Afgaanistaan waxa ay mudnaan gaar ah heshay muddadii dagaalkii qaboobaa, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee loollanka u dhexeeya quwadaha Bari iyo Galbeed. Midowgii Soofiyeeti waxa ay la ahayd in xuduud u dhaxeysa isaga iyo Boqortooyada Afgaanistaan ay la macno tahay in ay isaga raacsan tahay; ayna laga maarmaan tahay in ay taabacsanaato. Halka Mareykanku boqortooyada u arkayey meel ku habboon, dhufays dharbaaxooyin kulul lagaga dhufan karo Midowgii Soofiyeeti oo ay ood-wadaag ahaayeen. Sababo la xiriira kala aragti duwanaanshahaa, Afganistaan waxa ay noqotay bogcad lagu herdamo tan iyo lixdameeyaddii.Dabcan gacan-sarraynta waxa yeeshay midowgii soofiyeeti, dhawaanshihiisa bed ahaaneed awgeed, laakiin Mareykanku wuxuu si joogto ah isugu dayey in uu so xero-geliyo murqa-waynta siyaasadeed (uguna horreeyo boqor Maxamed Daahir Shaah).
Fikradaha Shuuciyadda ee ka socda deriska Soofiyeet, ayaa soo galay boqortooyada, waxaana unkamay xisbiyo iyo dhaqdhaqaaqyo dhinaca bidixda u janjeedha, gaar ahaan Xisbigii Dimuqraadiga Dadweynaha Afgaanistan. Iyada oo laga jawaabayo hirarka shuuciga, dhanka kale waxaa abuurmay baraarug Islaami ah; oo ay hoggaaminayaan wadaaddadu. Waxaana so baxay tiro nidaamyo islaam-siyaasi ah oo ay ka mid ahaayeen: “Dhalinta Muslimka {الشباب المسلم}” “Jamciyadda u-adeega Al-furqaan {جمعية خدام الفرقان}” iyo “Jamciyadda islaamka {جمعية الإسلامية}”.
Horraantii toddobatameeyadii, midowga soofiyeeti wuxuu dareemay in Galbeedka saameyntiisu ku baahayso qasriga boqortooyada ee Kabul. Waxayna Soofiyeetku 1973-dii taageereen afgembi militari oo uu hoggaaminayo boqorka ina adeerkiis, soddogii, isla-markaana ahaa ra’iisul wasaarihii hore waa Maxamed Daauud Khaan e. Isla markii uu afgembiyay, Maxamed Daauud wuxuu ku dhawaaqay aasaasidda Jamhuuriyadda Afgaanistaan, isuna magacaabay madaxweynaheeda, laakiin arrimahu ma xasilin. Khilaaafaadka u dhexeeya xulafada Soofiyeeti ee Afgaanistaan wuxuu bilaabay inuu si dhakhso ah u korayo, wuxuuna figta u sarreysa gaadhay 1978-dii. Xisbiga Dimuqraadiga Dadweynaha Afghanistan uu hoggaamiyo Nuur Maxamed Taraqi ayaa afgembiyey Daauud waxayna xasuuq ba’an ku qudh-gooyeen isaga iyo 17 xubnood oo qoyskiisa ah.
Taraqi waxa uu noqday guddoomiyaha Golaha Kacaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, wuxuuna qabtay in badan oo “dib-u-habeynada Maarkisiyada” ah taas oo horseeday qanacsanaanta bulshada afgaanistaan, sida barnaamijka dib u habeynta beeraha; se dib u habeynada kale ee la xiriira haweenka, qabiilada iyo arrimaha bulshada waxaa loo arkay in ay lidku yihiin Islaamka, caadooyinka iyo asal-raacii bulshada. Waxaana ka curtay saluug bulsho oo lagaga hortagey gacan bir ah. 18 bilood oo Taraqi xilka hayey waxaa xabsiga loo taxaabay 12,000 oo mucaarad ah!
