Itoobbiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum)

Hordhac

Noolaha Aadamuhu intii uu adduunka guudkiisa saarnaa, waxa uu ku hawlanaa oo ku jirey isbeddel xag kasta ku wajahan. Ha noqdaan isbeddeladaasi kuwo diineed, dheef la raadiyo, siyaasad, korriin caqli iyo jidh, maamul, bulsheyn, deegaamayn, aqoon yeelasho, unkidda ilbaxnimooyin iwm.  Badanka fal kasta iyo tallaabo kasta oo hore loo qaadana, waxa shardi ama tiir u ahayd dan. Dantaasi marwalba waxa ay u adeegaysaa cidda falka ama tallaabada qaadaysa. Taas oo jirta, ayaa waxa ay dantaasi horseeddaa isriix-riix bulsheed ama qofeed. Waxaana ka dasha oo ka dhambalma, kana dheehma aragtiyo iyo tabab ku cusub waayahaas. Kuwaas oo si guud ummadaha kale ee la jaalka ah ama la jaarka ah, iyo kuwa ka fogba ay qaataan aragtiyihii ka dhashay isriix-riixaas tirada badan. 

Intaas kaddib, qoraalkani waxa uu daaranyahay ayaa ah aragti kamid ah aragtiyahaas ummaduhu curiyeen, kuwaas oo ay ka faa’idaysteen ummado la jaal iyo dan ah. Haddaan hadalka saafo, waxa dulucdu ay tahay in aragtidaasi ay tahay mid ka tirsan aqoonta siyaasadda, gaar ahaan laanta deegaan-siyaasadeedka. Waxaana loogu yeedhaa “Lebansraum”. Waa aragti saameyn xooggan ku yeelatey adduunka tan iyo intii la allifay. Walow aragtidan la tibaaxo in aan si sax ah loo garanyn xilliga la curiyey, taas oo macnaheedu yahay ninka loo tiiriyo ee jarmalka ah oo magaciisu yahay Friedrich Ratzel, uusan xaqiiqo ahaan ahayn midka curiyey. Balse ay tahay aragti muddooyin badan ummadaha dunidu ka dhaqmayeen, balse isagu keliya uu horumariyey. 

Ummadaha iyo sida ay aragtidani u saamaysay walow uusan qoraalkani wada kafeyn karin, ula jeeddaduna ahayn. Balse ay tahay in dacal iyo dadyow gaar ah uun laga tilmaamo. Sidaas darteed qoraalkani waxa uu isku deyayaa isku xidhka aragtidan iyo farac kamid ah cidda ku suntan, taas oo ah dawladda Itoobiya. Sababta aan u doortey dawladda Itoobiya, ayaa waxa ay tahay in Itoobiya ay Soomaalida saameyn toos ah ku leedahay. Cidda keliya ee ay aragtidan la damacsantahay, horena ugu tijaabisayna waa Soomaalida. Sidaas darteed, waxa lama huraan ah in aan lafa gurno tab-adeegsiga dawladda Itoobiya ee aragtidan deegaan-siyaasadeed. Lana bidhaamiyo dhoohanaanta Soomaalidu ay kaga sugantahay arrintan. 

Waxa uuna qoraalkani ka koobanyahay shan qeybood. Taas oo mid walbana aynnu ku eegi doonno arrimo gaar ah. Waxa ayna kala yihiin: Qeybta Koobaad. Milicsiga Friedrich Ratzel iyo Aragtidiisa, Qeybta Labaad. Milicsiga Sooyaalka Itoobiya iyo Soomaalida Geeska Afrika, Qeybta seddexaad. Guumeystihii Reer Yurub iyo Geeska Afrika, Qeybta Afraad. Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo Itoobiya, Qeybta Shanaad. Meles Senawi Asress iyo Itoobiyada Cusub.

Qeybta 1aad: Milicsiga Friedrich Ratzel iyo Aragtidiisa (Lebansraum)

Friedrich Ratzel waxa uu ahaa juquraafiyahan iyo daraaseeye bulsheed(Ethnographer) jarmal ah. Waxa uu noolaa intii u dhaxeysay(1844-1904). Waxa uu ku dhashay 30-kii, Ogoosto 1844-kii magaalada Karlsruhe, Baden oo ahayd imbiraadooriyaddii Koonfur-Galbeed Jarmalka. Maantana ah Ismaamul Goboleedka Baden-Wurttumberg ee dalka Jarmalka. Waxa uu dhintay 9-kii, Ogoosto 1904-tii. Waxbarasho ahaan waxa uu bartey ugu horreyntii aqoonta Baayoolajiga, gaar ahaan laanta lagu daraaseeyo xayawaanka ee loo yaqaan “Zoology”. Balse markii dambe waa uu ka tagey, waxa uuna noqday Juquraafiyahan. Waxa uuna sannadkii 1875-kii noqday macallin juquraafiga ka dhiga jaamacadda Munich ee dalka Jarmalka. Halkaas oo uu ka ahaa Barafasoor caawiye, kaddibna sannadkii 1880-kii ayuu si buuxda u noqday Barafasoor kamid ah Jaamacaddaas. 

