Hordhac
Qoritaanka Af Soomaaligu waa uu ka duwan yahay dhihitaanka afka, ama waxa aynnu odhan karnaa hadalka caadiga ah iyo dhigaalku waa ay kala geddisan yihiin. Waana muhiim in bulshadu iska toosiso afka Soomaaliga dhigaalkiisa saxda ah. Maadaama aanay jirin hadda dawlad u taagan ilaalinta afka Soomaaliga, bulshadiina aanay dawlad arrinkaas u heellan sugi karin, oo afka hadalkiisa iyo dhigaalkiisuba ay nolol-maalmeed ka mid yihiin, waxa lama huraan noqotay in qof walba inta karaankiisa ah uu bulshada u soo gudbiyo wixii uu ku dhaamo ee mawdduucaas ku saabsan.
Qormadan aan ugu magac daray “Hab-Qorista Qumman ee Af Soomaaligu” ma noqon doonto tii ugu dambeysay ee aynnu kaga hadalno mawdduucan hab-qoraalka toolmoon ee afka Soomaaliga. Balse waxa ay noqon doontaa kuwii ugu horreeyey, idamka Eebbena waxaan rejayn doonaa in aan sii wado. Muhiimadda ay lee dahay in la iska toosiyo afka dhigaalkiisu waa mid aad u weyn, sida kolka aynnu hadlayno isaga qurxinno oo khaladka uga dhawrno afka, ayaa qoraalkuna u baahan yahay in laga dhawro khaladka oo la ilaaliyo xeerarkiisa iyo habka qumman ee loo qoro.
Dhibaatooyin badan oo dhinaca qoraalka afka ah ayaana ka dhex jira bulshada Soomaalida, taas oo aynnu odhan karno waxa keentay in uusan jirin nidaam waxbarasho oo xoogga saaraya afka Soomaaliga, iyo dadaal uusan xataa qofkii aan nidaamkaas helin uu ka gaabsaday ama uu dhayalsaday. Arrintaasna waxa ka dhashay in la isku dhex qaso Af Ingiriisi iyo Af Soomaali ama Af CArabi, oo magacyada loo qoro iyaga oo soomaali iyo ingiriisi labadaba isugu jira.
Waxa kale oo dhibaatooyinkaas ka mid ah iyada oo la yaryareynayo xarfaha koowaad ee qoraalku ku bilawdo, iyada oo aan la dhuganayn shaqal iyo shibbane, hadduu yahay shaqal gaab iyo shaqal dheere, ama shibbane labalaabma iyo xaaladihiisa, iyada oo aan la tix gelinayn astaamaynta qoraalka ee joogsi, hakad, jiitin, wayddiin, yaab iyo qaar kale oo badanba leh. Dabadeed qoritaankii afku waxa uu soo baxay wax jaantaa rogan ah oo isku cayn iyo bayd go’an, kaas oo jid iyo jihana aan lahayn.
Arrimahaas is biirsaday ee hagardaamada ku ah afka qoraalkiisa qumman ee toosan, ayaa igu qaadday in aan qoraalkan aan qoro. Sidoo kalena waayaha iyo xilliyada kala duwan ee aad ku dhex jirto qoraalka afka Soomaaliga, waxa kuu kordhaysa khibrad badan maalin kasta, taasina waa lama huraan oo qoraalkani ma noqon doono mid xidhan. Balse kol kasta oo wax ii kordhaanba dib ayaan u tifaftiri doonaa, ogaalka iyo wax isku biirinta aan dad iyo meel kale ka helana aan ku dari doono oo aan hagran doonin. Haddaba si qoraalku u noqdo wax toosan oo habaysan, qofkana ka daadegaya oo la iidaamay, sidoo kalena uusan qofku ugu margan oo uu si wacan u akhriyi karo, si farriinta aad sheegayso loo wada fahmo, ayaa aynnu qoraalkan kaga hadli doonnaa. Qormadan oo ka kooban shan cashar oo kala ah:
-
- Shaqallada iyo Shibbanayaasha
- Weyneynta Xarfaha
- Astaamaynta Qoraalka
Casharka Koowaad: Shaqallada iyo Shibbanayaasha
Sida guud ee aynnu ka war qabno Af Soomaaligu waxa uu ka kooban yahay lix iyo labaatan xaraf, kuwaas oo loo kala saaro laba qaybood oo kal ah: shan shaqal iyo kow iyo labaatan shibbane. Shaqalladu waa ka dhawaaq taagan ama ka dhawaaq dheer yihiin shibbanayaasha, waana sababta shaqal loo yidhi. Halka shibbanayaasha loogu tilmaamay kuwo aamusan, maadaama ay aamusan yihiin oo aanay dheerayn dhawaaq ahaan. Shaqallada shanta ahi waxay ay kala yihiin: Aa, Ee, Ii, Oo, Uu. Shibbanayaashuna waxa ay kala yihiin: Bb, Tt, Jj, Xx, KHkh, Dd, Rr, Ss, SHsh, DHdh, Cc, Gg, Ff, Qq, Kk, Ll, Mm, Nn, Ww, Hh, Yy. Waa iyagii oo waaweyn iyo iyaga oo yaryar oo aan isku xigxigsiiyay.
Shaqallada ayaa waxa ay u kala baxaan laba qaybood oo la kala dhaho shaqal gaab iyo shaqal dheer. Shaqalka gaabani waa midka aynnu kor ku soo sheegnay ee kala ah: A, E, I, O, U. Halka shaqalka dheer uu yahay AA, EE, II, OO, UU. Shaqalladu iskood macne buuxa ma samayn karaan, balse marka la raaciyo shibbane ayaa ay noqon karaan wax la fahmayo. Sidaas oo kale ayaa shibbanayaashuna aanay keligood meel u istaagi karin, una baahan yihiin shaqal raaca oo macne dhammaystiran u yeela. Tusaale ahaan:
-
- Xasan, waxa uu ka kooban yahay saddex shibbane iyo laba shaqal gaab. Haddii mid ka mid ah laga saaro wax kale ayaa uu noqonayaa, oo magacii aynnu naqaannay ma noqonayo.
- Faarax isaguna waxa uu ka kooban yahay saddex shibbane iyo laba shaqal oo mid ka mid ahi uu yahay shaqal dheere.
- Baabuur waxa uu ka kooban yahay saddex shibbane iyo laba shaqal dheere.
- Saleebaan waxa uu ka kooban yahay afar shibbane iyo saddex shaqal, oo laba ka mid ahi ay yihiin shaqal dheere.
Shibbanayaasha Labalaabma
Kolkii la hirgelinayay farta Soomaaliga waxa la ogaaday in shibbanayaasha qaarkood ay xaaladaha qaar carrab ku-dheg ama dibno ku-dheg leeyihiin, si ay u sameeyaan eray cusub ama weedh cusub. Arrintaasna waxa ka dhashay in la isla qaato shibbanayaasha labalaabma. Kuwaas oo tiradoodu ay tahay toddobo xaraf oo kala ah: B, D, R, G, L, M, N. Toddobadan xaraf mar walba ma labalaabmaan ee waa xaaladaha qaar oo ay eray ama macne cusub sameynayaan. Tusaale ahaan: Dhammaan (kulligood ama geddigood) iyo Dhamaan (caanaha cabbaan), Carab (qof Carab ah) iyo Carrab (carrabka afka), Salaan (salaanta la isku bariidiyo) iyo Sallaan (sallaanka la koro ee hawlaha lagu qabsado),
Xabad (laabta ama shafka) iyo Xabbad (xabbadda la isku rido), Abaar (macluul iyo dhibaato), Abbaar (waajihid ama food-saarid), Bide (nin dheereeya), Bidde (Nin madow), Baari (wax muddo yaallay) Baarri (qof dabacsan oo waalidka u dhego nugul), Cadey (geedka lagu cadeydo), Caddey (haweenay midabkeedu cad yahay), Curi (samee ama allif) Curri (bisadka lab), Dhilo (xoqo oo diirka ama qolofta sare ka qaad) Dhillo (naag tumatay), Galey (meel gelid) Galley (dalagga la beerto qayb ka mid ah), Qaado (wax meel ka qaadid), Qaaddo (malqacad ama fandhaal bir ka samaysan), Waran (jaad ka mid ah hubkii hore), Warran (wacaal isa siin ama xog), Saxaro (xaar), Saxarro (qashin yaryar).
Toddobadan xaraf sida looga soocayo xaaladaha ay carrab ama dibno ku-dhegga lee yihiin, waa laba siyaalood. Midda koowaadi waxa ay tahay: labada xaraf ee ‘M’ iyo ‘B’ kolka ay labalaabmayaan waxa ay ku dhegaan dibnaha ama bishimaha afka. Tusaale ahaan: Shibbane, Dhammaan, Cammuud , Jabbuuti, Itoobbiya, Lammaane, Xabbad, , Aabbe, Ubbo, Dabbaabbad, Dabbaal iwm. Halka shanta xaraf ee soo hadhay ee ‘D, R, G, L, N’ ay iyaguna kolka ay labalaabmayaan ku dhegaan dhenxaragga ama waxa afka Baayooliga loo yaqaan “Hard Plate”. Tusaale ahaan: Higgaad, Casharro, Dhigaallo, Marreexaan, Geelle, Carrab, Gardarro, Qorrax, , Sannad, Waddan, Eeddo, Carro iwm.
Midda labaad ee lagu kala soocayo waxa ay tahay: waa in eray kasta oo labalaabmaya uu ka horreeyo shaqal kana dambeeyo shaqal. Tusaale ahaan: Dhammaan, haddaad eegto (mm) waxa ka horreeya shaqal gaab, waxaana ka dambeeya shaqal dheere. Higgaad haddaad fiiriso (gg) waxa ka horreeya shaqal gaab, waxaana ka dambeeya shaqal dheere. Qorrax haddaad eegto (rr) waxa ka horreeya shaqal, waxaana ka dambeeya shaqal. Tusaalayaasha kalena waa wada sidaas oo kale.
Intaas waxa soo raaca xarafka (Y) oo isagu jirjirroole ah, kaas oo isaga oo shibbane lagu tiriyo marmar u dhaqma sidii shaqalka oo kale. Sidaad darteedna qaata sifadii shaqalka, oo kolka ay timaaddo xaalad labalaab ahi oo carrabka ay ku dhegayso la labalaabo. Tusaale ahaan: Wayddiin iyo Sheyddaan, haddaad ku dhawaaqdo waa laba weedhood oo carrab ku-dheg leh, sidaas darteed waa in la labalaabaa iyada oo laga tallaabsanayo xeerkii hore ee ahaa labalaabidda waxa u shardiya in shaqal ka horreeyo, shaqalna ka dambeeyo. Balse (Y) kasta ma ahee, iyaduna waa xaalado gooni ah oo u baahan in carrabka lagu kala sooco.
Waxa baraarujin mudan oo in la tilmaamo ay tahay kolka laga tago carrab iyo dibno ku-dhegga xarfaha labalaabma, goorma ayaa ay xarfuhu lablaabmaan? Xarafku in uu labalaabmo waxa ay timaaddaa saddex mar kuwaas oo kala ah: in uu eraygu wadar isu beddelo, tusaale ahaan: dhigaal waa keli, balse marka uu wadarta noqdo waxa uu isu beddelayaa dhigaallo. Sidaas ayuuna xarafkii u dambeeyey ee (L) u labalaabmayaa. Waxa la mid ah erayada kale ee Qoraal-Qoraallo, Wakiil-Wakiillo, Cashar-Casharro, Shaqal-Shaqallo, Buug-Buuggaag, Wadaad-Wadaaddo iwm.
Kolka labaad ee uu labalaabmaa waa marka uu magac caadi ah ku yimaaddo sida: Abbokor, Geelle, Carraale, Carre, Cabdalle, Suubban, Iiddoor, Carrabbala, Marreexaan, Sugulle, Samaalle iwm. Kolka saddexaadna waa marka uu dabada ka raaco qodob. Qodobku waa erayo tusiya sifo ahaanshiyo taas oo la isla garanayo sida: Buugga, Dawladda, Wasaaradda iwm. Eraygu markii hore waxa uu ahaa Buug balse kolkii qodobka(ga) uu dabada ka raacay waa uu labalaabmay, oo waxa uu noqday buugga oo ah mid la isla garanayo.
Qodobadu waa qayb naxwaha afka Soomaaliga ka mid ah oo lagu barto, xidhiidh ayayna la leedahay mawdduucan. Qodobadu waa toddoba kuwaas oo kala ah: ha, ga, sha, ta, ka, da iyo a. Haddii uu xarafku keliya ku dhammaado xarfaha “D” ama “G” ayaa ay qodobadu labalaabaan, sidatan oo kale: Wasaarad-Wasaraadda, Buug-Buugga, Muraayad-Muraayadda, Saacad-Saacadda, Ruug-Ruugga, Warqad-Warqadda, Shirkad-Shirkadda, Dood-Doodda, Saliid-Saliidda iwm.
Casharka Labaad: Weyneynta Xarfaha
Weyneynta xarfuhu waa qayb ka mid ah aasaaska qoraalka qumman ee loo baahan yahay in la iska toosiyo, waana meelaha ugu daran ee bulshadu ku dhibban tahay, taas oo xarfo la weyneeyana la yaryareeyo, halka kuwo yaryarna la weyneeyo. Dabadeed halkaas uu jahwareer iyo is-maan-dhaaf ka dhasho. Haddaba weyneynta xarfuhu waxa ay timaaddaa oo keliya afar goor. Midda koowaadi waxa ay tahay waa marka qoraal la bilaabayo, mar kasta oo aad qoraal bilaabayso waa lama huraan in aad weyneyso erayga xarafkiisa ugu horreeya. Tusaale ahaan:
-
- Waxaan ka imid magaalada Ceerigaabo, waxaana aan u socdaa magaalada Laascaanood.
- Aabbahay shalay buu dhintay, se waxaan jeclaan lahaa in uu muddo ila sii noolaado.
- Aniga iyo saaxiibkay Maxamed Cabdi Nuux waxaannu shalay booqannay cisbitaalka guud ee degmadayadu ay leedahay.
- Hooyaday waa Faadumo Ibraahin Xuseen, aabbahayna waa Ibraahin Cawad Faarax.
- Dugsiga aan dhigto waxa uu ku yaallaa Degmada Waaberi, balse waxa aan degganahay Degmada Wardhiigley.
Dhammaan bilawga qoraalka waxa ay ku wada bilaaban yihiin xaraf weyn. Isla sidaas oo kale ayaa la rabaa mar kasta oo aad qoraal bilaabayso in xarafka ugu horreeya uu weynaado. Marka labaad ee iyadana loo baahan yahay in aad weyneyso xarafka koowaad waa kolka aad joogsi samayso, ayaa aad dabadiisa ku bilaabaysaa xaraf weyn. Tusaale ahaan:
-
- Waxaan ku noolahay magaalada Hargeysa. Waxaan bartaa kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa.
- Berritoole waxaa ii qorshaysan in aan booqdo dugsigii sare ee aan dhammeeyey sannad ka hor., waana in aan sii raacaa saaxiibkay Jaamac Axmed Cabdi, Insha Allaah. Armuu se xanuunsadaa tolow?
- Shalay waxa aan booqasho ugu tagey adeerkay Axmed Faarax Samaalle oo ka yimid carriga Ingiriiska. Waxa uuna hadyad ahaan iigu keenay telefoon casri ah oo aad u qiimo badan.
Haddaad eegto labadan tusaale ee kor ku qoran, waxa aad arki kartaa in hadalka kasta kolka aad dhammayso ee joogsiga aad dhigto. Dabadiisa ama laynka cusub aad ku bilaabayso xaraf weyn. Isla sidas oo kale ayaa joogsi kasta dabadiisa aad ugu bilaabaysaa xaraf weyn.
Marka saddexaad waa xilliga aad qorayso magac gaar ah. Waxaana shardiya qoraalka meesha uu doono hakaga jiro magaca gaarka ahi, waa in aad weyneysaa xarafkiisa ugu horreeya mid walba. Tusaale ahaan: Iiddoor, Hawiye, Isaaq, Marreexaan. Daarood, Habar Gidir, Gabooye, Sheekhaal, Samaroon, Habar Jeclo, Habar Yoonis, Laasqoray, Burco, Garoowe, Mudug, Togdheer, Shabeellada Dhexe, Ogaadeen, Berbera, Herer, Jigjiga, Gaashaamo, Darroor, Marka, Afgooye, Baraawe. Dhammaantood waa wada magacyo gaar ah, waana in aad weyneysaa xarafkooda koowaad mar walba oo aad qorayso.
Sida oo kale, kolka aad qorayso magac gaar ah, gaar ahaan magac qofeed waa in aad magac kasta xarafkiisa koowaad aad weyneysaa tusaale ahan sidatan: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, Darwiish Sayid Maxamed Cabdalla Xasan, Darwiish Suldaan Nuur Axmed Amaan, Cabdillaahi Suldaan Timacadde, Cabdi Gahayr, Saado Cali Warsame, Xasan Aadan Samatar, Axmed Gurey, Darwiish Ismaaciil Mire, Maxamuud Axmed Cali, Cabirashiid Cali Sharma’arke, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Aadan Cabdulle Cusmaan, Sheekh Maxamed Macallin, Sheekh Cabdiqaaddir Jaylaani, Sheekh Aw Barkhadle, Janaraal Daauud Cabdullaahi Xirsi, Maxamed Siyaad Barre, Sheekh Xasan Barsame, Garaad Wiilwaal, Mataan Ciideed, Raage Ugaas, Weerar Cali-Geelle, Maxamed Aadan Caws “Yawle”, Maxamed Xaaji Ibraahin Warsame “Hadraawi”.
Dhammaan magacyadan mid kasta xaraf kiisa koowaad waa aynnu weyneynay, sidaas oo kale ayaa kuwa kalena looga tusaale qaadanayaa. Dhibaatooyinka innaga haysta dhanka magaca qoritaankiisa waxa ka mid ah: in la isku dhex qaso Af Ingiriisi iyo Af Soomaali oo loo qoro: mohamed Xaashi Dhamac Gaarriye, sayid Maxamed Aabdalla Hassan, Mohamoud axmed Cali, Sado Cali warsame, Abdilaahi Suldaan timacadde iwm. Dhammaan sidan oo dhami waa wada khalad, xarfihii loogu talo galey in la weyneeyana lama tix gelinin, laba af oo aan shaqo iyo shuqul toona isku lahaynna afka ayaa la isu geliyay.
Sidaas oo kale ayaa haddii magaca gaarka ah ee qofeed ay raacdo naanays, iyadana waa in la weyneeyaa tusaale ahaan: Cabdi-Waraabe, Maxamed-Cawl, Faarax-Shabeel, Cali-Dheereeye, Axmed-Madoobe, Jaamac-Dhooble, Maxamed-Taajir, Nuur-Dheere, Axmed-Xiito, Daahir-Dhamac, Xasan-Barawaani, Cabdiraxmaan-Tuur iwm.
Marka afraad ee xarfaha la waaweyneeyo waxa ay tahay waa xilliga uu yahay eraygu mid la soo gaabiyey oo weedh walba hal xaraf laga soo qaatay. Tusaale ahaan E.T.C, XAQSOOR, XHKS, JWXO, DHWS, JBDS, GSM, SNA, SYL, USP, NUF iwm. Dhammaan xarfahan la waaweyneeyay mid walba waxa ay u taagan tahay weedh la soo gaabiyey, taas oo haddii la furfuro noqonaysa sidatan: XAQSOOR oo u taagan Xaqiiqijinta Aayaha Qaranka Soomaalilaan Rabitaankiisa, XHKS oo u taagan Xisbiga Hanti-Wadaagga Kacaanka Soomaaliya, JWXO oo u taagan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya, DHWS oo u taagan Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM), Jabhadda Badbaadinta Dimuqraadiyadda Soomaalida (SSDF), GMS oo u taagan Golaha Soomaalida Midowday (USC). Kuwa kalena waa la mid oo wada sidaas uun.
Casharka Saddexaad: Astaamaynta Qoraalka
Astaamayntu waa calaamado loo adeegsado kala hagidda iyo kala habeynta afka dhigaalkiisa, si qoraalku u qummanaado oo u noqdo mid toolmoon. Astaamaynta qoraalku waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee hab-qoraalka qumman, taas oo qoraalku la’aantii uu noqonayo wax aan bilaw iyo dhammaad toona aan lahayn. Kaas oo macne ahaan iyo ujeeddo ahaanba aan la fahmayn waxa uu ka hadlayo ama uu ku saabsan yahay. Si qoraalku kolkaa uu u yeesho bar bilaw, bar nasasho iyo bar dhammaadba, sidoo kalena uu u yeesho hab iyo hannaan aan qofku ku indho daraandarin, oo uu ku raaxeysto qoraalka akhrintiisa waa in aad ka taxaddirtaa astaamaynta qoraalka.
Labadan tusaale u fiirso oo ka kala turjumaya qoraal bilaa astaamayn ah iyo mid astaamaysan:
Qoraalka astaan la’aanta ah: “ Waxaan ku dhashay degmada Gacanlibaax ee magaalada Hargeysa halkaas oo aan ku soo qaatay dugsigii hoose dhexe iyo sareba Dabadeed waxaan u ambabaxay dalka Itoobbiya halkaas oo aan ka bilaabay jaamacad gaar ahaan kulliyadda Injineernimada Deedna muddo afar sanno ah ka dib ayaan dhammeeyey oo aan qalin beddeshay waxaana aan shaqo ka bilaabay shirkadda dhismayaasha ee Hargeysa illaa aan ka gaadhay maamule ku-xigeenka guud ee shirkadda maalintii la igu wareejinayay xilkana maamulaha guud ee shirkaddu waxa uu igu yidhi hadal aad u qiimo badnaa oo ahaa xilku waa eed ee waa inaad is dhawrtaa daacadna u ahaataa shaqadaada oo aanad dayacin guul kale oo middan ka sarreysana wa aan kuu rejaynayaa insha Allaah halka saaxiibkay Axmed iyo qaraabadaydu igu dhiirigelinayeen weedho ay ka mid ahaayeen ha quusanin guuleyso meel fiican baad maraysaa iyo qaar kale oo badanba “
Qoraalka astaamaysan: “ Waxaan ku dhashay degmada Gacanlibaax ee magaalada Hargeysa, halkaas oo aan ku soo qaatay dugsigii hoose, dhexe iyo sareba. Dabadeed waxa aan u ambabaxay dalka Itoobiya, halkaas oo aan ka bilaabay jaamacad, gaar ahaan kulliyadda Injineernimada. Deedna muddo afar sanno ah, ka dib ayaan dhammeeyay oo aan qalin beddeshay. Waxaana aan shaqo ka bilaabay shirkadda dhismayaasha ee Hargeysa, illaa aan ka gaadhay derajada maamule ku-xigeenka guud ee shirkadda. Maalintii la igu wareejinayay xilkana, maamulaha guud ee shirkaddu waxa ii igu yidhi hadal aad u qiimo badnaa oo ahaa: ‘Xilku waa eed ee waa in aad is dhawrtaa, daacadna u ahaataa shaqadaada oo aanad dayacin, guul kale oo middan ka sarreysanaa waa aan kuu rejaynayaa, insha Allaah.’ Halka saaxiibkay Axmed iyo qaraabadaydu igu dhiirigelinayeen weedho ay ka mid ahaayeen: ‘Ha quusanin, guuleyso, meel fiican baad maraysaa iyo qaar kale oo badanba’. “
Labadan qoraal haddaad u fiirsato, oo aad is barbardhigto waa aad dareemi kartaa farqiga weyn ee u dhexeeya. Ka sare waa mid aan madax iyo minjo kala lahayn, oo isku cayn iyo bayd go’an. Halka qoraalka hoose uu yahay mid astaamaysan, habaysan oo hannaan leh, kaas oo la kala sooci karo hadallada iyo weedhahaba si qumman oo aan la isku khaldayn. Isha akhriyaysaana ay si wacan u dhuganayso, oo aanay ku daalayn lana ashqaraarayso.
Sideedabana qoraalku waa sida hadalka caadiga ah ee qofka oo kale, sida aad ugu caajisto misena nuxurka uga guuro qof iska daldalma, ayaa qoraalkana kiisa aan astaamaysnaynna loogu mirgadaa oo u nuxur beelaa. Sidaas oo kale ayaa hadalka kiisa kala saarsaaran, ee miisaaman ay dhegtu ugu riyaaqdaa iyada oo aan ka daalayn. Halka qoraalkana kiisa astaamaysan ee hannaankiisa qoraaleed la ilaaliyayna uu u akhris wacnaanayaa, oo aanay ishu ka libiqsanayn.
Haddaynu u soo gudogalno astaamaha qoraalka, waxa aynnu u kala qaadi doonnaa saddex qeybood oo kala ah: astaamaha weedhuhu ku dhammaadaan, astaamaha ku dhex qorma weedhaha dhexdooda iyo astaamo gaar ah. Astaaamaha weedhuhu ku dhammaadaan waa saddex astaan oo kala ah: joogsiga (.), wayddiin (?) iyo yaab (!). Astaamaha qoraalka dhexdiisa ah waxa ay kala yihiin: hakadka ( , ), dhibic hakadka (;), laba dhibcood (:) iyo jiitin gaaban (-). Astaamaha gaarka ahina waxa ay yihiin: Bilaha (), hamsaha (‘), qoqobka (/) kolmo ( ‘ ‘ ), laba kolmood (“ “) iyo qulqul ama dhibicdhibic ( . . . ).
Astaamaha Weedhuhu ku Dhammaadaan
- Joogsi ( . ): waa astaan la daba dhigo kolka uu hadal kasta ama jumlad kasta ay dhammaato, iyada oo macne dhammeystiran sameysay. Tusaale ahaan:
- Maxamed waxa uu ku dhashay degmada Hargeysa.
- Carraaba waxa ay ku nooshahay carriga Maraykanka.
- Sannaddii 1975-kii ayaa aan dhammeeyey Dugsiga Sare ee Sheekh.
- Saylac iyo Berbera waa magaalooyin qaddiimi ah, oo ay taariikh fac weyni ku duuggan tahay.
- Wayddiin ( ? ) : waa astaan la daba dhigo kolka ay jumladdu ku dhammaato su’aal ahaan. Tusaale ahaan:
- Xaggee ayaa aad qabanaysaa maanta?
- Waa kuma Maxamed Cali Weerar?
- Goorma ayaa uu dhashay Maxamuud Axmed Cali?
- Xiilligee ayaa ay Jabbuuti xornimada qaadatay?
- Yaab: ( ! ) Waa astaan la daba dhigo hadal kasta oo muujinaya dareen nooca uu doono ha ahaadee, sida oo kale waxa la daba dhigaa hadal aad rabto in fiiro gaar ah iyo dhug loo yeesho. Tusaale ahaan:
- Alla bahalka!
- Maygaag waxa ka soo hadhay amankaag iyo anfariir!
- Alla murugo iyo ciil badanaa!
- Cawo iyo Carraaba aad ayay u cabsanayaan caawa!
- Alla Tolaay!
Astaamaha ku dhex qorma Weedhaha Dhexdooda
Astaamahani waxa ay kala qaybiyaan erayada, odhaahda iyo weedhaha kala duwan ee qoraalku ka kooban yahay. Waana kuwa nuxurka u yeela ee kala basriya qoraalka isku sii dhex daysan.