Kaalintii kacdoonka hantiwadaagnimadu waxa uu tabaraystay muddadii Daauud iyo Taraqi, waxa ayna cadaadis saareen Islaamiyiinta, taas oo sababtay in kumannaan u qaxaan dalka deriska la ah ee Pakistan. Kobtaasna ka bilaabeen inay is abaabulaan iyagoo taageero ka helaya Mareykanka, Sacuudi Carabiya iyo Shiinaha (oo xilligaa khilaaf kala dhaxeeyey midowga soofiyeet).
Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga dadweynaha Afgaanistaan ma ayna ahayn kuwo isku duuban, waxayna u kala dhantaalmeen labo garab oo kala ah “Khalq” iyo “Barsham”. Tartan adag ayaa ka dhex aloosnaa; bal e wuxuu loollan ka dhex jiray hoggaamiyayaasha hal garab.Taas oo horseeday in Xafidullah Amiin oo ahaa Ra’iisul wasaare ku-xigeen iyo hoggaamiyaha khalq, uu bishii Sebtember 1979-kii afgembiyo isla jeerkaana birta ka aslo Nuur Maxamed Taraqi.
Xafidullah ma uu nagaan wax ka badan seddex bilood! 27-kii Diseembar 1979-kii Midowga Soofiyeet wuxuu si dhakhso leh u diray koox ciidan ah oo guluf ku qaaday qasriga “Dar Aman” ee Kabul, waxayna dileen Xafidullah Amiin, iyadoo lagu tuhmay in uu si xodxodasho ah Maraykanka kala xaajooday arrimo ku saabsan isku xidh ciidan [Afghanistan iyo USA]. Maalin kadib dilkii Amiin, Madaxweynaha Soofiyeeti Leonid Brezhnev waxa uu ku wargeliyey dhiggiisa Mareykanka Jimmy Carter in ciidamada soofiyeetku ay galeen Afghanistan si loo xaqiijiyo badqabka waddanka. Bilowgii 1980-kii Midowgii Soofiyeeti wuxuu magacaabay dowlad isaga u daacad ah oo uu hoggaaminayo Babrak Karmal.
Mujaahidiintii Afgaanistaan
Soofiyeetku waxa ay Afgaanistaan ku daabuleen ilaa 100,000 oo askari. Ciidanka Afgaanistan ee hoos imaada dowladda shuuciga ahna waxay ku dhawaaqeen in ay taageerayaan ciidamada shisheeye. Dhinaca kale, xooggaga lidka ku ah shuuciyadda, gaar ahaan Islaamiyiintu waxay diideen joogitaanka Soofiyeetka ee carriga Afgaanistan. Waxayna u arkeen joogistiisa ku dhawaaqista dhiilo colaadeed, wayna ahayd.
Waxa abuurmay kooxo badan oo iska caabin ah, badankoodu waxay ahaayeen islaamiyiin Pakistaan saldhigyo ku leh. Waxaana ka mid ahaa: toddoba kooxood oo loo bixiyey “Is-bahaysiga Nidaamyada Toddobada”, “Midowga Islamiga ee Mujaahidiinta Afgaanistaan” iyo “Ururka Mujaahidiinta Afgaanistaan”. Waxayna qayb libaax ka heleen taageeradii Mareykanka iyo Galbeedka oo ay bixinaysay hay’adda sirdoonka Pakistan.
-
Xisbiga Islaamka – Jabhadda Qalbuddiin Xikmatiyaar
Xikmatiyaar wuxuu aasaasay “Xisbiga Islaamiga” ah sanadkii 1976-kii, ka gadaal markii muran ku saabsan saami qaybsiga ka dhex dhacay Ururka Jamciyadda Islaamka. Xisbiga waxaa lagu tiriyaa fikir [ideology] ahaana dhinaca Salafiyada jihad-doonka ah ee dabeecadda maxalliga ah leh. Taas oo laga so dheegay fahanka (cabbirka) qabaa’ilka, gobolka iyo danaha siyaasadeed. Mawlu Maxamad Yunus Khalis ayaa ku biirey xisbiga Xikmatiyaar xilligii uu curdanka ahaa, se markiiba way is maandhaafeen. Isagu [Xikmatiyar] waxa uu ku naaloonayey xiriir adag misane dhow oo uu la lahaa xubno ka tirsan sirdoonka Pakistan. Isagoo ka helay taageero xoogan oo u oggolaatay in uu kooxdiisa usoo jiido dagaalyahanno badan iyo inuu kaalin la mahadiyey ka qaato dagaalka ka dhanka ah Soofiyeetka.
-
Xisbiga Islaamiga ah – Jabhaddii Mawlu Maxamad Yunus Khalis (Dhintey 2006)
Jabhadda khalis waxay ahayd mid aad uga xeel dheer isla markaana xagjir ah marka loo eego ta Xikmatiyaar, se waxay kaga liidatay dhanka socodsiinta siyaasadda. Waxay kaloo ahayd mid si adag uga soo horjeedda Shiicada. Bilowgii dagaalka Soofiyeetka, Jabhaddu waxay awood u yeelatay inay soo jiidato arday ka qalin jabisay dugsiyada diiniga iyo kuwo badan oo ciidamadii baxsaday ka mid ahaa.
-
Jamciyadda Islaamka – Burhanuddin Rabani (la dilay 2011) iyo Axmad Mascuud Shah (la dilay 2001)
Jamciyadda Islaamka waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu da’da weyn ee Afgaanistaan laga alkumay. Waxaana la aasaasay gugii 1969-kii oo ahayd xilligii Boqor Maxamed Daahir Shaah. Burhanuddin Rabani ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha ururka sanadii 1972-kii. Kadib kolkii ciidamada cas (Soofiyeetka) soo galeen Afgaanistan, Rabani wuxuu u baxsaday Pakistan, xisbigiina wuxuu u rogay Qawlaysato hubaysan si uu iskaga caabiyo ciidamada Cas. Axmed Shaah Mascuud wuxuu ka mid ahaa haldoorrada ugu caansan millatariga Ururka Islaamka iyo Afgaanistanba. Waxaana lagu naanaysi jiray ‘Libaaxii Banjashiir’; kadib kolkii uu ku guuleystey isaga iyo dagaalyahannadiisu in ay soofiyeetka dagaal lagu hoobtay kula galaan gosha Banjashiir, iyagoo khasaare ballaaran gaarsiiyay ciidamadii cas oo ay ka dileen 500 oo askari.
-
Midowga Islaamiga Xoreynta Afgaanistaan – Cabdul Rab Rasul Sayaaf
Sayaaf wuxuu ka mid ahaa raggii milay hore aasaasay ururrada Islaamiyiinta ee ka biyo-diidsan shuuciyadda. Waxaana arrintaas darted loo xiray xilligii Maxamad Dawuud uu xafiiska la wareegay[1973-dii]. Sayaaf wuxuu ka soo baxay xabsiyada shuuciyadda 1980-kii, wuxuuna u socdaalay Pakistan halkaas oo uu madax ka noqday Ururka Islaamiga ee Xoraynta Afghanistan, ka dibna wuxuu sii qabtay [madaxa] Midowga Islaamiga ee Mujaahidiinta Afghanistan oo ahayd dallad kulmisa mujaahidiinta afgaanistaan oo idil.
Sayaaf wuxuu ku naaloonayey xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeya caalamka gaar ahaanna Sacuudiga. Sababtaas darted ayey in badan oo mujaahidiinta Carbeed ihi ugu biireen kooxdiisa. Waxa uu hoggaamiyey weftigii Mujaahidiintii Afgaanistaan ee Shirkii Wasiirrada arrimaha Dibadda dalalka Islaamiga oo qabsoomay 1980-kii Islamabad, kii dhacay Dhaa’if 1981-dii, iyo sidoo kale kii xigay ee Niger 1982-dii. Sayaaf waxaa la guddoonsiiyey abaalmarinta caalamiga ah ee Boqor Faysal hilaadii 1985-tii, taas oo ku mutay “U-adeeggiisa Islaamka”.