Friedrich waa mid kamid ah dadkii saameynta xooggan ku lahaa waqtigaas, gaar ahaan waddankiisa Jarmalka. Waxa aad u saameeyey baayoolajiyahannadii Darwin iyo Xayawaan-aqoonkii Ernst Heinrich. Waxa ayna taasi horseedday in uu isku lifaaqo ama isku dhafo aragtiyihii aqoonta baayoolajiga iyo kuwi juquraafiga. Halkaasna ay ka dhalato aragti deegaan-siyaasadeed oo ku dhisan aragtiyihii keynta ee isfidinta iyo guumeysiga. Kuwaas oo aan kala lahayn xad, xeer iyo xakame toona. Friedrich waxa uu qorey maqaallo iyo buggaag, waxaana kamid ah buggaagtiisa midka uu ugu magac darey “The History of Mankind” oo dhowr mug(Volume) lagu daabacay. Iyo sidoo kale “Anthrogeographie” iyo kuwo kale.

Sannaddii 1897-kii ayaa uu allifay aragtidan uu ugu magac darey “Lebansraum” oo asal ahaan weedh Af-Jarmal ah. Macnaheeduna yahay “Living Space” ama “Meel Bannaan/Meel lagu noolaado”. Aragtidan oo ka kooban siyaasado iyo tijaabooyin ku salaysan waxa loogu yeedho “Settler Colonialism” ama deegaan-beddelka bulshada la guumeystay. Waxa ayna tahay in dhulka iyo dadka la guumeysto la doorriyo, oo dad qalaad lagu beero goobtaas. Waxaana siyaasaddaas faafiyey Jarmalka intii u dhaxeysay 1890-kii – 1945-kii. Aragtidan Lebansraum-ku waxa ay noqotey deegaan-siyaasadeedkii Jarmalka ee dagaalkii koobaad ee adduunka (1914-1918). Aragtidanina waa ay socotey, oo lagu dhaqmayey illaa dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka (1939-1945). 

Lebansraum waa aragti sida aynnu sheegnay ka tirsan laanta deegaan-siyaasadeedka (Geopolitics), taas oo ah aragtiyihii ugu horreeyey ee deegaan-siyaasadeed, oo adduunku qarniyo badan kusoo caano maaley. Waxa ayna tibaaxeysaa aragtidani in dawladuhu ay noolyihiin, leeyihiinna sifooyinka noolayaasha oo ay ugu horreyso sifada korriinku. Sidaas darteed, waxa lagama maarmaan ah dawladuhu in ay koraan oo dhulal iyo ummado kale ay qabsadaan, si ay u noolaadaan oo u waaraan.

Aragtidan oo ahayd midda horseedday in guumeystihii reer Yurub uu ku soo duullo dhulalka Afrika iyo Asia, iyagoo ujeedka ahaa in qowmiyadahaasi ay qabsadaan qowmiyadaha kale ee taagta daran,  si ay uga helaan wixii faa’ido ah sida: dhaqaale, khayraad iwm. Bulshooyinka la guumeysto waxaa waajib ah in la doorriyo oo qowmiyadahaas soo duulley ay u ekaadaan, sida: afka, dhaqanka, aqoonta, dawladnimada, maamulka, hab-fekerka iwm. 

Aragtida jaadkan ah, in ummaduhu ummado kale ku duulo si uu uga helo manfac iyo wixii uu u baahanyahay, kuna faafiyo oo ku doorriyo felsafaddiisa, ma aha wax la bilaabmatay guumeystaha reer Yurub iyo Friedrich Ratzel. Balse, iyagu waxa keliya ee ay ku suntanyihiin waa in aragtidii si heer sare ah u horumariyeen, kana dhigeen wax sal leh oo ka tirsan deegaan-siyaasadeedka adduunka. Halka waayadii hore ay si dadban u jirtey, dawladihii hore ee dunida soo marayna ay dhammaantood ka sinnaayeen sida: Giriiggii hore, Roomaakii hore, Faraaciintii, Ashuuriyiinta, Biisaantii, Afrikadii hore, dawladihii Muslimiinta ee Ummawiyiinta, Cabbaasiyada, Cusmaaniyada, Mamaalikta, khulafadii afata ahaa qaarkood iwm. Waxa ay ku dhaqmi jireen dawladahaa hore in ummado kale lagu duulo, la qabsado oo iyaga la hoos yimaaddo. Dhaqanka iyo sida ay noloshda u arkayaanna aad u aragtid oo ku dhaqantid. 

Waxa felsafaddan aad ugu dhaqmay una faafiyey Xisbigii Naasiga ee Jarmalka, oo ka dhigtay udub-dhexaad uu ka duullo. Isagoo xataa qorsheeyey jaantusyo tibaaxaya sida loo qabsanayo dhulal, dadna loo xasuuqi doono, dadka jarmalkana loogu beeri doono dhulkaas. Sida caadada ahaydna, dawladihii wax guumeysanayey ee reer Yurub waxa ay ka sinnaayeen badankood in bulshooyinka la guumeysto ay dhaqankooda ku faafiyaan.

Waxaana aad ugu suntanaa arrintan Faransiiska iyo Jarmalka; oo illaa maanta dadkii ay ku duulleen dhaqankoodii iyo ilbaxnimadoodii ka dhex muuqato. Balse, hadda badanka adduunka duullitaanka qowmiyad ama ummado ku duullaan dadyow kale, waa yaraatey oo ma jirto. Waxaana hadda duullaankii isu beddelay mid aragti dhaqaale, dawladeed ama ilbaxnimo. Sida labadii aragti dhaqaale ee hanti-wadaagga iyo hanti-goosadka, oo qarnigii labaatanaad ku loollamayey adduunka. 

 

_________________

Halkan kala deg qoraalka: Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *