimadayga ku jira, waxa aad adigu ii ahayd adhaxda ruuxeeda. Nolosha mugdi baa garbaduubay. Aniga oo aan is ogayn ayaan indhaha is geliyay oo harraadkii la siriray,\u00a0 mugdi baaxad wayn baan sii dhex socday, adiguna waxa aad ahayd iftiinka keli ah ee maankayga ka dhex baxayay.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Dhulku waa tii uu madoobaaday oo habeen kale oo dheer daahyadiisa soo rogay. Markii aan dhulka dhabanka saaray ee aan indhaha isku qabtay ee ogaalka hoose oo keli ah soo jeeday ayaan xusuus qurux badan oo barwaaqo ah maankayga ka dhex helay. Ruuxu marka ay dhibaato wayn qabsato waxa uu maankiisa ku curiyaa xusuuso qurux badan oo wada barwaaqo ah. Iftiin yar oo sidii dhinbiilo dab ah aad moodid baa maankayga ka ifyay. Haragayga wayn baa dhulka wadhnaa, foorihiina waa uu soo dhacayay, dhulkana aamus ay cabsi weheliso ayaa ku fidayay oo ruux dhaqaaqa ma uu jirin. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Gurigii Idilna aamuskii xabaalaha mid aad moodid baa daboolay, faynuus yar oo gabaabsi ah oo tiirka mutulka sudhnaana waa uu bakhtiyay oo sidii raqda oo kale ay dhulka wada goglanayeen. Diihaal ba\u2019an baa oogadooda ka muuqday, oo waxa aan moodaysaa in ay noloshii gudahooda ka burqanaysay ay engegtay. Gal xareeddu jiifto oo hareeraheeda ubaxyo qurux badan oo kala jaad ka widhwidhayaan, iyaga oo dhegaha furay ayay dacallada biyaha kula jireen, dhirta oo jirridooda cawyska iyo dooggu qariyay ayaa laamuhu si naxariis leh u ruxmanayeen oo balanbaalis qalimo leh ayaa xareedda jiifta dusheeda duuldaalayso, dhulkaas quruxda wayn ee naftadii bayhoofka ahayd naxariista ku beeray ayaan joogay goortii aan miyirka beelay ee aan khayaalkayga quruxda wayn dhex galay. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Wejigayga labeen baa ka sokaysay, dhulkuna quruxdiisa wayn buu nooloha kale oo dhan u ku soorayay. Dhuuntaydii qallalnayd ayaan biyo qabow ku qooyay oo jidhkaygii dhintay ayaa dib u soo noolaaday. Xiddidii noloshuna dib bay dhiiggii u wareejinayeen iyaga oo nolosha oo dhan u adeegaya. Anigu nolosha oo dhan baan jiritaankayga u arkaa, haddii aan anigu dhinto ama ay jirro i haleesho waxa aan moodaa in noloshu ay burburayso ama ay qarka u saarantahay in ay baaba\u2019do. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Taasi aniga oo keli ah iguma koobna, qof waliba waxa uu isu yaqaan jiritaanka nolosha, loolka iyo dhigaha guriga lagu taagay, awoodda ay dunidan wayni ku dhaabantahay ayaa uu qofku isu yaqaan. Dadkuna waxa ay nolosha ugu mintidayaan waa sidii ay u badbaadin lahaayeen jiritaanka, aniga oo taas ogayn baan barwaaqadii aan maankayga ka dhex helay dhexdeeda ku fekeray. Dib baa rejedu ii xushay, dib baan u kalgacalkii aan la itaal darreeyay uga fekeray, oo waxa aan barwaaqadui aniga oo dhex jooga maankayga ku hayay, ruuxdii gobta ahayd ee Idil.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Idil waxa ay ahayd qof aamusan badan oo qurux badan. Haddii aan nolosheeda falanqayno hungo ayaynu kala soo noqon doonnaa. Aqalkooda oo guriga eeddaday ka soo horjeeda ayay deganyihiin, aniga oo aan aqoon ayaan gaclooday oo dareen qaali ah laabtayda u geliyay, halkaas baan ku daryeelay oo aniga oo aad u awood yar oo ayaandaran ayaan quruxdeeda weheshan jirey. Muuqeeda badbaadada noloshayda ayaan u arki jirey, noloshuna waa fikrad cabsi badan oo qofku uusan keligii joogi karin, ilaa uu meel uu irkado oo ku baxsado helo. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Waa dood soo jireen oo ay dadku weligood is waydiinayeen iyaga oo welwel ba\u2019an u garbaduuban, \u201d Sidee qofku noolaan karaa haddii aysan jirin meel u irkado?\u201d Anigu naftayda inta aan welwelkaas ka xoreeyay ayaan Idil u aqoonsaday badbaadada noloshayda. Maanta oo uu dhulku abaaryahayna Idil waxa ay ii tahay badbaadada noloshayda. Idil waa ruuxda caynkaas ah ee afka gaaban ee quruxda badan, balse quruxdeeda mar kasta oo aan arki jirey murugo wayn oo ku raagtay baa iiga muuqan jirtay. Indhaheedu sidii bad wayn aan laga gayoon karin ayay iigu muuqan jireen, oo haddii aan eego aniga oo khayaal fog u baxay oo dhul fog sii maraya ayaan ia arki jirey. Dhabannadeeda shushuban ee quruxda waynna haddii aan dhan walba ka istaago aniga kama aan jeesan karayn, waxa aan moodi jirey in aan hal ilbiriqsi hor joogay, muuqeeduna waxa uu ii ahaa xusuus qaali ah.<\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Goor ay saqdii dhexe tahay oo dhulka gobadanadii diraacdu soo dhacayso oo carrada inta ay soo salaaxdo qabow uu ka soo foocayo ayaan soo miyirsaday. Meel cabsi leh aniga oo jiifa ayaan is arkay. Intii aanan miyirka beelin dhulka ayaan si qaabdaran u barraaqay oo badhyaha ayaan dhulka ku hayay, markii aan miyirka beelayna inta aan gorroda soo rogay ayaan dhulka ku dhuftay madaxa. Jugtaa intaa aan dareemi lahaa oo dhan waa anigii khayaalkii badbaada ii ahaa dhex mushaxaayay. Hadda kolkii aan soo baraarugayna madaxa oo dhan baa i xanuunayay, dhafoorkan gunaad baa igaga yaallay oo xiddido buurbuuran baa gacantayda ku taabtaabanayay. <\/span><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\"><span style=\"font-weight: 400;\">Khayaalkaas aan galay waxa uu ahaa, mala awaalka badbaadada, oo qofku waxa uu maskaxdiisa ku abuura nolol qurux badan oo ta uu ku suganyahay ka wanaagsan, intii aanan si toos ah u kicin ayaan xaaladdaydii dhabta ahayd ka fekeray, halka aan jiifo iyo jiilaalka dheer ee hor jooga, dabadeed murugo wayn baa beerkayga saaqday, oo inta aan jidhka intiisa kale fidiyay oo suxulladda carrada ku mutay ayaan indhahaygii abaartu halakaysay cirka ku salladay, dayax naylaqaad ah baa dhex jiifay.<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Goor ay cadceeddu liiq tahay oo garabkeeda sidii hoos loo cadaadiyay ay madaxa qarsatay ayaan soo dhaqaaqay. Halkii aad igu ogayd iyo aqalkaygii oo aan muddo ka soo bixin baan debadda uga soo baxay goortaas. Dhulku sidii laga hayaamay ayuu ila muuqday, shanqar iyo dhaqdhaqaaq kale toona ma maqlayn.\u00a0 Meel iga durugsan ayaa carruur yaryar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":8,"featured_media":494,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[10,11],"tags":[],"class_list":["post-492","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-dhaqan","category-suugaan"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/492","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/8"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=492"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/492\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":493,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/492\/revisions\/493"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/494"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=492"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=492"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/indheergarad.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=492"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}