- Hakad: ( , ) waa astaan loo adeegsado in lagu kala sooco erayada iyo weedhaha ku jira qoraalka dhexdiisa. Waxaana ay badanaa gashaa booskii ay geli lahaayeen xidhiidhiyaasha afka Soomaaligu. Tusaale ahaan:
-
- Warsame iyo Maygaag iyo Cabdi iyo Ayaan waa walaalo isku hooyo ah. KHALAD
- Warsame, Maygaag, Cabdi iyo Ayaan waa walaalo isku hooyo ah. SAX
-
- Muuse-Dheere ayaa xabbad ku dhacday oo dhaawacmay deedna waxa loo qaaday Cisbitaalka Digfeer halkaas oo lagu soo daweynayo. KHALAD
- Muuse-Dheere ayaa xabbad ku dhacday oo dhaawacmay, deedna waxa loo qaaday Cisbitaalka Digfeer, halkaas oo lagu soo daweynayo. SAX
-
- Abaartii daba-dheer ee sannaddii 1977-kii waxa aan ku noolaa magaalada Baydhabo. KHALAD
- Abaartii daba-dheer ee sannaddii 1977-kii, waxa aan ku noolaa magaalada Baydhabo. SAX
- Waxa aan ka imid magaalada Dhagaxbuur waxa aan ku degay walaalkay Cabdi. KHALAD
- Waxa aan ka imid magaalada Dhagaxbuur, waxa aan ku degay walaalkay Cabdi. Sax
- Indhawr/Dhibic Hakad: ( ; ) Astaantan waxa loo adeegsadaa in lagu kala sooco qoraal aan dhammaan, kaas oo hakadna aan u baahnayn. Waxaana ay u dhexaysaa joogsiga iyo hakadka. Sidoo kalena kolka aad in badan adeegsato astaanta hakadka, beddelkeeda iyada ayaad adeegsan kartaa. Tusaale ahaan:
-
- Waxaan ka imid Gobolka Sanaag, waxa aan u socdaa Gobolka Togdheer, halkaas oo aannu ka soo qabanayno shaqo noo taalla; si aannu xilli hore u gaadhnana waxa aannu raacnay baabuurka ugu horreeya ee baxaya.
- Cabdi ayaa isaga oo naxsan, anfariirsan oo kurbanaya waxa uu galey qolkii ay ka dhex ooyaysay Faadumo, waxa uuna ugu tagey iyada oo barooranaysa; oo dhulka isla dhaceysa.
- Sannadka 2025-ka, waxa aan u sharraxanahay Guddoomiyaha Gobolka Qorraxay, waxaana la iga soo dooranayaa Degmada Marsin; oo aan ku dhashay kuna soo barbaaray.
- Hilaaddii 1985-kii ayaa aan ku dhashay Degmada Hargeysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed, halkaas oo aan ku soo barbaaray, kuna soo qaatay yaraanteyda badankeedii; illaa aan uga hayaamay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.
- Walaalkay Cabdi Xasan-Dheere waxa u dhashay wiil, kaas oo aannu ugu magac darnay aabbo Xasan oo awoowgii ah; se dumaashideen Cosob ayaa go’aansatay in aabbaheed lagu simiyo.
- Xogdhawr/ Laba Dhibcood: ( : ) Astaantan waxa loo adeegsadaa kolka la sheegayo ama la xusayo waxyaabo badan, kuwaas oo la taxayo. Marna waxa loo adeegsadaa in lagu nuuxnuuxsado weedh ama eray aad rabto in aad sheegto. Kol kalena, waxa loo adeegsadaa in lagu kala sooco faallada qoraalka iyo hadal qof yidhi oo aad sheegayso. Tusaale ahaan:
-
- Walaaladay waxa ay kala yihiin: Maxamed, Faarax, Daauud, Maygaag, Cosob iyo Cawrla’.
- Waxaana ka mid ah dhibaatooyinka ka jira dalkeenna: Shaqo la’aan, waxbarasho xumo, caafimaad xumo iyo amni darro.
- Xaliimo iyo Xirsi kolkii ay suuqa tageen, waxa ay soo iibiyeen: Bur, baasto, saliid, khudaar iyo gaas.
- Axmed waa nin waxa keliya ee uu ka adag yahay uu yahay: hadal.
- Madaxweynihii hore lagama faa’iidin wax aan ka ahayn: musuq iyo boob.
- Cabdi Jaamac Nuux waxa uu yidhi: “Waxaan ahay geesi aan libiqsan”.
- Jiitin Gaaban: ( – ) Astaanta waxa loo adeegsadaa dhawr hab oo kala duwan, taas oo mid kastaba ay ku kordhinayso macno gaar ah. Midda koowaadi waxa ay tahay: in la isugu xidho erayo kala duwan oo dhawr ah, si kolka la isugu xidho ay u sameeyaan macno cusub. Tusaale ahaan: fac-ka-fac, waa saddex eray oo kala ah: fac, ka iyo fac. Kolkii jiitinta gaaban loo dhexaysiiyey waxa ay isku noqdeen weedh cusub. Balse haddii la kala qaado oo aan loo dhexaysiinin wax jiitin gaaban ah, waxa soo baxay macne kale. Waxa la mid ah erayada kale ee ay ka mid yihiin: fool-ka-fool, iskaa-wax-u-qabso, biyo-ku-nool, ab-ka-ab iwm.
Waxaana xusid mudan oo ay tahay in la tilmaamo, in isku xidhka noocan ahi ay abuurtay baahi ah in erayada haddii la is raaciyo ay macne aan hore looga baran yeelanayaan. Balse waxa jira erayo ka gudbay tallaabadaas, oo maanta aanay waxba tarayn isku xidhkooda iyo jiiitin u dhexaysiintooduba. Waxaana ka mid ah: Indheergarad, madaxweyne, aqoonyahan. Kuwaas oo aan maanta loo qorin baahina loo qabin in loo qoro indheer-garad, madax-weyne iyo aqoon-yahan. Waxaana horseedday in ay yihiin erayo caan baxay oo aan la qariibsanayn.
Waxa kale oo astaantan loo adeegsadaa in eray gaar ah iyo eray horgale ah la isugu sidko, si ay u yeeshaan macno cusub oo gaar ah. Kaas oo haddii la kala qaadi lahaa soo baxaya macno kale, oo khilaafsan ujeedkii loo dan lahaa. Tusaale ahaan: ku-dhegga, ku-dhimo iwm. Waxa kale oo loo adeegsan karaa marka la qorayo tirooyinka in dabada laga raaciyo, ama laba tiro la isugu xidho. Taas oo kolka aad sheegayso kun sagaal boqol iyo shantii, ama aad qorayso labaatanka bishan illaa shan iyo labataankeeda ayaan ballansannahay. Tusaale ahaan: 1905-tii, 1957-kii, 1908-dii, 20-25-ka bisha Janaayo iwm.