-
Jabhadda Waddaniga Islaamiga ee Afgaanistan – Axmad Jaylaani (Dhintay 2017)
Jaylaani wuxuu u firdhaday Pakistan 1979-kii, wuxuuna aasaasay Jabhadda Waddaniga Islaamiga ee Afgaanistan isagoo taakulo ka helaya sirdoonka Pakistan. Jaylaani wuxuu ahaa hoggaamiye Suufi ah, wuxuuna xiriir qaraabo la lahaa boqorkii ugu dambeeyay Afgaanistan ee Maxamad Daahir Shaah. Xisbigiisu waxa uu ahaa mid isagu naqshadeeyey oo ka koobna isku dar: Suufiyo, guul-wadayaashii boqortooyada, qabqablayaal hore iyo saraakiil ka baxsaday xeryaha ciidanka. Xisbigiisu wuxuu ugu dhexdhexaadsanaa xisbiyada Islaamiga. Ha jirtee, xeelad mooyee xoog ma lahayn.
-
Kacdoonka Dhaqdhaqaaqa Islaamiga – Maxamad Nabi Muxamadi (Dhintay 2002)
Maxamad wuxuu ahaa wadaad caan ka ah Afgaanistan, wuxuu si firfircoon uga qeyb qaatay la dagaallanka shuuciyadda, isla arrintaa darteed ayuuugu biiray baarlamaankas dabshidkii 1964-kii. Afgembigii Taraqi ee 1978-dii kadib, Muxamadi waxaa lagu sandulleeyey inuu u qaxo Pakistan, halkaas uu ku aasaasay ururka “Kacdoonka Dhaqdhaqaaqa Islaamiga”; kaas oo ahaa dhaqdhaqaaqa ugu itaalka roon isla jeerkaana ugu abaabulan jihaadiyiinta Afganistaan.
Wuxuu si adag ugu lug lahaa la dagaallanka Soofiyeetka ka hor intaan ururkiisu tabar-dhigin. Si la mid ah hoggaamiyeyaasha kale ee toddobada xisbi, Maxamad Nabi Muxamadi wuxuu taageero mug iyo miisaan leh ka helay wardoonnada Pakistan. Isaga iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashaas ayaana hilaadii 1987-dii kulan la qaatay Madaxweynaha Mareykanka Ronald Reagan!
-
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Afgaanistan – Sibqatullah Mujadidi
Sibqatullah wuxuu ahaa culimada ugu milgaha culus reer Afganistaan iyo Sheekha dariiqada Naqshabandi. Sidoo kale waa ina Sheekh Fadal Cumar al-Mujdidi-kaas oo ahaa nin si weyn saameyn [togan] ugu leh gudaha Afgaanistan. Mujadidi wuxuu Afgaanistaan uga cararay dhanka Denmark kadib afgembigii Daauud ee 1973-dii. Sanadkii 1979-kii, Sibqatullah wuxuu sameeyey Jabhadda Waddaniga Xoreynta Afgaanistaan.
Mujaahidiinta Carabta ee Afgaanistan
Go’aanka Mareykanka iyo ka baqidda is ballaarinta Midowgii Soofiyeeti awgeed, dalal badan oo Carbeed ayaa siyaabo kala duwan u taageeray mujaahidiinta Afgaanistan. Dalalkaas waxa ku jirtay Masar, Iyadoo madaxwayne Maxamed Anwar Sadaat uu gurigiisa ku sooray wefti Mujaahidiin ah, dabshidkii 1980-kii. Wuxuuna ku gargaaray hub aad u tiro badan oo ay ku jiraan gantaallada “Sakr”. Sida oo kale waxa uu bilaabay toddobaad Qaran oo lagu taageerayo jihaadka dadka reer Afgaanistan. Wadaaddada Azhar waxa ay soo saareen ifto ay khiyaano ku tilmaamayan ciddii dowladda Ruushka ku caawisa joogisteeda Afgaanistaan, sidoo kale dawlad walba oo caynkaas sameysa ayey ku sheegeen mid sharci-darro ah.
Sacuudi Carabiya waxay safka hore kaga jireen dalal taageersan dagaalyahanada Afgaanistaan; iyagoo ka baqayey in saameynta Soofiyeedku soohdintooda soo gaarto. Boqortooyada ayaa boqollaal milyan oo doollar ku harqisay Mujaahidiinta, waxayna la sameysay hoggaamiyeyaashooda xiriir dhaw; kuwaa oo qaarkood ilaa maanta ay socdaan. Boqortooyadu waxay dhidibada u taagtay hay’ad taakulaysa mujaahidiinta Afgaanistaan oo madax u yahay Amiir Salmaan Bin C/casiis (Boqorka hadda). Muftiga Boqortooyada Sheekh Cabdulcasiis Bin Baas ayaa isna soo saaray fatwo uu leeyahay: “…Waqtigan ma aqaanno jihaad ka wanaagsan jihaadka Afgaanistaan ee ka dhanka ah cadowga ilaahey ee shuuciga ah…”.
Si guud dawladaha Carabta ayaa ka qayb-qaatay jihaadka Afgaanistaan, iyagoo dhiirigelinaya una fududeynaya safarka hubqaadka Carbeed ee Afgaanistan u socda, si ay ula dagaallamaan Soofiyeetka. Sida warbixinnada qaarkood qiyaasayaan tirada “mujaahidiinta Carabtu” waxay gaarayeen 4,000 oo dagaalyahan. Qulqulka dagaalyahanada Carbeed ee ku sii jeeda Afgaanistaan [si ay uga qeyb qaataan dagaalka] ayaa bilaabmay sanadkii 1982-dii, waxaana hagayey sheekha Falastiiniga ee Cabdullahi Cas-am oo yimid Afgaanistan gugii 1981-kii. Sheekhu waxa uu iskaashi la sameeyay Cabdul Rab Rasul Sayaaf iyo ardaygiisii hodanka ah ee Cusaama bin Laden. Wuxuuna aasaasey “Xafiiska Adeegyada Mujaahidiinta” si loo fududeeyo ka qaybgalka dhallinyarada Carabta ee dagaalka.
Cusaama Bin Laden oo xiiso weyn u qabay dagaalka ka dhanka ah Midowga Soofiyeet tan iyo 1979-kii, ayaa ka caawiyay macallinkiisa Casaam inuu soo jiito dhallinyarada. Tirada mujaahidiinta Carabta kororkoodu boqolaal ayuu gaadhay horraantii 1982-dii, ase markii Cusaama bin Laden uu ku biiray jiidda hore 1984-tii ayey kumannaan noqdeen. Xeryo dhawr ah ayaa la sameeyey si loogu tababaro naftood-hurayaasha, waxaana xeryahaas ka mid ahaa xerada «Sada» ee hoos tagta Xafiiska Adeegyada Mujaahidiinta iyo «Ansaar» ee uu aasaasay Cusaama Bin Laden 1986.
Magacyada Carabta caanka ah ee ku lug lahaa dagaalka Afgaanistaan waxa ka mid ah: Cabdullahi Casam, Cusaama bin Laden, hoggaamiyaha hadda ee al-Qaacida Ayman al-Dawaahiri, Aabaha ruuxiga ah ee Daacish Abu Muscab al-Sarqawi, taliyaha militariga ee al-Qaacida Abu Xafsa al-Masri, iyo mas’uul ka garabka militariga ee Kooxda Islaamiga ah ee Masar Mustafa Xamsa.
Guluf Galbadey iyo Mid Kale oo Guure Galey
Mujaahidiintii Afgaanistaan waxay adeegsan jireen xeelad dagaal oo ka dhan ah Ciidanka Cas; si dhakhso leh ayey u weeraraan, kadib waxay u firdhadaan dhulka miyiga iyo buuraha ay ciidamada Soofiyeetku awood u lahayn in ay jibaaxaan, waxayna ciidamada shisheeye ku qasbanaadeen inay tabarta isugu geeyaan magaalooyinka waaweyn halka dalka intiisa kalena ay u adeegsanayeen diyaaradaha dagaalka.