Ugu dambeyn, waxa kale oo loo adeegsadaa astaanta jiitinta gaaban in erayga xarfihiisa lagu kala qeybiyo, haddii uu sadarku wada qaadi waayo oo uu kaa buuxsamo, ama kaa soo yaraado. Tusaale ahaan: waxa aad qoraysay erayga oggolaansho, haddii kolka aad is tiri qor uu sadarku keliya kuu oggolaaday in aad qorto (oggol) waa in aad raacisaa astaanta jiitinta gaaban, taas oo ka dhigan eraygu ma dhamma ee waa uu sii socdaa. Waxaana uu qoritaanku noqonayaa sidatan ‘Oggol-‘ oo aad ku qorayso sadarka hore, halka ‘aansho’ aad ku qorayso sadarka dambe ama ka hooseeya ee cusub.
Astaamo Gaar ah
- Bilo/Qaanso: ( ) Astaantan oo loo yaqaan bilo, qaanso ama edeg, taas oo loo adeegsado in lagu dhex qoro weedh ama eray faahfaahinaya, turjumaya ama faallaynaya eray ka horreeya. Waxa kale oo loo adeegsadaa haddaad hadal ku darsanayso faallo kuu gaar ah, iyo haddii aad arrin aad tilmaamatay xog ku biirinayso. Tusaal ahaan:
-
- Markii aan ka imid kobtii (meeshii) aan ku dhashay, waxa aan soo maray ceelkii aan geela ka waraabin jiray.
- Faarax waa dawdar (nacas) aan weligii talo gadhoodhin.
- Gabooye macnihiisu waxa weeye kiish ay gabraaratadu (ugaadhsatadu) ku gurato fallaadhaha.
- Macallinkii xisaabtu waxa uu i siiyey imtixaankii dhaweyd dhibco hooseeya (balse xisaabta waan ku fiicnaa weligayba, ma garanyo wax khaldan!).
- Hawdku waa dhul omos (oomane) ah, taas oo ay noloshiisu adag tahay.
- Magaalada Hargeysa (caasimadda Soomaalilaan) waa meel aad u qurux badan.
- Habka ardaydeenna wax loo baro ma qummana runtii (aragti ahaantayda), waxa wacnayd in dib loogu noqdo.
Dhammaan tusaalayashaan kore, waxa aad u jeeddaa in weedh kasta oo la sheego horteeda lagu qabtay laba edeg, laguna dhex qoray weedh kale oo fasiraysa macnaha weedha hore. Habkan oo kale iyo wixii la halmaala ayaa loo adeegsadaa bilaha ama qaansooyinka.
- Xigasho/ Laba Kolmood: ( “ “ ) Astaantan oo loo yaqaanno Af Soomaali ahaan xigasho, laba kolmood, xero ama guntimo, waxa loo adeegsadaa in la dhex geliyo hadal aad soo xigatay, ama ka dhex soocan qoraalka aad xardhayso. Tusaale ahaan:
-
- Dr. Faarax Ibraahin waxa uu yidhi: “ Soomaalinimadu waa af, dhaqan, dhul iyo isir aan kala maarmin.”
- Isaga oo cadheysan, misena aan is qaban karin ayaa waxa uu ku yidhi saaxiibkii Cabdi: “Doqon baad tahay, se waan ku garan waayay oo waan kugu hodmay.”
- Maxamed-Hadraawi waxa uu yidhi: “ Hooyo waa lama huraan.”
- Cabdillaahi Suldaan Timacadde waa kii lahaa: “Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyee.”
- Darwiish Sayid Maxamed Cabdalle Xasan waa kii yidhi isaga oo ka hadlaya faraskiisii Xiin Finiin: “Waxaan xarafka diineed ahayn, igaga xeel dheere.”
- “ Hooyo ku dadaal daacadnimada, runta iyo wanaagga bulshada aad u sameyso” ayay igu tidhi hooyaday oo ila dardaarantay.
- “ Soomaalidu dawladnimada waxa ay ka aamisantahay meel wax lagu cuno” ayuu yidhi saaxiibkay Maygaag Xirsi.
- Kolmo/Guntin: ( ‘ ‘ ) Astaantan oo la mid ah ta hore ee labada kolmood ama edega, ayaa waxa loo adeegsadaa sidii laba kolmood oo kale. Taas oo haddii labada kolmood dhexdooda aad qoraal ku dhex qoraysay ay isla xigasho kale soo dhex gasho, waa in aad adeegsataa astaan. Tusaale ahaan:
-
- Maxamed Nuur waxa uu yidhi: “Soomaali baan ahay, dadna wow amar sarreeyaaye, isla sidaas oo kale ayaa Sayidkiina wuxuu yidhi: ‘ Ogaadeen haddaan ahay, dad wow amar sarreeyaaye’ .”
-
- Axmed Jaamac Xuseen waxa uu yidhi: “ Aniga iyo Nuur wax khilaaf ahi nama dhexmarin weligayo, dad walaalaa ayaanu nahay, Nuur se wuxuu yidhi: ‘Waa beentii warkaasi, weligayana waanu is dili jirnay’. “
Habkan oo kale ayaa la isu dhexgeliyaa haddii ay iska kaa soo dhexgalaan laba hadal oo xigasho ahi, waana qaabka ugu wacan ee loo kala basrin karo. Haddiii kale waa isku dhex qasmayaan, oo lama kala saari karo. Tusaalahan oo kale ayaa kuwo kalena looga qaadanayaa.
- Hamsaha: ( ‘ ) Astaantan loo yaqaan hamsaha oo afafka ingiriisiga iyo carabigu ay siyaalooyin kala duwan u adeegsadaan, ayaa afka Soomaaliga waxa loo adeegsadaa dhawr siyaalood taas oo midda ugu weyni ay tahay in lagu kala basriyo shaqallada, kuwaas oo haddii erayda qaar aan hamsada loo dhexaysiin oo la isku furo uu erayga ama weedhu ay macno beelayaan Tusaale ahaan:
-
- Waxa aan ka cabanaynaa biyo la’aan.
- Soomaalidu waxa ay u baahan tahay in ay qaadato go’aan adag, oo ku wajahan xaaladda uu ku jiro Geeska Afrika.
- Intaan Salafiyadu imanin, Soomaalidu waxa ay haystay duruqda suufiyada iyo mad’habta Shaaficiyada.
- Shaqadayda waxa aan u lee yahay waayo’aragnimo xeel dheer.
- Lo’du waa meesiyada aan dhulka hawdka ku noolaan karin.
- Qoraa Nuur Xuseen waa mid aad u allifi og sheekooyinka mala’awaalka ah.
- Murti baa tidhaa: “Naagna da’deeda ha weyddiin, ninna mushaharkii.”
Haddaad u fiirsato tusaalayaashan kore, waxa hamsadu ay kala teedday ama kala soocday laba xaraf oo haddii la isku sii dhex deyn lahaa aan la garteen macnahooda, kuwaas oo noqon lahaa sidatan: madhabta, laaan, go’aan, waayoaragnimo, malaawaalka, dada iwm.
- Qoqobka: ( / ) Astaantan waxa loo adeegsadaa in loo dhexaysiiyo labada weedhood, kuwaas oo isku macne ah. Tusaale ahaan:
-
- Maxamed iyo Daauud waa ay cabsanayaan/baqanayaan.
- Dr. Maxamed Daahir Afrax buugga/dhiganaha uu qoray ee Maana-Faay waa mid farshamaxaysan, oo si heer sare ah loo allifay.
- Waa in aynnu barannaa hab-qorista qumman/toosan ee Af Soomaaliga.
- Weligay ma arag qof kaa dhabcaalsan/bakhaylsan.
Dhammaan tusaalayaasha kore haddaad u fiirsato, waxa laba weedhood ama laba eray oo kastaba u dhexaysa astaanta qoqobka (/), taas oo ka macne ah in labada weedhood isku macne yihiin.
- Dhibic’dhibicda/Qulqul: ( . . . ) Astaantan waxa loo adeegsadaa siyaalo kala duwan, taas oo ay ka mid tahay in lagu muujiyo hadal kala go’ay, wax soo dhex galeen iwm. Waxa kale oo lagu muujiyaa hadal aad soo xigatay badh ka mid ah, halka inta dambena aad astaantan daba dhigaysid, taas oo caddeynaysa in hadalku sii socdo, balse adigu intii aad u dan lahayd waad soo xigatay. Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in kolka astaantan la adeegsanayo, waa in ay dhibcuhu ka koobnaadaan saddex, kama badan karaan kamana yaraan karaan. Sidoo kale waa in mid walba gaab yar u dhexeeyaa oo aan la isku dhejinin. Tusaale ahaan sidan oo kale: (…) se waa in loo qoraa sidatan: ( . . . ). Tusaalayaasha kale ee aynnu adeegsigeeda soo qaadan karno:
-
- Jaamac waxa uu igu yidhi isaga oo faanaya: “Weligayba dugsiga maan dhicin, waan baasi jiray kol kasta oo imtixaan nalaga qaado. Kubaddana waan ku fiicnaa, akhriskana waan ku fiicnaa, aadna waa aan u dadaali jirey. Balse Axmed . . . “
- Nebigu Maxamed scw isaga oo ka hadlaya guurka waxa uu yidhi: “Dhallinyarooy, ha guursado kiinna awooda . . . “
Hadalka inta aad u baahan tahay kolka aad soo xigato, inta kale ee aanad u baahnayn ama aan khuseynin mawdduuca aad u soo xigatey waxa aad ku muujinaysaa astaantaas dhibic’dhibicda. Isla sidaas oo kale ayaa haddii inta aanad xigashadeeda u baahnayn, haddii ay ku dhex jirto qoraalka dhexdiisa ama horraantiisa aad u adeegsanaysaa astaanta dhibic’dhibicda. Tusaale ahaan:
“Soomaalilaan waxa ay guumeystihii Ingiriiska xornimada ka qaadatay 26-kii, Juun ee sannaddii 1960-kii, waxaana calanka buluugga ah laga taagay magaalada Hargeysa, iyada oo xilligaas la qaaday heeso kala duwan oo taariikhda galey. “ Haddii hadalkan aad rabto in aad ka soo xigato xilliga xornimada iyo jumladda kale ee heesaha la qaaday sidan ayaa aad sameynaysaa:
“ Soomaalilaan waxa ay guumesytihii Ingiriiska ka qaadatay xornimada 26-kii, Juun ee sannaddii 1960-kii . . . iyada oo xilligaas la qaaday heeso kala duwan oo taariikhda galey. “
Gunaanad
Ugu dambeyn, gunaanadka iyo gebagabadu waxa ay tahay in intan aynnu soo sheegnay ay keliya tahay aasaaska afka hab-qoraalkiisa qumman. Wax badan oo in laga hadlo ay tahayna waan ka dul booday, maadaama oo qoraalkan uu aasaas yahay. Qabyo badan oo dhinaca afka hab-qoristiisa qumman ahina ay jirto, balse hadda qoraalkan kuma habboona in lagaga dhex doodo ama lagaga hadlo. Se qoraallada dambe ee isla mawdduucan hab-qorista qumman ah ayaan kaga hadli doonaa, haddii Alle idmo. Akhriste intan ay u baxsan tahay ayaana qabyadaas iyo qeybahaa kale uun fahmi kara, haddii se intan qof aan dhugan lagala hadlo qeybaha kale, waxa ay ku noqonaysaa uun jah’wareer.










Leave a Reply