Dhanka mujaahidiinta Carabta, ka qeybgalkooda dagaalku aad ayuu u liitay. Furimaha dagaalkana [ee foodda la isku darayo] laguma arkayn wax aan boqolaal ahayn! Qaarkood Afgaanistaan gudaha uma so gelin ee waxa ay ku negaadeen gudaha Pakistan, gaar ahaan magaalada Beshawar. Dadka reer Afgaanistaan ayaa badankood u arkayey marti aan dagaalka ehel u ahayn; sida qoraaga Mareykanka ee Lawrence Wright ku sheegay dhiganihiisa “The Looming Tower: Al Qaeda and the Road to 9/11”.
Ciidamada Soofiyeet iyo raacsanyaashooda [Afgaanistaan] waxaa soo gaarey khasaare baaxad weyn oo loo aanaynayo dagaalka daba-dheeraadey ee sagaalka sitimaan daayimay (wuxuu soo afjarmay bishii Feberaayo 1989), dhimashada ciidanka cas waxay gaareysaa ilaa 15,000, halka 18,000 ay ka dhinteen ciidanka Afgaanistan ee dowlada Shuuciga ah taabacsan. Soofiyeet-ka oo ka jawaabaya guuldarrooyinkaas wuxuu si xun ula dhaqmay kooxaha Mujaahidiinta iyo taageerayaashooda. Isagoo diyaaradaha dagaalka adeegsanaya ayuu tuulooyin dhan tirtiray oo iilka ku hubsaday. Carabtii dagaalka lagu dilay se’ ilaa maanta lama yaqaan tiradooda.
Midowgii Soofiyeeti wuxuu ka huleelay Afgaanistaan hilaaddii 1989-kii, laakiin wuxuu waddanka kaga tagey dowlad uu hoggaaminayo siyaasiga ruugcaddaaga ah ee Maxammad Najibullah, kaas oo horay u haystay laanta sirdoonka booliiska. Najibullah wuxuu si farshaxannimo ku dheehan tahay ooga dabaashay is-diidooyinkii qowmiyadeed iyo mad’habeed ee ka dhex jiray kooxaha mujaahidiinta. Wuxuuna ka faa’iidaystay khilaafaadka qallafsan ee ka aloosan hoggaamiyeyaashooda, isagoo diyaarinaya xaalado munaasib u ah xilligan kala guurka ah ee uu ka dhaxlay Soofiyeetka.
Afgaanistan ayuu ka sii arriminaayey ilaa laga gaadho bishii Abriil 1992-dii, markaas oo ay afgembiyeen jeneraallo ciidamada militariga ah; kuwaas oo gashaanbuursi la samaystay kooxihii Mujaahidiinta, oo ay u oggolaadeen in ay Kabul so galaan xilkana lagu simo. Mujaahidiintu way ku heshiiyeen [bilowgii hore] wadaagista awoodda iyo qaybsashada jagooyinka, laakiin si dhakhso leh ayuu u buray heshiiskaasi. Waxaa dagaallamay hoggaamiyeyaashii jihaadiga, waxayna noqdeen dagaal-oogayaal dheef keliya daneynaya, waxay duqeeyeen Kabul waxaana ka cararay dadkii degganaa.
Isla jeerkaa xaaladdu sidaa tahay, ciidamada Taaliban ee uu hoggaaminayo Mujahid Mullah Maxammad Cumar way sii kordhayeen [tiro ahaan], waxay xasillooni ku curiyeen goobihii ay ka talinayeen isla markaana dhaqangeliyeen shareecada Islaamka [fahankooda]. Waxaa ballaartay buundooyinka iskaashi ee ay la leeyihiin sirdoonka Pakistan iyo boqortooyada Sucuudi Carabiya, ka gadaalna waxa ay bilaabeen inay la wareegaan magaalooyinka dalka midba tan xigta. Laba sanno gudahood, waxay hantiyeen caasimada Kabul iyo ku dhawaad 90% dhulka Afgaanistan. Intaas ka dibna waxa furmay weji cusub oo loollan ah.
______________________
Waxa qorey: Cabdikariim Ascad
Waxa turjumey: Cabdiqaaddir M. Axmed “Alaale”









Leave a Reply